|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Tuesday, June 7, 2005 |
Yaa cadow ku ah Jiritaanka ummadda Soomaaliyeed,
yaa Soomaaliya gaarsiiyey heerka ay maantey ka joogto marka loo eego
Dunida kale, yaa dumiyey Qaranimadii Soomaaliyeed, yaa dulliga iyo
tacaddiga badey ummadda Soomaaliyeed, ma Dowlado shisheeye ah baa ku
soo duulley Waddanka oo qabsadey, mise Dad Soomaali sheeganaya ayaa
dumiyey Qaranimadii, Gobanimadii, karaamadii iyo sharaftii ummadda
soomaaliyeed laheyd.
Qofku xornimo ayuu ku dhashaa kuna dhintaa isla
markaana xaq buu u leeyahay inuu hadlo ama wax qoro siduu doonaba ha
u soo bandhigee arragtidiisa waxa uu doonayo inuu ka hadlo, haddaba
Su aasha is weydiinta leh waxaay tahay " yaa cadow ku ah ummadda
Soomaaliyeed" ma Soomaali baa mise waa Ajenemi, markaan runta isu
sheegno waayo weliba ma laga hadlin xaqiiqada dhabta ah ee ku
wajahan " yaa cadow ku ah jiritaanka Soomaaliya".
Soomaaliya waxaa cadow ku noqdey kuwa sheeganaya
iney Soomaali yihiin laakiin ay ka maqan tahay damiir Soomaalinimo
garashaduna ka dheer tahay, si kastaba ha noqotee Shirkii dib u
heshiisiinta ee ka socdey labada sano iyo badhka Waddanka Kenya ee
lagu soo dhisey Dowladda ku meel gaarka ah, lana soo dhisey muddo
hadda laga joogo 8bilood iney weli tahay dibed joog, sababtuna ay
tahay iska hor imaad ka dhex jira kuwii laga sugayey iney dulliga
hareeyey ummadda Soomaaliyeed ka qaadaan," waxay noqotey meeshii
roobka laga sugayey ayaa ciiryaamo ka timid".
Shirarkii badnaa ee loo qabtey dib u
heshiisiintii Soomaalida laga soo bilaabo waqtigii uu bilodey
Dagaalka sokeey ama ehliga ah isla markaasna uu ugu dambeeyey kii
socdey muddada labada sano iyo badhka ah, waxaa ka qeyb galey
Nimankii hubeysannaa ee dulliga iyo tacaddiga badey ummadda
Soomaaliyeed.
Shirkii Dowlad baa lagu soo dhisey waxaana loo
bixiyey Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya, hayaddo dowli ah baa
lagu dhisey intii ka qeyb gashey way isku raacsanaayeen intooda
badan, gaar ahaan diiraddu waxaay saaran tahay Nimanka dagaal
oogayaasha ah ee dumiyey Qaranimadiim, Gobonimadii, sharaftii iyo
karaamadii ummadda Soomaaliyeed laheyd, isla markaana ay jirtey in
qab qablayaasha dagaalka ay qaar kood isu soo taageen sharaxaddii
Madaxweynenimada oo ay dhaarteen iney la shaqeynayaan cid kastoo ku
guuleysata Madaxweynenimada, kitaabka ilahayna ku dhaarteen iney
daacad ula shaqeynayaan cid kastoo ku guuleysata jagadaa.
Marka Baarlamaankii waa la dhisey, Baarlamaankii
wuxuu soo doortey Madaxweynihii, Madaxweynihii wuxuu soo sharaxey
Prime ministerkii isla markaasna Baarlamaankii wuxuu siiyey codka
kalsoonida, Primeministerkii wuxuu soo dhisey Golihii Wasiirada waa
la ansexiyey taasna.
