|
|
|
Allgedo!
News, Tuesday, May 24, 2005 |
Waa sidee aayaha ubadkeenna...?!
Q-1aad:
Cilmi-baarista Saykolojiyadeed baa waxay
sheegaysaa ;In dadka aadamiga ahi sifooyinkoodu u kala duwan yihiin,
sida ay hadba u kala duwan yihiin calaamadaha(basamaat) faraha
gacmahooda oo kale. Arrintan waxaa qiri kara oo kale ruuxii aad dadka u
dhex-gala, una fiirsada hab-dhaqankooda, dabeecadahooda iyo dad la
macaamilkoodaba, waxaana muuqanaysa inay dadku kala kaan yihiin.
Kala-geddisnaanta dadku ku kala geddisan
yihiin xagga hab-dhaqameedka iyo dabeecadaha, waxay sheegeen Culimadu ;
inay ku imaanayso; dhaxaltooyo-ahaan iyo saameynta deegaaneed. Qofku
sifooyin buu ka dhaxlaa oo kala yimaadaa dhinacyada ; aabbihiis,
hooyadiis iyo awoowayaashiisaba. Sifooyinkaas dhaxaltooyo-ahaan ku
imaanaya, waa kuwa la xiriira dhismaha jirka iyo arrimaha Fisyolojiga
ah, hase yeeshee, sifooyinka xagga caqliga iyo akhlaaqda, waa isku
khilaafaan culimadu, waayo waa adag tahay xaddididdoodu, oo waxaa qofka
aad saameyn dhinacyadaas uga yeesha deegaanka uu hadba ku nool yahay iyo
bulshada uu wax la wadaago, waana sida loo yiraahdo;" Deegaan kastaa
dadkiisuu dhalaa".
Deegaan (Environment/Bii'ah), waxaa loola
jeedaa dhammaan waxyaabaha qofka ka baxsan, ku xeeran oo uu ku dhex-jiro,
isagana saamaynaya, waxna ka baddali kara, horumar iyo dib-u-dhacba,
laga soo bilaabo korriimadiisa hore ilaa uu qofku ka geeriyoonayo.
Deegaanka ugu horreeya ee qofka saamaynaya waa uurka hooyadiis(Raximka)
oo qofka kaga lug-yeelanaya dhinacyada quudashada iyo arrimaha kimikada
ah ee qofka korriimadiisa iyo dhismihiisa khuseeya. Waxaa arrimaha
qofka saamaynta ku leh ka mid ah; cuntada, cimilada, jirrooyinka iyo
arrimaha dhanka deegaan-bulshadeedka ah, sida; guriga, dugsiga, xaafadda,
suuqa, goobaha cibaadaysiga, golayaasha ciyaaraha iyo madadaalada,
goobaha shaqada iyo dhammaan meelaha uu qofku xiriirka kula yeelanayo
dadka kale.
Labadii qarni ee ugu dambeeyay, waxay
culimadu aad ugu mashquuleen su'aasha ah; Kee baa mudnaan ku leh
jiritaanka iyo habsami-u-socodka qofka, ma sifooyinka uu waalidiintiisa
ka dhaxlay; mise kuwa uu ka kasbaday oo ka saameeyay deegaanka uu ku
nool yahay ?. Waa su'aal ay jawaabteedu taxaddar u baahan tahay, bulsho
kastana dhankay la noqoto ayay culayska saartaa oo mudnaanta siisaa,
marka ay tahay dhismaha bulshada cusub. Tusaale-ahaan; Naaziyiintii
Jarmalku, way dhufaani jireen ama si uun bay ma-dhalays uga dhigi jireen
dadka waalidiintooda ka dhaxlay, kuna sifoobay cilladaha Kariwaanimada
iyo Makaroofinimada(Bellicose) iyo dhammaan canaasirta xambaarsan
iin(cillad-xun) oo bulshada ku faafi karta aayaha dambe. Ujeeddada
Canaasirtaas looga dhigayay ma-dhalayskana waxay ahayd in aysan tarmin,
lana soo af-jaro cilladahooda, waana sida ay Soomaalidu u tiraahdo;"Geed
kastaa dheecaankiisuu dhalaa", ama loogu hal-qabsado;" Wallee odaygaan
arkay wiilkiis waad tahay !", dhankaas bayna Jarmalku culayska saari
jireen, si loo helo bulsho nadiif ah iyo qiyam iyo akhlaaq wanaagsan leh.
