HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo

A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  News,  Sunday,  June 19,  2005

 

FAALO:

Dhexdhexaadinta Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax, ma soo afjari kartaa khilaafka  ka dhexjira Dawladda FKMGS?
 

By Moxamed Shiikh Moxamuud (Garyare), UK.
dini_89@hotmail.com
 

 

Sida aan  la wada socono, waxaa maalmahaan  ku sugan  Magaaladda Sanca ee dalka Yeman  Madaxweynaha DF Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf iyo Afhayeenka Golaha Baarlamaanka DF Soomaaliya Mudane Shariif Xasan, kuwaas oo ka helay Martiqaad  rasmi ah oo uu  u  fidiyey  Madaweynaha  Dalka Yeman  Mudane Cali Cabdalla Saalax, ayadoo ay ujeedadu tahay inuu dhexdhexaadin ka galo khilaafka  ka dhex jira  laba gole ee Dawladda Soomaaliyeed, khilafkaas oo keenay in la isku afgaran waayo labada qodob ee kala ah.

1-Ciidamada Safka Hore  in ay ka mid noqdaan Ciidamada dalka i maanaya
2- Meeshii ay dawladdu  shaqada ka bilaabi lahayd marka ay dalka dib ugu noqoto
 

Labadaas  qodob  ayaa noqday  kuwo ay isku afgaran weyday  dawladdu, isla markaasna  dawladdii ka dhigtay labo kooxood oo midiba ay  aragti  u gooniya ka qabto  meel marinta labadaas  qodob, iyada oo koox waliba ay rabto in la raaco tooda, taas oo keentay  in dawladdu ay kala guurto oo qaarba meel dago, iyada oo sida muuqata  ay hadda ku kala sugan tahay  labada  Magaalo ee kala ah Muqdisho iyo Jawhar. 

Dhawr jeer oo hore ayey isku dayeen in ay dhexdhexaadiyaan  wakiiladii dawladihii shirka  gacanta ku hayey  oo ka qayb qaatay meel marinta  shirka lagu dhisay  Dawladda  F .Soomaaliyeed, balse  aan  wax natiija ahi ka soo bixin wada hadaladaas, laga dhexwadey  xubnaha ugu sar sareeya laba gole ee Dawladda, sida Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlamaanka iyo Wasiirka Koowaad, kuwaas oo ah Furaha Khilaafka iyada oo xubnaha kale ay la kala safan yihiin. 

Waxaan la soconaa in dhowr bilood ay Muqdisho ku sugan yihiin xubno ka kala tirsan labada Gole, kuwaas oo sheegay in ay Muqdisho ka wadaan hawlo nabadeyn iyo sidii looga qaadi lahaa Isbaarooyinka aan xadka la hayn ee dhex bilqan  magaalo madaxda dalka Soomaaliya, isla markaasna loo xareyn lahaa Maleysiyaadka  hubeysan ee ku nool Muqdisho. 

Xubnahaasi waxay  ku xareeyeen  labada dugsi ee Laanta buur oo ka tirsan  Gobolka Sh/Hoose iyo Dugsiga Hiilweyne oo isna ka tirsan Gobolka  Sh/dhexe oo labaduba u oogleh Magaala Madaxda Muqdisho, maleysiyo dhan ilaa 1500 oo qof iyo ilaa 100 Gaadiidka teknikada ah oo ay iska leyihiin  Beelaha ay ka soo jeedaan Xubnaha  ku sugan  Muqdisho Qaarkood, iyada oo lagu qiyaaso Tirada Maleysiyaadka Hubaysan  ee ku sugan Muqdisho in ay  gaarayaan  ilaa 20,000 ilaa 30,000 kun, kuwaas oo isugu jira, kuwo ka amar qaata Madax ka tirsan Dawladda, kuwo ka amar qaata  Ganacsato, kuwo ka amar qaata madax beleedyo iyo kuwo aan qofna ka amar qaadan oo iyagu qorigooda Maashada, iyada maleysiyada la xareeyey loo balan qaaday in la siinayo mushaar ah 1,000,000 shilin somali loona bilaabay tababar militari nimo iyo mid dhaqan celineed, iyada oo kharajka ku baxa hayana ay bulshadu iska soo  uruuriso. 

