Raggaa u taagan
“maamulka” haweenka ka
fadilida eebe qaarba
qaarka kale. Anisa:34.
Kan lab wuxuu leeyahey
labo dhedig ah dheeftood.|
anisa:11.
Ma’aanan dirin hortaa
rag mooyee oo aan u
waxyooneyney, ee warsada
kuwa cilmiga leh,
hadeydaan wax ogeyn.
an_naxal:43.
……haddaan la heleyn labo
rag ah,nin & labo
haweenood oo aad raali
ka tihiin maragooda.
Albaqra:272.
Magta raggu waa
100,dumarkana waa 50.
Walqalka wiilka waa
labo,gabadhuna waa hal.
Alle agtii waxaa idinku
sharaf badan kii idinku
cabsi badan.xujuraa. 12.
Sinaanta aadamigu waa mid ku
xiran,hadba sida ey isugu
dhigmaam, asalka sinaantuna
waa
xaquuqda ,waajibaadka &
ciqaabaha. marka la
helo qadarka ugu yar ayun
bey sinaantu kaamil noqotaa.
Ayadoo la raacayo
qaacidadaas ayaysan jiri
karin sinaba in aadamigu
sinaan buuxda ka
dhexdhacdo.sababtoo ah
asalka abuurka, akhlaaqda,
aqoonta,kartida, & waliba
hibada ayaa ayaa kala
gadisan.
Hase yeeshee raadka midkasta
leeyahey waa mid asaga ku
kooban oo aan xaquuqdiisa
kale wax u
dhimeyn.Sifooyinkaas aan soo
xusney ayaa ah
qaar hibo sida abuurka,
caqliga & kartida,qaarna waa
kasbasho sida
aqoonta,dedaalka.
Raga & haweenka waa isku mid
asal ahaan ,masiirka aakhiro
&
dhamaan xurmada,
dhiiga,sharafta,maalka,karaameynta.
Amarada & sharcigu waa qaar
guud ey wadaagaan, & kuwa
lagu khasisey ragga,
abaalmarinta aakhirana waa
mid labada jinsi ka siman
yihiin.
Raga & dumarku waxey ka
simayihiin xaqiijinta
danahooda sida
lahaanshaha
hantida,rahmida,kireynta,waqafka,
soo iibsiga & iska iibintaba.
Ayadoo taajirto ayaa allaah
wuxuu ku kala fadiley raga
dumarka
masuuliyada,
hogaanka,dhaxalka,
shahaadada ,magta & waliba
jihaadka,loolama
jeedo in dumarku yahey
makhluuq najaas, oo taagan
dabaqad hoose oo aan laheyn
inaba xurmo, caqli &
sharaf,maya arinku sidaas
loo qaloociyey waa ka duwan
yahey.
Ugu horeyn go’aan rabaani oo
uu gooyey allaha ku xeel
dheer kuna ah khabiir
abuurka labadan jinsi, oo
xidid xidid ugu ah caalim
abuurkooda, waana mid
kalimada alle ey taam ku
tahey cilmi,cadli,& run.
Taa darteed ninku hooyada
sida uu rabo kama yeeli
kara,ee wuxuu leeyahey
xaduud,hadii hooyadu ka
weydo ninka
dhaqasho_hagaagsan, masruuf,
marashi,la jiif, amase dhab
ahaanba isku qaban
waayaan waxey la
xariireysaa qaaliga marka
xaakinku u cadaato iney gar
ku taagan taheyna guurkii
ayuu burinayaa xitaa hadii
uusan raali ka aheyn.
“miyaad aragtaa wax
haweenka ka dhigey dabaqad
hoose”.
Dhaxalka:
raga ayagoo jinsi kaliya ah
ayaa dakhligoodu kala duwan
yahey,waayo waxaa kala duwan
xirfadooda & aqoontooda,sidaa
darted ayaa raga & dumarka
ayagoo ey kala duwan yihiin
xaga axkaamta,sababtoo ah
korarka & siyaadada dhaxalku
waxey salka ku heysaa
masuuliyada balaaran ee raga
dusha loo saarey.
Raga kaligii ayaa laga
rabaa
meherka,aqalka, aqal_galka,masruuf
joogta ah,diyada,magta,gabadhuse
intaas oo idil ninkeedey ku
leedahey, miyaaney halkaa
kaaga muuqan culeyska qirada
weyn ee ninka tunka ku sido.
