|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Saturday, April 30, 2005 |
Aduunka mudada la joogaayo ayaa wax yar oo
xadidan, waxaana qofka lagu qiimeyn karaa wax qababdkiisa iyo haba
dhaqdhaqaaqa dhinaca wanaaga ku aadan, waana mida qofna u yeesha
Magac iyo sumcad qiimo leh, mid ku darta kuwa lumay oo aan Dadkooda
iyo Dalkooda-toona wax u qaban, wax tarka Qofka basharka ah ayaa
ahamiyadeeda leh, waana door looga baahan yahay cidii awooda, lana
yimaadda is-xilqaan, duruufuruhana u ogolaadaan ku dhaqaaqidda
kaalin wax ku ool ah.
Haddaba, Maanta waxaan halkan ku xusaayaa
Marwo-Asiili Maxamuud Barre oo ka mid Qurba jooga Jaaliyadda Reer
P/Land ee Dalka Jarmalka oo dadaal wacan, masuuliyad iyo karti wax
qabad sameeysay, Marwadaasu waxeey dhowaan Kaalmo caawimo ah oo
Daawo u bahan geeysay Isbitaalka Magaaladda Gaalkacayo Xarunta
Gobolka Mudug, waana talaabo wanaagsan iyo mid ku dayasho leh, waana
sawir cad oo la qaadan karro Wadaniyadda iyo Qiiradda Dalka jaceyl
ee Marwadaas.
Anigu Shakhsiyan wax aqoon ah uma lihi Marwadaas,
isku Dalna ma joogno, laakiin Shebekadaha warbaahinta ayaan ka
daalacday doorkeedda weyn iyo sidda eey ugu dadaaleeyso wax u
qabadka Ummadda eey ka Dhalatay ee Somaaliyeed, Gaar ahaan Goboladda
P/Land oo eey Asal ahaan ka soo jeedo, haa Marwo Asiili tusaalle
wacan ayaad u tahay Dadka Somaaliyeed ee Dareenka Wadanigga ah leh,
damiirka nool leh, weliba haweenka oo ka karti badan, kana dadaal
wanaagsan ragga oo la oran karro intooda badani weey seexeen, nooc
kasta oo caawimo ah oo qof muwaadin ahi geeyo Dalkiisa hooyo waa loo
ogyahay, waana kaalmo wax ka tareeysa dhibaatooyinka faraha badan ee
halkaas ka jirra.
Marwo Asiili Maxamuud Barre iyo Marwo Batuulo
Isaaq Maxamed iyo Dadka la midka ah ayaa Amaan, Bogaadiin iyo ku
dayasho mudan, waana sawirka Muwaadiniinta Xalaasha ah ee arka
Duruufaha qalafsan ee Dalkooda Hooyo ka jirra, kuna dadaalayaaya
gudashadda waajibka Wadanigga ah ee Qof walba saaran, laakiin
garashadda ayaa la is-dheeryahay,Gobolka Kasta, Degmo walba,Tuulo
kastaa xaaladu kala duwan ayaa ka jirra, Bulsho badan ayaana ku
dhiban oo indha ku soo eegeeysa Jaaliyadda Somaaliyeed ee Faraha
Badan ee Qurbo Jooga ah.
Muwaadin kasta oo ku mashquulsan wax u qabadka
Dalkiisa Hooyo,Dalkeena Hooyo Amaan iyo Xurmo weyn ayuu Mudan yahay,
waana kuwo Taariikhdu xusi doonta, abaalna Dadkiisu u hayaan, wana
lumaayo wanaaga iyo macruufka dhanka fiican la mariyaa, Kheyrka iyo
Abaal marinta Camal Wanaagsan Alle ayaa bixiya, weeyna imaan maanta
abaal marintu iyadoo qiimaheeda leh, farxadeedda leh, xuskeedda leh,
Al-Raxmaanka ayeeynu ka sugeeyna Kheyr iyo Barakatiisa, iyo Guusha
Maalinta Qiyaamaha.
-ALLA MAHAD LEH-
-QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH (XASSAN CARAB)-
-HUDDERSFIELD-ENGLAND-29-04-2005.
Aragtida uu xambaarsan yahay qoraalka sare
waxay u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas
awgeedna Allgedo wax shaqo ah kuma laha.
allgedo@allgedo.com
|
|