|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Monday, May 2, 2005 |
Astaamaha
Hoggaamiyaha wanaagsan...!!!
Culimada ku xeelka
dheer Cilmi-nafsiga bulshada aadamiga ah, waxay xaqiijiyeen oo
farta ku wada fiiqeen ;" Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta ay
ku leedahay dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan".
Waxay Culimmadu caddeeyeen ; Inuu Hoggaamiyuhu saldhig u yahay ;
isku-duubnida iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hoggaaminayo,
degganaanshaheeda, gaaridda ujeeddooyinkeeda, ku-dhaqanka
Aydiyaloojiyadeeda iyo gudashada hawlaheedaba.
Hawlaha hor-yaal
ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyuhu, waxay ku xiran tahay ;
hadba nooca bulshada ee uu hoggaankeeda hayo iyo waddada
siyaasadeed ee ay ku taagan tahay. Hoggaamiyayaasha kala
geddisan ee bulshooyinka dimuqraadiga ah, tan
Diktatuuriyadda(kali-talis) iyo kuwa ku sugan qaababka
jaha-wareerka, qaska iyo kala-dambayn la'aanta, way kala duduwan
yihiin, maxaa yeelay ; isku nidaam, hab iyo xeer midna ma aha
saddexdoodu.
Marka la isku soo
cel-celiyo, hawlaha uu hoggaamiyuhu qabto, waxaa lagu tilmaamaa
inay isugu jiraan ; dejin siyaasad,, qorshayn, maamul,
khabiirnimo, ciqaabid iyo abaal-marin, garsoorid, hawlwadeennimo
gudaha ah, masalaadda dibadaha, tusaalayn, aabbanimo iwm. (Fiiri
buugga Cilmi-nafsiga bulshada bogga 203 ee 1977 ee
Dr.Mus-dhafa Fahmi).
Culimmadu waxay tilmaameen, inay cilmi-ahaan adag tahay; in la
xaddido astaamaha la rabo inuu hoggaamiyuhu yeesho guud-ahaanba,
waxaase cilmi-ahaan la xaqiijiyay ; inuusan hoggaan bulsho
aadami ahi qaban karin, ruuxa leh Sifooyinka soo socda:- (a)
Ruuxa shakiga badan ee aan isku kalsoonayn. (b) Ruuxa aan
bulshayga ahayn, goonni-u-socdka ah (gaar-daaq), dad la
dhaqankana ahayn. (c) Ruuxa garashadiisu kooban tahay (Maan-gaab).
Dadka astaamaha noocaas ah leh, hadday qabtaan xil hoggaamin
bulsho, way ku guul-darraysanayaan oo kama mira-dhalin karaan.
Waxaa kaloo
hoggaaminta bulshada hadduu qabto, isaguna ku fashilmaya; ruuxa
leh astaamaha wanaagsan ee hoggaaminta bulshada, sida;
geesinnimada, deeqsinimada, go'aan-qaadashada, degganaanshaha,
garsooridda iwm. hase yeeshee, ay ka maqan tahay hawl-karnimada,
waaya-araggana aan ahayn, waana sida loo yiraahdo;"
Waaya-aragnimo la'aaney ba'.." ama deegaannada qaarkood looga
yiraahdo;" Af waa kan, maay liki aamee...".
Waxaa la arkay ;
rag shahaaddooyin sar-sare wata, aqoon iyo akhlaaq aanay ku
yarayn, magac iyo muuqaal weyn leh, hase yeeshee, aan dunna isku
xiri karin, ama xarig kala-goyn karin, xafiisyadoodu ay haraysay
fadhiidnimo hawleed iyo guryan dadweyne, tallaabo kastoo ay
qaadaanna laga sheeganayo oo aanay hawlahoodu tifaftirnayn.
