HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Wednesday,  June 8,  2005


Somaaliya ma ka jiraa mujtamac madani ah (civil society)???
 

Waxaan halkan jeclahay in aan halkan idin ku soo bandhigo oo aan fikrad iyo aragti idin ka siiyo macnaha erayga beryahan aad mooddo in uu ku soo batay halhaysna u noqday dadka soomaaliyeed iyadoo nasiibdarro aan cidina isweydiin macnihiisa asalka ah, cidina aysan si cilmiyaysan oo cad uga hadlin uguna soo bandhigin bulshada, isagoo eraygani ah mid ku cusub luqadda iyo sugaantayada siyaasadeed.iyadoo dadkii ka hadli lahaa oo aqoonyahanku ugu horreeyo iyo inta sheegata tacliinta ee waxbaratay aad mooddo laftigoodu in ay ku jaahwareersan yihiin oo aysan dhuuxin ama faaqidin oo cilmi baaris ku samayn erayga aan oran karno in uu muhiim u yahay marka laga hadlayo nolosha bulshooyinka ee ijtimaaciga ah iyo tooda siyaasadeed iyo isbaddaladda bulshooyinka ku dhaca.haddaba ogaanshaha iyo bidhaaminta macnaha eraygaasi uu wax weyn ka tari lahaa dhibaatada soomaaliya maanta haysata oo aad mooddo mid la garan la’ yahay meesha wax ka qaldan yihiin iyadoo erayga aan halkan ku soo bandhigayno uu qayb weyn ka noqon karo xalka mushkiladda ijtimaaciga iyo siyaasadeed ee soomaaliya.
 

Haddaba eraygan aan halkan uga jawaabayno waxaa weeye waa maxay macnaha erayga (civil society) oo ay soomaalidu ku macnaysatay am ula baxday bulshada rayadka ah.  Haddaba erayga civil society oo aan halkan ugu wanqalayo oo aan doorbidayo in aan ku magacaabo mujtamaca siyaasadeed ama mujtamaca madaniga ah (political or civil society) asal ahaan waxay isku isir yihiin(synonymous) iskuna sansaan bannaan yihiin oo isku jaad iyo isku fir yihiin macnaha ereyada bulsho iyo dawlad ama (society and state) isagoo la macna ah erayga mujtamaca siyaasadeed oo madaniga ah (political or civil society).
 

Haddaba marka lag hadlayo mujtamaca siyaasadeed (civil society) maaha macnaheedu mid ka hadlaya oo khuseeya shakhsiyaad iyo afraad ururo samaystay sida aan hadda marar badan aragno ururo la baxay bulshada rayadka ah (civil society) balse waa mid eraygani tilmaamaya kana hadlayaa, marka si cilmiyan ah loo dhuuxo loona sharxo oo loo daba galo loona darso ayaa la oran karaa in uu yahay xaalad guud iyo nolol ku salaysan xaaladda bulsho siyaasadeed oo ay ka muuqato kuna nool xaaladda ilbaxnimo xaddaaradeed (civilized political community), islamarkaana si la yaqaan u horumarsan oo nidaam madani ahi ka muuqdo (civic order), islamarkaana leh halbeeg (code) iyo tilmaan sharciyeed..taas oo macnaheedu noqonayo ama aan halkaas ka garan karno ama ay ka muuqato doodaas aan kor ku xusnay in qolooyinka iyo bulshooyinka ay ku yar tahay ama aan lahayn raadka iyo sansaanka xaddaaradeed iyo magaalo (civility and urbanity) sida bulshada reer guuraaga(primitive nomadic) iyo dhaqanada bidaa’iga ah (pre-urban cultures) aysan ahayn ama aan la oran Karin laguna tilmaami Karin bulsho madani ah (civil society). sida mujtamaca soomaaliyeed oo la oran karo in uu yahay mid sifadaan leh,base ah mujtamac qabali ah oo ku sugan xaalad bidaa’I ah oo reer guuraanimo (state of nomadism) oo aan magaalo iyo ilbaxnimo ka muuqan.
 

