HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Sunday,  May 15,  2005

Yaa gooyay Geedkaan...?!!
 

Dhirtu (guud ahaan) waxay ka mid tahay saldhigyada(asaaska) nolosha aadamiga iyo noolaha kaleba. Aadamigu dhirta miraheeduu cunaa, dhirta qaarkeedna caleemaha iyo jirriddoodaa la cunaa. Dhirta waa la harsadaa, looxaan baa laga dhigtaa oo siyaabo kala duwan loo isticmaalo, ubaxa dhirtaa cadar laga samaystaa, xoolahaa iyaguna daaqa(quuta), shimbiraha iyo noolayaal kale baa iyaguna ku nool. Dhirta waxaa laga samaystaa dawooyin, hawada oksujiinka oonnu u baahan-nahay bay soo tuftaa, xaabo iyo dhuxul baa laga dhigtaa markay qallasho. Siyaabahaas iyo siyaabo kaleba waa looga faa,iidaystaa dhirta.

Meeshii ayan dhiri ka jirin ama aanan daaq lahayn waa lama degaan oo bacaad bay noqotaa,wayna adkaataa in lagu noolaado. Culimada qaarkoodna waxayba yiraahdaan;" dhirtu waa nolosha". Meeshay ku badato dhirtu, nolol iyo dhaqdhaqaaq baa ka jira; beerahay ku wanaagsanaataa, xoolahaa daaq ka hela, mashaariicyo kala duwan oo  dhirta iyo daaqa ku lug leh baa ka hirgeli kara ,oo shaqo joogta ah bay xoogsatadu ka heli karaan.

Dawladuhu badanaaba waa ku baraarugsan yihiin qiimaha iyo anfaca dhirta iyo daaquba, waxayna u samaystaan wasaarado, hay,ado iyo mashruucyo ku lug leh ilaalinta, horumarinta iyo ka mira-dhalinta deegaanka, dhirta , daaqa iyo kaymahaba. Dawladdii dhinacaas tixgelin fiican siin wayda, waxaysan garan kuwa ugu muhimsan tiirarka nolosha. Dawladaha qaarkood ruuxii geed gooya iyo kii ruux aadami ah dila isku il bay ku eegaan. Xagga diintana waa arrin ku wayn, oo aayado quraanka kariimka ah iyo xadiisyo Nebiga( nnkh) ah bay ku xusan yihiin geedaha iyo dhirtuba guud ahaan.

Somaaliya dawlahihii kala duduwanaa ee soo maray min 1960 ilaa 1990kii intii karaankood ah, kama aanay seexan dhankaas, si tabar iyo maaro loogu helaba.hase yeeshee, markuu burburku dhacay baa talo faro ka haadday, waxaana soo baxay qooman(duulal) aad mooddo inay dhirta iyo daaqa la col-yihiin, noloshana aanay wax qiima ah ugu fadhiyin, toodoo ay fushadaan mooyaane.

Deegaannada jiinka webiga shabeelle ku yaal, oo aan 2001dii is-iri bal soo marmar, si aan wax uga ogaado ; dadkii, dalkii, deegaankii,daaqii, duur-joogtii iyo dalaggiiba, baan magaalada Shalambood xagga webiga uga sii socdaalay, anigoo markaasna soo xasuustay heestii " Maxaad sheekadeennii, intaad shirisay dumarkii ugu sheegtay shalay galab. ha i sheegan inan-yahay, shiddadiyo jacalkuba, intaan shaar u geliyaan, shalambood la tagiyoon, shib dheh oran,shar iyo khayr".Beri-samaadkii heestu socotay baan gadaal u jalleecday xusuus ahaan.

Odayaal deegaanka aan kula kulmay, baa waxay ii sheegeen, arrimo yaab leh oo dhacay,oo ay ka mid ahayd, sheekadan; -Nin gaal ah(siday u yiraahdeen) oo hay,ad samafal ah la socda, baa ayaan dhowayd jiiddan soo maray, wuxuuna ku arkay magaalada jannaale ee jiinka webiga shabeelle, geed wayn oo la gooyay, dhulkana yaal, loona darbinayo in la sii jarjaro. Intuu geedkii dhaqso ugu soo leexday buu dul-saaray qalab uu watay, markaas buu madaxa gacanta saaray, isagoo ilmaynaya,kuna qaylinaya."..Yaa gooyay Geedkaan ?!!, maxaa loo gooyay ?" .Markii la warsaday sababta, wuxuu yiri"..Anigu cilmiga dhirtaan ku xeel-dheerahay, geedkani wuxuu ka mid yahay geedo meelo kooban kaga dambeeya dunidan, waa nooc qiima badan oo jiinka webiyada qaarkood ka baxa, dhowr boqol oo sanuu gaaraa cimrigiisu, annagu si gaar ah baan u xannaanaynaa, idinkuna ma ciyaarciyaartan baad u jaraysaan ...?!! Wuxuu ku soo celceliyay " yaa gooyay ? maxay u gooyeen ? xaggay ka yimaadeen kuwa dhirtan oo kale jaraya ...?!! .Akhristayaashaa laga rabaa jawaabta...


Qoraaladii hore ee Muxyiddiin Kaalmoy:-

Daqarro la isla dhaco miyaa Dimuqraadiyaddu...?!!
Astaamaha Hoggaamiyaha wanaagsan...!!!


Muxyiddiin Maxamed Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com



Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar yahayqoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay. 



allgedo@allgedo.com

 


 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com