|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Friday, June 24, 2005 |
Tixraac Qormooyinkii Taxanaha ahaa ee Fanka iyo Sugaanta Somaaliyeed,
gaar ahaan Qormooyinkii ku Saabsanaa Fanaanadaha Somaaliyeed ee
Caanka ah, oo aan hore uga Qoray-Fanaanadda Jimco Jaamac, saado Cali,
iyo Maryan Mursal, Qormadan Maanta ayaan ugu halo galay Fanaanad
Xidig aad iyo aad u Cod wanaagsan oo Fanka Somaaliyeed kaalin weyn
ka soo qaadatay kana mid ah Fanaanadaha Somaaliyeed ee Safka Horre
kuwa ugu Caansan Sidda;- Al-Marxuuma- Magool, Baxsan, Hibo Nuura,
Saado Cali, Khadra, Maan deeq Iyo Xidigta Weyn ee Banaadirigga
Faaduma Qaasim Hilowlle, Xidigta Qormadan ayaa ah Fanaanada Caanka
ah ee SAHRA AXMED JAAMAC.
Sahra Axmed ayaa Fanka Somaaliyeed ku soo
biirisay Cod wacan iyo hanaan Jileedeed Wanaagsan, Sahra waxeey ka
soo jeedaa Degaan ahaa Gobolka Sanaag oo ah Degaamo Taariikhi weyn
leh sidda-Halgankii Daraawiishta, Buurta ugu Dheer ee Daalo,
Qabrigga ama Maqaamka uu ku Aasan-yahay Sheekh Isxaaq Bin Axmed,
Gobolka ayaa waxaa ku dhashay Shakhsiyaad Caan ah Sidd:- Abwaan Al-Marxuum-Xaaji
Aden Af-Qalooc, Sugaan Yaqaan- Baal-Baal, Abwaan Saciid Saalax,
Mulaxinka Caanka-Ismaciil Xudeedi, Gen-Cabdi Dhiboo, C/Raxmaan
Ducaalle, Dr-Gacameey, Proff- Caalin, Al-Marxuum- Danjirre-Meykal
Maryama, Danjirre-Dhuko iyo Fanaanadii Dahanka Jilidda ku caanka
aheyd-Khadiijo Ceerigaabo iyo Dad Badan oo Magac iyo Maqaamba leh,
iyo Weliba Saldanadda Somaaliyeed ee Qadiimka ah ee Reer Cali Shirre
iyo Hogaan Dhaqmeeyo Salaano iyo Boqorba.
Sahra Axmed, waxeey Keydka Heesaha Somaaliyeed ku
leedahay Tirro aad iyo aad u badan oo Heeso Wanaagsan ah oo eey
Curiyeen Abwaano Magac weyn leh Sidda;- Xassan Geni,
Al-Marxuum-Kaariye, Al-Marxuum-Cusmaan Askari, iyo Abwaan-Axmed
Suleemaan Bide iyo Abwaano kalle oo Caan ah, Dhanka Riwaayadaha ayaa
Xidigta Sahra Axmed si weyn u caan tahay hanan iyo hab jileedna
wacan leedahay, Codka Sahra ayaa mid Naaxiyad iyo luuqeyn Gaar ah ee
Codkeeda siinaaya sifi gaar ah iyo soo jiidasha weyn, Heesaha Sahra
ayaa ah kuwo la oran karo waxeey ka mid yihiin kuwo ugu wanaagsan
Heesaha Somaaliyeed;-Sidda Heesta Caanka ah-Sanaag ama Saraar oo uu
Curiyeey Abwaanka Weyn-Xassan Geni.
