|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Monday, June 13, 2005 |
DHIBAATADA HAYSATA SOOMAALIDA KU NOOL WADDANKA YEMEN
Qaybtii
1aad
Ka dib markii uu burburay qarankii
soomaaliyeed dhammaadkii sagaashankii dadkii soomaaliyeed adduunka
dacalladiisa ayey u kala firxadeen oo qof waliba meeshii uu is yiri waad
ku badbaadaysaa, nololna waad ka helaysaa ayuu wajiga saaray, ilaa qaar
ka mid ah shacabka soomaaliyeed ay naxariis ka raadsheen yuhuudda.
Soomaalidu meelihii ay adduunyada ka tageen waxaa ugu liita kuwa tagay
waddankaYemen oo aan lahayn wax daryeel caafimaad, mid guri iyo shaqo
toona Waddanka Yemen oo ka mid ah waddamada adduunka ugu faqiirsan,
uguna danbeeya xagga horumarka iyo waxbarashada ayaa waxaa loo qaybiyaa
laba qaybood oo kala ah Yementa koofureed iyo tan waqooyi; Yementa
koofureed waxaa gumaystay Ingiriiskii waxaana caasumad u ahayd Cadan,
gumaystihii kadib waxay noqotay dawlad shuuci ah oo hantiwadaagga sida
shiinaha oo kale ugu dabaqday waddankeeda, tan waqooyi waligeed ma
gumaysan gumaysigii reer yurub oo waxaa xukumi jiray Dawla Islaamiya,
waxaana ugu dambeeyey Imaam Yaxya iyo Imaam Axmed kuwaas oo ahaa niman
kasoo jeeda waddanka Turkiga ee ay ka jirtay khilaafadii Islaamka ugu
dambeysay ee cismaaniyiinta, caasimaddeeduna waxay ahayd Sanca, Waxayna
isku darsameen ka dib dadaal badan iyo cadaadis ka yimid yementa
qurbajooga ah iyo ehelada la kala qaybiyey sannadkii 1990kii bishii May
22dii, waxayna qaadatay habka xisbiyada badan (multiple party system)
waxaana doorashooyin xor ah ka dhaceen sannadkii 1993dii, natiijada
doorashada ee kuraastii baarlamaanku waxay farax galin wayday madaxdii
koofurta oo markaas ka mid ahaa dawladda midnimada qaran oo ay ka mid
ahaayeen Cali Saalim beid iyo Caddaas kadibna waxay goosteen inay ka
noqdaan waxdada ama midawga ay la midoobeen waqooyiga, kadibna waxaa
dhex maray dagaal aad u haraar sannadkii 1994tii waxaana lagu jaybiyey
reer koofureedkii, halkaasna ay waddanka dibadda uga carareen madaxdii
gooni goosadka rabtay.Waxay idaacaduhu sheegeen inay dagaalkaas ku
dhinteen ugu yaraan dad gaaraya 450 soomaali qaxooti ku ahayd xero u
dhow cadan oo ay isla soo galeen labada ciidan markay dagaalamayeen inay
qolada koofureed oo la cayrsanaayey ay gabbaad ka ama dhufays ka
dhigteen dadkii soomaalida ahaa teendhooyinkooda. Markaa haddaan u soo
laabto mawduuca cinwaankayga oo ah dhibaatada haysata soomaalida ku
nool wadanka Yemen, taas oo aan ku soo koobi karayo illaa shan (5)
qaybood.
-
Soomaalida yemen joogta oo aan lahayn cid u dooda xuquuqdooda .
-
Iyagoo la iska baado ama laaluush tiro badan looga qaato xataa
waxay xaq u leeyihiin.
-
Iyaga
oo aan loo ogolayn inay xataa siiyaan jinsiyad dadka labaatanka sano
iyo ka badan joogay waddanka, wax beecmushtar ahna aan ka sameyn
Karin waddanka gudihiisa oo magacoodu ku qoran yahay.
-
In
dawladda xataa dadka u shaqeeya ay dulmiso.
-
In qofka soomaaliga ah ee gala
xabsiyadooda ay jir dilaan askarta xataa qaarkood ku dhinteen.
I.
