HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Monday,  June 13,  2005

 

Khilaafka  reer sade  wuxuu keeni karaa  khasaare
qarsoon? 
 

Waa yahaan dambe   oo ah xilligii burburku uu dalka ka bilowday  oo dalku uu noqday  dawladda la,aanta  waxaa  soo ifbaxay  dhaqammo aan la maleyn karin  oo fajac iyo  amakaag ku reebay  qofkii jecel midnimada beesha sade. 

waxaa  si isdabajoog ah  isaga dabadhacayey  dagaallo  dhex marayey  qaybo siyasadeed iyo kuwo  diimeedba  sida  SNF iyo Al itixaad, kuwaas oo ah runtii  meesha ay ka soo bilaabatay  dhibta  maanta  reer sade  ka dhex aloosan , oo sababtay in ay ku nafwaayaan  boqolaal qof oo ah reer sade isla markaasna ay ku curyameen boqolaal kale oo aan haysan wax daryeel ah , halka ay  kumanaan caruuri ahi ay ku agoontoomeen  isla markasna  ay garoobo ku yihiin boqolaal haween ah oo ragoodi lagu dilay  dagaal safeyn ah iyo mid aar goosi oo isdabajog ah. 

kala daad sanaanta iyo  iskhilaafka  ka dhex jira  beesha reer sade  taas oo ah mid siyaasadeed oo runtii ah mid badashay  qaab nololeedkii beesha sade lagu yaqaanay  oo ay ku soo dhaqmi jirtay  muddada dheer  ee ka horeeysay xillliga burburka qaranka soomaaliyeed. 

in kasta oo la isku dayey marar fara badan  in xal loo helo  khilaafaadka dhex yaal beelo ka tirsan reer sade  oo ku kala nool meelaha ay  degenyihiin  ama ku dhaqan yihiin  reer sade  sida Galgaduud, Gedo  iyo Jubba Hoose,  ayaa wali waxaa sal dhigi la  sidii looga gudbi lahaa  khilaafaadkaas oo markii mid la dhameeyaba  mid kale ay  ka daba dhacayso taas oo ku keentay  dadka ku hawlan  walwal iyo walaac fara badan. 

Arrintaas oo marar badan kala dhantaaltay cududii iyo  haw galkii beesha ee meelaha  ay jiraan xiisadda colaadeed  ee ka baxsan beesha  , balse ah mid u dhaxaysa Beesha sade iyo beelo kale sida  midda ka jirta Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, arrintaas  oo runtii ah mid khatarteeda leh  haddii aan laga foojignaan. 

Dagaalkii dib loogu qabtay oo looga saaray degmadaas   ciidankii  doolaalada ahaa ee ku soo duulay ceelwaaq  isla markaasna  uu fuliyey hawl galkaas ciidanka Difaaca  Gobolka gedo  ciidankaas oo ka soo kala gurmaday  dhammaan degmooyinka Gobolka  ayaa  waxaa dhabar jabin ku timi markii  kuwo wax magarato ah oo reer sade ahi ay  dad walaalahood ah ay  si xaq darro ah  ugu  duuleen  degmada Buurdhuubo isla markaasna ay ugu laayeen arrin aano ah  dad  aan waxba galabsan  oo waliba ah  dad bulshada  wax u tarayey oo wax barayey, waxaana wax laga xumaado ah in ay waayahaan wax magarato ay yool ka dhigteen laynta dadka wax yaqaan sida dhakhaatiirta mocalimiinta  iyo dadka aqoonta leh ee beesha sade. 

haddaba  xal u helid la.aanta  khilaafaadka waxay keeneen in ciidankii difaca ku jiray ee ceel-waaq  uu kala tago  markii dhiiladu soo dhex gashay  arrintaas oo an runtii helin in wax laga qabto oo dadka kale  oo waxgaradka ah ama siyaasiyiinta isku sheegaya ee reer sade ay iska dhibyareysteen, amaba aysanba isku  xilsaarin wax ka qabashadeeda, iyadoo ay ciidamadii difaaco  ay  u kala baxeen  oo ay  ku kala safteen  meelaha dhibto ay ka jirto ee G/haarey iyo buurdhuubo degaanadooda ah , ilaa iyo haddana ay isku hor fadhiyaan , arrintaasi waxay ku noqotay niyad jab dadka reer sade  oo runtii arrimahoodu ay sii kala baahayaan  waayahaan dambe, iyagoo meelo kala duwan colaado ay uga shidan yihiin  isla markaasna  ay meesha ka sii baxayso wada jirkoodii  beeleed oo aaad  moodid in ay u egtahay  arintii maadiin laha laga sheegi jiray. 

