|
Allgedo!
Maqaal, Friday, June 17, 2005 |
Balwaydiiya waxay doonayeen,
dunidu waa yaabee?
Umadda Soomaaliyeed,waa dad leh xirir wada dhalad,isla markaasna
waxaa ka dhaxeeya, Af, Diin, Dhaqan, Dhul, iyo waliba Jinsi ama (midab)
isku mid ah, wax lagu kala saari karo laba qof oo saamaali ah ma
jirto.
Balse dhaqanka Soomaalida ayaa waligii waxaa saldhig u ahaa waxa
la yiraahdo Qabiil ku Faan iyo sheegasho laandheer nimo, iyada oo
ah mid ka soo jeeda samanul Jaahiligii, caadooyinkii xum xumaa ee
dunida looga soo dhaqmi jiray oo aan wali ka baabi'nin dhulka
Soomaaliyeed.
Arrintaas ayaa waligeed Soomaalida waxay ku xanbaari jirtay in ay ku
murmaan Ceelka (Dawda) iyo Waliba Carshinta ama daaqa, ayna sababi
jirtay Dagaal keena Dhaawac ama dhimasho.
Iyagoo waxii ka dhasha is-afgaranwaagaas, ay ikhyaartu u fariisan
jireen garteeda iyagoo geed hoos inta xaar xaartaan halkaas ku
gorfeyn jiray , kuna wada gaari jiray heshiis buuxa , isla
markaasna la isku calool xaaran jiray si walaalnimo ah, ehelnimo ah,
muslim nimo ah.
Balse Xilligii Xornimada la qaatay,oo dalku uu noqday Dawlad, waxaa
wax iska beddeleen habkii qaran miyi ee Ummaddu ay ku Maamulan
jirtay oo u madaxda ka ahaa Taliyaha Hoggaanka Beeshu.
Dawladdu waxa la timid shuruuc casri ah oo wax lagu maamulo, kuwaas
oo ay fuliyaan hay'ado u gaar ah , isla markaasa ayaga looga
dambeeyo fara ku dhigidda waxii Dunuub ah ee dhaca, iyada oo aysan
meesha ka maqnayn , in mararka qaarkood wada xaajood dhaqan beeleed
dhibaato lagu xalliyo.
Haddaba muddadii dalka uu soo lahaa Dawladda ee ka horreysay
Xilligii Bilowga Burburka 26/1/91kii, waxaa lagu tillaab saday
Horumar iyo barwaaqo dhammaan waxii ay bulshada loogu adeegayey,
sida Caafimaadka, Waxbarashada,Biyaha,Beeraha,Xoolaha,Dhammaan
Khayraadka Badda,Isgaarsiinta, Gaadiidka Bariga iyo Badda,
Wadooyinka,Dhismayaasha bilicda Degaanada dalka,Warshadaha,
Ganacsiga ,Kobcinta Dhaqaalaha Bulshada(Private Secto) iyo waliba
midda Dawladda, iyo shaqada iyo Shaqaalaha, Xiriirka Caalamka iyo
ka qayb galka ama ka mid noqoshada Hay'aadaha, Ururada iyo
Iskaashiyada Caalamka iwm.
Balse waligood waa ay soo jireen Imaan-laaweyaal uu maxkaxdooda ka
guuxayey damac Xukun , una waashay oo u wareeray ka gungaaridda
arrintaas, iyada oo ay dhici karto qaarbadan oo ka mid ahi inay
naftoodi u waayeen amuurtaas.
Waxaa indhahooda dabool laga saaray in ay arkaan barwaaqan,
nabadda iyo xasiloonida ka jirta dalka iyo dadka meel kasta balad
iyo Baadiyeba,waxay kuwaasi go'aan sadeen in ay ummadda ka
af-gambiyaan nimcada eebe uu dalkooda ku maneystay.
Waxay goor barqo ah Godkii lagu aasay kala soo baxeen wax la
yiraahdo Qabiil oo muddo ku dhex Suuxsanaa Godkii lagu aasay 20
sano ku dhawaad, illeen waxii aan dhab u naf bixin ee la aaso waa ay
soo dhashaan, in kasta oo ay haboonayd in la gubo Qabyaaladda
meesha laga aasay.
Marka akhristow ama dhageystoow bal ila arag Maansadaan hoos ku
qoran:
Balweydiiya Dagaalkii Ehliga,Daanaduu waxu kenay
Balweydiiya sahalkay u dunshee,dawladdii ummadda
Balweydiiya Calamkii Dalkiyo , Sharaftii Dawladda
Balweydiiya waxay Dorbiden , Damacu yeelkiise
Balweydiiya danahay lahayd , diirata iyo yeeydu.
