|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Monday, June 13, 2005 |
Waa sidee Aayaha Ubadkeenna..?! (Qaybta
3aad)
Waxaa aad u yaraaday dhallinyarada Somaaliyeed ee
jiilka hadda jooga ah , in aad aragto iyagoo ka hadlaya; Waxbarasho,
aayaha dambe ee dalka, dib-u-soo-celin qarannimo, sinnaan iyo caddaalad
bulsho, calanka iyo ciidda iyo mowduuc kastoo aayaha dembe ee dadka iyo
dalka u gogol-xaaraya. Dhallinyaro badan oo aan arkay, ulana
sheekaystay si taxaddar leh, waxaa adkayd in ay fahmaan "Waxa loola
jeedo Dawlad, baahida loo qabo iyo waxa ay qabato". Qaar baa igu yiri;"
Maxaan uga baahannahay waxbarasho..?!!". Kuwaa ila yaabay markaan ka
hadlay barbaarin iyo wacyi-gelin. Kuwaa baqdin iyo halis i geliyay, iina
caga-jugleeyay markaan ku soo hadal-qaaday "hub-dhigis iyo
isbaaro-qaadis", waa gartoodoo jawigaas ayay indhaha ku soo kala qaadeen.
Markay mas'aladahaas iyo kuwa la mid ah i soo
wajaheen, baa waxaa maskaxdayda mar kaliya ku dhashay su'aal ah ;" Waa
sidee Aayaha Ubadkeenna ..?!!"
Haddaba, markii si dhab ah loogu soo jeesto adkaynta
qarannimada, dib-u-dhiska dalka, daacadnimada dhankeedana loo bato,
waddaniyaddii ha la soo nooleeyana lays yiraahdo, caqli fayowna lagu
fekero, ciidda iyo calankan ilmaynayana loo damqado, allana laga baqo;
markaas baa waxaa karti, kaalmo iyo kaanshaba loo heli doonaa ;
nabadaynta dalka, adkaynta dawladnimada, dib u dhiska dugsiyadii,
cisbitaalladii, warshadihii, waddooyinkii iyo dhammaan wixii aannu
kas-darrida isaga burburinnay.
Hase yeeshee, mar hadii, hadba sidii loo barbaariyo,
waxna loo baro jiilka maanta uu ku xiran yahay, aayaha dambe ee dalka
iyo dadkaba, ayna hadda u muuqato mas'alad adag iyo shuqul aan yarayn;
waa in loo helaa xal khaas ah; jiilka maanta jooga ee Somaaliyeed,
kaasoo ku barbaaray qoriga, qaadka, qabiilka iwm. dumin iyo dilis
mooyaana aanan garanayn dhisid iyo dhowrid.
Arrintan xasaasiga ahi, waxay u baahan tahay in loo
hawl-geliyo oo loo xil-saaro aqoon-yahanno iyo waaya-arag takhasusyo
gaar ah u leh culuunta bulshada iyo laamaha cilmiyeed ee loo baahan
yahay, khibrad aan yaraynna u leh hoggaaminta bulshada; waa in la siiyaa
waqti ku filan, maagelin loo helaa, loona huraa, xataa haddii laga
fursan waayo, waa in lala kaashadaa dawladaha dhabbahaas oo kale soo
maray.
Waxaa baahi weyn loo qabaa in barbaarinta, wax-baridda
iyo wacyi-gelinta lagu saleeyo; waddaniyad, waayo, waxay maanta joogtaa
;"Axyaa waddanii, Axyaa waddanii, yaa Soomaali ahey, Axyaa waddanii
..?!!", waana lafta ugu weyn ee aannu ka jabannahay. Sidoo kale, waa in
jiilkan lagu anqariyaa, dibna loogu ababiyaa(walow badankood da'da
ababinta ka koreen), diinta islaamka, midnimada dalka, ahmiyadda ciidda
iyo calanka, qiima-weynida qarannimada, taariikhdii iyo halgankii
gobanima-doonkii Soomaaliyeed iyo gumaysi- nacaybka . Waxaan arrimahaas
ka dhicin ; ahmiyadda waxbarashada, shaqada iyo dhismaha dalka,
sinnaanta bulshada iyo hirgelinta caddaaladda, aaya-ka-talinta gobollada
Somaaliyeed ee aan weli gobannimadoodii gaarin iyo weliba fikradda "Soomaali-weyn"
(ciddii igu dhibsanaysaa, ha igu dhibsatee).
