|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Tuesday, May 10, 2005 |

By Muxyaddiin M.Kaalmoy-kalmoi@hotmail.com
Soomaalidu
waxay tiraahdaa ;"calaf baa la cunaa". Wixii uu ruuxu cuno ama siyaabo
kale ugu taga, xaggiisa mara, oo aan ka soo noqonayn, ayaa la
yiraahdaa;"Wuu calfaday", "Calafkiisuu ahaa "iwm. hase yeeshee, xagga
luqadda carabiga, waxaa calaf la yiraahdaa; waxa xooluhu cunaan oo
quut-ahaan loogu dhigo, cawska oo kale. Waxayna u eg-tahay inay labada
kalmadood xiriir leeyihiin.
Waxa la cuno oo kaliya kuma koobna calaf, ee waxyaabo
kale ayaa ruuxa calafkiis noqon kara,sida; dhar, guri, beer, haweeney
iwm. Dawlad baa wax calfan karta, koox, xoolo, shimbiro iyo naflay kala
geddisan baa wax calfan kara oo ku tagi kara. Siyaasad-ahaan,
Ciidan-ahaan, dhaqan iyo dhaqaale-ahaan , intaba wax waa loo calfan
karaa. Waxaase marmar dhacda; in dad ama wax kale oo in la calfaday la
mooday laga tashado, ka-dibna ay soo shaac-baxdo in aan la calfan.
Askar badan oo dagaallo ka qayb-galay, baa waxaa la soo
sheegaa; in uu cadawgoodu dilay oo uu mowdku calfaday, markaas baa
haweenkood asaay loo saaraa, ka-dibna la dumaalaa ama la guursadaa,
ubadkoodiina agoon baa loogu yeeraa oo madaxaa loo salaaxaa.
Dagaalladu markay soo af-jarmaan, ciidammadiina dib u soo
kala gurtaan, baa waxaa qoysas badan dib ugu soo laabta raggii askarta
ahaa ee dagaallada ku maqnaa, lana mooday inuu mowdku calfaday oo la
dilay, markaas bay farxad iyo murugo isla-mar dhacaan, oo dadkii
qaarkood qosol-gariiraan. dagaalladii caanka ahaa ee 77/78 bay
arrintanoo kale dhacday oo aad loo hadal-hayn jiray, dunida dacalladeeda
kalena way ka dhacaan. Waxay dhacday dagaalladii 1aad iyo 2aad ee dunida,
kii carabta iyo Israa'iil, kii Ciraaq iyo Iiraan, kii Veytnaam iyo kuwo
kale oo badan. Calfashadii baa waxay noqotaa;"La-mood noqonse weyday"!!.
Markii ay dagaallada sokeeye dalka ka qarxadeen, waxaa
bilowday, welina socda, inay dad badan oo Soomaaliyeed dalka ka soo
qaxaan. Qaar dadkaas ka mid ah baa si joogta ah doonyo uga soo raaca
Xeebaha Bariga Soomaaliya, iyagoo u soo qaxaya xagga dalka Yaman, soona
raacaya doonyo aan looguba tala-galin rakaab, amaba hawl-gab ahaa.
Doonyahaas qaarkood, qiyaas labadiiba mid-ahaan,badda labada dal u
dhexeysa ayay ku degaan oo baddaa liqda, halkaasna waxaa ku le'da dad
badan oo Soomaaliyeed, si joogta ah bayna taasi u dheceysay 14kii sano
ee ugu dambeeyay. dadkaas baddu la takto, waxaa calfada Kalluunka iyo
Libaax-badeedka oo ka dherga dhiiggooda iyo uur-ku-jirtadoodaba. Taas oo
kale, ayaa sanooyinkii ugu dambeeyay ka dhacday dhawr jeer badda u
dhexeysa Woqooyiga Afrika iyo Yurub(Mediterinian Sea), halkaas oo uu
kalluunka ku jiraana wax naga calfaday.
Dhanka kale;Qoysaska faraha badan ee u qaxay Yurub,
Ameerika iyo Ostaralia, ayaa waxay la kulmeen calfasho xoog leh oo wax
laga calfaday dhinacyada; diinta, dhaqanka, anshaxa, akhlaaqda iyo
arrimaha qoyskaba. Qoysas badan baa firxadkoodu soo gaaraa carabaha,
qaarkoodna iyagoo neef-tuuraya ayay dalkii dib ugu noqdaan, si aan wax
looga calfan.
