|
Allgedo!
Maqaal, Tuesday, August 2, 2005 |
Dagaalka Ceelwaaq nabad ha lagu Daaweeyo
Tan iyo waxii ka dambeeyey bilowgii
dagaalka Sokeeye 1991dii inta badan degaanka Degmada ceel waaq wuxuu
ahaa mid nabadeed , arrintaas oo ay ka wada shaqeeyeen dadka
waxgaradka ah ee ka kala tirsan beelaha kala ah SADE iyo GARRE oo
ah runtii laba beelood , oo walaalo ah, kuna soo wada noolaa
degaankaas muddo aad u fog.
iyada oo laga joogo 55 sanno wax ka
badan markii ugu dambeysay wax shaqaaqo colaadeed ah oo ka dhex dhacda
labadaan beelood, marka laga reebo arrintaan dagaal ee la oran karo waa
mid ah nasiib darro oo ayna sababtay sida loo aanaynayo , amaba inta
badan waayahaan ay dhibta soomalidu dagaal ahaan ugu bilaabato mid
ah talo siyaasadeed ee ah gacan kuhaynta maamulka degmada.
Waxaan wada ogsoonahay in degmadu
inta badan xiiliga burburka ay lahayd Maamul ay ku wada dhan yihiin
labada beelood, maamulkaas oo si dhab ah degmada gacanta ugu hayey
taladeeda, mana aysan jirin wax dhibaato ah oo ka dhex jiray dadkaas
walaalaha ah ee ku dhaqan degaanka ceelwaaq.
Sida la ogyahay beelaha Sade iyo
Garre, waxay leeyihiin Xiriir taariikhiya ee soo jireen ah, iyaga oo ah
beelo daris ahaa muddo dheer, leh xiriir wada dhalasho iyo mid degaan
iyo daaqba, oo wadaaga ceel iyo carshinba.
labadan beelood runtii waa kuwo aan
marna kala marmin , isku baahan isla markaasna isaga sokeeya beelaha
kale ee ay dariska yihiin ee Soomaaliyeed, waa jabad wadaag iyo jadiin
wadaag, soomaalidu waxay ku Maah maahdaa ( OODI AB KA DHOW ).
Waxaa si lama filaan ah uga bilowday
Dagaal Fool xun runtii oo keenay Khasaare Ballaaran oo Naf iyo
Maalba leh, dagaalkaas oo iska soo daba noqnoqday, kaas oo ay ku
nafwaayeen dad fara badan, isla markaasna ay ku dhaawacmeen dad kale ,
halka ay ku bara kaceen boqolaal qoys oo ku noolaa degmada ceelwaaq
iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo hantidoodii ay ku burburtay dagaalkaas,
isla markaasna ay dar xumo ku haysato degaano ka baxsan degmada oo
ah dhanka Soomaaliya iyo dhanka Kenya.
Qoysaskaas oo ay la soo daristay
dhibaato fara badan oo ay ka mid tahay GAAJO, Macaluul, biyo la aan ,
raashin la aan iyo waliba jirooyin ayada oo dad badani ay gaajo iyo
cudurba ugu le anayaan goobahaas, aysanna jirin wax gar gaar binu
aadminimo ah oo ay ilaa iyo hadda heleen dadkaas ka bara kacay degmada
ceel waaq.
Waxaa jiray dhawr jeer oo la isku
dayey in arrinta ceelwaaq lagu xalliyo wada hadal balse waa ay
suuroobi wayday oo laguma guulaysan , iyada oo isku daygii ugu dambeeyey
uu ahaa kii ka dhacay degmada Doolow adoow, arrintaas oo ay qaban
qaabisay dawladda Itoobiya Saraakiil ka tirsan ayna ku wada
hadashiiyeen Siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda laba beelood ee
SADE iyo GARRE oo xurguftu ay ka dhaxeyso, balse waa la isku mari
waayey wada hadalkaas oo wax nuxur ahi nasiib darro kama soo baxin.
