HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Monday,  June 13,  2005

Waa sidee Aayaha Ubadkeenna..?! (Qaybta 3aad)
 

Waxaa aad u yaraaday dhallinyarada Somaaliyeed ee jiilka hadda jooga ah , in aad aragto iyagoo ka hadlaya; Waxbarasho, aayaha dambe ee dalka, dib-u-soo-celin qarannimo, sinnaan iyo caddaalad bulsho, calanka iyo ciidda iyo mowduuc kastoo aayaha dembe ee dadka iyo dalka u gogol-xaaraya.  Dhallinyaro badan oo aan arkay, ulana sheekaystay si taxaddar leh, waxaa adkayd in ay fahmaan "Waxa loola jeedo Dawlad, baahida loo qabo iyo waxa ay qabato".  Qaar baa igu yiri;" Maxaan uga baahannahay waxbarasho..?!!". Kuwaa ila yaabay markaan ka hadlay barbaarin iyo wacyi-gelin. Kuwaa baqdin iyo halis i geliyay, iina caga-jugleeyay markaan ku soo hadal-qaaday "hub-dhigis iyo isbaaro-qaadis", waa gartoodoo jawigaas ayay indhaha ku soo kala qaadeen.

Markay mas'aladahaas iyo kuwa la mid ah i soo wajaheen, baa waxaa maskaxdayda mar kaliya ku dhashay su'aal ah ;" Waa sidee Aayaha Ubadkeenna ..?!!"

Haddaba, markii si dhab ah loogu soo jeesto adkaynta qarannimada, dib-u-dhiska dalka, daacadnimada dhankeedana loo bato, waddaniyaddii ha la soo nooleeyana lays yiraahdo, caqli fayowna lagu fekero, ciidda iyo calankan ilmaynayana loo damqado, allana laga baqo; markaas baa waxaa karti, kaalmo iyo kaanshaba loo heli doonaa ; nabadaynta dalka, adkaynta dawladnimada, dib u dhiska dugsiyadii, cisbitaalladii, warshadihii, waddooyinkii iyo dhammaan wixii aannu kas-darrida isaga burburinnay.

Hase yeeshee, mar hadii, hadba sidii loo barbaariyo, waxna loo baro jiilka maanta uu ku xiran yahay, aayaha dambe ee dalka iyo dadkaba, ayna hadda u muuqato mas'alad adag iyo shuqul aan yarayn; waa in loo helaa xal khaas ah; jiilka maanta jooga ee Somaaliyeed, kaasoo ku barbaaray qoriga, qaadka, qabiilka iwm. dumin iyo dilis mooyaana aanan garanayn dhisid iyo dhowrid.

Arrintan xasaasiga ahi, waxay u baahan tahay in loo hawl-geliyo oo loo xil-saaro aqoon-yahanno iyo waaya-arag takhasusyo gaar ah u leh culuunta bulshada iyo laamaha cilmiyeed ee loo baahan yahay, khibrad aan yaraynna u leh hoggaaminta bulshada; waa in la siiyaa waqti ku filan, maagelin loo helaa, loona huraa, xataa haddii laga fursan waayo, waa in lala kaashadaa dawladaha dhabbahaas oo kale soo maray.

Waxaa baahi weyn loo qabaa in barbaarinta, wax-baridda iyo wacyi-gelinta lagu saleeyo; waddaniyad, waayo, waxay maanta joogtaa ;"Axyaa waddanii, Axyaa waddanii, yaa Soomaali ahey, Axyaa waddanii ..?!!", waana lafta ugu weyn ee aannu ka jabannahay.  Sidoo kale, waa in jiilkan lagu anqariyaa, dibna loogu ababiyaa(walow badankood da'da ababinta ka koreen), diinta islaamka, midnimada dalka, ahmiyadda ciidda iyo calanka, qiima-weynida qarannimada, taariikhdii iyo halgankii gobanima-doonkii Soomaaliyeed iyo  gumaysi- nacaybka . Waxaan arrimahaas ka dhicin ; ahmiyadda waxbarashada, shaqada iyo dhismaha dalka, sinnaanta bulshada iyo hirgelinta caddaaladda, aaya-ka-talinta gobollada Somaaliyeed ee aan weli gobannimadoodii gaarin iyo weliba fikradda "Soomaali-weyn" (ciddii igu dhibsanaysaa, ha igu dhibsatee).