Guddoomiyaha Baarlamaanku shaqo gooni u ah buu
leeyahay, Primeministerkuna sidoo kale , Madaxweynuhuna sidoo kale,
ma jiraan wax isku qasan waayo shaqada awood qeybsigu waa wax cad
oo la yaqaanno, maxaa keeney is qab qabsiga madaxda sare, ma ayaagan
shaqadooda aqoon mise waa jahawareer lagu tala galey in lagu fashilo,
Dowladdii loo fadhiyey waqtiga dheer, lana geliyey maal badan,
ujeedaduna aheyd sidii loo soo nooleyb lahaa Qaranimadii Soomaaliyed
ee bur burtey, taa soo sal u noqon karta in dulliga hareeyey laga
qaado ummadda Soomaaliyeed.
Soomaalidu waxay tiraahdaa " Nabaraad sugeysey
naxdin mooyee naaqus ma leh", tan na hortaalse waa ka duwan tahay
taas waayo waa nasiib darro weyn in shaqsiyaad iska caadeystaan
iyagoo dana gaar ah leh iney ka horyimaadaan tillaabo kasta oo la
isku dayo in lagu soo celiyo Qaranimadii Soomaaliyeed ee ay godka
dheer ku tuureen, markastana waxay la yimaadaan xujooyin hor leh "
Googaaleysi iyo cadale" kuwa caruurtu dheelaan iyadoo ujeedadoodu
tahay inaan la helin Dowlad soo celisa kala dambeyntii, si aan loo
soo nooleyn Qaranimadii iyo Gobonimadii ummadda Soomaaliyed laheyd
waayo kuwaa waxay u arkaan Isbaarada ay u dhigteen shacabka iyo
dulliga ay ku hayaan in haddii ay Dowlad ka dhalato Soomaaliya iney
halkaas ku weynayaan Afduubkii shacabka lagu heystey.
Shirka dhexdhexaadinta marka laga reebo hayadaha
caalamiga ah , Dowladihii ku lug lahaa wey badnaayeen waxaana ka mid
ahaa kuwa aan dariska nahay sida : Kenya, Itoobiya iyo Djibouti,
intii shirku socdey oo ah waqti dheer , Nimanka hadda ku andacoonaya
ma dooneyno safka hore ma dooneyno, maxay markii ay faraha kula
jireen Dowladahaasi dib u heshiisiintii Soomaalida u oran waayeen ma
dooneyno Dowladaha dariska nala ah iney na dhexdhexaadiyaan waayo ma
u aragno iney ka yihiin daacad dib u heshiisiinta Soomaalida oo
dhinac baan ku tirineynaa iney u jenjeeraan.
Xujo Googaa cadale waxay soo baxdey markii la
doonayey iney shaqo biloowdo Dowladdii loo soo dhisey shacabka
Soomaaliyeed si ay dulliga saaran uga qaado, waayo laba arrimoodba
waxay aheen muhiim welina yihiin kuwa aan cidna muran ka keeni karin
waayo xaqiiqada cidna ma inki karto,Nin Aqoon yahan ah baa wuxuu
yiri , haddii uunan Cilmigu aheyn wax qurxoon aniga dan ma iga heyso,
hadaba sidee ayuu Cilmigu u yahay wax qurux lagu tilmaamo waayo
waxaan qurux ku tilmaami karnaa wixii aan ku arki karno indhaheena,
ama aan taaban karno sida: Gabadhaas waa qurxoon tahay, Gurigaas
sida uu u dhisan yahay waa qurxoon yahay, Ubaxaas waa qurux badan
yahay iyo wixii la mid ah, laakiin miyaan indhaheenna ku arki karnaa
Climiga mise taaban karnaa waa maya laakiin si kale ayaan u arki
karnaa" Ninkii Aqoon yahanka ahaa wuxuu soo qaatey tusaale wuxuuna
yiri, ka soo qaad waxaan dooneynaa inaan xal u helno hal arrin ah ,
arrintaa iyada ahna waxaa lagu xallin karaa ilaa shan qaab oo kala
duwan laakiin mid kastaba waxay u tahay xal arrintaa iyada ah, isla
markaasna mid ka mid ah shanta qaab ee wax lagu xallin karo ayaa ah
midda ugu haboon uguna sax san marka loo eego afarta kale taas baa
waxaay noqotey midda ugu qurux badan , micnaha oo ah tan ugu haboon
in arrinta lagu xalliyo".
