HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Friday,  June 24,  2005


 

Fanaanadda Xidigta Codka Wacan- Sahra Axmed Jaamac


Tixraac Qormooyinkii Taxanaha ahaa ee Fanka iyo Sugaanta Somaaliyeed, gaar ahaan Qormooyinkii ku Saabsanaa Fanaanadaha Somaaliyeed ee Caanka ah, oo aan hore uga Qoray-Fanaanadda Jimco Jaamac, saado Cali, iyo Maryan Mursal, Qormadan Maanta ayaan ugu halo galay Fanaanad Xidig aad iyo aad u Cod wanaagsan oo Fanka Somaaliyeed kaalin weyn ka soo qaadatay kana mid ah Fanaanadaha Somaaliyeed ee Safka Horre kuwa ugu Caansan Sidda;- Al-Marxuuma- Magool, Baxsan, Hibo Nuura, Saado Cali, Khadra, Maan deeq Iyo Xidigta Weyn ee Banaadirigga Faaduma Qaasim Hilowlle, Xidigta Qormadan ayaa ah Fanaanada Caanka ah ee SAHRA AXMED JAAMAC.  

Sahra Axmed ayaa Fanka Somaaliyeed ku soo biirisay Cod wacan iyo hanaan Jileedeed Wanaagsan, Sahra waxeey ka soo jeedaa Degaan ahaa Gobolka Sanaag oo ah Degaamo Taariikhi weyn leh sidda-Halgankii Daraawiishta, Buurta ugu Dheer ee Daalo, Qabrigga ama Maqaamka uu ku Aasan-yahay Sheekh Isxaaq Bin Axmed, Gobolka ayaa waxaa ku dhashay Shakhsiyaad Caan ah Sidd:- Abwaan Al-Marxuum-Xaaji Aden Af-Qalooc, Sugaan Yaqaan- Baal-Baal, Abwaan Saciid Saalax, Mulaxinka Caanka-Ismaciil Xudeedi, Gen-Cabdi Dhiboo, C/Raxmaan Ducaalle, Dr-Gacameey, Proff- Caalin, Al-Marxuum- Danjirre-Meykal Maryama, Danjirre-Dhuko iyo Fanaanadii Dahanka Jilidda ku caanka aheyd-Khadiijo Ceerigaabo iyo Dad Badan oo Magac iyo Maqaamba leh, iyo Weliba Saldanadda Somaaliyeed ee Qadiimka ah ee Reer Cali Shirre iyo Hogaan Dhaqmeeyo Salaano iyo Boqorba.  

Sahra Axmed, waxeey Keydka Heesaha Somaaliyeed ku leedahay Tirro aad iyo aad u badan oo Heeso Wanaagsan ah oo eey Curiyeen Abwaano Magac weyn leh Sidda;- Xassan Geni, Al-Marxuum-Kaariye, Al-Marxuum-Cusmaan Askari, iyo Abwaan-Axmed Suleemaan Bide iyo Abwaano kalle oo Caan ah, Dhanka Riwaayadaha ayaa Xidigta Sahra Axmed si weyn u caan tahay hanan iyo hab jileedna wacan leedahay, Codka Sahra ayaa mid Naaxiyad iyo luuqeyn Gaar ah ee Codkeeda siinaaya sifi gaar ah iyo soo jiidasha weyn, Heesaha Sahra ayaa ah kuwo la oran karo waxeey ka mid yihiin kuwo ugu wanaagsan Heesaha Somaaliyeed;-Sidda Heesta Caanka ah-Sanaag ama Saraar oo uu Curiyeey Abwaanka Weyn-Xassan Geni.  