Xubnahaasi waxay  isku dayeen in ay qaadaan Isbaarooyinka , waxayna  qaadeen ilaa 10 isbaaro ku dhawaad, balse  markii dambe waa la soo wada celiyey, ka dib markii la isku afgaran waayey, sababta ay u adagtahay in la qaado  isbaarooyinka ayaa ah kuwo siyasadeed, maadaama uusan khilaafkii dawladdu meesha ka bixin  laga  cabsi qabo inuu isku dhac dib u bilaami karo, maadaama dalkii la igu soo aruuray. 

Kooxda Muqdisho waxaa  hoggaamiye u ah Afhayeenka Baarlamaanka mudane Shariif Xassan, oo isagu  qaba in ay dawladdu  ka  dhigato fariisin Magaala Madaxda Muqdisho , Maadaama sidaas uu qorayo Dastuurku iyo waliba isagoo qaba in aysan ka mid noqonin ciidamada  wadamada Safka Hore  Ciidamada Afrika iyo Carabta ee Dalka Imaanaya. 

Halka ay Madaxweynaha iyo Wasiirka Koowad, ay iyaguna ka qabaan  inay dawladdu ku sii hakato Labada Magaalo ee kala ah Baydhabo iyo Jawhar , isla markaasna ay ka mid noqdaan  ciidamada dalka la keenayo kuwa dawlahada Safka Hore. 

Arrintaas  la isku maan dhaafsan yahay , ayaa ah mid khalkhal ku abuurtay  degaano badan oo ka tirsan dalka, iyada oo ay dagaalo dad badani ay ku dhinteen ay ka kala dhaceen  Gobollada  Bay , Bakool, Gedo, Hiiraan, Galgaduud,Mudug  kuwaas oo loo aanayn karo  khilaafka  Dawladda kuwo salka ku haya, isla markaasna wal wal xoog leh laga qabo in ay kuwo kalena ay dhaci karaan , maadaama  dawladdii ay nayroobi ka soo guurtay, isla markaas dalkii lagu soo noqday. 

18/6/05 waxaa ka soo degay Garoonka  ku yaal Jawhar  Wasiirka Koowaad Prof,Geedi iyo Wafdi ballaaran oo weheliya, kuwaas oo ka kala kooban labada Gole , kuna afkaarta ah Madaxweynaha iyo Raiisal  Wasaaraha,Gobolkaas oo uu ka  arrimiyo Ninka la yiraahdo Moxamed Dheere, oo ay isku fikir ahaayeen Ra'iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha, ayna labadaas  Mas'uul horay u booqdeen gobolkaas, iyaga oo  sheegay inuu ka mid yahay Gobollada ayaga aadka looga taageer sanyahay ayna rabaan inay ku sii hakadaan. 

Balse waxaa dhacday  arrin  xoogaa waji gabax  ku riday  Gudoomiyaha Gobolkaas, taas oo ah markii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu ku soo War geliyey inuu imaanayo  Jawhar, isla markaasna loo sameeyey  Diyaar garoow aad u heer Sareeya uu ka dagay  Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf  Magaalada Jabuuti, isagoo cududaar ku sheegtay  cillad xagga Duuliyaha ah, oo yidhi waqti habeen ah kuma dagi karno Jawhar, oo aan lahayn Garoon  habeenkii lagu dago. 

Wasiirka Koowaad ayaa  isagu qaba fikirka ah in ay dawladdu ka furato Xaafiis Magaalada Muqdisho, xaafiiskaas oo lagu wado mid uu isagu ka hawl gali doono, maadaama isagu uu yahay nin ku dhashay Muqdisho isla marakaasna ay Beeshiisu ku xoog leedahay halkaas, iyada oo lagu wado Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee ay isku fikradda yihiin in ay ku sii sugnaadaan  magaaladda Jawhar, maadaama ay muuqato in ay meesha ka baxday Baydho markii  Kooxda ka talisaa ay diiday  in ay dawladdu fariisin ka dhigato, iyagoo ugu baaqay  in ay dawladdu  degto Muqdishu. 

Haddaba haddii aan dib ugu laabano dhexdhexaadinta  Madaxweyne Cali Cabdalla Saalix,waxaan marka hore eegaynaa xiriirka  ka dhaxeeya dabada dalka iyo labada Ummadoodba, waxaan la soconaa inuu jiro xiriir qoto dheer oo muddo fog soo bilowday oo ka dhexeeya labada  ummadood, kaas oo isugu jira mid dhaqan iyo mid dhaqaalaba, iyo waliba mid  siyaasadeed iyo mid diineedba. 