Balweydiiya Door waxi la'diyo, diracyo naafoobay.
Bal weydiiya Dumar boyayiyo, Ubadka Diifooday .
Bal weydiiya Duug waxay heleen, dacar ka maalooyin.
Bal weydiiya u doodihii qabiil , Doobi wuxuu buxshay.
Bal weydiiya darbi waxa ka dunay, Daginka Soomaali .
Bal weydiiya Daraamaha Xumaan , Dunada Maasheeyey .
Bal weydiiya dirham waxay lahayd, Gaajo dubatooyin .
Bal weydiiya Diiftiisa Cudur diley . daawo waxii yaaley .
Bal weydiiya daraasadki cilmiga , Dugsi waxay fiiqday.
Bal weydiiya Danahu lahaa , diirsigii Baladu .
Bal weydiiya Dibin-daabyadii barqada, daaha laga qaaday.
Bal weydiiya balo doonisteed , Nadabbad loo diiday .
Bal weydiiya xukun daamaciis, dareen wuxuu keenay .
Bal weydiiya duco waxan qabin , duuga dhaxalkooda .
Bal weydiiya Doofilaha madoow, daginka qiiqaabay .
Bal weydiiya qaxootiga u diday , dunada dacalkeeda .
Bal weydiiya dibiga ciyahaya , Cawska wuxuu diiday .
Bal weydiiya daruur roobanoo, reebatay di'idii roobka .
Bal weydiiya dabaashaha biyaha ,oon la dalag-leeyey .
Bal weydiiya daadkoo waranoo , ay deero ka cabaynin.
Bal weydiiya Doog iyo Ugbaad , ay duunyo ku idlatay.
Bal weydiiya dacar qooshano, Malabse daacaysa.
Balweydiiya Damaashaadka farax , oohinta duugaysa .
Bal weydiiya Sugaan warko daligan,Eray Dabuuntiisa .
Bal weydiiya degaan waamo iyo , Wabiyada dacalkooda.
Bal weydiiya Dudadaas ku nool , xeebta dacalkeeda .
Bal weydiiya wuxuu darab tabcuhu, tuugsiga u doontay.
Bal weydiiya Daw inay ku tahay , Deeqo gabadhooda .
Bal weydiiya diir diir cunta , dalaga Boobaysa .
Bal weydiiya Dawyada la jari, iyo marinka daanoobay .
Bal weydiiya Qabqablaha Dagaal,in waagiis dumayo .
Bal weydiiya Bulshadu Diidaye, Damac hareenkiisa .
Bal weydiiya dib inuu noqdaa, Bari ka soo duulku .
Bal weydiiya Toban kaan damtiri,Duugga arrintooda .
Bal weydiiya Dooliga Irmaano , markaas darar ka maalkiisa.
Bal weydiiya Daanyeerka u hurdo, Diiqo kor u joogo .
Bal weydiiya Dulmiga baarkaloo, Daacad loo lumiyey .
Bal weydiiya Qof waliba danti lehe, in xarigi loo daayo.
Bal weydiiya diwaan qoran ba jire, dakanaduu geystay .
Bal weydiiya dabeecad xumaha , dib u jaleeciisa .
Bal weydiiya Daawo inay jidhoo, xaqu duug noqonin.
Bal weydiiya Doodii lilaahinimo, waxay ku dambeeysay .
Bal weydiiya dib inay rajadu , dawlad dhalindoonto .
Bal weydiiya alle dacwadiis , inay dareemaan ba .
Bal weydiiya Tawbo inay dalbaan,Dambiga laga dhaafo.
Bal weydiiya inay isdaba qabtaan, dhiigga daadanaya .
Bal weydiiya in ay doonayaan , dib u heshiisiinta .
Bal weydiiya Soomaalida Danteed, Dumiya Mooyaan .
Bal weydiiya Waxay doonayaan , Dunidu waa yaabe .
Ugu dambeyntii Saxiix akhristoowama dhageystoow ogoow, in dagalooge,
dumiye, dile, dabshid, diirato iyo yeey, dabajoog, dulaale, iyo kala
dire iyo xukun doono ay yihiin in tii ka dambeysay burburka iyo
balada ku dhacday dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isla markaas aysan
wali meesha ka bixin rajo xumidii laga qabay in la helo Dawlad qaran
, maadama ay wali muuqato in ay is hays haystaan madaxdii dawladda
lagu soo dhisay kiinya , isla markaasna dalka ay wali ka taagan
tahay colaadii sokeeye iyo isku hub uruursigii, balse looga baahan
yahay inta badan ee ka mid ah ummadda Soomaaliyeed ee wanaagga jecel
in ay u istaagaan sidii loo heli lahaa ka miro dhalin waxii lagu soo
dhintay muddada dheer , iyadoo loo sheegayo ama meesha laga saarayo
waxii wada dibaato iyo kala daadin danta ummadda Soomaaliyeed,
meel kasta oo ay joogto.