Dhinaca Qof ahaaneed Sahra Axmed ayaa ah Fanaanad
aad iyo aad caadi u ah, oo xurmo iyo qadarin weyn ku leh bulshadda
dhexdeedda, Sahro waxeey ka xur tahay isla weynidda iyo waxa la
yiraahdo Kibirka, waa Shakhsiyad Bulshaaniyad ah si weyn u qadarisa
Bahdda Fanka Somaaliyeed iyo Muwaadiniinta Caadiga ah, Sahra Luqad
Wanaagsan iyo Xurmeeysan ayeey Dadka kula Hadashaa waana Qof soo
dhoweeyn wanaagsan, waana Sifooyinka maanta laga heli karro in yar
oo dadka Somaaliyeed ka mid ah, Dhaqanka Degaamadda Sanaaga ayaa
Runtii Habkaas ku dhisan waayo- Bulshadda Degaankaas ayaa leh Xiriir
weyn oo is dhex gal ah iyo Ehelimo weyn iyo Xurmeeynta iyo Hanaanka
soo dhoweeynta Dadka, Sahra oo ah Safiir Wacan oo Fanka Somaaliyeed
Guud ahaanba iyo Hanaanka iyo habka Dhaqameedka Gobolka Sanaag.
Waxaan ka Cudur daaranaayaa haddii Qormadanu
noqon weyn mid gaarsiisan Maqaamka iyo Hanaanaka iyo Heerka ama
Kaalinta Fanaanadda Weyn Sahra Axmed Jaamac, Anigoo ah muwaadin
Aqoon ahaan iyo Af-Tahannimadu ku Yartay, Laakiin Xurmo iyo Qadarin
iyo Tixgelin aan u Hayo Fanaanadda Weyn Sahra Axmed Jaamac iyo
Fanaaniinta Somaaliyeed awgeed u Bandhigaayaa Qormooyinka Kooban,
Fanaanadda Xidigta Codka Wacan Leh-SAHRA AXMED JAAMAC, Gunaanadka
Qormadan Salaan Wacan oo Xurmo iyo Qadarin weyn huwan iga Gudoon
Marwo.
Tixraac Qormooyinkii Fanka iyo Suuganta
Somaaliyeed, Qeybtii Fanaanadaha Xidiga Fanka Somaaliyeed
Hoboladaha Codka Wacaan leh oo aan hore ugu Qoray
Fanaanadaha-Nimco Jaamac, Saado Cali, Maryan Mursal iyo Sahra
Axmed Jaamac, Halkan Qormadan maanta loo Qorsheeyeey Xidigta
Fanka Banaadirigga, oo Loogu mgac daray-Feeynuuska Fanka,Waa:-
Xidigta Fanaanadda Weyn Codka Cajiibka ah leh- Faaduma Qaasim
Hiloowlle.
Fanka Somaaliyeed Dhinaca Heesaha iyo
Riwaayadaha ayaa labao Qeybood loo kala qaadaa Somaaligga
Caadiga ah iyo Mid Banaadirigga oo leh hab aad iyo aad ugu
Wanaagsan Jilidda Riwaayadaha iyo habka ku Luuqeeynta Heesaha oo
lagu mitaali karro Habka Hindigga oo kalle oo Qaab Ciyaareed
badan lagu sameeyo Masraxa korkiisa, habka ayaa siinaaya Fanka
Banaadiriggu in uu yeesho taageerayaal amam bulsho badan oo si
weyn u xiiseeysa iyo weliba Codka cajiibka ah ee Feeynuuska
Fanka-Faadumo Qaasim, Luul Jeylaani, Aamina Camaari, iyo Siteey
Qosol-Wanaag, iyo Hobaladda, Aweys Khamiis, Axmed Sharif Killar,
Axmadey Abubakar, Al-Ustaad,Axmed Naaji Sacad, Shimaali Axmed
Shimaali, Xabiib Sharaab, Jeeri, Iyo Hanaanka, Habsamidda
Mu,alifiinta Banaadiriga gaar ahaan- Aweys Geedoow iyo Liishaan
Axmadeey Cabdi Gaashaan iyo Hanaanka iyo Xeelada Aqooneed ee
Habka Saarisra Laxanka iyo muusikadda ee Al-Ustaad, Axmed Naaji
Sacad iyo Kooxaha, Shareero, Iftiin iyo Somali Jazzba.
