|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Monday, June 13, 2005 |
Khilaafka reer sade
wuxuu keeni karaa khasaare
qarsoon?
Waa yahaan dambe oo ah xilligii burburku uu
dalka ka bilowday oo dalku uu noqday dawladda la,aanta waxaa soo
ifbaxay dhaqammo aan la maleyn karin oo fajac iyo amakaag ku
reebay qofkii jecel midnimada beesha sade.
waxaa si isdabajoog ah isaga dabadhacayey
dagaallo dhex marayey qaybo siyasadeed iyo kuwo diimeedba sida
SNF iyo Al itixaad, kuwaas oo ah runtii meesha ay ka soo bilaabatay
dhibta maanta reer sade ka dhex aloosan , oo sababtay in ay ku
nafwaayaan boqolaal qof oo ah reer sade isla markaasna ay ku
curyameen boqolaal kale oo aan haysan wax daryeel ah , halka ay
kumanaan caruuri ahi ay ku agoontoomeen isla markasna ay garoobo
ku yihiin boqolaal haween ah oo ragoodi lagu dilay dagaal safeyn ah
iyo mid aar goosi oo isdabajog ah.
kala daad sanaanta iyo iskhilaafka ka dhex jira
beesha reer sade taas oo ah mid siyaasadeed oo runtii ah mid
badashay qaab nololeedkii beesha sade lagu yaqaanay oo ay ku soo
dhaqmi jirtay muddada dheer ee ka horeeysay xillliga burburka
qaranka soomaaliyeed.
in kasta oo la isku dayey marar fara badan in
xal loo helo khilaafaadka dhex yaal beelo ka tirsan reer sade oo
ku kala nool meelaha ay degenyihiin ama ku dhaqan yihiin reer
sade sida Galgaduud, Gedo iyo Jubba Hoose, ayaa wali waxaa sal
dhigi la sidii looga gudbi lahaa khilaafaadkaas oo markii mid la
dhameeyaba mid kale ay ka daba dhacayso taas oo ku keentay dadka
ku hawlan walwal iyo walaac fara badan.
Arrintaas oo marar badan kala dhantaaltay cududii
iyo haw galkii beesha ee meelaha ay jiraan xiisadda colaadeed ee
ka baxsan beesha , balse ah mid u dhaxaysa Beesha sade iyo beelo
kale sida midda ka jirta Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,
arrintaas oo runtii ah mid khatarteeda leh haddii aan laga
foojignaan.
Dagaalkii dib loogu qabtay oo looga saaray
degmadaas ciidankii doolaalada ahaa ee ku soo duulay ceelwaaq
isla markaasna uu fuliyey hawl galkaas ciidanka Difaaca Gobolka
gedo ciidankaas oo ka soo kala gurmaday dhammaan degmooyinka
Gobolka ayaa waxaa dhabar jabin ku timi markii kuwo wax magarato
ah oo reer sade ahi ay dad walaalahood ah ay si xaq darro ah ugu
duuleen degmada Buurdhuubo isla markaasna ay ugu laayeen arrin aano
ah dad aan waxba galabsan oo waliba ah dad bulshada wax u
tarayey oo wax barayey, waxaana wax laga xumaado ah in ay waayahaan
wax magarato ay yool ka dhigteen laynta dadka wax yaqaan sida
dhakhaatiirta mocalimiinta iyo dadka aqoonta leh ee beesha sade.
haddaba xal u helid la.aanta khilaafaadka waxay
keeneen in ciidankii difaca ku jiray ee ceel-waaq uu kala tago
markii dhiiladu soo dhex gashay arrintaas oo an runtii helin in wax
laga qabto oo dadka kale oo waxgaradka ah ama siyaasiyiinta isku
sheegaya ee reer sade ay iska dhibyareysteen, amaba aysanba isku
xilsaarin wax ka qabashadeeda, iyadoo ay ciidamadii difaaco ay u
kala baxeen oo ay ku kala safteen meelaha dhibto ay ka jirto ee
G/haarey iyo buurdhuubo degaanadooda ah , ilaa iyo haddana ay isku
hor fadhiyaan , arrintaasi waxay ku noqotay niyad jab dadka reer
sade oo runtii arrimahoodu ay sii kala baahayaan waayahaan dambe,
iyagoo meelo kala duwan colaado ay uga shidan yihiin isla markaasna
ay meesha ka sii baxayso wada jirkoodii beeleed oo aaad moodid in
ay u egtahay arintii maadiin laha laga sheegi jiray.
