HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Article, Wednesday,  August 3,  2005

MURANKA  LABADA  KOOXOOD YAA  MAREYNTIISA LAGA  SUGAYAA?
 

Waxaa ka soo wareegtay muddo ku dhaw sideed bilood markii la dhisay dawladda Fkmg ee Soomaaliya  ,oo loogu tala galay in ay dalka dib u heeshiisiin ka  sameyso muddo shan sano ah, isla markaasna ay dalka u diyaariso qaabka  federaalka ah, si marka mudadaas ay dhammaato dalku uu ugu hawl galo qaabka Federaalka. 

Dhismaha Dawladdaan waxay  soo qaadatay muddo ku dhow  labo sanad iyo dheeraad, iyada oo dawladaha caalamka uga baxday  Lacag gaaraysa Malaayiin Doolaar, si mar un Soomaaliya dawlad loogu dhiso, si loo dhameeyo dagaalka sokeeye iyo dawlad la'aanta ka soo jirtay muddada 15ka  sano ah. 

Waxaa la dhisay Baarlamaan dhan 275 xubnood oo lagu soo qaybiyey qaab beeleed ah afar iyo bar, oo lagu saleeyey  wax qaybsi qabiil , si muranka loo soo afjaro. 

Waxaa la sameeyey ama la magacaabay Madaxweyne, Raiisal Baarlamaan iyo Raiisal Wasaare iyo Dawlad ka kooban ilaa 100  xubnood  ku dhawaad oo ah Wasiiro, Wasiiro Dawlown iyo Wasiir ku xigeeno, taas oo aan horay u soo marin  dawladihii hore ee dalka ka soo talin jiray, balse lagu micneeyey in ay tahay  tani mid  dib u heshiineed. 

Waxaa Madaxweyne ku meel gaar ah ee shanta sano soo socota loo doortay Korneel Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa loo dhariyey  Madaxweynenimo  10/10/04 kii. 

waxaa isagana noqday Raiisal Baarlamaanka  Mudane Shariif Xasan Shiikh  Aadan   halka  loo  magacaabay isagana  Prof.Geeddi   Wasiirka  Koowaad  ee Golaha Wasiirada DFKMG Soomaaliya. 

Maalintii la caleemo Saaray Madaxweynaha Korneel  Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuu codsi u soo jeediyey  dhammaan dawladihii iyo hay'adihii  calamka ee ka qayb qaatay  suurana geliyey  qabsoomidda shirka  dib u heshiisiinta  DFKMG Soomaaliyeed, isaga oo weydiistay in dawladda loogu deeqo  ciidan dhan 20.000 askari. 

Ciidankaas oo dawladda gacan ka siiya sidii  dib dalka ay ugu noqon lahayd, isla markasna loo sugi lahaa amaankeeda inta ay ka xoogeysanayso, isla markaasna  uu ciidanku gacan ka siiyo dawladda hanaanka hub ka dhigista Maleysiyooyinka Dalka ka jira.isaga oo madaxweynuhu uusan kala saarin ciidanka dalka imaanaya , isagoo codsaday in ay hormood ka noqdaan Dawladaha Safka Hore. 

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey  Madaxweynuhu in dawladdu ku sii hakato magaalooyinka  kala ah   Baydhabo iyo Jawhar, inta  laga  xasilinayo Amaanka Magaala Madaxda Muqdisho. 

Durbaba waxaa arrintaas ama qodabadaas gaashaanka  ku dhuftay  Raiisal  baarlamaanka DF Soomaaliya , isaga oo  sheegay in aysan ka mid moqon karin Dawladaha Safka Hore Ciidamadoodu, ciidanka dalka imaanaya , isaga oo  sababta ku micneeyey  in aysan dhexdhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya, isla markaasna  qaarkood ay colaadi naga dhaxaysay muddo dheer, arrinta Ku hakashada Baydhabo iyo Jawharna , wuxuu ku  mucaaraday in muqdisho ay tahay Caasimadii Dalka  lana tagi karo , isla markaasna lagu shaqeyn karo, aana loo baahnayn in dawladdu ku sii hakato meel kale. 

