|
|
|
Allgedo!
News, Wednesday, July 6, 2005 |
Beesha Yaxye ayaa ka mid ah Beelaha Qoomiyadaha iyo
Beelaha Daraawiishta (Dhulbahante), oo Taariikhda weyn leh,
Xurmo iyo Qadarin Gaar ahna Beelaha Dhexdooda ku leh, isla
markaana ahaan jiray Hogaamiyaasha Beelaha Daraawiishta
Qarniyaddii Hore oo Hab Wanaagsan iyo Muumus Wacan ku caan baxay.
Magacaabida Garaadka iyo habka Soo
Xulashadiisa ayaa aheyd mid si Wacan oo af-garasho iyo Talo
wadaag ku dhacday, waana mid eey Xaq u leeyihiin Beesha yaxye
Yeelashadda Garaad ka Shaqeeya Danahood iyo habka Hogaaminta
Beesha, ka mid noqdda Golaha Isimadda Beelaha Daraawiishta,
Sidda Wararku igu soo gaaraayaan Garaad-Saleebaan ayaa ah
Shakhsi qiimo weyn leh, Ehel diin ah, Xurmo iyo Qadarin ku leh
Beesha Dhexdeeda, isla Markaana Nin leh Hoggaamin iyo hab
Dhaqameed Hufan, waana Sifooyinka Looga Baahan Yahay Shakhsigga
Garaadka lala Rabo, Beesha Yaxaye Guud ahaanba Beelaha
Daraawiishtu u hayaan Xurmo iyo Sharaf weyn oo eey Muteeysteen,
waana Beelaha Doorkeed si cad uga Muuqdo Dhanka Miyagga iyo
Magaaladabam, Waxgaradka iyo Shakhsiyaad Qaali ah leh.
Anigoo ah Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan
Carab),Kuna Hadlaaya codka Shakhsiyaadka Hoos ku Xusan Waxaan
Halkan Hambalyo ugu Gudbineeynaa Garaad-Saleebaan Buraalle Aw
Aden iyo Guud ahaanba Beesha Yaxye, caleemo Saaridda Garaadka
ayaa ah mid ahamiyadeedda leh, Waana Karti, Dadnimo iyo Guul
weyn oo u soo hoyatay Golaha Isimadda Daraawiishta iyo Guud
ahaan Dadweynaha Daraawiishta, Waxaan Alle uga rajeeyeey
Garaadka Cusub Guul iyo Kheeyr,Aamiin, Aamiin, Aamiin.
1-Xassan C/Laahi Sheekh
2-C/Qaadir Ciise Oog
3-Sheekk Abshir C/Laahi Sheekh
4-Sheekh Cali Dabreeye
5-Xassan Nuur Aw Jibriil
6-C/Risaaq Axmed Nuur
7-Maxamuud C/Kariim
8-Jaamac C/laahi Case
9-Jirre Cali Qayaad
10-C/Qaadir Sheekh Axmed
Munaasab Si Weyn loo Soo Agaasimay oo
Lagu Caleema Saaraayeey Ugaaska Beesha Ceyr ee Habar-Gidir
Ugaas-Ugaas Xassan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo Buuxinaaya
Booskii Ugaaskii Beesha oo Horre u Geeriyooday Naxariistii
Jano Alle ha Siiyo Aamiin.
Munaasabaas Lagu Caleema Saaray Ugaaska
ayaa Waxaa ka Soo Qeyb galay Hoggaan Dhaqmeed Badan oo ka
Socday Beesha Somaaliyeed ee Dega Goboladda Dhexe, Banaadir,
Shabeelooyinka iyo Goboladda bay iyo Bakool iyo Shakhsiyaad
kalle oo Magac weyn Bulsha Dhexdeeda ku leh, Marka Horre
Waxaan Halakn Hambalyo uga Soo Gudbinaayaa Ugaaska Cusub
Ugaaska Xassan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, waxaan Alle uga
Rajeeyeey in uu Noqdo Midkii Xilkiisa Sidda ku Haboon u Guto,
Beesha iyo Guud ahaan ummadda Somaaliyeed Hogaan Kheyr Leh
oo ku Soo Biiray, Inshaa Alle.
