|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Friday, May 13, 2005 |
Todobadda beri oo naxdiintood
lahaa ayaa ka soo wareegtay Dilkii bareerka ah
Xaq daradda ahaa qorsheeynaa ku talo galka ahaa
ee loo geeystay-Al-Marxuum-Caaqil,XIRSI CUMAR
CADHO oo ahaa Caaqil guud ee Beesha Cusmaan
Kheyr(C/Garaad) oday dhaqmeed xurmo weyn lahaa
guurti kaalin waaweyn ku lahaa guud ahaanba
Beesha C/Garaad(Qayaad) iyo Beelaha Daraawiishta
ee Degaamadda Laascaanood iyo howdkaba.
Iyadoo la wadda ogyahay in
Geeridu xaq tahay Qof walbaana saacad qaran
leeyahay waqtigana la dhaafeeyn Xukunka Allena
xaq yahay,ayaa waxaa mid si weyn loo xumaado ah
habka loo dileey Caaqilka iyo sidda loo maleegay
falkaas oo eey masuuliyadiisa iska leeyihiin
Beesha Gacan ku dhiigluhu ka dhashay oo ah
reer Kalabeyrka si toos ahna loo garanaayo
Shakhsiyan gacan ku dhiiglihii iyo jifadda uu ka
dhashay oo aan ilaa hadda laga heyn wax wanaag
ah iyo gar qaadasho waana arrin la oran karro
waa ayaan darro weyn oo ku cusub hab dhaqmeedkii
wanaagsanaa ee Bulshadda Daraawiishta weliba hab
xiriirkii u dhexeeyn jirray lbaddan Beelood ee
Degaan wadaaga iyo Jacal wadaag ah (Qayaad iyo
Bahararsamme) oo waxyaabo badani ka dhexeeyaan
oo weliba dhowaan kala saxeexday Hsehiis
nabadeed logu soo gunaanaday colaadii dhex
maratay.
Waxaa la yaab ah sidda gefka
iyo xiisad oogidda leh oo eey u dhaqmaayaan
Beesha reer Kalabeyr oo aad mooda in eey
go,aansadeen ku dhaqmidda xumaan iyo wanaag ka
tegida Dilka Caaqilkana eey talo mideeysan ka
gaareen oo Guurtidoodu go,aamisay hadana eey si
cad u diidan keenidda gacan ku dhiiglaha iyo
wanaag la golle imaadka oo eey weliba wadaan
falal gardarro ah oo keeni karro in arrumuhu
gacanta ka baxaan oo xaaladu meel xun gaarto
haddii lala waddo hab dhdqameedka eey waddaan
Beesha Bahararsame.
Isbedelka weyn ee saameeyeey
hab dhaqameedkii Bulshadda u dhexeeyn jirray iyo
xeraarkii soo jiraanka aha oo lagu xalin jirray
dhcdooyinka yimaadda qarniyadda badana lagu soo
noolaana yaa waxaa kaltoodii galay kuwo si weyn
uga bedelan oo dhanka belaayo abuuridda la
jira,waana mid ku cad sidda hadda Beesha
Tolnimaddu naga dhexeeyso eey u dhaqmeeyso waana
mid eey yeelanayaan masuuliyadeeda buuxa wixii
ka yimaad oo dhib keena ama keeni karra,maadaama
eey door bideen si aqlabiyad lehna u joosteen
gar bixid la,aanta iyo ku adkeysashadda iyo
garab siinta gardaradda iyo teegeeridda Dilkii
loo geeystay-Caaqil-XIRSI CUMAR CADHO.
Anagoo eegeeyna wadda
dhashadda Dadka ka dhexeeya degaan wadaagga iyo
gacalnimadda labaddan Beelood isla markaan sidda
ku haboon u illaalineeysa tixgelinta iyo
hirgelinta heeshiiskii labaddan Beelood dhex
maray oo ah mid si cad u qeexaaya talaabadda
laga qaadaayo ciddii Heshiiskaas jebisa iyo
sidda eey nooga go,aantay oofinta axdigga iyo
balanka kana duuleeyna sidda Shareecadda
Islaamku ina fareeyso ayaanu ku buurineeynaa
Dhammaan Beesha C/Garaad(Qayaad) ka fogaanshaha
dhammaan wixii fal colaad ah oo dhex marri karra
labaddan Beelood anagoo og cadhada iyo ciilka
weyn ee meesha yaala iyo falka ku talo galka ah
ee lagu dilay Caaqilka-XIRSI CUMAR CADHO oo
Dadka weli u muuqdda ayaan haddana ku
talineeynaa in la illaaliyo Nabadgelyadda iyo
xasiloonidda,Gefka iyo Xumaanta iyo samaan
diididu haddii eey wax tareeyso ciddii wadda ha
ka faa,iido.
