HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  News,  Tuesday,  June 14,  2005

Haddii aadan tashan waa laguu talin!!

"Nin Dhirbaaxo Quudheed dugsaday Dhaqayadeed maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide"
Cali Dhuux Aadan  

"Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin Dharagu xaareene
Haddaad dhimato geeridu mar bay nolosha dhaantaaye"
Salaan Carabey
 

Ma dheereyn markii aan ka Hadlayey in ummadda Sade ay guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay tayeeyaan qaab siyaasadeedkooda ku wajahan tooda gaarka ah marka hore, ka dibna tan guud oo ay la wadaagaan Soomaaliweyn, waxaan dhammaan aqoonyahanada, hogaamiye siyaasadeedyada, hogaamiye dhaqameedyada iyo dhammaan waxgaradka ummadda kor ku xusan ku boorinayaa in ay indhahooda, madaxooda iyo wadnahoodaba ku jaheeyaan sideey uga mira dhalin lahaayeen maamul u sameeynata gobolada dhulkooda, taasoo wax walba xalkoodu ku xiranyahay. 

Haddii aad soomaali jeceshahey marka hore naftaada jecloow, ku xiji dariskaaga, ku sii xiji dariskiisa ilaa Soomaaliweyn aad ka gaarto, sidoo kale, halla joojiyo xays (roob) raaca lagu qiima dhacaayo, dowlad Soomaaliyeed oo xalaal ahi waxey ku imaan kartaa oo kaliya in beelwalbaa marto ama garato wadadaas, isna imaansato ayadu, markaasna qaran la yabyabaa (abuuraa) taasoo u taalla shanta Soomaaliyeed oo aad qayb ka tahey. 

Markii xaaladdu saan oo kale ka noqoto ummad jiri jirtey ama qaran mar ahaan jirtey waxaa la isku raacey in ay qaadato ugu yaraan 35-50 sano waa haddii loo maro wadada suuban, haddii kale, way ka badnaan kartaa ama lama helaayo in la is wada raaco mar danbe oo waxey u dallacaanba dowlado daris ah oo is nicib, markaasna cadowgoodu isu adeegsado ayaguna is gaagtiraan sida meelo badan oo aduunka ay ka jiraan dad hal dowlad mar ahaan jirey wax walbana wadaaga oo kala xir-xiran isna gumaada. 

Dib udhac weyn baad siyaadsaneysaa haddii aad ku foognaato meel aan saxda loo doonin ama ayna jirinba, sidaa darteed waa khalad lagama soo kabtaan ah in aad ku maaweeliso naftaada magac u yaal aad ugu danbeytii ku waayeyso waxaad jeceshahey oo dhan, intii aad xallin laheyd ummaddaada isu wada haysata hooyo iyo wiilkeed in ay is qurgooyaan waxaan kuu sheegayaa in aadan ku najaxeynin qof kastoo saas ku sifoobayoow. 

Gabagabadii: Hal ku dhigga maqaalkaan ayaa waxuu yahey, haddii aadan tashan waa laguu talin, waxaad akhristoow ogaataa in adduunku yahey saxamo dhinacyada isku haya, mid kastana Alle ku abuurey ummad, haddii mid ka mid ahi qabsanweydo masuuliyaddii bani-aadamka looga fadhiyey waxaa ay khassab ku noqoneysa in la muquuniyo si ayna dhibkoodu ugu soo faafin dariska loona jaheeyo sida dantu ugu jirto kuwo kale oo dariska la,ah, maahan iyaga dantooda, waayo ayagu waa qabsanwaayeen, sidaa darted waa in ummad kastaa oo Soomaali ahi tooda ka soo dhalaashaa halkaana ay ku sugaan inta kale, haddii kale waxey sii fogeeynayaan wadadii xal raadinta Soomaaliweyn.  

Mahadsanidin.


Abdikarim Gelle Bayr
abdibayr@aol.com

 

Fariinta uu xambaarsan yahay qoraalka sare waxay u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.

 



allgedo@allgedo.com





 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com