Marka in la xalliyo laba arrimoodba wey aheyd
welina tahay waa meesha ay Dowladda dibed joogga ah ay cagaha
dhiganeyso Gudaha Soomaaliya si ay biloowdo waajibaadka saaran
lagana sugayo waxa ka sugayana ay yihiin shacabka Soomaaliyeed ee
dhibaateysan iyo Caalamka oo u hurey waqti dheer iyo maal gelinba
soo dhisiddii Dowladda ku meel gaarka ah, tan kale waxaa waaye hubka
la doonayo in laga aruuriyo maleeshiyooyinka yaa loo dhiibayaa ma
Soomaali baa isu dhiibeysa oo is aaminsan mise Dad Ajenemi ah ayaa
loo dhiibayaa micnaha gacan aan Soomaali aheyn.
Markii ay soo gaartey labadaas arrimood, waxaa
soo baxay weji cusub oo ah ma dooneyno Dowladaha sarka hore, dan baa
na gala leeyahay waxaa lagu yahay duulaan Qaranimadeenii iyo
Gobanimadeenii waa nala qabsanayaa, Xamar waa caasumaddii Soomaaliya
waa la badelayaa , marka la isku soo duudubo labada arrimood ee laga
dhigey wax aan xal laga gaari karin waa sida ay Soomaalidu
tiraahdo" Baroortu Orgiga ka weyn " ama Hashu haddii ay caanaha
diideyso Maqaarka ayey meelo daldaloola ka eegtaa".
Arrinta Itoobiya waa wax la yaqaan , laakiin ma
ahan sida wax loo buunbuuninayo taas waa ma dooneyno iney Dowladdu
shaqeyso , mana dhiibeyno hubka lagu kasbadey Isbaarooyinka,
Xildhimaanimada, wasiirnimada, kuwaas waaye Codowga ummadda
Soomaaliyeed mana doonayaan in la helo kala dambeyn waa Dad caado ka
dhigtey in dulliga ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ayaga Faaiido
ugu jirto, mana ahan kuwa dareensan micnaha iyo faaiidada Dowladnimo
laadahay , Qaranimo waxa ay tahay, Gobanimo waxa ay tahay, hadda
waxaa lala yimid weji cusub oo ah waxaa lagu yahay duullaan
Qaranimadeenii iyo Gobanimadeenii, hubka ha la qaato, jahad ha la
galo, diinteena ayaa lagu yahay duullaan, maleeshiyada ha la
tababaro waa difaaca Qarannimadeena, laakiin Isbaarada ma qaadeyno
waayo Isbaaradu waxay u taallaa Beesha Hoggaamiye Kooxeedka ee ma
ahan mid ku xiran asaga, sidaas awgeed waxaa la siiyey laba beri in
ay Beeshu ka soo jawaabto, meeshii laga sugayey in la qaado
Isbaarooyinka markii shirkii loo fariistey waxa la soo saarey
madnuucidda sigaarka hurumar dheh.
Sheeko aan maqley baa waxay oraneysaa, Nin baa
waxaa la yiri ma weel daloola ayaad biyo ku dhureysaa mise Qof aan
waxba garaneyn baa wax laguugu daraa, Nin kii wuxuu ku jawaabey
intii wax la iigu dari lahaa waxaan waxba garaneyn weel daloola
ayaan biyo ku dhurayaa, waxaan maqlayaa beryahan waxaa la isu
diyaarinayaa difaaca Qaranimada iyo Gobanimada ummadda Soomaaliyeed,
laakiin su aashu waxay tahay maantey miyaan ku doodi karnaa waxaa
jira Qaranimo iyo Gobanimo Soomaaliyeed, jawaabtu waa maya marka loo
eego Qaynuunka guud ee caalamiga ah ( Public International Law)
jiritaanka Qaranimo midkuu doonoba ha ahaatee ( African , Asian ,
european, American) waxaa sal u ah Afar Astaamood haddii mid ka mid
ah ay meesha ka baxdo ma jireyso Qaranimo , sidaa awgeed Soomaaliya
maantey Astaamihii Qaranimo lagu yaqaaney iyadoo laga shidaal
qaadanayo Qaynuunka caalamiga ah ee guud, Qaranimadii Soomaaliya
waxaa dumiyey Dad wax ma garato ah oo aan garaneyn micnaha
Dowladnimo iyo Qaranimo waxa ay tahay.
