|
|
|
Allgedo!
News, Monday August 8, 2005 |
Nolosha Qurbaha iyo Qaxootinimo
Marka hore labada eray oo kala ah QURBE iyo
QAXOOTI, ayan rabaa in aan xoogaa micneeyo, bal si aan isugu dayo in
aan wax uga iraahdo arrimahaas.
1-Erayga QURBE: waa degaan ka baxsan wadanka aad
u dhalatay, ama aad ka soo jeedo, waa wadan kale oo ay ku dhaqan
yihiin dad kale oo laga yaabo in iinaan isku , jinsiyad, Diin,
Luuqad,Dhaqan midna ahayn.
2-Erayga Qaxooti: Waa Qof ama dad ka soo cararay,
hayaamay, firxaday,barakacay dalkii ama deegaanadii ay ku soo
noolaan jireen, iyada oo dhibaato colaadeedi ay ka dhacday, isla
markaasna loo baahday meel lagu nabad galo ee ka baxsan wadankaas.
Waxii ka horreeyey sanadii 1991dii, waxaan arki
jirnay dad xeryo looga sameynayo goobo ka tirsan dalka Soomaaliya,
sida Deegano ku yaaley Gobollada Gedo,Sh/Hoose/iyo Waqooyi Galbeed
iyo Gobolka Banadirba.
Halkaas oo dad ka soo cararay Dalka Itoobiya oo u
badnaa dadka Soomaaliyeed ee hadda loo yaqaan Soomaalida ku nool Killilka
Shanaad ee Itoobiya la dajiyey, isla markasna loogu fidin jiray
gargaar binu aadminimo.
Waxaa kaloo aan idaacadaha ka maqli jirnay
Qaxootiga Falastiin oo xitaa qaar ka mid ahi ay ku sugnaayeen dalka
Soomaaliya, iyagoo magangalyo la siiyey, sidoo kale waxaan maqli
jirnay qaxootiga viyatnaam, kaamboodiya iyo kuwo kale ee aasiyada
fog laga sheegayo , sidoo kale waxaan maqli jirnay qaxootiga kuuba
iyo waliba kuwo kale oo laatiin ameerika ah.
Waxaa la yidhi (WARKII AMA WAXII AAD GALBEED KA
MAQASHO, GONDAHAAGA KA DAY) waa arrin dhab ah oo xaqiiq ah, waana
noo cadaatay maanta.
Waxaa horay qurbo joog ku ahaa Boqolaal Soomaali
ah,oo siyaabo kala gedisan ku yimi dalalka dibadda, iyagoo waqtiyo
kala duwan yimi, sabab kastaa ha keentee.
Balse, markii uu bilowday Dagaalkii Sokeeye
1991dii, waxaa soo butaacay Mowjado Dad Soomaaliyeed oo ah oo
dunida Maasheeyey, uma maleynayo Qaarahada Adduunka Maanta meel aan
laga helayn Ruux Soomaaliya inay jirto.
Boqolaal kun oo Qoys ayaa Maanta qaxooyinimo ku
dagan dunida Dacaladeeda, iyaga oo ku kala sugan xaalado kala duwan,
Qaar ayaa ka helay Sharciyo ay ku degan yihiin wadamadaas, lama mid
ah dadka wadanka ku dhashay, Qaar badan ayaa ku Jooga Aqoonsi
Qaxootinimo, Halka Qaar kala ay ku Joogaan Binu aadninimo, ama iska
sii joog inta lagu celinayo.
MAXAY YIHIIN DHIBAATOOYINKA KU HAYSTAA?
Waxaa ku haysta kuwo diimeed,kuwo dhaqan, kuwo
cimilo iyo ku dhaqaale iyo waxbarashada intaba 1-DIINTA: Wadamada ay
qaxootiga Soomalidu ku badan yihiin waa Amerika iyo Yurub, iyo
Qaaradda Austaraliya, waana wadamo ay ku xoog badan tahay Diinta
Gaaladu, dadka Soomaliduna waa dad Muslim ah, halaas waxaa ka
haysta dhibato, gaar ahaan Ubadka yar yar iyo Dhalinyarada.
