HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  News,  Saturday,  June 25,  2005


Ururka Horumarinta waxbarashada Gobolka Gedo (Gedo Education Development Organization) oo marka lasoo gaabiyo ah G.E.D.O. ayaa ku guuleystay furitaanka iyo dhaqan gelinta marshruucii hore ee waxbarashada Degmada Luuq oo la furay December 25, 2004

A/C,


Bismilahi,

Ugu horeyntii, Ilaah baa cise iyo mahad dhamaanteed iska leh, Nabi geena suubanaa ee Maxamedna nabad gelyo iyo naxariis korkiisa alaha ka yeelo.  Intaa kaddib, walaaleyaal, sida aad in badan oo idinka mid ah ka warqabtaanba, Ururka G.E.D.O. (ayaa waxaa la aas-aasay) taariikhdu markii ay aheyd December 25, 2004.  Markii la aas-aasayay Ururkaas waxbarasho, ma jirin wax barasho la sheegi karay oo ka jirtay Degmada Luuq xiligaas oo aanan ka aheyn Iskuul yar oo isagu ahaa mid aanay sidaas tirada ardaydii dhigan jirtay iyo tayadiisaba sidaas u sii weyneyn oo waliba ahaa mid ay lahaayeen dad rayid ah (private school.)

Dhanka kalena, Iskuuladii hore ee ay dowladdu laheyd ee ku yiilay degmada Luuq ayaa isugu jiray (kuwo bur-buray iyo kuwo ay dad rayid ah ku jireen) oo ay adkeyd in si fudud looga saaro.  Haddaba, si kasta oo ay arrintu u adkeydba, Ilaah baa mahad iska lehe waxaa u suurta gashay Ururka G.E.D.O., maamulka Degmada Luuq, iyo qaar ka tirsan bulshada Soomaaliyeed oo iyagu is xilqaamay in ay ku dhiiradaan in ay Degmada Luuq ka furaan Dugsiga Hoose Dhexe ka furaan. 

Waxaan halkaan uga mahad celineynaa cid kasta oo gacan ka geysatay furitaanka iyo taaba-gelinta Iskuulkaas oo ay maanta dhigtaan arday ku dhow-dhow 500 oo isugu jira wiilal iyo gabdhabo, kuwaas oo sida aad qaar masawiradooda ka mid ah halkaan ku arki doontaan ah wax lagu farxo. 

Ugu danbeyntii,
Si aad u aragtaan is bar-bardhigga masawiradii laga soo qaaday Iskuulada Degmada Luuq inta aanan la furin Dugsiga H/Dhexe ee Degmada Luuq iyo kuwii laga soo qaaday 6 bilood kaddib markii Iskuulkaas la furay waa kuwaan hoose ee nala eega:-              

 

MAAMULAHA DUGSIGA HOOSE DHEXE EE DEGMADA LUUQ MR. CABDULAHI MAXAMED XASAN
   



  





 


 

              
 

SHALAY

 

                                           MAANTA














 




 

 


 

 


 



 


 







 





 

 









 





 








 


QAAR KA MID AH MACALIMIINTA DUGSIGA H/DHEXE EE DEGMADA LUUQ





 

 



 








 

Cid alaale iyo cidii dooneysa in ay ka qeyb qaadato mashruucaan waxbarashada ee Ururka GEDO ee wajigiisa koowaad uu ka howl galay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo waxay lasoo xariiri kartaa Guddoomiyaha Ururka Mr. Axmed Farah Abdulahi oo ay cinwaanada lagala soo xariiri karo yihiin sidaan hoos ku qoran:
 

 

Ahmed Farah Abdulahi
farah04@email.franklin.edu
ahmedfarah69@yahoo.com
Tel. (614)313-4630 (Cell)

 


allgedo@allgedo.com


 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com