|
Allgedo!
Maqaal, Tuesday, July 5, 2005 |
Maxaa ka dambeeya khilaafka sii
Kordhaya ee DFKMG Soomaaliya.
Ka dib, markii uu guul daro ku soo
dhammaaday kulankii lagu dhexdherxaadinayey labada Mas'uul ee ugu
sareysa DFKMG Soomaaliyeed ee kala ah Madaxweynaha Kornel Cabdullaahi
Yuusuf Axmed iyo Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan
Sh.Adan, kulankas oo ka dhacay Magaaladda Sanca ee Dalka Yeman , ayna ka
qayb qaateen Mas'uuliyiin ka tirsan Dawladda Yeman oo uu ka midka ahaa
Madaxweyne Cali Cabdille Saalax, wadahadalkaas oo qaatay muddo dhawr
Malmood ah, ayaa ku soo gaba gaboobay natiijo la aan , iyada oo labada
masuul uu mid walba sidii caadada u ahayd uu ku dhagay Go'aankiisii
Hore ee uu meesha la tagay, taas oo keentahay rajo xumo kusii korortay
waxii laga filayey labadaas mas'uul ee ahaa in ay isku tanasulaan.
Markii shirkii dammaaday, ayuu
Afhayeenka Baarlamaanku u ambabaxay Magaaladda Jabuuti ee dalka
Jabuuti, halkaas oo uga qayb galay Dabaaldagii Xuska Maalintii
Qaranimada Dalkaas oo ku aadanayd 27/6/77kii.
Afhayeenku wuxuu kula kulmay Madax
ka tirsan Dawladda Jabuuti oo uu ka mid ahaa Madaxweyne Ismaaciil
Cumar Gelle, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafaadka
ku shexjira dawladda F Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo u kala kulmay Jabuuti
Afhayeenku, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Dalka Soomaaliya, iyaga oo ka
wada hadlay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka iyo waliba sidii
qaramada midoobay ay gacan uga gaysan lahayd hawlaha nabadeynta iyo
isbaaro qaadida ee muqdisho ay ka wadaan xubnaha laba Gole, iyada oo
hay'adda UNDP ay ka qayb qaadan doonto Kharajka ku baxaya Xeryaha
Ciidanka ee Hiilweyne iyo Laanta Buuro oo ay ku jiraan Ciidan dhan
1500 oo qof.
Dhanka kale, waxaa muddo ku sii
harsanaa Dalka Yeman Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ka dib
markii uu ka soo ammabaxay Afhayeenka Mudane Shariif Xasan Shiikh,
ayada oo ay warar sheegayaan inuu halkaas ugu sii lug dambeedinayey
hawlo la xariira , isagoo si gaar ah wada hadal ula yeeshay Madaxweynaha
Dalka Yeman Mudane Cali Cabdulle Saalax, si uu ugu fidiyo Taageero
Dhaqaale iyo mid Ciidanba DFKMG Soomaaliyeed, oo isadu rabta in ay ku
sii hakato Magaaladda Jawhar iyo Baydhabo inta laga Aslaaxinayo
Muqdisho oo ah meel aan hadda lagu deg deg karin oo aan amaan ahayn,
waa sida warka loo dhigaye.
Waxaa la sheegayaa inuu Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay sido Dayuurad kuwa ciidamada ah ee
dalka Yeman uu ka degay Garoonka Daryuuradaha ee Magaaladda Boosaaso
1/7/2005kii, ayada oo warar kalena ay sheegayaan in ay dayuuradaas u
saarnaayeen Hub iyo Saraakiil sar sare ee ka tirsan Ciidamada Dalka
Yeman.
Arrintaas Darteed, ayaa waxaa war
saxaafadeed ka soo saaray Shirkii ay shalay ku yeesheen Xaruntii Hore
XHKSoomaaliyeed ee Magaaladda Muqdishu oo hadda ah Fariisinka Xubnaha
labada gole DFKMG Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho, dhammaan xubnihii
shirkaas ka qayb galay iyagoo ku eedeeyey saddexda Waddan ee kala ah
Dalka Talyaaniga, Dalka Itoobiya iyo Dalka Yeman in ay mushkilad ku
yihiim Arrimaha Dawladda FKMG Soomaaliya, iyagoo la safan hal garab
oo ah Garabka uu Hogaamiyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf.