Cabashada Dhulka Soomaaliyeed!
Dadka wax garadka ah , kuwa leh
aqoonta Diiniga ah iyo midda maadiga, kuwa leh aqoonta sugaanta
iyo aftahanimada iyo waliba qaybo badan oo ka mid ah hormoodka
bulshada sida Haweenka , ayaa waxaa eedo u soo kala jeediyey
Dhulka Soomaaliyeed isagoo kuwo saluugay markii ay kaalin toodii ka
soo dhalaali waayeen , sidoo kale kuwo ku eedeeyey inay iyagu qaybta
ugu weyn ka soo qaateen Masiibooyinkii ku habsaday muddada 15ka
sano ku dhawaadka ah.
Isagoo shegay dhulku waxa soo
gaaray iyo waliba sida dhibtu ay ugu dhacday iyo waliba isago xusay
intii uu gaabiska ahaa waxa horumar iyo Barwaaqo ay adduunyada
inteeda kale ku tillaabsatay, isaga oo aad uga murugooday
masiibada ku dhacday dadkii isaga ku kor noolaa , markii ay iscuneen
iyagoo aan wax balo ah oo isku geysay aysan jirin, ee ay barwaaqadii
ilaah siiyey iyo nimcadii ay ku shugrin waayeen oo shaydaan u hargo
lulay una gacan haadshay , isla markaasna uu Calamka ugu xiray
Dagaal ooge, imaan laawe ah oo aan diin iyo damiir midna celinayn
kaas oo inta duulay dibadda u cararay dawlado cadow ah dabada
lagalay duulaamo ku soo qaaday Dalkii iyo dawladdii isla markaasna
balaayo jiiftay hurdada ka soo kiciyey, dabadeed isagu noqday
shaydaanka dilka iyo dumista dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.markaas
wuxuu yidhi Dhulkii:
Arligaa hadloo,Eray yar yidhee
Ku ooyoo runtii,aan aamuseeyn
Ilamadu ay ishiyo,garkaba ka di'in
Ololayan urkiyo, wadnuhu dhaman
Adimadu runtii, ay ebar yihiin
Arxan iyo aan , haysan ehel
Aduunyada marka,idil u kaharay
Omos meel ah, looga tagay abaar
Itaal gaboo , aan ordi kareyn
Aaway yiri wixi, ubad aani dhalay?
Hadaba waxuu tabay (Waxgaradkii)lagu yaqiin inay samaha ka taliyaan
oo ay balada damiyaan oo bulshada u horkacaan barwaaaqada iyo nabad
ku wada noolaashada,iyagoo wax walba dhanka fiican ka eegana jecelna
in nabad lagu wada noolaado, ayaa noqday kuwo gacanta u galay
Dagaalogge isagoo ku beer dulucsaday Qabiil iyo adeegsi
qabyaaladeed.wuxu
yidhi markaa .