Sidda Idaacadda BBC-du Sheegtay waxaa la filaayaa
in uu Shirka ka dhaco Magaaladda Sheekh ee S/Land koosoo dhex marai
doona Maamulka S/Land iyo Hoggaan Dhaqameedka Beelaha Daraawiisha(G/Sool)waa
sidda warka loo dhigay.
Haddab,iyadoo aan laga heyn wax xaqiijinta dhanka
gobolka Sool iyo Hoggaan dhaqameedka ayaa isla markiiba waxaa soo
shaac baxay warar diido weyn ah iyo in arrintu tahay waxba kama
jiraan iyo mid dhinaca S/Land keliya laga wado,laakiin runtii eey
jireen wararka soo yeeraay qaarka mid ah Hogaan Dhaqameedka Sool
Gaar ahaa Garaad C/Qani Garaad Jamaac oo tilmaamaayeen in uu jirri
xirrir u socdda iyaga iyo Hoggaanka Dhaqameedka Maamulka S/Land,inkasoo
qaarka mid Hoggaanka Dhaqameedka Soolna waxba kama jiraan ku
sheegeen wararkaas.
Sidda muuqata ma jirro cod mideeysan oo eey
Beesha Daraawiishtu ka leedahay Shirkaas la sheegaayo mana jirro wax
wada hadal ah oo laga yeeshay iyo mowqif mideeysan oo loo sii gogol
dhigay looguna diyaar garoowbay,sidda muuqatana kama soo wadda qeyb
geli doonaan Isimadda Beeshu ama aqlabiyadu uma socoto,waxaana
haboon in arrimaha la sii gorfeeyo aragtidda kala duwana Beeshu sii
mideeyso.
Mar xaqiiqadda jirta la sheego iima muuqo wax
natiijo ah oo shirkaas ka soo bixi karaa balse waxaaba ka imaan
karra in mowqifyadda Beeshu ku sii kala fogaadaan arrintuna waji
kalle sii qaatado,iyadoo la wadda ogyahay xalaadda colaadeed ee ka
taagan aagga Degmaaamadda Laascaanood oo eey intii muddo ah isku tor
fadhiyaan Ciidamadda labadda Maamul P/Land iyo S/Land dagaal
khasaaro dhimasho,dhaawac iyo maxaabiis kala qabashoba keenay waana
xaalad ilaa hadda taagan oo dhibkeedda leh, Wadda hadal dhinaca
keliya laga xaqiijinaayo ayaa wax faa,iido ah keeneeyn haddii aan la
helin rabitaanka iyo niyad samidda labadda dhinacba iyo in sidda ku
haboon loo qeexo qodobadda saldhigga u ah,iyadoo Labaddan aragtiyood
jiraan:-
1-Dhanka Maamulka S/Land-ujeedadda ugu weyni
tahay siddii awood Maamula loo gaarsiin lahaa Magaaladda Laascaanood
iyo degaamadda Beesha loona sugo Xuduudkii S/Land ee Xiligii
Gumeeysigii Ingiriiska.
2-Sidii Doorashadda Barlamaanka S/Land ugu dhici
laheyd Dhulkaas.
3-Iyo sidii Beesha Caalamka loogu muujin lahaa midnimo iyo wadda
jirka Beelaha S/Land.
4-Loogana Hirgelin lahaa Degaamadda Beesha Hey,adaha Maamul ee
S/Land.
5-Degaamadaasna looga Saari lahaa Maamulka Hadda Gacanta ku Haye ee
P/Land iyo Xiriirka Beesha iyo Maamulka P/Land ka Dhexeeya loo soo
af-garri lahaa.
1-In marka ugu horeeysa Ciidanka S/Land ee dul
kulaalaaya Magaaladda Laascaanood lagu celiyo Degaankii laga soo
dhaqaajiyeey oo ahaa Degmadda Ceynabo,Shuruud la,aan.
2-In aan laga wadda Hadli karren Marxaladda koowaad wixii ku saabsan
Beeshu Dhinaca eey Tahay P/Land iyo S/land.
3-In Degaanka Nabadgelyo iyo xasiloodi lagu soo dabaalo.
4-In Maxaabiista la is dhaafsado.
