HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Tuesday,  May 10,  2005


GUUSHA BOOQASHADDA GEEDI QEYBIHII 2-AAD

Maqaalkii ka hadlayay guusha booqashada Geedi - Q.1-aad  {Riix halkan}



Shaki kuma jirra in qaar ka mid ah Labadda Golle ee Magaaladda Muqdisho hadda ku sugan eey warar runta ka fog dacaayad ah faafiyeen Bulsgadana si khaldan wax ugu sheegeen sawir xuna ka sii bixiyeen Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf iyo Ra,iisal Wasaarre Geedi,waana arrimo eey danahood ku fushanaayeen kuwasu,ama la oran karro ineey dantooda gaarka ah illaashanaayeen waana kuwa ah hoogaamiyaasha kooxaha hubeeysan ee Muqdisho ku sugan hadana waxaa amaan mudan kuwa sidda daacayaha ugu howlan nabadeynta iyo habeeynta meleeshiyaadka Magaaladda dhex jooga waxaana laga tilmaami karraa-el-xaaji Muuse Suuci, Cumar Xaashi iyo Boqorre balse waxaa jirra kuwo ujeedo gaar ah leh sidda Qanyarre oo weli niyeeysan labadda xil Madaxweyne-nimadda iyo Jagadda Ra,iisal Wasaaraha ee uu sida weyn ugu Guul dareeystay kala kulmay tartaankii Xilalkaas loogu jiray sidoo kalle waxaa dama wadaa Ra,iisal Wasaarre ku xigeenka Wasiirka Warfaafinta Mudane-Sifir ayaa damac ka hayaa Wasaarenimadda waana mid aanu gaareeyn Madkaxdiisana im uu ka saaro eey fiican tahay.  

Ra,iisal Wasaarre Geedi wuxuu sidda ku haboon u soo helay kalsoonidda Bulshadda ku nool Caasimadda Qaranka Somaaliyeed Muqdisho oo si weyn diyaar ugu ah helitaanka hanaan Dowladeed oo Nidaamka iyo kala dameeynta soo celiya kana xoreeyaha dulmigga iyo dhibka Hoggaamiyaashadda kooxaha hubeeysani ku hayeen mudadda 15-Sano ah.  

Kalsoonidda Bulshadda Madiniga ah qeybehooda kala duwan sidda-Culimaaudiinka, Haweenka Dhalinyaraha iyo Madaxdda Dhaqanka oo si cad ugu qeexday taageeradda iyo rabitaanka eey Dowladda u hayaan wadda shaqeyntana diyaarka la yihiin.  

Ogaanshaha Ra,iisal Wasaarre Geedi xaaladda guud iyo gaar ahaaneed ee Magaaladda ka Jirra iyo heerka eey ku sugan yihiin goobihii Dowlado iyo heerka dayactireed oo eey u baahan yihiin iyo sidda cidda gacanta ku heeysaa diyaarka ula tahay in eey ku wareejiyaan gacanta Dowladda.  

Gaarsiinta Ummadda Magaaladda Muqdisho iyo Goboladda eey deriska yihiin xaqiiqadda iyo sidda dowladda Somaaliyeed diyaarka ugu tahay imaantinka Dalkeeda hooyo iyo u adeegidda Dadkeedda iyo in Caalamku taageero ula diyaar yahay habka dib u dhiska Dalka.  

Gaarsiin Bulshadda Somaaliyeed in aanu jirrin qorshe qarsoon oo Madaxweyne C/Laahi Yuusuf iyo Ra,iisal Wasaarre Geedi wataan oo ku saleeysan keenidda Ciidamo ka socdda Dalka Itoobiya iyo Sidda eey ugu hoggaansan yihiin Go,aankii golaha Barlamaanka ee arrinta keenidda Ciidamadda Shesheeye.  

Taageeridda qorshaha howleed ee Xubnaha labadda Golle ka wadaan Magaaladda Muqdisho iyo in eey qoolka ficil ahaan u bedelaan kana dhabeeyaan balankii eey qaadeen iyo qorshihii eey shaaciyeen oo eey Meleeshiyaadka xeryo gaar ah geeyaan hubkana sidda ku haboon u soo ururiyaan wixii dhismayaal Dowladeed ah oo eey gacanta ku hayaana ku soo wareejiyaan gacanta Xukuumadda.  

