Somaaliya ma ka jiraa mujtamac madani ah (civil society)???
Waxaan halkan jeclahay in aan
halkan idin ku soo bandhigo oo aan fikrad iyo aragti idin ka siiyo
macnaha erayga beryahan aad mooddo in uu ku soo batay halhaysna u
noqday dadka soomaaliyeed iyadoo nasiibdarro aan cidina isweydiin
macnihiisa asalka ah, cidina aysan si cilmiyaysan oo cad uga hadlin
uguna soo bandhigin bulshada, isagoo eraygani ah mid ku cusub
luqadda iyo sugaantayada siyaasadeed.iyadoo dadkii ka hadli lahaa oo
aqoonyahanku ugu horreeyo iyo inta sheegata tacliinta ee waxbaratay
aad mooddo laftigoodu in ay ku jaahwareersan yihiin oo aysan dhuuxin
ama faaqidin oo cilmi baaris ku samayn erayga aan oran karno in uu
muhiim u yahay marka laga hadlayo nolosha bulshooyinka ee
ijtimaaciga ah iyo tooda siyaasadeed iyo isbaddaladda bulshooyinka
ku dhaca.haddaba ogaanshaha iyo bidhaaminta macnaha eraygaasi uu wax
weyn ka tari lahaa dhibaatada soomaaliya maanta haysata oo aad
mooddo mid la garan la’ yahay meesha wax ka qaldan yihiin iyadoo
erayga aan halkan ku soo bandhigayno uu qayb weyn ka noqon karo
xalka mushkiladda ijtimaaciga iyo siyaasadeed ee soomaaliya.
Haddaba eraygan aan halkan uga
jawaabayno waxaa weeye waa maxay macnaha erayga (civil society) oo
ay soomaalidu ku macnaysatay am ula baxday bulshada rayadka ah.
Haddaba erayga civil society oo aan halkan ugu wanqalayo oo aan
doorbidayo in aan ku magacaabo mujtamaca siyaasadeed ama mujtamaca
madaniga ah (political or civil society) asal ahaan waxay isku isir
yihiin(synonymous) iskuna sansaan bannaan yihiin oo isku jaad iyo
isku fir yihiin macnaha ereyada bulsho iyo dawlad ama (society and
state) isagoo la macna ah erayga mujtamaca siyaasadeed oo madaniga
ah (political or civil society).
Haddaba marka lag hadlayo
mujtamaca siyaasadeed (civil society) maaha macnaheedu mid ka
hadlaya oo khuseeya shakhsiyaad iyo afraad ururo samaystay sida aan
hadda marar badan aragno ururo la baxay bulshada rayadka ah (civil
society) balse waa mid eraygani tilmaamaya kana hadlayaa, marka si
cilmiyan ah loo dhuuxo loona sharxo oo loo daba galo loona darso
ayaa la oran karaa in uu yahay xaalad guud iyo nolol ku salaysan
xaaladda bulsho siyaasadeed oo ay ka muuqato kuna nool xaaladda
ilbaxnimo xaddaaradeed (civilized political community), islamarkaana
si la yaqaan u horumarsan oo nidaam madani ahi ka muuqdo (civic
order), islamarkaana leh halbeeg (code) iyo tilmaan sharciyeed..taas
oo macnaheedu noqonayo ama aan halkaas ka garan karno ama ay ka
muuqato doodaas aan kor ku xusnay in qolooyinka iyo bulshooyinka ay
ku yar tahay ama aan lahayn raadka iyo sansaanka xaddaaradeed iyo
magaalo (civility and urbanity) sida bulshada reer
guuraaga(primitive nomadic) iyo dhaqanada bidaa’iga ah (pre-urban
cultures) aysan ahayn ama aan la oran Karin laguna tilmaami Karin
bulsho madani ah (civil society). sida mujtamaca soomaaliyeed oo la
oran karo in uu yahay mid sifadaan leh,base ah mujtamac qabali ah oo
ku sugan xaalad bidaa’I ah oo reer guuraanimo (state of nomadism)
oo aan magaalo iyo ilbaxnimo ka muuqan.