5-In Raali gelin laga bixiyo Habkii loola dhaqmaay Meydkii
Saraakiishii Beesha ee Dagaalkii lagu dilay,si Maxshinimo ahna lagu
kacay.
6-In Wadda Hadalku noqdo mid furan oo hadba Heer ah.
7-Wax la Yiraahdo Xuduur iyo Doorasho Barlamaan-toona laga wadda
hadli karren.
Markaas waaa cadaan la duwanaanta qorshayaasha
labadda dhinac mana jirri karaayo in eey suurta gal tahay in meel
dhexe la isugu imaan karro,waayo arrimaha ayaa si weyn u kala fog
markaas waxaan oran karraa maadaama gogol-xaadh jirran waa mustaxiil
in natiijo wax ku ool ahi ka soo bxdaa Shirkaas haddii uu
qabsoomoba,Inkastoo Amarka Alle Meeshiisa Yahay.
Dalka Itoobiya oo ah midka xuduudka ugu dheer
la leh Dalka Somaaliya isla markaana Gumeeysta Ummadda
Somaaliyeed oo malaayiin gaaraya Dhul balaaraan heysta kana mid
ahaa Dowladihii ka qeyb galay qeysigga Qaaradda Afrika labo
dagaal oo waaweyn dhex maray Somaaliya ayaa siyaasadda iyo
xiriirka u laheeyahay Qoomiyadaha Somaaliyeed wajiyo badan
leeyahay.
Marka laga yimaado Dagaalkii 64-kii iyo kii
77/78kii oo naf iyo maalba Ummadda Somaaliyeed ku weeyday
dharbaaxooyin waaweyn gaarsiiyey Dowladdii la oran jiray Libaaxa
Afrika taariikhdana ku xusan guulihii iyo xeeladihii geesimo ee
Ciidamadda Qalabka siday ee Somaaliyeed iyo taageeraddii hiil
iyo hooba laheyd ee Dadweynuhu la garab taagnaa Geesiyaasha
Ciidamadda Somaaliyeed sharafta iyo sumcada Ummadda si ku haboon
u illaalinaayeey Boqolaalkii Sarkaal,Sarkiil Xigeen iyo Askartii
ku Shahiiday Dagaaladaas ayaa Amaan iyo Xurmo weyn mudan.
Haddaba biloowgii Jabhadaha hubeeysnaa ayaa
caawimo iyo gaboodba ka doontay Dalka Itoobiya oo Calaadda weyn
u hayeey Qoomiyadda Somaaliyeed ee Nidaamkii Taladda hayeey oo
dagaalkii ka sokoow dacaayado hab dagaal ahi dhex yiilay markaas
Jabhaduhu waxeey xeleen soo dhoweeyn iyo taakuleyn iyo
adeegsigga Dulka Itoobiya ka taliso oo ah Dhul eey leeyihiin
Somaalidu laakiin gumeeysi lagu heeysto markaas waxaa Dowladdii
Itoobiya ee Xiligaas u muuqatay maslaxad ugu jirta soo
dhoweeynta cidii Somaaliya ku kacsanba weeyna siiyeen intii
tabartoodu aheyd Jabhadihii qaarkoodna guulo weeyn ka soo
hooyeeyn dagaalkii eey kula jireen Nidaamkii Kacaanka oo aslan
naftiisa dumiyeey,Markaas kuwa Itoobiya gacanta ka doontay
waxeey ku sifeeyn jireen kama ku tilmaan Dalka Itoobiya Saaxiib
iyo in eey mudan yihiin soo dhoweeyn dagaalaka sokeeye ayaa
waxeey mar damme soo celiyeen taageero ka doonashadda Itoobiya
oo hadba kooxdda xaliiska la,ahi ku tilmaanto Saaxiib halka kuwa
kelena ku tilmaamaan cadoow waana sinaariyo sidaas u soconaayeey
oo marna Saaxiib marna Cadoow.
Xaqiiqadda ayaa ah in maslaxadda markaas la
leeyahay lagu qiimeeyo Dowladda Itoobiya iyo Taageeradda iyo
taakuleeynta laga helaayo waana mid la oran karro ayaan darro
iyo guul daradda weyn ee Ummadda Somaaliyeed la soo derestay
Dalkii iyo Dadka Somaaliyeed oo ahaa Qaran jirra sumcadiisa leh
xurmadiisa leh Geeska Afrikana awood Ciidan iyo heybad Dowladeed
ku laheeyn jiray xoriyadda Qaaradda Afrikana door weyn ka soo
qaatay magac iyo maamuusna ku yeeshay Beesha Aduunka hanaanka
xoriyadda illaaliya.