2-Wadamadaasi waxay leeyihiin hido iyo dhaqan u
gaar ah oo lid ku ah kuwa dadka Soomaalida ah ama Islaamka kaleba
ah, sida Dhar xirashada iyo Cayaaraha Dhaqanka iyo Hidaha,iyo waliba
Maalmaha Fasaxyada.
3-Inta badan Wadamada Yurub iyo Amerika waxa ka
dhaca Qaboow iyo Baraf aad u daran oo qofka dhibato soo gaarsiiya
noloshiisa iyo Jirkiisaba, marka Dadka Soomaaliyeed, waxay tabayaan
Hawadii iyo qoraxdii aan isbedelka lahayn ee afarta xeliba isku
midka ahayd, waxaa halkaan ay ka dareemaan (DAL TABYO) iyo u hiloow
dalkoodii.
4-Waxbarashada waxaa ka haysta dhibaato fara
badan ubadka Soomaaliyeed, ee Qaxootiga ah , waayo waxaa laga yaabaa
cunug Soomaliya oo Dalka la keenay isagoo toban jir ah, in markii
Dugsiga la geelo , fasalka lala fariisyo arday ku dhashay dalka
oo soo bilaabad waxbarasho isagoo shan jir ah, isla markasna ku
jira galaska lixaad ama tobaad, laga yaabo amaba ay tahayba inuusan
waligi dugsi wax lagu barto arag kan Soomaaliyeed, halkaas waxuu
kala kulmaa niyad jab iyo qajilaad ku timaada cunugga Qaxootiga ah
ee Soomaliyeed. ayna u badan tahay inuuba iskuulka isaga tago isagoo
aan ka jibo gaarin.
5-Soomalidu uma badna dadka sida fiican wax uga
tabcaday wadama ay ku nool yihiin , marka laga reebo wax xoogaa
dhaqdhaqaaq ah oo ay bilaabeen waxii ka dambeeyey sanadihii 2000 ka,
iyada oo meelaha ama wadamada uu ka jiro dhaqdhaqaaqa ganacsi ay ugu
horeeyaan wadamo ay ka midka yihiin, Kenya,South Africa,
America,Wadanka Ingiriska, marka laga reebo kuwa ay ka wadadaan
wadamada Carabta, sida Imaaraadka Carabta oo saldhig u ah
Dhaqdhaqaaqaas.
6- Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub iyo
America iyo meelo kalaba waxaa haysta shaqo la 'aan , marka laga
reebo hawlo yar yar oo ay ka mid yihiin Wadayaasha Basaska,ka
shaqeynta (WAREHOUSE) yada ama Bakhaarada iyo Warshadaha oo ay ka
xammaalaan iyo Ilaaliye nimada.
7-Dadka Soomaalida ah ee ku nool Yurub iyo
America inta Badan Malaha (COMMUNITY CENTERS) isku xiran oo isku
dalad huwan oo u dooda Xuquuqda dadka Soomaaliyeed Guud ahaan,
inkasta oo wadamada Qarkood uu dadaal ka socdo hadda iyo soobaraarug
sida Dalka Britain, oo aad mooddo hadda inay wax iska beddelayaan
qaabkii hore oo la ahaa.
Ayna abuurmayaan Kooxo aqoonyahana ah oo isku
dayaya in ay wax ka beddelaan ama ay wax ka qabtaan habaca iyo kala
firirsanaanta ka jirta arrimaas.Isla markaasna jecel in la dhawro
Qawaaniinta Dalka iyo dadka lala nool yahayba , isla mar kaasna laga
fogaado waxii keeni kara dhibato iyo khatar ku timaada ummadda dalka
ku nool.
Ugu dambeyntii waxaa loo baahan yahay in dadka
Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qurbuhu ay wax badan ka beddelaan sida ay
hadda yihiin, isla markaasna ay bal fikirkooda iyo muruqooda
mideeyaan, oo ay meesha ka saaraan kala firirsanaanta iyo dhabar
isku duwga ka muuqda maanta, oo hoos uga dhigtay ama ka reebtay
heerka ay marayaan mujtamacyada kale ee ka kala soo jeeda Aasiya
iyo Afrika iyo waliba Dalalka Carabta oo iyagu leh midnimo iyo
wadatashi ay ku raad sadaan waxii ka maqan ,isla markaasna ay kula
qabsadaan dadka wadanka ku dhaqan.