Haddaba marka laga hadlayo mujtamaca madaniga ah (civic community) ayaa waxaa aabbe u ah fikirkaas culumadii abwaanada siyaasadeed ee qarnigii 17add oo iyagu markii u horraysay daah furay ee soo bandhigay kana hadlay fikirkii ahaa ama ku magacawnaa fikraddii caqdiga siyaasadeed(contractarian political thought) oo ay ugu waaweynaayeen hobbes locke,iyo rosseou, kuwaas oo ku qeexay in mujatamaca madaniga ahi yahay mid ka duwan oo lid ku ah xaaladda ku tilmaaman ama wax la oran karo xaaladda nolosha dabiiciga ah (state of nature) iyadoo mujtamaca siyaasadeed ama madaniga ah ku qeexay ama ku suntay in uu yahay mujtamaca nidaamsan ama kaladanbeeya oo habaysan (ordered society) islamarkaana adeecsan una  hoggaansan dhawrista sharciga iyo nidaamka(organized society over which the state rules).
 

Haddaba si aad loogu ogaado looguna fahmo si fiican waxa uu yahay mujtamaca madaniga ah, ayaa taas lagu ogaan karaa in aan ogaanno xaaladda ka duwan oo lidka ku ah xaaladda nolosha iyo sifaha uu leeyahay mujtamaca madaniyeed, iyadoo taas ogaanshaheeda loogu baahan yahay iyadoo sida la ogyahay ay noloshu na barayso in wax kasta si loo ogaado ay lagama maarmaan tahay, laguna ogaan karaa wax kasta marka waxa lidka ku ah la ogaado sida qaraarka, macaanka, nabadda, colaadda diraac, iyo doog .iwm.haddaba taas awgeed ayaan halkan ku sharxi doonnaa macnaha ereyga iyo xaaladda aan ku tilmaannay ama aan ku sheegnay tan lidka ku ah xaaladda madaniyeed iyo xaddaaro(civil state) oo ah xaaladda nolosha dabiiciga ah (state of nature) taas oo ay xaaladda noocan ah iyo nolosheedu ay ku salaysan tahay xaaladda wadci tilmaamaya ama ay ka muuqato sifaha xorriyad jeenigaa furan ah kana tarjumaya waxa soomaalidu tiraahdo nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira ayna ku dhaqanto oo caadada u ah mujtamaca qabaliga ah ee soomaaliyeed.

Haddaba nidaamka noocan ahi iyo hab nololeedkiisaba ayay asaas u tahay xaaladda xorriyad dabiici ah (natural liberty) taas oo ku salaysan wax la oran karo xorriyad aan xad lahayn oo qof waliba sameyn karo waxa uu rabo ama maskaxdiisa ka maago ama uu damco, iyadoo aysan jirin awood iyo suldat hor istaagaysa amaba uu ka baqayo oo xadaynaya amaba ciqaabaya. Iyadoo xaaladda noocan ahi ay ka muuqato nolosha waaqica soomaaaliyeed si caddaan ah oo loo wada jeedo iyadoo ay tilmaan u tahay ayna jidaynayso oo keenayso arrintani xaalad fawdo ah oo lagu tilmaami karo mid bidaa’I ah (primitive condition) oo sharci la’aaneed, iyadoo taas macnaheedu noqonayo xorriyad jeenigaa furan ah(unlimited liberty) sifadeeda iyo biyo dhaceeduna noqonayo in qof kastaa xor yahay wuxuu rabana sameyn karo xilligii iyo markuu doono, taas oo ah in aan qofka cid xukunta oo uu ka haybaysto uuna hoos yimaado aysan jirin qof kastana ku socdo laguma dhaamee dhaqaaq hortaana bannaan.

Haddaba mujtamaca dhaqameed ee soomaaliyeed kuna nool xaaladda bidaa’iga ah ee aan kor ku soo tilmaanay kuna salaysan xaaladda aan ku sheegnay (state of nature) iyo dhaqanka ku dhisan wax lagu tilmaami karo habdhaqanka bidaa’iga ah eek u dhisan sifada(primitive retaliatory justice) ee sharci la’aaneed.ahna mid qofba qof ka aarsado qof walbana qof loogu aaro iyadoo aysan jirin wax sharci ku dood iyo dacwo la yiraahdo, iyadoo aan cidina cid ka aarsan una aarin ahna mid aan oran karno xaaladda (civilized rule of law adjudication) ee ku salaysan is maxkamadaynta iyo isdacweynta sharciyeed iyo in sharciga lagu kala aarsado.
 

