HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Tuesday,  July 5,  2005


Maxaa  ka  dambeeya khilaafka  sii Kordhaya ee DFKMG Soomaaliya.
 

Ka dib, markii uu   guul daro ku soo dhammaaday  kulankii  lagu dhexdherxaadinayey  labada Mas'uul ee ugu sareysa DFKMG Soomaaliyeed ee kala ah  Madaxweynaha  Kornel Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo  Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Mudane  Shariif  Xasan Sh.Adan, kulankas oo ka dhacay Magaaladda Sanca ee Dalka Yeman , ayna ka qayb qaateen Mas'uuliyiin  ka tirsan  Dawladda Yeman oo uu ka midka ahaa  Madaxweyne  Cali Cabdille Saalax, wadahadalkaas oo qaatay  muddo dhawr Malmood ah, ayaa ku soo gaba gaboobay  natiijo la aan , iyada oo labada masuul  uu mid walba  sidii caadada u ahayd uu ku  dhagay  Go'aankiisii Hore ee uu meesha la tagay, taas oo keentahay  rajo xumo  kusii korortay  waxii laga filayey  labadaas mas'uul  ee ahaa  in ay isku tanasulaan.

Markii  shirkii dammaaday, ayuu Afhayeenka  Baarlamaanku  u ambabaxay Magaaladda Jabuuti ee dalka Jabuuti, halkaas oo uga qayb galay  Dabaaldagii Xuska Maalintii Qaranimada  Dalkaas oo ku aadanayd 27/6/77kii.

Afhayeenku wuxuu  kula kulmay  Madax ka tirsan Dawladda Jabuuti oo uu ka mid  ahaa Madaxweyne  Ismaaciil Cumar Gelle, iyagoo ka wada hadlay  sidii loo xalin lahaa  khilaafaadka  ku shexjira  dawladda F Soomaaliyeed.

Waxaa kale  oo  u kala kulmay Jabuuti Afhayeenku, Wakiilka  Qaramada Midoobay ee Dalka Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadlay  sidii loo soo afjari lahaa khilaafka iyo waliba sidii  qaramada midoobay ay gacan uga gaysan lahayd hawlaha  nabadeynta iyo isbaaro qaadida ee muqdisho ay ka wadaan xubnaha laba Gole, iyada oo hay'adda  UNDP  ay  ka qayb qaadan doonto  Kharajka  ku baxaya  Xeryaha Ciidanka ee  Hiilweyne iyo  Laanta Buuro oo ay ku jiraan Ciidan dhan 1500  oo qof.

Dhanka kale, waxaa  muddo ku sii  harsanaa  Dalka Yeman Madaxweyne  Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ka dib markii uu ka soo ammabaxay  Afhayeenka  Mudane Shariif  Xasan Shiikh, ayada oo ay warar  sheegayaan inuu  halkaas ugu sii lug dambeedinayey hawlo la xariira , isagoo si gaar ah wada hadal ula yeeshay Madaxweynaha  Dalka Yeman Mudane Cali Cabdulle Saalax, si uu  ugu fidiyo  Taageero  Dhaqaale iyo mid Ciidanba DFKMG Soomaaliyeed, oo isadu rabta in ay ku sii hakato Magaaladda  Jawhar iyo Baydhabo inta  laga Aslaaxinayo Muqdisho  oo ah meel aan hadda lagu deg deg  karin  oo aan amaan ahayn, waa sida warka loo dhigaye.

Waxaa la sheegayaa  inuu Madaxweyne  Cabdullaahi Yuusuf  Axmed oo ay sido Dayuurad  kuwa ciidamada ah ee dalka Yeman uu ka degay  Garoonka Daryuuradaha  ee Magaaladda Boosaaso 1/7/2005kii, ayada oo warar kalena ay sheegayaan  in ay dayuuradaas  u saarnaayeen  Hub iyo Saraakiil  sar sare ee ka tirsan Ciidamada Dalka Yeman.

