|
Allgedo!
Maqaal, Tuesday, August 2, 2005 |
WAXAA GUUL KU SOO GABAGABOOBAY WAJIGII
HORE EE SHIRKA NABADEYNTA LABADA JIFO EE KA TIRSAN BEESHA SADE EE
KA SOCDAY DEGMADA G/HAAREY OO AH XARUNTA GOBOLKA GEDO.
Waxaa in muddo ah ka socday hawlo loogu gogol
xaarayey shir weyne lagu damacsanaa in lagu wada hadal siiyo laba
jifo ee ka tirsan beesha SADE , kuwaas oo in muddo ahaydba ay ka dhex
socotay shaqaaqo colaadeed, taas oo keentay in ay ku nafwaayaan dad
badan oo ka kala tirsan labada JIFO ee walaalaha ah ee kala ah HAARUUN
YUUSUF iyo Reer SIYAAD UGAAS DIINI.
Labadaas Qabiil oo runtii ah kuwo uu ka dhaxeeyo
xiriir dhalyo iyo mid deegaanba oo la oran karo waa kuwo isaga sokeeya
jifooyinka kale ee reer Sade.
Balse , Arrin ayaan darro ah ayaa sanadahaan dambe
ka dhex taagnayd , taas oo keentay in dad badan oo ka kala tirsan
labadaas jifo ay ka bara kacan deegaanadoodi, iyaga oo qaxooti ku ah
goobo kale oo ka kala tirsan Degmooyinka Gobolka Gedo, halkaas oo runtii
ay ku hayso dhibaatooyin fara badan, kuwaas oo baahi weyn u qabay in la
helo xal nabadeed oo dhex mara labadaas qabiil ee walaalaha ah.
Haddaba waxaa jiray oo in muddo ahba iska soo
jiitamayey , hawlo isku dayo nabadeed ah oo ay wadeen waxgarad fara
badan oo ka tirsan Beesha Sade oo uu hoggaaminayey Ugaaska Beesha SADE ,
UGAAS CUMAR UGAAS XERSI,iyo Nabadoono ay ka mid yihiin 1- SHIIKH
AXMED XAADLE 2- Shiikh Moxamud Sh. Cabdullahi 3- Shiikh Xasan
Iftiin 4- Shiikh Axmed Bulsho,5- Mocalin Moxamuud Cabdulle (
Dhiftay)iyo waliba kuwo kale oo aanan ku soo koobi karin halkan,Waxaa
iyana xusid mudan waxgarad kale oo iyana ka qayb qaatay sida KORNEEL
CABDI BARRE MOXAMED oo ahaa afhayeenka iyo isku xiraha shirka, hawlahaas
oo soo maray marxalado kala duwan, isla markaasna lagu soo kala qabtay
goobo kala duwan ee ka tirsan Degmooyinka Gobolka Gedo, isla markaasna
ay mar walba kala kulmayeen carqalado ad adag oo hadba hawshaas dib
u dhac ku keenayey.
Waxaa si toos ah iyo si dad banba isaga soo daba
noqnoqonayey arrimo fool xun oo ahaa kuwo falal kala aar goosi dil ah
, oo dhacayey hadba marka arrinta la isku soo dhaweeyoba, taas oo
keenaysay in hawshu ay sii adkaato, isla markaasna ay ka abuuranto
xiisad wal wal iyo walbahaarba leh.
Iyada oo marar badan lagu balamay in shir lagu qabto
meelo kala duwan, sida G/haarey,B/dhuubo,B/xaawo,Doolow,Garsaal
shirkaas oo lagu wada hadal siiyo labadaas (Jifo) ee ay xurkugtu
dhextaal, balse ay ka imaanaysay hadba mid ka mid labadooda cududaar
ahaa inaysan meeshaas tagi karin amaba aysan ku haboonayn in lagu wada
hadlo.
