|
Allgedo!
Maqaal, Tuesday, June 7, 2005 |
Isbaarada Wasiirka!!!
Isbaaradu waxay ka mid tahay dhaqamada dhawr iyo
tobankii sano ee qaran-jabka kaddib dalka sida aadka ah ugu baahay,
Beled iyo Baadiyana saameeyay, waxay qayb ka tahay hababka qof weliba
kan uu ka xoog badan yahay amaba ka hub badan yahay hantidiisa uga
meersado si dhib yar.
Muddadaas iyada ah waxaa soo baxayay maalinba
maalinta ka dambaysa noocyo kala duwan iyo tabo kala jaad ah oo
isbaarada ka mid ah, taasna waxaa keenay ayaan filayaa Fawdadii oo
badatay, dadka isbaaradu xirfadda u tahay o kordhay iyo dadkii oo u
nuglaaday inay bixiyaan hantidooda si ay Naftooda u bad baadiyaan.
Isbaaradu waxay noqotay Xirfadaha lagu shaqaysto kuwa
ugu Dakhliga badan, waa lakala gataa isbaarooyinka, ama la kala
kiraystaa, oo la kala dhaxlaa, mararka qaarna waxaa dhici karta in
xildhibaannimo,Wasiirnimo amaba madaxweyne nimo lagu helo.
Jaadadka isbaaradu u qaybsanto hadaan u leexanno; mar
waxaa loo qaybiyaa mid guurta iyo mid degan, mar kalana tan beledka iyo
tan baadiyaha, Mar saddexaadna tan Badda, tan Barriga iyo tan
Barri-biyoodka ( Tan dambana waxaa loola jeedaa tan Webiyada la dhigto
ee dad iyo duunyo wixii ka cabba ama ka dhaansadaba Lacagta baadda ah
looga qaato), Mar Afraadna waxaa loo qaybiyaa Isbaarooyinka Marba inta
Jid oo soo gasaha, oo Isbaarada sadex Jidleyda ah waa laga jecel yahay
tan halka ama labada jid soo galaan, qaybinta shanaadna waa hadba sida
ay u kala weynyihiin iyo hadba baaxaddeedu inta ay le'eg tahay.
Mararka qaar waxaa dhacda in Gobol ama magaalo dhan
iyo dadka ku nooli ay qof u isbaaraysan yihiin, hantida kasoo baxda
isbaarooyinkaasna asaga khasnaddiisa ay ku dhacaan, ayagoo kuwa hubaysan
ee aruurinayaana ay ku leeyihiin qaadkooda iyo Qadadooda ayadoo laga
yaabo marar badan inay u dhintaan aruurinta hantidaas.
Degaannada soomaalida qaar waxaa ka jira wax aan ku
magacaabi karno Isbaarada Taranka taasoo ah in qofkii reer dhista ama
ilmo u dhashaan laga qaado lacag khasab ah oo galaysa khasnada hadba
dagaal-oogaha goobtaas ku amar ku taagleeya, haddii uu bixin waayana
wuxuu mutaysanayaa ciqaab u dhaxaysa xarig, Jirdil iyo Toogasho taasoo
ku xiran kolba jifada uu ka dhashay xoogga lagu malaynayo.
Isbaaradu waxay ka mid tahay caqabadaha hor taagan
xal u heliddda dhibka dalka ka jira, waxay qayb ka yatay ilaha
dhaqaalaha ee ay ku tiirsan yihiin qab qablayaasha dalku u kala oodan
yahay, taas waxaad ka ogaan kartaa Daraasad ay dhawaan Idaacadda Horn
Afrik samaysay ayay ku qiyaastay in dhaqaalaha maalintii kasoo gala
Isbaarooyinka magaalada muqdisho uu yahay ilaa 40000$ (Afartan Kun oo
Doollar) Maalintiiba, waxaase laga yaabaa daraasaddu inay ku ekayd
Isbarooyinka kuwooda degan ee halka goob joogtada ku ah, ayadoo laga
yaabo haddii lagu dari lahaa qiyaasta kuwa Guur guura ee hadba qof ama
reer xoolaha ka meersada inay qiyaastu intaas ka badan lahayd.
Dagaalladii soomaalida reer-miyiga ah haddii ay ku
salasnaayeen daaqa iyo Biyaha kuwa hada dhaca badankoodna waxaa sal u ah
gacan ku haynta isbaarooyinka iyo la kali noqoshada lacagta xoogga ah ee
dadka laga qaadayo, inta badanna hogaamiye-kooxeedyadu waxay u kala hub
iyo hanti badanyihiin hadba sida ay u kala Isbaaroooyin badan yihiin.