Bulshooyinka dunida maanta badankood,
waxay culayska saaraan, dhanka fidinta iyo baahinta barbaarinta iyo
ababinta wanaagsan, wax-baridda iyo korriimada hagaagsan ee ka imaanaysa
deegaanka-bulshadeed ee qofka, sida; guriga, dugsiga iyo dhammaan
goobaha uu qofku kula kulmayo ,lana joogayo dadka kale, waana arrimihii
ay u xil-saarnaayeen Hay'adihii dawladda ee dalkeenna- sida dalalka
kaleba- sida; Wasaaradihiii waxbarashada iyo barbaarinta,Hiddaha iyo
Tacliinta sare, Garsoorka iyo Arrimaha diinta, warfaafinta iyo
hanuuninta dadweynaha iyo kuwo kaleba.
Hay'adahaas dawladeed ka-sokow, waxaa kaalin wayn oo aan la sahlan karin
qaadanayay, miyi iyo magaalaba, waalidiinta, wax-garadka,
culumaa'uddiinta iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Marka laysku wada
daro, labada dhinac ee dawladda iyo shacbiga, ayaa is-dhamaystirka
hawlahoodu qofka Somaaliga ahi ka helayay deegaan-bulsho oo wanaagsan,
una gogol-xaarayay aayaha dambe ee dalka iyo dadkaba. Xataa Ciidammada
dalka, siiba booliska iyo asluubta iyo maxkamadaha ayaa kaalin weyn kaga
jiray arrinkan, maxaa yeelay, haddaan dembiilayaasha laga qaban bulshada
inteeda kale, caddaaladdana la hirgelin, sharcigana la fulin, wixii ka
dhashaa waa nabadgalyo-darro, is-maqal la'aan, burbur iyo mustaqbal
mugdi ah.
Bulshadii barbaarinteedu wanaagsanaato,
aqoon iyo wacyi sarena ku amba-qaadda, anshaxeeda iyo akhlaaqdeedana
ilaalisa; bulshadaas baa halka ay higsanayso gaarta, horumar iyo qiyam
sare oo insaani ahna hanata.
----------oOo-----------
Waa sidee aayaha
ubadkeenna...?! Q-2aad:
Markii ay dagaallada
sokeeye dalka ka holceen, ayna burbureen Hay'adihii Dawladda, gaar ahaan;
kuwii; barbaarinta, waxbarashada, wacyi-gelinta, sharci-dejinta ,sharci-ilaalinta
iwm. markii ay aqoon-yahannadii iyo wax-garadkii bulshada hoggaamin
lahaa, kala noqdeen ; kuwa la laayay, qaar dibad-joog ah, kuwa baqdin
darteed meelaha la yuurura iyo kuwa yaab dartiis afkoodu juuqda gabay;
markii xoog iyo qori-caaraddiis la isku maquuniyay, ayay xumaantii ka
saa'id-calaysay samaantii, taladii wanaagsanaydna ay tuur yeelatay.
Waxaa soo baxay
jiil(Generation) la kowsaday ama la hana-qaaday dagaallada sokeeye, oo
aan arkin nidaam dawladeed iyo kala-dambayn midna. Jiilashii ku jiri
lahaa dugsiyada; hoose, dhexe, sare, jaamacad iyo takhasusyada kala
duwan ee kale, ayaa ku sugnaaday xaalad ba'an oo ababin la'aan,
barbaarin-darro, toosin la'aan iyo waxbarasho la'aanba, waxayna la
dhaqan noqdeen dugaagga, marka laga reebo tiro yar oo awood u heshay in
ay wax ka bartaan dugsiyada iyo jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay,
oo manhajkay hadba la noqoto fuliya, waayaha la joogo iyo waaqaca
bulshaduna uusan gacan siinayn badanaaba.
