|
Allgedo!
Maqaal, Monday, May 23, 2005 |
Mudane Galloway oo ka
raayey knock out-na siiyey Siinatorka Coleman!
Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
Rag aqoon la’aan!
Duqsi duul duul badan fuud
kulul ayuu ku dhacaa.
Sinatoorka beesha Minnesota
maxaa ka raacay mudanaha Bethal Green London?
Beel daaje Coleman Minnesota oo ah
siinatoor cusub sidii uu uga guulaytsay madaxweyne ku xigeenkii hore
Mondale xisbigiisa Jamhuuriga waxay ay u fidhayeen baalka si ay uga
dhigaan xidig soo baxay. Waxaa ay u dhiibeen madaxa sub-comittee of
siineetka investigataion si uu ugu soo baxo. Waxaana ay siiyeen awood
uu ku qodho warqad maxkamdeed supbeana (warrant) Dadka americanka waa
uu u yeeri kadhaa laakiin ajnabi shaqo kuma leh judisdictionkiisana
maahan
Coleman ha is yidhaahdo soo caan
bax ama ha lagaa baqo ama dunida wada qabso sidii Napoleon. waxaa uu
beryahan danbe ku dheganaa UN iyo wax uu ugu yeeeray fadeexadii UN oil
for food, gaar ahaan maskiinka Koffi Annan haddana waxaa uu uga sii
gudbay madaxda yurub.
Nasiib daro waxaa uu isku
taataabtay dagaal yahan Gallowayga UK oo aan gaban.
Coleman waxaa uu rabay inuu eeda
lacag xadidi dusha ka saaro Galloway.
Gaalloway waa inkiray Coleman
cadayn ma keenin waxaana uu u muuqday nin afka Bush ku hadlaya oo la soo
diray. Galloway sidii lagu yaqaanay masraxa waa xaday. Dunida oo dhan
oo fiirsanaysa ayuu denbigii dagaalka iyo ciraaq wixii ka dhacay iyo
wixii la xaday dusha ka saaray USA. Coleman waxaa uu ku yidhi Bush ayaa
ku isticmaalya waan ogahay. Congresska waxaa uu ku tilmaamay calyo
laqayaal iyo kuwa sameeya ficilka caruurta yar yar.
Nasiib darro dimoqraadiyiinta
maraykanka waa ka baqeen inay xaflad u dhigaan laakiin London ayaa Hero
welcome lagu siiyey. Waxaana uu sheegay inuu aqalka siinatoorada
maraykanka uu ka soo adkaaday oo uu baray si aanay arag qof isu
difaacaya hore.
Mudane Galloway waxaa uu dagaalkii
ciraaq iyo 100,000 oo ku dhimatay iyo lacagta ciraaq ee la xaday uu
dusha ka saaray america. Xataa sigaarkii Cuba mamnuuca ka ahaa america
ayuu ku buuiyey aqalka cad. Dunida oo dhan ayaa aad looga daawaday
guusha Galloway uu ka guulaystay Coleman waxayan ahayd masrax u dhigma
feerka Mike Tyson iyo Kalaay.
Siinatoor Coleman sida aan maqlay
Soomaaliya ayaan taageerayaa gaar ahaan Somali Environment ayuu taageer
ka muujiyey. Waan soo dhoweynayaa haddii uu Soomaalia wax taro laakiin
waa inuu qalad iska ilaaliyaa. Somali Environment Somali ayaa wax ka
qaban karta oo keliya. Galloway waxaa uu uga badiyey Coleman 3-0.
Taageerayaasha xisbiga
demoqraadiga america iyo dunida badankeed waa ay ku raaxeysteen guushii
Galloway iyo jabkii qabkii Coleman.
Osman Abwaan
St. Cloud, MN USA
osmanabwaan@yahoo.com
Fariinta uu wato qoraalkaan waxay u gaar tahay
qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|