Dadyow kala geddisan oo Geeska Afrika ka yimaada, oo ay
Soomaaliduna ka mid tahay, baa iyagoo caruur iyo haweenba ay ku jiraan
isku deya, si joogta ah, inay ka tallaabaan xadka dheer ee u dhexeeya
dalalka yaman iyo sacuudiga, iyagoo tahriibaya(Si aan sharciyaysnayn),
kuwaas oo niyaysan in ay Sacuudiga nolol u raadsadaan. Waxaa
isa-soo-taraya wararka sheegaya, in dadkaas, gaar ahaan haweenka iska
yaacaya iyo kuwa badanaa la qaldo ay si fudud calaf ugu noqon karaan,
darawallada wax tahriibiya, dallaaliinta iyo qaar kale oo aan Alle ka
baqayn oo jooga xuduudaha. Waxaa aad loogu baahan yahay in qaxa iyo
laab-la-kaca xagga socdaallada ah, la turxaan-bixiyo, lagana taxaddaro,
walow ay taasi ka sii waajibsan tahay in arrimaha sababaya meel looga
soo wada jeesto, si ugu yaraan loo xakameeyo, si aanay dawladaha,
dadyowga kala geddisan, kalluunka, iyo duur-joogtuba aanay wax nooga
calfan.
Waxaa lagama maarmaan iyo masuuliyad saaran ruux kasta
oo Soomaali ah inuu ka gilgisho, ka dhiidhiyo, ka-damqado, kana
dagaallamo waxa dalka ka dhacaya , gaar ahaan dhicidda , gurashada iyo
calfashada khayraadka kala geddisan ee badaheenna, halkaas oo ay
dawladuhu xaalufin nagu hayaan, sida ay u xaalufiyaan una calfadaan;
duur-joogteennii, dhirteennii iyo hantideennii kala duwanayd oo dhan,
walow, ay ayaan-darro tahay in ay falkaas ku lug-leeyihiin dad
Soomaaliyeed, waana marka ay Soomaalidu tiraahdo; geed baa yiri;"
Masaar-yahay ima aadan goyseen, hadduusan gabalkay kugu jirin".
Qaababka calfashada waxaa ka mid ah;tan siyaasadeed; Dawladaha
Isticmaariga ah ayaa ku adeegta casrigan, in ay dad siyaasad ahaan u
calfadaan, si ay danahooda gaarka ah uga qunsadaan dalalka ay rabaan oo
muraadka ka leeyihiin, waxayna ka muuqataa Ciraaq, Afganistaan iyo kuwo
kale...Xilliyadii ay Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika ka socdeen
dhaqdhaqaaqyada Gobanimo-doonka, canaasirta waddamadaas u dhashay, hase
yeeshee, la -jaal ahaa oo uu siyaasiyan u calfaday Isticmaarku, ayaa
taako, caqabad iyo carqalad ku ahaa Halganka gobanimo-doonka dalalkaas,
guushuse, waxay ku dambaysaa xagga gobanimo u dirirka iyo kuwa
waddaniyiinta ah .
Waxaan iyaduna dab yar shidayn calfashada xagga diinta,
oo masiirkeedu janno iyo naar middood yahay. Shacbiga Soomaaliyeed waxaa
badanaa la aaminsan yahay inuu 100% muslim yahay, hase yeeshee, waxaa
sanooyinkii ugu dambeeyay soo baxayay kooxo caddaystay kirishtaanimo oo
hay'ado iyo dawlado ku tiirsan, kuwaas oo aad ugu dadaala in ay dad
badan oo Soomaaliyeed naga calfadaan.
Haddaba, waxaa loo baahan yahay in aynu awooddeenna xagga
caqliga, muruqa ,aqoonta iyo maaliyaddaba isugu geyno la-dagaallanka
calfashada qaababkeeda kala geddisan ee nagu socota, dhiig-baxana nagu
wadda,taasoo ugu dambaynta keeni karta in guud ahaanba nala wada
calfado dad iyo dal ahaanba, waa in aynu u midowno maslaxadda guud ee
dalka, sida ay diinteennu qabto, hobollada Waaberina ugu heeseen;"
Tumaatida dhexdeenna iyo intaad waranka tuurtaan, ka-tashada cadaawaha
oo isku tiirsanaada...".
|
|