Waxaa dalka yeman ku nool boqolaal kun qof oo Soomaaliya oo isugu jira kuwo waqti dheer ku sugnaa halkaas iyo kuwo  tagey xillkiga burburka oo Qaxooti ku ah xeeryo ku yaal  dalka yeman. 

Midda kale, Dawladda yeman waxay xiriir la lahayd inta badan Hoggaamiyeyaasha  Soomaaliya oo hadda ka midka noqday Dawladda iyo Barlamaanka  DFSoomaaliya, iyaga oo siyaabo kala duwan  wax  u kala heli jiray.

Sidoo kale waxaan meesha ka marnayn in ay dawladda Yeman ka dhex muuqan jirtay  shirarka  lagu wada hadal siin jiray  Dagaal-oogayaashii Soomaaliya, iyadoo ay yemani u aragto in ay dhib u keeni karto dawlad la'aanta ka jirta dalka Soomaaliya, ayna danaynayso in ay mar un aragto Dawlad  ka dhalata dalka Soomaaliya. 

Waxaa horay u jiray in ay dhawr jeer ciidan ugu yaboohday  Dawladda Yeman Dalka Soomaaliya, si ay uga qayb qaataan  hawlaha  nabadeynta iyo Hub aruurinta, isla markaasna ay ugu baaqday dawladaha kale ee Carbeed in ay  gacan  walaal tinimo u fidiyaan dawladda Soomaaliya ee hadda la yagleelay, lagu taakuleeyo Ciidan iyo Dhaqaalaba, iyada oo yeman ay ugu yaboohday Ciidan iyo Xooggaa dhaqaalaahba Dawladda F Soomaaliya. 

Dawladda yeman ayaa la sheegayaa ayadu  in aysan doonaynin  in dalka la keeno Ciidamada Wadamada Safka Hore, balse ay yimaadaan  kuwa  dawladaha Afrikaanka  kale  ah iyo kuwo carabta, si  ay ummaddu ugu qanaxdo, maadaama walaac laga muujiyey  kowa safka hore. 

Hadaba waxaan si dhib yar wax looga saadaalin karin sida ay meel mar uga noqonayso in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo isagu  Dadaalka ugu jira in ay  Ciidamada wadamada Safka hore ka mid noqdaan kuwa dalka Imaanaya, aana  la kala  soocin dhamaan dalalka  Afrika ee iyagu danaynaya in ay dalka keenaan  Ciidamo ka qayb qaata  gacan siinta Dawladda. 

Waxaa adag  sida looga  samrin karo  Madaxweyne Cabdullaahi iyo Ra'iisal Wasaare Geedi  in laga talo baxo  Arrintaas oo ay ka tana sulaan, sidoo kale waxaa  iyana  dadaal badan u baahnaanaysa, sidii loogu qancin lahaa  madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf inuu si toos ah  uu Muqdishu uga dago iyada oo uusan ku sii hakanin  Goobaha uu horay u cayimtay. 

Dhanka kale, Afhayeenka Golaha Barlamaanka Mudane Shariif Xasan  ayaa isaga laftiisa  aysan sahal ku ahayn inuu ka tanasulo  labaas qodob , maadaama  ragga xoogga ku leh inta Badan Gobollada Koonfurta  Soomaaliya  ay ka soo horjeedaan  labadaas qodob ,  ayada oo ay dhici karto inuu khilaafku sii ballaaran karo. 

In kasta oo wax kaste ay ku xiran yihiin  Qadarka eebbe, ayaa arrintaani waxay u baahan doontaa  wada hadal dheer iyo kala furfur badan oo u baahan dhaqaale, marka haddii ay dawladaha carbeed ee Qaniga ahi  ay gacan ku siinayaan  Maxaweynaha Cali Cabdalla  Salax dhex-dhexaadinta uu ku jiro waa laga yaabaa inuu xal ka gaaro soo af jaridda  Khilaafkaas.

Ilaahaybaa yaqaan waxa dhabta ah iyo halka ay arrini ku danbeyn doonto.

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com