Tallaaba kastoo loo qaado dhanka arrimahan, laguna naaxiyo barbaarinta suubban, dhowridda anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada, iyadoo isla markaasna laga faa'iidaysanayo waayihii kala duwanaa ee la soo maray iyo wixii dhaxal inoo yaal, waxay asaas ballaaran iyo saldhig adag u noqon doonaan "Aayaha dambe ee Ubadkeenna, masiirka ummadda iyo mustaqbalka dambe ee dalka. Waxaan qabaa in uu ruux kastoo Soomaali ah maanka ku hayo arrimahan, aanna u wada guntanno hirgelintooda.
 

Markii la midoobaa Muruq la yeeshaa

22kii May 1990-kii, ayay dib u midoobeen labadii Jumhuuriyadood e reer Yaman ee Koonfur iyo Woqooyi, maadaama uu dhulka iyo shacbigu mid ahaana; waxay yeesheen dawlad kali ah oo itaal weyn leh, maqaamkeeduna qaddarin leeyahay.
Calankii Yaman oo mid ah baa meel kasta ka taagan, kana dul-babbanaya buuraha dhaadheer ee uu dalku caanka ku yahay, sida; Shamsaan, Radfaan, Ceybaan, Nugum iwm. Waxaa xaqiiqoobay riyadii dheerayd ee dadka Yaman, meel kastoo ay joogaanba, waana guul farxad leh oo ay walaalaheen gaareen.
Dib-u-midowga reer Yaman, meel cidla ah kama uusan imaannin, balse, halgan dheer oo xiriir ah, socdayna hal qarni iyo bar ayay dadka dalkani u soo galeen xornimadiida, karaamadooda iyo sharaftoodaba, iyagoo u huray kumaan-kun Mujaahidiin iyo Naftood-hurayaal kaleba, hanti iyo maalna aan la bakhaylin.
Dalka Yaman, waa dal taariikh  fog leh, ilbaxnimo fac-weyn ku fadhiya, keyd taariikheed oo mid loo dhigaahi yar-yahayna ay u sugnaatay.  Magaala-madaxda Yaman ee Sanca, waa magaaladii ugu horraysay ee aasaasanta ka-dib duufaankii lagu halligay Qowmkii Nebi Nuux(calayhi-salaam). Wiilkii Nebi Nuux ee "Saam" baa seeska u dhigay magaalada, waana sababta mar Sanca loogu yiqiin "Saam".  Boqortooyooyin qadiim ah baa Yaman ka jiri jiray, sida; tii "Saba' " oo ku xusan suuradaha "Saba' " iyo "Al-Naml" ee Quraanka kariimka ah.  Biya-xireenka "Ma'rib" oo 1984kii dib loo cusboonaysiiyay ayaa ka mid ah raadadka taariikheed ee Jaziiradda Carabta laga helay, kuwa ugu faca-weyn, uguna qiimaha badan.
Asxaabtii nabi Muxammad(NNKH), kuwa badan oo ka mid ahaa baa yaman asal-ahaan ka soo jeeday.  Masaajidka weyn ee Sanca, ayaa amarkii Nebiga lagu dhisay, waagii uu noolaa.  Asxaab ay ka mid ahaayeen Mucaad Bin-jabal iyo Cali Bin-abii-daalib ayuu Nebigu Yaman u soo qaybay, si ay dadka Islaamka u baraan, shareecadana ugu xukumaan.
Yaman, waa asalkii carabta iyo Marjaca dhaqanka carbeed. Caadooyin ay xushmadi ku dheehan tahay, waayo soo jiray, diintana ku tiirsan baa loogu yimaadaa reer Yaman, dalalka dunida Islaamka ugu masaajiddada badanna way ka mid tahay .
Yaman oo dal iyo dad-ahaanba mid kaliya ah, baa isticmaarku u quuri kari waayay qiimahaas, doonayna inuu ka faa'iidaysto khayraadkeeda, dhiig-miirtana dadkeeda. Siyaasaddii Gumaysiga ee "Qaybi oo xukun" baa lagu socodsiiyay.  Gumaysiyo ay Xabashi iyo Ingiriis ka mid ahaayeen baa soo maray Yaman, labana waa loo qaybiyay, si   ujeeddada laga leeyahay looga gaaro. Halgan uu dhiig badani ku daatay baa looga saaray Gaumaysigii ;"Beledka dayibka ah","Ardul-jannatayn" iyo "Dalka iimaanka".
