HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal, Tuesday,  August 2,  2005

Dagaalka  Ceelwaaq  nabad  ha lagu Daaweeyo
 

Tan iyo waxii ka dambeeyey  bilowgii  dagaalka Sokeeye 1991dii  inta badan  degaanka Degmada ceel waaq  wuxuu ahaa  mid nabadeed , arrintaas oo ay ka wada shaqeeyeen   dadka waxgaradka ah ee ka  kala tirsan  beelaha  kala ah  SADE iyo GARRE oo ah  runtii laba beelood , oo walaalo ah, kuna soo wada noolaa  degaankaas muddo  aad u fog.

iyada oo  laga joogo  55 sanno wax ka badan markii ugu dambeysay  wax shaqaaqo colaadeed ah oo ka dhex dhacda labadaan beelood, marka laga reebo  arrintaan dagaal ee la oran karo waa mid  ah  nasiib darro oo ayna sababtay  sida loo aanaynayo , amaba  inta badan  waayahaan  ay dhibta  soomalidu  dagaal ahaan ugu bilaabato  mid ah    talo siyaasadeed ee ah  gacan kuhaynta  maamulka degmada.

Waxaan wada ogsoonahay  in degmadu inta badan  xiiliga  burburka ay lahayd  Maamul  ay ku wada dhan yihiin labada beelood, maamulkaas oo si  dhab ah  degmada  gacanta ugu hayey taladeeda, mana aysan jirin wax  dhibaato ah  oo ka dhex jiray dadkaas  walaalaha ah ee ku dhaqan degaanka ceelwaaq.

Sida la ogyahay  beelaha Sade iyo Garre, waxay leeyihiin  Xiriir taariikhiya ee soo jireen ah, iyaga oo ah beelo  daris ahaa muddo dheer, leh xiriir wada dhalasho iyo mid degaan iyo daaqba, oo wadaaga ceel iyo carshinba.

labadan beelood runtii waa kuwo aan marna kala marmin , isku baahan  isla markaasna isaga sokeeya beelaha kale ee  ay dariska yihiin ee Soomaaliyeed, waa jabad wadaag iyo  jadiin wadaag, soomaalidu waxay  ku Maah maahdaa ( OODI  AB  KA DHOW ).

Waxaa si lama filaan ah uga bilowday  Dagaal  Fool xun  runtii oo  keenay  Khasaare Ballaaran  oo Naf iyo Maalba leh,  dagaalkaas oo iska soo daba noqnoqday, kaas oo ay ku nafwaayeen  dad fara badan, isla markaasna ay ku  dhaawacmeen dad kale , halka ay ku bara kaceen  boqolaal  qoys oo ku noolaa degmada ceelwaaq iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo hantidoodii ay ku burburtay  dagaalkaas, isla markaasna ay  dar xumo ku haysato  degaano  ka baxsan  degmada oo ah dhanka Soomaaliya iyo dhanka Kenya.

Qoysaskaas oo ay la soo daristay dhibaato fara badan  oo ay ka mid tahay  GAAJO, Macaluul, biyo la aan , raashin la aan iyo waliba  jirooyin  ayada  oo dad badani  ay gaajo iyo cudurba ugu le anayaan goobahaas, aysanna jirin wax gar gaar binu aadminimo ah oo ay ilaa iyo hadda heleen dadkaas ka bara kacay degmada ceel waaq.

Waxaa jiray  dhawr jeer oo  la isku dayey  in arrinta ceelwaaq lagu xalliyo  wada hadal balse  waa ay suuroobi wayday oo laguma guulaysan , iyada oo isku daygii ugu dambeeyey uu ahaa kii ka dhacay degmada Doolow adoow, arrintaas oo ay qaban qaabisay  dawladda Itoobiya  Saraakiil ka tirsan ayna ku wada hadashiiyeen   Siyaasiyiin iyo odayaal  ka soo jeeda laba beelood ee SADE iyo GARRE oo  xurguftu ay ka dhaxeyso, balse waa la isku mari waayey wada hadalkaas oo wax  nuxur ahi nasiib darro kama soo baxin.