Waxaa la yidhi( meel waa laga Maqnaadaa ama waa
laga muuqdaa) , midda kale waxaan meesha ka maqnayn in dadka
Soomaaliyeed ee Qurnaha ku nooli ay maanta badbaadiyan Ummadda
Soomaaliyeed, oo ay talo iyo tabarka ka dhiibtaan, sidii loo
dhamayn lahaa khilaafka ka jira Dawladdii lagu soo dhisay Dalka
Kenya, iyagoo la kaashanaya Dawladahha Caalamka ee ay ku nool
yihiin, isla markaasna u guntanaya haddii xal loowaayo muranka
nimankaas, sidii kaloo layeeli lahaa ama wax lagu maareyntahaa,
waxaan rajeynaya alle inuu na nabad geliyo meel aan jognaba Aamin.
Wa billaahi towfiiq.
---------oOo---------
Madaxweyne, R/Baarlamaan,Wasiiro iyo Xildhibaano,
kala doorta khilaaf iyo Qaranimo.
Waxaan muran ku jirin in loogu
daneeyey , shirkii labada sano iyo dheeraadka ka socday Nayroobi
ee lagu soo dhisay Dawladda fKMG ee Soomaaliyeed, raggii ka
ahaa Madaxda Jabhadihii hubeysnaa iyo taageerayaashoodii, ee
ka jiray dalka Soomaaliya Gobaladiisa kala gedisan.
Isla markaasna iyaga la
siiyey mudnaanta koowaad, iyaga oo si buuxda loogala tashaday
qaabka iyo barnaamijka shirku uu ku socday,iyada oo mar walba
la tix gelinayey rabitaankooda iyo diidmadooda, ayna marar badan
qaarkood shirka isaga baxa hayeen,isla markaasna gudaha dalka
inta ku noqdaan ay dagaalo ka ridayeen, iyaga oo jabinayey
axdiyadii heshiiskii ELDORET ee Kinya ay ku kala saxiixdeen,aana
waxba loo racanayn,oo aan lagula xisaabtamayn axdiga ay
jabiyeen, isla markaasna laga dabo tagayey,si loo soo celiyo
hadba kooxdii meel u hormo goosataba, iyada oo loo yeelayey
waxii codsi ah oo ay la timaado ama ay ku xirto, dib ugu soo
noqoshada madasha shirka, taa soo shirkii gaarsiisay muddo labo
sano ah.
Waxa ay isla kacaa kuftaba,
waxay hadba meel mus-ah gashaba,waxay madaxa xogxogataba, waxay
midi midi ku taag noqotaba, markii dambe, waxaa la malookeeyey
Dawlad loogu yeeray in ay tahay mid ku meel gaar ah,ee ku
shaqeyn doonta dib u heshiisiin iyo dib u nabadeeyn qaran, oo
xilligeeduyahay muddo shan (5) sanno ah, isla markaasna dalka
ku maamuli doonta xukun dastuurku ku meel gaarka ah oo ay
howlaheedu noqonayaan:-
1-In ay dib u soo nooleyso
hay'adihii fulinta ee Qaranka Soomaaliyeed.
2-In ay u sameyso Soohdimo dhanaan Degmooyinka Dalka.
3-In ay sameeyso Maamul degmo iyo gobolba oo isku dheeli tiran.
4-In ay diyaariso tiro koobka dadka dalka.
5-In ay diyaariso Dastuurkii Qaabka Dawladda Federaalka ah,iyo
waliba qodobo badan oo muhiin ah, oo aanan halkaan ku soo wada
koobi karin.
Dawladda laga sugayo inay
fuliso dhammaan Qodobadaas aan kor soo sheegay ,waxaa laga soo
dhisay intooda badan qabqablayaasha iyo dagaal oogayaasha
hubaysan , lagana dhigay Madaxweyne, R/baarlamaan.R/wasaare,Wasiiro
, W/dawlayaal,iyo Wasiiro ku xigeeno iyo waliba xildhibaano,
ayna dastuurka ay qorteen ku jidaysteen in aan dawladda xil
wasaaradeed aan loo magacaabi karin qof aan ku jirin
xildhibaanadaas, tiradoodu ay dhan tahay 275 ta, oo u badan
qabqablayaal,Dagaal-oogayaal iyo Taageeroyaashoodii.