Nasiib darro  in 9/6/05  dib looga qabsado ceelwaaq oo waliba lagu xasuuqo dad badan oo wax tar ahaa , iyada oo ay sababtay  arrintaas dhacdadii B/dhuubo  oo ay gaysteen  dadkii aan  xishood iyo damiir lahayn ee dulaan ka soo qaaday G/bahaarey  isla markaasna aan ka helin walin reer sade tilaabo wax looga qabanayo marka  waa gar in la qabsado degaanka  ceelwaq  oo waliba haddii aan si deg deg ah dhibta loo xalin reer  sade waxaa faraha ka bixi doona degaanno kale ee reer sade kuwaas oo looga faa'deysan doono khilafaadka  dhex yaal  reer sade ee la  in si  xayi ah wax looga qabto oo aad moodo  kuwo ah  waalo gacan dhawr ah, isla markaasna laga qaabsanayo in si caddaan ah wax loo kala yiraahdo dadka wax isku haysta. 

Waxaa jileec ka muuqdaa dadkii ahaa hogaanka beesha  haddii ay  tahay dhanka dhaqanka iyo siyaasadda beesha  waayo iyagaa hormood u ah beesha laga rabaa in ay gutaan waajibaadkooda  isla markaasna ay qaataan tallabo geesinimo leh oo maanta looga gudbiyo beesha  dhibta  ka dhex jirta  iyo khilaafaadka mudada dheer soo jiitamayey, mana aha in mid walba meel iska  fariisto dabadeedna uu xil iska sheegto, sidoo kale dhammaan wax garadka iyo aqoonyahanada , haweenka  reer sade ee dalka iyo dibadda ku dhaqan waxa la gudboon in ay  u guntadaan sidii loo dhameynlahaa dhibaatadaas maanta ka aloosan  degaanada reer sade ayna ka geystaan waxka qabashadeeda hiil iyo hooba iyagoo la garab istaagaya kuwa ku hawlan  wax ka qabashadeeda. 

waxaa laga ma  maarmaan ah in la maareeyo arrinta ceel waaq  oo haddii la isku eegto keeni doonta  dhibaato sii ballaarata, iyadoo nabad loogu baaqayo dhinacyada ku dagaalamaya  isla markaasna  wadahadal  laga bilaabo sidii xabbadda loo joojin lahaa  haddii ayba suurtowdo haddii ay suurtoobi weydana lagu dhaqaaqo waxii aan laga maarmaynin  oo ah in si mideysan loo daafaco degaanka iyo dalka reer sade oo laga difaaco waxii cadw ah oo soo haweysta waayo soomaali nin walba goofkiisii buu dhawranaya anagana goof kale malihin waa in aan cadawga ka difaacanaa. 

Waxaa hubaal ah in arrintu aymaanta  taagan tahay meel khatar ah  oo  aan  si dhib yar  looga badbaadi karin  sababtoo ah waxaa la yiri walaalo isxasday xoolo yareeye  xabaalana badiye  waa midda maanta  haysata beesha reer sade meel ay joogtaba. 

Cadowgaagu marka uu arko inaad  kala tagtay isaguna waa kugu soo dhawaanayaa   sababtoo ah  wuxuu arkayaa in xoogaagii uu kala fur furtay  wuuna kaa faa;ideysanayaa  sida maanta ka dhacday Degmada Ceelwaaq.
 

INA  SADOW  NINKII TAADI DIIDAY  TIISA  HAYEELIN!
 