Tallaaba kastoo loo qaado dhanka arrimahan, laguna
naaxiyo barbaarinta suubban, dhowridda anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan
ee bulshada, iyadoo isla markaasna laga faa'iidaysanayo waayihii kala
duwanaa ee la soo maray iyo wixii dhaxal inoo yaal, waxay asaas
ballaaran iyo saldhig adag u noqon doonaan "Aayaha dambe ee Ubadkeenna,
masiirka ummadda iyo mustaqbalka dambe ee dalka. Waxaan qabaa in uu ruux
kastoo Soomaali ah maanka ku hayo arrimahan, aanna u wada guntanno
hirgelintooda.
Markii la midoobaa Muruq la yeeshaa
22kii May 1990-kii, ayay dib u midoobeen labadii
Jumhuuriyadood e reer Yaman ee Koonfur iyo Woqooyi, maadaama uu dhulka
iyo shacbigu mid ahaana; waxay yeesheen dawlad kali ah oo itaal weyn leh,
maqaamkeeduna qaddarin leeyahay.
Calankii Yaman oo mid ah baa meel kasta ka taagan, kana
dul-babbanaya buuraha dhaadheer ee uu dalku caanka ku yahay, sida;
Shamsaan, Radfaan, Ceybaan, Nugum iwm. Waxaa xaqiiqoobay riyadii
dheerayd ee dadka Yaman, meel kastoo ay joogaanba, waana guul farxad leh
oo ay walaalaheen gaareen.
Dib-u-midowga reer Yaman, meel cidla ah kama uusan
imaannin, balse, halgan dheer oo xiriir ah, socdayna hal qarni iyo bar
ayay dadka dalkani u soo galeen xornimadiida, karaamadooda iyo
sharaftoodaba, iyagoo u huray kumaan-kun Mujaahidiin iyo
Naftood-hurayaal kaleba, hanti iyo maalna aan la bakhaylin.
Dalka Yaman, waa dal taariikh fog leh, ilbaxnimo
fac-weyn ku fadhiya, keyd taariikheed oo mid loo dhigaahi yar-yahayna ay
u sugnaatay. Magaala-madaxda Yaman ee Sanca, waa magaaladii ugu
horraysay ee aasaasanta ka-dib duufaankii lagu halligay Qowmkii Nebi
Nuux(calayhi-salaam). Wiilkii Nebi Nuux ee "Saam" baa seeska u dhigay
magaalada, waana sababta mar Sanca loogu yiqiin "Saam". Boqortooyooyin
qadiim ah baa Yaman ka jiri jiray, sida; tii "Saba' " oo ku xusan
suuradaha "Saba' " iyo "Al-Naml" ee Quraanka kariimka ah. Biya-xireenka
"Ma'rib" oo 1984kii dib loo cusboonaysiiyay ayaa ka mid ah raadadka
taariikheed ee Jaziiradda Carabta laga helay, kuwa ugu faca-weyn, uguna
qiimaha badan.
Asxaabtii nabi Muxammad(NNKH), kuwa badan oo ka mid ahaa
baa yaman asal-ahaan ka soo jeeday. Masaajidka weyn ee Sanca, ayaa
amarkii Nebiga lagu dhisay, waagii uu noolaa. Asxaab ay ka mid ahaayeen
Mucaad Bin-jabal iyo Cali Bin-abii-daalib ayuu Nebigu Yaman u soo qaybay,
si ay dadka Islaamka u baraan, shareecadana ugu xukumaan.