Caqabad kastoo reer Yaman la hor-dhigay, waxaa ka sara-maray rabitaanka shacbigan faca-weyn ee muslimka ah, si sharaf leh buuna dib-u-midow ugu samaystay 22kii Maajo 1990kii, si ku dhisan xikmad yamaani ah.
Guulo lixaad leh buu dalku midnimada iyo wadajirka ku soo hooyay, kagana mira-dhaliyay, waxaana ka mid ah guulahaas:- (a) Dimuqraadiyad iyo nidaamka Xisbiyada badan baa dalka si nabadgalyo ah uga taabba-galay  (b) Haweenka ayaa si muuqata uga qayb-qaatay Siyaasadda iyo dhammaan hawlaha dhismaha iyo horumarinta dalka, qayb kastana ka dhex muuqda. (c) Waxaa si madax-bannaan loo doortaa Golaha Barlamaanka ee Qaranka iyo kuwa deegaannada. (d) waxaa si xikmad-yamaani ah loogu xalliyay Mushkiladdii xagga xuduudda ee u dhexeeyay Yaman iyo dalalka; Cummaan, Sacuudiga iyo Eretariya.(e)  Waxaa la dhisay Ciidan difaac iyo Nabadgalyo oo tiro iyo tayo leh, awoodna u leh difaaca Gobanimada, midnimada iyo sharafta dalka.  Waxay 15-kii sano ee ugu dambaysay gaartay yaman, horumar lixaad leh ee dhinacyada, dhaqaalaha guud-ahaantiis, gaadiidka, waddooyinka, dekedaha, garoonnada diyaaradaha, isgaarsiinta,buundooyinka,warshadaha. caafimaadka, waxbarashada, ciyaaraha iyo jiha kastoo horumarineed, waxaana si sharaf iyo haybad leh hoggaanka ugu haya madaxweyne ; Cali Cabdalla Saalax iyo Golayaasha dalka ee dastuuriga ah.
Haddaynu Soomaali nahay, walaalo iyo derisba waannu nahay Yaman, xiriir fiican oo soo-jireen ahna waann leenahay, Somali badan baa deggan ama  qaxooti ku ah dalka Yaman, wufuud heerarkoodu kala duwan yahay baa joogto u yimaada Yaman, oo lagu maamuusaa, meel kastana loo tusaa si sokeeyanimo ah.  Haddaba, miyaanay dow iyo gar ahayn in aynu Yaman kaga dayanno midnimada iyo wadajirka, halkii aynu dib u sii kala gogo'i lahayn. Miyaanay noo muuqan maqaamka dawliga ah iyo maamuuska ay yamani midnimadeeda ku gaartay(gaadhay), muruqana ku yeelatay ..!!! Ma-caqli-gal baa inuu caalamka oo dhan u sii socdo xagga midowga, annaguna aannu u sii gogol-xaarno kala gogo'.
Maraykan midnimo ayuu ku taagan yahay, jarmal baa mid noqday, Yurub baa waddada midowga ku socota, Afrika iyo Carab baa midnimo hadal-haya oo qorshaynaya, annaguna sii kala gogo', qabiil-qabiil, jifooyin,garabyo, isbahaysiyo iyo kooxo miyuu ku socdaa masiirkii ummadda iyo aayihii dalka(Maan-deeq) ?!!!.
Aadanaha ba daayoo, xataa uunka kale ee alluhu abuuray ayaa midow, wadajir, kala dambayn, iskaashi iyo meel ka soo wada-jeed wax ku qabsada.  Bal eega; Shinnida, Aboorka, Quraanshada(quraanyo) iyo makhluuqa kaleba. Malab bay dariiqa wadajirka shinnidu ku soo saartaa," Quraansho aruurtayna Bulac(Mulac) waa jiiddaa".
Soomaaliyey, sidanu si ma aha ee aynu dib isugu noqonno, hareerahana eegno iyo halka ay ummaduhu marayaan.
 

