HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo! News  Mon, March 14, 2005

Xaflad Balaaran oo ku saabsan ku dhawaaqida Ururka Mideynta Suxufiyiinta Gobalka Gedo ayaa maanta ka dhacday Xarunta Ururka Samafalka Wadaniga ah SADO ee Degmada Baardheere


By AXMED CUMAR SAALIXI,   Allgedo Online
 

Allgedo Online



BARDHERE, Somalia
- Xafladan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada, Golaha Odoyaasha, Siyaasiyiin, Ganacsato, Ururka Haweenka, Ururada bulshada Rayidka ah, Qaar ka mid ah wakiilada Hay’adaha samafalka iyo waxgarad kale oo ka tirsan bulshada ku dhaqan degmada Baardheere. 

Allgedo Online

Dhamaan xubnihii ka hadlay xafladan ayaa waxay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la helo saxaafad mideysan iyo warbaahin uu Gobalku yeesho, waxayna sheegeen inay si buuxda u soo dhawaynayaan talaabadan cusub ee loo qaaday dhinaca hormarinta saxaafada Gudaha iyagoo dhamaantood sheegay in arintani ay wax ka tiri doonto arimaha nabadgaliyada iyo hormarinta Gobalka. 

Xafladan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Mideynta Suxufiyinta Gobalka Gedo (Gedo Journalists consolidation body) ayaa wuxuu Ururku halkaasi ku soo bandhigay barnaamijyada iyo Ujeedooyinka oo kooban oo ahaa sidatan hoos ku qoran: - 

Hordhac 

Sida lawada ogsoonyahay dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay bur-bur baahsan oo gaaray meel walba oo ka mid ah adeegyada aasaasiga ah, waxaan ka mid ah adeegyada bur-buray warbaahinta oo ay horey u maamuli jirtay Dowladii dhexe ee Somaliya. 

Bur-burkii ka dib waxaa ka hana qaaday deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya wargeysyo madax banaan oo tayadoodu hoosayso, balse ku guuleystay inay joogteeyaan adeegii warfaafineed, kadib, waxaa bilowday ideecado FM-yo ah oo ku eg magaalada Mogadisho iyo kuwo gaaray Gobalada kale ee dalka Soomaaliya. 

Hadaba Gobalka Gedo ayaa wuxuu ka mid yahay Gobolada ugu liita xaga saxaafada, kama jiraan wax ideecado ah oo la dhagaysto iyo wargeysyo dadku ay akhristaan, mana laha Gobalka ururo xoogan oo daneeya saxaafada. Markii aan aragnay duruuftaas adag ayaa warfidiyeeno ka howlgala Gobalka Gedo iyo Aqoonyahano waxay Go’aan ku gaareen in la aas-aaso Ururka mideynta Suxufiyiinta Gobalka Gedo si loo daboolo Baahida warbaahineed ee ka taagan Gobalka Gedo.

Ururka Mideynta Suxufiyiinta Gobalka Gedo waa hay’ada warfaafineed oo madaxbanaan loona aasaasay hormarinta Suxufiyiinta Gobalka, una gudbinaysa Gobalka iyo Gobalada kale ee dalka. 

Ujeedooyinka Ururka. 

1.     Xoojinta Qaybaha kala duwan ee warbaahinta Gobalka, si aan uga qaybqaadano fidinta wararka, barnaamijyada nabada, Dimuqraadiyada, ilaalinta deegaanka iwm. 

2.     Xoojinta xoriyada Saxaafada, Suxufiyiinta iyo ka shaqaynta hormarinta xeerarka ku lug leh warfaafinta. 

3.     Kor u qaadida aqoonta iyo khibrada suxufiyiinta Gobalka iyadoo loo sameynayo tababaro gudaha iyo u raadin tababaro dibada ah. 

4.     Ururinta xogta dhabta ah ee ka jirta Gobalka ee dhinacyada siyaasada, Nabadgaliyada, Dhaqaalaha, warbaahinta, fanka iyo suugaanta iyo cilmi baaris ku saabsan xaalada nololsha Gobalka. 

5.     In Ururku uu noqdo wakiil u gudbiyo Bulshada wararka ideecadaha, wargeysyada, television-da, wakaaladaha wararka caalamiga ah iyo Bogoga internet-ka. 

6.     la sameyn xiriir iskaashi oo qotodheere wakaaladaha wararka gudaha iyo dibada xarumaha ku lug leh ama daneeya warfaafinta cilmi baaris xuquuqda aadanaha ah iyo dowlada wanaaga. 

Waxqabadka Ururka Suxufiyiinta Gobalka Gedo. 

  1. ku dadaalida sidii ideecad looga furi lahaa Degmada Baardheere iyo degmooyinka kale ee Gobalka Gedo, taasi oo aan u aragno inay wax ka tarayso barnaamijyada hormarinta  iyo nabada Gobalka oo liidata.
  1. Abuurida wargeysyo madaxbanaan oo laga akhrito dalka gudihiisa iyo dibadiisaba oo ka falooda arimaha siyaasada, Dhaqaalaha, iyo bulshada iwm.
  1. Sare u qaadida tayada wariyaasha iyo tababaro loo qabanayo wariyaasha cusub ee Degmooyinka Gobalka si loo dhiirigaliyo wariyaal cusub oo la jaanqaadi kara warbaahinta.

Hadaba waxaan diyaar u nahay cid kasta oo gacan ka gaysanaysa nagala qaybqaadanaysa arimahaasi xag talo iyo farsamo si howshan bilowga ah ay u noqoto mid taabo gasha taas oo aan u aragno mid mustaqbalka dhow aan ku guuleysan doono maadaama aan nahay kuwo 3-dii sano ee u dambaysay ku howlanaa arimaha saxaafada Gobalka ama dalka oo kuna noolaa Gobalka gudihiisa Si aan u qabano howlahaasi baaxada wayn leh islamarkaas waxtarka u leh bulshada 14-kii sano ee bur-burku ka jiray dalka.

Ururkan oo ay ku midoobeen Suxufiyiinta Gobalka Gedo oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa xubnahaasi ay iska dhexdoorteen 5-tan xubnood oo ah maamulka Ururka: -

  1. Axmed Cumar Saalixi           ……………………..        Gudoomiyaha Ururka

  2. Xasan Cabdi Keynaan            ……………………..      G/ku xigeenka Ururka

  3. Muna Axmed Shire                          …………….......    Xoghaynta

  4. Maxamed Qoriyow Xuseen (MK)…………………….. Xiriiriyaha.

  5. Cabdirashiid Cabdi Maxamed     …………………….    Q/cilmi baarista

 

Contacts:
 

E-mails: gejconbo@yahoo.com, geconbo@hotmail.com

Phone: ++25251-33348/33221 Bardera Office (Headquarter)

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com