Beri aan joogey Waddanka Jarmalka ayaan waxaan
tagey meel ah Cabinet Doctor, Ninka meesha hasta ayaa wuxuu fahmey
inaan ahay Somali wuxuu igu yiri waxaan tagey Soomaaliya 1980-yadii
Soomaaliya waxaay aheyd buu yiri waddan weyn oo jira laakiin maantey
Soomaaliya wax jira ma ahan, Ninka madaxa u ah Ciidamada Mareykanka
ee ka hawl laga Africa waxa ay ugu yeereen la dagaalanka
Argagixisada markuu xusayey wadamada ay ka hawl galaan wuxuu tiriyey
Magacyada wadamadaas sida : Kenya , Sudan , mase taqaan Soomaaliya
sida uu u magacaabey wuxuu yiri Somalia in Africa ma fahmi kartaa
taas micnaheeda.
Taas waxaan ula jeedaa kuwa ku andacoonaya waa
lana qabsanayaa , waxaan difaaceynaa Qaranimadii iyo Gobanimadii,
wey haboon tahay qofku inuu fahmo waaqiciga ama xaqiiqda dhabta ah
ee aan marnaba la dafiri karin, isku soo wada duuboo arrintu waxaay
taagan tahay soo celintii Qaranimadii, karamadii , sharaftii ay
laheyd ummadda Soomaaliyeed ee ma taagna waxaan difaaceynaa Qaranimo
, Gobanimo , Diinta , Dalka iyo dadka, waxay su aashu tahay ,
Soomaalidu waxay tiraahdaa " Dhurwaa baa intuu Hashii naasaha ka
gooyey , hadana ilmihii hasha Afka ka gooyey ayuu isu soo duwey si
ilmuhu u nuugo Hasha markaas buu wuxuu yiri Dhurwaagii maxay ka
nuugtaa , muxuuse ka nuugaa" war Qaranimadii adinkaa bur buriyey
Isbaarana u dhigtey ummaddii Soomaaliyeed , Dowlad kastoo la soo
dhisana ma dooneysaan iney shaqeyso , maxaa xal u ah shacab weynaha
Soomaaliyeed , xalku wuxuu ku jiraa marka shacabku garto dhibaatada
heysata iney tahay mid loo baahan yahay in xal loo helo, markii
wacdiga bushadu ka daadagto inaan qabiil xal lagu heli karin ,
Qaran iyo Qabilna ayan meel wada geli karin , dullinimaduna ay ka
timid anigaa reer hebel ah oo xukunka qabsanaya , waayo reer hebel
baa xukunka heysta ee aan ka tuurno, marka taas been bay aheyd ,
weyna arkeen kuwii aaminsanaa laab la kacaas, Nin baa wuxuu yiri"
things bad begin make them selves by ill",marka bilowgii fikraddii
xumeyd ee aheyd xukun ku qabso qabiil taas oo aan haba yaraatee
laheyn wax qorsho ama platform lagu bedelo maamulkii jirey markaas
oo lahaa hab Dowladeed dhismo iyo kala dambeyn , waxaa lagu bedeley
Isbaarooyin , dhac , boob , bililiqeysi, kufsi , xasuuq aan loo kala
soocin , caruur, haween, culimo iyo camool midna.