Markaas ka dib waxaa dhacday in ay
weerar qaadeen Malaysiyada Beesha SADE oo horay looga Saaray Degmada
kuna sugnaa goobo aan ka dheerayn degmada Ceelwaaq, isla markaasna
dagaal kharaar dabadiis ay gacanta ku dhigeen ka talinta degmada.
Waxaa baryahaan ka dhex socday wada
hadallo nabadeed qaar ka tirsan siyaasiyiinta iyo odayaasha iyo
aqoonyahanada laba beelood ee Sade iyo Garre kuwaas oo ku kala sugan
dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba, iyaga oo yeeshay wada hadallo toos
ah iyo kuwo la iskula xariiray khadadka telefoonka, dhammaana looga wada
hadlayey sidii xiisadda colaadeed ee ka jirta deegaanka ceelwaaq loogu
dhameyn lahaa wadahadal iyo dib u heshiisiin labadaas beelood ee
dariska ah.
Arrintaan waxaa hormood u ah
Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dajinta ee DFKMG Soomaliya Korneel
Barre Aadan Shire, isaga oo hadda booqasho la xariirta arrintas ku
jooga degaanka Degmada Ceel waaq, isaga oo ugu baaqay labada beelood
in ay joojiyaan dagaalkaas foosha xun , isla markaasna ay soo wada
fariistaan gogosha nabadda iyo wada hadalka, iyada ay ka aqbaleen
waxgaradka labada beeloodba.
Waxaa kaloo uu ku taliyey in ay dib
uga baxaan degmada Dhammaan maleysiyadii beesha SADE ee dhawaan
qabsatay Magaalada, aysanna soo galin malysiyadii laga saaray ee beesha
Garre, isla markaasna gogosha wada hadalka la dhigo degmada Ceelwaaq
dhexdeeda.
Runtii arrintaasi waa mid aad iyo aad
yididiilo u leh, una muuqata ilaa hadda mid haddii alle idmo ku socota
sidii loogu balamay, waxaana la filayaa in ay maalmaha soo socda ay ku
soo xaadiraan dhammaan wax garadkii ka koobnaa Siyaasiyiinta,
Odayaasha , aqoonyahanada iyo saraakiisha labada beelood oo ku balan
sanaa shirkaan.
Ayada oo meelaha horay la isugu arkay
shirarka ay ka mid tahay Magaaladda Nayroobi iyo waliba meelo kale oo
ka tirsan ameerika iyo Yurub, sidoo kale waxaa labada beelood ka soo
baxayey Jaaliyadahooda Dibadda ku dhaqan in ammuurta ceel waaq lagu
dhameeyo Wadahadal iyo islaamnimo iyo waliba daacadnimo looga hadlo sida
ay waxyihiin.
Waxaa la yaab ah , tan iyo waqtigii uu
bilowday isku dhaca laba beelood, in ay durbaan tun bilaabeen qaar
ka mid ah SHABAKADAHA Wararka , kuwaas oo si munaafaq nimo ah u
buun-buuninaya oo wajiyo kale u yeelaya xoogaaga xurgufta ah ee soo
dhex martay Labadaas belood ee walaalaha ah ee shaydaanku uu khilaafka
soo kala dhex dhigay, iyaga oo shabakadahaasu si xishood la aan ah oo
waliba alla ka fogaansho ah wax uga sheegaya qaabka iyo
sugnaanshada wada dagaan ee beelahaas.
iyaga oo ku xadgudbaya sharafta
saxaafadda iyo waliba aadaabta suxufigaba, isla markaasna hurinaya
colaad iyo dagaal ay sii gaarsiinayaan meelo kale ee hadda nabadi ay
ka jirto, iyada oo runtii aanla garanayn waxa ay tahay danta ay ka lee
yihiin hurinta colaadda ay baryahaan caadaysteen shabakadahaas
wararku.