Arrintaas Darteed, ayaa waxaa  war saxaafadeed ka soo saaray  Shirkii ay shalay ku yeesheen Xaruntii Hore XHKSoomaaliyeed ee Magaaladda Muqdishu  oo hadda  ah Fariisinka Xubnaha labada gole  DFKMG Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho, dhammaan xubnihii shirkaas  ka qayb galay  iyagoo ku eedeeyey  saddexda Waddan ee kala ah Dalka  Talyaaniga, Dalka Itoobiya iyo Dalka Yeman  in ay  mushkilad ku yihiim  Arrimaha  Dawladda FKMG Soomaaliya, iyagoo  la safan  hal garab oo ah Garabka uu Hogaamiyo Madaxweyne Cabdulaahi  Yuusuf.

Waxaa kale oo ay sheegeen in  dawladda Yeman ay  Hub ka soo dajisay Magaaladda Boosaaso hubkaas oo ay waday Dayaaradii  uu la socday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf  markii uu ka soo degay  Garoonka Boosaso  1/7/2005kii, waxaa kale oo ay sheegeen  inuu ku soo jeedo halkaas  Marka isna sida hub waa sida ay hadalka u sheegeene.

Dhanka kale waxay eed u soo jeediyeen Dawladda Talyaaniga oo ay ku eedeeyeen inay Macaawimo  gaar ah  uga soo  dajisay  Garabka  Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ee ku sugan Magaaladda Jawhar,garoonka Cisale, macaawimadaas oo ka kooban  TENDOOYIN iyo Matooro Nalka, iyo waliba qalabka Guryaha la isku  xirxiro, oo la rabo in loogu dagaameeyo  Dawladda si ay  ugu sii shaqeeyaan Magaaladda Jawhar, iyaga oo  ku dhaliilay Dawladda Talyaaniga inaysan wax gacan ah ka gaysan Arrimaha Nabadda iyo Xaraynta Malaysiyooyinka iyo Waliba Qaadista Isbaarooyinka ee Magaaladda Muqdisho ay ka wadaan.

Waxaa kaloo baryahaan dambe iyana soo baxahayey in  Xubnaha  Muqdisho ku sugane ay  iyaguna hub ka heleen  dalka Eratereeya , iyada oo uu eedayn u soo jeediyey  Ninka ka taliya  Gobolka Dhexe  Moxamed Dheere, ninkaas oo  ku garab ah  Raiisal Wasaare Geedi iyo  Madaxweyne  Cabdullaahi Yuusuf, isagoo ah ninka  u meel mariyey inay dawladdu ka dagto Jawhar, in kastoo dhawr jeer hadalla kala gesidan ay ka soo kala yeereen, iyada oo hadaladiisu ay isburinayeen.

Moxamed Dheere, ayaa dhawr jeer eedayn u soo jeediyey  Qaar ka mid ah  Ganacsatada  Ku sugan Magaaladda  Muqdisho iyo Waliba ninka isaguna ka taliya Gobolka Sh/hoose  Yuusuf Indhacadde, oo uu  ku eedeeyey inay  gacan siinayaan  arrimo  lagu damacsan yahay in weerar lagu soo qaado Gobolka Sh/hoose  oo ah meesha ay  Dawladdu Fariisinka ka dhigatay,waxaa  kale oo uu  iyana  eedeyn taas la mid ah u soo jeediyey  Wasiirada Hubaysan ee Muqdisho Qaar ka mid ah, sida   Qanyare, iyo  Muuse  Suude oo uu  ku eedeeyey  in ay wadaan  arrimo  la rabo in lagu soo  weeraro  Magaaladda Jawhar, balse ay  iska difaaci doonaan.

Waxaa kaloo la sheegayaa inuu Damacsan yahay Ra''sal Wasaare Geedi inuu xilalka ka qaado  Wasiiradda  ka midka ah  Dawladdiisa ee ka so horjeeda  ficradaha Dawladiisa ee  iyagu  u banaan baxay  mucaarad nimo iyo  iskor istaag  wax alla waxii  tillaabo ah ee dawladu ay qaadi lahaydba.

Waxaa hadalkaas uga jawaabay  Wasiirka Amniga Qaranka  Mudane  Moxamed Afrax ( Qanyare) oo sheegay  in haddii uu xilka  ka qado Geedi, u isna xilka qaadi doono Geedi, wa sida uu dahalka u yidhi  eeh.