Kulankaas ayaa Waxaa Laga Soo jeediyeey
Khudbado iyo Talooyin Wanaagsan oo Danta Dalka iyo Dalka
Somaaliyeed ku jirto, iyo Sidii Hoggaan Dhaqameedku
Kaalintiisa u Gudan Kana Shaqeeyaan Xal u raadiinta Khilaaf
weyn ku kala Dhex jirra Xubnaha Sarre ee Dowladda
Somaaliyeed ee Dalka Kenya Lagu soo Dhisay, hadana kala
fadhiya Magaaladda Jowhar iyo Caasimadda Muqdisho, Bayaanka
iyo Baaqa Isimadda ayaaSi Fiican u Qeexaaya Dareenka
Hoggaanka Dhaqmeedka iyo Sidda eey uga Xun-yihiin Khilaafka
Jirra, kuna Dadaalayaan isku Daayga Heshiisiinta Hoggaanka
Sarre ee Dowladda.
Runtii Bayaanka iyo Baaqa Isimadda ayaa
ah Mid Qiimo weyn ku Fadhiya, isla Markaana ka Turjumaaya
Damweenka Dadweynaha Somaaliyeed Iyo Sidda eey uga
Xun-yihiin Xaaladda iyo Khilaafka Taagan oo Meel aad iyo aad
u Sareeysa Gaaray, Dhabar Jab iyo Khasaarena ku ah
Himiladdii iyo Rajaddii Ummadda Somaaliyeed Fileeysay,
Waxaan Si weyn u Taageersanay Bayaan iyo Baaqa Isimadda oo
ah mid Xikmad weyn ku Dhisan, Waxaana Alle ka Rajeeyeey in
Dadaalkoodu Mirra Dhaliyo Sidda ku Haboona u Xaliyaan
Khilaafka Hadda Jirra, Dibna u Soo Nooleeyaan Doorkii
Sharfta lahaa ee Hoggaan Dhaqameedka Somaaliyeed La Haan
Jireen.
Halgamagii Somaaliyeed, Geesigii Wadaniga
ahaa Sugaan yaqaankii, Gabayga Sidda weyn ugu soo halgamay
Qiiradda iyo Aragtidda dheer lahaa Al-Marxuum-C/Laahi Suldaan
Tima-Cadde, ayaa Waqti horre yirri- Dugsi ma-lah Qabyaaladi
waxeey Dumiso Mooyaane, waana Mid xaqiiqo ah, waa runtii
Marxuum-Tima-Cadde, Qabyaaladu waa Dumiye, burburiyee iyo
Abuuraha Dhammaan Xaaladaha iyo Xiisadaha Qaranka Dumiya.
Haddii, la Qeexo ereyga Qabiilka, waa Wax
jira oo Alle si cad inoogu Sheegay-Waxaanu Idiin Abuurnay
Qabaa,il iyo Shu,cuub, markaas Qabiilku waa wax jira oo Dadku
isku gartaan, laguna illaaliyo Casabadda, Ehelnimadda iyo
Raxamka Qoyska, balse waxaa Mushkiladda Dhigay Qabyaaladda iyo
ku dhaqankeedda foosha xun oo Ummadda Somaaliyeed sidda Xun u
caadeeysatay, uguna Dhaqanto sidda weyn, ama la oran karro waa
Sheeyga ugu Muhiimsan Ummadda Somaaliyeed oo eey Xeeriso,
Qabyaaladda ayaa ah Xiisad xun oo leh Wajiyo kala fogeeynta
Ummadda iyo u kala Qeybinta iyo kala Qol-qolidooda, waana mid
had iyo jeer abuurta Colaadda iyo Dagaaladda Sokeeye oo Dhiiga
Badan daadiya, Ficilo kala aarsi iyo uufumo raagana keenta,
waana Cudur aan Dawo laheyn.
