HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Tuesday,  June 7,  2005


CADOWGA SOOMAALIYA YAA WAAYE?
 

Yaa Cadow ku ah Soomaaliya, ma Soomaali baa mise waa Shisheeye, haddaba Cadowga Soomaaliya ee maantey la taaban karo waa Dad Soomaali ah , isla markaana ah Dad far ku tiris ah, isla markaana isu arka in ay Awood ku kasbadeen Dagaaladdii sokeeya ee Waddanka lagu burburiyey, lagu dumeyey, lana badey ummadda Soomaaliyeed Tacaddi badan oo aan qofna ku soo koobi karin Qoraal yar marka laga hadlaayo xaqiiqadda dhabta ah ee jirta, Tacaddigaas loo geestey Ummadda Soomaaliyeed ilaa maanteyna lagu hayo,isla markaasna ay muuqato kuwii badey dulliga iyo darxumada Shacabka Soomaaliyyed, iney ka soo horjeedaan tillaabo kasta oo lagu soo celinayo karaamadii iyo sharaftii Ummadda Soomaaliyeed laheyd. 

Waxaan cidna iska indho tiri karin in Shirkii dib u heshiisinta ee Soomaalida laguna qabtey Waddanka Kenya, laguna soo dhisey Dowladda ku meel gaarka ah, isla markaana ay ka wada qeyb galeen Nimankii Hubka isku heystey ee Shacabka Soomaaliyyed badey dulliga iyo darxumida, Shirkaas oo la geliyey Waqti dheer iyo maal badan, Dadkii geliyey Waqti dheer iyo maal kana waxay aheen Dad Ajenemi ah  ee ma aheyn Soomaali, balse Soomaalidu waxay aheyd kuwii la maal geliyey ujeedaduna aheyd in la soo nooleeyo karaamadii iyo sharaftii, kala dambeyntii Qaran la haan jirey ee ka dhuntey Shacabka Soomaaliyeed markii uu bilowdey Dagaalkii sokeeye. 

Shirar badan iyo kii ugu dambeeyey ee labada sano iyo badhka ka socdey Waddanka Kenya waxaa jirey Dowlado badan oo ku lug lahaa dib u heshiisiinta Soomaalida, nasiib darro waxaay noqotey in markii la soo af jarey Dhismihii Hayadihii Dowliga ahaa sida: Baarlamaanka iyo Dowladdii( Hayadii fulinta), in Nimankii Hubeysnaa ee qeybtana ka ahaa dib u heshiisiintii xataa qaarkood isu sharaxey Madaxweynenimo in loo doorto Kitaabka Ilahayna dhaar ku marey iney la shaqeynayaan ciddii ku guuleysata Jagadaa. 

Nasiib darro waxay noqotey in meeshii shacabka Soomaaliyeed ka sugayey in ay Dowlad u dhalatey ay kaga bixi doonaan dulligii hareeyey waqtiga dheer, in kuwii ay ka sugayeen iney dhibta ka saaraan ayagu is qab qabsadaan ilaa ay gaarto in la isu qaato ulaha iyo kuraasta maadaama ayan u suurtoobin iney Hub isticmaalaan waayo meeshii Hubka lama joogin. 

Soomaalidu waxay tiraahdaa Baroortu Orgiga ka weyn taas oo ah in la yiraahdo Itoobiya ayaa na qabsaneysa si loo mijixaabiyo dalaalka loogu jiro in lagu soo celiyo karaamadii iyo sharaftii ka luntey shacabka Soomaaliyeed, waxaa lala soo baxay Weji cusub oo la leeyahay waxaa dulaan lagu yahay Qaranimadeena iyo Gobonimadeena si loo kiciyo Dadweynaha caadiga lagana dhaadhiciyo Borobogaando ah Cadowgeenii baa dulaan nagu soo ah ee ha loo diyaar garoobo , laakiin ujeedada ka dambeysa ay tahay inaan la helin Dowlad u adeegta shacabka kana dulqaadda  dulliga hareeyey, waayo haddii ay Dowlad dhalato waxaa meesha ka baxaya Isbaaradii Ummadda loo dhigtey, isla markaasna kuwa dhigtaa ay u arkaan iney tahay heer la gaarey, taasna waxaa caddeynaya  taasoo ah middii iigu yaab badneyd oo ah in la yiri Isbaarooyinka teedsan Xamar iyo agagaarkeeda markii la yiri ha la qaado in ay soo baxdey Isbaarooyinka dhigashadooda weyba ka weyn tahay Nimanka u ah Hormoodka Meleeshiyooyinka ee ay tahay mid Beeleed, si loo qaado ma ku xirna Hoggaamiye kooxeedka ee waxay ku xiran tahay beesha uu ka dhashey. 

Hadaba Cadowga Soomaaliyyed waa kuwa badey shacabkooda dulliga, waa kuwa dumiyey Qarankii Soomaaliyeed, sharaftii iyo karamadii Ummaddu laheyd, welina doonaya inaan Dowlad la helin lagana bixin dhibaatada lagu jiro, mase jirtaa qarannimo Soomaaliyeed iyo Gobonimo Soomaaliyeed, Jiritaanka Qaran leeyahay waxaa sal u ah Astaamo , haddii mid ka mid ah ay ka maqan tahay markaas ma la dhihi karo Qaranimo ayaa jirta, Soomaaliya maantey ma ka jirto Qarannimo laakiin waa midda hadda dadaalka loogu jiro in la soo celiyo waayo waa dhuntey Qarannimadii Soomaaliyeed, ciddii ka soo horjeedda soo nooleynta karaamadii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed ma ahan kuwa doonaya Qaranimo iyo Gobonimo Soomaaliyeed, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa " Geel ninkii lahaa la dhacayo ninna ma soo dhicin karo" waxaa heerkaa gaar siiyey maantey shacabka Soomaaliyeed waa Dad sheeganaya iney yihiin Soomaali ee ma ahan , Dad shisheeye ah oo ku soo duuley waddankeena.



Jama Daahir
Jama12@hotmail.co.uk




Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.


 

allgedo@allgedo.com
 






 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com