HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  News,  Tuesday,  May 24,  2005


Waa sidee aayaha ubadkeenna...?! Q-1aad:

Cilmi-baarista Saykolojiyadeed baa waxay sheegaysaa ;In dadka aadamiga ahi sifooyinkoodu u kala duwan yihiin, sida ay hadba u kala duwan yihiin calaamadaha(basamaat) faraha gacmahooda oo kale.  Arrintan waxaa qiri kara oo kale ruuxii aad dadka u dhex-gala, una fiirsada hab-dhaqankooda, dabeecadahooda iyo dad la macaamilkoodaba, waxaana muuqanaysa inay dadku kala kaan yihiin.

Kala-geddisnaanta dadku ku kala geddisan yihiin xagga hab-dhaqameedka iyo dabeecadaha, waxay sheegeen Culimadu ; inay ku imaanayso; dhaxaltooyo-ahaan iyo saameynta deegaaneed. Qofku sifooyin buu ka dhaxlaa oo kala yimaadaa dhinacyada ; aabbihiis, hooyadiis iyo awoowayaashiisaba.  Sifooyinkaas dhaxaltooyo-ahaan ku imaanaya, waa kuwa la xiriira dhismaha jirka iyo arrimaha Fisyolojiga ah, hase yeeshee, sifooyinka xagga caqliga iyo akhlaaqda, waa isku khilaafaan culimadu, waayo waa adag tahay xaddididdoodu, oo waxaa qofka aad saameyn dhinacyadaas uga yeesha deegaanka uu hadba ku nool yahay iyo bulshada uu wax la wadaago, waana sida loo yiraahdo;" Deegaan kastaa dadkiisuu dhalaa".

Deegaan (Environment/Bii'ah), waxaa loola jeedaa dhammaan waxyaabaha qofka ka baxsan, ku xeeran oo uu ku dhex-jiro, isagana saamaynaya, waxna ka baddali kara, horumar iyo dib-u-dhacba, laga soo bilaabo korriimadiisa hore ilaa uu qofku ka geeriyoonayo.  Deegaanka ugu horreeya ee qofka saamaynaya waa uurka hooyadiis(Raximka) oo qofka kaga lug-yeelanaya dhinacyada quudashada iyo arrimaha kimikada ah ee qofka korriimadiisa iyo dhismihiisa khuseeya.  Waxaa arrimaha qofka saamaynta ku leh ka mid ah; cuntada, cimilada, jirrooyinka iyo arrimaha dhanka deegaan-bulshadeedka ah, sida; guriga, dugsiga, xaafadda, suuqa, goobaha cibaadaysiga, golayaasha ciyaaraha iyo madadaalada, goobaha shaqada iyo dhammaan meelaha uu qofku xiriirka kula yeelanayo dadka kale.

Labadii qarni ee ugu dambeeyay, waxay culimadu aad ugu mashquuleen su'aasha ah; Kee baa mudnaan ku leh jiritaanka iyo habsami-u-socodka qofka, ma sifooyinka uu waalidiintiisa ka dhaxlay; mise kuwa uu ka kasbaday oo ka saameeyay deegaanka uu ku nool yahay ?.  Waa su'aal ay jawaabteedu taxaddar u baahan tahay, bulsho kastana dhankay la noqoto ayay culayska saartaa oo mudnaanta siisaa, marka ay tahay dhismaha bulshada cusub. Tusaale-ahaan; Naaziyiintii Jarmalku, way dhufaani jireen ama si uun bay ma-dhalays uga dhigi jireen dadka waalidiintooda ka dhaxlay, kuna sifoobay cilladaha Kariwaanimada iyo Makaroofinimada(Bellicose) iyo dhammaan canaasirta xambaarsan iin(cillad-xun) oo bulshada ku faafi karta aayaha dambe. Ujeeddada Canaasirtaas looga dhigayay ma-dhalayskana waxay ahayd in aysan tarmin, lana soo af-jaro cilladahooda, waana sida ay Soomaalidu u tiraahdo;"Geed kastaa dheecaankiisuu dhalaa", ama loogu hal-qabsado;" Wallee odaygaan arkay wiilkiis waad tahay !", dhankaas bayna Jarmalku culayska saari jireen, si loo helo bulsho nadiif ah iyo qiyam iyo akhlaaq wanaagsan leh.
 