Qaranka ayaa ka kooban Ummad Qeybo kala duwan
ka kooban ama Degaamo kala fog oo dantu mideeysay, Qaranimo iyo
hanaan Dowladeed yeeshay oo eey ku maamulaan Arrimahooda Gudaha
iyo Debadaba, Hanaanka Dowladnimo ayaa ah mid loo baahan yahay
in uu ku Saleeynaado hab Cadaaladeed iyo Sinaan leh, lana helo
Hogaamin wanaagsan oo leh Hufnaan iyo karti iyo Daacadnimo, iyo
in Dowlada qaab dhismeedkeeda lagu jaangooyo sidda Ummaddu u
aragto in eey Maslaxadeedu ku jirto, iyadoo eey jiraan Nidaamo
iyo Qaab dhismeeyo lagu Saleeya Dowladda oo Caalami ah oo isla
markaana lagu dadaalaayo waafajinta Danaha Ummadeed ee Dalka.
Haddab, Qabyaaladda iyo Qaranimadda ayaa ah
labo si wey isu diidan oo aan marna kulmeeyn, waa labo kala
Ujeedo ah Qabyaaladda ayaa ku Saleeysan Aragti Gaaban iyo hab u
Adeegaaya in yar oo weliba iyaga xataa sii kala saaraaya, oo
dhexdoodda ka abuuraaya aqlabiyad iyo Aqaliyad isla markaana
keenaaya kala mudnaan, halaka Qaranimodu tahay mid ku Saleeysan
Dan guud iyo Maslaxad Ummadeed iyo Iskaashi iyo Dano Wadaagid
una Adeegeeysa Dadka oo dhan, habka Dowladeedna siinaaya
Ahamiyad iyo ka turjumidda iyo u adeegidda Danaha Dadweynaha,
waa Hadii Dowlad Wanaagsan la helo.
Dhibaatadda Dalka Somaaliyeed ka taagan ayaa
ah mid ku saleeysan Qabyaaladda iyo ku Dhaqmideedda oo ah midda
Sabaabtay Colaadda iyo Dagaaladda Sokeeye oo Dalka iyo Dadka
Somaaliyeed Baday Rafaadka iyo Silica ilaa hadda jiitamaaya,
waana mid hadda kala Jabineeysa Dowladdii Somaaliyeed ee Dalka
Kenya lagu Soo Dhisay, woloow eey Tahay mid Dhaliilaheedda leh,
haddii aad si fiican oo Caqli adeegsi ah u eegto Mushkiladda
hadda taagan waxaa iska cad in Habka Qabyaalad Adeegsigu Saldhig
u yahay, Dhibka ayaa ka Bilaabmay Doorashii Madaxweyne-C/Laahi
Yuusuf iyo Sidda weyn oo eey uga Xumaadeen Hogaamiyaashii
Muqdisho, oo aan Qorshaha ku darsan in Cid ka Soo Jeedda Qabiil
Kalle ku soo Bixi karto Kaalinta Madaxweyne-nimadda, iyagoo ka
duulaaya Dhacooyinkii Horre iyo Shirarkii Horre oo
Madaxweyne-nimadda loo Qorsheeyn jiray Beesha eey ka Dhasheen,
iyo Madaxweyne C/Laahi Yuusuf oo iskiiba leh Aragti Beeleed iyo
Hab Qabyaaladeed.
