|
Allgedo!
Article, Wednesday, August 3, 2005 |
MURANKA LABADA KOOXOOD YAA MAREYNTIISA LAGA
SUGAYAA?
Waxaa ka soo wareegtay muddo ku dhaw sideed
bilood markii la dhisay dawladda Fkmg ee Soomaaliya ,oo loogu tala
galay in ay dalka dib u heeshiisiin ka sameyso muddo shan sano ah,
isla markaasna ay dalka u diyaariso qaabka federaalka ah, si marka
mudadaas ay dhammaato dalku uu ugu hawl galo qaabka Federaalka.
Dhismaha Dawladdaan waxay soo qaadatay muddo ku
dhow labo sanad iyo dheeraad, iyada oo dawladaha caalamka uga
baxday Lacag gaaraysa Malaayiin Doolaar, si mar un Soomaaliya
dawlad loogu dhiso, si loo dhameeyo dagaalka sokeeye iyo dawlad
la'aanta ka soo jirtay muddada 15ka sano ah.
Waxaa la dhisay Baarlamaan dhan 275 xubnood oo
lagu soo qaybiyey qaab beeleed ah afar iyo bar, oo lagu saleeyey
wax qaybsi qabiil , si muranka loo soo afjaro.
Waxaa la sameeyey ama la magacaabay Madaxweyne,
Raiisal Baarlamaan iyo Raiisal Wasaare iyo Dawlad ka kooban ilaa
100 xubnood ku dhawaad oo ah Wasiiro, Wasiiro Dawlown iyo Wasiir
ku xigeeno, taas oo aan horay u soo marin dawladihii hore ee dalka
ka soo talin jiray, balse lagu micneeyey in ay tahay tani mid dib
u heshiineed.
Waxaa Madaxweyne ku meel gaar ah ee shanta sano
soo socota loo doortay Korneel Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa loo
dhariyey Madaxweynenimo 10/10/04 kii.
waxaa isagana noqday Raiisal Baarlamaanka Mudane
Shariif Xasan Shiikh Aadan halka loo magacaabay isagana
Prof.Geeddi Wasiirka Koowaad ee Golaha Wasiirada DFKMG
Soomaaliya.
Maalintii la caleemo Saaray Madaxweynaha Korneel
Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuu codsi u soo jeediyey dhammaan
dawladihii iyo hay'adihii calamka ee ka qayb qaatay suurana
geliyey qabsoomidda shirka dib u heshiisiinta DFKMG Soomaaliyeed,
isaga oo weydiistay in dawladda loogu deeqo ciidan dhan 20.000
askari.
Ciidankaas oo dawladda gacan ka siiya sidii dib
dalka ay ugu noqon lahayd, isla markasna loo sugi lahaa amaankeeda
inta ay ka xoogeysanayso, isla markaasna uu ciidanku gacan ka siiyo
dawladda hanaanka hub ka dhigista Maleysiyooyinka Dalka ka
jira.isaga oo madaxweynuhu uusan kala saarin ciidanka dalka imaanaya
, isagoo codsaday in ay hormood ka noqdaan Dawladaha Safka Hore.
Sidoo kale wuxuu soo jeediyey Madaxweynuhu in
dawladdu ku sii hakato magaalooyinka kala ah Baydhabo iyo Jawhar,
inta laga xasilinayo Amaanka Magaala Madaxda Muqdisho.
Durbaba waxaa arrintaas ama qodabadaas gaashaanka
ku dhuftay Raiisal baarlamaanka DF Soomaaliya , isaga oo sheegay
in aysan ka mid moqon karin Dawladaha Safka Hore Ciidamadoodu,
ciidanka dalka imaanaya , isaga oo sababta ku micneeyey in aysan
dhexdhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya, isla markaasna
qaarkood ay colaadi naga dhaxaysay muddo dheer, arrinta Ku hakashada
Baydhabo iyo Jawharna , wuxuu ku mucaaraday in muqdisho ay tahay
Caasimadii Dalka lana tagi karo , isla markaasna lagu shaqeyn karo,
aana loo baahnayn in dawladdu ku sii hakato meel kale.