Waji kastoo la siiyeey ama loo hayo ama la
siin doono Itoobiya iyo maslaxad kastoo laga yeesho anigu
aragtidda xusuustay ku duugan oo aan weligeed ka tirmeeyn ayaa
dhigeeysa Dalka Itoobiya Dowladihii noocii eey doonta la yeelato
waa cadowgga koowaad ee Ummadda Somaaliyeed Dalka Somaaliyeed
Qaranimadda Somaaliyeed anigoo si weyn u taageersan helitaanka
Dowlad Somaaliyeed oo hab cadaaladeed Ummadda ugu shaqeysa
Dalkeena soo degta Dadkeeda ka shiidaal qaata dib u dhiskana ku
dadaasha soona nooleeysa habkii iyo nidaamkii Dowladeed iyo kala
dameeyntii Dowladaha dereskana siyaasadad deresnimo kula
dhaqanta mudnaanta koowaadna siisa danaha Ummadda Somaaliyeed.
Itoobiya waa Cadoowgga Ummadda
Somaaliyeed-Saaxiibnimaddu waa mid lagu saleeyo habka
diplomaasiyadda iyo ilka ka qosolka Dowladaha Aduunka ka
dhexeeya.
Goboladda Bay iyo Bakool iyo ka mid ah
Goboladda Dalka Somaaliyeed ee xuduurka la leh Dalka
itoobiya oo intii muddo ah Ciidankeedu soo gelaayeey
Goboladda Xuduurka la leh weliba Bay Bakool iyo Gedo waana
mid la wadda ogyahay in Ciidanka Itoobiya iyo taakuuleynta
hubeed ee Dalkaas bixiyeey laga xoreeyeey Gobolka Bay oo
gacanta intii muddo ah ugu jiray Ururka hubeeysan ee USC-da
garabka Xusseen Ceydiid hoggaamiyo waana la wadda ogyahay
dhibaatooyinkii falalkii foosha xumaa ee Meleeshiyaadka
Xuseen Ceydiid ka geeysteen halkaas dilalkii dhaawacii
fara-xumeentii dhacii bara kiciintii iyo xoriyad ka qaadii
Dadka Reer Bay loo geeystay.
Xoreeyntii Bay kadib Ururka RRA-da ayaa
maamulka goboladda Bay iyo Bakool gacanta ku hayeey waxeeyna
Dadku ku faraxsanaayeen in eey ka xoroobeen dulmigii iyo
dhibkii USC-da maamulkoodana eey gacantooda ku heeystaan
laakiin waxaa mudo yar kadib dilaacay muranka ka dhex yimid
RRA-da oo u kala jabay dhoowr garab iyo kooxo hubeeysan oo
hab Beeleed qaatay eeyna kala hoggaamiyeen:-Aden
Madoobe,Shaati guduud iyo Xaabsadde iyo dhanka Bakool oo
Sareen-soor joogo dagaalo sokeeye ayaana dhex maray
Magaaladda ugu weyn degaankaas ayaa ah Baydhabo oo ka mid ah
Magaalooyinka waaweyn ee Somaaliyeed waxeeyna hadba gacanta
u geleeysay koox.
Dhismaha Barlamaanka Somaaliyeed iyo
doorashadda Madaxweynaha iyo Ra,iisal Wasaaraha ku meel gaar
ka ah iyo booqashaddii C/Laahi Yuusuf iyo Geedi ku tageen
Halkaas kuna sheegeen in eey noqon karto Caasimadda ku meel
gaarka ah ama Magaaladda eey Dowladu ku sii nasan karto ayaa
waxaa bilaabmay muran ka dhex aloosan Hogaamiyaasha Ururka
RRA-da taasoo keenay in iskaashi Xaabsadde iyo Saransoor oo
gacan ka helay ninka maamula gobolka sh/hoose Indhacade eey
gacanta ku dhigaan Magaaladda Baydho kana awood sareeyaan
kuwii eey hoggaaminaayeen Shaatiguduud iyo Aden Madoobe.
Sidda wararku sheegaayaan waxaa muuqata
in colaad iyo dagaal cusubi ka dhici doono halkaas kadib
markii taakuleyn hubeed oo Itoobiya bixisay iyo Ciidamo ka
yimid P/Land eey soo gaareen degaamadda Bakool una soo
dhaqaaqeen dhinaca Magaaladda Baydhabo in halkaas dagaal ka
dhacona arrintu u muuqato sidoo kalle waxaa la xaqiijiyey in
kooxdda Xaabsadde saransoor eey taakuleen hubeed iyo
Tiknimoba ka heleen dhanka Muqdisho iyo Indhacadde iyo
Isbaheeysigga dooxadda jubba.
