HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaalo,  Wednesday,  June 8,  2005


Mu'alifiintii Riwaayadaha iyo Curiyaashii Heesaha Somaaliyeed


Dadka Somaaliyeed waxeey si weyn uga xeel dheer yihiin dhanka Sugaanta Noocayeeda kale duwan waxeeyna leeyihiin Mua,alifiin Riwaayadaha ku caan baxay iyo Curinta Heesaha kala Duwan Dhanka Wadanigga iyo kuwa dabacsan, weyna ku kala horeeyaan habka Mua,alifnimo iyo hanaanka Abwaanimo, Sugaanta Somaaliyeedna waa dhaxal qaali ah oo Ummadda Somaaliyeed leedahay.
 
 
Waxaan Jeclahay in aan Halkan ku soo bandhigo Liiska Magacyadda Mu,alifiinta iyo Curiyaasha Somaaliyeed oo aan oran karro waa kuwo kaalinta weyn ka soo qaatay habka iyo horumarinta Doorka Sugaaneed ee Dalkeena Hooyo, Liisku uma qorna sidda eey u kala Caansan yihiin ama u kala Abwaansan yihiin ee Liis si Caad ah ku Qoran,waxaana dhici karta in aan ka illaawo Mua,lifiin ama Curiyaan Caan ah Markaa Qaali halaga ahaado,Waana kan Liisku:-
 
1-Abwaan,Al-Marxuum- Xuseen Aw Faarax.
2-Abwaan,Al Marxuum, Maxamed Cali Kaariye.
3-Abwaan, Maxmuud C/Laahi Sangub.
4-Abwaan, Xassan C/Laahi(Xassan Geni).
5-Abwaan, Xassan Sheekh Muumin.
6-Abwaan,Al Marxuum, Maxamuud Tukaale Cusmaan.
7-Abwaan, Axmed Suleeymaan Bidde.
8-Abwaan, Cabdi Muxamud Amiin.
9-Abwaan, Maxamed Aadan Dacar.
10-Abwaan, Cali Sugulle Cun-Carbed.
11-Abwaan, C/Qaadir Cali Cigaal(Cirro).
12-Abwaan, C/Laahi Diiriye Sooraan.
13-Abwaan, Sheekh Ismaciil Xirsi Farxaan.
14-Abwaan, Cabdi Aadan(Cabdi Qeys).
15-Abwaan, Maxamed Ibrahim Warsamme(Hadraawi).
16-Abwaan,Barre Maxamed Fiidoow.
17-Abwaan, Ibrahiim Cajaa,ib.
18-Abwaan-Cabdi Bashiir Indha-Buur.
19-Abwaan-Saciid Saalax Axmed.
20-Abwaan,Al Marxuum,Max,d Nuur Xassan Shareeco.
21-Abwaan, Sugaal Cabdulle.
22-Abwaan, Cabdi Cali Weeyd.
23-Abwaan, C/Qaadir Xirsi Yamyam.
24-Abwaan,Al Marxuum-Cabdulle Raagge.
25-Abwaan,Maxamed Ciise Ilka Casse.
26-Abwaan, Sahal Macalin Ciise.
27-Abwaan, Aweeys Geedoow.
28-Abwaan,Laashiin, Axmed Cabdi Gaashaan.
29-Abwaan, Cali Diiriye(Cali Gaab).
30-Abwaan,M.C.Huryo.
31-Abwaan,Al Marxuum,Yuusuf Xaaji Adan.
32-Abwaan, Dakharre.
33-Abwaan,Al Marxuum,C/Qaadir Xassan Nageeye.
34-Abwaan,Saciid Xarawo.
35-Abwaan,Cabdalla Nuuradiin Axmed.
36-Abwaan,Al-Marxuum, C/Laahi Af-Qorshe.
37-Abwaan,C/Qaadir Ciise Cagoole.
38-Abwaan,Axmed Ducaale Xiireey.
39-Abwaan,Cali Jaamac Boqorre.
40-Abwaan,Al Marxuum,Cusmaan Askari.
41-Abwaan,Heesaa Al-Marxuum,Cumar Dhuule Cali.
42-Abwaan,Yuusuf Maradoon.
43-Abwaan,Curiye,Qaaqaa,a
44-Abwaan,Al-Marxuum,Axmed Nuur.
45-Abwaan,Curiye,Yuusuf Tuug-tarabi.
46-Abwaan,Curiye,Aadan Loo-shiday.
47-Abwaan,Al-Marxuum,Meecaad Miigane.
48-Abwaan,Curiye,Yuusuf Dankeli.
49-Abwaan,Curiye,Maxamuud Maxamed Firin.
50-Abwaan,Curiye,C/Laahi Hanti-Wadaag.
51-Abwaan,Laashiin,Dr-Raafi.
52-Abwaan,Curiye,Axmed Shirre Baanday.
53-Curiye,Heesaa,Cabdi Taliil Warsamme.
54-Curiye,Heesaa,Shimbir.
55-Abwaan,Cali Mirre Cawaale.
56-Abwaan,Faarax Guuleed.
57-Abwaan,Yuusyf Yarre.
58-Abwaan,Laashiin,Iikar Xaaji Leeb.
59-Abwaan,Laashiin,Mardaadi Xaaji Dhagax.
60-Abwaan,Curiye,Xassan Jaceeyl.
61-Abwaan,Curiye,Xassan Xaaji(Xassan Guulwadde).
62-Curiye,Shirwac Axmed Warsamme.
Iyo kuwo kalle oo badan laakiin Xusuuusto soo saari weeyday.
 