Waxaa labadii gole la kala safteen labadaas
mas'uul , iyada oo loo kala qayb samay labo kooxood oo kala aragti
ah, inta badnayd Raggii Hoggaamiye Maleysiyaadka ahaa ee ka soo
jeeday Muqdisho iyo Nawaaxigeedu waxay ku fikir noqdeen Raiisal
Barlamaanka, waxaa kaloo raacay koosda xubno kale ee ka soo jeeda
Gobollada kale.
Halka intii kalana ay ku rayi noqotay
Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaaraha, iyaga oo lagu xagliyo in ay
xiriir sokeeye la leeyihiin dawladaha Safka Hore, inkasta oo
hoggaamiye kooxeedyada hadda wada ah Wasiirada iyo Xildhibaanadu
intooda badani ay waligood inta dawlad la.aanta la ahaaba ay
wadamadaas xirrir la wada lahaayeen, iyaga oo isku daba mari jiray,
siyaabo kala duwan heshiisyo ula yeelan jiray.
Waxaa soo dhexgalay dawladii Muran iyo indho
faro iska gelin, waxaa bilowday kala faqid iyo isdhaleecayn aan
cilmi ku dhisnayn, markii dambana waxaa dagaal la iskala horyimi
hoolkii Shirka Baarlamaanka 17/3/05 halkaas oo wacdaro ay ka
dhaceen shaashada caalamkana soo jiiteen, dhiiguna uu ku qubtay,
lama isku adeegsaday, Feer, ul, kursi, haraati iyo waxii qofba heli
karo.
Waxaa durbadiiba Muqdisho u hormo goostay Xubno
badan oo ka soo jeeda Hoggaamiye- maleysiyaadka Muqdisho iyo xubno
kale oo ay isku mowqif yihiin, markii dambana waxaa ku biiray
Ra'iisal Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Shiikh Adan.
Murankii waa uu sii ballaartay, isku dayo badan
ayaa la isku dayay inlagu dhex dhexaadiyo labada Kooxood, waxaa ugu
dambeeyey kii uu shirka ugu qabtay Madaxweynaha Dalka YEMEN Mudane
Cali Cabdulle Saalax, ayna ka qayb galeen Madaxweye Cabdullahi
Yuusuf iyo Mudane Shariif Xasan, balse wada hadal dheer oo qaatay
muddo ku dhaw hal usbuuc ayaa ku dhammaaday natiijo la'aan, iyada
oo markii dambe kooxba iskeed isaga soo safartay, dalkiina lagu soo
kala laabtay.
Kooxda Muqdisho ku sugan ayaa waxay isku dayayeen
in ku afar bilood oo ay ku sugnaayeen Muqdisho in ay wax ka qabtaan,
dhibaatada iyo nabad gelyo xumida ka jirta muqdisho, iyo waliba
Isbaarooyinka dhex biliqsan waddo kalste ee ku taal Muqdisho iyo
Nawaaxigeeda, Inkasta oo dalka Soomaaliya aanu jirin Gobol ama degmo
la oran karo waa ay ka bad qabtaa dhibaatada Isbaarada.
Isbaarada Waa baada lagu baado dadweynaha
Danyarta ah oo ay dhaqaalaha ka helaan Maleysiyaadka Hubaysan iyo
Dagaalooga yaasha ka kala taliya Dalka Gobaladiisa, xitaa kuwa
sheegayana Maamul Gobaleedyo waxaa dhex yaal Isbaarooyin laga lagu
gurto.
Runtii Mana jiri karto Gobol ama Degmo lagu
xaglin Isbaarada, waa wax laga dhaxlay Burburkii iyo Dawlad
la'aantii dalka ka soo jirtay muddada 15 sano ku dhawaadka.
