HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Friday,  June 17,  2005


Samatabixinta qarannimada soomaaliya waxay ku jirtaa gacmaha dhalinyarada soomaaliyeed ee maanta
 

 

Dhalinyarada waxaa lagu maslaa qoom malaa’ig ahe waa xikmad uu abwaan soomaaliyeed yiri oo muujineysa muhiimada iyo qiimaha ay dhalinyaradu ku leeyihiin bulshada dhexdeeda. Dhalinyaradu waa laf dhabarta dal walba oo dunida guudkeeda ku yaal. Waddan waxaa uu ku muuqdaa oo bilicdiisa iyo awoodiisa soo saara waa iyaga oo u hura dhiigooda iyo dheecaankooda iyo naftoodaba. Ma jiro waddan maanta ku naaloonaya qarannimo, hormar, barwaaqo sooran iyo madaxbanaani buuxda oo aysan dhalinyaradiisu u soo halgamin una dhiman u dhaawacmin.waxaa si cad loo dhihi karaa dalalka hormaray ee reer galbeedka waa dalal ay dhalinyaradoodu u tafaxayteen, dhiishana guntiga isaga dhigeen in ay dalalkoodu noqdaan hormuudka aduunka yihiina kuwa ku guulaystay riyadooda oo maanta uu qof walba marqaati ka yahay.
 

Si taa lamid ah waxaa iska cad oo aanu daah saarayn taariikhda dhalinyaradii soomaaliyeed ee horseedka u aheyd hanashadii xoriyadeena iyo qarannimadii naga fool habowday. Dhalinyaradaasi waxaa caado u ahayd oo si weyn loogu garanaayaa u darbanaantoodii howshii gabonimo doonka iyo xaqiijinta qarannimada soomaaliyeed.

Cidna ma dafiri karto in ay dhalinyaradaasi ahaayeen kuwii horseedka u ahaa ee abaabulay islamarkaana hogaamiyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii iyo kicitaankii heerarka kala duwan lahaa ee ay bulshada soomaaliyeed ku dalbanaysay madaxbanaanideeda, midnimadeeda iyo qarannimadeeda.
 

Arimahaasi qiimaha lihi waxay dhalinyaradii S.Y.L u keeneen in ay bulshada dhexdeeda ku yeeshaan magac qadarin iyo tixgalin balaaran. Dadweynaha soomaaliyeedna waxay dhalinyaradaasi u arkaan in ay yihiin horseedkii madaxbanaanida iyo jiritaanka qarannimada soomaaliyeed.sidaas darteed layaab malaha in ay taariikhda soomaaliyeed kagalaan baal dahabi ah amaba ay kaga xusnaadaan bogogga hore.
 

Hadaba hadii ay dhalinyaradii hore lahaayeen taariikhdaa fog. Waxaa isweydiin mudan maxaa ilaa haatan loo la’yahay dowrkii iyo kaalintii dhalinyarada maanta kaga beegnaa xaalada uu maanta dalku marayo ee ah burburka, fowdo,faragalinta gumaysiga cusub,iyo dagaalada sokeeye ee daba dheeraaday.
 

Waxaa hubaal ah in ay dhalinyarada maant yihiin kuwo u nuglaaday tabaha gumaystaha iyo cadowga ummada  u dhigayaan iyadoo intooda badan maanta loo adeegsado dano gaar ah lana kala saftay hogaamiye kooxeedyo aan dan qaran iyo mid soomaaliyeed toona ka shaqeyn iyo dad daba dhilif u ah shisheeye iyo cadowga ummada soomaaliyeed. Taasi waxaa marqaati cad u ah waddo kasta oo aad maanta martaa waxaad ku arkeysaa dhalinyara hubeysan oo ay u taalo isbaaro iyo jid gooyooyin iyagoo waliba mararka qaar ku dhaqaaqa falal lidi ku ah xuquuqda aadanaha  sida kufsi, jir-dil, dil ula kac ah iyo dhac,boob iyo faraxumeyn.
 

Arimahaasi oo dhan  dhab ahaantii waa kuwo ay ku farxayaan cadowga soomaaliyeed isla markaana u ah hormar ay gaareen  maxaa yeelay howl ay qaban lahaayeen oo iyaga sugeysay ayaa waxaa u fuliyay dhalinyaradii ay islahaayeen waxaa ay idinka difaaci doonaan falalkaas.sida dhabta ahna gumeysi waxaa ugu daran oon aan inta badan laga xoroobin maskax gumeysiga waayo waxaa uu qofka noqonayaa aalad uu leeyahay gumeystaha uuna u adeegsado hadba meeshii ay dani ugu jurto, uuna ku ilaashado danihiisa gaarka ah.
 

Waxay ila tahay in tani looga gudbi karo iyadoo dhalinyarada dhamaantood ay u soo noqdaan xagga cabsida alle si dhab ahna ay u toobadkeenaan isla markaana inta ay gacmaha is qabsadaan taariikhdana dib u xasuustaan bal si ay u ogaadaan qiimaha ay dadka iyo dalka u leeyihiin iyo kaalintii ay ka soo qaateen xiligii gobonimo doonka dhalinyaradii S.Y.L taasi waxay suuro galin kartaa in ay dhalinyarada maanta garowsadaan in xaalada uu dalku ku jiro ay magan u tahay iyaga yihiina kuwii  samatabixin lahaa. sidoo kale waxaan shaki ku jirin jiilka maanta ay yihiin hogaamiyaasha bari marka waa inay u halgamaan hagaajinta mustaqbalkooda ayna ka kacaan jiifka boorkana iska jafaan.
 

Waxaa xusid mudan in mustaqbalka dadka iyo dalka soomaaliyeed uu ku xiranyahay hadba sida ay u halgamaan dhalinyarada soomaaliyeed ee maanta joogta meelkastaba ha ku noolaadeene. Waxaan dhamaanteen nala gudboon in aynu fadhiga ka istaagno kana soo dhalaalno kaalintii mugga laheyd ee lagu yaqaanay dhalinyaradii soomaaliyeed.

 

 

Waxaa qalinka u qaatay qormadaan:

Aadan Axmed Aadan (haydara) 

e-mail address: haydara_ahmed@yahoo.con


 

Fariinta uu wato qoraalka sare waxay gaar u tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay. 

allgedo@allgedo.com
 

 


 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com