HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  News, Monday  August 8,  2005

Nolosha Qurbaha iyo Qaxootinimo
 

Marka hore labada eray oo kala ah QURBE iyo QAXOOTI, ayan rabaa in aan xoogaa micneeyo, bal si aan isugu dayo in aan wax uga iraahdo arrimahaas.

1-Erayga QURBE: waa degaan ka baxsan wadanka aad u dhalatay, ama aad ka soo jeedo, waa wadan kale oo ay ku dhaqan yihiin dad kale oo laga  yaabo in iinaan isku , jinsiyad, Diin, Luuqad,Dhaqan midna ahayn.

2-Erayga Qaxooti: Waa  Qof ama dad ka soo cararay, hayaamay, firxaday,barakacay dalkii ama deegaanadii ay ku soo noolaan jireen, iyada oo dhibaato colaadeedi ay ka dhacday, isla markaasna loo baahday meel lagu nabad galo ee ka baxsan wadankaas.

Waxii ka horreeyey sanadii 1991dii, waxaan arki jirnay dad xeryo looga  sameynayo goobo ka tirsan dalka Soomaaliya, sida Deegano ku yaaley Gobollada Gedo,Sh/Hoose/iyo Waqooyi Galbeed iyo Gobolka Banadirba.

Halkaas oo dad ka soo cararay Dalka Itoobiya oo u badnaa dadka Soomaaliyeed ee hadda loo yaqaan Soomaalida ku nool Killilka Shanaad ee Itoobiya la dajiyey, isla markasna loogu  fidin jiray  gargaar binu aadminimo.

Waxaa kaloo aan idaacadaha ka maqli jirnay Qaxootiga  Falastiin oo xitaa qaar ka mid ahi ay ku sugnaayeen dalka Soomaaliya, iyagoo  magangalyo la siiyey, sidoo kale waxaan  maqli jirnay qaxootiga viyatnaam, kaamboodiya iyo kuwo kale ee aasiyada fog laga sheegayo ,  sidoo kale waxaan maqli jirnay qaxootiga kuuba iyo waliba kuwo kale oo laatiin ameerika ah.

Waxaa la yidhi (WARKII AMA WAXII AAD GALBEED KA MAQASHO, GONDAHAAGA  KA DAY) waa arrin dhab ah oo xaqiiq ah, waana noo cadaatay maanta.

Waxaa horay qurbo joog ku ahaa Boqolaal  Soomaali ah,oo siyaabo kala gedisan ku yimi dalalka dibadda, iyagoo waqtiyo kala duwan yimi, sabab kastaa ha keentee.

Balse, markii uu bilowday Dagaalkii Sokeeye 1991dii, waxaa  soo butaacay Mowjado  Dad Soomaaliyeed oo ah oo dunida Maasheeyey, uma maleynayo Qaarahada Adduunka Maanta meel aan laga helayn Ruux Soomaaliya inay jirto.

Boqolaal kun oo Qoys ayaa Maanta qaxooyinimo ku dagan dunida Dacaladeeda, iyaga oo ku kala sugan xaalado kala duwan, Qaar ayaa ka helay Sharciyo ay ku degan yihiin wadamadaas, lama mid ah dadka wadanka ku dhashay, Qaar badan ayaa ku Jooga Aqoonsi Qaxootinimo, Halka Qaar kala ay ku Joogaan Binu aadninimo, ama iska sii joog inta lagu celinayo.

MAXAY YIHIIN DHIBAATOOYINKA KU  HAYSTAA?

Waxaa ku haysta kuwo diimeed,kuwo dhaqan, kuwo cimilo iyo ku dhaqaale iyo waxbarashada intaba 1-DIINTA: Wadamada ay qaxootiga Soomalidu ku badan yihiin waa Amerika iyo Yurub, iyo Qaaradda Austaraliya, waana wadamo  ay ku xoog badan tahay Diinta Gaaladu, dadka Soomaliduna waa dad Muslim ah, halaas waxaa  ka haysta dhibato, gaar ahaan Ubadka  yar yar iyo Dhalinyarada.