Kooxda Muqdisho,waxay isku dayeen in ay
Uruuriyaan Maleysiyaadka iyaga u daacadda ah, waxay laba xero kal
dhigteen Hiilweyne iyo Laanta Buur, iyagoo ilaa 1500 qof isugu
geeyey iyo hub ay siteen, halkaas oo lagu siiyo dhaqan celin iyo
tababarro military , lana siiyey xoogaa lacag ah ,oo lagu magacaabay
Mushaar dhawr bilood dhan, balse tiradaasi waxba kama bedelayso
lagama tabin Magaaladda Muqdisho, waayo waxaa wali qoriga la taagan
inta xareysan toban jibaarkeed, oo aan cidna amar ka qaadan iyo ku
ay u taliyaan qaar ka biyo diidsan hawsha.
Waxay sidoo kale isku dayeen in ay qaadaan
Isbaarooyinka, inkasta oo ay qaadeen qaar ka mid ah, balse taasi
kama tarin wax nafleh dhibaatadii lagu qabay Isbaarada oo waxaa
isbadalay goobihii Isbaaro dhigadka, meelo cusub ayey u guureen
Maleysiyaadkii iyagoo hawelahoodii sii wata, taas oo ku keentay
niyad jab iyo wareer kooxda Shariifka.
Madaxweyne Cabdullaahi Markii uu ka soo laabtay
Sanca waxa uu ka soo degay Magaaladda Boosaaso, iyada oo laga
filayey sida wararku ay sheegayeen Magaaladda Jawhar.
Wuxuu booqasho ku soo maray Magaalooyinka Garoowe
iyo Gaalkacyo oo uu in muddo ah Joogay, iyada oo wararka qaarkood ay
sheegayeen inuu hub ka soo qaatay Dalka Yeman , isla markaasna uu
ciidan ka soo uruursanayey Degaanka Puntiland oo isagu ka soo jeedo,
isla markaasna ka soo ahaa dhawr sano Madaxweyne Goboleed.
Waxaa uu ugu dambeyntii soogaaray Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf Magaaladda Jowhar oo hadda u ah meesha uu si ku
meel gaar ah ugu sii shaqeynayo, iyada oo ay ugu sii horeeyey
Raiisal Wasaare Geedi iyo Xubno ka kala tirsan laba Gole oo isaga
ku raaxsan xagga fikirka.
Waxaa baryaan ka socota Gobollada dalka Qaarkood
Ciidan aruurin iyo is abaabul, gar ahaan kuwa aadka looga taagersan
yahay Madaxweyne Cabdullaahi iyo Raiisal Wasaare Geedi iyo
Xubnaha kalaba.
Waxaa xiisado hore ay ka jireen Gobollada Bay iyo
Bakool oo ay isaga soo horjeedaan xubnaha labada Gole ee ku
abtirsada Goboladdaas, iyada oo dagaallo ay ku dhexmareen
Gobolladaas degaano ka tirsan, baydhabo oo ah meesha ay rabtay in
saldhiiga ay ka dhigato kooxda Cabdullaahi Yuusuf ayaa gacanta ugu
jirta , Nin ka tirsan Kooxda Shariif ee la yiraahdo Xildhibaan
Xaabsade, kaas oo gacansaar la leh Ragga ka taliya
Muqdisho,sh,hoose iyo Jubbahoose.
Waxaa maalnahaan xiisad cusub ay ka jirtaa
Gobolka Hiiraan, halkaas oo kooxda Madaxweyne Cabdullaahi iyo
Raiisal Wasaare Geedi ay rabeen in ay dhigtaan saldhigga Wasaaradda
Gaashaan dhigga Soomaliyeed, Maadaama ay xad la leedahay Dalka
Itoobiya, iyada oo dadka siyaasadda ka faaloodaa ay ku micnaynayaa
in ay u sahla laanayso xiriirka Hoose ay ka filayaan Dalkaas Jaarka
ah.