Waxaa xusid mudan  inuu dhawaan usoo jeediyey  Afhayeenka Baarlamaanku Mudane  Shariif Xasan Shiikh, hadal  kulul oo canaan ah  xunhana Hubeeyesan ee golayaasha Dawladda ee Muqdisho ku sugan ee ku saabsan  inuu quus ka yahay  meel marin la'aanta waxii la isku ogaa, sida Qaadista Isbaarooyinka oo ay muuqato in ay  Saynta ugu taagan tihiin  qaar ka mid ah  Ragga hadda ku sugan Muqdisho,iyo  waliba Maamul u sameynta Gobolka banaadir, isagoo sheegay  inuu is casili doono haddii aysan  tillaabo qaadin deg deg ah.

Waxaa  soo afjarmay  ku sugnaantii Dawladda  ee Dalka Kinya , iyadoo  intii dabnayn ee Goloyaashu ay u kala ambaxaxeen Gobollada Dalka, iyagoo kala wata Afkaaro kala gedisan, isla markaasna ay qolo walba  abaabul ka wado  Gobolladaas.

Waxaa muuqata in dalku uu galay Marxalad cusub iyo waliba jawi Colaadeed, oo runtii ah mid ka sii dhib badnaan doona  waqtigii la soo dhaafay, iyada oo ay muuqato  in   coladu ay ka huri doonto  Goobo badan ee Dalka iyadoo ayba markii hore ka sii shidnayd  Gobollada qaarkood.

Waxaa Dhawaalle Shirar ka soconayeen  Gobollada  Bakool iyo Hiiraan  kuwaas  oo u badan kuwo ay wadaan  Mas'uuliyiinta  Taabacsan Madaxweynaha  Cabdullaahi Yuusuf, iyada oo la sheegayo in ay shirarkaas  ka soo qayb galaan Saraakiil ka tirsan Dawladda Itoobiya, iyada oo wararka qaarkood ay sheegayaa in ay Gobolladaas  ku sugan yihiin Ciidamo lagu soo tababaray  Dalka Itoobiya oo ka mid noqonaya  Ciidamka  Qalabka  Sida ee Soomaaliya, iyada oo dawladdu  ay  rabto in ay  dajiso Wasaaradda Gaashaan dhiiga  Magaaladda Baladweyne, halkaas oo  xuduud la ah dalka Itoobiya oo lagu  xanto inay xiriir durugsan la leeyihiin  Madaxweyne Cabdullaahi Yuuusuf iyo Wasiirka Koowaab Prof.Geedi .

Iyada oo  kooxda Afhayeenka  Baarlamaanku ay u aragto  Dawladda Itoobiya mid aan dhex dhexaad ka ahayn  Arrimaha Soomaaliya oo ah mid la jirta  hal dhinac isla markaana aanba doonayn in Soomaaliya Wax u hagaagaan waa sida uu hadalka u dhahee.

Qodob kale ayaa ku soo kordhay  Qodobadii  la isku muran sanaa , kaas oo ah  inuu  kala diray Golaha Baarlamaanka  Shirarkoodii  Muddo laba bilood ah, oo uusan goluhu  qaban karin wax shir ah, balse qodobkaas waxaa  ka hor yimi  Afhayeenka Baarlamaanka oo ku tilmaamay  ku xad gudub kale oo uu gaysanayo Madaxweynuhu, isagoo sheegay Afhayeenku inuusan  awood u lahayn inuu kala  diro Barlamaanka Madaxweynuhu.

Sidaas darteedna  uu furan yahay hawlihii shirarka ee ay wadeen  Golaha  Baarlamaanku, isagoo ugu baqay  dhammaan xubnaha Baarlamaanku inay shir muhiin ah ka soo qayb galaan ee lagu qabanayo Muqdisho, shirkaas oo dhawr jeer dhib u dhigid ay ku timi, balse qabsoomay 2/7/05, lana  sheegayo in ay san ka soo qayb galin  tiradii xubnihii la rabay in ay shirka meel  mar ka dhigaan qabsoomidiisa iyo waliba waxii go'aano ah ee ka soo bixi lahaaba, iyada oo la sheegayo inaysan ka soo qayb galin xubno  muhiin ah oo ku sugan Muqdisho iyo gobolle  kale ee dalka  kuwaas oo ku mowqif ahaa  Shariifka, arrintaas oo walaac ay ka muujinayaan  xubnaha kale ee shirka ka qayb galay.