Haddaba markii dawladda lagu dhisay dalka Kenya, inta
badanna lagu saleeyay in kuwii dalka ugu isbaarooyin badnaa lagu qanciyo
nidaamka dawladnimo iyo kala dambaynta, laguna heshiiyay xeerka qoran ee
la degsaday in lagu wada shaqeeyo, ayaa waxaa muuqata in caqligii
siyaasadda isbaarada ka bilaabay uu halkii taagan yahay, taasna waxaadba
ka ogaan kartaa weli ma ma maqashay Wasiir hebel ama xildhibaan hebel
isbaarooyinkiisii wuu qaaday ?, rajo lagama qabo. Waxaabad mooddaa inay
kusoo kordheen kuwa hor leh oo magacyo kala duwan wata, aan tusaale usoo
qaadanno labo dhacdo:
Koowaad: waa shirkii baarlamaanka ee dhacay 17 Maarso
2005 markii la damcay in qodobo laysku hayay cod loo qaado, halkii loo
batana la ogolaado, ayaa waxay arintaasi ka degi wayday xubno rumaysnaa
in hadii codka la qaado aragtida dhinaca kale loo badanayo, taasoo
dabadeed noqon doonta qaanuun aan la gudbi karin, waxay is waydiiyeen
arintaas sida ugu haboon ee lagu baajin karo, allaylehe Isbaaro ha
dhigteen !, Miiskii sanduuqa codka lagu ridayay saarnaa ayay isku
gadaameen, korna ugu dhawaaqeen "ruux codayn karaa ma jiro" in kastoo
arintaas dadkii ku madax adaygay eedeen, badan koodna isbitaal la dhigay,
dhiig aan yaraynna daatay, haddana gudoomiyaha Baarlamaanka oo intii
ragaan isbaarooyinku u yaalleen ganacsade ahaa, wax badana ka yaqaan
sida isbaarooyinka looga xeeladaysto ayaa codkii gacan taag u beddelay
si' uu dhibka u yareeyo maadaama uusan joojin karin. Taasina waxay
noqotay Isbaaradii cod-bixinta, oo ah mid kusoo korortay noocyadii
isbarada ee aan awel u taag la' ayn.
Labaad: waa fadhigii baarlaamnka ee dhacay 11 May
2005 kaas oo qaar ka mid ah xildhibaannadu markii ay ogaadeen wax
yaabaha loo codayn doono ay go'aan ku gaareen inayan tagin fadhigaba si'
aan loo helin tiradii uu ku qabsoomi lahaa fadhiga baarlaamanku maadaama
xildhibaanno badan ayan joogin Nairobi oo ah halka xarunta u ah DFKM ah,
xubnihii kale markay qabteen shirkiina waxay ku xujeeyeen inayan imaan
tiradii Dastuurku xadiday sidaas darteedna waxay soo saareen oo idili
yahay hal Bacaad lagu lisay, Taasina waxay noqotay Isbaaradii Kooremka,
oo ah mid kusoo korortay noocyadii isbarada ee yarayntooda lagu
taamayay.
Labadaas tusaale waxaan ka garanaynaa in garaadkii
siyaasadeed ee Isbaaradu gun-dhiga u ahayd halkii taagan yahay, haday
dhacdo in xukuumaddani hawl gasahana aan arki doono noocyo kale oo
isbaarooyinka ka mid ah, taasoo ka bilaaban doonta Isbaarada
Miisaaniyadda, waa hadii loo arko in aan Miisaaniyadda Wasaaradaha loo
qaybin 4.5 , maadaama la yiri wasaarad hebla waxaa leh reer Hebel,
taasoo ah halka sartuba ka quruntay.
Dhacdooyinkaas foosha xun ee aan tilmaamay waxay
markhaati u yihiin in xalka dalku uusan ku jirin midaynta Isbaarooyinka
iyo isu gaynta Isbaarolayda, dagaal-oogayasha isbaarada ku dallacayna
aan dawladnimo iyo kala dambayn marna looga fadhin, dhibkuna uu
dheeraanayo inta qof walba lagu qiimaynayo inta uu dilay iyo tirada
isbaarooyinkisa, arintuna ay weli taagan tahay:
Xabagtii waxaa cunay kuwii, xaawo gawracay.
C/nuur F. Cali
Qaahira, Masar
cabdi2067@hotmail.com
Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar
yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|