Waxaa isku dhacay sida wararku ay sheegayaa
ciidan ka yimi Dawladda Goboleedka Puntiland iyo Maleysiyaad Reer
hiiraan kuwaas fadhiyey Meesha lagu Magacaabo Ceel Gaal, iyada oo
maleysiyada Puntiland ay rabtay inay usoo gudbaan dhanka Magaalada
Jawhar, si ay Ilaalo iyo difaacba ugu noqdaan Madaxweyne Cabdullaahi
Yuuusuf, balse waxaa hor istaagay Maleysiyaad daacad u ah rag ay
siyaasadda usaga soo horjeedaan.
Isku dhacaas ka dib , waxaa wararku ay sheegayaan
in ciidankii Puntland uu dib ugu noqday FEERFEER oo ka tirsan
Kililka shanaad ee ismaamulka Soomaaliya Itoobiya ku dhaqan.
Arrintaas is-hortaagu waxa ka careysiisay Kooxda
Jowhar, iyagoo u arka in ay kooxda Muqdisho ka dambeyso, warar ayaa
soo baxaya sheegaya in la rabo in laga weeciyo Saldhiggii
Wasaaradda Gaaashaandhiiga oo markii hore u qorshaysanaa B/weyne ,
bar haddii ay ka horyimaadeen ciidankii Madaxweynaha.
Arrintas ayaa ka careysiisay dadka ku dhaqan
hiiraan qaarkood, iyada oo nin ku hadlay Magaca golaha guurtida
Hiiraan uu sheegay , ka dib markii ay goluhu seeshay shir in ay
go'aamiyeen , is ay kalsoonidii kala laabteen Dawladda
FSoomaaliya,Maadaama laga qaaday ama laga bedelay Saldhig nimadii
Wasaaradda Gaashaan dhigga oo gobolku uu ka filayey inuu ka heli
doono dhaqaale iyo horumarinba mustaqbalka.
Waxaa muuqata in xiisad aad u sareysaa ka jirto
wali Golayaasha Dawladda iyo waliba sii kala fogaansho iyadoo la is
dhaafsanayo Hadalo iyo weero kul kulul, isanna muuqan wax tanasulaad
ah in laga filayo, iyada oo koox walba ay rabto in dhabaheeda lagu
soo dhaco oo iyada loo soo noqdo.
Waxaa maalmaahan Wakiil Koofi anaan ee Soomaaliya
isaga oo Booqasho ku tagay Magaaladda Jawhar, isla markaasna kula
shiray Madaxweyne Cabdullaahi iyo RAIISAL WASAARE geedi,isla
markaasna la filayo inuu la kulmo Kooxda Shariifka ee Muqdisho Ku
sugan, iyadoo ujeedku yahay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa , isla
markaadna meesha looga saari lahaa fikradaha lagu kala dhagan yahay
ee ay kala wataan amaba ay isku diidan yihiin labada Kooxood.
Isku soo wada duuboo ,ugu dambeynti waxaa
kaalintoodi gabay oo meesha ka maqan waa shacabka Soomaaliyeed oo
wali aan iskuba dayeen in ay wax badan ka dhahaan ama ay ficillo
muujiyan sida banaan baxyo ay ku muujinayaa mowqifkooda, si
khilaafka ay u dhameeyaan labada kooxood, waxaa la ogyahay in
amnigii ama nabad gelyadii dalku ay sii xumaanayso, muqdisho waad
aragtaan waxa ka dhacaya, gaalkacyo , ceelwaaq, ceel bare, baydhabo
iyo waliba degaano kaliba, dil iyo dhac iyo waliba ugaarsi dadka
aqoonta leh, iyo dadka biro magaydada ah sida caruurta iyo haweenka
iyo waayeelka.
Ugu dambeyntii waxaa leeyahay Dadweynoow ,muranka laba Kooxxood
Mareyntiisa Yaa laga sugaa ? Ilaahayoow adigu na caymi , ilaahayoow
wanaagga iyo walaalnimada soomaali nimo natus aamiin.
|