Yaa waaye cadowga Soomaaliya, waa kuwa aan
dooneyn marnaba in la helo kala dambeyn iyo soo celintii Qaranimadii
ummadda Soomaaliyeed laheyd, si taas loo helana ma ahan sahal waayo
waxaa jira Dad far ku tiris ah oo aan dooneyn in la soo celiyo
karaamadii iyo sharaftii ummaddu laheyd, wax kastana waxaay ka
xigaan dhimasho, xataa haddii maantey la yiraahdo addinkaa ah ama
adigaa ah , waxaay u arkayaan loogu soo hoos gabanayo oo ujeeddo
laga leeyahay, hadana waa ka badan yihiin hal iyo laba haddii la
yiraahdo iska soo doorta Madaxweynihii wadanka ma laga rajo qabo
iney isu quraan ama ku heshiiyaan waayo Madaxweyne hal qof baa noqon
kara , hadda ka hor baa waxaa jirey shirkii Cairo 1997 in shirkaas
Soomaalida loogu sameeyey Gole Madaxweynayaal ah si loo qanciyo
maadaama ayan jirin wax macquul ah oo ay isku heystaan una baabiyeen
Qaranimadoodii, marka si midba mar u noqdo Madaxweyne kuligood
dagaal oogayaashii waqtigaas jirey , hadana waa lagu kala tegey
shirkaas asaga ah.
Marka laga hadlaayo Qaynuunka caalamiga ah ee guud
, in haddii ay colaad ka dhex jirto Dowladaha deriska ah oo mid ka
mid ah loo sameynayo Ciidamo nabad ilaalin ah , in laga reebo ka
qeyb galka arrintaa iyada ah,
Midda kale yaa gaar siiyey heerkaas Soomaaliya ,
yaa dumiyey Qaranimadii, ma waxaan ku eedeynaa Ajenemi mise Soomaali
, yaa hadda diidan iney Dowladdii la soo dhisey shaqeyso, maalin
walba weji cusub oo hor leh xulufo iyo is baheysi cusub, magacyo
cusub, dhinac ku biir , dhinacna ka go aan dhammaaad laheyn, si loo
mijoxaabiyo isku dey kastoo la sameeyo.
Haddaba cadowga ummadda soomaaliyeed waa Soomaali,
waana Dad yar oo far ku tiris ah oo maalinba weji cusub la imaanaya
si aan xal loo helin, shacabkuna ugu jiro dhibtaas , maal mahan
waxaan maqleynaa in Haweenkii ku hawlanaa taakuleynta
maleeshiyooyinkii la arruurshey ujeeddo kastaba ha ka dambeysee
iney Haweeinku soo jeediyeen una soo jeediyeen Nimanka
Hoggaamiyayaasha u ah maleesiyooyinka hubeysan ma aanan idinku
taageereyn in Isbaarooyinkiina sii yaallin ee waa in la qaadaa
Isbaarooyinka , taasna waxay keentey xujo cusub oo ah cidda ay ka
go; do qaadista Isbaarooyinka ma ahan Hoggaamiye kooxeedyada ee waa
Beelaha ay ka soo jeedaan taasna waa xujadii ay hadda keeen , si
kastaba shacabka haddii ay u soo jeestaan waxa u dan ah cidna ma
Afduubi karto waana taariikh jirta oo la yaqaanno iney shacabka ka
go an tahay una istaagaan waana tusaale fiican oo looga dayan karo
hadalkii ka soo yeeray Haweenkii taakuleynayey maleeshiyooyinka la
xareeyey iney raali ku ah in ay taakuleeyaan , hadana Isbaaro loo
dhigto , waana wax ka fog caqliga Aadamiga qaas ahaan xilliga ama
waqti aan joogno.

Dadweynaha ku dhaqan Muqdisho ma waxay
sugayeen madnuucidda Sigaarka?
Kulankii ay iskugu yimaadeen Hoggaamiye
kooxeedyada hubeysan, 31/o5/o5 ee laga hadlaayey sidii loo qaadi
lahaa Isbaarooyinka shacabka loo dhigtey, isla markaasna uu
hoggaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka KU meel gaarka ah ee
Soomaaliyeed Mudane Sharif Xasan, isla markaasna la og yahay
sida xaalku u murugsan yahay is qab qabsiga ka dhaxeeya Madaxda
sare ee Dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, taa soo
shacabka Soomaaliyeed ka sugayey in laga dulqaado dulliga iyo
tacaddiga la badey.