Yaman, waa asalkii carabta iyo Marjaca dhaqanka carbeed.
Caadooyin ay xushmadi ku dheehan tahay, waayo soo jiray, diintana ku
tiirsan baa loogu yimaadaa reer Yaman, dalalka dunida Islaamka ugu
masaajiddada badanna way ka mid tahay .
Yaman oo dal iyo dad-ahaanba mid kaliya ah, baa
isticmaarku u quuri kari waayay qiimahaas, doonayna inuu ka faa'iidaysto
khayraadkeeda, dhiig-miirtana dadkeeda. Siyaasaddii Gumaysiga ee "Qaybi
oo xukun" baa lagu socodsiiyay. Gumaysiyo ay Xabashi iyo Ingiriis ka
mid ahaayeen baa soo maray Yaman, labana waa loo qaybiyay, si ujeeddada
laga leeyahay looga gaaro. Halgan uu dhiig badani ku daatay baa looga
saaray Gaumaysigii ;"Beledka dayibka ah","Ardul-jannatayn" iyo "Dalka
iimaanka".
Caqabad kastoo reer Yaman la hor-dhigay, waxaa ka
sara-maray rabitaanka shacbigan faca-weyn ee muslimka ah, si sharaf leh
buuna dib-u-midow ugu samaystay 22kii Maajo 1990kii, si ku dhisan xikmad
yamaani ah.
Guulo lixaad leh buu dalku midnimada iyo wadajirka ku soo
hooyay, kagana mira-dhaliyay, waxaana ka mid ah guulahaas:- (a)
Dimuqraadiyad iyo nidaamka Xisbiyada badan baa dalka si nabadgalyo ah
uga taabba-galay (b) Haweenka ayaa si muuqata uga qayb-qaatay
Siyaasadda iyo dhammaan hawlaha dhismaha iyo horumarinta dalka, qayb
kastana ka dhex muuqda. (c) Waxaa si madax-bannaan loo doortaa Golaha
Barlamaanka ee Qaranka iyo kuwa deegaannada. (d) waxaa si xikmad-yamaani
ah loogu xalliyay Mushkiladdii xagga xuduudda ee u dhexeeyay Yaman iyo
dalalka; Cummaan, Sacuudiga iyo Eretariya.(e) Waxaa la dhisay Ciidan
difaac iyo Nabadgalyo oo tiro iyo tayo leh, awoodna u leh difaaca
Gobanimada, midnimada iyo sharafta dalka. Waxay 15-kii sano ee ugu
dambaysay gaartay yaman, horumar lixaad leh ee dhinacyada, dhaqaalaha
guud-ahaantiis, gaadiidka, waddooyinka, dekedaha, garoonnada diyaaradaha,
isgaarsiinta,buundooyinka,warshadaha. caafimaadka, waxbarashada,
ciyaaraha iyo jiha kastoo horumarineed, waxaana si sharaf iyo haybad leh
hoggaanka ugu haya madaxweyne ; Cali Cabdalla Saalax iyo Golayaasha
dalka ee dastuuriga ah.
Haddaynu Soomaali nahay, walaalo iyo derisba waannu nahay
Yaman, xiriir fiican oo soo-jireen ahna waann leenahay, Somali badan baa
deggan ama qaxooti ku ah dalka Yaman, wufuud heerarkoodu kala duwan
yahay baa joogto u yimaada Yaman, oo lagu maamuusaa, meel kastana loo
tusaa si sokeeyanimo ah. Haddaba, miyaanay dow iyo gar ahayn in aynu
Yaman kaga dayanno midnimada iyo wadajirka, halkii aynu dib u sii kala
gogo'i lahayn. Miyaanay noo muuqan maqaamka dawliga ah iyo maamuuska ay
yamani midnimadeeda ku gaartay(gaadhay), muruqana ku yeelatay ..!!! Ma-caqli-gal
baa inuu caalamka oo dhan u sii socdo xagga midowga, annaguna aannu u
sii gogol-xaarno kala gogo'.