Waxaa kale oo ay sheegeen in dawladda
Yeman ay Hub ka soo dajisay Magaaladda Boosaaso hubkaas oo ay waday
Dayaaradii uu la socday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf markii uu ka soo
degay Garoonka Boosaso 1/7/2005kii, waxaa kale oo ay sheegeen inuu ku
soo jeedo halkaas Marka isna sida hub waa sida ay hadalka u sheegeene.
Dhanka kale waxay eed u soo jeediyeen
Dawladda Talyaaniga oo ay ku eedeeyeen inay Macaawimo gaar ah uga soo
dajisay Garabka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ee ku sugan Magaaladda
Jawhar,garoonka Cisale, macaawimadaas oo ka kooban TENDOOYIN iyo
Matooro Nalka, iyo waliba qalabka Guryaha la isku xirxiro, oo la rabo
in loogu dagaameeyo Dawladda si ay ugu sii shaqeeyaan Magaaladda
Jawhar, iyaga oo ku dhaliilay Dawladda Talyaaniga inaysan wax gacan ah
ka gaysan Arrimaha Nabadda iyo Xaraynta Malaysiyooyinka iyo Waliba
Qaadista Isbaarooyinka ee Magaaladda Muqdisho ay ka wadaan.
Waxaa kaloo baryahaan dambe iyana soo
baxahayey in Xubnaha Muqdisho ku sugane ay iyaguna hub ka heleen
dalka Eratereeya , iyada oo uu eedayn u soo jeediyey Ninka ka taliya
Gobolka Dhexe Moxamed Dheere, ninkaas oo ku garab ah Raiisal Wasaare
Geedi iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, isagoo ah ninka u meel
mariyey inay dawladdu ka dagto Jawhar, in kastoo dhawr jeer hadalla kala
gesidan ay ka soo kala yeereen, iyada oo hadaladiisu ay isburinayeen.
Moxamed Dheere, ayaa dhawr jeer eedayn
u soo jeediyey Qaar ka mid ah Ganacsatada Ku sugan Magaaladda
Muqdisho iyo Waliba ninka isaguna ka taliya Gobolka Sh/hoose Yuusuf
Indhacadde, oo uu ku eedeeyey inay gacan siinayaan arrimo lagu
damacsan yahay in weerar lagu soo qaado Gobolka Sh/hoose oo ah meesha
ay Dawladdu Fariisinka ka dhigatay,waxaa kale oo uu iyana eedeyn
taas la mid ah u soo jeediyey Wasiirada Hubaysan ee Muqdisho Qaar ka
mid ah, sida Qanyare, iyo Muuse Suude oo uu ku eedeeyey in ay
wadaan arrimo la rabo in lagu soo weeraro Magaaladda Jawhar, balse
ay iska difaaci doonaan.
Waxaa kaloo la sheegayaa inuu Damacsan
yahay Ra''sal Wasaare Geedi inuu xilalka ka qaado Wasiiradda ka midka
ah Dawladdiisa ee ka so horjeeda ficradaha Dawladiisa ee iyagu u
banaan baxay mucaarad nimo iyo iskor istaag wax alla waxii tillaabo
ah ee dawladu ay qaadi lahaydba.
Waxaa hadalkaas uga jawaabay Wasiirka
Amniga Qaranka Mudane Moxamed Afrax ( Qanyare) oo sheegay in haddii
uu xilka ka qado Geedi, u isna xilka qaadi doono Geedi, wa sida uu
dahalka u yidhi eeh.