 
Abwaanaddan iyo Curiyaashan ayaa Riwaayado iyo Heeso Qiimo weyn leh Dhaxl uga Dhigay Umma Somaaliyeed oo ilaa hadda si weyn loo xiiseeyo, Intii Xagga Aakhriro u hooyday Waxaan Alle uga Rajeeyeey Janaddii Fardoosa inta kalle Caafimaad iyo Nolool Wanaagsan,
Aamiin, Aamiin, Aamiin.
 
 

Mulaxiniintii iyo Muusiko Yaqanaadii Somaaliyeed


 
Sugaanta Somaaliyadeed Dhinaceedda Fanka ayaa mid ahamiyad weyn leh door weyna kaga jirra hab naloleedka Bulshadda Somaaliyeed, Curinta Laxanidda Macaan iyo Habka Saaridda Muusikadda Qurxoon ayaa Qaami gaar ah u yeela Riwaayadaha iyo Heesaha Somaaliyeed.  
 
Haddaba, Habka Curinta Laxanadda iyo Habeenta Habka Muusik Saaridda ayaa Howl u badan Dad aqoon gaar ah u leh, waana howl qaadata waqti badan, waana mid cilmiyeed lagu barto Machadyadda iyo Jaamicadda Aduunka ,Inkoo Curiyasha Somaaliyeed ahaayeen kuwo Habkii Qamiin ka ah ku dhaqmaayeey ee Habka Dhegeeysigga iyo Alifaadda Hanaanka Laxanka iyo Habka Muusikoba oo laga Tixraacaayo Habka Erayadda Heesu u dhacaayaan, Howl walbaa waxeey leedahay Macalimiinteedda iyo eageedda ku xeel dheer, waxaana la oran karaa habka Laxanka iyo Muusikadda Soomaaliyeed Waxaa ka mid Macalimiintii waaweynaa Kuwan:-
 
1-Ustaad,Al-Marxuum-C/Laahi Qorshe.
2-Ustaad,Axmed Naaji Sacad.
3-Ustaad,Xassan Giraed.
4-Ustaad,Saalax Qaasim Naaji.
5-Ustaad, Sabriye.
6-Ustaad-Ismaaciil Xudeedi.
7-Ustaad,Daa,uud Macalin Maslax.
8-Faan,Axmed Cali Cigaal.
9-Fanaan,Xassan Aadan Saater.
10-Faan,Max,d Suleeybaab Tubeec.
11-Ustaad,Al-Marxuum-Cumar Dhuule Cali.
12-Fanaan,Al-Marxuum-Max,d Nuur Giriig.
13-Ustaad,Fanan,Al-Marxuum-C/Qaadir Xassan Najeeye.
14-Muusik Yaqaan,Muuse Maxamed.
15-Ustaad,Fanan,Axmed Nuur Jaangow.
16-Fanaan,C/Risaaq Baadil.
17-Ustaad,Fanaan,Rashiid Bullo.
18-Fanaan,Al-Marxuum.Axmed Gaaceeyte.
19-Fanaan,Salaad Max,d(Salaad Derbi).
20-Fanaan,Cabdi Tahliil Warsamme.
21-Fanaan,Cantar Naaji Sacad.
22-Fanaan,Cali Naaji Sacd.
23-Muusiko Ayaan, Goobe.
24-Fanaan,Ismaaciil Yarre.
25-Fanaan,Saciid Xarawo.
26-Curiye-C/Qaadir Dheere.
27-Fanaan,Cumar Cabdulle Shooli.
28-Fanaan,Al-Marxuum.Good Shimbir.
29-Curiye,Bashiir Xadi.
30-Fanaan,C/Qaadir Bagaag.
31-Curiye,C/Qaadir Muuse.
312-Curiye,C/Kariim Jiir.
33-Curiye-Aweys Gedoow.
34-Fanaan,Xassan Diiriye.
35-Muusiko Yaqaan,Jiim Sheek Muumin.
36-Muuski Yaqaan,Muslimo Qaasim Hilowle.
37-Ustaad,Fanaan,Al-Marxuum-Cawad Axmed Rabsha.
 