In Xubnaha ka mid ka ah Golaha Wasiiradda ee hadda Magaaladda Muqdisho ku sugani si joogto ah xirri ula yeeshaan Xafiiska Ra,iisal Wasaaraha iyadoo la raacaayo habka nidaamka shaqadda iyo sidda Masuuliyu dhigeeyso,Ra,iisal Wasaare ku Xigeenka 1-aad Mudane Sifirna Ra,iisal Wasaaraha Wakiil uga yahay xiligan Magaaladda Muqdisho iyo Howlaha ka socdda.   

Dhinaca Tanuusulka sidda la wadda ogyahay Madaxweyne C/Laahi Yuusuf iyo Ra,iisal Wasaare Geedi waxeey horeba u xaqiijiyeen si rasmi shaaciyeen o golaanshaha go,aankii Golaha Barlamaanku gaareen ee ku wajahnaa arrimaha ciidamadda shisheeye ama jirro qorshe u gaar ah eey doonaayaan in Caasimadda laga wareejiyo Magaaladda Muqdisho mana jirro ilaa hadda wax eey ka jebiyeen qobobadda axdi Qaremeedka,weeyna taageersan yihiin howlaha Muqdisho laga wado laakiin waxeey doonaayaan in eey ficilka arkaan markaas ma jirraan wax la oran karro ha ka tanaasuleen oo meesha yaala.  

Dhammaan arrimihii guusha ku soo dhammaaday ee Geedi ka soo qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa u baahan in Golaha Xukuumaddu u qqto habka nidaamka waafaqsan oo habka qorshaha golaha lagu daro laguna dhaqaaqo fulinta howlaha Xukuumnadda iyo in la derso warbixinta Ra,iisal Wasaaraha dhinacyadeedda sugnaanta amaanka iyo sidda eey u socdaan howlaha halkaa ka jirra iyo in mudnaan gaar ah la siiyo talooyinkii wax ku oolka ahaa oo Ra,iisal Wasaaruhu ka soo helay Bulshadda Madanigga ah oo qiimaheeda leh.  

Guud ahaan Marka aan ka hadlo aragtideeydda Shaksigga ah waxaan oran karaa booqashadu waxeey aheyd mid ahamiyadeeda laheyd waqti muhiim ah ku soo aaday si weyn loogu baahnaa natiijo wacan oo biloow ah una baahan si watid iyo in looga shaqeeyo si wada jir ah laakiin hadana la oran karro waxeey keentay kalsoonidda Bulshadda reer Muqdisho u hayaan Dowladda iyo Ra,iisal Wasaarre Geedi,Guusha ugu weyni waxeey aheyd Shakhsiyadda Geedi iyo kartiidiisa qo ahaaneed oo uu xeelad siyaaasadeed aragti masuuliyadeed iyo geesinimo ku wajahan arrimo badan oo caqabadooda leh balse uu oga gudbay si karti iyo kalsooni leh waana ku soo guuleeystay Geedi Safarkii Muqdisho waxaana hadda hor yaala sidd uu arrimaha ficil ahaan ugu rogi lahaa iyo sidda kuwa Muqdisho jooga oo kubadu dhinacooda u badan tahay eey uga dhabeeyaan fulinta qorshayaasha eey qeexeen iyo sidda eey niyad sami u muujiyaan masuuliyadoodana u qaataan.

 


GEELOOW MA RUN-BAA MADAXWEYNE-NIMADDA MAR DAMME ISAMA SOO TAAGEEYSO

 

Dalka Jabuuti ayaa dhowaan dib u soo dooratay Mudane-Madaxweyne-Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynihii xilka hayeey mana jirrin cid la gashay tartanka doorashadda ee Dalkaas Geelle oo ah Nin ku soo jirray Siyaasadda Dalkaas muddo dheee gacan yarre u ahaan jirray Madaxweynihii horre Al-Xaaji Xassan Guuleed jagadana kala wareegay ayaa lagu tilmaamaa nin awood badan xukunka Dalkana gacan bir ah ku haya waana Shakhsi leh ficilo horre oo Dad reer Jabuuti ah Dhibaatooyin loogu geeystay.  