Waxaa xusid mudan inuu dhawaan usoo
jeediyey Afhayeenka Baarlamaanku Mudane Shariif Xasan Shiikh, hadal
kulul oo canaan ah xunhana Hubeeyesan ee golayaasha Dawladda ee
Muqdisho ku sugan ee ku saabsan inuu quus ka yahay meel marin la'aanta
waxii la isku ogaa, sida Qaadista Isbaarooyinka oo ay muuqato in ay
Saynta ugu taagan tihiin qaar ka mid ah Ragga hadda ku sugan
Muqdisho,iyo waliba Maamul u sameynta Gobolka banaadir, isagoo sheegay
inuu is casili doono haddii aysan tillaabo qaadin deg deg ah.
Waxaa soo afjarmay ku sugnaantii
Dawladda ee Dalka Kinya , iyadoo intii dabnayn ee Goloyaashu ay u kala
ambaxaxeen Gobollada Dalka, iyagoo kala wata Afkaaro kala gedisan, isla
markaasna ay qolo walba abaabul ka wado Gobolladaas.
Waxaa muuqata in dalku uu galay
Marxalad cusub iyo waliba jawi Colaadeed, oo runtii ah mid ka sii dhib
badnaan doona waqtigii la soo dhaafay, iyada oo ay muuqato in coladu
ay ka huri doonto Goobo badan ee Dalka iyadoo ayba markii hore ka sii
shidnayd Gobollada qaarkood.
Waxaa Dhawaalle Shirar ka soconayeen
Gobollada Bakool iyo Hiiraan kuwaas oo u badan kuwo ay wadaan
Mas'uuliyiinta Taabacsan Madaxweynaha Cabdullaahi Yuusuf, iyada oo la
sheegayo in ay shirarkaas ka soo qayb galaan Saraakiil ka tirsan
Dawladda Itoobiya, iyada oo wararka qaarkood ay sheegayaa in ay
Gobolladaas ku sugan yihiin Ciidamo lagu soo tababaray Dalka Itoobiya
oo ka mid noqonaya Ciidamka Qalabka Sida ee Soomaaliya, iyada oo
dawladdu ay rabto in ay dajiso Wasaaradda Gaashaan dhiiga Magaaladda
Baladweyne, halkaas oo xuduud la ah dalka Itoobiya oo lagu xanto inay
xiriir durugsan la leeyihiin Madaxweyne Cabdullaahi Yuuusuf iyo
Wasiirka Koowaab Prof.Geedi .
Iyada oo kooxda Afhayeenka
Baarlamaanku ay u aragto Dawladda Itoobiya mid aan dhex dhexaad ka
ahayn Arrimaha Soomaaliya oo ah mid la jirta hal dhinac isla markaana
aanba doonayn in Soomaaliya Wax u hagaagaan waa sida uu hadalka u dhahee.
Qodob kale ayaa ku soo kordhay
Qodobadii la isku muran sanaa , kaas oo ah inuu kala diray Golaha
Baarlamaanka Shirarkoodii Muddo laba bilood ah, oo uusan goluhu qaban
karin wax shir ah, balse qodobkaas waxaa ka hor yimi Afhayeenka
Baarlamaanka oo ku tilmaamay ku xad gudub kale oo uu gaysanayo
Madaxweynuhu, isagoo sheegay Afhayeenku inuusan awood u lahayn inuu
kala diro Barlamaanka Madaxweynuhu.
Sidaas darteedna uu furan yahay
hawlihii shirarka ee ay wadeen Golaha Baarlamaanku, isagoo ugu baqay
dhammaan xubnaha Baarlamaanku inay shir muhiin ah ka soo qayb galaan ee
lagu qabanayo Muqdisho, shirkaas oo dhawr jeer dhib u dhigid ay ku timi,
balse qabsoomay 2/7/05, lana sheegayo in ay san ka soo qayb galin
tiradii xubnihii la rabay in ay shirka meel mar ka dhigaan
qabsoomidiisa iyo waliba waxii go'aano ah ee ka soo bixi lahaaba, iyada
oo la sheegayo inaysan ka soo qayb galin xubno muhiin ah oo ku sugan
Muqdisho iyo gobolle kale ee dalka kuwaas oo ku mowqif ahaa Shariifka,
arrintaas oo walaac ay ka muujinayaan xubnaha kale ee shirka ka qayb
galay.