Maraykan midnimo ayuu ku taagan yahay, jarmal baa mid
noqday, Yurub baa waddada midowga ku socota, Afrika iyo Carab baa
midnimo hadal-haya oo qorshaynaya, annaguna sii kala gogo',
qabiil-qabiil, jifooyin,garabyo, isbahaysiyo iyo kooxo miyuu ku socdaa
masiirkii ummadda iyo aayihii dalka(Maan-deeq) ?!!!.
Aadanaha ba daayoo, xataa uunka kale ee alluhu abuuray
ayaa midow, wadajir, kala dambayn, iskaashi iyo meel ka soo wada-jeed
wax ku qabsada. Bal eega; Shinnida, Aboorka, Quraanshada(quraanyo) iyo
makhluuqa kaleba. Malab bay dariiqa wadajirka shinnidu ku soo saartaa,"
Quraansho aruurtayna Bulac(Mulac) waa jiiddaa".
Soomaaliyey, sidanu si ma aha ee aynu dib isugu noqonno,
hareerahana eegno iyo halka ay ummaduhu marayaan.
Maxay isu-diriraan Soomaalida Qaxootiga ahi..?!!
Dadka Aadamiga ahi wuu qaxaa, oo Qaxooti waa noqdaan.
Dadku dalkooda hooyo iyo deegaannadooda wey ka bara-kacaan, marka ay la
soo deristo xaalad adag iyo musiibo ka mid ah kuwa laga fogaado, laga
dheeraado, lagana cawdu-billaysto, sida; dagaallada sokeeye.
Naflayda kale ayaa iyaguna deegaannadooda ka qaxa ama
ka haajira, marka ay mashaqo culus soo wajahdo,sida; daadadka, gumaadka,
dhul-gariirka iyo musiibooyin kale oo dabiici ah ama Aadamigu sababo.
Naflaydaas oo ay Duur-joogtu ugu tun-weyn tahay, Quraanyaduna(Quraansho)
ugu tun iyo taag yar tahay, kulligood wey qaxaan. Shimbiraha qaarkood,
waxay u kala haajiraan qaarad ilaa qaarad kale. Nafley ay Eeyada iyo
Doolliyadu ka mid yihiinna dareen xoog leh baa Eebbe ugu deeqay, kaas oo
ay wax ku sii ogaadaan, walwal iyo walaahowna ka sii muujiyaan.
Haddii ay khatari timaado, dad iyo duunyaba in ay
qaxaan, waa arrin caadi ah, waa arrin uu nooluhu ku kaco, lana garawsan
karo, waayo wixii ku kallifay barakac ayaa meesha yaalla..."Dheriga
waxaa karka ka keena kulaylka,,".
Marka uu ruuxu dal shisheeye qaxooti ku noqdo; waa
inuu cagaha dhulka dhigaa, dhegaha furaa, dhug yeeshaa, oo uusan sida
dhaadhaanka u dhaqmin...."Dal aan dalkaaga ahayn, dareen ku joog waaye..".
Dadka Soomaaliyeed ee dibadaha u qaxay, waxay isugu jiraan; dad
wanaagsan oo tusaale noqon kara, sida; Culamaa'u-ddiin, Odayaal,
Aqoon-yahanno, Siyaasiyiin iyo Aqyaar kale. Dad aan wanaagsanayn baa
iyaguna dibadaha u qaxay, sida; Tuugo, Gacan-ku-dhiiglayaal, Hablaha
dhaqanka-xun(Caasi) iwm. taasina waxay keentay; in dadyowgii xaggooda
loo qaxay, lala degay ee lala dhaqmay, ay fikrado kala geddisan ka kala
qaateen dadka Soomaaliyeed.
