HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Thursday,  May 5,  2005

SHIRQOOLADDA LAGU KHAARIJINAAYO SHAKHSIYAADKA WANAAGSAN

Sidda la wadda ogyahay Ummaddaha Aduunku waxeey leeyihiin Dadka ama Shakhsiyaad Ahamiyad iyo Qiimo weyn u leh Mujtamaca eey ka Dhesheen,door weyna ka qaata Socodka Hab Nololeedka iyo howlaha guud ee mujtamaca haddii uu ahaan lahaa Madani iyo midka Reer Miyigga ahba,waana Dad lagu xurmeeyo wax qabadkooda iyo kaalinta eey leeyihiin. 

Ummadda Somaaliyeed oo ka mid ah Qoomiyadaha Aduunka si weyn u xaq-dhoowrta dadka Bulshadda u hayaha howlaha muhiimka ah habka dhaqameedka iyo hanaanka wanaagsan ee soo jireenka ah ayaa ku saleeysnaa kala dameeyta is maqalka xurmeeynta hoggaanka dhaqameedka culimaaudiinka iyo Dadka waxgaradka ah oo howlaha wax ku oolka ah haya.  

Hadaba-waxaa beryahan damme soo shaac baxay habka ka duwan kuwii horre ee wacnaa soo jireenka ahaa waana mid dhaliilo badan iyo waxyaabo la yaab leh oo si weyn dhaawac u gaarsiiyeey hanaankii Ummadeed ee sifooyinka wanaagsan lahaan jiray oo sidda weyn loogu soo badbaaday kana mid ahaa waxyaabaha Ummadda Somaaliyeed ku faanto oo eey ka duwaneeyd Ummdo badan oo Aduunkan ku nool oo aan laheyn hab dhaqameed suban iyo xeerar bulshadda kala hagi jiray oo dhaxal gal ahaa.  

Guud ahaanba Dalka Somaaliyeed ayaa waxaa ka socdda arrimo la yaabkooda leh falal dhibaatooyin weyn keenay oo la oran karro waa kuwa inaga cusub oo khasaarahooda keenay waana arrimaha sharqoolidda iyo khaarijinta Shakhsiyaadka qiimaha leh magaca iyo maamuulka bulshadda dhexdeeda ku leh wax qabadkoodu muuqdo sidda ku haboona u adeegaaya Dadkooda iyo Dalkooda oo mudan bogaadiin iyo u abaal-gudiid si weyna loogala xishoodo wixii xumaan ahba oo ah mageeydo halyeeyo heegan u ah ka shaqeynta wanaaga iyo xalinta khilaafaadka bulshadda soo kala dhex gala xili aanay Dowlad rasmi ahi ka jirrin Dalka Somaaliyeed oo jahawareer badan ka taagan yahay caqli adeegsigii laga tegay wanaagii iyo samihii la tuuray xumaanta dhibaatadda iyo belaayo abuurido qiimo yeelatay wixii laga xishoon jirayna lagu faanaayo qiyamkii qaaligii ahaa ee ummadeed la tuuray fical sheeydaanku si xoog leh u shaqeynaayo.  

Gobolka Sool gaar ahaan Degmadda Laascaanood ayaa waxaa si weyn ugu soo badanaaya falalka gacan ka hadalka iyo dilalka qorsheeysan oo loo geeysanaayo Shakhsiyaad xurmo qadarin iyo sharaf weyn degaankaas ku leh oo weliba howlo Bulsho hayaha oo la wadda garanaayo si cadna Magaaladda dhexdeeda lagu tooganaayo gacan ku dhiiglahana lala baxsanaayo ama la fakinaayo taasoo kuu cadeeyneeysa in arrintu hab qorsheeysan  leeday dhinac walbana laga sii diyaariyeey labadii dil ee ugu dameeyeey ee Magaaladda Laascaanood ka dhacay ayaa ahaa kuwo naxdiin weyn leh ayaan darro ah lana beegsaday labo Shakhsiyadood oo ahamiyad weyn lahaa. 