Waxaa habac galay hawlihii ay wadeen
xubnaha Labada Gole ee Muqdisho ku sugan , taas oo wararka qaarkood ay
sheegayaa inuu khilaaf jiro isla markaasna waxaa shalay la magacaanay
shan xubnood oo iyagu nabadeyn ka dhex sameeya xubnaha is-khilaafsan ee
Muqdisho.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa
isaguna wali ku sugan Magaladda Boosaaso, isaga oo la sheegayo inuu
halkaas shirar kula leeyahay Mas'uuliyiinta Gobolladaas, iyada oo la
sheegayo inuu damacsan yahay inuu taakulayn ka helo isugu jirta mid
dhaqaale iyo mid Ciidanba.
Iyada oo sida la ogyahay ay xiisad
colaadeed wayahaanba ay ka dhex jirto Labada Dawlad Goboleed ee
Soomaali Land iyo Puntiland kuwaas oo isku haya Arrimaha Gobolada Sool
iyo Sanaag , oo qolo walba ayagu ay sheeganayaan inuu ka mid yahay
Maamuladooda, iyagoo dhawr jeer ay dagaallo ku dhexmareen Degaanka
ARICADEYE oo ka tirsan Gobolka Sool.
Sidoo kale waxaa Baryahaan soo
kordhayey Falal dilal iyo kala aargoosi ah oo ka dhex dhacayey dadka
ku dhaqan Degaanada Puntiland, taas oo keentay , inuu dhawr jeer hakad
galo isku socodkii Gaadiidka iyo Waliba iyadoo Gobolka Mudug Gaar ahaan
Degmada Gaalkacyo lagu soo rogay Bandoow iyadoo la keenay Ciidamo fara
badan, ka dib markii khalkhal uu galay amaankii Degmadaas.
Marka iyadoo laga duulayo
dhacdooyinkas ka taagan Puntiland ayaa dadka wax ka odorasaa
Arrimaha Soomaaliya waxa sheegayaan inuu cabdullaahi muddo uu ku sii
sugnaan doono Gobollada Puntiland, si uu u soo afjaro khilaafaadka ka
jira halkaas, maadaama uu rabo inay noqdaan Gobolladaas meelaha
Dawladdiisu ay ka heli doono Taageerada ugu weyn.
Isku soo wada Duuboo waxaa caddaan
ah Akhristoow ama dhageystoow inuu wadanku hadda galay Marxalad cusub
oo kala guur ah oo leh khatarteeda, una badan inuu dalka ka dhaco
dagaal Sokeeye ,kaas oo la isku kala reebayo oo ay kooxiba rabto inay
iyadu gacan sarreyso, balse tii alle waa meesheeda, wananu leenahay
Ilaahow adigu Na caymi Aamiin.
---------oOo------------
SHIRKA NABADEYNTA BEELAHA SADE
EE G/HAAREY GUUL BAA LAGA SUGAYAA IYO SOO AF JARIDDA KHILAAFAADKA .
Tan iyo dhacdadii ka dhacday Degnmada b/dhuubo bilihii
la soo dhaafay, waxaa ka socday degaanka gobolka gedo dhaqdhaqaaq
ballaaran , oo looga hortagayo in aan wax yeelo dambe aysan ka dhex
dhicin labada beelood ee walaalaha ah , ee xoogaaga dhibta ahi ay
baryaan dhexdooda ku soo noqnoqonaysay, iyada oo ay arrintaasi u
istaageen dad badan oo wax garad ah, oo ku dhaqan dhammaan deegaanka
Gobolka, uuna ugu horreeyo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Cumar Ugaas Xersi,
oo ka shanaya Nabadoono, siyaasiyiin, saraakiil, aqoon yahano iyo
waliba wax garad kale oo ka kooban dhammaan beesha Sade, kuwaas oo u
kala dabqaadaya labada Jifo ee kala ah XASAN GAALSHIREDLE iyo Reer
SIYAAD Ugaas Diini, iyada oo lagu guuleystay qaybtii hore ee
dhexdhexaadinta.
