1-C/Weli Xuseen Caarshe,Nin Magac weyn bulshadda
ku dhex lahaa howlo muhiim ahna halkaas ka waday.
2-Caaqil-Xirsi Cumar Cadho,Caaqil la dhabar ahaa hogaan wanaagsan
lahaa nin nabadeed ahaa ku caan ahaa ka shaqeynta wanaaga wadda
jirka dadka illaalinta xiriirka soo jireenka ah ee Beelaha Degaanku
leeyihiin si cadna uga dhex muuqday guud ahaanba Cuqaashadda Beesha
Daraawiishta xurmo xaq-dhoowr iyo milgo gobeed ku caan ahaa sidda ku
haboona u hogaaminaayeey jifaha uu Caaqilka u ahaa oo ixtiraam iyo
qadarin weyn u heeysay una heeyn doonta, inkastoo geeridu xaq tahay
haddana si weyn ayeey u taabatay una giilgilshay Arrinta Dilkaas
foosha xun oo bareerka ah ee loo geeystay Al-Marxuum-Caaqil-Xirsi
Cumar Cadho waana mid eey masuuliyadiisa iska leeyihiin Beesha
Xurmadda mudan ee gacan ku dhiigluhu ka dhashay degaan wadaag
gacalnimo iyo ehelinimo weyna la leh Beesha laga dilay Caaqilka.
Ummadda Somaaliyeed uma baahna dhiig qubid iyo
shirqoolo maleegid intii dhibaato soo gaartay ayaa ka badan waxaa
aakhiro u hooyday Shakhsiyaad qadarin iyo xurmo weyn ku lahaa
bulshadda dhexdeeda qiimo weyn lahaa Gacan ka xaq darani
dishay;-Proff-Abyan iyo Xaashi Weheliye-Muuse Boqor-Gen-Maxamed
Cabdi-Gen-Sareenle iyo Caaqil Xirsi Cumar Cadho oo ugu dameeyey
dhammaantood waa khasaarre Qaran waana ayaan darro ku habsatay
Dalkeena hooyo ama maalin walba dhiigo qubanaayo Shakhsiyad qaali
ahna la dilaayo iyadoo aanu Dalku laheyn Dowlad doorkeedda qaadan
karta oo gacan ku dhiiglaha waajibkiisa marin karta Cadaaladana hor
keeni karta.

Ra,iisal Wasaarre Cali Mxamed Geedi oo intii
muddo ah fadhiyeey Magaaladda Neyrobi ee Dalka Kenya lagu
eedeeynaayeey in aanu imaan karrin Caasimadda Qaranka
Somaaliyeed Muqdisho isla markaana yahay Nin u adeegaaya Dowlaha
Itoobiya kuna musquulsan sidii Caasimadda looga wareejin lahaa
Muqdisho iyo in uu yahay Shakhsi aan laheyn Wadaniyad.
Waxaa beenoobay wararkii badnaa ee Ummadda
Somaaliyeed lagau akhriyaayeey sawirka xuna looga bixinaayeey
Hogaanka Sarre ee Xukuumadda gaar ahaan Madaxweyne-C/Laahi
Yuusuf Axmed iyo Ra,iisal Wasaarre-Cali Maxamed Geedi waxana
cadaatay niyad kartidda Masuuliyadda dhabta ee geesinimadda ku
saleeysan ahamiyadiisuna tahay in uu Ummadda Somaaliyeed ee
Caasimadda muqdisho ku nool hortooda yimaado una xaqiijiyo
hadafka iyo qorshaha Xukuumadiisa iyo arrimaha eey mudnaanta
siineeyso iyo sidda eey uga go,an tahay imaatinka Dalka hooyo
gaar ahaa Caasimadda soo jireenka ah ee Ummadda Somaaliyeed
Muqdisho iyo sidii loo taareegi lahaa laagana wadda shaqeyn
howlaha nabadgelyadda iyo soo nooleeynta sharaftii Caasimadda
iyo habeeynta Maleeshiyaadka hubeeysan ee dhex boodaaya oo
Ummadda carqalad weyn ku haya iyadoo si weyn loo tixgelinaayo
dadaalka eey wadaan xubnaha labadda golle ee Muqdisho ku sugan.
Talaabo Geedi maxeey faa,iido keentay?
1-Kor u qaadidda niyad samidda Ummadda
Somaaliyeed ee Caasimadda ku dhaqan iyo soo Bandhigidda
Dareenkooda Dowlad jaceyl iyo ogaanshadda xaqiiqadda jirta oo
markii horre ka qarsooneyd.
2-Khilaafka meesha yaalaa in uu yahay mid hab
shakhsiyaad ah oo u dhexeeya in yar oo dano gaar ah leh laakiin
Ummadda ka dhiganeeysay gabood si khaldan uga turjumeeysay
Qorshadda Xukuumadda Geedi iyo niyad Madaxweynaha.
3-In lagu wareejiyo Ra,iisal Wasaarre Geedi
goob aad iyo aad ahamiyadood u leh;-sidda Dwkadda
Muqdisho,Taliskii Ciidanka NSS-KA,Radiyo Muqdisho,Isbitaalka
Madiina iyo belan qaadidda ku wareejinta xarunta
Madaxtooyadda,Taliska Ciidanka Boliiska iyo goobo kalle oo qiimo
weyn Xukuumadda ugu fadhiya.
