|
Allgedo!
Sports, Saturday, May 14, 2005 |
Yuusuf Indhacade ma Booliska Dalka Soomaaliya mise waa Qabqable
soo caan baxa haya?
Waa yahaan dambe dalka Somaliya waxaa ku soo badanaya Magacyada Dadka
Qabqablayaasha ah oo iyagu ku soo caan baxa hadba inta ay legtahay
Gadiidka teknikada ah ee uu u taliyo ama uu uga taliyo goob u gaar
ah, halkaas oo uu isagu yahay kan wax laga weydiiyo haddey tahay
degmo ama gobol , hadaba ninka aan hor ku soo sheegay magaciisa ayaa
ah mid baryahaan Dambe aad ugu dhex muuqda Wararka dalka iyo wesit
yada warbaahinta ee Soomaaliya , isaga oo ka soo Jeeedinaya hadallo aad
u kul kulul ee ku saabsan Arrimaha Dawladda iyo Waliba Xaaladda
Siyaasadda Dalka , isagoo Indhacade Ka taliyo ama Gacanta ku haysto
Gobolka ugu khayraadka Badan dalka oo ah Gobolka Sh/Hoose iyagoo halkaas
ka talinayey muddo dheer , ninkaas oo aan ka qayb gelin shirkii lagu
soo dhisay Dawladda FKMG ee Soomaaliya.
Isla markaasna aan ka helin wax mansab ah
Qabqablayaashii ku bahoobay ,isbahaysiga la magac baxay Golaha samata
bixinta Qaranka ee lagu dhisay Degmada BALCAD Sanadii 2003, ninkaas
oo ciidankiisa lagu eedeeyey in ay ka qayb galeen Dagaalkii kal hore ka
dhacay deegaano ka tirsan Gobolka J/hoose , gaalkaas oo dhexmaray
Isbahaysiga D/Jubba iyo Ciidan uu Watay General Moorgan , ayada oo
Moorgan uu ninkaas (Indhacade) ku eedeeyey inuu Ciidankiisu lug ku lahaa
dagaalkii looga adkaaday Jabhadiisii , ayada oo indhacade uu la soo
saftay Dhanka Isbahaysiga D/Jubba uuna si buxda uga qayb galay
Dagaalkaas.
Isaga oo Indhacade uu si cad u beeniyey hadalka ka
soo yeeray ama eedeynta uu u soo jeediyey General Moorgan, isagoo
sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn arrintaas balse ay warar kale
sheegayaan inuu ciidankiisu ku jiray Dagaalkaas maadaama ay isbahaysiga
la leeyihiin Iskaashi xagga gacan isasinta Haddi midkood uu dagaal
qabsado oo lagu soo duulo dhulka ay ka taliyaan.
Sidoo kale markii ay dhawaan ay ku dagaalameen
Magaaladda Baydhabo labada Garab maleysiyo ee kala ah Garabka
SHAATI-GADUUD iyo Garabka XAABSADE ee labaduba ka wada tirsan RRA da ,
ayaa waxaa lagu eedeeyey inchacade inuu ka qayb galay Dagaalkaas oo uu
Garabka XAABSADE gacan ku siiyey sidii uu u qabsan lahaa Magaaladda
Baydhabo , isaga oo Xaabsade diidan inay Dawladdu soo dagto Magaaladda
Baydhabo, balse uu beeneeyey INDHACADE inuu dagaal kaas ka qayb galay ,
isaga oo sheegay inuu u yimi Baydhabo arrimo nabadeyneed.
Si kastaba ha ahaatee waxaa mar labaad hadda soo
shaac baxaya ama la soo sheegayaa in ciidan wata ilaa iyo 30 tekniko ah
ay ku soo fooleeyihiin Magaaladda Baydhabo, ciidamaadaas oo ka soo
kala kici timay Fariisinadoodii oo ku kala yaal labada Gobol ee kala ah
Gobolka /sh/Hoose iyo Goobolka J/hoose waa sida wararka lagu helayee
ayna hadda ku sugan yihiin Tuuladda BUULO FUULAY ee u dhaw degmada
DIINSOOR ee Goboilka Bay ka tirsan.
Ciidamadaas oo la sheegayo in ay ka qayb qaadan
doonan Difaaca Baydhabo haddii ay soo weeraraan Ciidamada
Itoobiyaanka ah iyo kuwa la socda ee U Shaqeeya Itoobiya ee hadda ku
sugan Degmada Waajid waa sida uu Indhacade hadal uu u sheegaye.
Waxaa jirtay in xaabsade uu qaylo dhaan u jeediyey
ama u dirsaday Ragga ay isku bahda yihiin ee ay ku wada jiraan Golaha
la magac baxay Golaha Badbaadada Qaranka oo ay ka midka yihiin inta
badan qabqablkayaasha hadda noqday Xidhibaano iyo Wasiirada ee DFKMG
ee Soomaliya, si ay gacan uga siiyaan Dagaalka uu ka baqayo in uu
dhawaan ka qarxo degmada Baydhabo oo uu isagu hadda ka taliyo.
Waxaa kusid mudan in gobolka shabeelaha Hoose uu ka
mid yahay Gobolada aysan soo Booqon dhawaan markii ay soo Kormaarayeen
Madaxda ka tirsan Labada gole ee Baarlamaanka iyo Dawladdaba, isaga oo
Indhacade caddeyey inuu san wax xiriir ah la lahayn Dawladda lagu soo
dhisay Nayroobi Madaxdeeda sarsare , isla markaasna uusan la sameynin
wax wada hadal ah isaga oo sheegay inuusan aqoon saneyn go'aankii
11/5/05 ee ka soo baxay Nayroobi shirkii ay ku qabteen qaar ka tirsan
Baalamaanka Ku meel qaarka ah ee Soomaaliya.
Moxamed Shiikh Moxamuud
Garyare LONDON UK
Fariinta uu wato maqaalka sare waxuu u gaar
yahay qoraha uu magaciisa kor ku xusan yahay.
allgedo@allgedo.com
|