 
Liisku ma Dhamiistirna sidda loo kala caansan-yahayna uma qorna ujeedada ka dameeysaanaa waa Xusuusin iyo sheegidda in eey yihiin ama ahaayeen Laxan Sameeysaan Fanka Somaaliyeed kaalin weyn ka soo qaatay, Xurmo iyo Qadarina ka mudan Bulshadda Somaaliyeed intii Xagga Aakhiro u Hoyateyna Janadii Fardoosa ayaan Alle uga Baryeeynaa in Aduunyadda ku Sugana Salaan Wacan ha Guddoon, Hana Ogaadeen in Ummadda Somaaliyeed Marna Ilaawi kareen Doorkoodi Fankuna Qaali yahay.
 
 

Dilka Suxufiyadda-Duniya Muxyadiin Waxaa Ka Masuul ah Hoggaamiyaasha Isboorooyinka Leh

 
Dhibaatadda Joogta ah ee Ummadda Somaaliyeed loo geeysto oo ah Tacadiyo iyo Xadgudubyo si cadaan ah loogula kacaayo Muwaadiniin Somaaliyeed oo Dalkooda sida ku haboon ugu adeegaaya, Dilka iyo Dhaawaca Shakhsiyaadka Qiimaha leh Sidda Duniya oo Kalle.  
 
Shaki kuma Jirro in Dilka loo Geeystay Duniya Mauxyadiin iyo Dhawaaca Weriye-Al Ustaad, C/Dalla Nuuradiin ayaa Markhaati cad u ah sidda Dulmi iyo Xadgudub loogu hayo Ummadda
ku Nool Caasimadda Qaranka Somaaliyeed Muqdisho waxaa Dhibkaas Masuuliyadeeda iska
leh kuwa lagu Sheego Hogaamiyaasha Kooxaha Hubeeysan oo Isbaarooyinka iyo Jid-jooyada
ka dhigtay Magaaladda Dhexdeedda iyo Wadooyinka Bari iyo Koonfurba uga baxa Caasimadda.
 
 Marxuumad,Weriye,Duniya waxeey ku guda jirtay howl-maalmeedka caadiga aha iyo ka soo Warbixinta Xaaladda Isboorooyinka iyo Dhibaatadda heeysta dadka caadiga heeysta Ummadda Guud ahaanba, Dilka Duniya waa mid Sawir Cad ka bixinaaya Heer dhibku gaarey iyo sidda Hogaamiyaashu Kooxaha Hubeeysani marna ka naxeeyn Dimashadda iyo Dhaawaca Dadka Rayidka Gaaraaya, Dilka Duniya iyo Dhaawaca Cabdalla Nuuradiin ayaa ah kuwo si weyn looga Xumaado, laguna tilmaami karro ayaan darro weyn, Duniya Muxyadiin waxaa Dilkeeda  Masuuliyadiisa iska leh:-Maxamed Qanyarre Afrax, Muuse Suudi Yalaxoow, Cusmaan Caato, Xuseen Ceydiid, Xaaran ku Naax, Cumar Finish, Maxkamadda Islaamiga ah, Iyo Dhammaan Masuulinta Kooxaha Hubeeysan ee Magaaladda Muqdisho.  
 
Marxuumad, Duniya Muxyadiin Waxaan Alle uga rajeeyeey in uu Janadda ka Waraabiyo Bahdda Saxaafadda Somaaliyeed iyo Ehelkeeda Samir iyo Imaan ha ka siiyo,Aamiin, Aamiin, Aamiin, Gacan ku Dhiiglayaasha Hogaamiyaasha Kooxaha Hubeeysan ee Dalka Somaalia Meel kasta ha joogeen waa Dambilayaal mudan in sidda ku haboon loo hor keeno Maxkamad Cadaali ah oo Waajibkooda Marisa, Gacan ku Dhiiglayaal Xisaabto weey Imaan.