2-Wadamadaasi waxay leeyihiin hido iyo dhaqan u gaar ah oo lid ku ah kuwa dadka Soomaalida ah ama Islaamka kaleba ah, sida Dhar xirashada iyo Cayaaraha Dhaqanka iyo Hidaha,iyo waliba Maalmaha  Fasaxyada.

3-Inta badan Wadamada Yurub iyo Amerika waxa  ka dhaca Qaboow iyo Baraf aad u daran oo qofka  dhibato soo gaarsiiya noloshiisa iyo Jirkiisaba, marka Dadka Soomaaliyeed, waxay tabayaan Hawadii iyo qoraxdii aan isbedelka lahayn ee afarta xeliba isku midka ahayd, waxaa halkaan ay ka dareemaan (DAL TABYO) iyo u hiloow dalkoodii.

4-Waxbarashada waxaa ka haysta dhibaato fara badan ubadka Soomaaliyeed, ee Qaxootiga ah , waayo waxaa laga yaabaa cunug Soomaliya oo Dalka la keenay isagoo  toban jir ah, in markii Dugsiga  la geelo , fasalka lala fariisyo  arday ku dhashay  dalka oo  soo bilaabad waxbarasho isagoo shan jir ah, isla markasna ku jira galaska  lixaad ama tobaad, laga yaabo amaba ay tahayba inuusan waligi dugsi wax lagu barto arag kan Soomaaliyeed, halkaas waxuu kala  kulmaa niyad jab iyo  qajilaad ku timaada cunugga Qaxootiga ah ee Soomaliyeed. ayna u badan tahay inuuba iskuulka isaga tago isagoo aan ka jibo gaarin.

5-Soomalidu uma badna dadka sida fiican wax uga tabcaday wadama ay ku nool yihiin , marka laga reebo wax xoogaa  dhaqdhaqaaq ah oo ay bilaabeen waxii ka dambeeyey sanadihii 2000 ka, iyada oo meelaha ama wadamada uu ka jiro dhaqdhaqaaqa ganacsi ay ugu horeeyaan wadamo ay ka midka yihiin, Kenya,South Africa, America,Wadanka Ingiriska, marka laga reebo kuwa ay ka wadadaan  wadamada Carabta, sida Imaaraadka Carabta oo saldhig u ah Dhaqdhaqaaqaas.

6- Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub iyo America iyo meelo kalaba waxaa haysta shaqo la 'aan , marka laga reebo hawlo yar yar oo ay ka mid yihiin Wadayaasha Basaska,ka shaqeynta (WAREHOUSE) yada ama Bakhaarada iyo Warshadaha oo ay ka xammaalaan iyo Ilaaliye nimada.

7-Dadka Soomaalida ah ee ku nool Yurub iyo America inta Badan Malaha (COMMUNITY CENTERS) isku xiran oo isku dalad huwan oo u dooda Xuquuqda dadka Soomaaliyeed Guud ahaan, inkasta oo wadamada Qarkood uu dadaal ka socdo hadda iyo soobaraarug sida Dalka Britain, oo aad mooddo hadda inay wax iska beddelayaan  qaabkii hore oo la ahaa.

Ayna abuurmayaan Kooxo aqoonyahana ah oo isku dayaya in ay wax ka beddelaan ama ay wax ka qabtaan habaca iyo kala firirsanaanta ka jirta arrimaas.Isla markaasna jecel in la dhawro Qawaaniinta Dalka iyo dadka lala nool yahayba , isla mar kaasna laga fogaado waxii keeni kara dhibato iyo khatar ku timaada ummadda dalka ku nool.

Ugu dambeyntii waxaa loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qurbuhu ay wax badan ka beddelaan sida ay hadda yihiin, isla markaasna ay bal fikirkooda iyo muruqooda mideeyaan, oo ay meesha ka saaraan  kala firirsanaanta iyo dhabar isku duwga ka muuqda maanta, oo hoos uga dhigtay ama ka reebtay  heerka ay marayaan mujtamacyada kale ee ka kala soo jeeda  Aasiya iyo Afrika iyo waliba Dalalka Carabta oo iyagu leh  midnimo iyo wadatashi ay ku raad sadaan waxii ka maqan ,isla markaasna  ay kula qabsadaan dadka wadanka ku dhaqan.