Islaamku wuxuu ogalaadey
balse waajib ka dhigey iney
wax bartaan waa qaanuunkii
ugu horeeyey ee dhigaaladaas
meel mariyey,sarena u qaadey
sharafteedii & ruuxdeedii,
lana gaareyna iney waxey
rabto
diido ama yeesho.
Taasooy jirto ayaa islaamku
ku kala fadiley xaquuqda
raga & dumarka taasina waa
mid cuksan
saldhigyada
biology, physiology,
psychology.
Ugu horeyntii waxaa kala
duwan dhismahaooda jirka ee
uu jaangooyey allaha cilmiga
badan ee
sareeya,kaladuwanaantaas
ayaa dhalisey in dabcigooda
& doonistooda asaasiga ahi
ey sii kala duwanaato.
qolyaha ku xiiqey
sinaanshaha labada jinsi ee
reer galbeedku waa mid
durbaan maran tumaya, shir
& iidheh walboo la qabtey
waa mid aan badeli karin
dhismaha fidriga “abuurka”
ah oo alle ku khalqey
dumarka.
Waxaa hooyada la gaar
noqotey,uurka
dhaliinka,nuujinta,
caadifada, qalbi_ nugeyl,
hooyadu waa mid leh
dareen sare suuban,
howlkarnimo, sabir & dedaal
isdabajoog ah oo aan kala
go’laheyn, taasoo ku
gaartey dareenkeeda
nafsaaniga &
kan fikirka oo u diyaarsan
howshaas.
Ajiibka degdega
ah,laabashadeeda xoogan oo
ey waliba wehliso dabci
caadifi ah ayaa saldhig u ah
ku haboonaanteeda
hooyanimo,waayo danaha
dhalaanku uma baahna xoog
buuro lagu jabsho & ad_adeyg
toona balse wuxuu u baahan
yahey caadifad qaada ayadoon
ka jeejeesan dibna uga
dhicin.
Howshiisu uma baahna caadifo
ee waa mid u baahan
fakar,xoog,dhabar adeyg
dulqaad & diyaar gaarow
sidii lagu gaari lahaa
yoolka.
Islaamku waa mid la talaabo
qaada fidradaas aan soo
xusney,abiidna aan ka hor
imaan waaqaca,balse waxaan
maqalnaan in reer galbeedku
leeyihiin islaamku dabaqada
labaad “second class” ayuu
ka dhigey haweenka, & waliba
waa xidh_xidhey oo ku xirey
guri,dulsaareyna dhar
culus.taasi waa khasab
walaal inaan dul_istaagno
marka hore taariikhdii
haweenka reer yurub, bal aan
si kooban kuugu soo gudbiyo.
Waxey haweenka reer yurub
ahaayeen qaar la madow
qarniyadii madoobaa,lana
iska hilmaamey oo aan
xisaabta ku jirin,waxaa la
isku hayey ruux ma leedahey
mise maya?hadiise ey
leedahey ma ruux dadbaa mise
mid xayawaan,hadiise ruuxdu
dad tahey waa mid heerkee
ah? mid adoon mise mid ka
yara sareysa?
Waxaa kaliya oo looheystey
dareen jinsi & qalab lagu
raaxeysto, mid un wax dhasha
oo sharaf kale & ixtiram
laheyn,sida xoolahana waa
loo kala dhici jirey.
Laakiin dhigaaladeeda
dhaqaale xiliyadaas waxey
aheyd mid ka soo saarta
farsamo_ gacmeedka oo ey
gurigeeda ku sameyn
jirtey,haba iskaga jirto
dulinimadeedee.
