|
Allgedo!
News, Sunday, June 19, 2005 |
FAALO:
Dhexdhexaadinta Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax, ma soo afjari
kartaa khilaafka ka dhexjira Dawladda FKMGS?
By Moxamed Shiikh Moxamuud (Garyare), UK.
dini_89@hotmail.com
Sida aan la wada socono, waxaa
maalmahaan ku sugan Magaaladda Sanca ee dalka Yeman Madaxweynaha DF
Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf iyo Afhayeenka Golaha Baarlamaanka DF
Soomaaliya Mudane Shariif Xasan, kuwaas oo ka helay Martiqaad rasmi
ah oo uu u fidiyey Madaweynaha Dalka Yeman Mudane Cali Cabdalla
Saalax, ayadoo ay ujeedadu tahay inuu dhexdhexaadin ka galo
khilaafka ka dhex jira laba gole ee Dawladda Soomaaliyeed,
khilafkaas oo keenay in la isku afgaran waayo labada qodob ee kala
ah.
1-Ciidamada Safka Hore in ay ka
mid noqdaan Ciidamada dalka i maanaya
2- Meeshii ay dawladdu shaqada ka bilaabi lahayd marka ay dalka dib
ugu noqoto
Labadaas qodob ayaa noqday kuwo
ay isku afgaran weyday dawladdu, isla markaasna dawladdii ka
dhigtay labo kooxood oo midiba ay aragti u gooniya ka qabto meel
marinta labadaas qodob, iyada oo koox waliba ay rabto in la raaco
tooda, taas oo keentay in dawladdu ay kala guurto oo qaarba meel
dago, iyada oo sida muuqata ay hadda ku kala sugan tahay labada
Magaalo ee kala ah Muqdisho iyo Jawhar.
Dhawr jeer oo hore ayey isku
dayeen in ay dhexdhexaadiyaan wakiiladii dawladihii shirka gacanta
ku hayey oo ka qayb qaatay meel marinta shirka lagu dhisay
Dawladda F .Soomaaliyeed, balse aan wax natiija ahi ka soo bixin
wada hadaladaas, laga dhexwadey xubnaha ugu sar sareeya laba gole
ee Dawladda, sida Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlamaanka iyo Wasiirka
Koowaad, kuwaas oo ah Furaha Khilaafka iyada oo xubnaha kale ay la
kala safan yihiin.
Waxaan la soconaa in dhowr bilood
ay Muqdisho ku sugan yihiin xubno ka kala tirsan labada Gole, kuwaas
oo sheegay in ay Muqdisho ka wadaan hawlo nabadeyn iyo sidii looga
qaadi lahaa Isbaarooyinka aan xadka la hayn ee dhex bilqan magaalo
madaxda dalka Soomaaliya, isla markaasna loo xareyn lahaa
Maleysiyaadka hubeysan ee ku nool Muqdisho.
Xubnahaasi waxay ku xareeyeen
labada dugsi ee Laanta buur oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose iyo
Dugsiga Hiilweyne oo isna ka tirsan Gobolka Sh/dhexe oo labaduba u
oogleh Magaala Madaxda Muqdisho, maleysiyo dhan ilaa 1500 oo qof iyo
ilaa 100 Gaadiidka teknikada ah oo ay iska leyihiin Beelaha ay ka
soo jeedaan Xubnaha ku sugan Muqdisho Qaarkood, iyada oo lagu
qiyaaso Tirada Maleysiyaadka Hubaysan ee ku sugan Muqdisho in ay
gaarayaan ilaa 20,000 ilaa 30,000 kun, kuwaas oo isugu jira, kuwo
ka amar qaata Madax ka tirsan Dawladda, kuwo ka amar qaata
Ganacsato, kuwo ka amar qaata madax beleedyo iyo kuwo aan qofna ka
amar qaadan oo iyagu qorigooda Maashada, iyada maleysiyada la
xareeyey loo balan qaaday in la siinayo mushaar ah 1,000,000 shilin
somali loona bilaabay tababar militari nimo iyo mid dhaqan celineed,
iyada oo kharajka ku baxa hayana ay bulshadu iska soo uruuriso.