1-C/Weli Xuseen Caarshe,Nin Magac weyn bulshadda ku dhex lahaa howlo muhiim ahna halkaas ka waday.
2-Caaqil-Xirsi Cumar Cadho,Caaqil la dhabar ahaa hogaan wanaagsan lahaa nin nabadeed ahaa ku caan ahaa ka shaqeynta wanaaga wadda jirka dadka illaalinta xiriirka soo jireenka ah ee Beelaha Degaanku leeyihiin si cadna uga dhex muuqday guud ahaanba Cuqaashadda Beesha Daraawiishta xurmo xaq-dhoowr iyo milgo gobeed ku caan ahaa sidda ku haboona u hogaaminaayeey jifaha uu Caaqilka u ahaa oo ixtiraam iyo qadarin weyn u heeysay una heeyn doonta, inkastoo geeridu xaq tahay haddana si weyn ayeey u taabatay una giilgilshay Arrinta Dilkaas foosha xun oo bareerka ah ee loo geeystay Al-Marxuum-Caaqil-Xirsi Cumar Cadho waana mid eey masuuliyadiisa iska leeyihiin Beesha Xurmadda mudan ee gacan ku dhiigluhu ka dhashay degaan wadaag gacalnimo iyo ehelinimo weyna la leh Beesha laga dilay Caaqilka.  

Iyadoo talaabadan naxdinta leh cawaaqib xumo dame keeni karta xiriirkii wacnaa soo jireenkaa ee labada Beelood u dhexeeyeyna dhaawac weyn u geeysanaayo isla markaana Beesha gacan ku dhiigluhu ka dhashay si cad oo bareer ah u jabisay heshiis nabadeedkii ee eey ka soo shaqeeyeey Isimadda Beelaha Dariiwiisha iyo Ergo nabadeedkii ka yimi Gobolka Bari ee uu hogaaminaayeey Gen-Cadde Muuse oo xiligaas aheyn Madaxweyne laguna soo af-jaray colaadii iyo dagaalkii sokeeye ee labadaas Beeleed dhex maray dhamaadkii sanadkii horre 2004 iyo biloowgii sanadkan 2005 oo eey sidda wadda jirka u sexeexeen Garaad C/Qani Garaad Jaamac iyo Garaad Cali Buraalle Xassan iyo Isimadda Beelaha Daraawiishta iyo Madaxweyne Gen-Cadde Muuse Boqor oo runtii kaalin weyn ka qaatay howlalaha nabadeynta iyo gaarista heshiiska.  

Dilka Caaqil-Xirsi Cumar ayaa ah mid aan la qaadan karin sawir cadna ka bixinaaya in weli ficil colaadeed xumaan abuurid iyo niyad sami la,aanta ka jirta dhanka beesha ninka dilka geeystay ka dhashay waana arrin maqkhaati ka ah in aanay heshiiskii cadaa oo weliba iyaga sed bursigga siiyeey ku qanacsaneyn saxiixiina ahaa waxba kama jiraan qorshahooda gacan ka hadalkuna yahay mid ku yimid talo iyo go,aan si rasmi ah loo qaatay loona qeexay in lagu fuliyo Shakhsiyan Caaqil-Xirs Cumar Cadho oo Beeshiisa laga dhex xushay iyadoo la eegaayo ahamiyadiisa doorkiisa iyo qiimaha uu ugu fadhiyo Beeshiisa waana mid lagu tilmaami karro ayaan darro weyn iyo talaabo cadoowtinimo weyn xambaarsan oo loogu talo galay Beeshaas.  