Waxaa la yidhi( meel waa laga Maqnaadaa ama waa laga muuqdaa) , midda kale waxaan meesha ka maqnayn in dadka Soomaaliyeed ee Qurnaha ku nooli ay maanta badbaadiyan  Ummadda Soomaaliyeed, oo ay talo iyo tabarka  ka dhiibtaan, sidii loo dhamayn lahaa khilaafka ka jira  Dawladdii lagu soo dhisay Dalka Kenya, iyagoo la kaashanaya  Dawladahha Caalamka ee ay ku nool yihiin, isla markaasna  u guntanaya haddii xal loowaayo muranka nimankaas, sidii kaloo layeeli lahaa ama wax lagu maareyntahaa, waxaan rajeynaya alle inuu na nabad geliyo meel aan jognaba Aamin.
 

Wa billaahi towfiiq.



---------oOo---------
 

Madaxweyne, R/Baarlamaan,Wasiiro iyo Xildhibaano, kala doorta khilaaf iyo Qaranimo.
 

Waxaan muran ku jirin in loogu daneeyey , shirkii labada  sano iyo dheeraadka ka socday Nayroobi ee lagu soo dhisay Dawladda fKMG ee Soomaaliyeed,  raggii ka ahaa  Madaxda Jabhadihii hubeysnaa  iyo taageerayaashoodii, ee ka jiray dalka Soomaaliya Gobaladiisa kala gedisan. 

Isla markaasna iyaga  la siiyey mudnaanta koowaad, iyaga oo  si buuxda loogala  tashaday  qaabka  iyo barnaamijka  shirku uu ku socday,iyada oo  mar walba la tix gelinayey rabitaankooda iyo diidmadooda, ayna marar badan qaarkood  shirka isaga baxa hayeen,isla markaasna gudaha dalka inta ku noqdaan ay dagaalo ka ridayeen, iyaga oo jabinayey axdiyadii heshiiskii ELDORET ee Kinya ay ku kala saxiixdeen,aana waxba loo racanayn,oo aan lagula  xisaabtamayn axdiga ay jabiyeen, isla markaasna laga dabo tagayey,si loo soo celiyo hadba kooxdii meel  u hormo goosataba, iyada oo loo yeelayey waxii codsi  ah oo ay la timaado ama ay ku xirto, dib ugu soo  noqoshada madasha shirka, taa soo shirkii gaarsiisay  muddo labo sano ah. 

Waxa ay isla kacaa kuftaba, waxay hadba meel mus-ah  gashaba,waxay madaxa xogxogataba, waxay midi midi ku taag noqotaba, markii dambe, waxaa la malookeeyey Dawlad loogu yeeray in ay tahay mid ku meel gaar ah,ee ku shaqeyn doonta dib u heshiisiin iyo dib u nabadeeyn qaran, oo xilligeeduyahay muddo shan (5) sanno ah, isla markaasna  dalka ku maamuli doonta xukun  dastuurku ku  meel gaarka ah oo ay howlaheedu noqonayaan:- 

1-In ay dib u soo nooleyso hay'adihii fulinta ee Qaranka Soomaaliyeed.
2-In ay u sameyso Soohdimo dhanaan Degmooyinka  Dalka.
3-In ay sameeyso Maamul degmo iyo gobolba oo isku dheeli tiran.
4-In ay diyaariso tiro koobka dadka dalka.
5-In ay diyaariso Dastuurkii Qaabka Dawladda Federaalka ah,iyo waliba qodobo badan oo muhiin ah, oo aanan halkaan ku soo wada koobi karin.
 

Dawladda laga sugayo inay fuliso dhammaan Qodobadaas aan kor soo sheegay ,waxaa laga soo dhisay intooda badan qabqablayaasha iyo dagaal oogayaasha hubaysan , lagana dhigay Madaxweyne, R/baarlamaan.R/wasaare,Wasiiro , W/dawlayaal,iyo Wasiiro ku xigeeno iyo waliba xildhibaano, ayna dastuurka ay qorteen ku jidaysteen in aan dawladda  xil wasaaradeed aan loo magacaabi karin qof aan ku jirin xildhibaanadaas, tiradoodu ay dhan tahay 275 ta, oo u badan  qabqablayaal,Dagaal-oogayaal iyo Taageeroyaashoodii. 