Dhinaca Qof ahaaneed Sahra Axmed ayaa ah Fanaanad aad iyo aad caadi u ah, oo xurmo iyo qadarin weyn ku leh bulshadda dhexdeedda, Sahro waxeey ka xur tahay isla weynidda iyo waxa la yiraahdo Kibirka, waa Shakhsiyad Bulshaaniyad ah si weyn u qadarisa Bahdda Fanka Somaaliyeed iyo Muwaadiniinta Caadiga ah, Sahra Luqad Wanaagsan iyo Xurmeeysan ayeey Dadka kula Hadashaa waana Qof soo dhoweeyn wanaagsan, waana Sifooyinka maanta laga heli karro in yar oo dadka Somaaliyeed ka mid ah, Dhaqanka Degaamadda Sanaaga ayaa Runtii Habkaas ku dhisan waayo- Bulshadda Degaankaas ayaa leh Xiriir weyn oo is dhex gal ah iyo Ehelimo weyn iyo Xurmeeynta iyo Hanaanka soo dhoweeynta Dadka, Sahra oo ah Safiir Wacan oo Fanka Somaaliyeed Guud ahaanba iyo Hanaanka iyo habka Dhaqameedka Gobolka Sanaag.  

Waxaan ka Cudur daaranaayaa haddii Qormadanu noqon weyn mid gaarsiisan Maqaamka iyo Hanaanaka iyo Heerka ama Kaalinta Fanaanadda Weyn Sahra Axmed Jaamac, Anigoo ah muwaadin Aqoon ahaan iyo Af-Tahannimadu ku Yartay, Laakiin Xurmo iyo Qadarin iyo Tixgelin aan u Hayo Fanaanadda Weyn Sahra Axmed Jaamac iyo Fanaaniinta Somaaliyeed awgeed u Bandhigaayaa Qormooyinka Kooban, Fanaanadda Xidigta Codka Wacan Leh-SAHRA AXMED JAAMAC, Gunaanadka Qormadan Salaan Wacan oo Xurmo iyo Qadarin weyn huwan iga Gudoon Marwo.

Feeynuuska Fanka Somaaliyeed-Xidigta Ehel Faneedka ah-Faaduma Qaasim Hiloowlle

Tixraac Qormooyinkii Fanka iyo Suuganta Somaaliyeed, Qeybtii Fanaanadaha Xidiga Fanka Somaaliyeed Hoboladaha Codka Wacaan leh oo aan hore ugu Qoray Fanaanadaha-Nimco Jaamac, Saado Cali, Maryan Mursal iyo Sahra Axmed Jaamac, Halkan Qormadan maanta loo Qorsheeyeey Xidigta Fanka Banaadirigga, oo Loogu mgac daray-Feeynuuska Fanka,Waa:- Xidigta Fanaanadda Weyn Codka Cajiibka ah leh- Faaduma Qaasim Hiloowlle.   

Fanka Somaaliyeed Dhinaca Heesaha iyo Riwaayadaha ayaa labao Qeybood loo kala qaadaa Somaaligga Caadiga ah iyo Mid Banaadirigga oo leh hab aad iyo aad ugu Wanaagsan Jilidda Riwaayadaha iyo habka ku Luuqeeynta Heesaha oo lagu mitaali karro Habka Hindigga oo kalle oo Qaab Ciyaareed badan lagu sameeyo Masraxa korkiisa, habka ayaa siinaaya Fanka Banaadiriggu in uu yeesho taageerayaal amam bulsho badan oo si weyn u xiiseeysa iyo weliba Codka cajiibka ah ee Feeynuuska Fanka-Faadumo Qaasim, Luul Jeylaani, Aamina Camaari, iyo Siteey Qosol-Wanaag, iyo Hobaladda, Aweys Khamiis, Axmed Sharif Killar, Axmadey Abubakar, Al-Ustaad,Axmed Naaji Sacad, Shimaali Axmed Shimaali, Xabiib Sharaab, Jeeri, Iyo Hanaanka, Habsamidda Mu,alifiinta Banaadiriga gaar ahaan- Aweys Geedoow iyo Liishaan Axmadeey Cabdi Gaashaan iyo Hanaanka iyo Xeelada Aqooneed ee Habka Saarisra Laxanka iyo muusikadda ee Al-Ustaad, Axmed Naaji Sacad iyo Kooxaha, Shareero, Iftiin iyo Somali Jazzba.