Sidaan  wada ogsoonahay  Madaxweynihii  Soomaaliya ugu Horreeyey Wuxuu ahaa Mudane  AAdan Cabdulle Cismaan , oo ka soo jeeda Beesha Hawiye, waxaa ku xigay  Allaha u naxariistee Dr.Abdirashid Ali  Sharmarke,oo ka  soo jeeday Beesha Daarood( Majeerteen) waxaa ku xigay  Allaha u naxariistee  Madaxweyne  Moxamed Siyaad Barre oo ka soo jeeday  Besha DAAROOD
(SADE ama Mareexaan) waxaa ku xigay  laba madaxweyne  oo hawiye ah oo kala ah  Mudane ALI MAHDI iyo DR,Abdiqasim Salaad oo iyaguna  ah Beesha (Hawiye) iyo Ugu dambeyn  midka lagu soo dhisay Kinya  oo ah  Korneel Abdulaahi Yuusuf  oo Beesha Daarood ah (Majeerteen) waxaan sidaas wax ugu tilmaamay  in loo fahmo sida wax yihiin, maadaama Soomalidu ay ka dhigto  Dawladda hadba Haybta  uu yahay ninka  ka madaxda ah. 

Hadaba ragaas  Madaxweynayaasha  ahaa waxay isugu jiraan kuwo  doorasho wax ku helay , kuwo  Afgambi wax ku helay iyo kuwo  iyagu xilalka  ka helay xilliga burburka oo ah saddexda nin oo ugu dambeysa.haddii aan uga gudbo halka aan uga danleeyahay  Qoraalkeyga, wuxuu yahay  Madaxweyne  Moxamed Siyaad Barre allaha janadii ka waraabiyee, wuxuu ahaa nin  ku qabtay Xukunka  Afgambi ay  sameeyen Rag saraakiil ahaa oo tiradoodu ay dhamayd 25  xubnood oo 1969kii  afgambi ku qabsaday  xukunkii dalka, iyagoo meesha ka saaray  dawladdii rayidka ahayd ka dib markii la dilay  Madaxweynihii Dalka  oo uu si bareer ah u toogtay nin ay isku beel ahaayeen.

Madaxweyne Moxamed Siyaad wuxuu ahaa Sargaalkii ugu darajo Sareeyey  Ragii kacaanka Dhaliyey, sidaas darteed waxaa laga dhigay Hoggaamiyihii Kacaanka, iyadoo raggaasi  ay si siman  u wada tashan jireen ayna hawsha u fulin jireen  iyagoo dhigtay Axdiyo ah ku shaqeeyaan dalkana ay ku maamulaan, xukunkaas oo wajiyo isbeddel badan soo sameeyey oo dalka ku soo  Maamulay muddo 21 sano ah. 

Dawladdaas  waxaa loo  baxshay  dawlad u adeegta  dadka ku abtirsada  haybta  ninka  madaxweynaha ka ah oo ahaa Allaha u naxariistee Moxamed Siyad Barre (Mareexaan), iyada oo  lagala hor yimi Mucaaradad fara badan oo gudaha iyo Dibadaba ahayd, taas oo sababtay in waxyeelo loogu qaysto deegaano  ay ku noolaayeen dad ku hayb ahaa  Madaxweynaha ilaa markii dambe dawladdii lagu dumiyey sidaas.iyna ahayd runtii Dawladdaas mid ay manaafacaad sadaa kuwii  lidka ku ahaa jiritaankeeda oo ahaa kuwii  mucaaradka ahaa  ee markii dambe jabhadaha abuurtay si loo dumiyo dalka, caqli ma aysan qabine   iskama ay dumiyeen waayo iyagaa ku noolaa ee kuwa ay ku xaqlinayaan  dhib iyo goojo iyo rafaad bay ku qabeen ,marka  imaan laawe yaal  bay noqdeen  oo maseeyr xukun jecli ayaa madaxa ka galay. Markaasaa dawladdii laga dhigay  dawlad qoys iyo waliba  iyada oo ay qaadan waa ku noqotay  sidee  nin mareexaan ah  dawladda madax uga noqon karaa. 

Dalkana loo horseeday Burbur iyo Balaayo sabana ay u ahayd dawladdaas waxaa xukuma nin  Mareexaan ah, iyada oo dadka sidaas ku fakarayey aysan ahayn hal qabiil ee ay ahaayeen inta badan qabaa'ilada Soomaaliyeed, haba ugu kala dar naadeene, waxaa hormood u ahaa  qabiilka  Majeerteen oo Cabdullaahi Yuusuf uu madax u ahaa  iyagoo  Itoobiya  ku aasaasay Jabhaddi SSDHF oo uu Cabdullaahi  Madaxda ka noqday , ka dib markii  uu ka dhicisoobay Afgambigii  9kii abriil. 