Qaybtaas oo ka koobnayd , 1- in
ciidanka la kala qaado meelaha ay isku hor fadhiyaan. 2- in meelo
cayiman laka dajiyo inta hawshu dhamaanayso. 3-in wada hadalka dambe uu
ka furmo xarunta Gobolka G/haarey 5/7/05.
Arrintaas oo lagu guulaystay, isla
markaasna ay g/haarey yimaadeen dhammaan odayaashii Mataleysay
Beesha XASAN Gaalshiredle, iyaga oo uu hor kacayo nabadoonkii guud ee
beesha, halkaasna loogu soo dhaweeyey si diiran iyo farxad ay ka muuqato.
Waxaa kale oo iyana maalmahaan ku sii
qulqulaya Halkaas ,Ergooyin isugu jira Xildhibaano, siyaasiyiin,
aqoon yahano iyo wax garad kale ,oo ka amba baxay Magaaladda Nayroobi,
kuwaas oo danaynaya in ay ka qayb qaataan hawlaha ka socda Halkaas ,
iyo waliba in ay ku kordhiyaan waxii afkaar ah oo wax ku ool ah , ee
la xariirta waqtiga kala guurka ah, ee ay maanta mareyso Siyaasadda
Dalka.
Waxaa ka mid ah dadka hadda gaaray
G/haarey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeenta
Mudane INDHABUUR Sahyuun iyo Siyaasiga la yiraah. DR .CABDI GUULEED
Fargayah, iyo waliba xubno kale oo aanan halkaan ku soo koobi karin ,
iyadoo ay horey halkaas ugu sii sugnaayeen xildhibaano iyo wasiir ku
xigeenka arrimaha Diinta iyo Garsoorka Mudane YUUSUF Shiikh
Cabdulqadir ( Kanti) iyo Mudane Xildhibaan Nuur Mataan birig.
Iyada oo la rajeynayo in ay wafuud
kalana uga soo biiri doonto dhanka Jubba hoose, kuwaas oo iyana gacan ka
geysan doona meel marinta shirkaas muhiin ka ah.
Markii hore waxaan filayaa , waxaa
lagu mashquul sanaa hawlihii ka socday dalka kenya ee ahaa dhismihii
Dawladda ee qaadatay ku dhawaad saddexda sano, iyada oo inta badan
dadku ay ku sii jeedeen arrintaas, oo aysan u gacan banaaneyn wax ka
qabashada iyo dib u eegedda geedi socodka xaaladda Gobolka gedo,
balse hadda waxaan og nahay inuu soo afjarnay arrimihii Nayroobi iyo
hurdadii Huteelada jiifka macaanaa.
Lama huraanna uu noqday in loo soo
huleelo Halkii laga yimi, markaa waxaa looga fadhiyaa, dhammaan wax
garadka Maanta u guntaday wax ka qabadka mushkilada dabada
dheeraatay ee dhixtaal in ay midi af badan ku kala gooyaan
dhibaatadaas, isla markasna ay ka soo saaraan go'aano wax looga
qabanayo waxii ka gadaal daca ee loogu xad gudbo , heshiiska maanta la
gaaro.
Waxaan filayaa in ay taasi fure u
noqon doonto, wax alla waxii khilaaf ah ee ka jira gobolka, ayna keeni
doonto walaalnimo iyo daris wadaajii lagu yaqiin beesha Sade.ee
Gedooy ,gedo Nabadeed ahaa.
Waxaan meesha ka maqnayn in ay wax ka
tari doonto arrinta ka aloosan degaanka Degmada Ceel-waaq, arrintaas
oo ah mid siyaasadeed oo dabada ku haysa damac degaan, iyo dulaan
shisheeye aan doonayn nabadda Soomaaliya, kaas oo jecel in mar labaad
dab cusubi uu ka huro degaanada Soomaaliya iyo Walabi kuwa Gobolka Gedo.
