Madaxweyne
cabdullaahi yuusuf muxuu dadaalka ugu jiraa inuu fariisin ka dhigto
magaalo madaxda gobolka jubbada hoose ee kismaayo?
Tan iyo xilligii ay dawladda f S dhismaheeda lagu dhameeyey
Magaaladda nayroobi ee dalka kenya, waxaa soo baxahayey in
madaxweyne Cabdullaahi yuusuf inuu doonayo in ay dawladdu ku sii
hakato labada Gobol ee Baay iyo Sh/dhexe magaala madaxdooda ee kala
ah Baydhabo oo muqdisho u jirta 260 km iyo Jawhar oo muqdisho u
jirta 90 km.
Markii uu dhawaan Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu safarka ku soo
maray Gobollo badan oo dalka ka mid ah oo aysan ku jirin Gobollada
ay ka midka yihiin BANAADIR, SH/HOOSE iyo Gobolka Jubbada Hoose,
Gobolladaas oo ah Gobollada dalka ugu khayraadka badan ahna kuwa ugu
muhiimsan in ay dawladdu ka hawl biloowdo.
Balse uu u arkay madaxweyne Yuusuf in ay yihiin Gobollo ay
siyaasadoodu isku xiran tahay oo aan hadda ka mid noqon karin inuu
si dhib yar ku soo booqdo iyada oo ay ku sugan yihiin
maleysiyooyinka ugu hubka badan dalka soomaaliya.
Sidoo kale ay Hoggaamiyeyaasha ka taliya Gobolladaas aysan ku
calool fiyoobeen Fikradda ah in dalka ciidamo shisheeye ee hubka
dhigis ah la keeno sida uu rabo Cabdullaahi Yuusuf iyo in ay
waliba ka mid noqdaan ciidamadaas ku dawladaha safka hore oo ay
cabdullaahi uu la leeyahay saaxiibnimo qoto dheer.
Iyaga oo qabqablayaashaasi ay u arkaan inuu ciidankaasi ka hawl
gelidoono Gobollada ay ka taliyaan si ay hubka ugu dhigaan
maleysiyooyinka iyaga ka amarka qaata ee ku sugan Gobolladaas,
ayna markas awoodoodu hoos u dhici doonto, isla markaasna laga
yeeli doono sidii la rabo, maadaama waxa ay meesha ku joogaani ay
tahay cududda qabqablenimo ee aysan ku imaan rabitaanka Bulshada
Soomaaliyeed.
Khilaafkaas iyo tuhunkaas oo keenay in koox badani ay Muqdisho u
hormo goaan oo ay nayroobi isga baxaan iyaga oo sheegayey in ay
rabaan in ay halkaas ka hawl galaan maadaama dawladda loo dhisay
in ay dalka hawl ka biloowdo, iyada oo markii dambana kooxdaas uu ku
biiray Gudoomiyaha Baarlamaanku mudane shariif Xasan ka dib
markii Kooxda Cabdullaahi Yuusuf ay cinqilaabtay oo booskii ay ku
fariisisay ku xigeenkiisii, iyaga oo kooxda Muqdisho iyo meelaha ku
dhawna ay ugu yeereen Shariifka inuu Muqdisho yimaado.
Kooxdaan Shariifku u madaxda yahay ee muqdisho iyo meelaha u oogga
leh ku sugan waxay bilaabeen in ay qabtaan xoogaa shaqo ay oo ay
bulshada rabaan in ay ku beer dulucsadaan iyaga oo laba xero ku
xareeyey xoogaa hub ah iyo ciidan, balse ay mushkilad ka joogto
sidii loo qaadi lahaa meesha ay sartu ka quruntay oo ah
ISBAAROOYINKA WASIIRADA IYO XILDHIBAANADA oo ah ilaha dhaqaalaha
ay ka helaan, iyada oo lagu qiyaasay in maalintii ay uga soo
xarooto malaayiin Doollar lacag gaaraysa.
Dhanka kale waxaa iyana mixnad ay ka haysataa Madaxweyne
Cabdullaahi Yuuusuf sidii ay dawladiisu u soo cago dhigan lahay
Gobolladii uu horay ugu qorshaystay inuu ku sii hakado, iyadoo
magaaladda Baydhabo oo ah midda ugu mihiin sanayd xagga Gurmadka
meelaha uu rabay in ay uga yimaadaan sida dalalka ay wadiifada
yihiin, ay gacanta u gashay Kooxo diidan inuu cabdullaahi soo
dajiyo Dawladda Baydhabo, kuwaas oo dagaal uga saaray kooxdii ayid
sanayd in ay dawladdu soo degto baydhabo ka dib markii dhawr jeer
lagu dagaalay magaaladda baydhabo.
Dagaaladaas oo dhexmaray labada garab ee RRA oo ay kala hogaamiyaan
Xildhibaan SHAATI GADUUD oo ah Wasiir ka tirsan Dawladda iyo
Xildhibaan Xaabsade oo ah ninka ka soo horjeeda in ay dawladdu soo
degto Baydhabo , isaga oo ah ninka hadda gacanta ku haya talada
Baydhabo ka dib markii uu ka adkaaday Garabka Shaati gaduud oo uu
dibadda ka dhigay Magaaladda Baydhabo , ayada oo ay wararku
sheegayaan inuu gacan taakulo uu ka helay Xaabsade ragga ay isku
xulufada yihiin ee ku kala sugan Muqdisho, Marka iyo Kismaayo.