Dalka Jabuuti oo ah Dal aad iyo aad u yar eeyna ku dhaqan yihiin saddex qoomiyadood ayaan gaariin wax horumar ah waxaana Dalkaas lagu caawiyo Balaayiin lacag ah oo ka dhigi lahaa meel aad iyo aad u horumarsan haddii la geliyo kaalmadaas Caasimadda ah Jabuuti ayaa si weyn u dayacan qaabkeedda dhismuhuna yahay mid liita in yar oo xaafadaha iyo Xafiisyada Dowladda ah waa-hee Mudane-Geelle waa Madaxweyne ku dhaqma gacan ka hadalka oo kuwa ka soo hor jeedo kula kaca wax la yiraahdo khaarajin siyaasadeed waana nin Dadku si weyn uga baqaan waayo waxeey ogyihiin kuwii uu gacantiisa ku khaarijiyeey oo ahaa Dadka caan qaarkoodna masuuliin ahaan jirreen.

Markii la dhaarinaayeey Mudane-Ismaciil Cumar Geelle wuxuu ku dhawaaqay in aanu mar dame isu-soo taagen tartanka doorashadda jagadda Madaxweyne-nimadda Dalka Jabuuti uuna ku dhaqmi soono sidda Dastuurka Dalku dhigaayo maadaama uu dhammeeysto labada jeer ee uu xilkaas qabtay hadaba su,aashu waxeey tahay ma ka dhabeen doonaa misa waxaa imaan doonta Dastuurka hala ii bedelo oo ah habka eey ku dhqmaan Madaxdda Qaaradda Afrika badankoodu mise wuxuu keeni doonaa mid uu Adeer u yahay oo xilka ka dhaxla.  

Mudane-Geelle Dalka Jabuuti dhibaatooyin badan ayaa ka jirra waxeeyna u baahan yihiin wax qabad dhab ah iyo in kaalmadda caalamigga ah ee la siiyo Dalka la geliyo waxaan filaayaa in Jeebabkii buuxsameen dhaqanka Daryeelka Caafimaadka,Waxbarashadda Korantadda biyaha Nadaafadda Magaaladda daryeelka Shaqaalaha ayaa wax ka qabasho u baahan weeyna fiican tahay haddii aad reebato wax yar oo sumcad wanaag ah oo xumaantii iyo falal dambiyeedkii badnaa kaa yareeya taariikhdu weey qoreeysaa Madaxweyne kasta oo Aduunka soo mara wixii uu Ummadiisa u qabto iyo dhibaatadda u yeeloba.  

Hambalyo Maadaama Sharcbigga Reer Jabuuti ku siiyeen Kalsoonidooda Madaxweyne-nimadana kuu doorteen mudadda 6-sano ah ee soo socota mudana ha illaawin abaalkooda iyo xisaabta Alle ee maalinta Qiyaamaha.


GUUSHA BLAIR IYO KHASAARAHA WEYN EE SOO GAARAY XISBIGGA SHAQAALAHA
 

Doorashaddii Barlamaanka ee Dalkan Boqortooyadda Bareytaaniya ee Sanadkan ayaa waxaa ka soo baxay arrimo isbedel weyn ku sameeynaaya qaabka golaha Barlamaanka oo aqlabiyaddii Xisbigga Shaqalaaha si weyn u soo yareeysay korna u soo qaaday Xisbigga eey sidda weyn colka u yihiin ee Muxaafidiinta oo ilaa 33 kursi oo siyaado ah helay halka Xisbiga Dumuqraadiyiinta Xorta ahi heleen ilaa Tobaneeyo kursi Xisbigga Shaqaalaha oo Taladda Hayaana waayeey ilaa Afartaneeyo Kursi iyo weliba Shakhsiyaad kaalin weyn kaga jiray siyaasadda Xisbigga.  