Iyadoo haddii aan si deg deg ah xal
loogu raadin arrinta ceelwaaq ay halis badani ka imaan doonto, fan
faniinkeeduna uu soo gaari doono goobo badan oo ku yaal Gobolka Gedo,
marka yaan la isku fiirsan xaaladda Ceelwaaq.
Waxaan shaki ku jirin inuu shirkaani
guul ku dhamman doono haddii allaha awooga lihi uu idmo, inta ku hawla
nina ay guntiga dhiisha isaga dhigaan meel marinta iyo dhameynta
dhammaan qodobada muhiinka ah, iyada oo ay ka soo bixi karto in loo
ballamo shir kale oo ka mug weyn .
Shirkaas oo lagu maareeyo arrimaha
Maamul u sameynta Gobolka,maadaama gobolku uu ku yaal meel aad iyo aad
xasaasi u ah, isaga oo la leh xad aad u dheer labada dawladood ee
Itoobiya iyo kenya oo labaduba ay muuqato in ay Soomaaliya Maanta ka
lee yihiin Dano fara badan, sidoo kale ay dawlada la dhisay, balse
kala jaban ay sheegayso in la dhisayo Maamul degmeedyo iyo kuwo
Gobolba.
Iyadoo ay jiraan haddana, warar kale
oo iyana lagu sheegayo wada tashiyo ka kala socda Gobollo kale oo
gobolka xariir la leh, sida J/hoose iyo Bakool, halkaas oo ay kala
socdaan arrimo khuseeya Gobolka, balse laga yaabo inaysan
mas,uuliyiinta beesha Sade ee ku sugan Gobolku aysan wax war gelin ah
ka helin amuurtaas, ama wada tashi ah lala soo sameyn, waana runtii mid
dhibteeda leh haddii ay jirto.
Isku soo wada Duubo , waxaa maanta loo
fadhiyaa in la helo nabad iyo wada naalood dhexmara dhamaan beesha
Sade.
Iyada oo looga baahan tahay dadka
Qurbaha ku sugan ee u dhashay Beesha Sade inay ka qayb qaataan hawlaha
ka socda G/haarey ee u baahan gacan ka geysasho ah Talo iyo Dhaqaalaba,
wayo ceel uma qodna Ciidanna uma maqna, iyagaa u ah kuwa laga rabo in ay
rabintaas naf iyo maalba u huraan, qof wal bow ogoow lama huraan waa
dhulka Hooyo.
Waxaana loobaahan yahay in kharajka
laga qayb qaato, si loogu fuliyo hawlaha socda iyo kuwa ka dambeeyaba,
waana in meesha la iska qaadaa , oo rag la iska dhigaa, oo xitaa kii aan
dhaqaale haynin uu ummadda u soo bandhigaa fikradiisa caafimaadka qabta
Walaalyaal.
------------oOo--------------
SANAD WALBA IYO RAJO CUSUB EE
DAWLADNIMO SOOMAALIYEED.
Binu aadmigu
waligiis saddex waqti ayuu ku dhex jiraa , mid la soo dhaafay, mid lagu
dhexjiro iyo mid soo socda oo aan la gaarin , isaga oo mid walbana uu u
leeyahay astaan ama xasuus u gaar ah ,oo lagu xasuusnaado.
Marka kan la soo dhaafay ,waxaa lagu
xasustaa dhammaan waxii dhacdooyin ahaa oo lagala kulmay, haday
ahaayeen wax fiican iyo wax xunba, ayadoo markaa lagu bogga
dhacdooyinka taariikhda si looga dhigto xusuus dhawr ,mar walba dib loo
jaleeco.
Midka lagu isaga waa mid taxane ah ,
oo aan wali yeelanin qiimayn buuxda oo lagu kala saaro dhacdooyinkiisa
lagu astaameeyo meesha uu u badan yahay , marka waa laga dhursugaa ilaa
uu ka dhamaanayo.
