|
Allgedo!
Maqaal, Monday, May 23, 2005 |
Khilaafka Dhexyaal Reer Sade
goortee soo bilowday? Maxaase sal u ah?
Sideeda Binuu aadmigu
Mushkiladaha iyo khilaafaadka Adduunyada waa uu la yimid dan iyo
waqtigii uu eebe ku beeray, balse hadba heer ama marxalad ayey soo
joogtay dhibaatadaas,marka beelaha Soomaaliyeed waligood ma muran iyo
hardan la ayn oo waxaa ka soo dhex dhici jiray iska hor imadyo dagaal
oo keeni jiray ama sababi jiray Dhimasho iyo Daawacba , balse waa la
dhameyn jiray inta Geed hoosti loo fariisto.
Inta badani iska horimadyadaasi
waxay ku saleysnaan jireen kuwo ka dhasha Arrimaha Daaqa, Ceelka ama
Dawda, iyo Degaanka, arimaahs oo soo wada dhacay xilliyadii kala
gedisnaa ee la soo dhaafay oo uugu horeeyey Xilligii Xukunka ninka
Xoogga leh, Xilligii Gumeystaha Adduunka iyo waliba Xiulligii Dalka ay
ka jireen Dawladihii ka horeeyey Wagtiga Burburka ee 1991kii.
Khilaafka Reer Sade Maxaa Sal U
Ah?: Waxaa sal u ah runtii labadaan Qodob oo kala ah 1- Sheegad Degaan
iyo Han Talo Hogaan Dhaqan iyo Mid Siyaasadeed. Hadii aan ku hormaro
midda Kowaad oo ah Degaan Sheegadka, waxaan ogsoonahay in Degaanka
maanta reer sade uu Saldhig u yahay Degaanka Gedo,iyadoo ay maahmaahi
ahayd Geel meesha uu u badan yahay ayaa la isugu dheelmaa, sidoo kale ay
ahayd Madax timo riman Mareexaanna Gedo Riman , iyo waliba tii kaloo
ahayn Gaboow geeyga iyo Gadaa Kulmay, intuba waxay ku tusayaan
Muhimmada gedo ay u leeyahay Magaca iyo Mansabka Reer sade.
Waxaan ogsoonahay in reer sade
Qolaba ay xilli timi Gedo iyadoo ay ugu waa weyneed saddexda Xilli ee
kala ah 1- Xilligii ugu horeeyey ee ay imaadeen Qolada reer Guriga loo
yaqaan oo ay ka midka ahaayeen ragii la socday Khaalid Fiqi Cumar 2-
Xilligii ay yimaadeen Ragii lagu magacaabi Jiray FURMO CAD iyo Dadkii
Yimi Xilligii Burburka Qaranka Soomaaliyeed,1991dii, dadkaan oo isugu
jiray dad Markii hore ku dhashay Gedo oo Gobollada Dalka ee Kale ku soo
dhaqnaa Muddo iyo Kuwo aanba waliggood gedo Arkin oo ay ugu hortahay
Waqtigaas.
Qolo kasta oo ka mid ah Saddexdaas
Kooxood mid walba markii ay timi waxay kala kulan tay Dagaal iyo
dhimasho iyo dhaawac lagu soo Gaarsiiyey Difaaca Deganka Gedo iyadoo
laga kor joogsanayey Cadow dibadda ka ah Beesha Sade, mana aysan jirin
Jifo Reer sade ah oo Sheegan jirtay Degaan waxii ka horeeyey Burburka.
Dagaalkii ka dhacay Beled Xawo
Bilowgii 1991kii ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee dhexmara laba jifo ee
reer sade ah waxii ka dambeeyey ilaa 150 sano ka hor dagaaladii dhacay
ee looga heshiiyey Fadhigii Reer Sade ee Ceelka QARADHI ee loo fadhiyey
13ka Bilood iyadoo lagu kala guray waxii khilaafaad ahaa ee biisha dhex
yiil.
Dagaalka Balad xawo wuxuu ahaa
mid salka ku hayey Arrimo Deegaan iyo han talo hoggaan,balse isku bedel
dhiig iyo dagaal sokeeye , waxaa la ogyahay waqtigaas waxii ka dambeeyey
in ay soo ifbaxaysay Magaca Deegaan sheegadka ee Reer sade.
Waxaa kale oo iyana barbar socday
Midda Han talo Hoggaamineed ee ah mid Dhaqan iyo mid Siyaasadeedba,
waxaa jiray laba kooxaad oo kala ahaa Ururkii Jabhadda SNF iyo
Ururkii Al/Itixaad oo iyagu kala aragti duwanaa , isla markaasna uu mid
walba isagu rabay inuu gacanta ku dhigo Talada Degaanka Beesha Sade
haddey tahay Sade Gedo Amaba Sade Bari(Galgaduud),Koos walba waxay
ugashay Halgan iyo Dadaal fara badan , iyada oo Kooxiba ay rabtay in ay
kaga adkaato Tan kale Arrimaha Dhaqaalaha , Siyaasadda, iyo Waliba
midda Itaalka Ciidan.