Haddaba sida aan kor ku soo carrabawnay ayaa la oran karaa in mujtamaca siyaasadeed ama madaniga ah uu kaga duwan yahay mujtamaca dhaqameed (traditional natural society) ee ku nool xaaladda (state of nature), marka si cilmiyan ah loo qeexo isagoo ah mid ku salaysan mujtamaca siyaasadeed ee madaniga ahi (political or civil society) iyadoo aanaan innagu oranayn macnaha eraygaas sida soomaalidu ay u tarjunto oo ah bulshada rayadka ah oo aad mooddo mid aan cilmiyaysnayn oo aan si dhab ah uga tarjumayn macnaha runta ah ee arayga, iyo sida ay uga hadleen fakarayaashii fikirka siyaasadeed ee iyagu fikraddaan ka hadlay iyagoo iyagu ku macneeyay in uu yahay mujtamac kaladanbeeya laguna sifayn karo mujtamaca nidaamsan oo habaysan ordered society) amaba haddii si kale u niraahno noqonaya amaba ku sifoobaya mujtamaca aan jiritaankiisu suurtagal ahayn oo aan jiri Karin ilaa la helo ama uu noqdo oo ku sifoobo mujtamac xubnihiisu u diyaarsan yihiin una heellan oo heegan u ah in ay u  hoggaansamaan isuna dhiibaan oo ka danbeeyaan ayna adeecaan hannaan sharciyeedka iyo nidaamka jira ee dhisan ayna u hoggaansan yihiin suldata iyo awoodda sharciga matasha ee fulinaysa iyo suldata sharciga ilaalisa ee iyadu dhawrta (lawgiver)ahna tan iyadu sharciga dadka ku qaadda kuna ciqaabta ciddii damacda in ay jabiso.
 

Haddaba taas baddalkeeda marka aan fiirinno oo aan eegno xaaladda kale ee aan soo tilmaannay ee ku salaysan xaaladda nolosha duureed ee dabiiciga ah (state of nature) iyo habdhaqanka fikirka sansaankiisu yahay kuna salaysan aragtida waxa loo yaqaan xuquuqda dabiiciga ah (natural rights) oo iyadu xambaarsan islamarkaana aaminsan waxa la yiraahdo waajib akhlaaqeed (moral obligation)oo iyadu iskeed u ilaalisa xasiloonida iyo amniga iyo nidaamka, taasna qalbigiisa iyo iimaankiisu farayo.ayaa la oran karaa fikraddaasi in ay tahay mid liidata oo raqiis ah oo iska daciif ah marka la yiraahdo iyadoo aan lahayn kana qaawan fikraddaasi wax ciqaab sharciyeed iyo awood sharci ku qaadid oo qofku ka baqo (legal sanction and enforcement).
 

Haddaba waxaa kaloo xusid mudan sida uu sheegay fakaraagii iyo taariikhyahankii caanka ahaa ee ibnu khalduun oo sheegay in bulshooyinka qabaliga ah iyo casabiyaadku ay adag tahay si ay u hoggaansamaan ulana qabsadaaan nolosha xaddaaradeed ee madaniga ah (civic order) iyadoo ay adag tahay in nidaamka dawladeed ka hirgalo casabiyaadka iyo bulshooyinka bidaa’iga ah ee qabaliyeed oo ay bulshada soomaaliyeedna sida aan ognahay qayb ka tahay. iyadoo ah bulsho qabali ah oo ay nolosheedu ku salaysan tahay nolosha habdhaqanka reer guuraanimo (state of nomadism) ahna mid dhaqankeeda  lagu tilmaami karo dabeecad fallaaganimo (rebellion) iyo madax adayg iyo kalisocodnimo (individualistic nature) ayna ka muuqato caadana u tahay dabeecadda bulshada qabaliga ah ee habdhaqnkeedu bidaa’iga yahay mid aan jeclayn islamarkaana neceb oo ka didda wax kasta iyo iskuday kasta oo xukun iyo sharci u hoggaansamid iyo in la kontoroolo oo la xukumo.