Midka soo socda , marka hore waa loo
ducastaa oo loo alle tuugaa, inuu kuu noqdo mid ka hoodo iyo ayaan badan
kuwii la soo dhaafay, isla markasna waxaa laga fishaa inuu kuu hagaago
oo dabadeed aad kala kulanto, barwaqo iyo baraare iyo waliba basha-bash
aad ku iloowdo waxii kaa soo maray oo dhibaato ahaa kuwii aad soo
dhaaftay.
Haddaba anigoo dib u jaleecay laga soo
bilaabo sanadii 1991kii oo ah xilligii ay burburtay Dawladdii
Soomaaliyeed ee Naaso badan ahayd, taas oo ahayd runtii mid ummadu ay ka
wada manaafacad san jirtay wax qof walba ilaah uga calfayba.
Ayaa dalka waxaa soo maray Taariikh
aad iyo aad u fool xun ,oo waxaa soo dhacay , walina socda dagaallo
sokeeye oo geystay kharaarooyin faro badan oo naf iyo maalba leh ,
ayna ku naf waayeen boqolaal kun qofood oo Soomaaliya, halka ay ku
lixaad beeleen Boqolaal kun oo kale , iyadoo ay ku bara kaceen Malaayin
qoys oo ku hooy iyo hantiba la guda dalka , kuwaas oo aan ku haysan wax
daryeel binu aadmi nimo ah haba yaraatee.
Waxaa sidoo kale qaxooti ku ah boqol
yaalo kun oo qof xeryo ku yaal wadamada dariska la ah Soomaaliya ,
kuwaas oo darxumo ku qaba xeryahaas ay ku nool yihiin, halka ay
boqolaal kum dad qaarayaa ay magan galyo ku joogaa dunida dacaladeeda
iyagoo qaxooti ku ah.
Waxaa la baabi'iyey dhamaan Hantidii
Qaranka Soomaliyeed, sida Warshadaihii , Xaafiisyadii, gobihiii lagu
fulin jiray dhammaan Hawlaha adeegga Bulshada, sida
Waxbarashadii,Caafimaadka , Biyaha,Horumarinta Xoolaha,Beeraha, iyo
khayraadka Badaha,iyo dhammaan Isgaarsiintii, Wadooyinkii,Gaadiidkii,
Badda, cirka iyo Dhulka, iyo waliba dhammaan xarumihii iyo agabkii
Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, waxaa kaloo cagta la mariyey
Bankiyadii Qaranka, iyadoo bareer loo boobay hatidii talay ee ahayd mid
dawlo iyo mid dadweynaba.
Haddaba sidaas markii wax u dhacayn,
oo aan marayno ku waad 15 sano , ayaa waxaa ila dheeraaday waqtigii,
anigoo dib u fiiriyey kuwii aan soo dhaafay , isla markaasna qiimeeyey
kan aan ku jirno, dabadeedna u ducaysanaya kuwa soo socda oo ka
rajeynaya inuu midkood mar noqdo , midkii dhibta looga bixi lahaa oo
dalka iyo dadkuba ay nabad gelyo iyo dawlad laga rajeynayo uu noqdo,
ayaan ku bilaabay sidaan:
Sooyaalka taariikhda, sagaashan iyo kowdii
laga soo bilaaba, soomaaliya dagaal iyo
Soos iyo dhibaatiyo,safeyn la isku dilo iyo
Colaad baas na saaqdoo,hubkiyo Saanadiisii
Laga saaray bakhaarada, Sawjarkii la kala diraa
Geeri badan Sababoo, Seeftii Qabiil baa
Seedaha na goysoo, dadkeenina sumaysoo
Suluf iyo Haraad kulul, siigaa istaagtoo
Wax silloon samayntood, Qabiil lagu sakaan sado
Qarankeenii Soomaaliya , Sodon sano gadaashood.
Sahaydoo la boobiyo , Surimadoo la oodiyo .