 

Feeynuuska Fanka, Faaduma Qaasim Hilooelle ayaa ah Hoobalad ka soo jeedda Qoys Faneed waayo, Aabaheeda Al-Marxuum, Qaasim Hiloowle ayaa ahaa Fanan Weyn oo caan ah kaalin weyna ka soo qaatay Halgankii Xoriyadda Somaaliyeed oo uu ka mid ahaa Ragii Codkooda ku halgamaayeey- Tusaalle, Somaaliyeey Toosoo, Toosoo Isku Tiirsadda, sidoo kalle waxaa Fanaanad ah Walaasheed, Musiko ayaanadda weyn, Muslimo Qaasim Hiloowle, Isla markaana faadumo Seeygeeda ayaa ah Abwaan, Maxamed Karaama, iyo Caruurta eey Dhashay oo Faanaanin ah Gaar ahaan Wiilka weyn oo Heesaha Muusikadana Sameeya iyo Gabdhaheeda Qaarkood, Faadumo waa Ehel Faneed weyn, waana Shakhsiyad Codkeedu yahay nooc gaar ah oo qof walbaa keeni kareen, Waxaa kalle oo feynuuska Fursad weyn Siinaaya Fanaanka ku Lamaan oo Heesaha la qaada Gaar ahaan, Xidiga weyn Aweys Khamiis Mabuuta.   

Heerka faneed iyo maqaamka Faadumo Qaasim ka gaartay Fanka Somaaliyeed laguma soo Koobi karro hal Maqaal iyo wax u dhoow-toona, balse waxeey u baahaneeysaa Maqaalo iyo Maqaalo, Bogag iyo Bogag waana Taariikhi faneed soo jitamaayeey Sanao badan oo eey ka mid aheyd Xidigaha Hobaladdii Qaranka Waaberi, gaar ahaan Dhinaca Banaadirigga oo eey ka qeyb qaadatay Riwaayado aan la soo koobi kareen iyo Heesaheeda Dhaafay Boqol-laal oo Dadweynuhu sidda gaarka ah u Xiiseeyaan kana mid kuwa loogu Jaceyl yahay, Faadumo Waxeeysa ka soo Jeedaa Gobolka Banaadir Caasimadda Somaaliya Muqdisho oo ah Xudunta ummadda Somaaliyeed, Magaaladda Bilidda Wacan leh, Dhismayaasha Taariikhiga ah leh Sidda:- Masaajidka Qadiimka ah ee Degmadda C/Casiis, Madxafkii Saciid Barkhash,Dekadii Horre, Deyrka C/Casiis, Masaajidka Arbaca Rukun, Dhismaha Afar Irdoodka, iyo Kuwii Cusbaa Sidda;- Hoteelkii Al-Curuuba, Jubba Hotel, Bankigga Ganacsigga iyo Keydka, Daartii Jirde Xuseen (Satooya Center), Gurigii Ummadda, Masaajidkii Isbaheeysigga, Hoteelkii Weheliye, Al-Xoriyaha, Maka Al-Mukarama, India Occean, Taleex iyo Goobihii Ganacsigga iyo Dhulkii Qurxoonaa Waa Xiligii Dowladda Somaaliyeed Jiray, Balse Nasiib darro waxaa ah in Intooda badan Burbureen Dhibaatadda Dagaaladda Sokeeye Awgeed.   