Maanta Kubadu waxeey ku jirtaa goolka Beesha Reer Kal-beyr guud ahaan iyo Caaqilka Gacan ku dhiiglaha iyo Garaadka Sharfta iyo qadarinta iga mudan ee Beeshaas oo laga sugaayo gudashadda masuuliyadooda garashadda mudankooda koowaad oo ah soo qabashadda gacan ku dhiiglihii iyo la golle imaadka habkii dhaqanku ahaan jiray iyo fulinta qodobadii heeshiiskii labadda Beelood dhigaayeey oo sidda qoraxdda u cadaa iyo weliba la filmaami karro Magac gacan ku dhiiglaha iyo jifaha uu ka dhashay iyo cidii wehelisay iyo weliba gaadiidkii lagu la cararay cidii iska lehayd oo ah Reer caan ah oo Magaaladda degay mana laga fileeyna falkaas oo kele in eey Gacan siiyaan ama qorshaha noocaas ah wax ka soo qorsheeyeen balse ayaan darro weyn dheh.  

Caaqil-Xirsi Cumar Cadho gacan ka xaq darran ayaa dhishay geeridiisuna tiiraanyo weyn ayeey leedahay masuuliyad Reereed oo ahamiyadeeda lehna wuu hayeey si sahlana laguma illaawi karro Shaksi ahaan Marxuumka hadana waxaa haboon ama eey tahay in wadadda wanaagsan la maro lana aamino in waqtigiisii dhammaaday dhibaataduna eey maanta kor saaran tahay gacan ku dhiiglihii iyo ciddii uu ka dhashay sidaas awgeed waa in laga fogaadaa wixii ficil sheeydaan ah oo dhan talaabo dhinaca xun loo qaadaa waxeey wax yeeleeysaa qiimihii iyo xurmahii iyo dadnimaddii suubaneyd ee Caaqilka balse sidii looga bartay beesha C/Garaad ee aheyd wanaag ka talinta dul-qaadka diin ku dhaqanka tolnimo illaalinta iyo la imaanshaha sabirka iyo aaminidda xukunka alle ayaa loo baahan yahay waana sidda Dadka Caqligga lehi sameeyeen iyadoo lagu adkeeysanaayo oo aan markana laga soo dabceeyn loo qabashadda gacan ku dhiiglihii iyo ciddii wehelisay markuu dilka geeysanaayeey iyo gaadiidkii lagu qaaday iyo cidda iska laheyd oo dhammaantooda fal dambiyeedka ku jirra hakalna masuuliyad weynaadeen laakiin waa dambiille iyo caawiye iyo taakuleeye.  

Masuuliinta Gobolka Sool iyo kuwa Degmadda Laascaanood ismidda sharafta leh ee Beelaha Daraawiishta culimaaudiinka Reer Laascaanood iyo dhammaan waxgaradka Magaaladaas ayaa laga sugaaya gudashadda masuuliyadooda iyo gacan ka geeysashadda soo qabashada gacan ku  dhiiglayaasha falal dambiyeedka geeystay oo ah dadka la garaanaayo sidoo kale waxaa loo baahan yahay in laga wadda shaqeeyo xoojinta nabadgelyadda iyo xasiloonidda Caasimadda Qoomiyadda Daraawiishta (Laascaanood).  

Ummadda Somaaliyeed uma baahna dhiig qubid iyo shirqoolo maleegid intii dhibaato soo gaartay ayaa ka badan waxaa aakhiro u hooyday Shakhsiyaad qadarin iyo xurmo weyn ku lahaa bulshadda dhexdeeda qiimo weyn lahaa Gacan ka xaq darani dishay;-Proff-Abyan iyo Xaashi Weheliye-Muuse Boqor-Gen-Maxamed Cabdi-Gen-Sareenle iyo Caaqil Xirsi Cumar Cadho oo ugu dameeyey dhammaantood waa khasaarre Qaran waana ayaan darro ku habsatay Dalkeena hooyo ama maalin walba dhiigo qubanaayo Shakhsiyad qaali ahna la dilaayo iyadoo aanu Dalku laheyn Dowlad doorkeedda qaadan karta oo gacan ku dhiiglaha waajibkiisa marin karta Cadaaladana hor keeni karta.