Kacaankii warshadaha wuxuu
cinqilab ku dhuftey
dhaqanadii
mid miyi & mid magaalo,wuxuuna
dumiyey dhismihii
qeyska,waxaa laga wada soo
yaacey miyigii lana yimid
magaalooyin aan cid laga
garaneyn,qof wliba iskiis
ayuu u shaqo galey, lana
shaqeynayey saacado
dhaadheer, waana halkaas
halka ey ku kala
furfurantey isku xirnaantii
qeyska,xoogaaga qof
waliba soo galo waa mid uu
ku ilaashan jirey
lafahiisa,sidaasaa guur
doonkii ku yaraadey,kuna
furmeen
albaabadii tumashadu,
Haweenku waxey bixiyeen
wixii uga qaalisaanaa oo ey
kari_karayeen oo ahaa
dedaalkeeda,sharafteeda&
nafsadeeda si ey
noleeshada u maareyso,
waxaa ninkii kala noqdey
iney xaas u noqoto,dushana
ka saarey iney shaqeysato
xitaa hadii ey noqoto
xaas & hooyo.
Waxaa loo dhiigmiirtey si
foolxun ayadoo shaqeyneysey
saacado dhadheer lana
siinayey mushaarka ninka
barki, si dadbana loo dareen
siiyey iney ahaato mid
ad_adag oo bir ah,markii ey
soconeysana sidii mid qabta
boorane oo kale u duusho, ku
xanuunsata xishoodka,aan loo
diyaarin afo & hooyanimo
midna,ahana waqaf rageed.
Waxaa khasab aheyd ineysan
akhlaaq wanaagsan ku
sumtaneyn,sababtoo ah waa
dhabaha kaliya ey ku gaari
kartey xasilinta
maciishadeeda, akhlaaqda
wanaagsanuna waa dabar ka
hortaagan gaarista howshaas.
Madax shaqooyinkuna qudhoodu
ma dooneyn oo kaliya
shaqaale wax un soo
saaree,ee waxaa un fursada
la siin jirey midii
akhlaaqdeeda hoos u dhigta
oo ayaga isku
dhiibta,taasina waxey aheyd
mid aaney dhinacna uga bixi
Karin.
Waxey bixisey
nafteeda, sharafteeda,&
naagnimadeeda,ayadoo
waliba u dheer tahey
dhidid & boohin aan
cidi ka neefineyn,waxeyna
waydey baahideedii dabiicaga
aheyd ee
xaas & ubad. sidaas
ayey aheyd taariikhda
haweenka reer galbeedku mid
hore &tan la joogo,ilaa la
soo gaarey kacdoonkoodii ey
xaqooda maqan ku soo
dhacsanayeen.
Waxaa soo korortey caadooyin
aan hore loo aqoon oo ah
hooyooyin kali nool “single
mather” hayana ubad aan aabe
laheyn,midkii 16_18
gaaraanaa suuqiisa hore usii
gala.
Waxaa haweenkii galbeedka ku
dhacey kala go’dahsoon,kala
go’aas oo ah iney ka go’an
tahey diintii/raximkeedii/&
waliba oorinimadeedii. waxaa
sharafkeedii ku soo koobmey
in hadii xabad nac_ nac ah
iidheh loo sameynayo ayadoo
qaawan lagu soo
sawiro,dabarkiina goosatey,
markii ey duqowdana xeryaha
waayeelka lagu
tuuro.islaamku xeradaas
jahliga ah waa hore ayuu ka
guurey,
Waxa kaliya oo ey
yaqiinsatey waxay aheyd in
ninku doonayo
wada_noolaansho, ayadoo ah
dhibanaha ficilkaas ayey
ayaduna la timid sharuudo
aan ka sharyareyn kii ninka.
Waxey tiri waa in ninka aan
wada noolaaneyno noqda nin
sax ah,
Caqligu meeshiisa ha joogee
waa inuu murqo kuus_kuusan
yahey,waa inuu yahey nin
casriga la socda,si hal
haleel ahna u qabta
shaqooyinka jikada.waa
ineysan doodba ka taagneyn
xornimadeeda dookha &
fikirka, xirankaraana wixii
aan doono, lana soo caweyn
kartaa ikhyaarta kale xitaa
asagoo soo yuurara, “change
of appetite”.