Jiilka u dhexeeya 6 ilaa
25 jir ee maanta jooga barbaarin la'aan, waxbarasho la'aan iyo wacyi-gelin
la'aan, waa kuwii mustaqbalka dhow noqon lahaa hoggaamiyayaasha
Siyaasadeed, Xeer-ilaaliyayaasha, Macallimiinta, Taqaatiirta,
Injineerrada iyo guud ahaanba aqoon-yahannadii dalka ee waddaniyiinta
ahaa, waxaana la og-yahay ; in tirada kooban ee hadda dibadaha ku heysta
waxbarashada, inaysan dabooli-kari doonin baahida weyn ee dalku u qabi
doono mustaqbalka iyo haddaba aqoon-yahan waddaniyiin ah, weliba intii
dib dalka ugu soo noqota , waxay qaarkood la imaan doonaan; afkaar
qalaad, dhaqanno qalloocan iyo aragtiyo gurracan.
Sanooyinkii 2000 iyo
2001dii oo aan soo maray deegaanno dhowr ah oo dalka ka mid ah, aadna
ugu fiirsaday jiilka maanta iyo dhallinyarada suuqyada joogta ee u badan
kuwa la soo kowsaday ama indhaha ku soo kala qaaday dagaallada sokeeye,
burburka iyo dawlad la'aanta, gabay oo waayay ; barbaarin saxan iyo
waxbarasho toosan intaba, ayaa waxaan si gaar ah dhegaha ula raacayay;
hadaaqooda, hadalladooda, hal-qabsiyadooda iyo hammigoodaba, kaas oo
badankiis ku soo ururayay arrimaha soo socda:-(1)QORI:-- noocyadiisa,
qaababka loogu dagaallamo, fogaanta uu wax ka dilo, sida loo kala qoryo
badan yahay iwm. ..(2)QABIIL:- qabaa'ilka iyo jilibyadooda, quwadahooda
dagaaleed, deegaannadooda, isbaarooyinkooda iwm...(3) QUURSI:-
Dhallinyarada oo dhexdooda isu quursanayay qabiil-qabiil, itaal
qabyaaladeedna isugu faanayay...(4) QAAD:- Sidii loo heli lahaa,
garoommada uu ka soo degayo, qiimihiisa, meelaha lagu qayilayo iwm...(5)QAXOOTINIMO:-
laymanka furan, qiimahooda, is-xambaar iwm.
----------oOo-----------
Waa sidee aayaha ubadkeenna...?! Q-3aad:
Waxaa aad u yaraaday dhallinyarada
Somaaliyeed ee jiilka hadda jooga ah , in aad aragto iyagoo ka hadlaya;
Waxbarasho, aayaha dambe ee dalka, dib-u-soo-celin qarannimo, sinnaan
iyo caddaalad bulsho, calanka iyo ciidda iyo mowduuc kastoo aayaha dembe
ee dadka iyo dalka u gogol-xaaraya. Dhallinyaro badan oo aan arkay,
ulana sheekaystay si taxaddar leh, waxaa adkayd in ay fahmaan "Waxa
loola jeedo Dawlad, baahida loo qabo iyo waxa ay qabato". Qaar baa igu
yiri;" Maxaan uga baahannahay waxbarasho..?!!". Kuwaa ila yaabay markaan
ka hadlay barbaarin iyo wacyi-gelin. Kuwaa baqdin iyo halis i geliyay,
iina caga-jugleeyay markaan ku soo hadal-qaaday "hub-dhigis iyo
isbaaro-qaadis", waa gartoodoo jawigaas ayay indhaha ku soo kala qaadeen.
Markay mas'aladahaas iyo kuwa la mid ah i
soo wajaheen, baa waxaa maskaxdayda mar kaliya ku dhashay su'aal ah ;"
Waa sidee Aayaha Ubadkeenna ..?!!"