Haddaba shakhsiyadda bulshada qabaliga ah ayaa qofku  aaminsan yahay una arkaa adeecidda iyo ka amarqaadashada suldata iyo qawaaniinteedaba mid addoonsi iyo cabiidsi oo kale ah oo dullinimo ah isagoo kula macaamila kalana horyimaada dhaqan iyo dabeecad fallaaganimo iyo amardiid ah, meesha taas baddalkeeda uu u arko shakhsiyadda bulshada xaddaaradeed civic or civil community) uuna aamisan yahay qofka madaniga ah ee ilbaxa ahi uu arko adeecidda iyo u hoggaansanka suldata iyo qawaaniinteeda in ay sharaf u tahay noloshiisana ay dan u tahay  kuna haysto oo ka helayo hoos joogidda uu suldata hoos joogo nabad iyo xasilooni taas oo adeecidda suldata iyo qawaaniinteedana ay noloshiisuba ku dhisan tahay nabadiisuna ku xiran tahay.
 

Haddaba isku soo wada duub oo sida ku cad qarmadayadan kor ku xusan ayaa la oran karaa ayna ka soo dhexbaxaysaa hadalkayaga marka la dhuuxo in fikridda xaaladda ku tilmaaman xaaladda nolosha dabiiciga ah ee duureed (state of nature) iyo xuquuqdeeda dabiiciga ah (natural rigthts) ay tahay aragtidani iyo nolosha bulshooyinka qabaliga ahi, eek u nool xaaladda xorriyadda aan xadka lahayn ee jeenigaa furan ah cid xukuntaana jirin (unlimited natural liberty) ay arrintani tahay xaalad jirtay ka hor inta aan dadku u gudbin oo aan la samayn loona guurin nolosha xaddaaradeed ee madaniga ah (civil state) ayna abuurmeen soona baxeen oo la arkay wax la oran karo mujtamaca siyaasadeed oo leh habdhaqanka ilbaxa ah ee madaniga ah ee xaddaaradeed (civic order).
 

Haddaba marka la fiirayo dhaqanka iyo nolosha labadaas marxalo iyo xaaladood (stutus) ay noo soo baxayso ayna caddahay in aysan shaqo isku lahayn la iskuna qaldi Karin oo aysan sinnaba isugu sansaan bannaanayn labadaas xaaladood.taas oo macnahu yahay in ay qalad tahay in aan ka hadalno marka la fiiriyo bulshada iyo mujtamaca soomaaliyeed ee qabaliga ah marka sida uu hadda yahay ee aan kor ku soo tilmaanay ee habdhaqankiisu ku salaysan yahay xaaladda ah (state of nature) in lagu tilmaamo mujtamaca noocan ah mid leh ama ay ka muuqato sifada xaalad la oran karo (civil state)amaba yahay mujtamac madani ah (civic or civil society) oo aan ku sifayn karno tilmaanta ah mujtamac nidaamsan oo kaladanbeeya (ordered society) oo yeelan kara sifada iyo astaanta aan ka soo hadalnay ee ku tilmaaman waxa loo yaqaan (political or civil society).
 