Balse waxaa dhabar adayg muujiyey Ergooyin ka kala
tirsan Jifooyinka kale ee reer Sade oo uu Ugaasku u xilsaaray in ay
kala soo xaajoodaan laba Jifo sidii meel ku haboon loogu heli lahaa ,
si uu shirku u qabsoomo, ugu dambayntiina waxaa lagu guuleystay oo la
isku afgartay in shirku ka dhaco amaba lagu qabto Degmada G/haarey.
Waxaa ergooyin ka kala yimaadeen dhammaan
degmooyinka Gobolka Gedo, kuwaas oo isugu jiray Odayaal Dhaqameed,
Siyaasiyiin,Aqoonyahano, Saraakiil,Culomaaudiinta iyo wax garad
kaleba,waxaana hogaaminayey Ugaaska Beesha SADE Ugas Cumar Ugaas Xersi,
isaga oo ugaasku dhexda marada ugu duubtay sidii uu u xallin lahaa
arrintaan, isla markaasna uu uga samato bixin lahaa ummadda uu
mas'uulka ka yahay dhibaatada maanta ka jirta degaanada ay ku nool
yihiin ee ah Gobolka Gedo.iyo Waliba xilligan kala guurka ah oo ay
gashay Marxalad adag Siyaasadda Soomaaliya, oo u baahan Foojignaan iyo
ka fiirsasho dheeri ah , iyo waliba nabadeyn guud ee ka dhex dhacda
dhamaan beesha sade iyo beelaha kale ee la degaanka ah.
Sidoo kale waxaa iyaguna si buuxda u garab istaagay
Ugaaska dhammaan Odayaal dhaqameedka Jifooyinka iyo Aqoonyahanka,
Saraakiisha ,Siyaasiyiinta Maamulka Degmooyinka, Culomaudiinka,
Haweenka iyo wax garad kalaba.
Waxaa iyana ku soo biiray hawlaha Nabadeynta inta
badan Xubnihii Baarlamaanka DFKMG Soomaaliyeed ee dhawan lagu soo
Dhisay Dalka Kenya ee Beesha Sade, kuwaas oo hadda ku sugan Degmada G/haarey.kuwaas
oo kala ah.
1-Mudane: Moxamuud Sayid Aadan W/H/Qaranka
DFSoomaaliya.
2-Mudane Cabdiraxmaan Diireye Sahyuun(Indhobur) W/Xigeed.
3- " Yuusuf Cabdulqaadir Shiikh (Kanti)
W/X/Garsoorka.
4-Mudane:Cabdirisaaq Isaaq Biixi
5-Mudane:Moxamud Moxamed (Indho Geelle)
6-Mudane:Axmed Moxamed Ardooy
7-Mudane:Xasan Xiirey ( Xasan Deer)
8-Mudane Xuseen Caddaawe
9-Mudane: Mataan cabdi biriq
10-Mudane Sharmarke Moxamed Gaani
Waxaa isaguna maalmahaan ku sugan Degaanka Degmada
Ceelwaaq Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dajinta DFKMG soomaaliya
Mudane Korneel Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) iyo Wafdi ballaaran oo
ka soo kici timay Gobolka J/hoose Degmada Kismaayo, iyada oo ay
ujeedadoodu ay tahay in ay ka qaybqaataan hawlaha nabadeynta iyo midda
Dhismaha Maamulka Gobolka Gedo.
Shirkaan oo in muddo ahba la sugayey Ayaa ka furmay
DegmadG/haarey 25/7/05, iyada oo uu shir guddomiye ka ahaa Ugaaska
Beesha Ugaas Cumar Ugaas Xersi, dood iyo falan qayn Dheer ka dib Waxaa
lagu maragaacabay Guddiyo kala duwan sida:-
1- Guddiga Sare ee Marjica: oo ka Kooban Ugaaska
Sade Ugaas Cumar Ugaas Xersi, Koox Odayaasha Jifooyinka ah iyo
Xildhibaanada DFKMG Soomaaliyeed ah.
2- Guddiga Garsoorka labada Jifo oo ka kooban 21
xubnood oo laga dhexdoortay Ergada shirka.
3- Laba Gudi oo iyana ay soo kala magacowdeen labada
Jifo ee la wada hadal siinayo.