Markii arrintaasi ay dhacday waxaa ku adkaatay in dawladda
Madaxweyne Cabdullaahi iyo Ra'iisal wasaare Geedi ay u guurto
Jawhar iyadoo aysan saldhig u noqon karin kaligeed Dawladda,
sidaas darteed waxaa lagama maarmaan noqotay in meel kale loo helo
dawladda ee ka mid ah Gobollada u ooga leh Muqdisho sida kismaayo.
Sidaas darteed baryahaan waxaa isaga soo taraya wararka ku
saabsan inuu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Wadahadal lagay xubno
isugu jira Xildhibaano iyo Siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ka
tirsan Beesha SADE kuwaas oo ku sugan Magaaladda nayroobi , wada
hadaalkaas oo ku saabsanaa sida ay na soo gaarsiinayaan ilo
wareedyo ku sugan goobtaas in ay isku xiraan Cabdullaahi Yuuusuf
iyo Kooxda ka talisa Kismaayo si ay dawladdu uga degto ama ay
fariisin uga hesho Kismaayo, maadaama baydhabo ay xaaladedu sii
cakirmayso.
Sidoo kale Cabdullahi Yuusuf ayaa kulan kula yeeshay Qaar ka mid
ah Jaaliyadda Beesha SADE ee ku sugan Magaaladda London isaga oo
ka codsaday in ay gacan ku siiyaan sidii ay ugu ogolaan lahaayeen
Ragga ka taliya Kismaayo in ay dawladiisu ka dagto Kismaayo .
Balse waxaa aan caddeyn in ay meel mar noqonayaan isku dayadaas
Cabdullaahi ee la xariira kismaayo, maadaama ay in badan ku
eedaynayeen jireen ragga Kismaayo ka taliya inuu Cabdullaahi marar
badan uu Moorgan hub iyo Ragba ha soo siiyey Bari, si uu gacanta
ugu dhigo mar Magaaladda Kismaayo, mana muuqato sida ay sheegayaan
ragga odorosa siyaasadda Qabqablayaasha in ay arrintas wadahadal
fiican wali yeelatay oo dib u heshiisiineed .
dhanka kale waxaa la sheegayaa in haddii ay u suurtowdo in kismaayo
ay ka soo degi doonaan ciidamada dalalka Ugaandha iyo Suudaan
kuwaas oo adeegsan doona dekedda iyo Airportada Kismaayo, ayna
dawladdu halkaas soo cago dhigan doonto si kastaba ha ku timaadee
arrintaasi.
Waxaa kale ilo xog ogaal ahi ay sheegayaan in walal badan ka galay
Cabdullahi Yuusuf tagitaanka Moorgan uu tagay Muqdisho, iyadoo uu
sheegay ninka ka taliya Gobolka Sh/Hoose INDHCADE oo ah ninka
Qabqablayaasha kamid ka ah oo aan ku jirin Barlamaanka iyo
Dawladaba sida Moorgan uu dhawaan sheegay mar uu wareysi siinayey
Radio Free Soomaaliya inuu moorgan rabo in uu kismaayo geeyo si
kastaba ha ku geeyee isaga iyo rag kalaba, xitaa haddii aysan raali
ka ahayn kuwa hadda ka taliyaa waa sida uu hadalka u dhigaye.
Balse waxaan wali caddeyn suugalnimada arrintaas, iyada oo dadka ku
nool ama hadda ka taliya aysan moorgan u haynin ixtiraam maadaama
ay muuqdaan raadadkii uu u geystay iyo waxii ka soo gaaray qoysas
badan oo ku nool kismaayo, balse ay arrintaasi u muuqato mid lala
damacsan yahay in xiisad lagu abuuro iyo nabad gelyo dari
deegaankaas.
Waxaa caddaan ah in labada dhanba ay u xusul duubayaan in ay midiba
ay rabto in kismaayo xageeda marto oo ay lug ku yeelato fara ku
haynteeda , maadaama ay tahay maaglo aad iyo aad muhiin u ah,
kalkaas waxaa ka cad in kismaayo xasaradi ku soo fool leedahay sida
baydhabo oo kale, arrintaas oo looga baahan yahay dadka ku dhaqan in
ay ka foojignaadaan.
Isku soo wada duuboo waxaa muuqata akhristoow in ay wali saldhig la
dahay dawladda Cabdullahi Yuusuf ayna maalinba maalinta ka
dambeysa arrintu ka sii baahayso iyada oo u eg mid la kulmi doonta
dhibaato hor leh iyo in ay waqtiga ku dhameysato dibad joog nimo ,
waxaa waliba u sii dheer in ay la dahay wax waxtar ah ee ay waxku
qabato ee dhaqaale ah , iyo waliba iyadoo ay ciidamadii ay
rajeynayeysay sii daba guryoonayaan oo maalinba maalinta ka
dambeeysa ay cududaar keenayaan.
Jawhar oo kaliya ma suurowdo in ay degto waayo Muqdisho oo lidi ku
ah ayaa ku waa bariisan karta Jawhar marka Cabdullaahi wali
Nayroobi wuu ku sii nagaanayaa, waxaase laga yaa baa in ay dhawaan
Muqdisho qabtaan Geedi iyo Rag la socda si ay shaxda Muqdisho wax
uga cayaaraan.
Sidaas baana keentay inuu Cabdullaahi isaguna uu dadaal ugu jiro
inuu Fariisin ka dhigto Kismaayo.
Moxamed Shiikh Moxamuud
Garyare, London, UK.
Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar
yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com