Odaygii rayi iyo , heli ogaa taloo
odorosi jiray , wax amuur qarsoon
Xaajada garaha ,kala eegi jiray
dadkuna raboo,ku iimaan qabeen
samaha talada , ku ilaalin jiray
Bulshadu aqbal , ay ogol ahayd
Ixsaan falkana, lagu abyiqiin
Dagaal ooge miya,albaabkii ka xiray
Qabiil iilashadi, miyuu eed ugalay
Dadku ururin jiray,muu oofo jaray
Ehelkii jeclaa ,maka aamin baxay
Dhulkii intaa kuma eekaane waxuu tabay kuwii wax u soo bartay
(Aqoon-yahan)oo uu ka filayey in ay wax la qaybsadaan kuwa dhigooda
ee dunida kale gaarsiiyey horumar ,oo ay uga gargaaraan
Cudurka,Jahliga,Gaajada, Dilaaga koowaad ee Qabiilka iyo Adeegga
Qabyaaladda oo ku riday Jirada Nabad la'aanta bULSHADIISII .wuxuu
yiri markaa;
Aqoon yahankii ,maxaa af xaray
Abriska u cuni, miyey arkeen
Eebada ugu dhici,miyeysan garan
Qabqablaha i dili,Miyey la socon
Ubadka iga cuni,miyeysan tabin
Ayagu soo maha,kuwaan u dhalay
Anfaco iyo inaan ,kahelo adeeg
Eray qura maxay ,udhihi layiin
Adimada iyo maxa, jaray afkaba
Ma ujeedo kalay ,uga maagayaan
Ayagoo dhan miya,wada urursanayn
Abtiriskii Miyaa ,kala ila xiroo
Inba gooni ku , yidhi ahoow
Idilaha Qabiil ,Miyeey U adeegayaan
Aleey lehe lumo, afkaam u dhacay
Halkaas markii arrintu ay marayso dhulkii wuxuu maliilicay xagga
Dumarka Soomaaliyeed oo lagu yaqiinay Wdaniyadda iyo qaran jaceylka
, iyaga oo ragga ka beer jilicsan isla markaasna halgankii
gobanimada ka soo qaatay qayb libaax ,iyaga oo naf iyo maalba u soo
huray dhalintii xoriyadda uu dagaal-ooguhu sida sahlan miraheedii ku
dumiyey.wuxuuna yidhi:-
Bal aan eego, idil xaawo ley
Dumarkii alalas,mashaxada afuuf
Guubaabada Ficil,Guluf orod iyo
Af buraanbur ,Heeso oran ogaa
Rag ku dhihi , Jiray war ka kaca
Ma ayan bay ,Ebar wada noqdeen
Mise anaaniye iyo,irdhaa heshoo
Aqaladay kukala, OOdan yihiin
Allow aniga maxaa,ihelay waqtiga
Amuurtu xagey , iiga timid raboow
Hadaba dhulku isagoo kala og kii ganay iyo kii galaday ayuu eedo u
soo jeediyey Suugaan leyda Soomaaliyeed qaarkood, kuwaas oo ah kuwa
hal abuura yaasha Riwaadaha ama aan dhahee Hobalada dalka Qaarkood,
kuwaa oo bulshada u soo bandhigi jiray Heeso iyo Gabayo iyo suugaan
kala gedisan oo ay ku kicinayaan oo ay ku aburayaan xiisado iyo
mawjado xukun diid ah , si ay dawladda dalka ka jirtay u af
gambiyaan oo jabhado ay u aasaasaan oo dagaal-oogeyaal u dhashaan
oo dalka iyo dadka ay u burburiyaan , iyaga oo heeso maldahan iyo
erayo sarbeeb qarsoon ah oo jacayl ay ku matayaan ummadda muska uga
dhiibayey, waxaa ka mid ahaa suugaantaas: Warninkoow,Langaruusar,
ninba timo Xamar, If iyo aakhiro,Colka waraf malugu dayey,Googaa
gabar yahay,Ninba ceesaanti ceelka kayn,Calaf laay walaal,caku geelo
muudido iyo waliba boqolaal kale oo aanaan halkaan ku soo koobi
karin, wuxuu yidhi:-
Abwaanow runtii, Adigaa qudhaa
eedbaan kolley, kaa tirsana hayaa
arladu ayadoo , amniya dhammaan
dadkuna kala, amaan helaan
Adigaa ayaan,ileys baas u shiday
Adigaa ordaha,ku dhahay ibliis
Eebo iyowaran,urursada hubkoo
Afganbina markaa,dawladda ku rida
Murtiyo adiga, erayada maldahan
ku afuufay hees,gabayada ur gubo
Ujeedki ka duway,agabyeelay xumi
Aqligii ka wada , omosoor ku riday
Qabqablaha Ushiis,albaabada u suray
ku adeeca yidhi,abaandul xuman
haddaba markii uu la hadlay intii uu islahaa waxbay kaa garanayaan
oo waxay kuu ixsaan fali karaan ayuu ku soo gaba gabeeyey warkiisii
sidaan;-
Yaa u eedaa haddaba,waxay igu dhaco
eebow adigu , ur ii bixibaan
ayaantan waxbadan,ku allabaryaa
Aayadaha quraan,u akhriya saliga
Asmaada ilaah ,isimka acdamka
Aamin allow ,wada dhaha gadaal
Ijaabana markaa,anka suga isaga
Isagaa abid leh,awood u sugan
Asagay agtaal, amuurtayda guud.
Waxaan filayaa akhristoow in aad garatay dulucda iyo u jeedada
qoraalka waxaan rajeynayaa waxii murti ku jira inaad ka dhuuxi
doonto , inshaa allaahu
Moxamed Shiikh Moxamud
|