Arrinkaasi wuxuu meel ka dhac
ku noqday Bulshada inteeda kale ee la filayey in ay qaybtooda ka
qaataan , xilalka aan kor ku soo sheegay si ay
ummaddooda ugu shaqeeyaan , oo ay uga
faa,ideeyaan waxa aqoontoodu ay tahay iyo sida, iyada oo dad
badan oo heelan u qabay in ay ka mid noqon doonaan dawladda
meesha laga saaray.
Waxay wax ku qayb sadeen, qaab
beeleed ay iyagu maamushaan, isla markaasna ay ku soo xusheen
taagerayaashooda, xubnaha baarlamaanka, iyada oo aan la tix
gelin Madaxda Dhaqanka talooyinkooda.
Arrintaasi, waxay kuu
caddeynaysaa in ta ay la egtahay fursada la siiyey madaxda
Jabhadaha, si Dalka iyo Dadka u qafaalan looga samato bixiyo,
sidaas darteed, waxaa loogu magac dhabay dawladda Isbaaro Qaadka
ee shanta sano ee soo socota dalka Maamuli doonta.
Balse, waxaa cad in ay ka caga
jiidayaan wali hawlihii laga sugayey, oo ah inay noqdaan dawlad
dalka iyo dadkaba u talisa, oo waxaad moodaa in ay uga kalsoon
yihiin in ay wax ku maamulaan qaarkood kali talisnimo, halka ay
qaar kale u xaglinayaan wali qaab hoggaamiye kooxeednimadii.
Waxaa muuqata inta badan
xubnaha golayaashu in ay wali sii jeedaalinayaan u adeegga
Qabiilka iyo Qabyaladda iyo daba socodka teknikada hubeysan
iyo kala qayb sanaanta bulshada.
Markii shirkii dhammaaday oo
la dhisay Baarlamaankii,Madaxweynihii,R/Baarlamaankii,iyo
wasiiradiiba,waxaa bilowday khilaaf iyo isku dhac , iyada oo la
isaga kor yimi qodobo dhawr ah oo saldhig u noqon lahaa, dib u
noqoshada dawladda, sida ciidan shisheeye ee dalka la
keeno,meesha ay dawladdu ka bilaabayso shaqada iyo waliba
ciidamada Qaranka Soomaaliyeed sida loo diyaarin lahaa.
Waxay kala noqdeen laba
kooxood oo ku muransan xagga Afkaarta, sida ay sheegaan
qaarkood, balse waxaa muuqata in ay baroortu Orgiga ay ka weyn
tahay oo nimanku ay si kale isku tuuryeynayaan.
Waxaa quus ku dhaw dhammaan
dhexdhexaadinta caalamka, waxaan jirin isku day dhexdhexaadineed
ee dad soomaali ah, ee iyagu u muuqan kara in ay yihiin kuwo
wax ka maqlayaan nimankaan, iyada oo ay dalka iyo debaddaba ay
ku nool yihiin dadkii looga baanhnaa sida caadadu ahayd , in ay
u guntadaan , oo ay gogol u dhigaan labada kooxood, sida
hoggaamiye- dhaqameedka dalka.
Nasiib darro, waxa khilaafka
iyo kala talisnimada wadaa waa kuwa meesha ku yimi oo ku soo
caanbacay 15ka sano magac jabhadeed iyo taageerayaashooda,isla
markaasna wali dalka Dagaalka ka hurinaya , iyaga oo ku jira
isku hub urursi iyo is abaabul, ay kooxiba koox markaas ku
eedaynayso oo ay digniino u soo jeedinayso.
Koox walba iyadaa isla quman ,
isla markaasna isku tilmaamaysa in ay iyada saxsan tahay,
markaasna loo baahan yahay in tan kale ay dhowrto dastuurka iyo
nidaamka dawladda.