Haddaba marka laga hadlayo
mujtamaca madaniga ah (civic community) ayaa waxaa aabbe u ah
fikirkaas culumadii abwaanada siyaasadeed ee qarnigii 17add oo iyagu
markii u horraysay daah furay ee soo bandhigay kana hadlay fikirkii
ahaa ama ku magacawnaa fikraddii caqdiga siyaasadeed(contractarian
political thought) oo ay ugu waaweynaayeen hobbes locke,iyo rosseou,
kuwaas oo ku qeexay in mujatamaca madaniga ahi yahay mid ka duwan oo
lid ku ah xaaladda ku tilmaaman ama wax la oran karo xaaladda
nolosha dabiiciga ah (state of nature) iyadoo mujtamaca siyaasadeed
ama madaniga ah ku qeexay ama ku suntay in uu yahay mujtamaca
nidaamsan ama kaladanbeeya oo habaysan (ordered society)
islamarkaana adeecsan una hoggaansan dhawrista sharciga iyo
nidaamka(organized society over which the state rules).
Haddaba si aad loogu ogaado
looguna fahmo si fiican waxa uu yahay mujtamaca madaniga ah, ayaa
taas lagu ogaan karaa in aan ogaanno xaaladda ka duwan oo lidka ku
ah xaaladda nolosha iyo sifaha uu leeyahay mujtamaca madaniyeed,
iyadoo taas ogaanshaheeda loogu baahan yahay iyadoo sida la ogyahay
ay noloshu na barayso in wax kasta si loo ogaado ay lagama maarmaan
tahay, laguna ogaan karaa wax kasta marka waxa lidka ku ah la ogaado
sida qaraarka, macaanka, nabadda, colaadda diraac, iyo doog .iwm.haddaba
taas awgeed ayaan halkan ku sharxi doonnaa macnaha ereyga iyo
xaaladda aan ku tilmaannay ama aan ku sheegnay tan lidka ku ah
xaaladda madaniyeed iyo xaddaaro(civil state) oo ah xaaladda nolosha
dabiiciga ah (state of nature) taas oo ay xaaladda noocan ah iyo
nolosheedu ay ku salaysan tahay xaaladda wadci tilmaamaya ama ay ka
muuqato sifaha xorriyad jeenigaa furan ah kana tarjumaya waxa
soomaalidu tiraahdo nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira ayna ku
dhaqanto oo caadada u ah mujtamaca qabaliga ah ee soomaaliyeed.
Haddaba nidaamka noocan ahi iyo hab nololeedkiisaba ayay asaas u
tahay xaaladda xorriyad dabiici ah (natural liberty) taas oo ku
salaysan wax la oran karo xorriyad aan xad lahayn oo qof waliba
sameyn karo waxa uu rabo ama maskaxdiisa ka maago ama uu damco,
iyadoo aysan jirin awood iyo suldat hor istaagaysa amaba uu ka
baqayo oo xadaynaya amaba ciqaabaya. Iyadoo xaaladda noocan ahi ay
ka muuqato nolosha waaqica soomaaaliyeed si caddaan ah oo loo wada
jeedo iyadoo ay tilmaan u tahay ayna jidaynayso oo keenayso
arrintani xaalad fawdo ah oo lagu tilmaami karo mid bidaa’I ah
(primitive condition) oo sharci la’aaneed, iyadoo taas macnaheedu
noqonayo xorriyad jeenigaa furan ah(unlimited liberty) sifadeeda iyo
biyo dhaceeduna noqonayo in qof kastaa xor yahay wuxuu rabana sameyn
karo xilligii iyo markuu doono, taas oo ah in aan qofka cid xukunta
oo uu ka haybaysto uuna hoos yimaado aysan jirin qof kastana ku
socdo laguma dhaamee dhaqaaq hortaana bannaan.
Haddaba mujtamaca dhaqameed ee soomaaliyeed kuna nool xaaladda
bidaa’iga ah ee aan kor ku soo tilmaanay kuna salaysan xaaladda
aan ku sheegnay (state of nature) iyo dhaqanka ku dhisan wax lagu
tilmaami karo habdhaqanka bidaa’iga ah eek u dhisan
sifada(primitive retaliatory justice) ee sharci la’aaneed.ahna mid
qofba qof ka aarsado qof walbana qof loogu aaro iyadoo aysan jirin
wax sharci ku dood iyo dacwo la yiraahdo, iyadoo aan cidina cid ka
aarsan una aarin ahna mid aan oran karno xaaladda (civilized rule of
law adjudication) ee ku salaysan is maxkamadaynta iyo isdacweynta
sharciyeed iyo in sharciga lagu kala aarsado.