Bulshooyinka dunida maanta badankood, waxay culayska saaraan, dhanka fidinta iyo baahinta barbaarinta iyo ababinta wanaagsan, wax-baridda iyo korriimada hagaagsan ee ka imaanaysa deegaanka-bulshadeed ee qofka, sida; guriga, dugsiga iyo dhammaan goobaha uu qofku kula kulmayo ,lana joogayo dadka kale, waana arrimihii ay u xil-saarnaayeen Hay'adihii dawladda ee dalkeenna- sida dalalka kaleba- sida; Wasaaradihiii waxbarashada iyo barbaarinta,Hiddaha iyo Tacliinta sare, Garsoorka iyo Arrimaha diinta, warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha iyo kuwo kaleba.

Hay'adahaas dawladeed ka-sokow, waxaa kaalin wayn oo aan la sahlan karin qaadanayay, miyi iyo magaalaba, waalidiinta, wax-garadka, culumaa'uddiinta iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Marka laysku wada daro, labada dhinac ee dawladda iyo shacbiga, ayaa is-dhamaystirka hawlahoodu qofka Somaaliga ahi ka helayay deegaan-bulsho oo wanaagsan, una gogol-xaarayay aayaha dambe ee dalka iyo dadkaba. Xataa Ciidammada dalka, siiba booliska iyo asluubta iyo maxkamadaha ayaa kaalin weyn kaga jiray arrinkan, maxaa yeelay, haddaan dembiilayaasha laga qaban bulshada inteeda kale, caddaaladdana la hirgelin, sharcigana la fulin, wixii ka dhashaa waa nabadgalyo-darro, is-maqal la'aan, burbur iyo mustaqbal mugdi ah.

Bulshadii barbaarinteedu wanaagsanaato, aqoon iyo wacyi sarena ku amba-qaadda, anshaxeeda iyo akhlaaqdeedana ilaalisa; bulshadaas baa halka ay higsanayso gaarta, horumar iyo qiyam sare oo insaani ahna hanata.


----------oOo-----------

Waa sidee aayaha ubadkeenna...?! Q-2aad:
 

Markii ay dagaallada sokeeye dalka ka holceen, ayna burbureen Hay'adihii Dawladda, gaar ahaan; kuwii; barbaarinta, waxbarashada, wacyi-gelinta, sharci-dejinta ,sharci-ilaalinta iwm. markii ay aqoon-yahannadii iyo wax-garadkii bulshada hoggaamin lahaa, kala noqdeen ; kuwa la laayay, qaar dibad-joog ah, kuwa baqdin darteed meelaha la yuurura iyo kuwa yaab dartiis afkoodu juuqda gabay; markii xoog iyo qori-caaraddiis la isku maquuniyay, ayay xumaantii ka saa'id-calaysay samaantii, taladii wanaagsanaydna ay tuur yeelatay.

Waxaa soo baxay jiil(Generation) la kowsaday ama la hana-qaaday dagaallada sokeeye, oo aan arkin nidaam dawladeed iyo kala-dambayn midna.  Jiilashii ku jiri lahaa dugsiyada; hoose, dhexe, sare, jaamacad iyo takhasusyada kala duwan ee kale, ayaa ku sugnaaday xaalad ba'an oo ababin la'aan, barbaarin-darro, toosin la'aan iyo waxbarasho la'aanba, waxayna la dhaqan noqdeen dugaagga, marka laga reebo tiro yar oo awood u heshay in ay wax ka bartaan dugsiyada iyo jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay, oo manhajkay hadba la noqoto fuliya, waayaha la joogo iyo waaqaca bulshaduna uusan gacan siinayn badanaaba.