GEEDI IYO GUULSHA WEYN EE SAFARKIISII SOO HOOYEY

Ra,iisal Wasaarre Cali Mxamed Geedi oo intii muddo ah fadhiyeey Magaaladda Neyrobi ee Dalka Kenya lagu eedeeynaayeey in aanu imaan karrin Caasimadda Qaranka Somaaliyeed Muqdisho isla markaana yahay Nin u adeegaaya Dowlaha Itoobiya kuna musquulsan sidii Caasimadda looga wareejin lahaa Muqdisho iyo in uu yahay Shakhsi aan laheyn Wadaniyad.  

Waxaa beenoobay wararkii badnaa ee Ummadda Somaaliyeed lagau akhriyaayeey sawirka xuna looga bixinaayeey Hogaanka Sarre ee Xukuumadda gaar ahaan Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf Axmed iyo Ra,iisal Wasaarre-Cali Maxamed Geedi waxana cadaatay niyad kartidda Masuuliyadda dhabta ee geesinimadda ku saleeysan ahamiyadiisuna tahay in uu Ummadda Somaaliyeed ee Caasimadda muqdisho ku nool hortooda yimaado una xaqiijiyo hadafka iyo qorshaha Xukuumadiisa iyo arrimaha eey mudnaanta siineeyso iyo sidda eey uga go,an tahay imaatinka Dalka hooyo gaar ahaa Caasimadda soo jireenka ah ee Ummadda Somaaliyeed Muqdisho iyo sidii loo taareegi lahaa laagana wadda shaqeyn howlaha nabadgelyadda iyo soo nooleeynta sharaftii Caasimadda iyo habeeynta Maleeshiyaadka hubeeysan ee dhex boodaaya oo Ummadda carqalad weyn ku haya iyadoo si weyn loo tixgelinaayo dadaalka eey wadaan xubnaha labadda golle ee Muqdisho ku sugan.

 

Talaabo Geedi maxeey faa,iido keentay?

1-Kor u qaadidda niyad samidda Ummadda Somaaliyeed ee Caasimadda ku dhaqan iyo soo Bandhigidda Dareenkooda Dowlad jaceyl iyo ogaanshadda xaqiiqadda jirta oo markii horre ka qarsooneyd. 

2-Khilaafka meesha yaalaa in uu yahay mid hab shakhsiyaad ah oo u dhexeeya in yar oo dano gaar ah leh laakiin Ummadda ka dhiganeeysay gabood si khaldan uga turjumeeysay Qorshadda Xukuumadda Geedi iyo niyad Madaxweynaha.  

3-In lagu wareejiyo Ra,iisal Wasaarre Geedi goob aad iyo aad ahamiyadood u leh;-sidda Dwkadda Muqdisho,Taliskii Ciidanka NSS-KA,Radiyo Muqdisho,Isbitaalka Madiina iyo belan qaadidda ku wareejinta xarunta Madaxtooyadda,Taliska Ciidanka Boliiska iyo goobo kalle oo qiimo weyn Xukuumadda ugu fadhiya.  

4-Tanaasulka Ra,iisal Wasaarre Geedi oo ah mid ku dhisan Caqligga iyo garashadda wanaagsan ee Masuuliyaddu leedahay oo keentay isfahamka dhex maray Ra,iisal Wasaaraha oo ku hadlaaya Codka Madaxweynaha iyo Xubnaha golaha Wasiiradda iyo Xubanaha Labadda Golle ee Muqdisho Joogay,Marka laga reebo-Qenyarre iyo Sifir oo ujeedooyin gaar ah wata.  

5-Kalsoonidda weyn oo eey u muujiyeey Xukuunmadda Geedi Ganacsatadda Muqdisho, Ururadda Madanigga ah,Ururudda Haweenka iyo Siyaasiinta Muhiimka ah iyo Culimaaudiinka Muqdisho.  

6-Booqasahdda Proof-Geedi ee Muqdisho waxeey jabisay kalsooni daradii u dhexeeysay dadka Reer Muqdisho iyo Hoggaanka Sarre ee Qaranka Somaaliyeed waxeeyna soo dedegineeysaa sidii Dowladda Somaaliyeed ugu soo guuri laheyn Dalka gudihiisa weliba Caasimadda Qaranka Muqdisho iyo in Bulshadda Diyaar u tahay.  

