|
Allgedo!
Maqaal, Saturday, August 6, 2005 |
GADOODKA
CIIDAMADA MAAMUL GOBOLEEDKAPUNTI LAND OO SOO KORDHAYA
Qore: Moxamed Shiikh Moxamuud (Garyare)
London, UK.
dini_89@hotmail.com
Waxii ka dambeeyey Burburtii Dawladda
Soomaliyeed ee Sanadii 1991kii, waxaa dalka ka dadhacay dagaallo
sokeeye oo saamayn ballaaran ku yeeshay nolosha dadka ,duunyada,degaanka
badda iyo berigaba, iyada oo uu burbur ku yimi dhamaan dhaqaalihii
dalka, mid shacab iyo mid dawladeedba.
Waxaa jiray Gobollo inta badan ka badbaaday
burburkaas, marka laga reebo dhacdooyin yar yar oo teel teel ah,
waxaa ka mid ah kuwaad ka badbaaday dhibta xoogeeda gobollada la
isku yirahdo hadda Puntiland.
inkasta oo dhawrkaas dhacdo ay sababeen dhimasho
iyo dhaawac badan iyo waliba burbur dhaqaale, ayaa haddana marka loo
eego waxii ka dhacay dalka intiisa kale ay taasi noqonaysaa caaano
iyo nabad.
Waxaa ugu waaweynaa dhacdooyinkii ka dhacay
gobolladaas kuwii ay ka midka ahaayeen: 1- Dagaalkii wadaadada iyo
Ururkii SSDHF ee 1992gii ku gobolladaas qaarkood. 2- Dagaalkii
SSDHF iyo USC ku dhexmaray Gobolka Mudug. 3- Isku dhacii Korneel
Cabdullaahi iyo Generaal Cadde Muuse ee khilaafka Maamulka dawladda
Goboleedka Puntiland iyo 4-Dagaalka Muranka isku haysashada ah ee
Gobollada Sool iyo Sanaag ee Dhexmaray Labada Dawlad Goboleed ee
Puntiland iyo Soomaali land.
Punti land waxaa waayahaan ka jiray Maamul, in
kastoo maaulkaas oo soo maray muran iyo isqabqabsi fara badan, balse
markii dambe ku intihooday heshiis iyo wada shaqeyn dhex martay
garabyadii iska soo horjeeday.
Waxaa madax ka soo noqday maamulkaas amaba aan
iraahdo Madaxweyne Goboleed,rag badan sida Jeneral:Moxamed
Abshir,Korneel Jaamac Cali Jaamac,waxaa ku xigay.
Korneel Cabdullaahi Yuusuf oo hadda ah
Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya, isaga oo mudo dhawr sano ah soo
hayey xilkaas, ayna gobolladaasi ahaayeen kuwo aad u dagan ,
inkasta oo markii dambe ay bilaabatay xiisadda ladaba Dawlad
goboleed ee Puntiland iyo Soomali land, ayna arrintaasi xoogaa
amaanka goboladaas wax u dhintay.
Waxaa ka dambeeyey oo xilkii Maamulkaas la
wareegay General Cadde Muuse Boqor, ninkaas oo ah generaal ruug
cadaaya oo laga yaqaan Soomaaliya,wuxuu xilka hayaa muddo sanad ku
dhaw, markii xilka loo magacaabay wuxuu ballan qaaday inuu xoojinayo
amaanka iyo kala dambeynta iyo waliba kobcinta dhaqalaha iyo ka
saaridda habaca galay Maamulka Dawladda.
Waxaadse moodaa arrimahaasi in war kale soo
dhaafay, waxaa sii batay amaan daridii, waxaa gobolada ku soo batay
shaqaaqooyinkii iyo iska hor imaadkii, waxaa bilowday dilal ay inta
badan ka dambeeyaan Ciidamada dawlad goboleedku.
Meelaha arrimahaasi ku soo kordheen waxaa ugu
badan Gobollada Mudug iyo Nugaal, sol iyo Sanaag , inkastoo bari
laftiisa uusan dab yar shidan.
Gobolka mudug waxaa ka dhacay dagaalo dad badani
ay ku dhinteed, kadib markii ay ku dirireen beelo wada degan
Deegaano kala duwan ee ka tirsan Degmooyinka Gobolkas gaarkood, sida
Galkacyo iyo hobyo Intii uu xilka hayey Jeneraal cadde Muuse.
Waxaa dhawaan soo maray gobollada maamul
gobleedka Puntiland, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, ka dib markii uu
ka soo laabtay Wadanka Yeman oo uu uga soo qayb galay shirkii lagu
dhexdhexaadinayey isaga iyo Shariifka,ee ku soo dhammaaday guul
darida, uuna ka dhexwaday Madaxweyne Cali Cabdalle Saalax.