Waxaa ku xigsaday Jabhaddii SNM ee Cabdullahi Tuur allaha u naxriistee,waxaa ku xigay  USC oo uu hoggaaminayey Jeneral  Caydiid ilaah ha u naxriistee , waxaan filayaa raggaas intooda badani waa ay geeriyoodeen marka waxba ku dheeraan mahayo warkooda. 

Waxaan uga gudbayaa  Korneel Cabdullaahi Yuusuf, wuxuu dhibtas u maray oo  Afgambiga iyo Jabhadaha  ugu waashay , oo dalka Soomaaliya deegaano ka tirsan waxbadan Colaad  iyo dhibaato uga geystay , waxay ahayd naceyb  uu u qabo mareexaan , maadaama ninka  dalka madaxweynaha ka ah uu  yahay nin mareexaan ah, wuxuuna duulaamada u soo geliyey dadka rayidka ahaa ee xoola dhaqatada ahaa  ee mareexaan oo uu xasuuqa ugu gaystay  gobolka galgaduud  san.80  dii  waxay ahayd  cadaawad ah  Maxamed Siyaad  ayaa madaxweyne ah, ayaguna waa tolkiisa, intaa kuma ekaane , markii ay bilowdeen dagaaladda Sokeeye, waxaa jiray  isku dhacyo ka  dhacay Gobolka Jubbada Hoose, oo dhexmaray  labada Beelood  oo ah Mareexaan iyo  Majeerteen,taas oo ku saleysneed Gacan kuhaynta  Gobolka Jubba Hoose, halkaas oo ah Meel ay degaan  dad  kala gedisan oo Soomaaaliyeed ,haba lagu kala badnaadee,balse ay beesha Cabdullaahi iyadu isa Siisay,damacdayna in ay awood ku haysato , iyadoo Cabdullaahi uu wax badan  dulaamo uga soo abaabulay  Gobollada Puntland oo isagu uu gacanta ku haystay, isaga oo Jeneral Moorgan  kismaayo mas'uul uga dhigtay, halkaasna dagaalo khasaaro badan geystay ay isla horyimaadeen labada Beelood, ugu dambeysna looga xoog roonaaday  beesha Cabdullaahi Kismaayo, balse uusan wali ka samrin  oo uuba hadda u helay  Magac Madaxweyne nimo, isaga oo cabdullaahi uusan ahayn nin  ku fakari kara  inuu  kasbo  in  la helo  dib u heshiisiin iyo isku soo  dhawaad  dhexmara laba beelood, maadaama muddo dheer ay cadaawadi soo dhexmaraysay , maantana uu isagu noqday Madaxweyne.

Sidaas darteed, ayaa waxaa  muuqata in  aysan beesha mareexaan  si sahlan gacanta ugu dhiiban doonin Korneel Cabdullaahi, maadaama uu intaas oo dhibaato ah u geystay, isla markaasna uusan ilaa hadda ka bixin  wax  garowsho ah , isla markaasna  uu  beesha mareexaan ku ihaaneeyey wax qaybsiga  xilalka  tirada  Xildhibaanada, iyo waliba Golaha Wasiiradda uu ka siiyey  Mareexaan dawladda kinya lagu  dhisay ee uu madaxda ka yahay, iyada oo  aan laga filaneyn inuu inta ka hartay  Dhismaha  dawladdana  uu  ugu  gacan  roonaan doono,waayo ( reerkii la iga  sooryeeynayo  saan-saankiisaan  ka arkaa ) ninbaa yidhi. 

Ma muuqato  mana aan rajeynayo (nin qorax kugu dilay reer Sadoow inuu hoos idiin jiidayo), ee ha iskaraamo  dareynina oo aayahiina ka tashada oo  marka hore idinku dib u fakara oo bal eega Taariikh,Marka waxaan idin leeyahay NINKII TAADII DIIDAY TIISA HAYEELIN.

 

 
Moxamed  Shiikh Moxamud 
Garyare,  London  Uk

 

Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu gaar u yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay. 


allgedo@allgedo.com

 


 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com