Balse, akhristoow, labadaas
kooxood waxay moogyihiin in shacabkii 15ka sano u qafaalaa oo
sugayey mar in ay qafaalka ka fakiyaan, inuu taagan yahay quus,
oo ay u muuqato rajo beel iyo burbur soo wajahay dawladii lagu
soo malookeeyay , oo waliba aan ku imaan rabitaanka Shacabka
Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxaa shacabka
madluunka ah usoo jeedinayaa in ay , hagoogta isla qaadaan oo
nafta allalehe, aysan ka baqin qoriga Dagaaloogaha, isla
markaasna ay abaabulaan banaan baxyo iyo baqyo midaysan oo loogu
soo jeedinayo labada kooxood in ay isku tana sulaan, isla
markaasna ay xaq dhowraan shacabka ay disheen, haddii kale ay
kalsoonida kala noqdaan.
Sidoo kale waxaan u soo
jeedinayaa labada kooxood ee kala fadhiya Muqdisho iyo Jawhar,
oo isku jira 90 km, isla markaasna isku qoolinaya sidii labo
rati, oo midba meel geela uga doobi dhabanayo, war hooy qaran
laguma dhiso khilaafe, kala doorta labadooda midkood, waxaan
idin leeyahay doorta Qaranimada aad isku magacawdeen xilalkooda
idinku,iskuna koobteen , sidaasna aad meesha uga saarteen
bulshadii rayidka ahayd, inta aysan xaajadu gaarin ( waraabo
daalay,dagaalkiisaa loo tagaa ), ogaada wax kastaa waqti bay
leeyihiin ee ka faa'idaysta waqtigiina inta goori ay
goortahay,ilaahow garansii adiga awood lehe Aamin.
W billahi tawfiiq.
----------oOo---------
Dr. CABDI CASIIS CABDI
FAARAX (WADANI MUTADAWAC AH.)
Ilaaheen binu admiga waxa uu ku
karaameeyey cilmi iyo Garasho uu uga duway makhluuqaadka
kale ee uu isagu abuuray, ee ku nool dunida guud keeda.
Qofku wuxuu sharaf iyo amaanba ku muteystaa
markaas , waxa uu soo bartay ee ilaahiis , isaga hibada u
siiyey uguna sahlay iraadadiisa allenimo, oo isagu
addoonkiisa ku manaystay nimcada iftiinka aqoonta, kana
badbaadiyey Mugdiga iyo Jahliga, iyada oo adoonkana laga
rabo inuu illaahisa uga mahad celiyo nicmadaas barwaaqadaas
uu ku galadeystay.
Waxaan uga jeedaa akhristoow ama
dhageystoow, inuu mudan yahay amaan iyo Bogaadin in taba
qofkii bulshada uu wax u soo bartay aqoontiisa si daacad
ah, wadani nimo ah, alle aqoon ama Fiisabiili allahi ah uu
ugu faa'ideeyo, isla markaasna uu waqtigiisa qaaliga ah
kula qaybsado waqti kasta iyo xaalad kasta oo ay ku sugan
yihiin.
Waxaan baryahaan bogaga shabakadaha
wararka qaarkood ka akhrisanayey war bixino ku saabsan
hawlo INDHO FIIQID ah, oo uu ka fulinayo Dr,Cabdicasiis
Cabdi Faarax, Degmada C/waaq.
Indhuhu waxay ka mid yihiin Lixda lixaad
waxa lagu maga caabo ama afka Soomaaliyeed loogu tilmaamo,
marka la fiirshana waa kan ugu muhiinsan ama ku ciga ayaa la
oran karaa.
Waxaan la soconaa inuu dalka Soomaaliya
uusan lahayn Dawlad Dhexe ee wax maamusha, isla markaasna
uu burburay adeegii Bulshada sida Caafimaadka, waxaa dalka
isaga cararay dad badan oo aqoon u leh hawsha uu Dr,c/siis
ummadda uu u hayo Maanta.
Waxaa Taasi ka sii daran Isaga oo
dakhtarku uusanba wax khidmad lacageed iyo mid kalaba uusan
qofka ka qaadaneyn, isaga oo fiisabiili laahi ugu tabarucaya
hawshaas, aysanna jirin wax kaalmo ah oo uu ka helayo
Hay'adaha Caalamiga ah.