Waxaa labadii gole  la kala safteen labadaas mas'uul ,  iyada oo loo kala qayb samay labo kooxood oo kala aragti ah, inta badnayd  Raggii Hoggaamiye Maleysiyaadka ahaa  ee ka soo jeeday Muqdisho iyo Nawaaxigeedu waxay ku fikir noqdeen Raiisal Barlamaanka, waxaa kaloo raacay koosda  xubno kale ee ka soo jeeda Gobollada kale. 

Halka intii kalana ay ku rayi noqotay Madaxweynaha iyo  Raiisal Wasaaraha, iyaga oo lagu xagliyo in ay xiriir sokeeye la leeyihiin dawladaha Safka Hore, inkasta oo hoggaamiye kooxeedyada hadda wada ah Wasiirada iyo Xildhibaanadu intooda badani ay waligood inta dawlad la.aanta la ahaaba  ay wadamadaas  xirrir la wada lahaayeen, iyaga oo isku daba mari jiray, siyaabo kala duwan heshiisyo ula yeelan jiray. 

Waxaa soo dhexgalay  dawladii Muran iyo indho faro iska gelin, waxaa bilowday kala faqid iyo isdhaleecayn aan cilmi ku dhisnayn, markii dambana waxaa dagaal la iskala horyimi hoolkii Shirka  Baarlamaanka 17/3/05  halkaas oo wacdaro ay ka dhaceen  shaashada caalamkana soo jiiteen, dhiiguna uu ku qubtay, lama isku adeegsaday, Feer, ul, kursi, haraati iyo waxii qofba heli karo. 

Waxaa durbadiiba Muqdisho u hormo goostay  Xubno badan oo ka soo jeeda Hoggaamiye- maleysiyaadka Muqdisho iyo xubno kale oo ay isku mowqif yihiin, markii dambana waxaa ku biiray Ra'iisal Baarlamaanka Mudane  Shariif Xasan Shiikh Adan. 

Murankii waa uu sii ballaartay, isku dayo badan ayaa la isku dayay inlagu dhex dhexaadiyo labada Kooxood, waxaa ugu dambeeyey kii uu  shirka ugu qabtay Madaxweynaha Dalka YEMEN  Mudane  Cali Cabdulle  Saalax, ayna ka qayb galeen Madaxweye Cabdullahi Yuusuf iyo Mudane Shariif  Xasan, balse wada hadal dheer oo qaatay muddo ku dhaw hal usbuuc ayaa ku dhammaaday  natiijo la'aan, iyada oo markii dambe kooxba iskeed isaga soo safartay, dalkiina lagu soo kala laabtay. 

Kooxda Muqdisho ku sugan ayaa waxay isku dayayeen in  ku afar bilood oo ay ku sugnaayeen Muqdisho in ay wax ka qabtaan, dhibaatada  iyo nabad gelyo xumida ka  jirta muqdisho, iyo waliba  Isbaarooyinka  dhex biliqsan waddo kalste ee ku taal Muqdisho iyo Nawaaxigeeda, Inkasta oo dalka Soomaaliya aanu jirin Gobol ama degmo la oran karo waa ay ka bad qabtaa dhibaatada Isbaarada. 

Isbaarada Waa baada  lagu baado dadweynaha Danyarta ah oo ay dhaqaalaha ka helaan  Maleysiyaadka Hubaysan iyo  Dagaalooga yaasha ka kala taliya Dalka Gobaladiisa, xitaa kuwa sheegayana  Maamul Gobaleedyo waxaa dhex yaal Isbaarooyin laga lagu gurto. 

Runtii Mana jiri karto Gobol ama Degmo lagu xaglin  Isbaarada, waa wax laga dhaxlay Burburkii iyo Dawlad la'aantii dalka ka soo jirtay muddada 15 sano ku dhawaadka. 