Haddaba u guuridda ama noqoshada iyo yeelashada sifada iyo tilmaanta lagu yaqaan mujtamaca madaniga ah (civil society) ayaa u baahan laguna noqon karaa tilmaanta noocan ah iyadoo mujtamaca soomaaliyeed ee qabaliga ah ee xaalkiisu ku salaysan yahay xaaladda(state of nature)iyo xorriyadda jeenigaa furan ah,si uu noqdo mujtamac madani ah (civil society) oo xaddaaradeed ayaa loo baahan yahay in taas aan lagu dagdagin la iskana sheegan magacaas, ilaa marka hore lagu tallaabsado lana sameeyo oo la gaaro in loo baddalo lagana diga rogto oo laga guuro xaaladaha (state of nature) ee ku salaysan xuquuqda iyo xorriyadaha dabiiciga ah ee duureed (natural libery and natural rights) iyo habdhaqanka bidaa’iga ah ee xaaladdiisu tahay dhaqanka jeenigaa furan ah kuna salaysan caddaaladda iyo sharciyadda godobta iyo aarsiga ku dhisan ee bidaa’iga ah (primitive divisive retaliatory justice) iyadoo loo baahan yahay in lagu baddalo xaaladda noocaas ah xaaladda nidaam madani ah (civic order) kuna salaysan xaaladda ku tilmaaman ama aan oran karo u haggaansanida iyo adeecidda sharciga iyo suldata matasha iyo dhaqan ilbax ah oo aan aarsi lahayn balse ku dhisan dacwad iyo maxkamad ku kala aarsasho (civilized rule of law adjudication) ahna mid xeerkiisu yahay kuna socda sharci dabaqidda iyo sharci isku qaadidda laguna xanbaaro in qofku sharciga u hoggaaansamo, qofkuna sharciga uusan jabin Karin (legally enforcible ones) markaana dadku noqdo mid ku dhex nool kuna sugan xaalad la oran karo ama ku tilmaaman (civil state).

Haddaba marka laga hadlayo jiritaanka mujtamaca madaniga ah ayaa jiritaankiisa waxaa saldhig u ah laguna gartaa in ay jirto xaalad ugu yaraan ilaa xad xeer iyo halbeeg (core) adag iyo wax la oran karo xorriyadda iyo xuquuqda madaniga ah(civil rights and civil liberty)oo ah xorriyad xadidan kuna jaan go’an oo ku qabiran kuna jeeni qaaran sharciga iyo nidaamka oo aan xadkaas tallaaabayn fallaagana ahayn.ayna ku lammaan tahay oo ay garab socoto aaliyaadkii sharciga lagu fulinayay iyo awoodihii iyo suludaatkii lagu meel marin lahaa oo ay ka mid yihiin awood laga haybaysto lagana danbeeyo (sovereign authority) iyo talis dhexe oo booliis (centeral police) iyo awoodihii garsoor iyo maxkamado(adjudicatory rule of law principle) iyo iwm.iyadoo taas loogu baahan yahay ayna taas khasbayso si loo ilaaliyo loona sugo oo loo damaano qaado qofka xorriyaddiisa iyo in aan lagu xadgudbin laguna tacadiyin. Iyadoo islamarkaana la siinayo awoodihii looga baahnaa ee ciqaab sharciyeed iyo sharci ku qaadid ee nidaamka dawliga ahi leeyahay (legal saction within the state).
 

Haddaba ugu danbaynta waxaan halkan hoosta ka xariiqayaa in si mujtamaca soomaaliyeed u noqdo mujtamac madani ah, ayay taasi u baahan tahay marka u horraysa in laga takhaluso lana baddalo xaaladdii ahayd xorriyadaha iyo xuquuqaha dabiiciga ah ee duureed islamarkaana ah kuwo jeenigaa furan iska ah (natural liberty) laguna baddalo sifada xaaladda cusub ee xaddaaradeed iyo habdhaqanka madaniga ah ee ku salaysan sifaha iyo astaamta xorriyadaha iyo xuquuqda madaniga ah(civil liberty and civil rights) ee ku xadidan kuna dabran xuduudaha nidaamka iyo sharciga. iyadoo arantani lagama maarmaan u tahay shakhsiyadda qofka iyo ninka ilbaxa ah ee madaniga ah iyo xorriyaddiisa oo ah xorriyad ka dhalatay jirina karta oo kaliya marka la helo mujtamac nidaamsan oo siyaasadeed oo madani ah (ordered society) taas oo mujtamaca noocan ahi uusan jiri Karin uusanna shaqayn Karin aan ka ahayn ilaa la helo lana gaaro oo la sameeyo meegaar iyo wareeg deyr suldat awood xukun iyo kaladanbeyn(framework of authority)oo iyadu ah waxa asaaska iyo saldhigga u ah jiritaanka astaanta iyo magaca waxa loo yaqaan amaba la oran karo mujtamaca siyaasadeed ama madaniga ah(political or civil society).haddaba haddii aysan jirin awoodda iyo suldata xukun ee sharciga meel marinayay ee xoogga ku fulinayay (sovereign authority) iyadoo ah mid suldatan iyo awoodani ay xadidayso islamarkaana xad u yeelayso xorriyadda dabiiciga ah ee duureed ee aan xuduudka lahayn (natural liberty) ee jeenigaa furan iyadu ah, iyadoo ka dhigaysa xorriyad xadidan kuna xanniban oo ku dabran xuduudaha iyo soohdimaha sharciga iyo nidaamka ku salaysan loona yaqaan xorriyadaha madaniga ah(civil liberty).
 