Jiilka u dhexeeya 6 ilaa 25 jir ee maanta jooga barbaarin la'aan, waxbarasho la'aan iyo  wacyi-gelin la'aan, waa kuwii mustaqbalka dhow noqon lahaa hoggaamiyayaasha Siyaasadeed, Xeer-ilaaliyayaasha, Macallimiinta, Taqaatiirta, Injineerrada iyo guud ahaanba aqoon-yahannadii dalka ee waddaniyiinta ahaa, waxaana la og-yahay ; in tirada kooban ee hadda dibadaha ku heysta waxbarashada, inaysan dabooli-kari doonin baahida weyn ee dalku u qabi doono mustaqbalka iyo haddaba aqoon-yahan waddaniyiin ah, weliba intii dib dalka ugu soo noqota , waxay qaarkood la imaan doonaan; afkaar qalaad, dhaqanno qalloocan iyo aragtiyo gurracan.

Sanooyinkii 2000 iyo 2001dii oo aan soo maray deegaanno dhowr ah oo dalka ka mid ah, aadna ugu fiirsaday jiilka maanta iyo dhallinyarada suuqyada joogta ee u badan kuwa la soo kowsaday ama indhaha ku soo kala qaaday dagaallada sokeeye, burburka iyo dawlad la'aanta, gabay oo waayay ; barbaarin saxan iyo waxbarasho toosan intaba, ayaa waxaan si gaar ah dhegaha ula raacayay; hadaaqooda, hadalladooda, hal-qabsiyadooda iyo hammigoodaba, kaas oo badankiis ku soo ururayay arrimaha soo socda:-(1)QORI:-- noocyadiisa, qaababka loogu dagaallamo, fogaanta uu wax ka dilo, sida loo kala qoryo badan yahay iwm. ..(2)QABIIL:- qabaa'ilka iyo jilibyadooda, quwadahooda dagaaleed, deegaannadooda, isbaarooyinkooda iwm...(3) QUURSI:- Dhallinyarada oo dhexdooda isu quursanayay  qabiil-qabiil, itaal qabyaaladeedna isugu faanayay...(4) QAAD:- Sidii loo heli lahaa, garoommada uu ka soo degayo, qiimihiisa, meelaha lagu qayilayo iwm...(5)QAXOOTINIMO:- laymanka furan, qiimahooda, is-xambaar iwm.

----------oOo-----------

Waa sidee aayaha ubadkeenna...?! Q-3aad:

 

Waxaa aad u yaraaday dhallinyarada Somaaliyeed ee jiilka hadda jooga ah , in aad aragto iyagoo ka hadlaya; Waxbarasho, aayaha dambe ee dalka, dib-u-soo-celin qarannimo, sinnaan iyo caddaalad bulsho, calanka iyo ciidda iyo mowduuc kastoo aayaha dembe ee dadka iyo dalka u gogol-xaaraya.  Dhallinyaro badan oo aan arkay, ulana sheekaystay si taxaddar leh, waxaa adkayd in ay fahmaan "Waxa loola jeedo Dawlad, baahida loo qabo iyo waxa ay qabato".  Qaar baa igu yiri;" Maxaan uga baahannahay waxbarasho..?!!". Kuwaa ila yaabay markaan ka hadlay barbaarin iyo wacyi-gelin. Kuwaa baqdin iyo halis i geliyay, iina caga-jugleeyay markaan ku soo hadal-qaaday "hub-dhigis iyo isbaaro-qaadis", waa gartoodoo jawigaas ayay indhaha ku soo kala qaadeen.

Markay mas'aladahaas iyo kuwa la mid ah i soo wajaheen, baa waxaa maskaxdayda mar kaliya ku dhashay su'aal ah ;" Waa sidee Aayaha Ubadkeenna ..?!!"