Maxay isu-diriraan Soomaalida Qaxootiga ahi..?!!
 

Dadka Aadamiga ahi wuu qaxaa, oo Qaxooti waa noqdaan. Dadku dalkooda hooyo iyo deegaannadooda wey ka bara-kacaan, marka ay la soo deristo xaalad adag iyo musiibo ka mid ah kuwa laga fogaado, laga dheeraado, lagana cawdu-billaysto, sida; dagaallada sokeeye.

Naflayda kale ayaa iyaguna deegaannadooda ka qaxa ama ka haajira, marka ay mashaqo culus soo wajahdo,sida; daadadka, gumaadka, dhul-gariirka iyo musiibooyin kale oo dabiici ah ama Aadamigu sababo.   Naflaydaas oo ay Duur-joogtu ugu tun-weyn tahay, Quraanyaduna(Quraansho) ugu tun iyo taag yar tahay, kulligood wey qaxaan.  Shimbiraha qaarkood, waxay u kala haajiraan qaarad ilaa qaarad kale. Nafley ay Eeyada iyo Doolliyadu ka mid yihiinna dareen xoog leh baa Eebbe ugu deeqay, kaas oo ay wax ku sii ogaadaan, walwal iyo walaahowna ka sii muujiyaan.

Haddii ay khatari timaado, dad iyo duunyaba in ay qaxaan, waa arrin caadi ah, waa arrin uu nooluhu ku kaco, lana garawsan karo, waayo wixii ku kallifay barakac ayaa meesha yaalla..."Dheriga waxaa karka ka keena kulaylka,,". 

Marka uu ruuxu dal shisheeye qaxooti ku noqdo; waa inuu cagaha dhulka dhigaa, dhegaha furaa, dhug yeeshaa, oo uusan sida dhaadhaanka u dhaqmin...."Dal aan dalkaaga ahayn, dareen ku joog waaye..".  Dadka Soomaaliyeed ee dibadaha u qaxay, waxay isugu jiraan; dad wanaagsan oo tusaale noqon kara, sida;  Culamaa'u-ddiin, Odayaal, Aqoon-yahanno, Siyaasiyiin iyo Aqyaar kale.  Dad aan wanaagsanayn baa iyaguna dibadaha u qaxay, sida; Tuugo, Gacan-ku-dhiiglayaal, Hablaha dhaqanka-xun(Caasi) iwm. taasina waxay keentay; in dadyowgii xaggooda loo qaxay, lala degay ee lala dhaqmay, ay fikrado kala geddisan ka kala qaateen dadka Soomaaliyeed.

Ruuxii shisheeyaha ahaa ee arkay, lana dhaqmay qoys Soomaaliyeed oo Aqyaar ah, fikrad fiican buu ka qaatay dadka Soomaaliyeed, hase yeeshee, ruuxii uu la dersay Soomaali "Allow-sahal ah" ama ay ag-degtay "Caasi ciddiyo dhaadheer ah" fikrad aan fiicnayn buu kaasi ka qaatay Soomaali idil-ahaanteed.    Soomaalida Qaxootiga ku ah dalalka Carabta qaarkood iyo kuwa kale ee Islaamka ahi, waxaa in badan farta lagu fiiqaa; hablaha keligood saqda dhexe  habeenkii socda, kuwa uusan maalin-jooggoodu waqti iyo xad lahayn, kuwa tahriibka keligood u baqoola iwm. Oday Soomaaliyeed oo Sanca(Yaman) ku nool, baa marka uu arko hablaha noocaas ah, yiraahda;"..Ha lala hadlo hablahan habaaran..!!" hees baa iyaduna miraheedu ka mid ahaayeen.."Naa bi'isay dhaqankii, sharcigii ka baydhoo(leexatoo), diintii burburisee, hablow maad is-bar-qabataan..?!!"

Dalalka Yurub, Austaralia, Waqooyiga Ameerika, Afrikada qaarkood iyo Jasiirooyinka ay Soomaalidu joogto oo Qaxootiga ku tahay, dhallinyaro badan(wiilal iyo gabdho) oo qaxootiyadaas ka mid ah, isbaddalka xagga diinta, dhaqanka, iyo akhlaaqda ee ku dhacay, waa mid haddii la sheeg-sheego ay aqyaar badani ciil iyo caro u dhimanayaan, " Ceeb Allaha asturo" iyo "Allow sahal amuuraha" uun baan hadalkooda kaga baxayaa.

Arrimahaas, waa kuwa guud oo la garan karo, dadyow kala-jinsiyado ah oo kale, ayaa iyaguna nagula jira, waxaase yaabka-yaabkii ah, oo laga soo sheegayaa dal kastoo ay Soomaalidu qaxooti ku yihiin ; Is-maan-dhaaf iyaga dhexdooda ah(Soomaalida Qaxootiga ah), gacan-ka-hadal bir iyo budh(garruun) la isla dhacayo, taas oo dhaawacyo culus iyo dhimasho joogta ah gaysata.  Laba ruux baa isku bilaabaya kaftan qabyaalad ku dhisan oo "kaftan-dhable ah", af-lagaaddo ayuu u dallacayaa kaftankii, gacan-ka-hadal ayuu u sii korayaa, ka-dibna mid kasta waxaa mar-mar la soo safanaya oo u soo hiillinaya koox qaxootiga ka mid ah oo ay isku-hayb yihiin.