Dhawaaca weyn ee soo gaaray Xisbigga Shaqaalaha waa mid uu u soo hooyeey Ra,iisal Wasaarre Tony Blair oo si weyn ugu gacan seeyray codkii Malaayiinta Qof ee Mudaaharaadka ugu soo baxay Wadooyinka Caasimadda London oo si weyn u diidanaa Dagaalka lagu qaaday Dalka Ciraaq,Tony uu arkay qiimaha Codka Dadku ku fadhiyaan wuuna dareemay micnaha;- Maya Dagaal lagu qaado Ciraaq maya la socodkka Buush maqal codkayagga aniga ayaa ku dooranay danaha Dalka iyo Dadka Beretaaniya ayaad u shaqeeysaa ee Buusha iyo Usa uma Shaqeysid balse Ra,iisal Wasaarre Blair dheg uma dhigin Codkii dheeraa ee Malaayiinta Dadka Malaayiinta ah oo Muslimiinta u badnaa eeyna hogaaminaayeen Siyaasiyeen caan ah iyo Shakhsiyaad Dalkan Magac weyyn ku leh.  

Khasaaraha Xisbigga Shaqaalaha soo gaaray ayaa ku soo aaday watgi Xisbigga dhexdiisa muran siyaasadeed iyo Hogaamineed ka jirro oo qeyb badani doonaayaan in Balair Baneeyo Hoggaaminta kuna Wareejiyo Roog cadaaga weyn aabaha Afkaarta dhaqaalle kocbinta Mr- Brown oo ah Shakhsi lagu tilmaamo aabaha Xukuumadda Baliar iyo Caqligga Xisbigga Taladda Haya Shaqaalaha waana cadaan in uu yahay ninka dhxli doona Balir gooryeey noqotoba.  

Codka Dadka Muslinka ahaa doorashan qiimihiisa yeeshay gooboha qaarkoodna Xildhibaano badan dhulka dhigay sidda Marwadda iska dhalka aheyd ee Oona King oo laga soo doran jirray barigga London oo degaan Muslimiintu ku badan yihiin jaaliyadda Somaaliyeedna degto waxeeyna markan Codkooda siiyeen Ninkii hogaaminaayo mudaaharaadkii Ciraaq oo laga eeryeey Xisbigga Shaqaalaha Mudane-Xildhibaan-George Galloway oo ah Siyaasi Geesi ah codkiisuna dheer yahay kana soo jeedda Dhinaca Scotland si weyna u weerara Siyaasadda Xukuumadda Taladda Dalka heeysa iyo Ra,iisal wasaarre Blair Guusha uu Ninkaas Degaankaas ka helay ayaa dhaawac weyn soo gaarsiisay Xisbigga Shaqaalaha oo weeyday Xildhibaanad qiimo weyn ugu fadhiday Dadka laga faraha badan yahayna ka soo jeeday laakiin taageertay Dagaalkii Dalka Ciraaq lagu qaaday kadibna kursigeedii ku weeyday.  

Xisbigga Muxaafidinta ayaa kuraas cadan helay si weyn kor ugu soo kacay goobo badan kaga adkaaday Xildhibaano ka tirsanaan jiray Xisbigga Shaqaalaha waxaa Xisbigaas ku soo biiray markii ugu horeeysay Xildhibaan Madoow oo noqon doona ninkii madoobaa ee ugu horeey ee Xisbigga Muxaafidiinta Xildhibaan Barlamaan u noqda waa Taariikhdi cusub Xisbigan ayaa si weyn u neceb Qaxootigga iyo Dadka Muhaajiriinta ee Dalkan soo gelaaya weliba Ummadda ka soo jeedda Dalalka Muslinka ah oo mid leh sifo cunsuriyeed iyo u adeegidda dabaqadda hantii-leeyda ah Hogaamiyeey Xisbigga ayaa ku dhawaaqay in Xilka ka Farisanaayo howlaha Siyaasadana ka baxaayo maadaama da,diidu madaxa la galeeyso 70-ka.  

Doorashadda Sanadkan ayaa Siyaasiyiinta tustay Qiimaha Codka Dadka iyo in eey haboon tahay in la maqlo si weyn loo tixgeliyo aragtidooda.
 

 
 
-ALLA MAHAD LEH-
-QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH(XASSAN CARAB)-
-HUDDERSFIELD-ENGLAND-09-05-2005.



Fariinta uu xambaarsan yahay qoraalka sare waxay u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.



allgedo@allgedo.com



 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com