Feeynuuska Fanka, Faaduma Qaasim Hilooelle
ayaa ah Hoobalad ka soo jeedda Qoys Faneed waayo, Aabaheeda Al-Marxuum,
Qaasim Hiloowle ayaa ahaa Fanan Weyn oo caan ah kaalin weyna ka
soo qaatay Halgankii Xoriyadda Somaaliyeed oo uu ka mid ahaa
Ragii Codkooda ku halgamaayeey- Tusaalle, Somaaliyeey Toosoo,
Toosoo Isku Tiirsadda, sidoo kalle waxaa Fanaanad ah Walaasheed,
Musiko ayaanadda weyn, Muslimo Qaasim Hiloowle, Isla markaana
faadumo Seeygeeda ayaa ah Abwaan, Maxamed Karaama, iyo Caruurta
eey Dhashay oo Faanaanin ah Gaar ahaan Wiilka weyn oo Heesaha
Muusikadana Sameeya iyo Gabdhaheeda Qaarkood, Faadumo waa Ehel
Faneed weyn, waana Shakhsiyad Codkeedu yahay nooc gaar ah oo qof
walbaa keeni kareen, Waxaa kalle oo feynuuska Fursad weyn
Siinaaya Fanaanka ku Lamaan oo Heesaha la qaada Gaar ahaan,
Xidiga weyn Aweys Khamiis Mabuuta.
Heerka faneed iyo maqaamka Faadumo Qaasim ka
gaartay Fanka Somaaliyeed laguma soo Koobi karro hal Maqaal iyo
wax u dhoow-toona, balse waxeey u baahaneeysaa Maqaalo iyo
Maqaalo, Bogag iyo Bogag waana Taariikhi faneed soo jitamaayeey
Sanao badan oo eey ka mid aheyd Xidigaha Hobaladdii Qaranka
Waaberi, gaar ahaan Dhinaca Banaadirigga oo eey ka qeyb qaadatay
Riwaayado aan la soo koobi kareen iyo Heesaheeda Dhaafay
Boqol-laal oo Dadweynuhu sidda gaarka ah u Xiiseeyaan kana mid
kuwa loogu Jaceyl yahay, Faadumo Waxeeysa ka soo Jeedaa Gobolka
Banaadir Caasimadda Somaaliya Muqdisho oo ah Xudunta ummadda
Somaaliyeed, Magaaladda Bilidda Wacan leh, Dhismayaasha
Taariikhiga ah leh Sidda:- Masaajidka Qadiimka ah ee Degmadda C/Casiis,
Madxafkii Saciid Barkhash,Dekadii Horre, Deyrka C/Casiis,
Masaajidka Arbaca Rukun, Dhismaha Afar Irdoodka, iyo Kuwii
Cusbaa Sidda;- Hoteelkii Al-Curuuba, Jubba Hotel, Bankigga
Ganacsigga iyo Keydka, Daartii Jirde Xuseen (Satooya Center),
Gurigii Ummadda, Masaajidkii Isbaheeysigga, Hoteelkii Weheliye,
Al-Xoriyaha, Maka Al-Mukarama, India Occean, Taleex iyo Goobihii
Ganacsigga iyo Dhulkii Qurxoonaa Waa Xiligii Dowladda
Somaaliyeed Jiray, Balse Nasiib darro waxaa ah in Intooda badan
Burbureen Dhibaatadda Dagaaladda Sokeeye Awgeed.