Isbaaradu Waa Cadowga Koowaad ee Qaranimadda iyo Nabadeeynta Dalka Hooyo

 
Caasimadda Dalka Hooyo Muqdisho Cadeey Waxaa si weyn u kala gooyeey Isbaarooyin Baraha ka badan oo eey Leeyihiin Hogaamiyaasha Kooxaha Hubeeysan, Xildhibaanadda Ama Wasiiradda Sharafta leh ee ku Sugan magaaladda Muqdisho oo weliba sheegtay in eey yihiin kuwo leh Aragti Wadaniyadeed iyo Dal Jaceyl, waana Been Beenta eey Daaha ka dhigtaan.  
 
Waxaa mid ayaan darro ah wax la yaab  lehna ah in kuwo Isbaarooyinka lehi yihiin Wasiiro Heer Qaran ama Xilfhibaano Aayo ka Talinta Dalka Gacanta ku haya, ilaa Ceeb iyo Waji Xumo looma dhinto, Wasiirka ama Xildhibaanka Wadda Dhigtay Isbaaradda lagu Dhibaayo Dadka Mashaakiinta Ummadda Rafaadka iyo Silica Joogtadda lagu Hayo, oo Habeentii loo soo Gudbinaayo Kharaskii(Dhiiigii Ummadda), Ayaan Darro in Dhiig Miiratadu ku ugaarsadaa Isbaarooyinka iyo Kooxaha Hubeeysan ee Hab Beeleedka ah eey yihiin kuwa laga Sugaayo Nabadeeynta iyo Habeeynta Hanaanka Amaanka Magaaladda Muqdisho isla markaana eey yihiin kuwa Wadda Dhibaatadda oo dhan, Masuuliyadda Tooska ah iyo ciladda Meesha taalana eey yihiin kuwa Wadda.
  
Wasiirka, Xildhibaanka ini Isbaaro eey laga sugan wax faa,iido dhaliya ama habka horumarka u horseeda Ummadda Somaaliyeed, Raxanta muqdisho Fadhidda iyo Kooxadda Neyroobi Qaxootigga ku ah waa Cali Bini Cali, waana Khasaaro Wadayaal iyo Dhiig qubayaal,Khasaaro
Abuurayaal, gacan ku dhiiglayaal waaweyn, Waxaan la wadda ogyahay inta badamood oo eey
horre u qaadan Hoggaamiyaasha Kooxaha Hubeeysan ee Muqdisho iyo Guud ahaanba Dalka
gudihiisa laakiin wax balan oofiin ah laga gaariin, Maanta weeynu aragnaa Fashilaadda Weyn ee la kulan-tahay Guddoomiyaha Barlamaanka Sharif Xassan iyo Xildhibaanadda Kalle oo si Weyn u wadeey Dadaalka Nadiifinta Caasimadda Qaranka, Halka Hogaamiyaasha Muqdisho Yihiin kuwa carqaladda wadda oo hoosta ka wadda curyaaminta Howla Wanaaga iyo Nabadda Horssedka ku noqon karra.  
 
Balanta Qaadidda Isbaarooyinka ayaa aheyd Maalinta Talaadda oo Maanta aheyd mana dhicin
Laakiin waxaa dhici karata in Hoggaamiyaasha Kooxaha Hubeeysan ujeedeen Maalinta Talaadada ee Sanadka 2020-ka ama Talaado aan la garan Bisha iyo Sanadka eey ka tirsan tahay, waxaa ayaan darro ah in lagu tilmaamo wadaniyiin iyo wadaado kuwa aan balanta laheyn oo Qoolka laheyn oo lagu Tilmaami karro Diin-lawayaal waaweyn, sidda Madaxweyne C/Laahi Yuusuf oo Kalle.  
 
