HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Friday,  June 17,  2005

 

Balwaydiiya waxay doonayeen, dunidu waa yaabee?
 
 
Umadda  Soomaaliyeed,waa dad leh xirir wada dhalad,isla markaasna waxaa ka dhaxeeya, Af, Diin, Dhaqan, Dhul, iyo waliba Jinsi ama (midab) isku mid ah, wax lagu kala saari karo laba qof oo saamaali ah  ma jirto.
 
Balse dhaqanka Soomaalida ayaa  waligii waxaa saldhig u ahaa  waxa la yiraahdo Qabiil ku  Faan iyo sheegasho laandheer nimo, iyada oo ah mid ka soo jeeda samanul Jaahiligii, caadooyinkii xum xumaa ee dunida looga soo dhaqmi jiray oo aan wali ka baabi'nin dhulka Soomaaliyeed.
 
Arrintaas ayaa waligeed Soomaalida waxay ku xanbaari jirtay in ay ku  murmaan Ceelka (Dawda) iyo Waliba Carshinta ama daaqa, ayna sababi jirtay Dagaal keena Dhaawac ama dhimasho.
 
Iyagoo waxii ka dhasha  is-afgaranwaagaas, ay ikhyaartu u fariisan jireen  garteeda iyagoo geed hoos inta  xaar xaartaan halkaas ku gorfeyn jiray , kuna wada gaari jiray  heshiis buuxa , isla markaasna la isku calool xaaran jiray si walaalnimo ah, ehelnimo ah, muslim nimo ah.
 
Balse Xilligii Xornimada la qaatay,oo dalku uu noqday Dawlad, waxaa wax iska beddeleen  habkii qaran miyi ee Ummaddu ay ku  Maamulan jirtay oo u madaxda ka ahaa  Taliyaha Hoggaanka  Beeshu.
 
Dawladdu waxa la timid shuruuc casri ah oo wax lagu maamulo, kuwaas oo ay fuliyaan hay'ado  u gaar ah , isla  markaasa  ayaga looga dambeeyo  fara ku dhigidda waxii Dunuub ah ee dhaca, iyada oo aysan meesha ka maqnayn , in mararka qaarkood wada xaajood dhaqan beeleed dhibaato lagu xalliyo.
 
Haddaba muddadii dalka uu soo lahaa Dawladda ee ka horreysay Xilligii Bilowga Burburka 26/1/91kii, waxaa lagu tillaab saday Horumar iyo barwaaqo dhammaan  waxii ay bulshada loogu adeegayey, sida Caafimaadka, Waxbarashada,Biyaha,Beeraha,Xoolaha,Dhammaan  Khayraadka Badda,Isgaarsiinta, Gaadiidka  Bariga iyo Badda, Wadooyinka,Dhismayaasha bilicda Degaanada dalka,Warshadaha, Ganacsiga ,Kobcinta Dhaqaalaha  Bulshada(Private Secto) iyo waliba midda Dawladda, iyo shaqada iyo Shaqaalaha, Xiriirka  Caalamka iyo ka qayb galka ama ka mid noqoshada Hay'aadaha, Ururada  iyo Iskaashiyada Caalamka iwm.
 
Balse waligood waa ay soo jireen  Imaan-laaweyaal  uu maxkaxdooda ka guuxayey  damac Xukun , una waashay oo u wareeray  ka gungaaridda arrintaas, iyada oo ay dhici karto qaarbadan oo ka mid ahi inay naftoodi u waayeen amuurtaas.
 
Waxaa indhahooda  dabool laga saaray in ay arkaan  barwaaqan, nabadda iyo  xasiloonida ka jirta dalka iyo dadka meel kasta balad iyo Baadiyeba,waxay kuwaasi go'aan sadeen in ay ummadda ka af-gambiyaan  nimcada eebe uu dalkooda ku maneystay.
 
Waxay goor barqo ah Godkii lagu aasay kala soo baxeen  wax la yiraahdo  Qabiil oo muddo ku dhex Suuxsanaa Godkii lagu aasay 20 sano ku dhawaad, illeen waxii aan dhab u naf bixin ee la aaso waa ay soo dhashaan, in kasta oo ay  haboonayd in la gubo Qabyaaladda meesha laga aasay.
 