Run ahaantii Arrintaasi aniga waxa i
gelisay ama igu beertay xushmad iyo xasuus dheeri ah, iyo
waliba qiimayn iyo Qadarin aan u hayo Dr.C/casiis Cabdi
Farax.
Dhawaan waxaa degmada Cabud-waq uu
indhaha ugu fiiqay dad gaaraya 70 qof oo ka kala yimi
gobollo kala gedisan iyo waliba dalal sida kililka shanaad
ee Soomaalida Itoobiya ay deggan tahay.
Waxaa dadkaas ku jirtay Gabadh yar oo
laba sano jir ku indha beeshay, haddana alle mahadi 15 sano
jir iyadoo ah uu Dr.C/Casiis Cabdi Faarax uu indhaheedii dib
ugu fiiqay.
Sidoo kale wuxuu dhakhtarku horay
hawshaan oo kale uga soo fuliyey Magaaladda Afgooye ee ka
tirsan Gobolka Sh/Hoose, isaga oo hawshaas indha ugu soo
fiiqay amaba ugu soo daaweeyey dad badan oo uu ka mid ahaa
oday waayeel ahaa oo 3 isagoo jira indha beelay, alle mahi
iyo cilmiga uu siiyey Dr.Cabdicasiis uu 70 jir isagoo ah
indhihiisii dib ugu soo noqdeen, maantada idi u
tillaabsanaya.
Anigu Waligay ma arag dhakhtarkaas, mana
u lihi aqoon iyo saaxiibnimo noo horeysay, oo hadalkaygu ma
aha mid aan isaga iidheh ugu sameynay, balse waa mid
lillaahi iga ah akhristow ama dhageystoow ee bal ogoow
taana.
Isku soo wada duubo waxaan ugu
dambeyntii u soo jeedinayaa ummadda Soomaaliyeed ee
Aqoonta ama xirfadaha lihi in ay daydaan Dkakhtarkaas, isla
markaasna ay ummaddooda ugu adeegaan si naxriis leh iyo
walaalnimo. aamin.
--------oOo--------
Naxliga Khudbahada Madaxweyne Cabdullaahi
Yusuf Axmed
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa (Af daboolan waa
dahab, qofkiisuna waa door) waxaa kale oo ay tiraahdaa ( qoow
waayeel ka dhacay waa qolof geed ka dhacday) waxaa kale oo ay
tiraahdaa (dhawaaq meel dheer buu gaaraa ,dhagaxna meel dhow) waxaa
kale oo lagu maah maahaa (habeenkii hoostaa baa loo hadlaa,
maalintiina hareera haaga).
Waxaan intaas oo maah maahood runtii u soo qaatay
oo aan bilowga uga dhigay qormadaydaan, waxaan doonayaa bal in aan
wax ka dhaho, hadalada ama khudbadaha Madaxweyne Cabdullaahi
Yuusuf Axmed, ayada oo aanay arrintaasi iga ahayn mid ah ku
waxyeelayn.
Wax badan ayaan dhageeystay Khudbadaha
Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya, lagu soo doortay Shirkii Maxadxa
Jabhadaha iyo inta badan Taageerayaashooda uga socday muddada ka
badan labada sano Dalka Kenya.
Madaxweynahu wuxuu khudbado badan ka soo jeediyey
munaasabado badan oo uu ummadda Soomaaliyeed ugu soo gudbinayey
hadalo uu ugu danlahaa la socodsiin, ku war galin , ka talin,amar
farid, balse ku ligood u wada muuqday ku aan ku haboonayn sida uu u
dhaha hayey, amase aan iraahdo waxay wada ahaayeen kuwo aan ku
habooneyn inuu ummadda u soo gudbiyo Madaxweyne ah , mid Dawlad
ujeedadeedu ay tahay mid dib u heshiisiineed.