Si kasta arrintu ha ahaatee waxaa mid si
weyn looga xumaado ah dagaal iyo colaad sokeeye oo ka soo
cusboonaata degaankaas oo soo maray xaaladdo dhibaatadeed
lahaa dhimasho iyo dhaawacba keenay deganaashahana jaha
wareer geliyeey maanta looma baahna colaad iyo dhiig sokeeye
oo daata waayo Ummadda Somaaliyeed weey ka soo daashay
dhibaatooyinka waxeeyna taagan tahay heerkii daalka ugu
dameeyeey waxaana loo baahan yahay nabad iyo dib u
heshiisiin horumarid iyo soo nooleeynta Qaranimadda Dalkeena
iyo Dadkeena.
Waxaa hubaal ah in dagaalku keenaayo
khasaarooyin fara badan iyo sii kala fogeeynta Dadka
Somaaliyeed waana mid lagu xumaado in xaaladu ku noqoto
halkii eey ka soo bilaabatay iyo colaado cusub oo kala
tuuraaya Dowladda lagu soo dhoob-dhoobay Dalka Kenya oo aan
ku taagneeyn tiraar adag kalsoonidda Ummadda oo dhana
heeysan xataa dhexdeeda muran ka jirro oo hadda u kala jaban
labo garab oo midba meel joogo khilaafka dhexdoodana aan
ilaa hada wax xal ah loo heeyn dagaal iyo colaad cusubina
sii weyneeyn karto.
Waxaa haboon in Caqligga la adeegsato
nabadda laga shaqeeyo wanaaga lagu dadaalo danta guudna la
eego khilaafka iyo muranka dhex-dooda yaalana wadda hadal
lagu dhammeeyo iyadoo maslaxadda Ummadda la eegaayo dagaalka
dhibkiisa la eegaayo duruufaha jirra la eegaayo dadweynaha
halkaas ku dhaqan oo dan yarta ah la eegaayo waxaa ila
haboon oo ah sidda Caqligu sheegaayo in dagaalka laga
hor-tago arrintanna nabad lagu soo dabaalo, lana joogiyo
fara gelinta laagu hayo Goboladda Bay iyo Bakool debeda iyo
gudahaba lagu dadaalo xalinta khilaafka dhex yaala
garabyadda RRA-da oo ah kuwo ka mid ah Golaha Xukuumadda iyo
Barlamaanka ku meel gaar ka ah eeyna fiican tahay in eey
gartaan Masuuliyadda saaran iyo ahamiyadda xilalka eey
Qaranka Somaaliyeed ugu magacaaban yihiin.
Baydhabo Janeey nabaddu weey wanaagsan
tahay weeyna macaan tahay waana mida kheeyrku ku jiraa danta
Dadka reer Baydhabona ku jiraa iyo danta Ummadda
Somaaliyeedba.
Sidda la wadda ogyahay waxaa
Magaaladda Neyroobi ku kulmay qeyb ka mid ah
Xildhibaanadda Barlamaanka KMG ah oo tiradooda lagu
sheegay 152 Xubnood oo ka mid ah inta joogta Neyroobi
kulankaas ma joogin Guddoomiyaha Golaha Barlamaanku si
cad ayuuna u diiday gudoominta kulankaas waxaa shir
Gudoomiye ka ahaa ku xigeenka 1-aad ee Golaha
Barlamaanka Proff-Maxamed Cumar Dalxa.
Haddaba kulankaas oo eey ka soo qeyb
galeen Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf Axmed iyo Ra,iisal
Wasaarre Proff-Cali Max,d Geedi loogana doodaayeey
Qodobadda Ansaxinta keenida Ciidamadda Igad ee ka socdda
Labadda Dalka Sudaan iyo Ugandh ee Somaaliya si eey
Gacan uga qaataan howlaha xasilinta Nabad gelyadda
Dalaka iyo Qodobka kalle oo ahaa meesha eey ku sii hakan
doonto Dowlado inta Magaaladda Caasimadda Muqdisho laga
xasilin doono laguna ansaxiyeey Labo Baydhabo iyo Jowhar.