Waxaa habac galay  hawlihii  ay wadeen  xubnaha Labada Gole ee Muqdisho  ku sugan , taas oo wararka qaarkood ay sheegayaa inuu khilaaf jiro isla markaasna waxaa  shalay la magacaanay shan xubnood oo iyagu  nabadeyn ka dhex sameeya xubnaha is-khilaafsan ee Muqdisho.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa isaguna wali ku sugan  Magaladda Boosaaso, isaga oo la sheegayo inuu halkaas shirar kula leeyahay  Mas'uuliyiinta Gobolladaas, iyada oo la sheegayo inuu damacsan yahay inuu  taakulayn ka helo  isugu jirta mid  dhaqaale iyo mid Ciidanba.

Iyada oo sida la ogyahay ay xiisad colaadeed wayahaanba ay ka dhex jirto  Labada  Dawlad Goboleed ee  Soomaali Land  iyo Puntiland kuwaas oo isku haya  Arrimaha Gobolada Sool iyo Sanaag , oo qolo walba ayagu ay sheeganayaan inuu ka mid yahay Maamuladooda, iyagoo dhawr jeer ay dagaallo ku  dhexmareen Degaanka ARICADEYE oo ka tirsan Gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa Baryahaan  soo kordhayey  Falal dilal iyo kala aargoosi ah oo ka dhex dhacayey  dadka ku dhaqan Degaanada  Puntiland, taas oo keentay  , inuu dhawr jeer hakad galo isku socodkii  Gaadiidka iyo Waliba iyadoo Gobolka Mudug Gaar ahaan  Degmada Gaalkacyo  lagu soo rogay Bandoow iyadoo la keenay Ciidamo fara badan, ka dib markii  khalkhal uu galay amaankii Degmadaas.

Marka  iyadoo laga duulayo dhacdooyinkas ka  taagan Puntiland  ayaa  dadka  wax ka odorasaa Arrimaha Soomaaliya waxa sheegayaan  inuu cabdullaahi muddo uu ku sii sugnaan doono Gobollada Puntiland, si uu  u soo afjaro khilaafaadka ka jira halkaas, maadaama uu rabo inay noqdaan Gobolladaas meelaha Dawladdiisu  ay ka heli doono  Taageerada ugu weyn.

Isku soo wada Duuboo  waxaa  caddaan ah  Akhristoow ama dhageystoow inuu wadanku  hadda galay Marxalad cusub oo  kala guur ah oo leh khatarteeda, una badan inuu dalka ka dhaco dagaal Sokeeye ,kaas oo la isku kala reebayo oo ay kooxiba rabto inay iyadu gacan sarreyso, balse tii alle waa meesheeda, wananu leenahay Ilaahow adigu Na caymi  Aamiin.

---------oOo------------

SHIRKA  NABADEYNTA  BEELAHA SADE EE G/HAAREY GUUL BAA LAGA SUGAYAA IYO SOO AF JARIDDA  KHILAAFAADKA .

Tan  iyo dhacdadii ka dhacday Degnmada  b/dhuubo bilihii la soo dhaafay, waxaa ka socday degaanka gobolka gedo  dhaqdhaqaaq ballaaran , oo  looga hortagayo  in aan  wax yeelo dambe aysan ka dhex dhicin labada beelood ee walaalaha ah , ee xoogaaga dhibta ahi ay baryaan dhexdooda  ku soo noqnoqonaysay, iyada oo ay arrintaasi u istaageen  dad badan oo wax garad ah, oo ku dhaqan  dhammaan deegaanka Gobolka, uuna ugu horreeyo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Cumar Ugaas Xersi, oo ka shanaya  Nabadoono, siyaasiyiin, saraakiil, aqoon yahano iyo waliba wax garad kale oo ka kooban dhammaan  beesha  Sade, kuwaas oo u kala dabqaadaya  labada Jifo ee kala ah  XASAN GAALSHIREDLE iyo  Reer SIYAAD Ugaas Diini, iyada oo lagu guuleystay  qaybtii hore ee dhexdhexaadinta.