Haddaba hadal iyo dhammantiis haddii aan lagu tallaabsan lana helin oo aan la taabagelin si dhab ah dhaqanka noocaas ah ee madaniga ah, aysan jirayn jirina Karin islamarkaana aan la sheegan Karin lana oran Karin in uu jiro wax u dhaw iyo wax lagu tilmaami karo sinnaba in lagu tilmaama mujtamaca qabaliga ah ee soomaaliyeed laguna sheego mujtmac madani ah iyadoo aan halkan soo qaadan karno ayna muhiim tahay in lagu xuso mar haddaan ka hadlayno mujtamac madani ah ,iyadoo ay meelo yar oo dalka ah ay ka soo muuqanayaan kana soo ifbaxeen bilawba ha noqdeene tijaabooyinkani ayaa haddana waxaa jira xaalado iyo ifafaalayaal la oran karo amaba u muuqda sansaanka wax la oran karo amaba leh sifaha mujtamaca madani ah (civil society) oo runtiinna ammaan iyo bogaadin mudan ahna arrin iyo tallaabo aad loogu farxo, guul weynna lagu tilmaami karo ahna mid ku dayasho mudan iyo in aan ka shidaal qaadanno oo ay deegaannada iyo bulshooyinka iyo beelaha kale ee soomaaliyeed tallaabo taas la mid ah  ay qaadaan ayna waajib tahay si ay u noqdaan una kasbadaan oo ugu sifoobaan una yeeshaan magaca iyo astaanta tilmaanta mujtamaca madaniga ee la wada hadalhayo in talaabadaas oo kale ay iyana ku tallaabsadaan sida ay ku tallaabsadeen ayna qaadeen ee ka hirgalay deegaanada soomaliland iyo puntland oo runtii kasbaday kuna guulaystay bilaw iyo barbaradba ha noqdeene kuwo iyaga lagu tilmaami karo lana oran karo in ay yihiin kuna sifoobeen oo ay halkaas ka jito wax la oran karo dhab ahaantii mutamac siyaasadeed oo madani ah oo leh sifihii iyo tilmaamihii aan ka soo hadalnay ee uu lahaa laguna yaqaannay mujtamaca madaniga ee siyaasadeed (political or civil society) kuwaas oo leh habdhaqanka xorriyadda madaniga ah (civil liberty) kuna salaysan dhaqanka anshaxa kaladanbeyn iyo amar qaadasho (disciplined culture), iyadoo marka labadaas deegaan laga reebo aysan muuqan aysanna ka jirin soomaaliya inteeda kale wax lagu sifayn karo amaba la oran karo oo ku tilmaaman amaba u muuqda oo leh sifaha tilmaamaha aan ka soo hadalnay ee uu leeyahay ama lagu yaqaan mujtamaca siyaasadeed ee madaniga ah lehna habdhaqanka xorriyadda madaniga ah iyo dhaqanka anshaxa kala danbeyn iyo bulsho nidaamsan oo la xukumo (ordered society) balse aan oran karno marka labadaas deegaan iyo bulshooyinka ku nool laga reebo in soomaaliya deegaanada kale iyo bulshooyinka beelaha kale oo dhan ay ka jirto kuna sugan yihiin xaaladdii kale ee aan ka soo hadalnay ee ku tilmaanayd xaaladda dabiiciga ah ee duureed(natural liberty) iyo xaaladda mujtamac qabali ah oo wali ku sugan kuna nool xaalad u muuqata kuna tilmaaman noloshii ka horraysay nolosha siyaasadeed iyo midda magaalo oo xaddaaradeed (pre-urban and pre-political culture) iyo dhaqaka ku salaysan xorriyadda dabiiciga ah ee duureed oo ku dhisan xaalad jeenigaa furan (natural liberty) oo aysan jirin qofka cid xukunta iyo cid uu ka amar qaato iyo nidaam iyo suldat uu u hoggaansan yahay kana danbeeyo.haddaba arrintaas darted soomaaliya inteeda kale ayaa looga baahan yahay waajibna ay tahay in laga soo dhiso lagana soo asaaso oo laga soo sameeyo dhismaha mujtamaca madaniga ah ee aan soo tilmaannay iyo habdhaqanka mujtamac nidaamsan oo kala danbeeya (political or civil society) lehna dhaqanka anshaxa kaladanbayn (disciplined culture) kuna salaysan xorriyadda madaniga ah (civil liberty) ee lagu yaqaan laguna tilmaansado ee lagu garto mujtamaca madaniga ah.iyadoo soo dhisidda iyo ka sameynta deegaanada kale ee soomaaiyeed dhismaha mujtamacyo madani ah iyo bulshooyin nidaamsan oo kala danbeeya (ordered society) sida tijaabooyinka Somaliland iyo puntland oo kale ay iyadu asaas u noqon karto oo ay taasi shardi u tahay in la hawaysto lana quuddareeyo oo rajo laga qabo mustaqbalka in la dhiso amaba ay suurtagal noqoto dhisidda dawlad qawmiyeed iyo himilada dawlad midnimo qaran oo soomaaliyeed (national state) iyadoo haddii aan la helin laguna guulaysan oo aan lagu tallaabsan in deegaanada soomaaliyeed iyo bulshooyinka qabaliga ah ee ku nool ay noqdaan lana yimaadaan horusocod iyo isbaddal ay ku noqdaan kuna sifoobaan oo ay u gudbaan marxaladda xaalad ku tilmaaman oo lagu sifayn karo mujtamac ilbax ah oo xaddaaradeed oo madani ah(political or civil society).