Xubnahaasi waxay isku dayeen in
ay qaadaan Isbaarooyinka , waxayna qaadeen ilaa 10 isbaaro ku
dhawaad, balse markii dambe waa la soo wada celiyey, ka dib markii
la isku afgaran waayey, sababta ay u adagtahay in la qaado
isbaarooyinka ayaa ah kuwo siyasadeed, maadaama uusan khilaafkii
dawladdu meesha ka bixin laga cabsi qabo inuu isku dhac dib u
bilaami karo, maadaama dalkii la igu soo aruuray.
Kooxda Muqdisho waxaa hoggaamiye
u ah Afhayeenka Baarlamaanka mudane Shariif Xassan, oo isagu qaba
in ay dawladdu ka dhigato fariisin Magaala Madaxda Muqdisho ,
Maadaama sidaas uu qorayo Dastuurku iyo waliba isagoo qaba in aysan
ka mid noqonin ciidamada wadamada Safka Hore Ciidamada Afrika iyo
Carabta ee Dalka Imaanaya.
Halka ay Madaxweynaha iyo Wasiirka
Koowad, ay iyaguna ka qabaan inay dawladdu ku sii hakato Labada
Magaalo ee kala ah Baydhabo iyo Jawhar , isla markaasna ay ka mid
noqdaan ciidamada dalka la keenayo kuwa dawlahada Safka Hore.
Arrintaas la isku maan dhaafsan
yahay , ayaa ah mid khalkhal ku abuurtay degaano badan oo ka tirsan
dalka, iyada oo ay dagaalo dad badani ay ku dhinteen ay ka kala
dhaceen Gobollada Bay , Bakool, Gedo, Hiiraan, Galgaduud,Mudug
kuwaas oo loo aanayn karo khilaafka Dawladda kuwo salka ku haya,
isla markaasna wal wal xoog leh laga qabo in ay kuwo kalena ay dhaci
karaan , maadaama dawladdii ay nayroobi ka soo guurtay, isla
markaas dalkii lagu soo noqday.
18/6/05 waxaa ka soo degay
Garoonka ku yaal Jawhar Wasiirka Koowaad Prof,Geedi iyo Wafdi
ballaaran oo weheliya, kuwaas oo ka kala kooban labada Gole , kuna
afkaarta ah Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaaraha,Gobolkaas oo uu ka
arrimiyo Ninka la yiraahdo Moxamed Dheere, oo ay isku fikir ahaayeen
Ra'iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha, ayna labadaas Mas'uul horay u
booqdeen gobolkaas, iyaga oo sheegay inuu ka mid yahay Gobollada
ayaga aadka looga taageer sanyahay ayna rabaan inay ku sii hakadaan.
Balse waxaa dhacday arrin xoogaa
waji gabax ku riday Gudoomiyaha Gobolkaas, taas oo ah markii
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu ku soo War geliyey inuu imaanayo
Jawhar, isla markaasna loo sameeyey Diyaar garoow aad u heer
Sareeya uu ka dagay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Magaalada
Jabuuti, isagoo cududaar ku sheegtay cillad xagga Duuliyaha ah, oo
yidhi waqti habeen ah kuma dagi karno Jawhar, oo aan lahayn Garoon
habeenkii lagu dago.
Wasiirka Koowaad ayaa isagu qaba
fikirka ah in ay dawladdu ka furato Xaafiis Magaalada Muqdisho,
xaafiiskaas oo lagu wado mid uu isagu ka hawl gali doono, maadaama
isagu uu yahay nin ku dhashay Muqdisho isla marakaasna ay Beeshiisu
ku xoog leedahay halkaas, iyada oo lagu wado Madaxweynaha iyo
xubnaha kale ee ay isku fikradda yihiin in ay ku sii sugnaadaan
magaaladda Jawhar, maadaama ay muuqato in ay meesha ka baxday Baydho
markii Kooxda ka talisaa ay diiday in ay dawladdu fariisin ka
dhigato, iyagoo ugu baaqay in ay dawladdu degto Muqdishu.