Nasiib darro in 9/6/05 dib looga qabsado
ceelwaaq oo waliba lagu xasuuqo dad badan oo wax tar ahaa , iyada oo
ay sababtay arrintaas dhacdadii B/dhuubo oo ay gaysteen dadkii
aan xishood iyo damiir lahayn ee dulaan ka soo qaaday G/bahaarey
isla markaasna aan ka helin walin reer sade tilaabo wax looga
qabanayo marka waa gar in la qabsado degaanka ceelwaq oo waliba
haddii aan si deg deg ah dhibta loo xalin reer sade waxaa faraha ka
bixi doona degaanno kale ee reer sade kuwaas oo looga faa'deysan
doono khilafaadka dhex yaal reer sade ee la in si xayi ah wax
looga qabto oo aad moodo kuwo ah waalo gacan dhawr ah, isla
markaasna laga qaabsanayo in si caddaan ah wax loo kala yiraahdo
dadka wax isku haysta.
Waxaa jileec ka muuqdaa dadkii ahaa hogaanka
beesha haddii ay tahay dhanka dhaqanka iyo siyaasadda beesha
waayo iyagaa hormood u ah beesha laga rabaa in ay gutaan
waajibaadkooda isla markaasna ay qaataan tallabo geesinimo leh oo
maanta looga gudbiyo beesha dhibta ka dhex jirta iyo khilaafaadka
mudada dheer soo jiitamayey, mana aha in mid walba meel iska
fariisto dabadeedna uu xil iska sheegto, sidoo kale dhammaan wax
garadka iyo aqoonyahanada , haweenka reer sade ee dalka iyo dibadda
ku dhaqan waxa la gudboon in ay u guntadaan sidii loo dhameynlahaa
dhibaatadaas maanta ka aloosan degaanada reer sade ayna ka geystaan
waxka qabashadeeda hiil iyo hooba iyagoo la garab istaagaya kuwa ku
hawlan wax ka qabashadeeda.
waxaa laga ma maarmaan ah in la maareeyo arrinta
ceel waaq oo haddii la isku eegto keeni doonta dhibaato sii
ballaarata, iyadoo nabad loogu baaqayo dhinacyada ku dagaalamaya
isla markaasna wadahadal laga bilaabo sidii xabbadda loo joojin
lahaa haddii ayba suurtowdo haddii ay suurtoobi weydana lagu
dhaqaaqo waxii aan laga maarmaynin oo ah in si mideysan loo daafaco
degaanka iyo dalka reer sade oo laga difaaco waxii cadw ah oo soo
haweysta waayo soomaali nin walba goofkiisii buu dhawranaya anagana
goof kale malihin waa in aan cadawga ka difaacanaa.
Waxaa hubaal ah in arrintu aymaanta taagan tahay
meel khatar ah oo aan si dhib yar looga badbaadi karin sababtoo
ah waxaa la yiri walaalo isxasday xoolo yareeye xabaalana badiye
waa midda maanta haysata beesha reer sade meel ay joogtaba.
Cadowgaagu marka uu arko inaad kala tagtay
isaguna waa kugu soo dhawaanayaa sababtoo ah wuxuu arkayaa in
xoogaagii uu kala fur furtay wuuna kaa faa;ideysanayaa sida maanta
ka dhacday Degmada Ceelwaaq.
INA SADOW NINKII TAADI DIIDAY TIISA HAYEELIN!