Marka akhristow ama dhageystoow bal ila arag Maansadaan hoos ku qoran:
Balweydiiya Dagaalkii Ehliga,Daanaduu waxu kenay
Balweydiiya sahalkay u dunshee,dawladdii ummadda
Balweydiiya Calamkii Dalkiyo  ,  Sharaftii   Dawladda
Balweydiiya waxay Dorbiden ,  Damacu yeelkiise  
Balweydiiya danahay lahayd , diirata iyo yeeydu.
Balweydiiya Door waxi la'diyo, diracyo  naafoobay.
Bal weydiiya  Dumar boyayiyo, Ubadka Diifooday .
Bal weydiiya Duug waxay heleen, dacar ka maalooyin.
Bal weydiiya u doodihii  qabiil   ,  Doobi wuxuu buxshay.
Bal weydiiya  darbi waxa ka dunay, Daginka  Soomaali .
Bal weydiiya  Daraamaha Xumaan , Dunada Maasheeyey .
Bal weydiiya dirham waxay lahayd,  Gaajo dubatooyin .
Bal weydiiya Diiftiisa Cudur diley .  daawo waxii yaaley .
Bal weydiiya daraasadki cilmiga  ,   Dugsi waxay fiiqday.
Bal weydiiya Danahu lahaa         ,   diirsigii  Baladu    .
Bal weydiiya Dibin-daabyadii barqada, daaha laga qaaday.
Bal weydiiya balo doonisteed  , Nadabbad loo diiday .
Bal weydiiya xukun daamaciis, dareen wuxuu keenay .
Bal weydiiya duco waxan qabin , duuga dhaxalkooda .
Bal weydiiya Doofilaha madoow,  daginka qiiqaabay .
Bal weydiiya qaxootiga u diday  , dunada dacalkeeda .
Bal weydiiya  dibiga ciyahaya   , Cawska wuxuu diiday .
Bal weydiiya daruur roobanoo, reebatay di'idii roobka .
Bal weydiiya  dabaashaha biyaha ,oon la dalag-leeyey .
Bal weydiiya daadkoo waranoo   ,  ay deero ka cabaynin.
Bal  weydiiya Doog iyo Ugbaad ,  ay duunyo ku idlatay.
Bal weydiiya dacar qooshano, Malabse  daacaysa.
Balweydiiya  Damaashaadka farax , oohinta duugaysa .
Bal weydiiya Sugaan warko daligan,Eray Dabuuntiisa .
Bal weydiiya degaan waamo iyo , Wabiyada dacalkooda.
Bal weydiiya Dudadaas ku nool , xeebta  dacalkeeda .
Bal weydiiya wuxuu darab tabcuhu, tuugsiga u doontay.
Bal weydiiya Daw inay ku tahay , Deeqo gabadhooda .
Bal weydiiya diir diir cunta  , dalaga  Boobaysa .
Bal weydiiya Dawyada la jari, iyo marinka daanoobay .
Bal weydiiya Qabqablaha Dagaal,in waagiis dumayo .
Bal weydiiya Bulshadu Diidaye, Damac hareenkiisa .
Bal weydiiya dib inuu noqdaa, Bari ka soo duulku .
Bal weydiiya Toban kaan damtiri,Duugga arrintooda .
Bal weydiiya Dooliga Irmaano , markaas darar ka maalkiisa.
Bal weydiiya Daanyeerka u hurdo, Diiqo kor u joogo .
Bal weydiiya Dulmiga baarkaloo, Daacad loo lumiyey .
Bal weydiiya Qof waliba danti lehe, in xarigi loo daayo.
Bal weydiiya diwaan qoran ba jire, dakanaduu geystay .
Bal weydiiya dabeecad xumaha  ,  dib u jaleeciisa .
Bal weydiiya Daawo inay jidhoo, xaqu duug noqonin.
Bal weydiiya Doodii lilaahinimo,  waxay ku dambeeysay .
Bal weydiiya dib inay rajadu  , dawlad dhalindoonto .
Bal weydiiya alle dacwadiis , inay dareemaan ba .
Bal weydiiya  Tawbo inay dalbaan,Dambiga laga dhaafo.
Bal weydiiya inay isdaba qabtaan, dhiigga daadanaya .
Bal weydiiya in ay doonayaan ,  dib u heshiisiinta .
Bal weydiiya  Soomaalida Danteed, Dumiya Mooyaan .
Bal weydiiya Waxay doonayaan , Dunidu waa yaabe .
 
Ugu dambeyntii Saxiix akhristoowama dhageystoow ogoow, in dagalooge, dumiye, dile, dabshid, diirato iyo yeey, dabajoog, dulaale, iyo kala dire iyo xukun doono ay yihiin in tii ka dambeysay  burburka iyo balada  ku dhacday dadka iyo dalka  Soomaaliyeed, isla markaas aysan wali meesha ka bixin rajo xumidii laga qabay in la helo Dawlad qaran , maadama ay wali muuqato in ay is hays haystaan  madaxdii dawladda lagu soo dhisay kiinya , isla markaasna dalka ay wali ka taagan tahay colaadii sokeeye iyo isku hub uruursigii, balse looga baahan yahay inta badan ee ka mid ah ummadda Soomaaliyeed ee wanaagga jecel in ay u istaagaan sidii loo heli lahaa ka miro dhalin waxii lagu soo dhintay muddada dheer , iyadoo loo sheegayo ama meesha laga saarayo waxii wada  dibaato iyo kala daadin  danta ummadda Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogto.