4-Tanaasulka Ra,iisal Wasaarre Geedi oo ah
mid ku dhisan Caqligga iyo garashadda wanaagsan ee Masuuliyaddu
leedahay oo keentay isfahamka dhex maray Ra,iisal Wasaaraha oo
ku hadlaaya Codka Madaxweynaha iyo Xubnaha golaha Wasiiradda iyo
Xubanaha Labadda Golle ee Muqdisho Joogay,Marka laga
reebo-Qenyarre iyo Sifir oo ujeedooyin gaar ah wata.
5-Kalsoonidda weyn oo eey u muujiyeey
Xukuunmadda Geedi Ganacsatadda Muqdisho, Ururadda Madanigga
ah,Ururudda Haweenka iyo Siyaasiinta Muhiimka ah iyo
Culimaaudiinka Muqdisho.
6-Booqasahdda Proof-Geedi ee Muqdisho waxeey
jabisay kalsooni daradii u dhexeeysay dadka Reer Muqdisho iyo
Hoggaanka Sarre ee Qaranka Somaaliyeed waxeeyna soo
dedegineeysaa sidii Dowladda Somaaliyeed ugu soo guuri laheyn
Dalka gudihiisa weliba Caasimadda Qaranka Muqdisho iyo in
Bulshadda Diyaar u tahay.
7-Booqasahdda Proff-Geedi Waxeey Ummadda reer
Muqdisho ka xoreeysay kuwii hor taagnaa ee afduubka ku heeystay
waxaana sawir cad kuu ah in laga diiday mid ka mid ah
hoggaamiyaasha awood weyn ku Magaaladda Muqdisho oo u soo
jeediyeey Beesha uu ka dhashay in aan la kulmin Ra,iisal
Wasaarre Geedi-laakiin si cad loogu yirri danaha Beesha iyo
rayagtidaada Shakhsigga ah Mudane kala saar.
8-Booqashadda Ra,iisal Wasaarre Geedi ee
Muqdisho waxeey Beesha caalamka tustay in aanu jirrin Khilaaf
weyn oo la tilmaami karro oo u dhexeeya Xubnaha labadda golle ee
Nayrobi iyo Muqdisho kala jooga,waxaana meesha ka bixay dhoowri
Shakhsi ee arrintaa qiilka ka dhigaanayeey waxaana la ogaaday
rabitaanka Ummadda reer Muqdisho iyo baahidda weyn ee eey u
qabaan helitaanka Dowlad Ummadda u adeegta.
9-Booqashadda Geedi waxeey Beesha Caalamka ku
dhiiri gelineeysaa in eey sidda ku haboon gacan u siiso Dowladda
Somaaliyeed kana caawiso dhinacayadda kala duwan sidda ugu
haboon ugu soo rarto Dalkeedda Hooyo.
10-Guud ahaan Booqashadda Geedi ee Muqdisho
waa guul weyn oo u soo hoyatay Ummadda Somaaliyeed iyo Dowladda
waxaana Bulshadda reer Muqdisho kalsoonidoodii siiyeeyn Geedi-
C/Laahi iyo Sharifka iyo Dowladda Somaaliyeed waxaana beenoobay
wararkii Shakhsiyaadku wareejinaayeen iyo qorshodoodii daciifka
ahaa waji xumo iyo ceeyb weyn ayaa ku dhacday kuwii jalaafadda
waday guul sharaf iyo masuuliyad ayuu muujiyeey Ra,iisal
Wasaarre Geedi wuuna ku amaan-yahay waxaana loo baahan yahay
dardar gelinta soo guuridda Dowladda.
Anigoo ah Muwaadin Somaaliyeed oo Dalkiisa si
weyn u jecel wanaaga Qaraimo iyo soo Nooleeynta Dowladnimadda
waxaan halkan tacsi uga gudbinaayaa muwaadiniintii ku
geeriyooday shilkii ka dhacay Goroonka Istaadiyo Muqdisho intii
ku dhaawaceyn-teyna waxaan alle uga rajeeyeey Caafimad
buuxa,waana garan karaa marka arrintaas oo kalle ka# dhacay
Garoonka oo si weyn u buuxa naxdin iyo fajaca ayaa keenaaya
jahawareer dadka ku dhacay is jiirid is buurasho iyo dusha iska
maridda ayaa dhibkeedda leh waxaan si fiican u xusuustaa oo aan
goob joog ka ahaa mid dhacay xiligii rajiinkii Siyaad Barre oo
isla halkaas ka dhacday waxaana ka mid ahaa Dadkii tiradda
yaraaa ee howsha gurmadka ka qeyb-qaatay weliba anigga iyo
mudane-Jarlees oo ahaa Gudoomiyaha Xiriirka Somaaliyeed ee
Ciyaaraha Fudud Wasaaradda Isportigga ayaa ahaa labadii qof ee
ugu horeeyeey ee iskood u galay dhaawac ururinta iyo isbitaal
geeyntaba waxeeyna aheyd masuuliyad wadani ah oo aanan cidna
abaal uga rabin.
-ALLA MAHAD LEH-
-QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH(XASSAN CARAB)-
-HUDDERSFIELD-ENGLAND- 05-05-2005.
Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu gaar u
yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeedna
allgedo wax shaqo ah kuma lahan.
allgedo@allgedo.com