Ummadda Somaaliyeed Waxeey u Baahan yihiin kacdoon Ummadeed hab Nabadeed ah oo si wadda jir ah loogu howl-galo, oo si cad loogu yiraahdo Gacan ku dhiiglayaasha Waaweyn Maya Hogaamiye Gacan ku Dhiigalle ah, Maya Isbooro Wasiir iyo Xildhibaan, Maya Isbooro oo dhan, Maya Balan qaadyo Been been ah, Maya Dowlad Been been ah, Maya Kala jabka Wixii lagu soo dhisay Dalka Kenya, Maya Dhiibaato sii socto, Maya Dhilka Muwaadiniinta Xalaalka ah, Maya Taagewero iyo Fara-gelinta Itoobiya Codowgga Kowaad ee Ummadda Somaaliyeed, Maya Naceyb iyo Colaad iyo Dagaal Waji Qabiil leh, Maya Qubashadda Dhiiga Dadka Somaaliyeed, Maya Nidaam La,aanta Dalka, Maya Ugaarsigga Shakhsiyaadka Aqoonta iyo Qiiradda Wadaniyadeed leh, Somaaliyeey kaca, Kaca, Kaca oo Ololle Nabeed oo Balaaran Gudaha iyo Debedda Qaada oo Raxanta Xaraanta ku Naaxdda Runta u Sheega Waanu diidnay Xumaanta iyo Colaadda iyo Dagaaladda Sokooye, Waanu Diidnay Qaska iyo Dhibaatadda iyo Dib u Dhaca Dalka iyo Dadka Hooyo, Guusha Xaqadda ah Waxaa iska leh Ummadda Xalaasha ah, Qiiradda Wadaniyadeed leh, Maya Gacan ku dhiiglle.


Xuquuqdda Muwaadinimadda Somaaliyeed Waa Loo Simeyn Yahay

 
Ummadda Somaaliyeed ee Muslinka ahi waa Dad Walaalo ah waana kuwo u aaminsan Diinta Islaamka Sidda Cad oo Qeexan oo eey u soo Degtay, kuwo dhqamideeda si weyn u ilaaliya
isla markaana laga helaayo Culimaa,udiin si weyn ugu xeel-dheer aqoonta Sharceedda iyo  Guud ahaanba Dhinacyadda kala duwan ee Diinta Islaamka oo aan oran karro Xiliyadan Damme waa muuqdaa Doorkoodu inkastoo Xoogaa Dhaliilo ahi jiraan.  
 
Haddaba, Ummadda Somaaliyeed ee sidaas loo sawiro karro shakina ku jirrin Islaan-nimadooda ayaa hadana waxeey si weyn ugu dhaqmaan ficilo lagu tilaami karro kuwo ayaan darro ah si weyna u kala saaraaya Bulshadda Somaaliyeed oo mudnaan la siinaaya,si cadna looga arkaayo habka iyo ficiladda kala soorka ama habka Cunsuriyadda iyo Cadaadiska weyn ee lagu hayo Dadka  Somaaliyeed ee la Nasab sooco(Gabooyaha), oo marka xaqiiqadda la Sheego dulmi culeeys weyn leh oo soo jireen ah lagu hayo, iyadoo aanay jirrin wax qiil ah oo lagu saleeynaayo Cunsuriyadaas iyo Gooni u soocidda Qeyb weyn oo Bulshadda Somaaliyeed ka mid oo Weliba ah kuwo si cad doorkoodu u muuqdo, Howlo Faa,iido weyn lehna ku soo kordhiyeey Xadaaradda iyo habka Ilbaxnimadda Bulshadda Somaaliyeed.  
 
Qoomiyadda Gabooyaha ayaa ah Muwaadiniin Somaaliyeed si buuxdda ula siman Qeybaha kalle ee Bulshadda Somaaliyeed ka kooban tahay,Balse Qarniyo iyo qarniyio soo jiitamaayeey lagu waday dulmin iyo xaq duudsin cadaan ah oo aan meelna loogu soo gaban lana gaarsiiyey heer aad iyo aad u dhawaacaya Dadnimadda iyo Xurmadda Bani-aadanka iyo Jiritaanka Ummadda Somaaliyeed oo lagu tilmaami karro ama ah mida Aduunka ugu Cunsuriyad xun, oo weliba habka ugu cadaadis weyn ku fulisa habkeedda Cunsuriyadeeda waana kuwo sidda qoraxdda u muuqdda hababka foosha xun damiirka aadaninimo si weyn u diideyso u Takooradda Qeyb Balaaran oo Bulshadda ka mid ah, kuna tilmaanta dad asal dhimad ah, ka hooseeya Mujtamaca intiisa kalle, si gaar ahna u takoorna oo weliba si joogto ah ugu heeysa Dhibaatooyin Ficileed iyo mid Luqadeed(Af-lagaado), Waa Ayaan Darro Weyn.  
 