Guddiga garsoorka ayaa wuxuu ka kala helay labada
Jifo ee la wada hadal siinayo Kalsooni ah , in ay ku qancayaan waxii
guddigu uu soo go'aamiyo ka dib markii uu doodooda dhageysto.
Muddo saddex cisho ah ka dib , ayaa gudigii Garsoorku
31/7/05 Wuxuu soo Saaray Go'aan koodii oo ahaa sidaan soo socota:-
1-In la isku dhigo(amaba la isku tuuro) dilalkii kala
aargoosiga ahaa ee ugu dambeeyey, isla markaasna jifodii hal dheeri
leh loo gudo magteeda.
2- In la dhowro Go'aankii labada Beelood ay ku
gaareen Degmada B/xaawo 2002 dii , kaas oo ahaa in la kala qaato waxii
mag hal dheeri ah waana kuwii ka horeyey dhacdadii B/dhubo.
3-In labada jifo ay mid walba keento hal neef oo(
GEEL -DHADIG )ah oo la yirahdo (Kool) ama Sameen oo ah wax dhaar ah
dhaqan ahaan, oo micnaheedu yahay in la isku aamino, waana la qalaa
labadaas neef, iyada oo jifoba ay biraynayso Jifada kale hasheeda,
meesha tan kalana ay hoggaanka u qabanayso, markaas ka bacdina hilibka
labadaas neef waa la isku dhex daraa, waana la wada cunaa marka uu
bislaado, sidaasaana la isku dhaar sadaa in lagu heshiiyey, cidii
jabisaa axdigaasna ay filato dhibaato xun oo ku habsatada mustaq
balka. Waana arrin dhaqan oo soo jireen ah oo lagu yaqaan , lana sameeyo
marka la heshiisiinayo labo wax ay kala dhex galeen oo xaajo iyo xinjir
kaydoonto ha ahaatee laga daaweynayo.
4- In la isku celiyo waxii hanti ah ee la kala
haysto sida Gaadiidka iwm.
Waxaa ay sheegeen odayaal u kala hadlay labada
jifo in ay aqbaleen, qaateena go'aanka Guddiga Garsoorka Sade, walow
xooga tabasho ah ay soo jeediyeen qaar ka tirsan Jifada Haaruun
Yuusuf, balse sida ay noogu soo warameen dad goob joog ka ah
shirka,Inay gudiga marjicu ka codsadeen xubnaha goaanka guddiga
garsoorka ka cawday , ee ka tirsa jifada Haaruun inay aqbalaan .
guud ahaan waa ay qaateen Go'aanka sida wararku ay nagu soo garayaan.
Waxaa hadal ka soo jeediyey halkaas Wasiirka
HantidaQarankaee DFKMG Soomaaliya Jaalle Mudane Moxamud Sayid Aadan,
isaga oo ugu baaqay labada Jifo iyo guud ahaan beesha Sade in la adkeeyo
Nabadda, isla markasna la isku tanaasulo oo la eego walaalnimada iyo
wada dhaladka, lagana gudbo is qabqabsiga iyo is colaadsiga beesha Sade,
loona soo jeedsado sidii loogu guntan lahaa hawlaha Horumarinta
Gobolka Gedo iyo Waliba kuwa Dawladda F Somaliya.
Hadaba Gabagabadii Shirkaas waxaa Hadallo ka soo
Jeediyey Ugaaska Beesha Sade Ugaas Cumar Ugaas Xersi, isaga oo ka
codsaday labada jifo in ay si kal iyo laab ah u soo dhaweeyaan,una
aqbalaan Go'aanka Guddiga , isla markaasna ay u fuliyaan una
dhameystiraan qodobadaas waxii ka dhiman.Isaga oo ugaasku ugu baaqay
dhammaan ummadda Beesha Sade in iskaa shadaan oo ay walaaloobaan oo
gacmaha is qabsadaan, oo ay soo celiyaan dhaqankii lagu yaqiin , isla
markaasna in nabad lagu dhameeyo waxii khilaaf ah ee ka dhex jira
Beesha Sade iyo Qabilooyinka Kale ee la dagaanka ahba, sida Xaaladda
Colaadda ee ka jirta Degmada Ceelwaaq.