Waxaa Su,aashu tahay kulankanu ma
yahay mid leh sifo sharci ah mana la qaadan karaa
Go,aamadda ka soo baxay mana yihiin kuwo lagu howl geli
karro maadaama Gudoomiyihii Golaha oo joogay Magaaladda
Neyroobi aanu shirka gudoomineeyn tiradda kulanka
joogtay oo aqlabiyad ah 152-xubnood go,aankoodu sharci
ma noqon karaa qabashadda kulanka ayaa xaq ayaa xaq u
leh haddii guddoomiyuhu diido maxeey tahay awood
Madaxweynaha ee qabashadda kulan Barlamaan oo deg deg ah
mase yahay kulankaasu mid dan Qaran awgeed loo
dedejiyeey Guddoomiyaha Barlamaanku ma qaban doonaa
kulanka uu u xadiday 17-05.
Ra,iisal Wasaarre Geedi ayaa Shirka
Midoowgga Afrika ee Magaaladda Adis ka dhacaaya la aaday
go,aamaddii shalay la gaareey isagoo mawqifkiisa
xoojinaaya isla markaana leh waxaan sitaa ama wataa
kalsoonidda Barlamaanka KMG ee Somaaliyeed waxaana
qaadan karaa go,aamo masiiri ah oo danta Ummadda
Somaaliyeed ku jirto waana ka soo guuleeystay kuwa
danaha gaarka ah wata ee uu ugu horeeyo Shariifku iyo
raxanta Muqdisho u carartay oo aan waxba qaban karreen
waxaana qaadi doonaa mustaqalka dhoow talaabooyin
waaweyn oo wax ku ool u noqon doon Jumtamaca Somaaliyeed
iyo hirgelinta Dowladda Kenya lagu soo dhisay oo eey
doonaayaan kuwaasu in eey dumiyaan laakiin ma suurta
geliiso ama dhici doonto gaaritaanka ujeedooyinka
khladan ee eey wataan Raxantu.
Arrintan ayaa u muuqata mid sii kala
fogeeyneeysa siina cakireeysa khilaafkii labadda kooxood
u dhexeeyeey arrimahana cirka ku sii sareeraaya
murankana halkaas ka sii wadaaya waana ayaan darro weyn
iyo mid laga xumaado meesh eey ku socoto arrinta
Somaaliyeed ooah jaha wareer iyo khilaaf keeni karra
duminta iyo burburka Dowladda labadda sano la soo waday
qaab dhismeedkeedda oo Beesha Caalamku ku daashay
kharash badana lagu bixiyeey wana muuqato cid diyaar u
ah in mar damme shir Somaaliyeed la qabto,waxaana
muuqata in uu khilaafka ku sii weynaaday Sadexdda Masuul
ee Dowladda Somaaliyeed ugu sareeya waana mid keeneeysa
in Guddoomiyaha Barlamaanku u cararo xagga Magaaladda
Muqdisho oo eey Xulafadiisii ugu horeeyaan halak C/Laahi
Yuusuf Iyo Geedina Baydhabo iyo Jowhar ku sii Nasan
doonaan ama iska degi doonaan.
Xaaladda Somaaliyeed ayaa maalinba
midda ka dameeysa sii geleeysa meelo ciriiri ah iyo jaha
wareer cusub oo arrimaha sii kala daadinaaya dhibkana
halkaasii horre ku celinaaya oo ah guul darro iyo
fashilaad hor leh waxaana masuuliyadda iska leh kuwa
wata danaha Shakhsigga ah ee iska Sheegaaya
Hogaamiyaasha hana ah Masuulinta Dowladda dhoobdhoobka
ah ee Igaad soo macmashay waxaa dhibka weyni soo
gaaraaya Ummadda Somaaliyeed ee baahidda weyn u qabta
hanashadda Dowlad Qarameed ka saarta dhibka iyo dayaca
weyn ee ku habsaday una soo jiidda meel hadh leh ee
hanaan Maamul oo kala dameeyn iyo amaan yeesha soona
celiya Sumcaddii yi Sharftii Ummadeed ee Somaalidda
Laakiin waxaad moodaa in guul darro la dhalatay oo eey
weliba mataano ku tahay Ummadda Somaaliyeed maadaama
kuwa hoggaamiyaa yihiin noocaas danahooda gaarka ah
ilaashanaaya dhiiiga Ummaddana noogaaya masuuliyadda iyo
Qaranimadana waxeey tahayba garaneeyn una diyaarka aheyn
xalinta khilaafaadka dhexdooda yaala iyo ka fekeridda
aayaha iyo Mustaqbalka Dalka iyo Dadka Somaaliyeed.
