|
Allgedo!
News, Wednesday, July 27, 2005 |
Shir ay Beesha Reer
Cismaan ku yeelatay degmada Baardheere oo ay ku doorteen gudi sare oo
qaabilsan howlaha Beeshaasi
By AXMED CUMAR
SAALIXI, Allgedo Online
BARDHERE,
Somalia - Waxaa galinkii dambe ee maanta lagu soo gabagabeeyay
degmada Baardheere shir mudo dhawr casho ah u socday Beesha Reer Cismaan
oo ka mid ah Beelaha Sade ee Gobalka Gedo. Shirkan ayaa mudadii uu
socday beeshu waxay uga hadlayeen arimo ay ka mid yihiin danaha guud ee
beeshaasi oo ka mid ah dhinacyada Nabadgaliyada, Siyaasada iyo sidii
beeshaasu ay u samaysan lahayd gudi sare oo ka shaqeeya howlaha
Beeshaasi.
Qoraal maanta loo qaybiyay
saxaafada ayaa Beeshu waxay ku soo bandhigtay waxqabadka gudiga sare oo
ay magacaabeen inay howshoodu tahay: -
1.
Ka qaybqaadashada nabadeynta Beelaha Sade iyo
Beelaha kale Soomaaliyeed ee dariska nala ah.
2.
Ku lugyeelashada arimaha siyaasada Dalka oo
hadafkanagu yahay inaan ka dhexmuuqano hogaanka Sare ee Beesha Sade iyo
tan dalkaba.
3.
Soo dhawaynta wixii loo arko in xal nabadeed lagu
gaari karo, iyadoo mudnaantana la siinayo sidii Gobalka Gedo nabad loogu
soo dabaali lahaa islamarkaan looga qaybqaadan lahaa dhismo maamul oo uu
yeesho Gobolku.
4.
Ka hortagida wixii keeni karta colaad sokeeye,
Burbur dhaqaale, mid siyaasadeed iyo Bulshaba.
5.
Abuurida iyo ka shaqaynta jawi wadanoolaansho oo
dhexmara Beelaha Sade iyo Beelaha kale ee dariska ah.
Sidoo
kale waxay beeshu baaq taageero ah u jeedisay ergooyinka ka qaybgalaya
shirka nabada ee iminka ka soconaya degmada G/haareey ee Gobalka Gedo.
Gabagabadii shirka oo Beeshan ay
ku casuumeen waxgarad kala duwan oo ka tirsan Beesha Sade ee degmada
Baardheere ayaa beeshu waxay ku soo bandhigeen go’aanadii ka soo baxay
kulankooda iyagoo isla markaana magacaabay gudi sare oo ka kooban
5 xubnood oo wakiil uga noqon doona howlaha kala duwan beeshaasi
dhinacyada Siyaasada, Nabadeynta iyo arimaha bulshada.
Xubnaha gudiga loo doortay
hogaankaasi ayaa waxay kala yihiin: -
1.
Cabdiqaadir Cismaan Jaamac
Gudoomiye
2.
Cabdirisaaq Cusmaan Dhageey G/ku
xigeen
3.
Axmed Maxamuud Dimcad Xoghayn
4.
Maxamed Cusmaan Xareed Xubin
5.
Haajir Saleemaan Yuusuf Xubin
allgedo@allgedo.com
|