Haddaba haddii aan taas ugu horraynta la helin mujtmacyada noocaas ah oo madaniga ah oo xaddaaradeed aysan marna suurtagal ahayn meeshana aysan ool in lagu hadaaqo laguna riyoodo oo la hawaystaba dhismo dawlad qawmi ah oo soomaaliyeed iyadoo aysan jirin bulshooyinkii iyo mujtamacyadii madaniga ahaa ee asaaska u noqonayay aynna ku istaagi lahayd dawladda qawmiga ahi oo ay ku tiirsan lahayd,iyadoo aan intaas ku sii darayo in soomaaliya u baahan tahay labo kacaan oo kala ah kacaanka hore oo ah kacaanka dhisidda iyo samaynta kacanka mujtamaca madaniga ah iyo isbaddal kacaan magaalo oo madaniyeed (urban revolution) iyo kacaanka danbe oo isagu noqon doono kacaanka isbaddal ku wajahan dhismaha iyo sameynta kacaan qawmiyeed iyo dawlad qaran(national revolution) iyadoo labada kacaaan aan la kala hormarin Karin ee ay tahay in ay say yihiin loo kala hormariyo loona kala horraysiiyo,waayo haddii aan sida ay yihiin la isugu xijin aysan waxba socon doonin waxna ka hirgalayn islamarkaana aan  natiijo habayaraatee ka soo baxayn.  Haddaba waxaan maqaalkayaga soo socda wax kaga taaban doonnaa sida loo dhiso uuna ku dhismo iyo qaababka loo hirgaliyo dhismaha mujtamaca madaniga ah loona taaba galiyo iyo sida uu yahay dhismihiisu iyo isbaddalada loo baahan yahay in la maro si loo gaaro dhisidda iyo u wanqalidda mujtamac madani ah oo xaddaaradeed.
 

                                                                                                 

Qore:  Mahad M. Herse
EMAILphilos20044@hotmail.com

United kingdom


Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.


 

allgedo@allgedo.com
 


 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com