Gobolka Banaadir ama Magaaladda Muqdisho Lama
soo Koobi karro Shakhsiyaadka Caanka Waxaana Tusaalle loo Soo
Qaadan karaa-Xidigaha Isportigga-Koleeygga-Baa-Rajab, Shiine,
Cabdalla Dheere, Mulki Jeenyo, Kubadda Cagta, Shariif Xamsa,
Muriidi, C/ladiif, Xamaama, Al-Marxuum-C/laahi Cabdi, Dr-Shaqaaq,
iyo Shakhsigii Wadaniga ahaa Gudoomiyihii Xiriirka Somaaliyeed
ee Ciyaaraha Fudud- Maxamed Saalax Axmed(Jarlees), lama soo
Koobi karra Dadka Magac iyo Maamuuska weyn leh ee ka soo jeeda
Magaaladda Muqdisho, Aqoon yahano, Saraakiil Sarre, Dakhaatiir
Caan, Fanaaniin, Ciyaaryahano iyo Sugaan Yaqaano Badan.
Feeynuuska Fanka Somaaliyeed, Xidigta Weyn ee
Fanka Banaadirigga Somaaliyeed-Faaduma Qaasim Hiloowlle, waa
Wadiyey weyn oo ku soo barbaartay Guri wadaniyad leh, Waxeeyna
sidaa Calankii iyo Habkii iyo Qiiradii Wadaniyadeed ee Aabaheed
Al-Marxuum- Qaasim Hiloowlle, naxariistii Janao Alle ha siiyo,
Faadumo oo Qof aad iyo aad Caadi u ah oo aan laheyn Kibir iyo
isl-weynidda, waana Shakhsiyad had iyo jeer Faraxsan waji furan
leh, si weyna u Dhaqan Wanaagsan Bahdda Fankana tixgelin weyn
siisa, Faadumo waa Sawirka Dhabta ee Dadnimo wanaagsan iyo
Qadarinta Muwaadiniinta, waana Ehel Faneed Dhab ah Feeynuuska
Fanka Somaaliyeed-Fanaanadda Weyn-FAADUMA QAASIM HILLOWLE, Xurmo
iyo Qadarin weyn iga Guddoon Marwo.
Waxaan Halkan Dudur daar iyo Raali gelin uga
soo gudbinaayaa Xidigo Waaweyn oo aan ka illaaweey Liiskii
Fanaanadaha Somaaliyeed, iyadoo Xusuusyo i ciishay awgeed,Waana:-
1-Fanaanadda Xidigta- Xakiima Caalim, 2-Fanaanadda Xidigta-
Saafi Ducaalle, Fanaanadda Xidigta, Faaduma Axmed, Xidigta,
Farxiyo Yareey, Iyo Dhammaan Fanaanadaha Magacoodu ka Maqan
yahay Liiska Fanaanadaha Xidigaha Fanka Somaaliyeed.
Sidda la wadda ogyahay Ciidanka Boliiska
Somaaliyeed ayaa ka mid ahaan jiray Ciidankii Qaranka ee la isku
oran jiray Ciidamadda Qalabka sidda Xiligii Rajiimkii Al-Marxuum-Siyaad
Barre, wuxuuna Asal Ciidanka Boliiska Somaaliyeed soo maray
marxalado kalae duwan iyo Taliyaal badan oo eey ka mid ahaayeen-
Gen-Max,d Abshir Muuse, Gen-Al-Marxuum-Jaamac Cali Qoorsheel,
Gen- Jaamac Yarre, Gen-Al-Marxuum-Matukade, Gen-Al-Marxuum- Aden
Kukey, Gen-Aden Xirsi(Ku Sime), Gen-Axmed Jaamac, Gen-C/Raxmaan
Guulwadde iyo Gen- Dr-Cali Maxamed Xassan (Cali Madoobe),
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed.