Soomaalida joogta waddanka yemen malaha cid u
dooda xuquuqdooda hadday ahaan lahayd mid iyaga dhexdooda ah ama dibadda
ka ah, taasina waxay keentay in aan cidina xil iska saarin ama aysan
xaqdhawrin xataa si biniaadaminimo ku jirto, waayo ma laha joornaal,
raadiyo, ama afhayeen u hadla xuquuqdooda ama dooda xuquuqdooda,
soomaalida yemen ku nool waxaa lagu hayaa midab takoor aan sinaba caadi
u ahayn, tusaale ahaan haddii la ay rabaan inay guri kiraystaan waxaa
laga qaadaa kiro laban laaban oo macneheedu yahay soomaalidu waxay
haystaan Dollar sidaa daraadeed waa in ay bixiyaan kiro dhabal ah,
baabuurta kirada ah ee taxiga waa la mid meeshuu qofka yemeniga ah ka
qaado 100 YR. qofka soomaaliga ah wuxuu ka qaadayaa 250 ama in ka badan
waana soomaalida kaliya oo aysan la wadaagin ajaanibka kale, taasina
waxaa laga arkay inay dadka soomaaliyeed yihiin HILIB BISIL oo qofkii
soo gaaraa meeshuu ka soo gaaro ka cuno.
II.
Qofka soomaaliga
ah hadduu uga baahdo laamaha dawladda mid ka mid ah wax mucaamilo ah
kama helo illaa uu lacag bixiyo, walibana uusan helin waqtigii uu u
baahnaa, haddiisan lacag bixinna waligiis indha ma ma saarayo
mucaamaladiisa oo nin baa khaanad iska gashanaaya oo haddii uu doono
dhahaaya waa luntay ama waa la xaday oo markaas ay noqonaysaa inuu mid
cusub dib u soo bilaabo haddana intii oo kale ku qaadato inuu soo
caamilo ama soo sameeyo. Waxaa dhacday in nin soomaali ah oo
shaybaariiste ah uu ka shaqeynayey tuulo ku taalla yementa waqooyi
qaybta buuralayda ah oo Sanca looga socdo 12 saacadood oo raf ah uu
baahday inuu soo samaysto warqadda oggolaansha shaqo (work permit) hal
sano ah oo ay bixiso wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada (wazaaratal
camal wa shu’uunal ijtimaaciyah), waxay ku qaadatay inuu la soo baxo
warqaddaas 6 lix bilood oo uu ka soo tagay shaqadiisii uusanna haynin
wax kale uu reerka ku masrufo, waxaa laga yaabaa kan isaga la mid ah ee
ama ciraaqiga ah ama falastiiniga ah inay ugu dhammaato saddex maalmood
ama ninka meesha iska lehi uu u soo sameeyo isagoon shaqadiisa ka tagin,
laakiin ninkaas soomaaliga ah shaqadiisii intii uu ka soo maqnaa ayaa uu
ninkii mustawsafka ama clinicga ama bukaansocod eegtada iska lahaa cid
kale keensaday, taasna waxaa u sabab ah iyadoo la yiraahdo qofka
soomaaliga lacag uusan awoodin.
III.
Yementu uma
ogola inay siiyaan dhalasho caruurta waddankooda ku dhalata iyo dadka
soomaalida ah ee ku noolaa wax ka badan labaatan sano. Dastuurkooduna
wuxuu dhigayaa qofkii waddanka ku noolaada 10 sano inuu xaq u leeyahay
inuu qaato dhalashada waddanka, laakiin waa khad warqad lagu qoray (xabrun
calaa waraq) oo macneheedu yahay waa hadal afkana laga yiri warqadna
lagu qoray laakiin aan lahayn wax camal fal ah markay noqoto dhinaca
soomaalida, xataa hadda waxaa iqaamad ku jooga dadkii soomaaliyeed ee
aabayaashood ahaayeen askartii ingiriiska oo markii horena ka faani
jiray yemenimada oo iqaamad qaadan jiray markay dawladdii soomaaliyeed
burburtayna loo diiday dhalashadii illaa ay hadda la mid yihiin kuwa
qaxootiga ku ah oo aan loo tixgalinaynin muddada dheer ee ay waddanka ku
sugnaayeen iyo inay aabayaashood waddanka u shaqeeyeen kana mid ahaa
ciidamada xoogga dalka yemen, iyo dhammaan hay’adaha kale ee dawladda,
waana yementii koofureed oo ah midda hadda laga dhawro meelaha sar sare
ee dawladda lana fogeeyo iyadoo la leeyahay waxaad tihiin dadkii damcay
inay goostaan.
IV.
Dawladda
yementu waxay dulmisaa dadka u shaqeeyaa ee ah macalimiinta iyo
dhaqaatiirta ah ee soomaalida ah. Gaar ahaan macalimiinta soomaalida ee
wax ka dhiga iskuulada yemen ma aysan qaadan wax lacag ah sannad
dugsiyeed dhan. Waxaa dhacday inay dawladda yementu ay safaaradda
soomaalida ee sanca ay ka codsatay inay u keento macalimiin soomaaliyeed
oo dhiga maaddada Englishka kuwaas oo ah sidii macalimiin ku imaanaysa
heshiis dhexmara laba dawladood oo kale ama contracts ama (MUCAAR).