Gobolka Banaadir ama Magaaladda Muqdisho Lama soo Koobi karro Shakhsiyaadka Caanka Waxaana Tusaalle loo Soo Qaadan karaa-Xidigaha Isportigga-Koleeygga-Baa-Rajab, Shiine, Cabdalla Dheere, Mulki Jeenyo, Kubadda Cagta, Shariif Xamsa, Muriidi, C/ladiif, Xamaama, Al-Marxuum-C/laahi Cabdi, Dr-Shaqaaq, iyo Shakhsigii Wadaniga ahaa Gudoomiyihii Xiriirka Somaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud- Maxamed Saalax Axmed(Jarlees), lama soo Koobi karra Dadka Magac iyo Maamuuska weyn leh ee ka soo jeeda Magaaladda Muqdisho, Aqoon yahano, Saraakiil Sarre, Dakhaatiir Caan, Fanaaniin, Ciyaaryahano iyo Sugaan Yaqaano Badan.  

Feeynuuska Fanka Somaaliyeed, Xidigta Weyn ee Fanka Banaadirigga Somaaliyeed-Faaduma Qaasim Hiloowlle, waa Wadiyey weyn oo ku soo barbaartay Guri wadaniyad leh, Waxeeyna sidaa Calankii iyo Habkii iyo Qiiradii Wadaniyadeed ee Aabaheed Al-Marxuum- Qaasim Hiloowlle, naxariistii Janao Alle ha siiyo, Faadumo oo Qof aad iyo aad Caadi u ah oo aan laheyn Kibir iyo isl-weynidda, waana Shakhsiyad had iyo jeer Faraxsan waji furan leh, si weyna u Dhaqan Wanaagsan Bahdda Fankana tixgelin weyn siisa, Faadumo waa Sawirka Dhabta ee Dadnimo wanaagsan iyo Qadarinta Muwaadiniinta, waana Ehel Faneed Dhab ah Feeynuuska Fanka Somaaliyeed-Fanaanadda Weyn-FAADUMA QAASIM HILLOWLE, Xurmo iyo Qadarin weyn iga Guddoon Marwo.  

Waxaan Halkan Dudur daar iyo Raali gelin uga soo gudbinaayaa Xidigo Waaweyn oo aan ka  illaaweey Liiskii Fanaanadaha Somaaliyeed, iyadoo Xusuusyo i ciishay awgeed,Waana:- 1-Fanaanadda Xidigta- Xakiima Caalim, 2-Fanaanadda Xidigta- Saafi Ducaalle, Fanaanadda Xidigta, Faaduma Axmed, Xidigta, Farxiyo Yareey, Iyo Dhammaan Fanaanadaha Magacoodu ka Maqan yahay Liiska Fanaanadaha Xidigaha Fanka Somaaliyeed. 

Dhisidda Ciidanka Boliiska Somaaliyeed Ayaa Ah Masuuliyad Weyn oo Sugeeysa Gen-Cali Madoobe

Sidda la wadda ogyahay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed ayaa ka mid ahaan jiray Ciidankii Qaranka ee la isku oran jiray Ciidamadda Qalabka sidda Xiligii Rajiimkii Al-Marxuum-Siyaad Barre, wuxuuna Asal Ciidanka Boliiska Somaaliyeed soo maray marxalado kalae duwan iyo Taliyaal badan oo eey ka mid ahaayeen- Gen-Max,d Abshir Muuse, Gen-Al-Marxuum-Jaamac Cali Qoorsheel, Gen- Jaamac Yarre, Gen-Al-Marxuum-Matukade, Gen-Al-Marxuum- Aden Kukey, Gen-Aden Xirsi(Ku Sime), Gen-Axmed Jaamac, Gen-C/Raxmaan Guulwadde iyo Gen- Dr-Cali Maxamed Xassan (Cali Madoobe), Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed.   