Arrinkaasi wuxuu meel ka dhac ku noqday Bulshada inteeda kale ee la filayey in ay qaybtooda ka qaataan , xilalka aan kor ku soo sheegay si ay  ummaddooda ugu shaqeeyaan , oo ay uga  faa,ideeyaan waxa aqoontoodu ay tahay iyo sida, iyada oo dad badan oo heelan u qabay in ay ka mid noqon doonaan dawladda  meesha laga saaray. 

Waxay wax ku qayb sadeen, qaab beeleed ay iyagu maamushaan, isla markaasna ay ku soo xusheen taagerayaashooda, xubnaha baarlamaanka, iyada oo aan la tix gelin  Madaxda Dhaqanka talooyinkooda. 

Arrintaasi, waxay kuu caddeynaysaa in ta ay la egtahay fursada la siiyey madaxda Jabhadaha, si Dalka iyo Dadka u qafaalan  looga samato bixiyo, sidaas darteed, waxaa loogu magac dhabay dawladda Isbaaro Qaadka ee shanta sano ee soo socota dalka Maamuli doonta. 

Balse, waxaa cad in ay ka caga jiidayaan wali hawlihii laga sugayey, oo ah inay noqdaan  dawlad  dalka iyo dadkaba u talisa, oo waxaad moodaa in ay uga kalsoon yihiin in ay wax ku maamulaan qaarkood kali talisnimo, halka ay qaar kale u xaglinayaan wali  qaab hoggaamiye kooxeednimadii. 

Waxaa muuqata inta badan  xubnaha  golayaashu in ay wali sii jeedaalinayaan u adeegga Qabiilka iyo Qabyaladda iyo  daba socodka  teknikada hubeysan iyo kala qayb sanaanta  bulshada. 

Markii shirkii dhammaaday oo la dhisay  Baarlamaankii,Madaxweynihii,R/Baarlamaankii,iyo wasiiradiiba,waxaa bilowday khilaaf iyo isku dhac , iyada oo la isaga kor yimi qodobo dhawr ah oo saldhig u noqon lahaa, dib u noqoshada dawladda, sida  ciidan shisheeye ee dalka la keeno,meesha ay dawladdu ka bilaabayso shaqada iyo waliba ciidamada Qaranka Soomaaliyeed sida loo diyaarin lahaa. 

Waxay kala noqdeen laba kooxood oo ku muransan  xagga Afkaarta, sida ay sheegaan qaarkood, balse  waxaa muuqata in ay baroortu Orgiga ay ka weyn tahay  oo nimanku ay si kale isku tuuryeynayaan. 

Waxaa quus ku dhaw dhammaan  dhexdhexaadinta caalamka, waxaan jirin isku day dhexdhexaadineed ee  dad soomaali ah, ee iyagu u muuqan kara in ay yihiin kuwo  wax ka maqlayaan nimankaan, iyada oo ay dalka iyo debaddaba ay ku nool yihiin  dadkii looga baanhnaa sida caadadu ahayd , in ay u  guntadaan , oo ay gogol u dhigaan labada kooxood, sida hoggaamiye- dhaqameedka dalka. 

Nasiib darro, waxa khilaafka iyo  kala talisnimada wadaa waa kuwa  meesha ku yimi  oo ku soo caanbacay 15ka sano magac jabhadeed iyo taageerayaashooda,isla markaasna wali dalka  Dagaalka  ka hurinaya , iyaga oo ku jira isku hub urursi iyo is abaabul, ay kooxiba koox markaas ku eedaynayso oo ay digniino u soo jeedinayso. 

Koox walba iyadaa isla quman , isla markaasna isku tilmaamaysa in ay iyada saxsan tahay, markaasna loo baahan yahay in tan kale ay dhowrto dastuurka iyo nidaamka dawladda. 