7-Booqasahdda Proff-Geedi Waxeey Ummadda reer Muqdisho ka xoreeysay kuwii hor taagnaa ee afduubka ku heeystay waxaana sawir cad kuu ah in laga diiday mid ka mid ah hoggaamiyaasha awood weyn ku Magaaladda Muqdisho oo u soo jeediyeey Beesha uu ka dhashay in aan la kulmin Ra,iisal Wasaarre Geedi-laakiin si cad loogu yirri danaha Beesha iyo rayagtidaada Shakhsigga ah Mudane kala saar.  

8-Booqashadda Ra,iisal Wasaarre Geedi ee Muqdisho waxeey Beesha caalamka tustay in aanu jirrin Khilaaf weyn oo la tilmaami karro oo u dhexeeya Xubnaha labadda golle ee Nayrobi iyo Muqdisho kala jooga,waxaana meesha ka bixay dhoowri Shakhsi ee arrintaa qiilka ka dhigaanayeey waxaana la ogaaday rabitaanka Ummadda reer Muqdisho iyo baahidda weyn ee eey u qabaan helitaanka Dowlad Ummadda u adeegta.  

9-Booqashadda Geedi waxeey Beesha Caalamka ku dhiiri gelineeysaa in eey sidda ku haboon gacan u siiso Dowladda Somaaliyeed kana caawiso dhinacayadda kala duwan sidda ugu haboon ugu soo rarto Dalkeedda Hooyo.  

10-Guud ahaan Booqashadda Geedi ee Muqdisho waa guul weyn oo u soo hoyatay Ummadda Somaaliyeed iyo Dowladda waxaana Bulshadda reer Muqdisho kalsoonidoodii siiyeeyn Geedi- C/Laahi iyo Sharifka iyo Dowladda Somaaliyeed waxaana beenoobay wararkii Shakhsiyaadku wareejinaayeen iyo qorshodoodii daciifka ahaa waji xumo iyo ceeyb weyn ayaa ku dhacday kuwii jalaafadda waday guul sharaf iyo masuuliyad ayuu muujiyeey Ra,iisal Wasaarre Geedi wuuna ku amaan-yahay waxaana loo baahan yahay dardar gelinta soo guuridda Dowladda.  

Anigoo ah Muwaadin Somaaliyeed oo Dalkiisa si weyn u jecel wanaaga Qaraimo iyo soo Nooleeynta Dowladnimadda waxaan halkan tacsi uga gudbinaayaa muwaadiniintii ku geeriyooday shilkii ka dhacay Goroonka Istaadiyo Muqdisho intii ku dhaawaceyn-teyna waxaan alle uga rajeeyeey Caafimad buuxa,waana garan karaa marka arrintaas oo kalle ka# dhacay Garoonka oo si weyn u buuxa naxdin iyo fajaca ayaa keenaaya jahawareer dadka ku dhacay is jiirid is buurasho iyo dusha iska maridda ayaa dhibkeedda leh waxaan si fiican u xusuustaa oo aan goob joog ka ahaa mid dhacay xiligii rajiinkii Siyaad Barre oo isla halkaas ka dhacday waxaana ka mid ahaa Dadkii tiradda yaraaa ee howsha gurmadka ka qeyb-qaatay weliba anigga iyo mudane-Jarlees oo ahaa Gudoomiyaha Xiriirka Somaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Wasaaradda Isportigga ayaa ahaa labadii qof ee ugu horeeyeey ee iskood u galay dhaawac ururinta iyo isbitaal geeyntaba waxeeyna aheyd masuuliyad wadani ah oo aanan cidna abaal uga rabin.

 

-ALLA MAHAD LEH-
-QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH(XASSAN CARAB)-
-HUDDERSFIELD-ENGLAND- 05-05-2005.


Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu gaar u yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma lahan.



allgedo@allgedo.com
 



 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com