Sidaas darteed, waxaanu lee nahay
war iska daaya daciif nimada iyo hadaaqa colaadda , waad garanaysaan
in soomaaliya 15 sano ku soo jirtay Colaad iyo balaayo, waadna
garanaysaan in aysan jirin qof , jifo ama beel ka gaartay guul iyo
barwaaq, marka waxaan idin leeyahay faraha kala baxa waxa aad ku dhex
jirtaan kolle guul ka gaari maysaane.
Haddaba waxaa muuqata in Wasiirka Dib
u dhiska iyo dib u dajinta DFKMG Soomaaliya Korneel Barre aadan shire
iyo wafdiga ballaaran oo la socdaaba ay ku dadaalayaan in arrintaas ay
libin kagaaraan , isla markaasna degmada ceelwaaq ay ku soo celiyaan
xasiloonidii iyo nabdoonaantii horay loogu yaqiinay , si dadkaas
walaalaha ah ee ku wax yeeloobay wax loogu qabto, isla markaasna loogu
yeero hay'adaha caalamiga ee gargaarka u fidiya dadka colaadaha ku
tabaalooba oo ah kuwa samafalka, si ay gacan u siiyan dadkaas
dhibaateysan, isla markaasna loogu sameeyo Maamul iyo Ciidan Boolis ah
oo ka shaqeeya Nabad gelyada Degmada iyo Deegankeeda.
Arrintaani runtii waxay wax ka
taraysaa shirka ka socta Degmada G/haarey ee lagu heshiisiinayo laba
jifo ee reer sade ee horay xur guftu u dhex martay.
sidoo kale wafdigaan ka yimi kismaayo
wuxuu xoojinayaa mas'uuliyiintii horay u joogtay Gobolka Gedo, kuwaas
oo isugu jira Wasiiro, wasiiro ku xigeenno, xildhibaano , siyaasiyiin,
aqoon yahanno iyo odayaal dhaqameedyo, iyada oo la filayo marka la
isugu tago degmada g/haarey oo la dhameeyo wajiga hore oo hadda
socda oo ah nabadeynta laba jifo . in shir ballaaran ka dhici doono ,
shirkaas oo la filayo in looga hadlo arrimo badan oo la xariira, danta
ummadda ku dhaqan gobolka gedo iyo waliba midda caamka ah ee Ummadda
Soomaaliyeed, iyo waxa kaga aadan beesha Sade.iyo waliba sidii Maamul
loogu sameyn lahaa Gobolka Gedo, arrintaas oo ah runtii mid
muhimadeedda leh.
Waxaa baryahaan jiray Baaqyo lagu
taageerayo shirka nabadeynta Beesha Sade ee hadda ka socta Degmada G/haarey,
baaqyadaas oo ay kasoo kala saareen Dadka ka tirsan Jaaliyadaha
Dibadda ee Beesha Sade ee ku nool Dalka U.Kingdom , Holand,Norwey,
Canada,america iyo meelo kaleba, iyaga oo shirka ugu baaqay in si nabad
ah lagu xalliyo arrinta Ceelwaaq, isla markaasna ummadda sade meel ay
joogaanba uga digay in ay lug ku yeeshaan xiisadda colaadeed iyo
ciidan urursi ee ka jirta meelaha qaarkood, sidoo kale waxay qaarkood
u soo jeediyeen in bal dib loo jaleeco qaabka degaanka gobolka iyo
hab dhismaha degmooyinka iyadoo loo baahan yahay in qiimayn lagu
sameeyo degaanada qaar ka mid oo hadda leh tiro iyo tayo ay ku heli
karaan in ay noqdaan degmo, marka loo eego xadiga kororka dadka iyo
degaankaba, iyaga oo horumar ka sameeyey , dhinacyada , waxbarashada ,
caafimadka,biyaha, iyo waliba ganacsiga iyo dhismahaba.
Isku soo wada duuboo waxaan lee yahay akhristoow ama
dhageystoow dagaalka ceelwaaq nabad ha lagu daaweeyo, aamiin ilahow
noo aqbal
Moxamed Sheikh Moxamud (Garyare) U K, London.
dini_89@hotmail.com
Fariinta uu wato qoraalkaan waxay u gaar tahay
qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|