Ciidanka Boliiska Somaaliyeed ayaa noqon doona midka Masuuliyad ugu weyn ee Xasilinta iyo Sugidda Nabad-gelyadda Dalka gudihiisa iyo u adeegidda Dadweynaha Somaaliyeed, waana Arrimaha aad iyo aad culeeyskooda u leh marka la eego Xaaladaha jaho wareer ee Dalka ka jirra iyo Dayaca weyn ee ka muuqdda amaan iyo nabadgelyadda Dalka iyo burburka ku dhacay Xarumihii iyo Saldhigyaddii Ciidanka Boliiska iyo Abuuridda Ciidan Boliis oo Tayo wacan leh Saraakiil iyo Ciidanba, waxaana Masuuliyadda ugu horeeysaa Noqoneeysa Diiwan gelinta Saraakiishii iyo Ciidankii Horre iyo Aqoon iyo Xeeladaha Shaqo lahaa intaa laga helo, iyo Qaadashadda Ciidan iyo Saraakiil Boliis oo Tababaro loo furo Dhanka aqoonta Shaqadda Ciidanka iyo Habka iyo Disibiliinka Ciidanka iyo Hanaanka iyo Habka Illaalinta Xuquuqdda iyo Xoriyadaha Muwaadinka Somaaliyeed oo Runtii si weyn eey ugu Xadgudbi jireen Ciidanka Boliisku.    

Gen-Cali Madoobe, ayaa ah Sarkaal Dhisan Aqoon ahaan iyo Waayo aragnimoba, waana Shakhsi leh Sifooyin Wanaagsan oo dhanka wadaniyadda iyo habka Hogaaminta iyo Gudashadda Xilka, waana Sarkaal si weyn ugu dadaal kor u qaadidda aqoonta iyo Xirfadaha Shaqo ee Saraakiil iyo Ciidanka uu Madaxdda u yahay, Si Sinaan iyo Cadaalad lehna kula Dhaqma Dhammaantood, Gen-Cali Madoobe wuxuu si weyn u naceb yahay in Dulmi iyo Falal Xadgudub loo geeysto Muwaadiniinta Caadigga ah, waana Sarkaal aad iyo aad u Jeceyl Shaqadda loona gala ugu Dameeyn 07.00 Subaxnimo iyo ka horba, Gen-Cali Madoobe waxaa kalle oo ku caan yahay Xulashadda Saraakiisha Aqoonta iyo Sumcad wanaagsan leh waana Nin Kormeero kedis ah Sameeya, isla markaana isku taxalujiya la Socodka Xaaladaha Saraakiisha iyo Ciidanka uu Madaxdda u yahay, Waana Tusaalooyin laga soo ururiyeey Xiligii uu ahaa Gen-Cali Madoobe Taliyaha Qeynta Lid-Xuuraanka NSS-ka, ama Sidda Somaalidu u Taqaano Qeybta Daba-Galka, oo aheyd Qeybtii Shaqo ahaan ugu Muhiimsaneyd Taliskii Ciidanka Nabad-Sugidda Somaaliyeed.   

Anigu Shakhsiyan Shaki kama qabo Karti iyo Aqoonta iyo Waayo aragnimadda Gen-Cali Maxamed Xassan (Cali Madoobe), Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaaliyeed, iyo Weliba Daacadnimadiisa iyo Qiiradiisa Wadaninimo iyo Dal jeceylba, waxaana oran karaa waa Guul weyn oo u soo hoyateey Ciidanka Boliiska Somaaliyeed gaar ahaan iyo Ummadda Somaaliyeeba Guud ahaan, waana Shakhsiyadaha Dalka Hooyo Maanta Baahidda weyn u qabo, Waxaan si weyn ugu qanacsanahay in Gen-Cali Madoobe sidii ku habooneyd u diyaariyeey Qorshaha Dib u Dhiska Ciidanka Boliiska iyo Hanaanka ugu Wanaagsan ee loo Sugi karo Nabadgelyadda iyo Xasiloonidda Amaanka Dalka Gudihiisa, Anigoo u Rajeeynaaya Guul iyo Horumar Ciidanka Boliiska Somaaliyeed iyo Taliyahoodaba.

