|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Monday August 8, 2005 |
Anigoo ka mid ah dadka u dhashay gobolka gedo wadankana ka maqnaa mudo
ka badan 13 sano si aad ahna isugu taxalujiya inaan la socdo arimaha
wadanka soomaaliya gaar ahaan gobolkaan aan u dhashay ee Gedo, waxaana
ku tusinayaa inaan gaar ahaan gobolkaan daneeyo arimihiisa, waligay ma
galin meel kale ilaa aan isha mariyo wixii ugu danbeeyay ee ay
Gedonet ama Allgedo ka qoreen gobolka.
Waxaa farxad wayn oo aanan arag ilaa mudadaas dheer ee aann ka maqnaa
dalka ii ah inaan u hanbalyeeyo dadkayga sida niyadsamida iyo
walaalnimada ah oo ay u heshiiyeen, ilaahaybana mahad oo dhan iska leh
waxaana rabi uga baryahayaa inuusan dib danbe ugu soo celinin
shaydhaankii isku diraayay.
Nabigeenu (nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee) wuxuu yiri "haday
labo muslim ah seeftoodu kulanto naartay wada galayaan", markay
asxaabtu waydiiyeen qaatilka wax dilay garanaye muxuu yahay xaalka
maqtuulka la dilay, nabigu wuxuu ku jawaabay (nabadgalyo iyo naxariis
dushiisa ha ahaate) "asaguba waa lagala hormaray ee inuu walaalkiis
diluu rabay", markaa muslimkii baa saas la yiri ee xagee jooga
walaalkaa aad ogtahay inuu muslim yahay markii aad dhaxdiina islaysaan
ood kala jajabtaan tabarna daraysaan cid kasta oo cadawgiin ah oo aan
idiin hawooteen markaad iskuduuban tihiin baa idiin
hawoonaysa,daraawiishkii ina Cabdile Xasan oo xigmada caanka ku ahaabaa
tixgabaygiisa ka mid ahayd ku yiri "NINKII GUULDRAYSTABA NAFLUHU WAAW
GOGOBAYAANE". Ha kala tagina oo khayrka isku kaashada,
shartana kiina wada isu kaashada oo iska qabta, markii la'idinka
gardarsado oo cid idinka baxsan xaqiina wadato ha u kala tagina ee
isgarab istaaga oo siwada jir ah isaga difaaca, maxaa yeelay muslimka
qawiga ah oo diintiisa iyo karaamadiisa difaacdaa ayaa rabi agtiisa
looga jeclaan badanyahay muslinka daciifka ah oo duliga ka raali noqda
oo aan difaacin sharafkiisa, diintiisa, maalkiisa xalaasha ah, iyo
gurigiisa xalaasha ah ee uusan cina ku dulmaynin.
"Marba haduu ruuxu walaalkaa yahay gar iyo gardaba u hiili" ayuu
nabigu yiri (nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee) oo markuu
gardaran yahay ka qabo umada oo gacanta qabo oo daa dheh, markii laga
gardaranyahay oo xaqlaga watana u hiili oo garabkiisa ha banaynin.
Rabina ma jecla kuwa arlada fasahaadiya oo dhiiga xaqdarada ah ku
daadiya ama boolida ku cuna.
Arlada Rabi wuxuu dhaxalsiiyaa oo u haraya kuwa ku cibaadaysta,
camalkasta oo aad samaynaysaan Alle dartiis u sameeya, xumaanta iyo
dhiiga islaamka walaalkaa ahna Rabi dartiis uga baqa markaas baad
guulaysanaysaan, cadawgiinuna jabayaa oo uu idinka baqayaa. Kiinii
dagaal looga xaqdaran yahay ku dhintana janaduu galayaa, nafkastana
kaligeed baa la xisaabayaa walaalkaa hadii aad xaqdaro ugu hiiliso
xisaabta qiyaame walaalkay baan difaacayay kuma bixinayso, intaan lugu
xisaabin is xisaabi, Dagdagsiinyaha aan khayrka lagu dag-dagaynin
diintena way reebtay oo shaydhaanka wasfigiisa weeye.
Waligiin daganaanshaha ku dadaala oo dhulkiina si nabadgalyo ah ku jooga
xadiiska nabigeena (nabadglyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee) wuxuu
ahaa "ninkii dagaa nabadgala man sabata fasalama". Mar
haduusan qofku wax khayr shaqo ku leh ku socon lugaha talaabadooda waa
la xisaabin, maslaxo muslim diriray markaad u socotaan inaad nabadgalyo
dhex dhigtaan ku dag-daga oo khayrkoo dhan dib ha u dhigina ee ku
dagdaga.
Ilaahay inoo soo barya in dhulkeenii nabad inooga dhigo oo qurbaha iyo
dibad wareega siiba dhulalka gaaludu ku badantahay oo dadkii
Soomaaliyeed ku kala firdheen in ilaahya dhulkoodii ku soo celiyo isagoo
nabad ah. Umadda Soomaaliyeed waa dad islaam ah, walaala ah, isu
adeer, isu abti, isu sheekh iyo isu macalin diineed ah oo dhamaantood
xaq isku leh. Shaydhaanka isku diraya alha ka qabto oo maslaxad
khayr qabta ha dhax dhigo. Qaran cadaalad ah oo diinta islaamka
kor ka yeela oo cadawga islaamku ka naxo alaha dhakhso ha ugu soo saaro
Soomaali.
Ilaahay waxaan uga baryayaa Soomaali inuu tuso inaanu qabiilku diin
ahayn ee walaalnimada iyo xigtonimadu ay tahay islaamnimada. Nin walba
go'cad oo laga yaabo inuu aboorku cuno ayaa aduunyo ka raaceysa.
Maal, awlaad, casabad iyo anigaa laandheere reer fulaan ah iyo
qabiilkaygaan difaaci jiray xisaabta ayuun bay kugu saa'idiniye kan ku
faanayoo ay wax wayn la tahayow, ogow baaqiyaatu-saalixaadka ayaa la
amaanay.
Sayid Maxamed oo shiihiid ku jiray ilaa 21 sano tix tiis ah oo aan
jeclahay buu ku yiri "ANAAN LABADA DAAROOD TAN HORE DARAJO MOODEYNE......."
Mohamoud Arab
mohamoudarab@hotmail.com
Fariinta uu wato maqaalka sare waxay
gaar u tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|
|