Balse, akhristoow, labadaas kooxood waxay moogyihiin  in shacabkii 15ka sano u  qafaalaa oo sugayey mar in ay qafaalka  ka  fakiyaan, inuu taagan yahay quus, oo ay u muuqato rajo beel iyo burbur soo wajahay dawladii lagu soo malookeeyay , oo waliba aan ku imaan rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed. 

Ugu dambeyntii waxaa  shacabka  madluunka ah usoo jeedinayaa  in ay , hagoogta isla qaadaan oo nafta allalehe, aysan ka baqin  qoriga  Dagaaloogaha, isla markaasna ay abaabulaan banaan baxyo iyo baqyo midaysan oo loogu soo jeedinayo labada kooxood in ay isku tana sulaan, isla markaasna ay xaq dhowraan shacabka ay disheen, haddii kale ay kalsoonida kala noqdaan. 

Sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa  labada kooxood ee kala fadhiya  Muqdisho iyo Jawhar, oo isku jira 90 km, isla markaasna isku qoolinaya sidii labo rati, oo midba meel geela uga doobi dhabanayo, war hooy qaran laguma dhiso khilaafe, kala doorta  labadooda midkood, waxaan idin leeyahay doorta  Qaranimada aad isku magacawdeen xilalkooda idinku,iskuna koobteen , sidaasna aad meesha uga saarteen bulshadii rayidka ahayd, inta aysan xaajadu gaarin (    waraabo daalay,dagaalkiisaa loo tagaa ), ogaada wax kastaa waqti bay leeyihiin ee ka faa'idaysta waqtigiina inta goori ay goortahay,ilaahow  garansii adiga awood lehe Aamin.

 
W billahi tawfiiq.


----------oOo---------
 

Dr. CABDI CASIIS CABDI FAARAX (WADANI MUTADAWAC AH.) 

Ilaaheen binu admiga waxa uu ku karaameeyey cilmi iyo Garasho uu uga duway makhluuqaadka kale ee uu isagu abuuray, ee ku nool dunida guud keeda. 

Qofku wuxuu  sharaf iyo amaanba ku muteystaa markaas , waxa uu soo bartay ee ilaahiis , isaga hibada u siiyey uguna sahlay iraadadiisa allenimo, oo isagu addoonkiisa ku manaystay nimcada iftiinka aqoonta, kana badbaadiyey Mugdiga iyo Jahliga, iyada oo adoonkana laga rabo inuu illaahisa uga mahad celiyo nicmadaas barwaaqadaas uu ku galadeystay. 

Waxaan uga jeedaa akhristoow ama dhageystoow, inuu mudan yahay amaan iyo Bogaadin in taba qofkii  bulshada uu wax u soo bartay aqoontiisa si daacad ah, wadani nimo ah, alle aqoon ama Fiisabiili allahi ah uu ugu faa'ideeyo, isla markaasna uu  waqtigiisa qaaliga ah kula qaybsado waqti kasta iyo xaalad kasta oo ay ku sugan yihiin. 

Waxaan  baryahaan bogaga  shabakadaha wararka qaarkood ka akhrisanayey  war bixino ku saabsan hawlo INDHO FIIQID ah, oo uu ka fulinayo Dr,Cabdicasiis Cabdi Faarax, Degmada C/waaq. 

Indhuhu waxay ka mid yihiin Lixda lixaad waxa lagu maga caabo ama afka Soomaaliyeed loogu tilmaamo, marka la fiirshana waa kan ugu muhiinsan ama ku ciga ayaa la oran karaa. 

Waxaan la soconaa inuu dalka Soomaaliya uusan lahayn  Dawlad Dhexe ee wax maamusha, isla markaasna uu burburay adeegii Bulshada sida Caafimaadka, waxaa dalka isaga cararay dad badan oo aqoon u leh hawsha uu Dr,c/siis ummadda uu u hayo Maanta. 

Waxaa Taasi ka sii daran Isaga oo dakhtarku uusanba wax  khidmad lacageed iyo mid kalaba uusan qofka ka qaadaneyn, isaga oo fiisabiili laahi ugu tabarucaya hawshaas, aysanna jirin wax kaalmo ah oo uu ka helayo Hay'adaha Caalamiga ah. 