Qaybtaas oo  ka koobnayd , 1- in ciidanka  la kala qaado meelaha ay isku hor fadhiyaan. 2- in  meelo cayiman laka dajiyo inta hawshu dhamaanayso. 3-in wada hadalka dambe uu ka furmo xarunta Gobolka G/haarey 5/7/05.

Arrintaas oo lagu guulaystay, isla markaasna  ay  g/haarey yimaadeen  dhammaan odayaashii Mataleysay  Beesha  XASAN  Gaalshiredle, iyaga oo uu hor kacayo  nabadoonkii guud ee beesha, halkaasna loogu soo dhaweeyey si diiran iyo farxad ay ka muuqato.

Waxaa kale oo iyana maalmahaan ku sii qulqulaya  Halkaas  ,Ergooyin  isugu jira  Xildhibaano, siyaasiyiin, aqoon yahano iyo wax garad kale ,oo ka amba baxay Magaaladda Nayroobi, kuwaas oo danaynaya in ay ka qayb qaataan hawlaha ka socda  Halkaas , iyo waliba  in ay ku kordhiyaan  waxii afkaar ah oo wax ku ool ah , ee la xariirta  waqtiga kala guurka ah, ee ay maanta mareyso Siyaasadda Dalka.

Waxaa ka mid ah  dadka hadda gaaray  G/haarey  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeenta  Mudane  INDHABUUR  Sahyuun iyo Siyaasiga la yiraah. DR .CABDI GUULEED  Fargayah, iyo waliba xubno kale oo aanan halkaan ku soo koobi karin , iyadoo ay horey halkaas ugu sii sugnaayeen  xildhibaano iyo wasiir ku xigeenka  arrimaha Diinta iyo Garsoorka Mudane  YUUSUF  Shiikh Cabdulqadir ( Kanti) iyo Mudane Xildhibaan Nuur Mataan birig.

Iyada oo la rajeynayo in ay wafuud kalana uga soo biiri doonto dhanka Jubba hoose, kuwaas oo iyana gacan ka geysan doona  meel marinta  shirkaas muhiin ka  ah.

Markii hore waxaan filayaa , waxaa lagu mashquul sanaa  hawlihii ka socday  dalka kenya ee ahaa dhismihii Dawladda ee qaadatay ku dhawaad  saddexda sano, iyada oo inta badan  dadku ay ku sii jeedeen arrintaas, oo aysan u gacan banaaneyn  wax ka qabashada iyo  dib u  eegedda  geedi socodka xaaladda Gobolka gedo, balse hadda waxaan og nahay inuu soo afjarnay  arrimihii Nayroobi iyo hurdadii Huteelada jiifka macaanaa.

Lama huraanna uu noqday in loo soo huleelo  Halkii  laga yimi, markaa  waxaa looga fadhiyaa, dhammaan  wax garadka  Maanta u guntaday  wax ka qabadka  mushkilada  dabada dheeraatay ee dhixtaal  in ay midi af badan  ku kala gooyaan  dhibaatadaas, isla markasna  ay ka soo saaraan go'aano  wax looga qabanayo waxii ka gadaal daca ee loogu xad gudbo , heshiiska maanta la gaaro.

Waxaan filayaa in ay taasi fure u noqon doonto, wax alla waxii khilaaf ah ee ka jira gobolka, ayna keeni doonto  walaalnimo  iyo daris wadaajii lagu yaqiin  beesha Sade.ee Gedooy ,gedo Nabadeed ahaa.