Haddaba sida aan kor ku soo
carrabawnay ayaa la oran karaa in mujtamaca siyaasadeed ama madaniga
ah uu kaga duwan yahay mujtamaca dhaqameed (traditional natural
society) ee ku nool xaaladda (state of nature), marka si cilmiyan ah
loo qeexo isagoo ah mid ku salaysan mujtamaca siyaasadeed ee
madaniga ahi (political or civil society) iyadoo aanaan innagu
oranayn macnaha eraygaas sida soomaalidu ay u tarjunto oo ah
bulshada rayadka ah oo aad mooddo mid aan cilmiyaysnayn oo aan si
dhab ah uga tarjumayn macnaha runta ah ee arayga, iyo sida ay uga
hadleen fakarayaashii fikirka siyaasadeed ee iyagu fikraddaan ka
hadlay iyagoo iyagu ku macneeyay in uu yahay mujtamac kaladanbeeya
laguna sifayn karo mujtamaca nidaamsan oo habaysan ordered society)
amaba haddii si kale u niraahno noqonaya amaba ku sifoobaya
mujtamaca aan jiritaankiisu suurtagal ahayn oo aan jiri Karin ilaa
la helo ama uu noqdo oo ku sifoobo mujtamac xubnihiisu u diyaarsan
yihiin una heellan oo heegan u ah in ay u hoggaansamaan isuna
dhiibaan oo ka danbeeyaan ayna adeecaan hannaan sharciyeedka iyo
nidaamka jira ee dhisan ayna u hoggaansan yihiin suldata iyo awoodda
sharciga matasha ee fulinaysa iyo suldata sharciga ilaalisa ee iyadu
dhawrta (lawgiver)ahna tan iyadu sharciga dadka ku qaadda kuna
ciqaabta ciddii damacda in ay jabiso.
Haddaba taas baddalkeeda marka
aan fiirinno oo aan eegno xaaladda kale ee aan soo tilmaannay ee ku
salaysan xaaladda nolosha duureed ee dabiiciga ah (state of nature)
iyo habdhaqanka fikirka sansaankiisu yahay kuna salaysan aragtida
waxa loo yaqaan xuquuqda dabiiciga ah (natural rights) oo iyadu
xambaarsan islamarkaana aaminsan waxa la yiraahdo waajib akhlaaqeed
(moral obligation)oo iyadu iskeed u ilaalisa xasiloonida iyo amniga
iyo nidaamka, taasna qalbigiisa iyo iimaankiisu farayo.ayaa la oran
karaa fikraddaasi in ay tahay mid liidata oo raqiis ah oo iska
daciif ah marka la yiraahdo iyadoo aan lahayn kana qaawan
fikraddaasi wax ciqaab sharciyeed iyo awood sharci ku qaadid oo
qofku ka baqo (legal sanction and enforcement).
Haddaba waxaa kaloo xusid
mudan sida uu sheegay fakaraagii iyo taariikhyahankii caanka ahaa ee
ibnu khalduun oo sheegay in bulshooyinka qabaliga ah iyo
casabiyaadku ay adag tahay si ay u hoggaansamaan ulana qabsadaaan
nolosha xaddaaradeed ee madaniga ah (civic order) iyadoo ay adag
tahay in nidaamka dawladeed ka hirgalo casabiyaadka iyo bulshooyinka
bidaa’iga ah ee qabaliyeed oo ay bulshada soomaaliyeedna sida aan
ognahay qayb ka tahay. iyadoo ah bulsho qabali ah oo ay nolosheedu
ku salaysan tahay nolosha habdhaqanka reer guuraanimo (state of
nomadism) ahna mid dhaqankeeda lagu tilmaami karo dabeecad
fallaaganimo (rebellion) iyo madax adayg iyo kalisocodnimo
(individualistic nature) ayna ka muuqato caadana u tahay dabeecadda
bulshada qabaliga ah ee habdhaqnkeedu bidaa’iga yahay mid aan
jeclayn islamarkaana neceb oo ka didda wax kasta iyo iskuday kasta
oo xukun iyo sharci u hoggaansamid iyo in la kontoroolo oo la xukumo.