Sidaan wada ogsoonahay Madaxweynihii
Soomaaliya ugu Horreeyey Wuxuu ahaa Mudane AAdan Cabdulle
Cismaan , oo ka soo jeeda Beesha Hawiye, waxaa ku xigay Allaha
u naxariistee Dr.Abdirashid Ali Sharmarke,oo ka soo jeeday
Beesha Daarood( Majeerteen) waxaa ku xigay Allaha u naxariistee
Madaxweyne Moxamed Siyaad Barre oo ka soo jeeday Besha DAAROOD
(SADE ama Mareexaan) waxaa ku xigay laba madaxweyne oo hawiye
ah oo kala ah Mudane ALI MAHDI iyo DR,Abdiqasim Salaad oo
iyaguna ah Beesha (Hawiye) iyo Ugu dambeyn midka lagu soo
dhisay Kinya oo ah Korneel Abdulaahi Yuusuf oo Beesha Daarood
ah (Majeerteen) waxaan sidaas wax ugu tilmaamay in loo fahmo
sida wax yihiin, maadaama Soomalidu ay ka dhigto Dawladda hadba
Haybta uu yahay ninka ka madaxda ah.
Hadaba ragaas Madaxweynayaasha ahaa waxay
isugu jiraan kuwo doorasho wax ku helay , kuwo Afgambi wax ku
helay iyo kuwo iyagu xilalka ka helay xilliga burburka oo ah
saddexda nin oo ugu dambeysa.haddii aan uga gudbo halka aan uga
danleeyahay Qoraalkeyga, wuxuu yahay Madaxweyne Moxamed
Siyaad Barre allaha janadii ka waraabiyee, wuxuu ahaa nin ku
qabtay Xukunka Afgambi ay sameeyen Rag saraakiil ahaa oo
tiradoodu ay dhamayd 25 xubnood oo 1969kii afgambi ku qabsaday
xukunkii dalka, iyagoo meesha ka saaray dawladdii rayidka ahayd
ka dib markii la dilay Madaxweynihii Dalka oo uu si bareer ah
u toogtay nin ay isku beel ahaayeen.
Madaxweyne Moxamed Siyaad wuxuu ahaa
Sargaalkii ugu darajo Sareeyey Ragii kacaanka Dhaliyey, sidaas
darteed waxaa laga dhigay Hoggaamiyihii Kacaanka, iyadoo
raggaasi ay si siman u wada tashan jireen ayna hawsha u fulin
jireen iyagoo dhigtay Axdiyo ah ku shaqeeyaan dalkana ay ku
maamulaan, xukunkaas oo wajiyo isbeddel badan soo sameeyey oo
dalka ku soo Maamulay muddo 21 sano ah.
Dawladdaas waxaa loo baxshay dawlad u
adeegta dadka ku abtirsada haybta ninka madaxweynaha ka ah
oo ahaa Allaha u naxariistee Moxamed Siyad Barre (Mareexaan),
iyada oo lagala hor yimi Mucaaradad fara badan oo gudaha iyo
Dibadaba ahayd, taas oo sababtay in waxyeelo loogu qaysto
deegaano ay ku noolaayeen dad ku hayb ahaa Madaxweynaha ilaa
markii dambe dawladdii lagu dumiyey sidaas.iyna ahayd runtii
Dawladdaas mid ay manaafacaad sadaa kuwii lidka ku ahaa
jiritaankeeda oo ahaa kuwii mucaaradka ahaa ee markii dambe
jabhadaha abuurtay si loo dumiyo dalka, caqli ma aysan qabine
iskama ay dumiyeen waayo iyagaa ku noolaa ee kuwa ay ku
xaqlinayaan dhib iyo goojo iyo rafaad bay ku qabeen ,marka
imaan laawe yaal bay noqdeen oo maseeyr xukun jecli ayaa
madaxa ka galay. Markaasaa dawladdii laga dhigay dawlad qoys
iyo waliba iyada oo ay qaadan waa ku noqotay sidee nin
mareexaan ah dawladda madax uga noqon karaa.
Dalkana loo horseeday Burbur iyo Balaayo
sabana ay u ahayd dawladdaas waxaa xukuma nin Mareexaan ah,
iyada oo dadka sidaas ku fakarayey aysan ahayn hal qabiil ee ay
ahaayeen inta badan qabaa'ilada Soomaaliyeed, haba ugu kala dar
naadeene, waxaa hormood u ahaa qabiilka Majeerteen oo
Cabdullaahi Yuusuf uu madax u ahaa iyagoo Itoobiya ku
aasaasay Jabhaddi SSDHF oo uu Cabdullaahi Madaxda ka noqday ,
ka dib markii uu ka dhicisoobay Afgambigii 9kii abriil.