Run ahaantii Arrintaasi aniga waxa i gelisay ama igu beertay xushmad iyo xasuus dheeri ah, iyo waliba qiimayn iyo Qadarin aan u hayo Dr.C/casiis Cabdi Farax. 

Dhawaan waxaa degmada Cabud-waq uu indhaha ugu fiiqay dad gaaraya 70 qof oo ka kala yimi gobollo kala gedisan iyo waliba dalal  sida kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya ay deggan tahay. 

Waxaa dadkaas ku jirtay Gabadh yar oo laba sano jir ku indha beeshay, haddana alle mahadi 15 sano jir iyadoo ah uu Dr.C/Casiis Cabdi Faarax uu indhaheedii dib ugu fiiqay. 

Sidoo kale wuxuu dhakhtarku horay hawshaan oo kale uga soo fuliyey Magaaladda Afgooye ee ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, isaga oo hawshaas indha ugu soo fiiqay amaba ugu soo daaweeyey dad badan oo uu ka mid ahaa  oday waayeel ahaa oo 3 isagoo jira indha beelay, alle mahi  iyo cilmiga uu siiyey Dr.Cabdicasiis uu 70 jir isagoo ah indhihiisii dib ugu soo noqdeen, maantada idi u  tillaabsanaya. 

Anigu Waligay ma arag dhakhtarkaas, mana u lihi aqoon iyo saaxiibnimo noo horeysay, oo hadalkaygu ma aha mid aan  isaga  iidheh ugu sameynay, balse waa mid  lillaahi iga ah akhristow ama dhageystoow ee bal ogoow taana. 

Isku soo wada duubo  waxaan ugu dambeyntii u  soo jeedinayaa  ummadda Soomaaliyeed ee Aqoonta ama xirfadaha lihi in ay daydaan Dkakhtarkaas, isla markaasna ay ummaddooda ugu adeegaan si  naxriis leh iyo  walaalnimo.   aamin. 

Wa billahi tawfiiq

 

--------oOo--------


Naxliga
Khudbahada Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed
 

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa (Af daboolan waa dahab, qofkiisuna waa door) waxaa kale oo ay tiraahdaa ( qoow waayeel ka dhacay waa qolof geed ka dhacday) waxaa kale oo ay tiraahdaa  (dhawaaq meel dheer buu gaaraa ,dhagaxna meel dhow) waxaa kale oo lagu maah maahaa (habeenkii hoostaa baa loo hadlaa, maalintiina hareera haaga). 

Waxaan intaas oo maah maahood runtii u soo qaatay oo aan bilowga uga dhigay qormadaydaan, waxaan doonayaa bal in aan wax ka dhaho, hadalada  ama khudbadaha Madaxweyne Cabdullaahi  Yuusuf Axmed, ayada oo aanay arrintaasi iga ahayn mid ah ku waxyeelayn. 

Wax badan ayaan dhageeystay Khudbadaha Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya, lagu soo doortay Shirkii  Maxadxa Jabhadaha iyo inta badan Taageerayaashooda uga socday  muddada ka badan labada sano Dalka Kenya. 

Madaxweynahu wuxuu khudbado badan ka soo jeediyey  munaasabado badan oo uu ummadda Soomaaliyeed  ugu soo gudbinayey hadalo uu ugu danlahaa  la socodsiin, ku war galin , ka talin,amar farid, balse ku ligood u wada muuqday ku aan ku haboonayn  sida uu u dhaha hayey, amase aan iraahdo waxay wada ahaayeen kuwo aan ku habooneyn inuu ummadda u soo gudbiyo Madaxweyne ah , mid Dawlad ujeedadeedu ay tahay mid dib u heshiisiineed. 