Wuxuu soo maray Gobollada Bari ,Nugaal, iyo
Gobolka Mudug isagoo ku sugnaa muddo dhawr usbuuc ah, sida ay
sheegayeen warakuna,waxaa lagu micneeyey inuu halkaa u yimi inuu ka
abaabusho ciidamo , si uu uga hawl galo Magaaladda Jawhar ee ka
tirsan Gobolka Sh/dhexe, ayna ciidamadaasi isaga u ilaaliyaan uma
difaacaan .Ciidankas oo wararku ay sheegayaan inay soo gaareen
Magaalada feerfeer ee kililka shaanad ee Itoobiya.
Sida la ogsoon yahay waxaa yaal gobolladaas hub
aad u fara badan oo gacanta ugu jira maleysiyaad beeleedyo iyo kuwo
leh magac Ciidan Dawladeedka Puntiland.
Waxaa ka dhexjira is-afgaranwaa Maamullada
qaarkood ee heer gobol, waxaa muranno badani ay ka dhasheen markii
dhawaan la sameynayey dawlahada Hoose ee degmooyinka Qaarkood sida
Boosaaso, waxaa dilal badani ay ka dhaceen Gaalkacyo oo ay inta
badan aanadeeda leeyihiin Ciidamada Daraawiishta rag ka tirsan,
sida la ay waraku sheegayaan, arrintii ka agdhacday Hotel Taar ee
uu ku sugnaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf markii uu joogay
Gaalkacyo, ee ahayd ninkii dilka lagu xukumay ,balse ay rag
hubaysan oo ka tirsan ciidanka oo ay isku beel yihiin ay xoog uga
gacan maroojiyeen ciidankii Booliska ayaa ahayd fool xumo iyo guul
daro u soo hoyatey Maamulaas.
Waxaa xilkii laga xayuubiyey xilkii Gudoomiyihii
Gobolka Mudug Jaalle Moxamed Warsame, iyada oo is bedellana lagu
sameeyey qaarka mid ah madaxdii ciidamada gobolkaas.
Waxaase sii batay Isbaarooyinkii iyo Gadoodkii
Ciidanka iyo Maleysiyaadka kaleba, waxaa soo wajahday cabsi iyo
khalkhal ku yimi ganacsigii iyo isku socodkiiba , sida ay waraku
nagu soo gaarayaan.
Waxaa 4/8/05ka Isbaarooyin dhigtay duleedka
Caasimadda Dawlad Goboleedka Garoowe Ciidamo ka tirsan Daraawiishta,
kuwas oo ka gadooday Maamulka isla markaasna sheeganaya in ay la
yihiin xuquuqdoodii aasaasiga ahayd sida wararku nagu soo
gaarayaan.
waxaa ka horeeyay kuwii Degmada Gaalkacyo iyaguna
dhigtay Isbaarada oo Gaadiidka ka guranayey Lacagaha baada ah ,
kuwaas oo iyagana sheeganaya in xuquuqdoodii ay la
yihiin(Mushaarooyin).
Waxaa xusid muda in Puntiland ay leedahay Dakad
aad u heer sareysa, isla markaasna ay ka socdaan hawlo ganacsi oo
aad u ballaaran , ayna ka soo xarooto dhakhli dhaqaale oo aad iyo
aad u fara badan, daboolina karka baahi badan ee ka jirta
goboladas.
balse , wararku waxay sheegayaan in ay meesha ka
jiraan Musuqmaasuq xoog badan iyo waliba ayada oo dhaqaalahaas lagu
bixiyo xagga Siyaasadda.
Waxaa xusid mudan in Gobolladaas qaar kood ay ku
tillaabsadeen horumar iyo barwaaqo , isla markaasna uu ka socto
ganacsi iyo dhaqdhaqaaq horumar dhismo degaano(sida Hoteelada).
Waxaa ka jira horumar waxbarasho oo ilaa heer
Jaamicadeed ah, inkasta oo waxbarashadaas ay ku xiran tahay dhaqaale,
iyada oo ubadka waxbaranaya laga qado lacag.
Waxaa baryahaan aanu ka maqlaynay idaacadaha
wareysiyo lala yeelanayey Masuuliyiin ka tirsan maamulkaas,kuwas oo
ku eedeynayey wax yaalaha ka soo cusboonaaday oo amaandarida ah ee
hadda ka taagan gobollada Puntiland in ay ka dambeeyaan siyaasiyiin
aysan magacdhabin ee ku sugan Gobollada Konfurta Soomaaliya.
Isku soo wada duubo, ugu dambeyntii waxay u
muuqataa in ay soo xumaanayso nabadgalyadii ka jirtay gobollada la
magac baxay puntiland ,balse ilaa iyo hadda lama saadaalin karo
waxa ay ku dambeynayso, oo arrintaas ilaah baa og waxii ay ku
dambeyn doonto.
Wabilaahi tawfiiq.
Fariinta uu wato qoraalka sare waxay gaar u
tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|