Ruuxii shisheeyaha ahaa ee arkay, lana dhaqmay qoys
Soomaaliyeed oo Aqyaar ah, fikrad fiican buu ka qaatay dadka
Soomaaliyeed, hase yeeshee, ruuxii uu la dersay Soomaali "Allow-sahal
ah" ama ay ag-degtay "Caasi ciddiyo dhaadheer ah" fikrad aan fiicnayn
buu kaasi ka qaatay Soomaali idil-ahaanteed. Soomaalida Qaxootiga ku
ah dalalka Carabta qaarkood iyo kuwa kale ee Islaamka ahi, waxaa in
badan farta lagu fiiqaa; hablaha keligood saqda dhexe habeenkii socda,
kuwa uusan maalin-jooggoodu waqti iyo xad lahayn, kuwa tahriibka
keligood u baqoola iwm. Oday Soomaaliyeed oo Sanca(Yaman) ku nool, baa
marka uu arko hablaha noocaas ah, yiraahda;"..Ha lala hadlo hablahan
habaaran..!!" hees baa iyaduna miraheedu ka mid ahaayeen.."Naa bi'isay
dhaqankii, sharcigii ka baydhoo(leexatoo), diintii burburisee, hablow
maad is-bar-qabataan..?!!"
Dalalka Yurub, Austaralia, Waqooyiga Ameerika,
Afrikada qaarkood iyo Jasiirooyinka ay Soomaalidu joogto oo Qaxootiga ku
tahay, dhallinyaro badan(wiilal iyo gabdho) oo qaxootiyadaas ka mid ah,
isbaddalka xagga diinta, dhaqanka, iyo akhlaaqda ee ku dhacay, waa mid
haddii la sheeg-sheego ay aqyaar badani ciil iyo caro u dhimanayaan, "
Ceeb Allaha asturo" iyo "Allow sahal amuuraha" uun baan hadalkooda kaga
baxayaa.
Arrimahaas, waa kuwa guud oo la garan karo, dadyow
kala-jinsiyado ah oo kale, ayaa iyaguna nagula jira, waxaase
yaabka-yaabkii ah, oo laga soo sheegayaa dal kastoo ay Soomaalidu
qaxooti ku yihiin ; Is-maan-dhaaf iyaga dhexdooda ah(Soomaalida
Qaxootiga ah), gacan-ka-hadal bir iyo budh(garruun) la isla dhacayo,
taas oo dhaawacyo culus iyo dhimasho joogta ah gaysata. Laba ruux baa
isku bilaabaya kaftan qabyaalad ku dhisan oo "kaftan-dhable ah",
af-lagaaddo ayuu u dallacayaa kaftankii, gacan-ka-hadal ayuu u sii
korayaa, ka-dibna mid kasta waxaa mar-mar la soo safanaya oo u soo
hiillinaya koox qaxootiga ka mid ah oo ay isku-hayb yihiin.
Arrintu waxay u sii daran tahay, dhibaatadeeduna sii
culus tahay, nabarradeeduna sii halis yihiin; marka ay labada dhinac ee
dagaallamayaa ka soo kala jeedaan qabaa'il hore ugu dagaallamay ama
hadda ay colaadi uga dhaxayso gudaha Soomaaliya. Dalal badan oo ay
Soomaalidu qaxooti ku tahay bay ka dhacday, waxayna markii ugu dambaysay
iga soo gaartay, dalalka; Koonfur Afrika, Kenya, USA iyo meelo kaleba.
Xataa Soomaalida gobollada dalka gudihiis ku kala qaxay bay dirirtan oo
kale dhex-martaa "qof-qof/koox-koox".