Haddaba haddii aan dib ugu laabano
dhexdhexaadinta Madaxweyne Cali Cabdalla Saalix,waxaan marka hore
eegaynaa xiriirka ka dhaxeeya dabada dalka iyo labada Ummadoodba,
waxaan la soconaa inuu jiro xiriir qoto dheer oo muddo fog soo
bilowday oo ka dhexeeya labada ummadood, kaas oo isugu jira mid
dhaqan iyo mid dhaqaalaba, iyo waliba mid siyaasadeed iyo mid
diineedba.
Waxaa dalka yeman ku nool boqolaal
kun qof oo Soomaaliya oo isugu jira kuwo waqti dheer ku sugnaa
halkaas iyo kuwo tagey xillkiga burburka oo Qaxooti ku ah xeeryo ku
yaal dalka yeman.
Midda kale, Dawladda yeman waxay
xiriir la lahayd inta badan Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo hadda ka
midka noqday Dawladda iyo Barlamaanka DFSoomaaliya, iyaga oo
siyaabo kala duwan wax u kala heli jiray.
Sidoo kale waxaan meesha ka
marnayn in ay dawladda Yeman ka dhex muuqan jirtay shirarka lagu
wada hadal siin jiray Dagaal-oogayaashii Soomaaliya, iyadoo ay
yemani u aragto in ay dhib u keeni karto dawlad la'aanta ka jirta
dalka Soomaaliya, ayna danaynayso in ay mar un aragto Dawlad ka
dhalata dalka Soomaaliya.
Waxaa horay u jiray in ay dhawr
jeer ciidan ugu yaboohday Dawladda Yeman Dalka Soomaaliya, si ay
uga qayb qaataan hawlaha nabadeynta iyo Hub aruurinta, isla
markaasna ay ugu baaqday dawladaha kale ee Carbeed in ay gacan
walaal tinimo u fidiyaan dawladda Soomaaliya ee hadda la yagleelay,
lagu taakuleeyo Ciidan iyo Dhaqaalaba, iyada oo yeman ay ugu
yaboohday Ciidan iyo Xooggaa dhaqaalaahba Dawladda F Soomaaliya.
Dawladda yeman ayaa la sheegayaa
ayadu in aysan doonaynin in dalka la keeno Ciidamada Wadamada
Safka Hore, balse ay yimaadaan kuwa dawladaha Afrikaanka kale ah
iyo kuwo carabta, si ay ummaddu ugu qanaxdo, maadaama walaac laga
muujiyey kowa safka hore.
Hadaba waxaan si dhib yar wax
looga saadaalin karin sida ay meel mar uga noqonayso in Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf oo isagu Dadaalka ugu jira in ay Ciidamada
wadamada Safka hore ka mid noqdaan kuwa dalka Imaanaya, aana la
kala soocin dhamaan dalalka Afrika ee iyagu danaynaya in ay dalka
keenaan Ciidamo ka qayb qaata gacan siinta Dawladda.
Waxaa adag sida looga samrin
karo Madaxweyne Cabdullaahi iyo Ra'iisal Wasaare Geedi in laga
talo baxo Arrintaas oo ay ka tana sulaan, sidoo kale waxaa iyana
dadaal badan u baahnaanaysa, sidii loogu qancin lahaa madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf inuu si toos ah uu Muqdishu uga dago iyada oo
uusan ku sii hakanin Goobaha uu horay u cayimtay.
Dhanka kale, Afhayeenka Golaha
Barlamaanka Mudane Shariif Xasan ayaa isaga laftiisa aysan sahal
ku ahayn inuu ka tanasulo labaas qodob , maadaama ragga xoogga ku
leh inta Badan Gobollada Koonfurta Soomaaliya ay ka soo horjeedaan
labadaas qodob , ayada oo ay dhici karto inuu khilaafku sii
ballaaran karo.
In kasta oo wax kaste ay ku xiran
yihiin Qadarka eebbe, ayaa arrintaani waxay u baahan doontaa wada
hadal dheer iyo kala furfur badan oo u baahan dhaqaale, marka haddii
ay dawladaha carbeed ee Qaniga ahi ay gacan ku siinayaan
Maxaweynaha Cali Cabdalla Salax dhex-dhexaadinta uu ku jiro waa
laga yaabaa inuu xal ka gaaro soo af jaridda Khilaafkaas.
Ilaahaybaa yaqaan waxa dhabta ah iyo halka ay arrini ku danbeyn
doonto.
|