Safaaradda soomaaliyeed macalimiintii waxaan maqlay inay u keentay
dawladda yemen, kuwii hore u joogayna ay qaar ku dartay, laguna
heshiiyey in ay shaqo bilaabaan macalimiinta soomaalidu, sidaana
macalimiintii shaqadii ku bilaabeen, markii la gaaray waqtigii mushahar
bixinta oo macalimiintu lacag qaadan lahaayeen ayaa macalimiintii
soomaalida waxaa loo soo qoray sidii ayadoo waddanka gudihiisa laga
qaatay, taasoo macneheedu yahay in ay qaataan RIYAAL YEMENI, iyo lacag
ka yar intii horay loogu heshiiyey, taasoo sababtay inay macalimiintii
soomaaliyeed diidaan inay qaataan lacagtaas aan waafaqsanayn heshiiskii
lagula heshiiyey ayna ku shaqo tageen. Waxaa jirta in bil kasta lagu
yiraahdo waxaa la idin siinayaa lacagtii bisha soo socota, laakiin
waxaan ogaaday waqtiga aan maqaalkan qoraayo inaysan qaadan wax lacag ah
ayna ku nool yihiin dayn ay qaadanayeen sannad dhan, illaa qaarkood
xataa dukaamadii yementu u diidaan inay siiyaan wax dayn muddada
dheeraatay awgeed anigoo u malaynaya in qaarkood maanta BAKHTIGU U
XALAAL YAHAY, taas oo ka baxsan qaanuunada adduunka jira oo dhan iyo
xuquuqul insaankaba, markaa haddii ay jiri lahayd innaba wax xuquuuq
bani aadaminimo ah ayna istaahisho dawladda yemen wax laga dacweeya
maxkamadaha caalamiga ah iyo hay’adaha u dooda xuquuqda dadka shaqeeya
iyo kuwa bani’aadamka. Markaa haddii dawladdii waxaa sameynayso maxaad
ka malayn kartaa dadka shacabka dadka soomaalida ah ee u shaqeeya, waxaa
dhacda qofka soomaaliga ah in lagu qaato ama dhaqtar ama shaybaar ama
booyaaso oo markay shaqeyso bil ama laba bilood inuu ninkii yemeniga
ahaa meesha iska lahaa uu u diido mushaharkii isagoo waliba ku
cabsiinaya waan ku xirayaa iyo wax ma taqaanid iwm.
V.
Dadka soomaalida ee ku nool waddanka yemen
wax xaq dhawr ah, xushmad iyo tixgalin bani’aadanimo midna kuma haystaan
waddanka yemen waayo dad qaxooti ah raashin la siiyo oo xeryo ku jira
maahan, wax shaqo loo ogol yahay ay ku noolaadaanna ma ahan, dalka yemen
sharci uma ogola aan ka ahayn kaar qaxooti oo taariikh uu ku dhaco leh,
hadda kay haystaan wuxuu dhacay sanadkii hore dhammaadkiisii ilaa
haddana wax loo cusbooneeyey ma jiraan, waxaa kaloo jira in askartu
yementu iska qabsadaan qofka soomaaliga ah kadibna ay lacag waydiistaan
hadday ka waayaanna iska xirta ilaa uu lacagta looga keenaayo, haddii uu
xabsiyadooda galona inay jir dilaan ay u badan tahay. Bishii hadda
dhammaatay bay ahayd markii qaar ka mid ah bogaga internetka soomaalida
ay soo qorayeen inay askarta yementu qof dumar ah oo soomaali ah koronto
ku dileen xabsiyada yementa ee magaalada sanca mid ka mid ah. Soomaalida
yemen ku nool iyo kuwa kale oo caalamka meelo badan oo ka mid ah ku nool
bay dhibaatadaas oo kale haysataa, WAANA CEELNA UMA QODNA CIDINA UMA
MAQNA, inkasta oo ay la qabaan soomaali oo dhan.
La soco qaybaha dambe oo aan kaga
hadli doonno soomaalida u tahriibta yemen ku timaadda iyo dhibaha ay la
kulmaan.
Waxaa qoray Hussein Abdi.
hussein_abdi@hotmail.com
Fariinta uu wato qoraalka sare waxay gaar u
tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|
|