Khudbadihii uu akhriyey ee Naxliga lahaa waxaa ka
mid ahaa kuwii uu ummadda uga soo gudbiyey markii uu safarka ay ku
soo marayeen qaar ka tirsan Gobollada Dalka isaga iyo Raiisal
wasaaraha Dawladiisa Prof.Cali Moxamed Geedi, Melaha uu khudbadaha
ka akhriyeyna waxaa ka mid ahaa Magaaladda Jowhar,
Gaalkacyo,Garoowe,Boosaaso, Khudbadahaas oo ahaa kuwo aad dad badan
u galiyey dareen iyo ka biyo diid Madaxweynaha ujeedadiisa.
Waxay u muuqdeen qaarkood kuwo taabanaya dad iyo
Deegaano gaar ah,waxay noqdeen ku sii huriyey amaba sii kiciyey
dareenkii awalba iska liitay ee ku jiray dad badan ee ku kala nool
deegaano kala gedisan ee dalka ka mid ah, kuwaas oo u arkayey in uu
madaxweynuhu iyaga ugu hanjabayo, oo uu wato handadaad iyo waliba
caga juglay iyo aflagaadeeyn uu iyaga ku waxyeelaynayo.
Arrimahaas waxaa dareenkooda ka muujiyey dad
badan oo siyaasiyiin ah oo dalka horay u soo xukumi jiray, iyaga uu
madaxweynaha ugu baaqay inuu wax ka badalo, qaabka ama erayada uu
adeegsado, marka uu ummadda khudbadaha u soo jeedinayo, isaga oo ka
fogaanaya wax yaalaha keeni kara khilaafka iyo sii kala fogaanshada,
kuna beddelaya erayo macaan oo leh soo jiidasho iyo u dhimrin, waxaa
ka mid ah dadkaas in badan ka hadlay amuurtaas,Mudane Cabdirisaaq
Xaaji Xuseen oo dalka ka soo ahaa Raiisal Wasaare, dawladii Rayidka
ahayd ee lixdameeyadii.
Runtii Dr,Cabdirisaaq Xaaji Xuseen marar badan
ayaa waxaa uu ka hadlay oo uu u soo jeediyey Maxadweyne Cabdullaahi
Yuusuf inuu khudbadihiisa kulkulul ama ay ku jiraan hadalada
kicinaya shucuurta Dadka uu ku beddelo kuwo qaboow oo dadka soo
jiidan kar waxna ka tari kara xalinta khilaafaadka soo dhex galay
labada Gole ee ay ka kooban tahay Dawladda uu Masuulka ka yahay
Cabdullaahi.
Soomaalidu waxay Tiraahdaa (Qof wax ku siiyaa waa
badan yahay, balse qof talo ku sii yaa waa yar yahay) waxaan shaki
ku jirin inuu Cabdirisaaq uu Cabdullaahi wax badan oo talo iyo
tusaalaba ah u soo jeediyey, isaga oo isku dayayey inuu siiyo
tilmaan khalad si, uu meesha uga saaro is-faham la'aanta iyo ka
dudidda dareenka leh ee hadka ay galinayso Khudbadaha amase hadalada
ad adag ee Madaxweynuhu ummadda u soo jeediyo.
Waxaa dhab ah in markii uu khudbad akhriyo
Madaxweyne Cabdullaahi , ay dad badani ka caroonayaan isla markaasna
ay hoos u dhacayso Taageeridiisu, isla markaasna ay sii yaraanayso
rajada laga qabo dawladda, ayna sii kordhinayso khilaafka iyo ka
fogaanta afkaaraha labada Kooxood,ee isku diidan qodobada dhawrka
ah, keenayna in ay dawladdu kala dagto laba Magaalo oo isku jirta
90km,arrintaas oo khatar teeda leh, isla markaasna u baahan in laga
foojignaado,waayo dadka iyo dalko uma baahna maanta dagaal iyo
dhibaato dambe,wuxuu u baahan yahay dawlad iyo dib uheshiisiin iyo
dib u dhisid,si looga soo kabto burburkii iyo balaayadii dalka ku
habsatay muddada 15 sano ah.
