|
Allgedo!
News, Monday, July 18, 2005 |
Wareysi ku saabsan kulan
dhawaan ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobalka Bay oo lagaga hadlayay
Sameynta Gudi u ololeeya xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed oo ay ka soo
qaybgaleen 6 Gobal oo ka mid ah Gobalada Koofurta Soomaaliya.
Wariye Axmed Cumar Saalixi
allgedo.com
Wariye
Xasan Cabdi Keynaan

Waxaa dhawaan lagu soo gabagabeeyay degmada Diinsoor ee Gobalka Bay
kulan wadatashi ah oo looga hadlayay sidii loo samayn lahaa gudi lagu
magacaabo Somali Human rights Commission.
Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen
qaar ka mid ah Ururada u dooda xuquuqda aadanaha oo fadhigoodu yahay
magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno
gaaraya 95 xubnood oo ka kala socday 6 Gobal oo ka tirsan Koonfurta
Soomaaliya oo kala ah Gedo, Bay, Bakool, J/dhexe, J/hoose iyo Sh/hoose,
iyadoo sidoo kale kulankaasi ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah
Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka jira Magaalada Mogadishu.
Xubnaha ka qaybqaadanayay kulankan
wadatashiga ah oo lagu dooranayay gudi ka kooban 14 xubnood oo matala
gudigaas loo bixiyay “Somali Human rights commission” ayaa waxaa ka mid
ahaa wariye Axmed Cumar Saalixi oo kulankan uga qaybgalay Ururka
Mideynta Suxufiyiinta Gobalka Gedo ahna tifatiraha website-ka Allgedo-online.
Hadaba waxyaabihii laga hadlayay
iyo wixii ka soo baxay waxaa noo suuragashay inaan wareysi kala yeelano
arimahaaasi Wariye Saalixi oo iminka dib ugu soo laabtay degmada
Baardheere wuxuuna wareysigii u dhacay sidatan: -
Su’aal:
Ugu horeyntii waxaad warbixin kooban naga siisaa waxyaabihii kulankaasi
looga hadlay
Saalixi:
Keynaan hadii aan kaaga waramo kulanka wuxuu ahaa mid looga arinsanayay
sidii loo samayn lahaa gudi ay ku mideysan yihiin Ururada bulshada
rayidka ah gaar ahaa kuwa u dooda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliyeed,
kulankan wuxuu dabajoogay kulamo horey loogu soo qabtay magaalooyinka
Mogadisho, Gaalkacyo iyo Boosaaso waxaana lagu sameeyay shirkan gudi ka
kooban 14 xubnood oo laga soo xulay xubnihii ka kala socday 6 da Gobal
kuwaas oo gundhig u noqon doona Somaali Human rights Commission oo shir
kale oo dhawaan la filayo inuu ka furmo magaalada Mogadisho lagu
dhamaystiri doono dhismaha Commission kan.
Su’aal:
Yaa maalgaliyay islamarkaana soo qaban-qaabiyay kulankan?
Saalixi:
Kulankan oo soconayay mudo labo maalmood ah waxaa soo qaban-qaabiyay
hay’ada lagu kala magacaabo ISHA Human rights oo fadhigeedu yahay
magaalada Baydhabo iyo Ururka Samafalka wadaniga ah ee marka la soo
gaabiyo loo yaqaan CASINA oo isna fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo,
iyadoo kharashka ku baxay kulankana ay bixisay Hay’ada Caalamiga ah ee
NOVIB Netherland.
Su’aal:
Maxaa ka soo baxay gabagabadii kulanka aad ka qaybgasheen?
Saalixi:
Horta muhiimadu waxay ahayd in la doorto gudi 14 ah oo laga dhex
xulanayay 7 gudi oo la isku qaybiyay kuwaas oo ka kala socday ururada u
ololeeya xuquuqda Aadanaha, Ururada Samafalka wadaniga ah, Saxaafada,
Ururada Haweenka, Ururada Dhalinyarada iyo aqoonyahanada iyadoo gudi
walbana laga doonayay inay ka soo baxaan labo qof oo mid ay tahay
haweeneey doorashadaasina si habsami leh ayay ku dhacday.
Su’aal:
Xubnihiini ka socday Gobalka Gedo imisa xubnood ayaa ka mid noqotay
gudigaasi 14 ka xubnood ah ee la iska dhexdoortay?
Saalixi:
Waxaan ku soconay 6 xubnood oo aan kaga qaybgalnay shirka, waxaana ka
mid noqday gudiga 3 xubnood oo kala ah anigoo qofkii koowaad noqday 2
dii qof ee laga rabay 6 Gobal dhinaca saxaafada iyo Aadan Xasan Barre oo
ka socday Ururka SADO iyo Gabar ka socotay Ururka Dhaliyarada Gobalka
Gedo oo lagu magacaabo Deeqo Xuseen. Run ahaan tiina waxaa muujinay
firficoon iyo dadaal dheeraad ah waxaan kulanka ka qaadanay door muhiim
ah.
Su’aal: Su’aasha ugu
dambaysa ee aan ku waydiinayo waxay tahay waa sidee xaalada Guud ee
degmada Diinsoor?
Saalixi:
Degmada diinsoor hada way degantahay inkastoo dhawaan ay dagaalo ka
dhaceen qaar ka mid ah tuulooyin hoosyimaada degmadaasi, hadana
indhahaygu ma qaban wax dareen colaadeed ah oo ka jira deegaankaasi,
degmadana waxaa ka dhisan maamul degmo oo ay bulshadaasi iska
dhexdoorteen, waxaan deegaankaasi ka howlgala qaar ka mid ah NGO –yada
caalamiga ah oo run ahaantii howlo badan ka qabtay dhinacyada
caafimaadka, Beeraha iyo xoolaha, waxana degan labo shirkadood oo xaga
telephone-ada ah oo kala ah Nationlink iyo Hormuud, dhinac kaliya oo ay
ka liidatay ayaa ahaa xaga waxbarashada.
Su’aal:
Mahadsanid Saalixi
Saalixi:
Adiga ayaa mudan.
Waxaa wareysigan diyaariyay: -
Wariye: Xasan Cabdi
Keynaan
Baardheere, Somalia.
allgedo@allgedo.com
|