Haddaba, markii si dhab ah loogu soo jeesto adkaynta qarannimada, dib-u-dhiska dalka, daacadnimada dhankeedana loo bato, waddaniyaddii ha la soo nooleeyana lays yiraahdo, caqli fayowna lagu fekero, ciidda iyo calankan ilmaynayana loo damqado, allana laga baqo; markaas baa waxaa karti, kaalmo iyo kaanshaba loo heli doonaa ; nabadaynta dalka, adkaynta dawladnimada, dib u dhiska dugsiyadii, cisbitaalladii, warshadihii, waddooyinkii iyo dhammaan wixii aannu kas-darrida isaga burburinnay.

Hase yeeshee, mar hadii, hadba sidii loo barbaariyo, waxna loo baro jiilka maanta uu ku xiran yahay, aayaha dambe ee dalka iyo dadkaba, ayna hadda u muuqato mas'alad adag iyo shuqul aan yarayn; waa in loo helaa xal khaas ah; jiilka maanta jooga ee Somaaliyeed, kaasoo ku barbaaray qoriga, qaadka, qabiilka iwm. dumin iyo dilis mooyaana aanan garanayn dhisid iyo dhowrid.

Arrintan xasaasiga ahi, waxay u baahan tahay in loo hawl-geliyo oo loo xil-saaro aqoon-yahanno iyo waaya-arag takhasusyo gaar ah u leh culuunta bulshada iyo laamaha cilmiyeed ee loo baahan yahay, khibrad aan yaraynna u leh hoggaaminta bulshada; waa in la siiyaa waqti ku filan, maagelin loo helaa, loona huraa, xataa haddii laga fursan waayo, waa in lala kaashadaa dawladaha dhabbahaas oo kale soo maray.

Waxaa baahi weyn loo qabaa in barbaarinta, wax-baridda iyo wacyi-gelinta lagu saleeyo; waddaniyad, waayo, waxay maanta joogtaa ;"Axyaa waddanii, Axyaa waddanii, yaa Soomaali ahey, Axyaa waddanii ..?!!", waana lafta ugu weyn ee aannu ka jabannahay.  Sidoo kale, waa in jiilkan lagu anqariyaa, dibna loogu ababiyaa(walow badankood da'da ababinta ka koreen), diinta islaamka, midnimada dalka, ahmiyadda ciidda iyo calanka, qiima-weynida qarannimada, taariikhdii iyo halgankii gobanima-doonkii Soomaaliyeed iyo  gumaysi- nacaybka . Waxaan arrimahaas ka dhicin ; ahmiyadda waxbarashada, shaqada iyo dhismaha dalka, sinnaanta bulshada iyo hirgelinta caddaaladda, aaya-ka-talinta gobollada Somaaliyeed ee aan weli gobannimadoodii gaarin iyo weliba fikradda "Soomaali-weyn" (ciddii igu dhibsanaysaa, ha igu dhibsatee).

Tallaaba kastoo loo qaado dhanka arrimahan, laguna naaxiyo barbaarinta suubban, dhowridda  anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada, iyadoo isla markaasna laga faa'iidaysanayo waayihii kala duwanaa ee la soo maray iyo wixii dhaxal inoo yaal, waxay asaas ballaaran iyo saldhig adag u noqon doonaan "Aayaha dambe ee Ubadkeenna, masiirka ummadda iyo mustaqbalka dambe ee dalka. Waxaan qabaa in uu ruux kastoo Soomaali ah maanka ku hayo arrimahan, aanna u wada guntanno hirgelintooda.


Qoraaladii hore ee Kaalmoy:

Yaa gooyay Geedkaan...?!!
Daqarro la isla dhaco miyaa Dimuqraadiyaddu...?!!
Astaamaha Hoggaamiyaha wanaagsan...!!!
Qaabab kala duwan baa naloo calfaday..!!

 

W.Q:-Muxyaddiin Maxamed Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com



Fariinta uu wato qoraalka sare waxay u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay. 
 



allgedo@allgedo.com
 



 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com