Shirkaas asaga ah ee aan ku kor ku xusey,
Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho-na ay si gaar ah
indhaha ugu fiiqayeen Go aanka ka soo bixidoona qaas ahaanna in
Go aan laga gaaro qaadista Isbaarooyinka maadaama la wadey olole
loogu magac darey nabadeynta Caasimadda Soomaaliya si loogu soo
dabaalo nabad iyo kala dambeyn isla markaana loo arko iney tahay
Goob nabad ah oo ay Dowladdu ka hawl geli karto, maadaama loo
arko iney Muqdisho ay tahay meel ayan ka jirin nabad gelyo
Dowladduna ayan ka shaqeyn karin , taa soo keentey iney
Dowladdii u qeysantey laba qeybood oo arragtiyo kala duwan.
Shirkii asaga ahaa waxaa ka soo baxay Go
aanno waxtar leh sida in Sigaarka aan lagu cabin Goobaha shaqada
ee Dowladda, ma waxaan sugeyney in Isbaarooyinka la qaado mase
Sigaarkaa laga madnuucey Gobaha ay Dowladdu ka hawl gasho, waa
xaggee meelaha ay Dowladdu ka shaqeyso, xaggee ayey Dowladdu ku
leedahay Xaafiisyo iyo shaqaale u adeega, ma markii la keeni
waayey caqligii iyo kartidii ama daacadnimadii in la qaado
Isbaarooyinka dadka loo dhigtey ayey waxaay noqotey joojinta
Sigaarka, taa soo ah war wareeg cad oo loo jeeddo inaan cidna
diyaar u aheyn nabad iyo in la soo celiyo kala dambeyntii luntey,
waayo maalinta la qaado Isbaarooyinka waa maalinta la oran karo
rajo ayaa u bilaabatey ummadda Soomaaliyeed iyo soo celintii
Qaranimaddii , Gobanimadii, karaamadii iyo sharaftii ay laheyd
ummadda Soomaaliyeed, laakiin inta Isbaaro jirto oo dadka lagu
baadayo Qoriga caaraddiisa, marna rajo ma laga qabo in la helo
kala dambeyntii.
Waana taas midda keentey ninkii Isbaaro u
tiilley inuu ku fara adeygo waayo Isbaarooyinka waxaa lagu
kasbadey dhaqaale badan oo aan ninna kula xisaabtamin, hanti ma
guurto ah sida dhismayaashii Dowladda , airoporadii, dekadihii
haddii ay yihiin kuwa dabeeciga ah iyo kuwa kaleba, hantidii
shaqsiyaadka gaarka ah lahaa sida: guryaha, beeraha iwm., marka
ninka Isbaarada leh uu qaado ayaan dhehi karaa waxaa bilowdey
rajo nabaded iyo kala dambeyntii iney soo noqoto, sidii ayey
nabad u suurto geleysaa inta Qoriga caaraddiisa la isku baadayo,
kii Qoriga wax ku baadayeyna waa ninkaa Isbaarada dhegtey isla
markaana diidan in Soomaaliya Dowlad ka dhalato, maalin kasta
iyo waqti kasta oo la isku dayo in Soomaaliya arrinteeda xal loo
helo waa diidan yahay wuxuuna la yimaadaa marba weji cusub hadda
waxaay taagan tahay waa nala ku soo duulayaa waxaana laga soo
horjeedaa Qaranimada, Gobanimadayada iyo diinteena, dhaqankeena
, carabnimadeena iwm, ayey ku andacoonayaan isla markaasna
waxaay adeegsanayaan in la abaabulo dadka caadiga ah si ay
ujeeddooyinkooda u meel mariyaan waa farsamo cusub in dadka
caadiga la kiciyo waana kuwey u dhigteen 14 sano iyo ka badan
Isbaarooyinka lagu fuliyo Qoriga caaraddiisa.
Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar
yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|
|