Hantidii Salaamaad , Subaxbay dhammaatoo .
Wax soo saar salki beel,Aqoontii Sambay tidhi .
Cudurkuna Samada Fuul, Sayidkii Xumanta iyo .
Sifihii ibliisb markaas, taariikhda loo suroo
Xaraf siin Bilowgiis, Lagu safay hikaadoo .
Sarifaadda Magac xumo, sinjigii Gobanimo
Laga siibay nuxurkii,jabhad lagu sumadaa
USC, SSDHF, SPM, SNM-SNF, USF, SNA,
SDM
Wadankii la kala saar, Qaxootina Safadyoo
Saboolnimo haleeshoo, tuugsiguna sadkood noqoy
Ayadoo aan sabab jirin , Sawjado xumayn tiyo.
Saqiirada La gowracay, waayeelo suuxiyo .
Madka sabada wadayaal,Waxa sayray nabadii.
Baladana u sacab tumay, sooma koobi karayee,
Wali saamo jiidbaan, sanqartii matiranoo .
Suulkaa u laabane , kuwii saatan noogaliyo
Qabqablaha su'aasha leh, duniduna wax siisoo .
midba gees sanuud iyo , saanada loogu beegoo
Dagaalkaa sokeeyaha , sii wada tiraahdaa.
Sacoodaa u dhalayoo . ubadkoodi safar sadoo
Dibaday ku suganyiin, iyagoo salaama aa.
Waxa silica lagu dilay, waa kuwii sokeeyaha.
Talo seegtadaanay , xageebaad u socotaa.
Aabahaa soo yaalkiis, Saac ma sii sanaysaa
Su'aal weeye Weydiin ,Xaalkaan ku suganahoo
Sanadkuna dhamaad yahay, saluugmaan ku saynoo
Wali waa safaadkii , iyo sayr ma weydoo .
Saymahu ma di'in wali, in kastoo sanuun udugi .
Saxan saxo ay soo uri, Saadaadu waxay tahana.
Waan kaa sugaayaa, Akhristoow war saaxiib
Sanadkana sidoo kale, Asna waan ka sugayaa
Soomaaliya Heshiinteed,Khilaaf uu ka suuroo
Dowlad loo sacabo tumo, calankana aan saarno
xumuhuna ay suuraan, sidi qabiil dhammaato.
qofba seexdo nabadiis, saadirkaanu barinaye.
kii saboolka koriyoo, qaxootiga salka u dhiga.
Soo noqda yiraahdoo, qof waliba sidii sii .
halkuu sabadka ku lahaa, laga saaro farahoo.
Soo dhawaada Saaxiib, isa saamax laga helo.
Sanad yahoow ad noonoqo, aduunyadu siday tidhi.
Soo jeedintii Qaran ,shirar badan sameynoo .
Heshiis Sacabo loo tumo, salka looma dhiganoo
in kastoo la sumad dhabay, baarlamaan sinjigii
Madaxweyne soo xulay, khilaafbaa saameeyo
Safafbaa dilaacoo , weykala safreen badi.
Isna salaami maayaan,Balay saadinaayaan
Shacabkiina Saluugmuu, suuqyada la joogaa
waxuu sameeyo mayaqan,su'aal eebe mooyee
Talo kalaba seektaye, waa inuu u soomaa
u sajuudaan rabigood, sameeyaan baryadoo
Sacabada u taagtaan,Dabadeed Su'aashaan
Allow sidatan noodhan, adigaa sad roon lehe
Marka akhristow ama dhageystoow waxaan ka rajeynayaa
sanadka soo socda inuu noo noqdo mid laga helo dawlad iyo nabad iyo
barwaaqo wada saameysa dhammaan degaanka Soomaliyeed, isla markaasna
lagu ilaawo waxii na soo gaaray ee dhib iyo xumaato ahaa, ilaahna uu
isagu noo fidiyo xaxmadiisa aduunyo iyo tiisa aakhiro. aamiin.
Moxamed Shiikh Moxamud
Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu
gaar u yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|