Wiilal hore dhiig-dadaad ugu soo fara-xashay iyo kuwo
ay weli afafkooda ka soo jeedaan lugaha dadkii ay liqeen, kuwaas baa ka
mid ah Qaxootiga dalalka qaarkood jooga, inay dadka mindiyeeyaanna waxba
uguma fadhido. Hablo iyaguna khibraddooda dagaal aanay yarayn, markay
dalkii Soomaaliya joogeenna, dhexdu u xirnayd, timuhuna u dabnaan jireen,
kuwaas baa markay ugu yar tahay dibadaha ciddiyadooda dhaadheer wejiyada
uga baddala(Siday yiraahdaan), haweenka kale ee deriskood ah, xataa qaar
baa garruuman gaagaaban guntiyada ku soo qarsada, oo la dhaca ruuxii ay
is-af-dhaafaanba, haddii meeshu Boolis ka fog yahay, ama aan arrimaha
Soomaalida sidaas looga danayn.
Qaababka dagaal ee Soomaalida qaxootiga ah, badanaa
dool bay ku yihiin dalalka la deegaamaystay, waayo, fajac iyo ammakaak
bay ka muujiyeen dadyowgii shisheeyaha ahaa ee lala degganaa.
Shisheeyuhu waxay la sii yaabeen sababta ay u dirirayaan laba "qof ama
koox" oo isku af, diin, dhaqan, midab iyo muuqaal wada ah, dal kaliya ka
wada yimid, meel kaliyana qaxooti ku wada ah, sheeganaya inay ka soo
wada carareen dagaal, xad-gudub iyo dil...!!!
Kooxo-colaadeed oo gudaha dalka jooga, kuwa Kenya,
Ethiopia, Muqdisho, Jawhar, Baydhaba, Kismaayo, Hargaysa iyo meelo kale
ku kala sugan bay dadkii Qaxootiga ahaa ee Soomaaliyeed la kala safan
yihiin, u kala hiillinayaan, ku murmayaan, la xiiqayaan ka-bacdina
isu-dirirayaan dartood...taas waa sabab ka mid ah dagaalka qaxootiga
Soomaaliyeed. Waxaa is-weydiin leh; Ruuxa qaxootiga hadda dibadaha ku
ahi, hadduu dagaal iyo qola-qolayn tabar u hayo, muxuu uga soo tagay oo
uga soo qaxay halkii lagu hayay(dagaalkaas) ?!!! Muxuu kuwa
qaxootinimadoodu dhab tahay fitnada ula dhex-fadhiyaa ?!!! Muxuu
Dhiigya-cabkii iyo kii isbaaradu u tiil(gobol kasta) uga soo daba-qaxay
kuwii uu soo qaxiyay ?!!!
Doonyaha Bariga Soomaaliya ka soo qaada Qaxootiga ee
Yaman ku socda, kuwa xeebaha Liibya ka goosha ee xeebaha Taliyaaniga ku
socda, kuwa tareennada tahriibku ku dhex-dhuuntaan ee dalalka Yurub u
kala tallaaba, intaba waxaa la wada socda, isku meelna tagaya oo dalal
kale isu dhiibaya kuwo soo qaxay iyo kuwii soo qixiyay...kuwii wax laga
dilay iyo kuwii wax dilay...kuwii la boobay iyo kuwii wax boobay...haweenkii
la kufsaday iyo raggii kufsaday...arrimahaas waa sabab kaloo iyaduna ka
mid ah sababaha ay isu diriraan Soomaalida Qaxootiga ahi.
Haddaba, waxay u muuqataa, is-diriridda Soomaalida
qaxootiga ahi ka dhex-dhacda inay la xiriirto, lugna ku leedahay
dagaallada iyo dhibaatada gudaha Soomaaliya ka taagan, ayna tani
dhammaanayn ilaa ay taasi dhammaato. Sidaas darteed, waxaa loo baahan
yahay in aynu u wada tafa-xaydanno soo af-jaridda dhibaatada Soomaaliya.
WQ/ Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Fariinta uu wato qoraalka sare waxay gaar u
tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|
|