Ciidanka Boliiska Somaaliyeed ayaa noqon
doona midka Masuuliyad ugu weyn ee Xasilinta iyo Sugidda
Nabad-gelyadda Dalka gudihiisa iyo u adeegidda Dadweynaha
Somaaliyeed, waana Arrimaha aad iyo aad culeeyskooda u leh marka
la eego Xaaladaha jaho wareer ee Dalka ka jirra iyo Dayaca weyn
ee ka muuqdda amaan iyo nabadgelyadda Dalka iyo burburka ku
dhacay Xarumihii iyo Saldhigyaddii Ciidanka Boliiska iyo
Abuuridda Ciidan Boliis oo Tayo wacan leh Saraakiil iyo Ciidanba,
waxaana Masuuliyadda ugu horeeysaa Noqoneeysa Diiwan gelinta
Saraakiishii iyo Ciidankii Horre iyo Aqoon iyo Xeeladaha Shaqo
lahaa intaa laga helo, iyo Qaadashadda Ciidan iyo Saraakiil
Boliis oo Tababaro loo furo Dhanka aqoonta Shaqadda Ciidanka iyo
Habka iyo Disibiliinka Ciidanka iyo Hanaanka iyo Habka
Illaalinta Xuquuqdda iyo Xoriyadaha Muwaadinka Somaaliyeed oo
Runtii si weyn eey ugu Xadgudbi jireen Ciidanka Boliisku.
Gen-Cali Madoobe, ayaa ah Sarkaal Dhisan
Aqoon ahaan iyo Waayo aragnimoba, waana Shakhsi leh Sifooyin
Wanaagsan oo dhanka wadaniyadda iyo habka Hogaaminta iyo
Gudashadda Xilka, waana Sarkaal si weyn ugu dadaal kor u
qaadidda aqoonta iyo Xirfadaha Shaqo ee Saraakiil iyo Ciidanka
uu Madaxdda u yahay, Si Sinaan iyo Cadaalad lehna kula Dhaqma
Dhammaantood, Gen-Cali Madoobe wuxuu si weyn u naceb yahay in
Dulmi iyo Falal Xadgudub loo geeysto Muwaadiniinta Caadigga ah,
waana Sarkaal aad iyo aad u Jeceyl Shaqadda loona gala ugu
Dameeyn 07.00 Subaxnimo iyo ka horba, Gen-Cali Madoobe waxaa
kalle oo ku caan yahay Xulashadda Saraakiisha Aqoonta iyo Sumcad
wanaagsan leh waana Nin Kormeero kedis ah Sameeya, isla markaana
isku taxalujiya la Socodka Xaaladaha Saraakiisha iyo Ciidanka uu
Madaxdda u yahay, Waana Tusaalooyin laga soo ururiyeey Xiligii
uu ahaa Gen-Cali Madoobe Taliyaha Qeynta Lid-Xuuraanka NSS-ka,
ama Sidda Somaalidu u Taqaano Qeybta Daba-Galka, oo aheyd
Qeybtii Shaqo ahaan ugu Muhiimsaneyd Taliskii Ciidanka
Nabad-Sugidda Somaaliyeed.
Anigu Shakhsiyan Shaki kama qabo Karti iyo
Aqoonta iyo Waayo aragnimadda Gen-Cali Maxamed Xassan (Cali
Madoobe), Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaaliyeed, iyo Weliba
Daacadnimadiisa iyo Qiiradiisa Wadaninimo iyo Dal jeceylba,
waxaana oran karaa waa Guul weyn oo u soo hoyateey Ciidanka
Boliiska Somaaliyeed gaar ahaan iyo Ummadda Somaaliyeeba Guud
ahaan, waana Shakhsiyadaha Dalka Hooyo Maanta Baahidda weyn u
qabo, Waxaan si weyn ugu qanacsanahay in Gen-Cali Madoobe sidii
ku habooneyd u diyaariyeey Qorshaha Dib u Dhiska Ciidanka
Boliiska iyo Hanaanka ugu Wanaagsan ee loo Sugi karo
Nabadgelyadda iyo Xasiloonidda Amaanka Dalka Gudihiisa, Anigoo u
Rajeeynaaya Guul iyo Horumar Ciidanka Boliiska Somaaliyeed iyo
Taliyahoodaba.
Dalka Itoobiya oo ah midka xuduudka ugu
dheer la leh Dalka Somaaliya isla markaana Gumeeysta Ummadda
Somaaliyeed oo malaayiin gaaraya Dhul balaaraan heysta kana
mid ahaa Dowladihii ka qeyb galay qeysigga Qaaradda Afrika
labo dagaal oo waaweyn dhex maray Somaaliya ayaa siyaasadda
iyo xiriirka u laheeyahay Qoomiyadaha Somaaliyeed wajiyo
badan leeyahay.