Waxaan meesha ka maqnayn in ay wax ka tari doonto  arrinta  ka aloosan degaanka Degmada Ceel-waaq, arrintaas oo ah mid siyaasadeed oo dabada ku haysa  damac  degaan, iyo dulaan shisheeye aan doonayn nabadda Soomaaliya, kaas oo jecel in mar labaad dab cusubi uu ka huro  degaanada Soomaaliya iyo Walabi kuwa Gobolka Gedo.

Iyadoo  haddii  aan si deg deg ah xal loogu raadin  arrinta ceelwaaq ay halis badani ka imaan doonto, fan faniinkeeduna uu soo gaari doono goobo badan oo ku yaal Gobolka Gedo, marka yaan la isku fiirsan  xaaladda Ceelwaaq.

Waxaan shaki ku jirin inuu shirkaani guul ku dhamman doono haddii allaha awooga  lihi uu idmo, inta ku hawla nina ay  guntiga dhiisha isaga dhigaan  meel marinta iyo  dhameynta  dhammaan qodobada muhiinka ah, iyada oo ay ka soo bixi karto in loo ballamo shir kale oo ka mug weyn .

Shirkaas oo  lagu maareeyo arrimaha Maamul u sameynta Gobolka,maadaama gobolku uu ku yaal meel aad iyo aad xasaasi u ah, isaga oo la leh xad aad u dheer labada dawladood ee Itoobiya iyo kenya  oo labaduba ay muuqato in ay Soomaaliya Maanta ka lee yihiin  Dano fara badan, sidoo kale  ay dawlada  la dhisay, balse kala jaban  ay sheegayso in la dhisayo  Maamul degmeedyo iyo kuwo Gobolba.

Iyadoo ay jiraan haddana, warar kale oo iyana lagu sheegayo  wada tashiyo ka kala socda  Gobollo kale oo gobolka xariir la leh, sida J/hoose iyo Bakool, halkaas  oo ay  kala socdaan  arrimo khuseeya Gobolka, balse laga yaabo inaysan  mas,uuliyiinta  beesha  Sade ee ku sugan Gobolku aysan wax  war gelin ah ka helin amuurtaas, ama wada tashi ah lala soo sameyn, waana runtii mid  dhibteeda leh haddii ay jirto.

Isku soo wada Duubo , waxaa maanta loo fadhiyaa in  la helo  nabad iyo wada naalood dhexmara dhamaan  beesha Sade.

Iyada oo looga baahan tahay  dadka  Qurbaha ku sugan ee u dhashay Beesha Sade inay ka qayb qaataan hawlaha  ka socda  G/haarey ee u baahan gacan ka geysasho ah Talo iyo Dhaqaalaba, wayo ceel uma qodna Ciidanna uma maqna, iyagaa u ah kuwa laga rabo in ay rabintaas naf iyo maalba u huraan, qof wal bow ogoow lama huraan waa  dhulka Hooyo.

Waxaana  loobaahan yahay in kharajka laga qayb qaato, si loogu fuliyo hawlaha socda iyo kuwa ka dambeeyaba, waana in meesha la iska qaadaa , oo rag la iska dhigaa, oo xitaa kii aan dhaqaale haynin uu ummadda u soo bandhigaa  fikradiisa caafimaadka qabta Walaalyaal.
 

------------oOo--------------
 

SANAD WALBA  IYO  RAJO CUSUB  EE  DAWLADNIMO SOOMAALIYEED.

Binu aadmigu  waligiis saddex waqti ayuu ku dhex jiraa , mid la soo dhaafay, mid lagu dhexjiro iyo mid soo socda oo aan la gaarin , isaga oo mid walbana  uu u leeyahay astaan ama xasuus u gaar ah ,oo lagu xasuusnaado.

Marka kan la soo dhaafay ,waxaa lagu xasustaa dhammaan  waxii dhacdooyin ahaa oo lagala kulmay, haday ahaayeen wax fiican iyo wax xunba, ayadoo markaa lagu  bogga  dhacdooyinka  taariikhda si looga dhigto xusuus dhawr ,mar walba dib loo jaleeco.

Midka lagu isaga  waa mid taxane ah , oo aan wali yeelanin  qiimayn  buuxda oo lagu kala saaro dhacdooyinkiisa lagu astaameeyo meesha uu u badan yahay , marka waa laga dhursugaa ilaa uu ka dhamaanayo.