Haddaba shakhsiyadda bulshada qabaliga ah ayaa qofku aaminsan yahay
una arkaa adeecidda iyo ka amarqaadashada suldata iyo
qawaaniinteedaba mid addoonsi iyo cabiidsi oo kale ah oo dullinimo
ah isagoo kula macaamila kalana horyimaada dhaqan iyo dabeecad
fallaaganimo iyo amardiid ah, meesha taas baddalkeeda uu u arko
shakhsiyadda bulshada xaddaaradeed civic or civil community) uuna
aamisan yahay qofka madaniga ah ee ilbaxa ahi uu arko adeecidda iyo
u hoggaansanka suldata iyo qawaaniinteeda in ay sharaf u tahay
noloshiisana ay dan u tahay kuna haysto oo ka helayo hoos joogidda
uu suldata hoos joogo nabad iyo xasilooni taas oo adeecidda suldata
iyo qawaaniinteedana ay noloshiisuba ku dhisan tahay nabadiisuna ku
xiran tahay.
Haddaba isku soo wada duub oo
sida ku cad qarmadayadan kor ku xusan ayaa la oran karaa ayna ka soo
dhexbaxaysaa hadalkayaga marka la dhuuxo in fikridda xaaladda ku
tilmaaman xaaladda nolosha dabiiciga ah ee duureed (state of nature)
iyo xuquuqdeeda dabiiciga ah (natural rigthts) ay tahay aragtidani
iyo nolosha bulshooyinka qabaliga ahi, eek u nool xaaladda
xorriyadda aan xadka lahayn ee jeenigaa furan ah cid xukuntaana
jirin (unlimited natural liberty) ay arrintani tahay xaalad jirtay
ka hor inta aan dadku u gudbin oo aan la samayn loona guurin nolosha
xaddaaradeed ee madaniga ah (civil state) ayna abuurmeen soona
baxeen oo la arkay wax la oran karo mujtamaca siyaasadeed oo leh
habdhaqanka ilbaxa ah ee madaniga ah ee xaddaaradeed (civic order).
Haddaba marka la fiirayo
dhaqanka iyo nolosha labadaas marxalo iyo xaaladood (stutus) ay noo
soo baxayso ayna caddahay in aysan shaqo isku lahayn la iskuna qaldi
Karin oo aysan sinnaba isugu sansaan bannaanayn labadaas
xaaladood.taas oo macnahu yahay in ay qalad tahay in aan ka hadalno
marka la fiiriyo bulshada iyo mujtamaca soomaaliyeed ee qabaliga ah
marka sida uu hadda yahay ee aan kor ku soo tilmaanay ee
habdhaqankiisu ku salaysan yahay xaaladda ah (state of nature) in
lagu tilmaamo mujtamaca noocan ah mid leh ama ay ka muuqato sifada
xaalad la oran karo (civil state)amaba yahay mujtamac madani ah
(civic or civil society) oo aan ku sifayn karno tilmaanta ah
mujtamac nidaamsan oo kaladanbeeya (ordered society) oo yeelan kara
sifada iyo astaanta aan ka soo hadalnay ee ku tilmaaman waxa loo
yaqaan (political or civil society).