Golaha Amaan Qaaradda Afrika ayaa
ogaanshaday in Ciidamo tiradoodu tahay 1700 oo
Askari uu kala socdda labadda Dalka Sudaan iyo
Ugaandha loo diro Dalka Somaaliya si eey u sugaan
amaan Dowladda iyo heyadaha Kaalmadda Caalamigga ah
gacan ka geeystaan dib u abuuridda Ciidanka
Somaaliyeed,Ciidamadaas oo la filaayo in sidda ugu
dhakhso badan loo geeyo gudaha Somaaliya.
Haddaba,Iyadoo la oran karro waa
guul weyn oo u soo hoyeteey Dowladda iyo aragtiddii
uu wateen Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf Axmed iyo
Ra,iisal Wasaarre Proff-Geedi iyo Xukuumada eey
hogaamiyaan waana dhabar jab weyn oo la dersay kuwa
sidda weyn u diidanaa Keenidda Ciidamadda Shisheeye
oo ah kuwa Magaaladda Muqdisho fadhiya iyo
Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Shariif Xassan,sidda
go,aanka Golaha Amaan Afrika tilmaamaayo waxaa
mudnaanta iyo tixgelintaba la siiyeey Codka Dowladda
KMG,lamana tixgelin codka diidmadda ee ka soo
yeeraaya Hogaamiyaasha Muqdisho jooga kuna jiraa
Ciidanka kuwa safka horre.
Maadaama Ciidankuu imaanaayo
Dowladduna go,aansatay u guuridda Dalka gudihiisa
iyo in eey ku sii nasteen labadda Magaalo Baydhabo
iyo Jowhar Xafiis howl fuliye ahna ka furtaan
Caasimadda Qaranka ee Muqdisho inta xaaladeedu
hagaageeyso nabadeedana la xasilinaayo iyadaoo sidda
ku haboon loogu wadda howl gelaayo qorsheheedana loo
huraayo wax allaale wixii looga baahdo si sidda ugu
dhakhso badan Dowladdu ugu guurto Caasimadda
Muqdisho, hadii Ciidamadda shesheeye amaanka
xarumaha Dowladda iyo Xubnaha sugaayaan ama noqon
karaa mid kaafi ah mise waxaa lagama maarmaan ah in
la helo is-faham iyo kalsooni abuurid dhex marta
labadda dhinac ee hadda loo kala jaban yahay,lagana
shaqeeyo safiinta jawigga niyad xumo iyo muran ka
saaridda dhexdooda taala.
Dowladda Somaaliyeed ee la soo
dhisay ayaa la oran karaa waa guul haddii eey u
hirgasho sidda ku haboon isla markaana hesho
hanashadda kalsoonidda Dadkeeda la timaado habka ka
talinaaya aayaha Ummadda,Dib u heshiisiin dab ahna
sameeynaaya,kana fogaadda waxyaabaha aan qiimaha
laheyn iyo muranka Shakhsigga ah ee hadda dhex yaala
oo la oran karro waxeey keeni karraan burburka deg
deg ah ee Dowladda,khasaaraha ku noqoneeysa
Dadweynaha u hal-qal taagaaya helitaanka Dowladda
eey sidda weyn ugu omaan yihiin oo eey ku rajo weyn
in kagga baxaan rafaadkii,dhibkaa iyo silicii
mudadda 15-sano ah heeystay soona mariyeey xumaan oo
dhan,maanta eey joogaan heerkii ugu dameeyeey ee
daal.
Madaxweyne C/Laahi Yuusuf iyo
Ra,iisal Wasaarre Proff-Geedi waxaa la gudboon
adeegsigga Caqligga iyo hanaanka wanaagsan ee
masuuliyaddu dhigeeyso iyo ku dhaqmidda habka lagu
xalin karro khilaafaadka jirra iyo la imaanshaha
siyaasad ku saleeysan wadda hadal iyo ka shaqeynta
habka nabadeynta iyo furidda janaladda is qancinta
iyo isu dulqaadashadda iyo isu tanaasulidda iyadoo
ka duulaaya danaha Ummadeed iyo hirgeliinta Dowladda
oo ah mid Qarameed oo u taagan u adeegidda
Dadweynaha Somaaliyeed iyo dib u dhiska Qarankii
dumay ee Awooda iyo Magaca weyn ku lahaan jirray
Geeska Afrika iyo Aduunka oo dhanba.