Waxaa ku xigsaday Jabhaddii SNM ee Cabdullahi
Tuur allaha u naxriistee,waxaa ku xigay USC oo uu hoggaaminayey
Jeneral Caydiid ilaah ha u naxriistee , waxaan filayaa raggaas
intooda badani waa ay geeriyoodeen marka waxba ku dheeraan
mahayo warkooda.
Waxaan uga gudbayaa Korneel Cabdullaahi
Yuusuf, wuxuu dhibtas u maray oo Afgambiga iyo Jabhadaha ugu
waashay , oo dalka Soomaaliya deegaano ka tirsan waxbadan Colaad
iyo dhibaato uga geystay , waxay ahayd naceyb uu u qabo
mareexaan , maadaama ninka dalka madaxweynaha ka ah uu yahay
nin mareexaan ah, wuxuuna duulaamada u soo geliyey dadka rayidka
ahaa ee xoola dhaqatada ahaa ee mareexaan oo uu xasuuqa ugu
gaystay gobolka galgaduud san.80 dii waxay ahayd cadaawad
ah Maxamed Siyaad ayaa madaxweyne ah, ayaguna waa tolkiisa,
intaa kuma ekaane , markii ay bilowdeen dagaaladda Sokeeye,
waxaa jiray isku dhacyo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose, oo
dhexmaray labada Beelood oo ah Mareexaan iyo Majeerteen,taas
oo ku saleysneed Gacan kuhaynta Gobolka Jubba Hoose, halkaas oo
ah Meel ay degaan dad kala gedisan oo Soomaaaliyeed ,haba lagu
kala badnaadee,balse ay beesha Cabdullaahi iyadu isa
Siisay,damacdayna in ay awood ku haysato , iyadoo Cabdullaahi uu
wax badan dulaamo uga soo abaabulay Gobollada Puntland oo
isagu uu gacanta ku haystay, isaga oo Jeneral Moorgan kismaayo
mas'uul uga dhigtay, halkaasna dagaalo khasaaro badan geystay ay
isla horyimaadeen labada Beelood, ugu dambeysna looga xoog
roonaaday beesha Cabdullaahi Kismaayo, balse uusan wali ka
samrin oo uuba hadda u helay Magac Madaxweyne nimo, isaga oo
cabdullaahi uusan ahayn nin ku fakari kara inuu kasbo in la
helo dib u heshiisiin iyo isku soo dhawaad dhexmara laba
beelood, maadaama muddo dheer ay cadaawadi soo dhexmaraysay ,
maantana uu isagu noqday Madaxweyne.
Sidaas darteed, ayaa waxaa muuqata in aysan
beesha mareexaan si sahlan gacanta ugu dhiiban doonin Korneel
Cabdullaahi, maadaama uu intaas oo dhibaato ah u geystay, isla
markaasna uusan ilaa hadda ka bixin wax garowsho ah , isla
markaasna uu beesha mareexaan ku ihaaneeyey wax qaybsiga
xilalka tirada Xildhibaanada, iyo waliba Golaha Wasiiradda uu
ka siiyey Mareexaan dawladda kinya lagu dhisay ee uu madaxda
ka yahay, iyada oo aan laga filaneyn inuu inta ka hartay
Dhismaha dawladdana uu ugu gacan roonaan doono,waayo (
reerkii la iga sooryeeynayo saan-saankiisaan ka arkaa )
ninbaa yidhi.
Ma muuqato mana aan rajeynayo (nin qorax
kugu dilay reer Sadoow inuu hoos idiin jiidayo), ee ha iskaraamo
dareynina oo aayahiina ka tashada oo marka hore idinku dib u
fakara oo bal eega Taariikh,Marka waxaan idin leeyahay NINKII
TAADII DIIDAY TIISA HAYEELIN.
Moxamed Shiikh Moxamud
Garyare, London Uk
Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu gaar u
yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|
|