Markaas ka dib waxaa dhacday  in ay weerar  qaadeen Malaysiyada Beesha SADE oo horay looga Saaray Degmada kuna sugnaa goobo  aan ka dheerayn  degmada Ceelwaaq, isla markaasna dagaal  kharaar dabadiis  ay gacanta ku dhigeen  ka talinta  degmada.

Waxaa baryahaan  ka dhex socday wada hadallo nabadeed  qaar ka tirsan  siyaasiyiinta iyo odayaasha iyo aqoonyahanada laba beelood  ee Sade iyo Garre kuwaas oo ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba, iyaga  oo  yeeshay wada hadallo  toos ah iyo kuwo la iskula xariiray khadadka telefoonka, dhammaana looga wada hadlayey sidii  xiisadda colaadeed ee ka jirta  deegaanka ceelwaaq loogu dhameyn lahaa  wadahadal iyo dib u heshiisiin  labadaas  beelood ee dariska ah.

Arrintaan  waxaa hormood u ah  Wasiirka  Dib u dhiska iyo  Dib u dajinta ee DFKMG Soomaliya  Korneel Barre Aadan Shire, isaga oo hadda  booqasho la xariirta arrintas ku jooga  degaanka  Degmada Ceel waaq, isaga oo ugu baaqay labada beelood in ay joojiyaan  dagaalkaas foosha xun , isla markaasna ay  soo wada fariistaan  gogosha nabadda iyo wada hadalka, iyada ay ka aqbaleen  waxgaradka labada  beeloodba.

Waxaa kaloo uu  ku taliyey in ay dib uga baxaan  degmada  Dhammaan  maleysiyadii beesha SADE ee dhawaan qabsatay Magaalada, aysanna soo galin  malysiyadii laga saaray ee beesha Garre, isla markaasna  gogosha wada hadalka la dhigo degmada  Ceelwaaq dhexdeeda.

Runtii arrintaasi waa mid aad iyo aad yididiilo u leh, una  muuqata ilaa hadda mid haddii alle idmo ku socota sidii loogu balamay, waxaana la filayaa in ay maalmaha soo socda  ay ku soo xaadiraan dhammaan  wax garadkii ka koobnaa   Siyaasiyiinta, Odayaasha , aqoonyahanada iyo saraakiisha labada beelood oo ku balan sanaa shirkaan.

Ayada oo meelaha horay la isugu arkay shirarka ay  ka mid tahay Magaaladda  Nayroobi iyo waliba  meelo kale oo  ka tirsan ameerika iyo Yurub, sidoo kale waxaa labada beelood ka soo baxayey  Jaaliyadahooda Dibadda ku dhaqan in ammuurta ceel waaq lagu dhameeyo Wadahadal iyo islaamnimo iyo waliba daacadnimo looga hadlo sida ay waxyihiin.

Waxaa la yaab ah , tan iyo waqtigii uu bilowday  isku dhaca  laba beelood, in  ay durbaan tun bilaabeen  qaar ka mid ah  SHABAKADAHA Wararka , kuwaas oo si munaafaq nimo ah  u buun-buuninaya  oo wajiyo kale u yeelaya  xoogaaga xurgufta ah ee soo dhex martay Labadaas belood ee walaalaha ah ee shaydaanku uu khilaafka soo kala dhex dhigay, iyaga oo shabakadahaasu si  xishood la aan ah oo waliba  alla ka fogaansho ah  wax uga sheegaya  qaabka  iyo  sugnaanshada  wada dagaan ee beelahaas.

iyaga  oo ku xadgudbaya  sharafta saxaafadda iyo waliba aadaabta suxufigaba, isla markaasna  hurinaya  colaad iyo dagaal  ay sii gaarsiinayaan meelo kale ee hadda nabadi ay ka  jirto, iyada oo runtii aanla garanayn waxa ay tahay danta ay ka lee yihiin   hurinta colaadda ay baryahaan  caadaysteen  shabakadahaas wararku.