Khatar taasi ma aysan helin wax ka
qabad ka yimaada Waxgaradka Beesha Sade oo ka hor taga inta aysan
dhicinin, balse waxay u ekayd in loo kala saftay labada kooxood oo ay
san jirin wax ciyarta Fiirsanaya. Labada Kooxood mid waliba dibad iyo
Gudaba waxay dabada la gashay meeshii ay wax ka soo heli karto si ay tan
kale uga takhalusto, waxii dhacay waa la wada ogaa.
Burbur , baa,ba balaayo Dagaal
Sokeeye Dhimasho Dhaawac iyo Barakac ilaa Degmo degmo u socon weyday,
oo ay beelihii kala qaxeen Degaanka Gobolka Gedaba ha ugu darnaadee,
arrintasi waxay soctaba waxay keentahay in SNF ay laba Garab u sii kala
dilaacday oo ay Barqo dagaal iga Dhiig daadsheen meelo badan oo Gedo
ka tirsan iyadoo lagu Loo lamayo Hoggaanka Siyaasadda ee Reer sade ayna
meesha ka baxday Walaalnimadii iyo Wax isku hareenkii lagu yaqiin Reer
sade.
Dhinaca kale waxaa burburkii ka
dib bilowday Xam xam iyo hoos u sheegasho ah in Jifooyinka Qaarkood
ay rabaan in ay sameystaan Hoggaan Dhaqameedyo loona baxshaday Jifoba
sida ay rabto, arrintasi waxay iyana keentay in ay kala wiiqdo isku
xirnaantii iyo is maqalkii ku dhisnaa hal talo Hoggaan ee Dhaqameed ee
lagu yaqiin Beesha Sade ayna kaga duwaneyd Beelaha Kale ee Soomaliyeed.
Waxaa adkaatay wax ka qabadkii
Shilalka Beesha ka dhex dhaca iyadoo ay dhibaato ka timi arrimaha
Garsoorka oo la isku aamini waayey, keen tahyna in go,aan hagaagsan
laga gaaro ama lagu dhameeyo markii ay wax dhacaan, iyada oo arrinta
la daba dhigayey mid aanu ah oo falkii laga wada hadlay laga daba
marinayey aarkoosasho. Arrintaas ah Aar Goosashadu waxay noqotay
mid taxane ah oo ila iyo hadda laga dhayi la yahay Boogta Biskoon la ee
ku taal Beesha Reer Sade.
Taas oo Hoos u dhigtay Tayadii iyo
Tamartii lagu yaqiin Reer Sade isla markaasna loo noqday dad aan kala
talo qaadan oo aan is xushmayn oo aan dhowreyn wax la isku ogaa Jaantaa
Rogan ah. Sidoo kale siyaasaddii reer sade ma laha Hoggaamin
midaysan oo waxay Noqotay mid qof walba uu isagu iski isaga soof tago oo
uu la fariisto Feedkii uu arko oo dad iska fadhiyaan isla markaasna
waxay wada noqdeen siyaasiyinta maanta ee Reer sade kuwo Qaraabasho ah
ee ku saleysan Qabqablenimo iyo Balo Qori sida oo aan waxba ka
xishooneyn.
Waxaa la yaableh in aysanba dan
kala hayn waxa dhacaya oo ka dhex dhacaya dadka ay leeyihiin waan
matalaynaa oo waxay awoodi la yihiin in ay kala dhex galaan oo ay
kala qaboojiyaan isla markaasna ay Maslaxad waarta uga dhex shaqeeyaan.
Sidee Baa Wax Looga Qaban
Karaa ?
Runtii waxay u baahan tahay in
wax laga qabto dhibaatadaas qodobada soo socda. 1-In la qabto Shir
Culus oo leh muhimadiisa. 2- in la helo Garsoorayaal Daacad ah, mukhlis
ah , Caadifad aan lahayn, aan eex lagu aqoon . 3- In si dhab ah loo
fala qeeyo Waxa Boogta keenay iyo waxa ay bugsoon la dahgay. 4- in laga
saaro waxii Beesha sade aan dhaqanka u ahayn sida Seegashada Deegaanka
iwm. 5 - in la kala guro Waxii Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhexdhaxay
Jifooyinka reer Sade. 6- in aan lagu kala dareerin ilaa la ogaado in
lagu kala bugsooday. 7- In wixii ka dambeeya la soo saaro waxii lagu
qaban lahaa qofkii ama jifadii Jabisa Heshiiskaas.8- in la xadido Tirada
Jifooyinka reer sade ee wax qaybsiga. 9- in la mideeyo Siyaasadda reer
sade oo loo xulo dad hanan kara. 10- in la tayeeyo oo hab guddi loo
dhiso kan dhaqanka Beesha.11-iyo in dhaqaale loo aruuriyo shirka
Nabadeynta iyo Xallinta KHILAFAADKA reer Sade aana loo kala kicin ilaa
laga soo afjaro.12- in tillabo laga qaado ciddi ku xad gudubta
heshiiskaas iyadoo aan loo kala hareyn reer sade ahaan. Ilaahay
hana garan siiyo danteena aamiin.
Qolraaladii hore ee Garyare: Ka
faa'ideyso waa qoraal aqoon kororsi ahe iyo maqaal kale oo uu
cinwaakiisu yahay "Cinqilaabka Gud. Baarlamaanka Shariif Xasan ma
bilowgii bur-burka DFKMG Soomaaliyaa?
Moxamed Shiikh Moxamuud
(Garyare, London Uk)
Fariinta uu wato qoraalkaan waxay u gaar tahay
qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|