 

Cabashada Dhulka Soomaaliyeed!

 

Dadka wax  garadka ah , kuwa leh  aqoonta  Diiniga ah iyo midda maadiga, kuwa leh  aqoonta  sugaanta iyo aftahanimada iyo waliba  qaybo badan oo ka mid ah  hormoodka bulshada  sida Haweenka , ayaa waxaa  eedo u soo kala jeediyey  Dhulka Soomaaliyeed isagoo kuwo saluugay  markii ay kaalin toodii ka soo dhalaali waayeen , sidoo kale kuwo ku eedeeyey inay iyagu qaybta ugu weyn  ka soo qaateen  Masiibooyinkii ku  habsaday  muddada 15ka sano  ku dhawaadka ah.

 

Isagoo shegay dhulku waxa soo gaaray iyo waliba sida dhibtu ay ugu dhacday iyo waliba isago xusay intii uu  gaabiska ahaa  waxa horumar iyo Barwaaqo ay adduunyada inteeda kale  ku tillaabsatay, isaga oo aad uga murugooday  masiibada ku dhacday dadkii isaga ku kor noolaa , markii ay iscuneen  iyagoo aan wax balo ah oo isku geysay aysan jirin, ee ay barwaaqadii ilaah siiyey  iyo nimcadii ay ku shugrin waayeen oo shaydaan u hargo lulay una gacan haadshay , isla markaasna uu Calamka ugu xiray Dagaal ooge, imaan laawe ah  oo aan diin iyo damiir midna celinayn kaas oo  inta  duulay dibadda u cararay  dawlado cadow ah  dabada lagalay duulaamo ku soo qaaday  Dalkii iyo dawladdii  isla markaasna balaayo  jiiftay hurdada ka soo kiciyey, dabadeed  isagu noqday shaydaanka   dilka iyo dumista dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.markaas wuxuu yidhi Dhulkii:

 

Arligaa hadloo,Eray yar yidhee

Ku ooyoo runtii,aan aamuseeyn

Ilamadu ay ishiyo,garkaba ka di'in

Ololayan urkiyo, wadnuhu dhaman

Adimadu runtii, ay ebar yihiin

Arxan iyo  aan , haysan ehel

Aduunyada marka,idil u kaharay

Omos meel ah, looga tagay abaar

Itaal gaboo , aan ordi kareyn

Aaway yiri wixi, ubad aani dhalay?

 

Hadaba waxuu tabay (Waxgaradkii)lagu yaqiin inay samaha ka taliyaan oo ay balada damiyaan oo bulshada u horkacaan  barwaaaqada iyo nabad ku wada noolaashada,iyagoo wax walba dhanka fiican ka eegana jecelna in nabad lagu wada noolaado, ayaa noqday kuwo gacanta u galay Dagaalogge isagoo ku beer dulucsaday Qabiil iyo adeegsi qabyaaladeed.wuxu yidhi markaa .

 

Odaygii rayi iyo , heli ogaa taloo

odorosi jiray , wax amuur qarsoon

Xaajada garaha ,kala eegi jiray

dadkuna raboo,ku iimaan qabeen

samaha talada , ku ilaalin jiray

Bulshadu aqbal , ay ogol ahayd

Ixsaan falkana, lagu abyiqiin

Dagaal ooge miya,albaabkii ka xiray

Qabiil iilashadi, miyuu eed ugalay

Dadku ururin jiray,muu oofo jaray

Ehelkii jeclaa ,maka aamin baxay

 

Dhulkii intaa kuma eekaane waxuu tabay kuwii wax u soo bartay (Aqoon-yahan)oo uu ka filayey in ay wax la qaybsadaan kuwa dhigooda ee dunida kale  gaarsiiyey horumar ,oo ay uga gargaaraan Cudurka,Jahliga,Gaajada, Dilaaga koowaad ee Qabiilka iyo Adeegga Qabyaaladda oo ku riday Jirada Nabad la'aanta bULSHADIISII .wuxuu yiri markaa;

 