Sidda Keliya oo Xal lagu gaari karro ayaa ah
in dib loo eego Qaranimadda iyo Hanaanka iyo Habka Dowladeed ee
Ummadda Somaaliyeed u Baahan yahay, iyo in aanu jirriin Colaad
ka Dhexeeysa Ummadda Somaaliyeed, Ficilo iyo Xiisado
Qabyaaladeedna dhex ool maanta ee Muranka iyo Qaska jiraa u
Dhexeeyo in Yar oo ah Kuwo Kursiga raadinaaya oo danaha gaarka
wada, hadana labadda garab u kala jebiyeey Golihii Barlamaanka
iyo Niyaddii Wanaagsaneyd ee Ummadda Somaaliyeed, Ummad-yahay
Qabiilkiyo Qaranimadu waa Labo aan isk qaadi karino Weligood is
qabaneeyn, Sidaas waxaa Yirri-Curiyeey, Abwaan, Axmed Shire
Baanday, Aniguna si weyn ayaan u Taageeray, Waxaana Doortay
Qabyaaladda iyo Qaranimadda Mida Damme Qaranimo Dhab ah oo
Ummadda Somaaliyeed Helo ayaan Doortay, Maya Qabyaalad iyo ku
Dhaqankeedda Foosh xun oo aan Marna Faa,iido Dhalineeyn.
Qaranimadda ayaa ahamiyad weyn leh, mudnaanta
leh, kana qiimo iyo qaayaba badan mida Qabyaaladda Kooban,
Xadisdan dacaafka oo Ummadda Somaaliyeed lagu wareerinaayo, wax
faa,iido ahna laga gaareeyn, Danta Guud iyo Dhismadda Dowladeed
oo Cadaaladda iyo Sinaanta leh, Hoggaaminta Wacan leh, Danaha
Ummadda ka Turjumaaya ayaa Guushu ku Jirtaa, Waxaan Alle ka
Rajeeyeey in uu Wanaaga iyo Walaalnimadda iyo Isku Duubnidda
Ummadda Somaaliyeed Sidii eey Beryihii Horre ama Xiliyadii
Halganka Xoriyadda ku Soo Celiyo, Amiin.
Gobolka Socotland ee Carigan Uk Waxaa ku
Kulansan Hogaamiyaasha G8 Dalalka Dhanka Warshadaha ku
Horumaray:- USA, UK, FARANSIISKA,TALYAANIGGA, JABAAN,
CANADDA, JARMALKA IYO Dalka RUUSHKA, Kulankan ayaa
waxyaabaha looga doodaayo waxaa ugu horeeya Sidii wax looga
Qaban lahaa Xaaladda Naxdinta leh ee ka Jirra Qaaradda
Afrika, Sidda:-Gaajadda, Cuduradda Dilaaga ah, Jahligga iyo
Maamul Xumadda Qaaradda la Degtay.
G8 ayaa awood Dhaqaalaha Aduunka heeysa,
waana Dalalka Sidda Cadaalad Daradda ah kula Qabma Dunidda
inteedda kalle, Weliba Si gaar ah Qaaradda Afrika oo eey si
weyn u Xanibaan Wax Soo Saarkooda ama eey ku soo rogaan
Cashuur aad iyo aad u Badan, isla Markaana u iibi geeyaan
Badeecado Haya Xun oo Qaali ah, Afrika ayaa ah Suuqa ugu
Weyn oo Hubka loo Iib Geeyo, waxaana Qaaradda Curyaamiyeey
Dagaaladda iyo Colaadaha Sokeeye oo intooda badani ku
saleeysan yihiin Xukun Raadin iyo Siyaabo Isireed.
Hoggaamiyaasha G8, Kulankkoodan ayaa ka
duman kuwii horre wuxuuna ku soo aaday Xili Aduunku si weyn
u arkeen Xaaladaha Qalifsan ee ka Jirra Qaaradda Afrika
inteeda Badan iyo Sidda Dunidda Hormartay uga Seexatay,
Hogaamiyaasha Awooda lagu tilmaamaana Indhaha uga Qarsadeen,
ayaa waxaa la Saaray Madaxdda 8dan Dalka Culeeys weyn oo la
rabo in wax la taaban karro, iyo in eey ka Cefiyaan Denta
Faraha Badan oo aan la bixin kareen oo lagu Leeyahay
Dowladaha Ugu Faqiirsan Aduunka oo Dalkeena Hooyo ka Mid
yahay(Somaaliya), iyo in eey la Yimaadaan ama Sameeyaan oo
eey Qaataan Go,aamo Cadaaladda ku Dhisan Dhanka Tijaaradda
iyo Badeecado is dhaafsigga, Kuna Dhaqaaqaan Taakuleeyn iyo
Caawimo Macquul ah oo eey Qaaradda Afrika u Fidiyaan isla
markaana Dowladaha ka Caawiyaan Kor u Qaadidda Wax Soo
Saarka iyo Daryeelka Arrimaha Bulshadda.