Ciidanka Shesheeye oo keliya ma
dhmmaan karran mushkiladaha Somaaliyeed ee Arrintu
Waxeey gacanta ugu jirraa Somaalidda iyo sidda eey
daacadda ugu tahay henashadda Dowladooda,
Dadnimadooda, Sharaftoodda,iyo soo nooleeynta
Midnimadoodii qaaligga aheyd.
Quraanka ayaa Kitaabka loo soo dejiyeey
Rasuulkeena suuban Muxamud (Naxariis iyo Nabadgelyo
korkiisa ha ahaatee) waa Qoolkii Alle oo xaq ah
cadaan ah wax qalooc ahna laheyn,kitaabku waa
mudahar mana taagan karraan kuwa najaasta ahi kuwa
kufaarta ahi Kitaabka Quraanka Karriimka ah Alle
ayaa illaalinaaya.
Hadaba sidda wararku
maalmahan sheegaayan ayaa mid si weyn looga
xumaado ah falka cadoownimo maxshinimo eey ku
kacaan Illaaladda Mareeykanka ee ku sugan jeelka
ku Yaala Jasiiradda Cuba ee lagu hayo
Maxaabiista Muaslimiinta ah ee laga soo
daabulaay Dalka Afgaanistan iyo meelo kalle oo
Aduunka ka mid ah qiilkana loo dhigaayo in eey
ka mid yihiin Ururka Mujaahidiinta Al-qaacidda
oo Dowladda Mareeykanka iyo Maamulka Bush ku
eedeeyeen in eey ka dameeyeen Falkii Argagaxinta
ahaa ee lagu dubiyeey Daarihii samadda ku
sareeraa ee Magaaladda New york iyo Taliska
Ciidanka Meleterigga Washinton Balse ilaa hadda
xaqiiqadda dhabta ah la heyn.
Talaabadan dhaqan xumadda ah
ee Kitaabka Quraanka ah lagu sameeyeey ayaa
sawir cad ka bixineeysa heerka colaadu ka
gaartay Askartaa iyo sidda Maamulka xeradu raali
uga yahay dhaqankooda anshax xumadda ah xurmo
la,aanta ah kana turjumaaya caqiidad la,aantooda
iyo sidda weyn ee eey u lunsan-yihiin kuwaas
waana qorshe eey ka dameeyaan Madaxdda Sarre ee
Maamulka Dalkaas oo aan qarsan colaadda iyo
naceeybka xad dhaafka oo eey u hayaan Ummadda
Islaamka iyo Diinta Xaniifka oo si weyn u
fideeysa gaar ahaan Dalkaas oo Muslimiintu
cusubi ku soo badanaayaan Masaajidyadda
iskuuladda iyo goobaha warbaahineed ee
Islaamigga ah ayaa si weyn u laban
laabmaaya,iyadoo Qoomiyadda Madooega ahina ku
soo noqoneeyso Islaanimadda.
Haddaba Maxaa aamusiyeey
Culimidaa,udiinka Somaaliyeed ee Aqoonta Diinta
ku xeel dheer maxeey u cambaareeyn waayeey
falkaas dhaqan xumadda iyo xadgudubka weyn ee
ula kaca ah oo Kitaabka Quraanka Karriimka
lagula kacaayo,Mayeeye:-
1-Sheekh C/Rashiid Sheekh
Suufi.
2-Sheekh Cumar Al-Faaruuq.
3-Sheekh Maxamed Dirir.
4-Sheekh Daahir Xasan Aweys.
5-Sheekh Cali Dheere.
6-Sheekh Shariif.
7-Sheekh Max,d Macallin Umal.
8-sheekh Max,d Sheekh Cusman.
9-sheekh Max,d Idiris.
7-Sheekh Mustafe Xaaji Haaruun, iyo Boqolaalka
Sheekh ee la midka ah ee Muftiyaasha ah.
Ha ogaadeen kuwa dhaqanka
xumi asluuba xumi jaahiliinta kufaarta ahi ee
Diinta Islaamka Illaaheena illaashanaayo
codoegeeyduna yahay cadow Alle Maalinta
Qiyaanena Xisaab adagi sugeeyna Ciqaabta
Cadaabtuna masiirkooda tahay kuwaasu yihiin
Qoomka Jahanabadda loogu bishaareeyeey(Balanta
Allena waa Xaq).
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh (Xassan Carab)
-Huddersfiel-England-13-05-2005.
Fariinta uu wato qoraalka sare
waxay gaar u tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran
yahay.
allgedo@allgedo.com
|
|