Kooxda Muqdisho,waxay isku dayeen in ay Uruuriyaan Maleysiyaadka iyaga u daacadda ah, waxay laba xero kal dhigteen  Hiilweyne iyo Laanta Buur, iyagoo ilaa 1500 qof  isugu geeyey iyo hub ay siteen, halkaas oo lagu siiyo dhaqan celin iyo tababarro military , lana siiyey xoogaa lacag ah ,oo lagu magacaabay Mushaar dhawr bilood dhan, balse tiradaasi waxba kama bedelayso lagama tabin Magaaladda Muqdisho, waayo waxaa wali qoriga la taagan inta xareysan toban jibaarkeed, oo aan cidna amar ka qaadan iyo ku ay u taliyaan qaar ka biyo diidsan hawsha. 

Waxay sidoo kale isku dayeen in ay qaadaan Isbaarooyinka, inkasta oo ay qaadeen qaar ka mid ah, balse taasi kama tarin wax  nafleh dhibaatadii lagu qabay Isbaarada oo waxaa isbadalay goobihii  Isbaaro dhigadka, meelo cusub ayey u guureen Maleysiyaadkii iyagoo hawelahoodii sii wata, taas oo ku keentay niyad jab iyo wareer kooxda Shariifka. 

Madaxweyne Cabdullaahi Markii uu ka soo laabtay  Sanca waxa uu ka soo degay Magaaladda Boosaaso, iyada oo laga filayey  sida wararku ay sheegayeen Magaaladda Jawhar. 

Wuxuu booqasho ku soo maray Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo oo uu in muddo ah Joogay, iyada oo wararka qaarkood ay sheegayeen inuu hub ka soo qaatay Dalka Yeman , isla markaasna uu ciidan ka soo uruursanayey  Degaanka Puntiland oo isagu ka soo jeedo, isla markaasna ka soo ahaa dhawr sano Madaxweyne Goboleed. 

Waxaa uu ugu dambeyntii soogaaray Madaxweyne  Cabdullaahi Yuusuf Magaaladda Jowhar oo hadda u ah meesha uu si ku meel gaar ah ugu sii shaqeynayo, iyada oo ay ugu sii horeeyey  Raiisal Wasaare Geedi iyo Xubno ka kala  tirsan laba Gole oo isaga  ku raaxsan xagga fikirka. 

Waxaa baryaan ka socota Gobollada dalka Qaarkood Ciidan aruurin iyo is abaabul, gar ahaan kuwa aadka looga taagersan yahay  Madaxweyne  Cabdullaahi  iyo Raiisal Wasaare Geedi iyo Xubnaha kalaba. 

Waxaa xiisado hore ay ka jireen Gobollada Bay iyo Bakool oo ay isaga soo horjeedaan  xubnaha labada Gole ee ku abtirsada Goboladdaas, iyada oo dagaallo ay ku  dhexmareen  Gobolladaas degaano ka tirsan, baydhabo oo ah meesha ay rabtay in saldhiiga ay ka dhigato kooxda Cabdullaahi Yuusuf ayaa gacanta ugu jirta  , Nin ka tirsan Kooxda Shariif ee la yiraahdo Xildhibaan Xaabsade, kaas oo gacansaar la leh Ragga ka  taliya Muqdisho,sh,hoose iyo Jubbahoose. 

Waxaa maalnahaan xiisad cusub ay ka jirtaa Gobolka Hiiraan, halkaas oo  kooxda Madaxweyne Cabdullaahi iyo Raiisal Wasaare Geedi ay rabeen in ay dhigtaan saldhigga Wasaaradda Gaashaan dhigga Soomaliyeed, Maadaama ay xad la leedahay Dalka Itoobiya, iyada  oo dadka siyaasadda ka faaloodaa ay ku micnaynayaa in ay u sahla laanayso xiriirka Hoose ay ka filayaan Dalkaas Jaarka ah.