Khudbadihii uu akhriyey ee Naxliga lahaa waxaa ka mid ahaa kuwii uu ummadda uga soo gudbiyey markii uu  safarka ay ku soo marayeen qaar ka tirsan Gobollada Dalka isaga iyo Raiisal wasaaraha  Dawladiisa Prof.Cali Moxamed Geedi, Melaha uu khudbadaha ka akhriyeyna waxaa ka mid ahaa Magaaladda Jowhar, Gaalkacyo,Garoowe,Boosaaso, Khudbadahaas oo ahaa kuwo aad dad badan u galiyey dareen iyo ka biyo diid Madaxweynaha ujeedadiisa. 

Waxay u muuqdeen qaarkood kuwo taabanaya dad iyo Deegaano gaar ah,waxay noqdeen ku sii huriyey amaba sii kiciyey dareenkii awalba iska liitay ee ku jiray dad badan ee ku kala nool deegaano kala gedisan ee dalka ka mid ah, kuwaas oo u arkayey in uu madaxweynuhu iyaga ugu hanjabayo, oo uu wato handadaad iyo waliba caga juglay iyo aflagaadeeyn uu iyaga ku waxyeelaynayo. 

Arrimahaas waxaa  dareenkooda ka muujiyey dad badan oo siyaasiyiin ah oo dalka horay u soo xukumi jiray, iyaga uu madaxweynaha ugu baaqay inuu wax ka badalo, qaabka ama erayada uu adeegsado,  marka uu ummadda khudbadaha u soo jeedinayo, isaga oo ka fogaanaya wax yaalaha keeni kara khilaafka iyo sii kala fogaanshada, kuna beddelaya erayo macaan oo leh soo jiidasho iyo u dhimrin, waxaa ka mid ah dadkaas in badan ka hadlay amuurtaas,Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dalka ka soo ahaa Raiisal Wasaare, dawladii Rayidka ahayd ee lixdameeyadii. 

Runtii Dr,Cabdirisaaq Xaaji Xuseen marar badan ayaa waxaa uu ka hadlay oo uu u soo jeediyey Maxadweyne Cabdullaahi Yuusuf inuu khudbadihiisa kulkulul ama ay ku jiraan hadalada kicinaya shucuurta Dadka uu ku beddelo kuwo qaboow oo dadka soo jiidan kar waxna ka tari kara  xalinta khilaafaadka soo dhex galay labada Gole ee ay ka kooban tahay Dawladda uu Masuulka ka yahay Cabdullaahi. 

Soomaalidu waxay Tiraahdaa (Qof wax ku siiyaa waa badan yahay, balse qof talo ku sii yaa waa yar yahay) waxaan shaki ku jirin inuu Cabdirisaaq uu Cabdullaahi wax badan oo talo iyo tusaalaba ah u soo jeediyey, isaga oo isku dayayey inuu siiyo tilmaan khalad si, uu meesha uga saaro is-faham  la'aanta iyo ka dudidda dareenka leh ee hadka ay galinayso Khudbadaha amase hadalada  ad adag ee Madaxweynuhu ummadda u soo jeediyo. 

Waxaa dhab ah in markii uu khudbad akhriyo Madaxweyne Cabdullaahi , ay dad badani ka caroonayaan isla markaasna ay hoos u dhacayso Taageeridiisu, isla markaasna ay sii yaraanayso rajada laga qabo dawladda, ayna sii kordhinayso khilaafka iyo ka fogaanta afkaaraha labada Kooxood,ee isku diidan qodobada  dhawrka ah, keenayna in ay dawladdu kala dagto laba Magaalo oo isku jirta 90km,arrintaas oo khatar teeda leh, isla markaasna u baahan in laga foojignaado,waayo dadka iyo dalko uma baahna maanta dagaal iyo dhibaato dambe,wuxuu u baahan yahay  dawlad iyo dib uheshiisiin iyo dib u dhisid,si looga soo kabto burburkii iyo balaayadii dalka ku habsatay muddada 15 sano ah. 