Haddaba u guuridda ama
noqoshada iyo yeelashada sifada iyo tilmaanta lagu yaqaan mujtamaca
madaniga ah (civil society) ayaa u baahan laguna noqon karaa
tilmaanta noocan ah iyadoo mujtamaca soomaaliyeed ee qabaliga ah ee
xaalkiisu ku salaysan yahay xaaladda(state of nature)iyo xorriyadda
jeenigaa furan ah,si uu noqdo mujtamac madani ah (civil society) oo
xaddaaradeed ayaa loo baahan yahay in taas aan lagu dagdagin la
iskana sheegan magacaas, ilaa marka hore lagu tallaabsado lana
sameeyo oo la gaaro in loo baddalo lagana diga rogto oo laga guuro
xaaladaha (state of nature) ee ku salaysan xuquuqda iyo xorriyadaha
dabiiciga ah ee duureed (natural libery and natural rights) iyo
habdhaqanka bidaa’iga ah ee xaaladdiisu tahay dhaqanka jeenigaa
furan ah kuna salaysan caddaaladda iyo sharciyadda godobta iyo
aarsiga ku dhisan ee bidaa’iga ah (primitive divisive retaliatory
justice) iyadoo loo baahan yahay in lagu baddalo xaaladda noocaas ah
xaaladda nidaam madani ah (civic order) kuna salaysan xaaladda ku
tilmaaman ama aan oran karo u haggaansanida iyo adeecidda sharciga
iyo suldata matasha iyo dhaqan ilbax ah oo aan aarsi lahayn balse ku
dhisan dacwad iyo maxkamad ku kala aarsasho (civilized rule of law
adjudication) ahna mid xeerkiisu yahay kuna socda sharci dabaqidda
iyo sharci isku qaadidda laguna xanbaaro in qofku sharciga u
hoggaaansamo, qofkuna sharciga uusan jabin Karin (legally enforcible
ones) markaana dadku noqdo mid ku dhex nool kuna sugan xaalad la
oran karo ama ku tilmaaman (civil state).
Haddaba marka laga hadlayo jiritaanka mujtamaca madaniga ah ayaa
jiritaankiisa waxaa saldhig u ah laguna gartaa in ay jirto xaalad
ugu yaraan ilaa xad xeer iyo halbeeg (core) adag iyo wax la oran
karo xorriyadda iyo xuquuqda madaniga ah(civil rights and civil
liberty)oo ah xorriyad xadidan kuna jaan go’an oo ku qabiran kuna
jeeni qaaran sharciga iyo nidaamka oo aan xadkaas tallaaabayn
fallaagana ahayn.ayna ku lammaan tahay oo ay garab socoto
aaliyaadkii sharciga lagu fulinayay iyo awoodihii iyo suludaatkii
lagu meel marin lahaa oo ay ka mid yihiin awood laga haybaysto
lagana danbeeyo (sovereign authority) iyo talis dhexe oo booliis
(centeral police) iyo awoodihii garsoor iyo maxkamado(adjudicatory
rule of law principle) iyo iwm.iyadoo taas loogu baahan yahay ayna
taas khasbayso si loo ilaaliyo loona sugo oo loo damaano qaado qofka
xorriyaddiisa iyo in aan lagu xadgudbin laguna tacadiyin. Iyadoo
islamarkaana la siinayo awoodihii looga baahnaa ee ciqaab sharciyeed
iyo sharci ku qaadid ee nidaamka dawliga ahi leeyahay (legal saction
within the state).
Haddaba ugu danbaynta waxaan
halkan hoosta ka xariiqayaa in si mujtamaca soomaaliyeed u noqdo
mujtamac madani ah, ayay taasi u baahan tahay marka u horraysa in
laga takhaluso lana baddalo xaaladdii ahayd xorriyadaha iyo
xuquuqaha dabiiciga ah ee duureed islamarkaana ah kuwo jeenigaa
furan iska ah (natural liberty) laguna baddalo sifada xaaladda cusub
ee xaddaaradeed iyo habdhaqanka madaniga ah ee ku salaysan sifaha
iyo astaamta xorriyadaha iyo xuquuqda madaniga ah(civil liberty and
civil rights) ee ku xadidan kuna dabran xuduudaha nidaamka iyo
sharciga. iyadoo arantani lagama maarmaan u tahay shakhsiyadda qofka
iyo ninka ilbaxa ah ee madaniga ah iyo xorriyaddiisa oo ah xorriyad
ka dhalatay jirina karta oo kaliya marka la helo mujtamac nidaamsan
oo siyaasadeed oo madani ah (ordered society) taas oo mujtamaca
noocan ahi uusan jiri Karin uusanna shaqayn Karin aan ka ahayn ilaa
la helo lana gaaro oo la sameeyo meegaar iyo wareeg deyr suldat
awood xukun iyo kaladanbeyn(framework of authority)oo iyadu ah waxa
asaaska iyo saldhigga u ah jiritaanka astaanta iyo magaca waxa loo
yaqaan amaba la oran karo mujtamaca siyaasadeed ama madaniga
ah(political or civil society).haddaba haddii aysan jirin awoodda
iyo suldata xukun ee sharciga meel marinayay ee xoogga ku fulinayay
(sovereign authority) iyadoo ah mid suldatan iyo awoodani ay
xadidayso islamarkaana xad u yeelayso xorriyadda dabiiciga ah ee
duureed ee aan xuduudka lahayn (natural liberty) ee jeenigaa furan
iyadu ah, iyadoo ka dhigaysa xorriyad xadidan kuna xanniban oo ku
dabran xuduudaha iyo soohdimaha sharciga iyo nidaamka ku salaysan
loona yaqaan xorriyadaha madaniga ah(civil liberty).