  
ITOOBIYA CADOOWGA SOOMAALIYEED SHALAY SAAXIIB MAANTA CADOOW BERI SAAXIIB

Dalka Itoobiya oo ah midka xuduudka ugu dheer la leh Dalka Somaaliya isla markaana Gumeeysta Ummadda Somaaliyeed oo malaayiin gaaraya Dhul balaaraan heysta kana mid ahaa Dowladihii ka qeyb galay qeysigga Qaaradda Afrika labo dagaal oo waaweyn dhex maray Somaaliya ayaa siyaasadda iyo xiriirka u laheeyahay Qoomiyadaha Somaaliyeed wajiyo badan leeyahay.  

Marka laga yimaado Dagaalkii 64-kii iyo kii 77/78kii oo naf iyo maalba Ummadda Somaaliyeed ku weeyday dharbaaxooyin waaweyn gaarsiiyey Dowladdii la oran jiray Libaaxa Afrika taariikhdana ku xusan guulihii iyo xeeladihii geesimo ee Ciidamadda Qalabka siday ee Somaaliyeed iyo taageeraddii hiil iyo hooba laheyd ee Dadweynuhu la garab taagnaa Geesiyaasha Ciidamadda Somaaliyeed sharafta iyo sumcada Ummadda si ku haboon u illaalinaayeey Boqolaalkii Sarkaal,Sarkiil Xigeen iyo Askartii ku Shahiiday Dagaaladaas ayaa Amaan iyo Xurmo weyn mudan.  

Haddaba biloowgii Jabhadaha hubeeysnaa ayaa caawimo iyo gaboodba ka doontay Dalka Itoobiya oo Calaadda weyn u hayeey Qoomiyadda Somaaliyeed ee Nidaamkii Taladda hayeey oo dagaalkii ka sokoow dacaayado hab dagaal ahi dhex yiilay markaas Jabhaduhu waxeey xeleen soo dhoweeyn iyo taakuleyn iyo adeegsigga Dulka Itoobiya ka taliso oo ah Dhul eey leeyihiin Somaalidu laakiin gumeeysi lagu heeysto markaas waxaa Dowladdii Itoobiya ee Xiligaas u muuqatay maslaxad ugu jirta soo dhoweeynta cidii Somaaliya ku kacsanba weeyna siiyeen intii tabartoodu aheyd Jabhadihii qaarkoodna guulo weeyn ka soo hooyeeyn dagaalkii eey kula jireen Nidaamkii Kacaanka oo aslan naftiisa dumiyeey,Markaas kuwa Itoobiya gacanta ka doontay waxeey ku sifeeyn jireen kama ku tilmaan Dalka Itoobiya Saaxiib iyo in eey mudan yihiin soo dhoweeyn dagaalaka sokeeye ayaa waxeey mar damme soo celiyeen taageero ka doonashadda Itoobiya oo hadba kooxdda xaliiska la,ahi ku tilmaanto Saaxiib halka kuwa kelena ku tilmaamaan cadoow waana sinaariyo sidaas u soconaayeey oo marna Saaxiib marna Cadoow.  

Xaqiiqadda ayaa ah in maslaxadda markaas la leeyahay lagu qiimeeyo Dowladda Itoobiya iyo Taageeradda iyo taakuleeynta laga helaayo waana mid la oran karro ayaan darro iyo guul daradda weyn ee Ummadda Somaaliyeed la soo derestay Dalkii iyo Dadka Somaaliyeed oo ahaa Qaran jirra sumcadiisa leh xurmadiisa leh Geeska Afrikana awood Ciidan iyo heybad Dowladeed ku laheeyn jiray xoriyadda Qaaradda Afrikana door weyn ka soo qaatay magac iyo maamuusna ku yeeshay Beesha Aduunka hanaanka xoriyadda illaaliya, Halganka Mujaahidiinta Xoriyad Doonka Ugaadeeniya (ONLF), Naftood hurayaasha Geesiyiinta ah ayaa Dharbaaxooyin waaweyn gaarsiiyeey Ciidamadda Gumeeysigga Modoow (Itoobiya), Askarta ka Amar qaadata Keli-Taliye Zinaaawi Madaxdda Raxanta Tegreega Xaaraanta ku heesta Dalka iyo Ummadda Reer Itoobiya, Guusho Sharaf leh ayeey gaareen Xoogaha ONLF waana Guul  eey ku amaanan yihiin, waana Jihaad xaq ah Xoreeynta Dalkooda Hooyo.  