Isaga oo ugu baaqay beesha Garre oo ay xooga
xurfufta Colaadeed ahi ku dhex martay Degaanka Degmada Ceelwaaq,Beesha
Sade, in la isugu yimaado Wada hadal, si looga wada hadlo oo loo soo
afjaro, khilaafka dhex yaal labadaas qoomiyadood ee walaalaha ah, isaga
oo sheegay Ugaasku in aysan marna kala Maarmin labada Beeloodba, ayna
yihiin kuwo soo lahaa xiriir qoto dheer oo wada dhalad iyo mid wax
wada qabsi iyo deegaanba, isla markaasna dad muslim ah, oo isku diin ah
oo isku af ah, oo aan marnaba kala maarmin, aana kala go'i karin.oo
Soomaali ah ay yihiin.
Waxaa intii uu shirku socday ka kala imaanayey
dhammaan Jaaliyadaha Dibadda ku nool ee ka soo jeeda Beesha Sade ,
Baaqyo iyo tala bixinno iyo waliba Taageero ay u soo jeedinayeen
shirka , isla markasna ay ugu baaqayeen labada jifo ee walaalaha ah in
ay soo dhaweeyaan arrimaha Nabadeynta ee laga dhex wado una hoggaan
samaan waxii ka soo baxa ee Go'aan ah.
Habada mar haddii ay guul ku dhammaatay qaybtii
koowaad ee shirka G/haarey, waxaa la filayaa in ay ku xigsato midda
Degmada Ceel waaq, waayo waa arrin muhiimadeeda leh una baahan in si
deg deg ah loo soo afjaro, si loogu gudbo hawlaha Maamul dhisidda
Degmooyinka ee Gobolka Gedo.
Sababta oo ah waxaa loo baahan yahay in haddii la
rabo in la helo Nabad waarta iyo wada noolaasho in la sameeyo Maamul
Degmo iyo Mid Gobolba, si loo helo Kala dambeyn iyo wax qabad bulsho, si
loo soo nooleeyo dhammaan hay'adihii adeegga Bulshada, sida Maamulka
Degmada, H/Hoose, Booliska , Asluubta,Maxkamadda, Biyaha ,Caafimaadka ,Waxbarashada
iyo dhammaan kaabayaasha Dhaqaalaha Degmooyinka iyo Gobolka.
Ugu Dambeyntii Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Shacabka
Soomaaliyeed in ay si geesi nimo leh ugu istaagaan sidii la isugu keeni
lahaa ama la isku afgaran siin lahaa labada kooxood oo ay u kala
degtay Dawladdii lagu soo dhisay Dalka Kenya, isla markaasna laga
foojignaado oo aan la soo dhaweynin in mar labaad dagaal sokeeye uu
dalka dib uga bilowdo.
Gaar ahaan waxaan ugu baaqayaa Beesha Sade in aysan
marna ka qayb qaatan wax abaabul colaadeed ah, ama ciidan aruurin ah,
balse ay gacan ka gaystaan sidii la isku afgan siin lahaa ama looga
daaweyn lahaa khilaafka labada Kooxood, iyada oo beeshu ay gogol u
fidiso labadaas kooxood, isla markaasna ay la kaashato beelaha kale ee
Soomaaliyeed iyo waliba hay'adaha iyo dawladaha caalamka ee dadaalka
ugu jira sidii loo badbaadin lahaa mirihii labada sano lagu soo
tabcayey Dalka Kenya, lana rabay maanta in la goosto oo baahida dawlad
la'aaneed looga baxo. Ilaahay hana garan siiyo wanaagga iyo walaalnimada
aamiin.
Moxamed Sheikh Moxamud (Garyare) U K, London.
dini_89@hotmail.com
Fariinta uu wato qoraalkaan waxay u gaar tahay
qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|