Arrintu waxay u sii daran tahay, dhibaatadeeduna sii culus tahay, nabarradeeduna sii halis yihiin; marka ay labada dhinac ee dagaallamayaa ka soo kala jeedaan qabaa'il hore ugu dagaallamay ama hadda ay colaadi uga dhaxayso gudaha Soomaaliya.  Dalal badan oo ay Soomaalidu qaxooti ku tahay bay ka dhacday, waxayna markii ugu dambaysay iga soo gaartay, dalalka; Koonfur Afrika, Kenya, USA iyo meelo kaleba. Xataa Soomaalida gobollada dalka gudihiis ku kala qaxay bay dirirtan oo kale dhex-martaa "qof-qof/koox-koox".

Wiilal hore dhiig-dadaad ugu soo fara-xashay iyo kuwo ay weli afafkooda ka soo jeedaan lugaha dadkii ay liqeen, kuwaas baa ka mid ah Qaxootiga dalalka qaarkood jooga, inay dadka mindiyeeyaanna waxba uguma fadhido.  Hablo iyaguna khibraddooda dagaal aanay yarayn, markay dalkii Soomaaliya joogeenna, dhexdu u xirnayd, timuhuna u dabnaan jireen, kuwaas baa markay ugu yar tahay dibadaha ciddiyadooda dhaadheer wejiyada uga baddala(Siday yiraahdaan), haweenka kale ee deriskood ah, xataa qaar baa garruuman gaagaaban guntiyada ku soo qarsada, oo la dhaca ruuxii ay is-af-dhaafaanba, haddii meeshu Boolis ka fog yahay, ama aan arrimaha Soomaalida sidaas looga danayn.

Qaababka dagaal ee Soomaalida qaxootiga ah, badanaa dool bay ku yihiin dalalka la deegaamaystay, waayo, fajac iyo ammakaak bay ka muujiyeen dadyowgii shisheeyaha ahaa ee lala degganaa.   Shisheeyuhu waxay la sii yaabeen sababta ay u dirirayaan laba "qof ama koox" oo isku af, diin, dhaqan, midab iyo muuqaal wada ah, dal kaliya ka wada yimid, meel kaliyana qaxooti ku wada ah, sheeganaya inay ka soo wada carareen dagaal, xad-gudub iyo dil...!!!

Kooxo-colaadeed oo gudaha dalka jooga, kuwa Kenya, Ethiopia, Muqdisho, Jawhar, Baydhaba, Kismaayo, Hargaysa iyo meelo kale ku kala sugan bay dadkii Qaxootiga ahaa ee Soomaaliyeed la kala safan yihiin, u kala hiillinayaan, ku murmayaan, la xiiqayaan ka-bacdina isu-dirirayaan dartood...taas waa sabab ka mid ah dagaalka  qaxootiga Soomaaliyeed.  Waxaa is-weydiin leh; Ruuxa qaxootiga hadda dibadaha ku ahi, hadduu dagaal iyo qola-qolayn tabar u hayo, muxuu uga soo tagay oo uga soo qaxay halkii lagu hayay(dagaalkaas) ?!!! Muxuu kuwa qaxootinimadoodu dhab tahay fitnada ula dhex-fadhiyaa ?!!! Muxuu Dhiigya-cabkii iyo kii isbaaradu u tiil(gobol kasta) uga soo daba-qaxay kuwii uu soo qaxiyay ?!!!

Doonyaha Bariga Soomaaliya ka soo qaada Qaxootiga ee Yaman ku socda, kuwa xeebaha Liibya ka goosha ee xeebaha Taliyaaniga ku socda, kuwa tareennada tahriibku ku dhex-dhuuntaan ee dalalka Yurub u kala tallaaba, intaba waxaa la wada socda, isku meelna tagaya oo dalal kale isu dhiibaya kuwo soo qaxay iyo kuwii soo qixiyay...kuwii wax laga dilay iyo kuwii wax dilay...kuwii la boobay iyo kuwii wax boobay...haweenkii la kufsaday iyo raggii kufsaday...arrimahaas waa sabab kaloo iyaduna ka mid ah sababaha ay isu diriraan Soomaalida Qaxootiga ahi.

Haddaba, waxay u muuqataa, is-diriridda Soomaalida qaxootiga ahi ka dhex-dhacda inay la xiriirto, lugna ku leedahay dagaallada iyo dhibaatada gudaha Soomaaliya ka taagan, ayna tani dhammaanayn ilaa ay taasi dhammaato. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in aynu u wada tafa-xaydanno soo af-jaridda dhibaatada Soomaaliya.
 

WQ/ Muxyaddiin M.Kaalmoy 
kalmoi@hotmail.com



Fariinta uu wato qoraalka sare waxay gaar u tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.  



allgedo@allgedo.com
 


 


 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com