Marka laga yimaado Dagaalkii 64-kii iyo
kii 77/78kii oo naf iyo maalba Ummadda Somaaliyeed ku
weeyday dharbaaxooyin waaweyn gaarsiiyey Dowladdii la oran
jiray Libaaxa Afrika taariikhdana ku xusan guulihii iyo
xeeladihii geesimo ee Ciidamadda Qalabka siday ee
Somaaliyeed iyo taageeraddii hiil iyo hooba laheyd ee
Dadweynuhu la garab taagnaa Geesiyaasha Ciidamadda
Somaaliyeed sharafta iyo sumcada Ummadda si ku haboon u
illaalinaayeey Boqolaalkii Sarkaal,Sarkiil Xigeen iyo
Askartii ku Shahiiday Dagaaladaas ayaa Amaan iyo Xurmo weyn
mudan.
Haddaba biloowgii Jabhadaha hubeeysnaa
ayaa caawimo iyo gaboodba ka doontay Dalka Itoobiya oo
Calaadda weyn u hayeey Qoomiyadda Somaaliyeed ee Nidaamkii
Taladda hayeey oo dagaalkii ka sokoow dacaayado hab dagaal
ahi dhex yiilay markaas Jabhaduhu waxeey xeleen soo dhoweeyn
iyo taakuleyn iyo adeegsigga Dulka Itoobiya ka taliso oo ah
Dhul eey leeyihiin Somaalidu laakiin gumeeysi lagu heeysto
markaas waxaa Dowladdii Itoobiya ee Xiligaas u muuqatay
maslaxad ugu jirta soo dhoweeynta cidii Somaaliya ku
kacsanba weeyna siiyeen intii tabartoodu aheyd Jabhadihii
qaarkoodna guulo weeyn ka soo hooyeeyn dagaalkii eey kula
jireen Nidaamkii Kacaanka oo aslan naftiisa dumiyeey,Markaas
kuwa Itoobiya gacanta ka doontay waxeey ku sifeeyn jireen
kama ku tilmaan Dalka Itoobiya Saaxiib iyo in eey mudan
yihiin soo dhoweeyn dagaalaka sokeeye ayaa waxeey mar damme
soo celiyeen taageero ka doonashadda Itoobiya oo hadba
kooxdda xaliiska la,ahi ku tilmaanto Saaxiib halka kuwa
kelena ku tilmaamaan cadoow waana sinaariyo sidaas u
soconaayeey oo marna Saaxiib marna Cadoow.
Xaqiiqadda ayaa ah in maslaxadda markaas
la leeyahay lagu qiimeeyo Dowladda Itoobiya iyo Taageeradda
iyo taakuleeynta laga helaayo waana mid la oran karro ayaan
darro iyo guul daradda weyn ee Ummadda Somaaliyeed la soo
derestay Dalkii iyo Dadka Somaaliyeed oo ahaa Qaran jirra
sumcadiisa leh xurmadiisa leh Geeska Afrikana awood Ciidan
iyo heybad Dowladeed ku laheeyn jiray xoriyadda Qaaradda
Afrikana door weyn ka soo qaatay magac iyo maamuusna ku
yeeshay Beesha Aduunka hanaanka xoriyadda illaaliya,
Halganka Mujaahidiinta Xoriyad Doonka Ugaadeeniya (ONLF),
Naftood hurayaasha Geesiyiinta ah ayaa Dharbaaxooyin waaweyn
gaarsiiyeey Ciidamadda Gumeeysigga Modoow (Itoobiya),
Askarta ka Amar qaadata Keli-Taliye Zinaaawi Madaxdda
Raxanta Tegreega Xaaraanta ku heesta Dalka iyo Ummadda Reer
Itoobiya, Guusho Sharaf leh ayeey gaareen Xoogaha ONLF waana
Guul eey ku amaanan yihiin, waana Jihaad xaq ah Xoreeynta
Dalkooda Hooyo.