Midka soo socda , marka hore waa loo ducastaa oo loo alle tuugaa, inuu kuu noqdo mid ka hoodo iyo ayaan badan kuwii la soo dhaafay, isla markasna waxaa laga fishaa inuu kuu hagaago oo dabadeed aad kala kulanto, barwaqo iyo baraare iyo waliba basha-bash aad ku iloowdo waxii kaa soo maray oo dhibaato ahaa kuwii aad soo dhaaftay.

Haddaba anigoo dib u jaleecay laga soo bilaabo sanadii 1991kii oo ah xilligii ay burburtay Dawladdii Soomaaliyeed ee Naaso badan ahayd, taas oo ahayd runtii mid ummadu ay ka wada manaafacad san jirtay wax qof walba  ilaah  uga calfayba.

Ayaa dalka waxaa soo maray Taariikh aad iyo aad u fool xun ,oo waxaa soo dhacay , walina socda  dagaallo sokeeye oo geystay  kharaarooyin faro badan  oo naf iyo maalba leh , ayna ku naf waayeen boqolaal kun qofood oo Soomaaliya, halka ay ku lixaad beeleen Boqolaal kun oo kale , iyadoo ay ku bara kaceen Malaayin qoys oo ku hooy iyo hantiba la guda dalka , kuwaas oo aan ku haysan wax daryeel binu aadmi nimo ah haba yaraatee.

Waxaa sidoo kale  qaxooti ku ah  boqol yaalo kun oo qof xeryo ku yaal wadamada  dariska la ah Soomaaliya , kuwaas oo darxumo ku qaba xeryahaas ay ku nool yihiin, halka ay  boqolaal kum dad qaarayaa ay magan  galyo ku joogaa dunida dacaladeeda iyagoo qaxooti ku ah.

Waxaa la baabi'iyey dhamaan  Hantidii Qaranka Soomaliyeed, sida Warshadaihii , Xaafiisyadii, gobihiii lagu fulin jiray  dhammaan Hawlaha adeegga Bulshada, sida  Waxbarashadii,Caafimaadka , Biyaha,Horumarinta Xoolaha,Beeraha, iyo khayraadka Badaha,iyo dhammaan  Isgaarsiintii, Wadooyinkii,Gaadiidkii, Badda, cirka iyo Dhulka, iyo waliba dhammaan xarumihii iyo agabkii  Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, waxaa kaloo cagta la mariyey Bankiyadii Qaranka, iyadoo bareer loo boobay hatidii talay ee ahayd mid dawlo iyo mid dadweynaba.

Haddaba sidaas markii wax u dhacayn, oo aan marayno  ku waad 15 sano , ayaa waxaa ila dheeraaday  waqtigii, anigoo dib u fiiriyey  kuwii aan soo dhaafay , isla markaasna qiimeeyey kan aan ku jirno, dabadeedna u ducaysanaya kuwa soo socda oo ka rajeynaya inuu midkood mar noqdo , midkii dhibta looga bixi lahaa oo dalka iyo dadkuba ay  nabad gelyo  iyo dawlad  laga rajeynayo uu noqdo, ayaan ku bilaabay sidaan:

Sooyaalka  taariikhda, sagaashan iyo kowdii

laga soo bilaaba, soomaaliya dagaal iyo

Soos iyo dhibaatiyo,safeyn la isku dilo iyo

Colaad baas na saaqdoo,hubkiyo Saanadiisii 

Laga saaray bakhaarada, Sawjarkii la kala diraa

Geeri badan Sababoo, Seeftii  Qabiil baa

Seedaha  na goysoo, dadkeenina  sumaysoo

Suluf iyo Haraad  kulul, siigaa  istaagtoo

Wax silloon samayntood, Qabiil lagu sakaan sado

Qarankeenii  Soomaaliya , Sodon sano gadaashood.

Sahaydoo la boobiyo ,  Surimadoo la oodiyo .

Hantidii  Salaamaad ,  Subaxbay dhammaatoo .