Waji kastoo la siiyeey ama loo hayo ama la siin doono Itoobiya iyo maslaxad kastoo laga yeesho anigu aragtidda xusuustay ku duugan oo aan weligeed ka tirmeeyn ayaa dhigeeysaDalka Itoobiya Dowladihii noocii eey doonta la yeelato waa cadowgga koowaad ee Ummadda Somaaliyeed Dalka Somaaliyeed Qaranimadda Somaaliyeed anigoo si weyn u taageersan helitaanka Dowlad Somaaliyeed oo hab cadaaladeed Ummadda ugu shaqeysa Dalkeena soo degta Dadkeeda ka shiidaal qaata dib u dhiskana ku dadaasha soona nooleeysa habkii iyo nidaamkii Dowladeed iyo kala dameeyntii Dowladaha dereskana siyaasadad deresnimo kula dhaqanta mudnaanta koowaadna siisa danaha Ummadda Somaaliyeed, Waxaan marna la qaadan kareen hoos tegidda iyo Xulufeeysigga Nidaamka Tegreegga Adis fadhiya, oo dantiisa koowaad tahay curyaaminta iyo Gumeenya Ummadda Somaaliyeed, iyo ka faa,iideeysigga Kheyraadka iyo Dekedaha Istaraatiijiga ah ee Somaaliya, Itoobiya ayaa ah Dal Hoggaan Caqli xumi Hoggaamiyo, oo weliba Cuqdad weyn qaba. 

Itoobiya waa Cadoowgga Ummadda Somaaliyeed-Saaxiibnimaddu waa mid lagu saleeyo habka diplomaasiyadda iyo ilka ka qosolka Dowladaha Aduunka ka dhexeeya, Anigoo ka soo Jeedda Qoys Wadani ah, Ehel Diin ah Waxaa la igu soo Barbaariyeey Qiiradda iyo Aragtidda Qarameed, Dal Jeceylka iyo Midnimadda Ummadda Somaaliyeed oo ah mid aan Dheldheel Gali kareen, Sidaas awgeed marna ma qaadan karro aragtidda Somaalidda Qaarood beryahan dame wadaan oo ah (Saaxiibnimo iyo Iskaashi ama Xulufeeysi lala Yeesho Nidaamka ka Taliya Dalka Itoobiya), miyaa la Illaaweey Dhulka Somaaliyeed ee Baaxadda weyn leh ee ku Hoos jirra Gacanta Gumeeysigga Madoow, waa Dhulka Ugaadeeniya ama S/Galbeed, Cadoowgeeyga Kowaad waa Nidaamka Foosha Xum ee Zinaawiga Adis Fadhiya.  

Gobolka Hiiraan Waa Wadnaha Dalka Hooyo "Degaan ahaan", Itoobiyana Indhaha ku Heeysaa  

Dalka Somaaliya ayaa ka kooban Gobalo kala degaan duwan kuna kala Muhiimsan dhinacaMowqica eey ku yaaliin iyo Kheeyraadka iyo qaab Nololeedka isla markaana Dhulka Somaaliyeed wuxuu leeyahay hab isku xirnaansho iyo hanaan aanu ku kala maarmi kareen, Ummadda Somaaliyeedna waa Walaalo Ehelnimo weyn leh, Waxaana mideeya Diinta Islaamka, Luqadda Af-Somaaligga iyo isku Dhowaanshaha Dhaqanka.  