Waa halkaas meesha haweenka
soomaalidu markii ey
yimaadeen dibada kala
qabsadeen, haweenkeenu uma
ukala soocneyn waxey
qaadaneyso & waxey ka
tageyso, kaliya waxaa
u sawiran odagii qeylyey
labada cirgaduud, oo casar &
cishaba canannta maciin bidi
jirey,ismana weydiin sababka.
laakiin odagey somaaliyeed
laga soo bilaabo
macalinkiisii dugsi quraanka
ilaa saakey oo shaqaala
yahey waa mid ahaa
dhibane,yaradisii la
garaacayey,markii uu
wenaadey shaqana tagey
magaciisii meel looga
dhacey,hadii mushaar ku
filan helo qumanaan laheyde
waa mid ku wareegayay
silsillada faqriga & cadli
xumada, xaqiisiisana marti
uga noqdey qaaruumo kale.
xaajigaas xeyraanka ah oo
iska kadeedan, sita dhar
qoraxdii cadeysey oo aan
xitaa laheyn awood uu ku
gato aratir cusub,ayaa
doonaya magacisii kaga lumey
dibada inuu guriga ka
muujiyo,arintaas waa arin
cuskan cadli xumada
ijtimaaciga ah ee jirtey. oo
u baahan maqaal kale.
Markaasey haweenkii
soomaaliyeed ragii bac madow
dhabarka u saareen, kala
dileen ilmahii &
odeygii,yiraahdeen waa mid
aan casriga la socon, fardo
fuulkana aan xariif ku ahey,
kolkaasay haadii ka
dharagtey,ragiina kun xanuun
oo kala jaad ah ku dhacey.
xurmada dumarka
Hadii
la raaco wadadii nabiga (csw),nabigu
haweenka waa jeclaa,laman
hayo rasuulka oo haweekiisa
ku qeylyaye dilidba
meesheeda ha joogtee,waana
la tashan jirey, wuxuu ka
dhigey in raga ninka ugu
kheyrka badan yahey ninka
ehalkiisa markii uu la joogo
ugu kheyrka roon,mana aha
ikhyaar ayuu yiri nabigu
raga haweenka garaaca.
mar la weydiiyey kan ugu
xaqnida badan macaamilka
wuxuu yiri sadex goor oo
xariir ah hooyada markii
afraad ayaa aabaha la
sheegey 75%. wuxuu yiri
malagu jibriil alaha
cadaabka allaha ku fogeeyo
ninkii soo gaarey labada
waalid amase mid dartoodna
aan jano ku galin nabiguna
aamiin ayuu yiri.
Miyaaney kuu hilaacin
xurmadaas & sharaftaas
qirada weyn oo aaney buuruhu
xanbaari oo uu islaamka
siiyey hooyada,waliba anigu
sooma wada sajilin wixii
alle & rasuul ka yiraahdeen,
sababtoo ah maqaalkoo
dheeranaya & asagoo madaxa
la galaya xaquuqda waalidka.
xaquuqda dumarka ee guurka.
waxey isku waafaqsan yihiin
culimadu inay gabadhu
leedahey go’aanka guurkeeda
hadii soomaliya aad ku arki
jirtey gabar geel laga
qaatey, markii ninkii ey
diideyna loo xirxirey,taasi
waa dhaqan dugaageed aan
diinka cuskaneyn.waxaana u
daliil ah.
Gabar yar ayaa nabiga u
timid waxeyna tiri:rasuulkii
illaahow,aabahey waxuu ii
guuriyey ina aderkey..ayadii
ayuu nabigu talada u
dhiibey(aqbal & diidis)waxay
tiri: waan ogolaadey wixii
aabahey sameeyey,laakiin
waxaan doonayey inaan
dumarka baro inaan odoyaashu
talada guurkooda waxba aaney
ku laheyn. “ibnu maajah”
Wuxuu yiri nabigeenu(csw).
·
Lama nikaaxin karo garoobka
ilaa laga showro,lamina
nikaaxin karo gabadha ilaa
laga idin qaato. “bukhaari.”
·
Hadii ninku doono inuu
gabadhiisa nikaaxo ha ka
idin qaato. Waryey:”abuu
yaclaa”.
·
Gabar ayaa nabiga u timid,
una sheegtey in aabaheed nin
ku mehriyey ayadoo
diidan,nabigina waa khiyaar
galiyey. Abuu daa’uud”
·
Nin ayaa gabadhiisii
mehriyey asagoon ka idin
qaadan,markaasey nabiga u
timid,nabiguna waa kala
saarey.
·
Nin ayaa gabadhiisii mehryey
asagoon idin ayadoo
dhibsaneysa, kadib nabiga
ayey u timid nikaaxii ayuu
ku celiyey.