Haddaba hadal iyo dhammantiis
haddii aan lagu tallaabsan lana helin oo aan la taabagelin si dhab
ah dhaqanka noocaas ah ee madaniga ah, aysan jirayn jirina Karin
islamarkaana aan la sheegan Karin lana oran Karin in uu jiro wax u
dhaw iyo wax lagu tilmaami karo sinnaba in lagu tilmaama mujtamaca
qabaliga ah ee soomaaliyeed laguna sheego mujtmac madani ah iyadoo
aan halkan soo qaadan karno ayna muhiim tahay in lagu xuso mar
haddaan ka hadlayno mujtamac madani ah ,iyadoo ay meelo yar oo dalka
ah ay ka soo muuqanayaan kana soo ifbaxeen bilawba ha noqdeene
tijaabooyinkani ayaa haddana waxaa jira xaalado iyo ifafaalayaal la
oran karo amaba u muuqda sansaanka wax la oran karo amaba leh sifaha
mujtamaca madani ah (civil society) oo runtiinna ammaan iyo bogaadin
mudan ahna arrin iyo tallaabo aad loogu farxo, guul weynna lagu
tilmaami karo ahna mid ku dayasho mudan iyo in aan ka shidaal
qaadanno oo ay deegaannada iyo bulshooyinka iyo beelaha kale ee
soomaaliyeed tallaabo taas la mid ah ay qaadaan ayna waajib tahay
si ay u noqdaan una kasbadaan oo ugu sifoobaan una yeeshaan magaca
iyo astaanta tilmaanta mujtamaca madaniga ee la wada hadalhayo in
talaabadaas oo kale ay iyana ku tallaabsadaan sida ay ku
tallaabsadeen ayna qaadeen ee ka hirgalay deegaanada soomaliland iyo
puntland oo runtii kasbaday kuna guulaystay bilaw iyo barbaradba ha
noqdeene kuwo iyaga lagu tilmaami karo lana oran karo in ay yihiin
kuna sifoobeen oo ay halkaas ka jito wax la oran karo dhab ahaantii
mutamac siyaasadeed oo madani ah oo leh sifihii iyo tilmaamihii aan
ka soo hadalnay ee uu lahaa laguna yaqaannay mujtamaca madaniga ee
siyaasadeed (political or civil society) kuwaas oo leh habdhaqanka
xorriyadda madaniga ah (civil liberty) kuna salaysan dhaqanka
anshaxa kaladanbeyn iyo amar qaadasho (disciplined culture), iyadoo
marka labadaas deegaan laga reebo aysan muuqan aysanna ka jirin
soomaaliya inteeda kale wax lagu sifayn karo amaba la oran karo oo
ku tilmaaman amaba u muuqda oo leh sifaha tilmaamaha aan ka soo
hadalnay ee uu leeyahay ama lagu yaqaan mujtamaca siyaasadeed ee
madaniga ah lehna habdhaqanka xorriyadda madaniga ah iyo dhaqanka
anshaxa kala danbeyn iyo bulsho nidaamsan oo la xukumo (ordered
society) balse aan oran karno marka labadaas deegaan iyo
bulshooyinka ku nool laga reebo in soomaaliya deegaanada kale iyo
bulshooyinka beelaha kale oo dhan ay ka jirto kuna sugan yihiin
xaaladdii kale ee aan ka soo hadalnay ee ku tilmaanayd xaaladda
dabiiciga ah ee duureed(natural liberty) iyo xaaladda mujtamac
qabali ah oo wali ku sugan kuna nool xaalad u muuqata kuna tilmaaman
noloshii ka horraysay nolosha siyaasadeed iyo midda magaalo oo
xaddaaradeed (pre-urban and pre-political culture) iyo dhaqaka ku
salaysan xorriyadda dabiiciga ah ee duureed oo ku dhisan xaalad