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah Goboladda Dhexe ee Somaaliya oo weliba ah Gobol ka mid ah Gobaladdii horre ee Sideeda ahaan jiray, wuxuuna ku yaalaa Dhul aad iyo aad ugu wanaagsan dhanka Istiraatiigiyadda waana isku xiraha Goboladda iyo Weliba Dhulka Somaaliyyed ee ku Jirra Gacanta Gumeeysigga Madoow, Dhulka S/Galbeed ama Ogaadeeniya,  Gobolka ayaa leh Ahamiyada Weyn dhanka Xuduudka Waana Meel si weyn eey indhaha ugu heeysto Dowladda Itoobiya Codowgga Kowaad ee Ummadda Somaaliyeed, oo Damac weyn iyo dano gaar ah ka leh Dhulka Somaaliyeed oo Dagaaladda Sokeeye iyo Colaadda habka Qabiil ahi burburisay una kala gooysay Qeybo iyo Gobolo Yar Yar ah. 

Sidda Muuqata Hogaanka Siyaasadeed ee Dalka Itoobiya oo kaashanaaya wax la sheego Xiriir iyo Iskaashii Saaxibnimo oo uu la leeyahay Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf Axmed iyo Ra,iisal Wasaarre Cali Max,d Geedi iyo Qeyb weyn oo ka mid ah Golaha Xukuumadda iyo Xildhibaanadda Golaha Barlamaanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiran ama Madaxweynaha Midland ayaa howlo fara gelineed oo balaaran ku sameeya Hanaanka deganaanshaha iyo qas gelinta Xasiloonidda Gobolka Hiiran, waana la wadda ogyahay xadgudubyadda Ciidamadda Dalka Itoobiya ka geeystaan Degaamadda Xuduuda ah Gaar ahaan Hiiran, Bay, Bakool iyo Gedo, sidda Muuqata Dowladda Itoobiya ayaa Qorshaheedii ku wajahnaa markii horre Dhinaca Goboladda Bay iyo Bakool u soo wareejineeysa Dhanka Gobolka Hiiran oo eey u aragto Meel eey si sahlan u soo geli karto, iyo Mawqic Munaasib ah maadaama Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaaliyeed Fadhigoodu yahay Gobolka SH/Dhexe Magaaladda Jowhar oo eey Gobolka Hiiran Xuduud Wanaagaan.  

Dowladda Itoobiya ayaa Siyaasad dhoowr waji leh Ciyaareeysa oo eey dooneeyso in eey Dnaheeda ku fushato, Tusaalle ahaan waxeey sidii ku habooneyd u soo dhabooshay Labo Furimood oo ahamiyadood leh- S/Land iyo P/Land oo eey si toos ah Gacanta ugu soo dhigtay, lana gaarteey Heshiisyo Ganacsi iyo Adeegsigga Dekedahooda weeyna ku guuleeystay Arrintaas, iyadoo hadda Qorshaheedu yahay Caasimadda Somaaliya Muqdisho iyo Goboladda Jubooyinka oo ah kuwo ahamiyad weyn leh wadadii loo mari lahaana ku adkaatay.   

Si kasta ha ahaatee, Gobolka Hiiran ayaa ah qorshe koowaad ee Dowladda Itoobiya Maanta, weeyna u muuqataa mid sidii ku habooneyd u wadda qorshaha, Waxaana Kaalin weyn oo fududeyn ah ka geeysanaayaa hirgelinta Qorshaha Cadowgga kala qeybsanaanta Dowladda Somaaliyeed ee Dalka Kenya lagu soo dhisay, una kala jabtay labadda jabar oo sidda weyn isu diidan, kala jabkooduna burburin karro Dowladda aan Cagaha adag ku taagneeyn, Qorshaha Itoobiyaanku waa sidaas kii Allena waa Meeshiisa, Guushana Ciddii Alle la jirro ayaa iska leh waana Ummadda Somaaliyeed ee Muslinka ah oo Dhibaatooyinka faraha badani Heeystaan, Guusha Inagaa leh, Inshaa Allaa.

 

 
-Allaa Mahad leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh (Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 24/06/2005.




Fariinta uu wato qoraalka sare waxay u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay. 



allgedo@allgedo.com


 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com