Qaaradda Afrika ayaa Cod Buuxdda ku Leh
Hogaamiyaasha G8-ka iyo Aduunka oo Dhan Waxaanu Dooneeynaa,
Waxaanu Codsaneeynaa;- Waa Siyaasadda Cadaalad ku Dhisan,
Wax Soo Saarka Qaaradda oo Si Sinaan iyo Hanaan cadaalad leh
ee Suuqyadda Aduunka loogu Furo, in Hubka Dilaaga ah ee
Qaaradda lagu soo Daldalaayo Nalaka Joogiyo, iyo Si
Wanaagsan Gacan Nalooga Siiyo Howlaha Horumarinta iyo
Kobcinta Dhaqaalaha iyo La Dagaalanka Aafadda Cuduradda
Dilaaga ah, Gacanta Ma Hoorsaneeyno ee Waxaanu Rabnaa
Abuuridda Hanaan ku Dhisan Iskaashi iyo Wax Is Dhaafsi
Wanaagsan, Qaaradu Waa Qani, Qani iyo Qani Waxaa
Kheeyraadkeeda si Sharci Darro ah u Gurta Tuugo ka Socdda
Dunidda Horumartay oo Gacan Saar la leh Hoggaamiyaasha
Xaraan ku Naaxayaash ah ee Qaaradda inteeda badan Xukuma.
Dhanka Somaaliya, Waxaan Filaayaa in
Caalamku Sidda ku Haboon ula Socdaan Xaaladda ka jirta iyo
Mudadda 15-ka Sano Sidda eey ku Sugneeyd Burbur iyo Dagaalo
Sokeeye, Dib u Dhac Dhinac Walba ah, Dowlad La,aan iyo
Xaalad Jaha-Wareer, Hadda oo Dowlad loo Sameeyeeyna Waxaa
Muuqa Burbur Cusub iyo Biloowgga Dagaalo iyo Colaado Sokeeye
oo Dhibaatadooda wata iyo Weliba Soo Nooleeynta Xaaladda
Xumeeyd ee 91-95 kii, G8-Ka ayaa Laga Rabaa in eey Culeeys
Weyn Saaroto Hogaamiyaasha Dalka Somaaliya, kuna Booriso
Xalinta Khilaafka Dhexdooda Yaala, Isla Markaana Gacan Weyn
ka Geeysto Dib u Dhiska iyo Soo Nooleeynta Dalka Somaaliya,
Inkastoo Xalka Somaaliyeed ku Jirro Gacanta Somaalidda iyo
Siyaasiyiinta Doonaaya Danaha Gaarka ah iyo Faa,iidada Deg-dega
ah, oo Illaaweey Danta inta Badan ama Ummadda Somaliyeed ee
Dhibaatadu Wadda Saameeysay, daalay oo u Baahan Nabad-gelyo
iyo Daryeel Bulsho iyo Hanaan Dowladeed oo Cadaalad iyo
Sinaan ku Dhisan iyo Dalkooda Hooyo la Soo Noqdo Magaciisii
iyo Xurmadiisii uu Gobolka, Qaaradda Afrika iyo Aduunkaba ku
Lahaan jiray.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh (Xassan Carab)-
-Huddersield- England- 07/07/2005.
Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu
gaar u yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|
|