jeenigaa furan (natural liberty) oo aysan jirin qofka cid xukunta
iyo cid uu ka amar qaato iyo nidaam iyo suldat uu u hoggaansan yahay
kana danbeeyo.haddaba arrintaas darted soomaaliya inteeda kale ayaa
looga baahan yahay waajibna ay tahay in laga soo dhiso lagana soo
asaaso oo laga soo sameeyo dhismaha mujtamaca madaniga ah ee aan soo
tilmaannay iyo habdhaqanka mujtamac nidaamsan oo kala danbeeya
(political or civil society) lehna dhaqanka anshaxa kaladanbayn
(disciplined culture) kuna salaysan xorriyadda madaniga ah (civil
liberty) ee lagu yaqaan laguna tilmaansado ee lagu garto mujtamaca
madaniga ah.iyadoo soo dhisidda iyo ka sameynta deegaanada kale ee
soomaaiyeed dhismaha mujtamacyo madani ah iyo bulshooyin nidaamsan
oo kala danbeeya (ordered society) sida tijaabooyinka Somaliland iyo
puntland oo kale ay iyadu asaas u noqon karto oo ay taasi shardi u
tahay in la hawaysto lana quuddareeyo oo rajo laga qabo mustaqbalka
in la dhiso amaba ay suurtagal noqoto dhisidda dawlad qawmiyeed iyo
himilada dawlad midnimo qaran oo soomaaliyeed (national state)
iyadoo haddii aan la helin laguna guulaysan oo aan lagu tallaabsan
in deegaanada soomaaliyeed iyo bulshooyinka qabaliga ah ee ku nool
ay noqdaan lana yimaadaan horusocod iyo isbaddal ay ku noqdaan kuna
sifoobaan oo ay u gudbaan marxaladda xaalad ku tilmaaman oo lagu
sifayn karo mujtamac ilbax ah oo xaddaaradeed oo madani ah(political
or civil society).
Haddaba haddii aan taas ugu horraynta la helin mujtmacyada noocaas
ah oo madaniga ah oo xaddaaradeed aysan marna suurtagal ahayn
meeshana aysan ool in lagu hadaaqo laguna riyoodo oo la hawaystaba
dhismo dawlad qawmi ah oo soomaaliyeed iyadoo aysan jirin
bulshooyinkii iyo mujtamacyadii madaniga ahaa ee asaaska u noqonayay
aynna ku istaagi lahayd dawladda qawmiga ahi oo ay ku tiirsan
lahayd,iyadoo aan intaas ku sii darayo in soomaaliya u baahan tahay
labo kacaan oo kala ah kacaanka hore oo ah kacaanka dhisidda iyo
samaynta kacanka mujtamaca madaniga ah iyo isbaddal kacaan magaalo
oo madaniyeed (urban revolution) iyo kacaanka danbe oo isagu noqon
doono kacaanka isbaddal ku wajahan dhismaha iyo sameynta kacaan
qawmiyeed iyo dawlad qaran(national revolution) iyadoo labada
kacaaan aan la kala hormarin Karin ee ay tahay in ay say yihiin loo
kala hormariyo loona kala horraysiiyo,waayo haddii aan sida ay
yihiin la isugu xijin aysan waxba socon doonin waxna ka hirgalayn
islamarkaana aan natiijo habayaraatee ka soo baxayn. Haddaba
waxaan maqaalkayaga soo socda wax kaga taaban doonnaa sida loo dhiso
uuna ku dhismo iyo qaababka loo hirgaliyo dhismaha mujtamaca
madaniga ah loona taaba galiyo iyo sida uu yahay dhismihiisu iyo
isbaddalada loo baahan yahay in la maro si loo gaaro dhisidda iyo u
wanqalidda mujtamac madani ah oo xaddaaradeed.
Qore: Mahad M. Herse
EMAILphilos20044@hotmail.com
United
kingdom