Sidaas darteed, waxaanu lee nahay  war  iska daaya  daciif nimada iyo  hadaaqa colaadda , waad garanaysaan in soomaaliya 15 sano ku soo jirtay Colaad iyo balaayo, waadna garanaysaan in aysan jirin  qof , jifo ama beel ka gaartay  guul iyo barwaaq, marka waxaan idin leeyahay  faraha kala baxa waxa aad ku dhex jirtaan kolle guul ka gaari maysaane.

Haddaba waxaa muuqata in  Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dajinta  DFKMG Soomaaliya  Korneel Barre aadan shire iyo wafdiga ballaaran oo la socdaaba ay ku dadaalayaan in arrintaas  ay libin kagaaraan , isla markaasna  degmada ceelwaaq ay ku soo celiyaan  xasiloonidii iyo nabdoonaantii  horay loogu yaqiinay , si dadkaas walaalaha ah ee ku wax yeeloobay wax loogu qabto, isla markaasna loogu yeero hay'adaha caalamiga ee gargaarka u fidiya dadka colaadaha ku tabaalooba oo ah kuwa samafalka, si ay gacan u siiyan dadkaas  dhibaateysan, isla markaasna  loogu sameeyo Maamul iyo Ciidan Boolis ah oo ka shaqeeya Nabad gelyada Degmada iyo Deegankeeda.

Arrintaani runtii waxay wax ka taraysaa  shirka  ka socta  Degmada G/haarey ee lagu heshiisiinayo laba jifo ee reer sade ee horay xur guftu u dhex martay.

sidoo kale wafdigaan ka yimi kismaayo wuxuu xoojinayaa  mas'uuliyiintii horay u joogtay Gobolka Gedo, kuwaas oo isugu jira Wasiiro, wasiiro ku xigeenno, xildhibaano , siyaasiyiin, aqoon yahanno iyo odayaal  dhaqameedyo, iyada oo la filayo marka la isugu tago degmada g/haarey  oo la dhameeyo  wajiga hore  oo hadda  socda oo ah nabadeynta laba jifo . in shir ballaaran ka dhici doono , shirkaas oo la filayo in looga hadlo arrimo badan oo la xariira, danta  ummadda ku dhaqan gobolka gedo iyo waliba midda caamka ah ee Ummadda Soomaaliyeed, iyo  waxa kaga aadan  beesha Sade.iyo waliba sidii Maamul loogu sameyn lahaa  Gobolka Gedo, arrintaas oo ah runtii mid muhimadeedda leh.

Waxaa baryahaan jiray Baaqyo  lagu taageerayo  shirka  nabadeynta Beesha Sade ee hadda ka socta  Degmada G/haarey, baaqyadaas oo  ay kasoo kala saareen  Dadka ka  tirsan Jaaliyadaha Dibadda ee Beesha Sade ee ku nool  Dalka  U.Kingdom ,  Holand,Norwey, Canada,america iyo meelo kaleba, iyaga oo  shirka ugu baaqay in si nabad ah lagu xalliyo arrinta Ceelwaaq, isla markaasna  ummadda sade meel ay joogaanba  uga digay in ay lug ku yeeshaan  xiisadda colaadeed iyo ciidan urursi  ee ka jirta  meelaha qaarkood, sidoo kale waxay qaarkood u soo jeediyeen in bal dib loo jaleeco qaabka  degaanka  gobolka iyo  hab dhismaha  degmooyinka iyadoo  loo baahan yahay in qiimayn lagu sameeyo  degaanada qaar ka mid  oo  hadda leh  tiro iyo tayo  ay ku heli karaan in ay noqdaan degmo, marka loo eego xadiga kororka  dadka iyo degaankaba, iyaga oo horumar ka sameeyey , dhinacyada , waxbarashada , caafimadka,biyaha, iyo waliba ganacsiga iyo dhismahaba.

Isku soo wada duuboo waxaan lee yahay akhristoow ama dhageystoow dagaalka ceelwaaq  nabad ha lagu daaweeyo, aamiin  ilahow noo aqbal

Moxamed Sheikh Moxamud (Garyare)  U  K,   London.
dini_89@hotmail.com
 


Fariinta uu wato qoraalkaan waxay u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.


 


allgedo@allgedo.com

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com