Haddaba, markii si dhab ah loogu soo
jeesto adkaynta qarannimada, dib-u-dhiska dalka, daacadnimada
dhankeedana loo bato, waddaniyaddii ha la soo nooleeyana lays yiraahdo,
caqli fayowna lagu fekero, ciidda iyo calankan ilmaynayana loo damqado,
allana laga baqo; markaas baa waxaa karti, kaalmo iyo kaanshaba loo heli
doonaa ; nabadaynta dalka, adkaynta dawladnimada, dib u dhiska
dugsiyadii, cisbitaalladii, warshadihii, waddooyinkii iyo dhammaan wixii
aannu kas-darrida isaga burburinnay.
Hase yeeshee, mar hadii, hadba sidii loo
barbaariyo, waxna loo baro jiilka maanta uu ku xiran yahay, aayaha dambe
ee dalka iyo dadkaba, ayna hadda u muuqato mas'alad adag iyo shuqul aan
yarayn; waa in loo helaa xal khaas ah; jiilka maanta jooga ee
Somaaliyeed, kaasoo ku barbaaray qoriga, qaadka, qabiilka iwm. dumin iyo
dilis mooyaana aanan garanayn dhisid iyo dhowrid.
Arrintan xasaasiga ahi, waxay u baahan
tahay in loo hawl-geliyo oo loo xil-saaro aqoon-yahanno iyo waaya-arag
takhasusyo gaar ah u leh culuunta bulshada iyo laamaha cilmiyeed ee loo
baahan yahay, khibrad aan yaraynna u leh hoggaaminta bulshada; waa in la
siiyaa waqti ku filan, maagelin loo helaa, loona huraa, xataa haddii
laga fursan waayo, waa in lala kaashadaa dawladaha dhabbahaas oo kale
soo maray.
Waxaa baahi weyn loo qabaa in barbaarinta,
wax-baridda iyo wacyi-gelinta lagu saleeyo; waddaniyad, waayo, waxay
maanta joogtaa ;"Axyaa waddanii, Axyaa waddanii, yaa Soomaali ahey,
Axyaa waddanii ..?!!", waana lafta ugu weyn ee aannu ka jabannahay.
Sidoo kale, waa in jiilkan lagu anqariyaa, dibna loogu ababiyaa(walow
badankood da'da ababinta ka koreen), diinta islaamka, midnimada dalka,
ahmiyadda ciidda iyo calanka, qiima-weynida qarannimada, taariikhdii iyo
halgankii gobanima-doonkii Soomaaliyeed iyo gumaysi- nacaybka . Waxaan
arrimahaas ka dhicin ; ahmiyadda waxbarashada, shaqada iyo dhismaha
dalka, sinnaanta bulshada iyo hirgelinta caddaaladda, aaya-ka-talinta
gobollada Somaaliyeed ee aan weli gobannimadoodii gaarin iyo weliba
fikradda "Soomaali-weyn" (ciddii igu dhibsanaysaa, ha igu dhibsatee).
Tallaaba kastoo loo qaado dhanka
arrimahan, laguna naaxiyo barbaarinta suubban, dhowridda anshaxa iyo
akhlaaqda wanaagsan ee bulshada, iyadoo isla markaasna laga
faa'iidaysanayo waayihii kala duwanaa ee la soo maray iyo wixii dhaxal
inoo yaal, waxay asaas ballaaran iyo saldhig adag u noqon doonaan "Aayaha
dambe ee Ubadkeenna, masiirka ummadda iyo mustaqbalka dambe ee dalka.
Waxaan qabaa in uu ruux kastoo Soomaali ah maanka ku hayo arrimahan,
aanna u wada guntanno hirgelintooda.
Qoraaladii hore ee Kaalmoy:
Yaa gooyay
Geedkaan...?!!
Daqarro la isla dhaco miyaa Dimuqraadiyaddu...?!!
Astaamaha
Hoggaamiyaha wanaagsan...!!!
Qaabab
kala duwan baa naloo calfaday..!!
W.Q:-Muxyaddiin Maxamed Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Fariinta uu wato qoraalka sare waxay u gaar
tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|
|