Iyadoo la maraayo Qarnigii 21-aad oo aqoonta Diineed iyo midda Culuunta Aduunyadda Si Weyn looga Dharegsan yahay Wacyigga iyo hab ilbaxnimaduna gaartay Cirifyada Aduunka oo dhan ayaa Weli Dalkeena Hooyo(Soomaaliya), habkii foosha xumaa ee Cunsuriyadda ku Saleeynaa ee Gumeeysigu ka jiraa, isla markaana leeyahay tixgelintiisa iyo dhiiri gelintiisaba oo  Culimaa,udiinka, Hoggaamiyaasha Bulshadda, Waxgaradka iyo Odayaasha Somaaliyeed ku Barbaariyaan Ubadka iyo Dhalinyaradda Somaaliyeed, ilaa hadana eey weli jirraan wixii la oran jirray Kuwaanu waa Gabooyihii Reer Hebel iyo Wax la mid oo laga xumaado si weyn looga gudbo, Xuquuq doodsigga iyo dulmigga Qoomiyadaas lagu hayo ayaa loo baahan yahay in la soo gabagabeeyo Ummadda Somaaliyeedna ka gudubyo Habka ku dhaqmidda Falalka Foosha ee Cunsuriyeedka ah loona gudbo habka Sinaanta Ummadeed iyo Cadaalad ku Dhaqmidda iyo in la siiyo xuquuqdooda oo buuxdda Qoomiyadda Gabooyaha oio ah Dad Somaaliyeed oo xaq u leh helitaanka Xuquuq Buuxdda oo la mid ah midda Somaalidda Kalle Heeysto oo weliba Sidda ku haboon loo raali geliyo Magdhabid Weyna la siiyo.
 
 
Gunaanadka, Waxgaradka iyo Bahdda bulshadda leh aragtidda Caafimaadka qabta ayaa looga
Baahan yahay qaadidda Talaabooyin wacyi gelineed iyo tusaaleeynta Bulshadda sidda Khaladka ah wax loogu sheegay waxyaabaha si weyn xaqiiqadda uga fogna lagu soo barbaariyeey loona gudbo xiligii ku dhaqmidda xaqiiqadda iyo hanaanka Cadaaladeed ee Ummadda Somaaliyeed Habka Sinaanta iyo Xaq Soorka Dhinac walba leh la gaarsiin lahaa Dulmigga,Takooridda, Nasab Soocidda, iyo Xuquuq Doodsinta Qoomiyadda Gabooyaha lagu Hayona la soo Gunaanadi lahaa oo Weliba lagu Qorii lahaa Buugtaagta Taariikhda Somaaliyeed iyadoo xaqiiqadda jirta si runta loo sheegaayo, si Ubadka iyo Dhalinyaradda soo Koreeysa u ogaato Dulimii iyo Dhaqamaddii Foosha Xumaa ee Ummadda Somaaliyeed Soo Maray iyo in Dalka Somaaliyeed Hanaanka Gumeeysigga Dadeed si weyn ugu soo dhaqmay oo Weiliba Qeyb Bulshadiisa ka mid ah ku Sameeyn Jirrin Gumeeysi aad iyo aad u Fool xun Taariikhda Somaaliyeedna leedahay Wajiyo aad iyo aad u Madoow oo Dulmi weyn leh.

Anigoo ah Xassan C/Laahi Sheekh (Xassan Carab), Muwaadiin Somaali ah Waxaan Qiraaayaa in Xuquuq Doorsin iyo Dulmi oo Xad dhaaf ah loo geeystay Qoomiyad Dhan oo ka mid ah Beelaha Ummadda Somaaliyeed(Gabooye), oo ilaa Hadana weli lagu hayo cadaadis iyo Xadgudubyo waaweyn oo joogto, waana arrimo ama falal lagu tilmaami karro ayaan darro iyo Arrimo naxdiin leh, waana kuwo Taariikhdu qorri doonto, Anigoo weiligey ku sameeyn wax lagu tilmaamo xadgudubyo Dadka Asal ahaan ka soo jeedda Qoomiyadda Gabooyaha oo aan ku leeyahay Saaxibo badan iyo Walaal qaali ah oo aanu Iskuul ahaan jiray, Deris ahaan jirtay ama Wadda Shaqeyn jirray oo ah kuwo Xurmo, Dadnimo iyo Karti wacan, Meel eey joogaanba waxaan Halkan kugu soo udbinaayaa Salaan Wacan.
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh (Xassan Carab)-
-Huddersfield-England-06-06-2005.
 
 
 

Fariinta uu wato qoraalka sare waxay u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay. 



allgedo@allgedo.com

 


 


 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com