Wax soo saar salki beel,Aqoontii Sambay tidhi .

Cudurkuna Samada Fuul, Sayidkii Xumanta iyo .

Sifihii  ibliisb markaas, taariikhda loo suroo

Xaraf siin  Bilowgiis, Lagu safay hikaadoo .

Sarifaadda Magac xumo, sinjigii Gobanimo

Laga  siibay nuxurkii,jabhad lagu sumadaa

USC, SSDHF, SPM, SNM-SNF, USF, SNA, SDM

Wadankii la kala saar, Qaxootina  Safadyoo

Saboolnimo haleeshoo, tuugsiguna sadkood noqoy

Ayadoo aan sabab jirin , Sawjado xumayn tiyo.

Saqiirada La gowracay, waayeelo suuxiyo .

Madka sabada wadayaal,Waxa sayray nabadii.

Baladana u  sacab tumay, sooma koobi karayee,

Wali saamo jiidbaan, sanqartii matiranoo .

Suulkaa u laabane , kuwii saatan noogaliyo

Qabqablaha su'aasha leh, duniduna wax siisoo .

midba gees  sanuud iyo , saanada loogu beegoo

Dagaalkaa sokeeyaha ,  sii wada tiraahdaa.

Sacoodaa u dhalayoo . ubadkoodi  safar sadoo

Dibaday ku suganyiin, iyagoo salaama aa.

Waxa silica lagu dilay, waa kuwii sokeeyaha.

Talo seegtadaanay , xageebaad u socotaa.

Aabahaa soo yaalkiis, Saac ma sii sanaysaa

Su'aal weeye Weydiin ,Xaalkaan ku suganahoo

Sanadkuna dhamaad yahay, saluugmaan ku saynoo

Wali waa safaadkii , iyo  sayr ma weydoo .

Saymahu ma di'in wali, in kastoo sanuun udugi .

Saxan saxo ay soo uri, Saadaadu waxay tahana.

Waan kaa sugaayaa, Akhristoow war  saaxiib

Sanadkana sidoo kale, Asna waan ka sugayaa

Soomaaliya Heshiinteed,Khilaaf uu  ka suuroo

Dowlad  loo sacabo tumo, calankana aan saarno

xumuhuna ay suuraan, sidi qabiil dhammaato.

qofba seexdo nabadiis, saadirkaanu barinaye.

kii saboolka koriyoo, qaxootiga  salka u dhiga.

Soo noqda yiraahdoo, qof waliba sidii sii .

halkuu sabadka ku lahaa, laga saaro farahoo.

Soo dhawaada   Saaxiib, isa saamax laga helo.

Sanad yahoow ad noonoqo, aduunyadu siday tidhi.

Soo jeedintii Qaran ,shirar badan sameynoo .

Heshiis  Sacabo loo tumo, salka looma dhiganoo

in kastoo  la sumad dhabay, baarlamaan  sinjigii

Madaxweyne  soo xulay, khilaafbaa  saameeyo

Safafbaa  dilaacoo ,  weykala safreen badi.

Isna  salaami maayaan,Balay saadinaayaan

Shacabkiina  Saluugmuu, suuqyada la joogaa

waxuu sameeyo mayaqan,su'aal eebe mooyee

Talo kalaba seektaye, waa inuu u soomaa

u sajuudaan rabigood, sameeyaan baryadoo

Sacabada  u taagtaan,Dabadeed  Su'aashaan

Allow sidatan noodhan, adigaa  sad roon lehe

Marka akhristow ama dhageystoow waxaan ka rajeynayaa  sanadka soo socda inuu noo noqdo mid laga helo dawlad iyo nabad iyo barwaaqo wada saameysa dhammaan degaanka Soomaliyeed, isla markaasna lagu  ilaawo waxii na soo gaaray ee dhib iyo  xumaato ahaa, ilaahna uu isagu noo fidiyo xaxmadiisa aduunyo iyo tiisa aakhiro. aamiin.
 

Moxamed Shiikh Moxamud
Garyare, London Uk
dini_89@hotmail.com

 

Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu gaar u yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay. 


allgedo@allgedo.com

 


 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com