Waxaa isku dhacay sida wararku ay sheegayaa ciidan ka yimi  Dawladda Goboleedka Puntiland iyo Maleysiyaad Reer hiiraan  kuwaas fadhiyey Meesha lagu Magacaabo Ceel Gaal, iyada oo maleysiyada Puntiland ay rabtay inay usoo gudbaan  dhanka Magaalada Jawhar, si ay Ilaalo iyo difaacba ugu noqdaan Madaxweyne Cabdullaahi Yuuusuf, balse waxaa hor istaagay Maleysiyaad daacad u ah rag ay siyaasadda usaga soo horjeedaan. 

Isku dhacaas ka dib , waxaa wararku ay sheegayaan in ciidankii Puntland uu dib ugu noqday FEERFEER oo ka tirsan Kililka shanaad ee ismaamulka Soomaaliya Itoobiya ku dhaqan. 

Arrintaas is-hortaagu waxa ka careysiisay Kooxda Jowhar, iyagoo u arka in ay kooxda Muqdisho ka dambeyso, warar ayaa soo baxaya sheegaya in la rabo in laga weeciyo Saldhiggii  Wasaaradda Gaaashaandhiiga oo markii hore u qorshaysanaa B/weyne , bar haddii ay ka horyimaadeen ciidankii Madaxweynaha. 

Arrintas ayaa ka careysiisay  dadka  ku dhaqan hiiraan qaarkood, iyada oo nin ku hadlay Magaca golaha guurtida Hiiraan  uu sheegay , ka dib markii ay goluhu  seeshay shir  in ay go'aamiyeen , is ay kalsoonidii kala laabteen Dawladda FSoomaaliya,Maadaama laga qaaday ama laga bedelay Saldhig nimadii Wasaaradda Gaashaan dhigga oo gobolku uu ka filayey inuu ka heli doono  dhaqaale iyo horumarinba mustaqbalka. 

Waxaa muuqata in xiisad aad u sareysaa ka jirto wali Golayaasha Dawladda iyo waliba sii kala fogaansho iyadoo la is dhaafsanayo Hadalo iyo weero kul kulul, isanna muuqan wax tanasulaad ah in laga filayo, iyada oo koox walba ay rabto in dhabaheeda lagu soo dhaco oo iyada loo soo noqdo. 

Waxaa maalmaahan Wakiil Koofi anaan ee Soomaaliya isaga oo  Booqasho ku tagay Magaaladda Jawhar, isla markaasna kula shiray Madaxweyne Cabdullaahi iyo RAIISAL WASAARE  geedi,isla markaasna la filayo inuu la kulmo Kooxda Shariifka ee Muqdisho Ku sugan, iyadoo ujeedku yahay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa , isla markaadna meesha looga saari lahaa fikradaha lagu kala dhagan yahay ee ay kala wataan amaba ay isku  diidan yihiin labada Kooxood. 

Isku soo wada duuboo ,ugu dambeynti waxaa kaalintoodi gabay oo meesha ka  maqan waa shacabka Soomaaliyeed oo wali aan  iskuba dayeen in ay  wax badan ka dhahaan ama ay ficillo muujiyan sida banaan baxyo ay ku muujinayaa mowqifkooda, si khilaafka ay u dhameeyaan  labada kooxood, waxaa la ogyahay in amnigii ama nabad gelyadii dalku ay sii xumaanayso, muqdisho waad aragtaan waxa ka dhacaya, gaalkacyo , ceelwaaq, ceel bare, baydhabo iyo waliba degaano kaliba, dil iyo dhac  iyo waliba ugaarsi dadka  aqoonta leh, iyo dadka biro magaydada ah sida caruurta iyo haweenka iyo waayeelka.

Ugu dambeyntii waxaa leeyahay Dadweynoow ,muranka laba Kooxxood  Mareyntiisa Yaa laga sugaa ? Ilaahayoow adigu na caymi , ilaahayoow  wanaagga iyo walaalnimada soomaali nimo natus  aamiin. 
 

Moxamed Shiikh Moxamuud (Garyare)
UK, London
dini_89@hotmail.com



Fariinta uu wato qoraalka sare waxay u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.




allgedo@allgedo.com

 


 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com