Aqoon yahankii ,maxaa af xaray

Abriska u cuni, miyey arkeen

Eebada ugu dhici,miyeysan garan

Qabqablaha i dili,Miyey la socon

Ubadka iga cuni,miyeysan tabin

Ayagu soo maha,kuwaan u dhalay

Anfaco iyo inaan ,kahelo adeeg

Eray qura maxay ,udhihi layiin

Adimada iyo maxa, jaray afkaba

Ma ujeedo kalay ,uga maagayaan

Ayagoo dhan miya,wada urursanayn

Abtiriskii Miyaa ,kala ila xiroo

Inba gooni ku , yidhi  ahoow

Idilaha Qabiil ,Miyeey U adeegayaan

Aleey lehe lumo, afkaam u dhacay

 

Halkaas markii arrintu ay marayso dhulkii wuxuu maliilicay  xagga Dumarka Soomaaliyeed oo lagu yaqiinay Wdaniyadda iyo qaran jaceylka , iyaga oo ragga ka beer jilicsan  isla markaasna halgankii gobanimada ka soo qaatay qayb libaax ,iyaga oo naf iyo maalba u soo huray dhalintii xoriyadda uu dagaal-ooguhu sida sahlan miraheedii ku dumiyey.wuxuuna yidhi:-

 

Bal aan eego, idil xaawo ley

Dumarkii alalas,mashaxada afuuf

Guubaabada Ficil,Guluf orod iyo

Af buraanbur ,Heeso oran ogaa

Rag ku dhihi  , Jiray war ka kaca

Ma ayan bay ,Ebar wada noqdeen

Mise anaaniye iyo,irdhaa heshoo

Aqaladay kukala, OOdan yihiin

Allow aniga maxaa,ihelay waqtiga

Amuurtu xagey , iiga timid raboow

 

Hadaba dhulku isagoo kala  og kii ganay iyo kii galaday ayuu eedo u soo jeediyey Suugaan leyda Soomaaliyeed qaarkood, kuwaas oo ah kuwa hal abuura yaasha Riwaadaha ama aan dhahee Hobalada dalka Qaarkood, kuwaa oo bulshada  u soo bandhigi jiray Heeso iyo Gabayo iyo suugaan kala gedisan oo ay  ku kicinayaan oo ay ku aburayaan  xiisado iyo mawjado  xukun diid ah , si ay dawladda dalka ka jirtay  u af gambiyaan oo jabhado ay u aasaasaan oo dagaal-oogeyaal u dhashaan  oo dalka iyo dadka ay u burburiyaan , iyaga oo heeso maldahan iyo erayo sarbeeb qarsoon ah oo jacayl ay ku matayaan ummadda muska uga dhiibayey, waxaa ka mid ahaa suugaantaas: Warninkoow,Langaruusar, ninba timo Xamar, If iyo aakhiro,Colka waraf malugu dayey,Googaa gabar yahay,Ninba ceesaanti ceelka kayn,Calaf laay walaal,caku geelo muudido iyo waliba boqolaal kale oo aanaan halkaan ku soo koobi karin, wuxuu yidhi:-

 

Abwaanow runtii, Adigaa qudhaa

eedbaan kolley, kaa tirsana hayaa

arladu ayadoo , amniya dhammaan

dadkuna kala, amaan helaan 

Adigaa ayaan,ileys baas u shiday

Adigaa ordaha,ku dhahay ibliis

Eebo iyowaran,urursada hubkoo

Afganbina markaa,dawladda ku rida

Murtiyo adiga, erayada maldahan

ku afuufay hees,gabayada ur gubo

Ujeedki ka duway,agabyeelay xumi

Aqligii ka wada , omosoor ku riday

Qabqablaha Ushiis,albaabada u suray

ku adeeca yidhi,abaandul xuman

 

haddaba markii uu la hadlay intii uu islahaa  waxbay kaa garanayaan oo waxay kuu ixsaan fali karaan  ayuu ku soo gaba gabeeyey warkiisii sidaan;-

 

Yaa u eedaa haddaba,waxay igu dhaco

eebow adigu , ur ii bixibaan

ayaantan waxbadan,ku allabaryaa

Aayadaha quraan,u akhriya saliga

Asmaada ilaah ,isimka acdamka

Aamin allow ,wada dhaha gadaal

Ijaabana markaa,anka suga isaga

Isagaa abid leh,awood u sugan

Asagay agtaal, amuurtayda guud.

 

Waxaan filayaa akhristoow in aad garatay dulucda iyo u jeedada  qoraalka  waxaan rajeynayaa  waxii murti ku jira  inaad  ka dhuuxi doonto , inshaa allaahu

 

 

Moxamed Shiikh Moxamud
Garyare, London Uk
dini_89@hotmail.com



Fariinta uu waqo qoraalka sare waxay gaar u tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.



allgedi@allgedo.com

 


 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com