Mararka qaarkood waxaa is weydiiyaa,Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf soo ma,aha ninka sheegta inuu 30 sano u soo hal gamayey inuu mar noqdo Madaxweyne, soo ma aha ninkii ugu horeeyey oo qori qaata oo dagaal la soo gala Dawlad dhisan oo shaqeynaysa, soo ma'aha ninka mar walba sheegta inuu yahay nin  maquuste ah oo dabin ka bood ah oo aan la loodin karin,isla markaasna soo ma aha nin helay wuxuu u soo halgamayey oo hadda lama laha Madaxweyne,muu iska dhaafo ad adeyga iyo qalafsanaanta ka muuqata hadaladiisa, maadaama uu yahay nin ka mas'uul ah dawladda  la rabo inay dib u heshiisiin ka sameyso dad is dilay, isdhacay,isbara kiciyey,isku haysta bad iyo beerba. 

Mise waa madaxweyne xukun ku qabsaday awood iyo itaal,oo raba inuu dadka hubka kaga dhigo xoog iyo awood lagu wado amar culus,runtii arrintaasi waxay igalisaa walaac badan iyo rajo beel iyo waliba saluugmo ,oo waxaa is iraahdaa tolow tani maxay ku dambeyn. 

Haddaba ugu dambeyntii waxaa u soo jeedinayaa madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf inuu hoos u dhimo karka iyo kulaylka hadaladiisa, oo uu ku beddelo kuwo ka qaboow oo dadka soo jiita oo u muuqda inay ka soo baxayaan oday reer u weeyn, oo loo cimaamaday inuu reerka ugu taliyo wanaag, isla markaasna uu gacan yarayaashiisa talada wax ka siiyo,oo uusan isku dayin awood maquunin iyo xukun marooqsi ku dhisan kali talisnimo. 

Dhanka kale waxaan iyana u soo jeedinayaa Xildhibaanada iyo Wasiirada kaleba ee ka tirsan Dawladda in ay iyaguna ma dhib yaree ay joojiyaan xiisadaha iyo bala abuurka iyo baas maleegga, isla markaasna ay si fiican ula shaqeeyaan Madaxweynaha ay iyagu soo doorteen, iyaga oo wada xasuusan in Dawladaani ay tahay mid loogu daneeyey iyaga oo dhan oo ah mid aan ku imaan Ummadda Rabitaankeeda iyo xulashadeeda, balse ku timi in Qabqablayaasha iyo Dagaal ooga yaasha 15sano dalka Soo walaaqayey lagu samriyo. si haddi ay xil rabeen loogu magacaabo ayna dalka ku xukumaan hab Dawladnimo, meesha ay qaab jabhadeed ay dalka ugu kala haysan lahaayeen. 

Waxaase muuqata in ay arrintu tahay(waano abuuris baa ka horeysay) oo waxaa arkaa in kuwo badani ayba danayneyn in ay noqdaan Dawlad ee ay uga macaan tahay Jabhadnimadu. 

Ugu dambeyntii, waxaan u rajeynayaa DFKMG Soomaaliyeed in ay ka baxdo khilaafka iyo kala qayb sanaanta iyo iska soo horjeedka,keeni kara isku dhac iyo dagaal sokeeye ee dadka iyo dalka naafeeya, daacadi haddii ay jirto dalku uma baahna Ciidamo tiro badan ee hubka dhigis sameeya, balse waxaa loo baahan yahay goobjooga yaal hubka meelaha lagu aruurinayo Jooga,oo kor ka indha indheeya,sida ay wax u socdaan,shacabka Soomaaliyeed wuxuu rabaa dawlad ee waxa u muuqda in ay san dawlad noqoni waa kuwa laga dhigay Masuuliyiinta,waxaan alle ka baryayaa inuu ku dumo wanaagga iyo isjacaylka Shacabka iyo Masuuliyiintaba Soomaaliyeed Aamin.

 
Wabillahi Tawfiiq

 

Moxamed Shiikh Moxamuud(Garyare)
Uk, London
dini_89@hotmail.com



Garyare maqaaladiisii hore qaar ka mid ah riix #s-ka 1-5   |1|2|3|4|6|

F. G:  Qoraalada haray ee Garyare dib baan ugu soo dari doonaa haddii uu Rabi idmo kuwa kor ku qoran. 
 



Fariinta ay wataan maqaalada dhowrka ah ee sare ku qoran waxay gaar u tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.



allgedo@allgedo.com

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com