Mararka qaarkood waxaa is weydiiyaa,Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf soo ma,aha ninka sheegta inuu 30 sano u soo hal
gamayey inuu mar noqdo Madaxweyne, soo ma aha ninkii ugu horeeyey oo
qori qaata oo dagaal la soo gala Dawlad dhisan oo shaqeynaysa, soo
ma'aha ninka mar walba sheegta inuu yahay nin maquuste ah oo dabin
ka bood ah oo aan la loodin karin,isla markaasna soo ma aha nin
helay wuxuu u soo halgamayey oo hadda lama laha Madaxweyne,muu iska
dhaafo ad adeyga iyo qalafsanaanta ka muuqata hadaladiisa, maadaama
uu yahay nin ka mas'uul ah dawladda la rabo inay dib u heshiisiin
ka sameyso dad is dilay, isdhacay,isbara kiciyey,isku haysta bad iyo
beerba.
Mise waa madaxweyne xukun ku qabsaday awood iyo
itaal,oo raba inuu dadka hubka kaga dhigo xoog iyo awood lagu wado
amar culus,runtii arrintaasi waxay igalisaa walaac badan iyo rajo
beel iyo waliba saluugmo ,oo waxaa is iraahdaa tolow tani maxay ku
dambeyn.
Haddaba ugu dambeyntii waxaa u soo jeedinayaa
madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf inuu hoos u dhimo karka iyo kulaylka
hadaladiisa, oo uu ku beddelo kuwo ka qaboow oo dadka soo jiita oo u
muuqda inay ka soo baxayaan oday reer u weeyn, oo loo cimaamaday
inuu reerka ugu taliyo wanaag, isla markaasna uu gacan yarayaashiisa
talada wax ka siiyo,oo uusan isku dayin awood maquunin iyo xukun
marooqsi ku dhisan kali talisnimo.
Dhanka kale waxaan iyana u soo jeedinayaa
Xildhibaanada iyo Wasiirada kaleba ee ka tirsan Dawladda in ay
iyaguna ma dhib yaree ay joojiyaan xiisadaha iyo bala abuurka iyo
baas maleegga, isla markaasna ay si fiican ula shaqeeyaan
Madaxweynaha ay iyagu soo doorteen, iyaga oo wada xasuusan in
Dawladaani ay tahay mid loogu daneeyey iyaga oo dhan oo ah mid aan
ku imaan Ummadda Rabitaankeeda iyo xulashadeeda, balse ku timi in
Qabqablayaasha iyo Dagaal ooga yaasha 15sano dalka Soo walaaqayey
lagu samriyo. si haddi ay xil rabeen loogu magacaabo ayna dalka ku
xukumaan hab Dawladnimo, meesha ay qaab jabhadeed ay dalka ugu kala
haysan lahaayeen.
Waxaase muuqata in ay arrintu tahay(waano abuuris
baa ka horeysay) oo waxaa arkaa in kuwo badani ayba danayneyn in ay
noqdaan Dawlad ee ay uga macaan tahay Jabhadnimadu.
Ugu dambeyntii, waxaan u rajeynayaa DFKMG
Soomaaliyeed in ay ka baxdo khilaafka iyo kala qayb sanaanta iyo
iska soo horjeedka,keeni kara isku dhac iyo dagaal sokeeye ee dadka
iyo dalka naafeeya, daacadi haddii ay jirto dalku uma baahna Ciidamo
tiro badan ee hubka dhigis sameeya, balse waxaa loo baahan yahay
goobjooga yaal hubka meelaha lagu aruurinayo Jooga,oo kor ka indha
indheeya,sida ay wax u socdaan,shacabka Soomaaliyeed wuxuu rabaa
dawlad ee waxa u muuqda in ay san dawlad noqoni waa kuwa laga dhigay
Masuuliyiinta,waxaan alle ka baryayaa inuu ku dumo wanaagga iyo
isjacaylka Shacabka iyo Masuuliyiintaba Soomaaliyeed Aamin.
Moxamed Shiikh Moxamuud(Garyare)
Uk, London
dini_89@hotmail.com
Garyare maqaaladiisii hore qaar ka mid ah
riix #s-ka 1-5
|1|2|3|4|6|
F. G: Qoraalada haray ee Garyare dib baan ugu soo dari
doonaa haddii uu Rabi idmo kuwa kor ku qoran.
Fariinta ay wataan
maqaalada dhowrka ah ee sare ku qoran waxay gaar u tahay qoraha uu
magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|
|