Waji kastoo la siiyeey ama loo hayo ama
la siin doono Itoobiya iyo maslaxad kastoo laga yeesho anigu
aragtidda xusuustay ku duugan oo aan weligeed ka tirmeeyn
ayaa dhigeeysaDalka Itoobiya Dowladihii noocii eey doonta la
yeelato waa cadowgga koowaad ee Ummadda Somaaliyeed Dalka
Somaaliyeed Qaranimadda Somaaliyeed anigoo si weyn u
taageersan helitaanka Dowlad Somaaliyeed oo hab cadaaladeed
Ummadda ugu shaqeysa Dalkeena soo degta Dadkeeda ka shiidaal
qaata dib u dhiskana ku dadaasha soona nooleeysa habkii iyo
nidaamkii Dowladeed iyo kala dameeyntii Dowladaha dereskana
siyaasadad deresnimo kula dhaqanta mudnaanta koowaadna siisa
danaha Ummadda Somaaliyeed, Waxaan marna la qaadan kareen
hoos tegidda iyo Xulufeeysigga Nidaamka Tegreegga Adis
fadhiya, oo dantiisa koowaad tahay curyaaminta iyo Gumeenya
Ummadda Somaaliyeed, iyo ka faa,iideeysigga Kheyraadka iyo
Dekedaha Istaraatiijiga ah ee Somaaliya, Itoobiya ayaa ah
Dal Hoggaan Caqli xumi Hoggaamiyo, oo weliba Cuqdad weyn
qaba.
Itoobiya waa Cadoowgga Ummadda
Somaaliyeed-Saaxiibnimaddu waa mid lagu saleeyo habka
diplomaasiyadda iyo ilka ka qosolka Dowladaha Aduunka ka
dhexeeya, Anigoo ka soo Jeedda Qoys Wadani ah, Ehel Diin ah
Waxaa la igu soo Barbaariyeey Qiiradda iyo Aragtidda
Qarameed, Dal Jeceylka iyo Midnimadda Ummadda Somaaliyeed oo
ah mid aan Dheldheel Gali kareen, Sidaas awgeed marna ma
qaadan karro aragtidda Somaalidda Qaarood beryahan dame
wadaan oo ah (Saaxiibnimo iyo Iskaashi ama Xulufeeysi lala
Yeesho Nidaamka ka Taliya Dalka Itoobiya), miyaa la
Illaaweey Dhulka Somaaliyeed ee Baaxadda weyn leh ee ku Hoos
jirra Gacanta Gumeeysigga Madoow, waa Dhulka Ugaadeeniya ama
S/Galbeed, Cadoowgeeyga Kowaad waa Nidaamka Foosha Xum ee
Zinaawiga Adis Fadhiya.
Dalka Somaaliya ayaa ka kooban Gobalo kala
degaan duwan kuna kala Muhiimsan dhinacaMowqica eey ku yaaliin
iyo Kheeyraadka iyo qaab Nololeedka isla markaana Dhulka
Somaaliyeed wuxuu leeyahay hab isku xirnaansho iyo hanaan aanu
ku kala maarmi kareen, Ummadda Somaaliyeedna waa Walaalo
Ehelnimo weyn leh, Waxaana mideeya Diinta Islaamka, Luqadda
Af-Somaaligga iyo isku Dhowaanshaha Dhaqanka.
Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah Goboladda
Dhexe ee Somaaliya oo weliba ah Gobol ka mid ah Gobaladdii horre
ee Sideeda ahaan jiray, wuxuuna ku yaalaa Dhul aad iyo aad ugu
wanaagsan dhanka Istiraatiigiyadda waana isku xiraha Goboladda
iyo Weliba Dhulka Somaaliyyed ee ku Jirra Gacanta Gumeeysigga
Madoow, Dhulka S/Galbeed ama Ogaadeeniya, Gobolka ayaa leh
Ahamiyada Weyn dhanka Xuduudka Waana Meel si weyn eey indhaha
ugu heeysto Dowladda Itoobiya Codowgga Kowaad ee Ummadda
Somaaliyeed, oo Damac weyn iyo dano gaar ah ka leh Dhulka
Somaaliyeed oo Dagaaladda Sokeeye iyo Colaadda habka Qabiil ahi
burburisay una kala gooysay Qeybo iyo Gobolo Yar Yar ah.
Sidda Muuqata Hogaanka Siyaasadeed ee Dalka
Itoobiya oo kaashanaaya wax la sheego Xiriir iyo Iskaashii
Saaxibnimo oo uu la leeyahay Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf Axmed iyo
Ra,iisal Wasaarre Cali Max,d Geedi iyo Qeyb weyn oo ka mid ah
Golaha Xukuumadda iyo Xildhibaanadda Golaha Barlamaanka iyo
Guddoomiyaha Gobolka Hiiran ama Madaxweynaha Midland ayaa howlo
fara gelineed oo balaaran ku sameeya Hanaanka deganaanshaha iyo
qas gelinta Xasiloonidda Gobolka Hiiran, waana la wadda ogyahay
xadgudubyadda Ciidamadda Dalka Itoobiya ka geeystaan Degaamadda
Xuduuda ah Gaar ahaan Hiiran, Bay, Bakool iyo Gedo, sidda
Muuqata Dowladda Itoobiya ayaa Qorshaheedii ku wajahnaa markii
horre Dhinaca Goboladda Bay iyo Bakool u soo wareejineeysa
Dhanka Gobolka Hiiran oo eey u aragto Meel eey si sahlan u soo
geli karto, iyo Mawqic Munaasib ah maadaama Madaxweynaha iyo
Xukuumadda Somaaliyeed Fadhigoodu yahay Gobolka SH/Dhexe
Magaaladda Jowhar oo eey Gobolka Hiiran Xuduud Wanaagaan.
Dowladda Itoobiya ayaa Siyaasad dhoowr waji
leh Ciyaareeysa oo eey dooneeyso in eey Dnaheeda ku fushato,
Tusaalle ahaan waxeey sidii ku habooneyd u soo dhabooshay Labo
Furimood oo ahamiyadood leh- S/Land iyo P/Land oo eey si toos ah
Gacanta ugu soo dhigtay, lana gaarteey Heshiisyo Ganacsi iyo
Adeegsigga Dekedahooda weeyna ku guuleeystay Arrintaas, iyadoo
hadda Qorshaheedu yahay Caasimadda Somaaliya Muqdisho iyo
Goboladda Jubooyinka oo ah kuwo ahamiyad weyn leh wadadii loo
mari lahaana ku adkaatay.
Si kasta ha ahaatee, Gobolka Hiiran ayaa ah
qorshe koowaad ee Dowladda Itoobiya Maanta, weeyna u muuqataa
mid sidii ku habooneyd u wadda qorshaha, Waxaana Kaalin weyn oo
fududeyn ah ka geeysanaayaa hirgelinta Qorshaha Cadowgga kala
qeybsanaanta Dowladda Somaaliyeed ee Dalka Kenya lagu soo dhisay,
una kala jabtay labadda jabar oo sidda weyn isu diidan, kala
jabkooduna burburin karro Dowladda aan Cagaha adag ku taagneeyn,
Qorshaha Itoobiyaanku waa sidaas kii Allena waa Meeshiisa,
Guushana Ciddii Alle la jirro ayaa iska leh waana Ummadda
Somaaliyeed ee Muslinka ah oo Dhibaatooyinka faraha badani
Heeystaan, Guusha Inagaa leh, Inshaa Allaa.
-Allaa Mahad leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh (Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 24/06/2005.
Fariinta uu wato qoraalka sare waxay u gaar tahay
qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|
|