Marka aynu hoos u eegno sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee
lagu garto Hoggaamiyaha toolmoon, ma fududa xaddididdoodu, maxaa
yeelay, waxay badanaa ku xiran tahay; Mawqifyada hadba soo
wajaha hoggaamiyaha, waaqaca aan laga gudbi karin ee hor-yaal
iyo deegaan-bulshadeedka ku xeeran, waana sida ay Murtida
Soomaaliyeed u tiraahdo;" Haddii uu nin geesi ahi, raggu geeda/geeso
dheer yahay(geed-adayg yahay), haddaan garabka lala qaban guri
oodi maayo.."(H.Gufaaco).
Haddaynu Soomaali
nahay, marka aynu qiimaynayno hoggaamiyayaashii dalka soo maray
iyo kuwa hadda jira, aynu ku cabbirno astaamaha cilmiyeed ee
hoggaamiyaha wanaagsan iyo waaqicii hor-yaallay mid kasta iyo
xukunkiisa, ee yaynaan ku salayn qiimaynta "Caadifad qabiil,
kaygaa ii fiican iyo kan i xigaan u xaglinayaa".
Hoggaamiye kasta
oo yimaada, astaamihii wanaagsanaa ee hoggaamintana leh,
hadduusan taageero ka helin dadka iyo dawladda uu hoggaanka u
hayo, waaqaca yaallana aannu u hiillin, hal tallaabo horay uma
qaadi karayo, xilkiisana si quman uma gudan karo, xataa haddii
uu dibadaha maciinsado, sida ay taariikhdu sheegayso.
Si kastoo ay
arrimuhu yihiinba, waa inuu hoggaamiyaha muslimka ahi lahaado
astaamaha iyo sifooyinka hoos ku qoran ee ay culimmadu sheegeen:-
(1) Waa inuu Allihiisa weyn ka baqayo, niyad u hayo, daacad iyo
diyaar u yahay xilka hoggaaminta bulshada, waddanina yahay.(2)
Waa inuu jir iyo maskax-ahaanba bad qabo, si uu karti ugu yeesho
xil-gudashadiisa.(3) Waa inuu Shakhsiyad, muuqaal iyo akhlaaq
wanaagsan leeyahay. (4) Waa inuu dadka qancin karo, ra'yigiisana
si fiican u cabbiri karo, si dhiirranna hadalka u karo, go'aan
qaadashana leeyahay. (5) Waa inuu doonayo inuu dalka iyo dadkaba
u adeego, waxna u qabto, dul-qaad iyo geesinimana muujiyo. (6)
Waa inuu ka dhisan yahay dhinacyada; aqoonta guud, in ku filanna
ka yaqaan cilmiga bulshada, diinta, siyaasadda, ugu yaraanna hal
luqo(af) oo caalami ah si fiican wax ugu cabbiri karo, si uu
adduunka kale ula macaamilo. (7) Waa inuu leeyahay hal-abuur
,kana dabbaalan karo caqabadaha, maarayntiisuna maan-gal tahay.
(8) Waa inuu leeyahay aragti dheer, wax sii saadaalin karo,
dibin-daabyadana dareemi karo. (9) Waa in uu dadka kale iskaashi
la samaynayo, qaddarinayo ra'yigooda, isla-weynina ayan ku jirin.
(10) Waa inuu si caqli iyo miyir ah wax ku xallin karo,
caadifadahana iska xakamyn karo. (11) Waa inuu joogto u
horumarin karo xiriirka uu dadka kale, gudaha iyo dibadaha la
leeyahay. (12) Waa inuu bisayl iyo waaya-aragnimo xambaarsan
yahay.
Haddii astaamahan
badankood laga helo hoggaamiyaha, waayuhuna saacido, dadweynaha
iyo xubnaha dawladduna garab-galaan, waxay u badan tahay, inay
arrintu noqon karto;" Rag baa ka taliyay, Rabbina waa aqbalay.."
Soomaali ahaan,
aynu arrimaha murugsan ee hoggaaminta dalka iyo dadka waddadaas
marinno, si ay wax noogu hagaagaan. Aynu ka leexanno habka
doorashada hoggaamiyayaasha dalka ee ku dhisan qabiilka,
quursiga, qoriga iyo yaa qaylo iyo quwad badan. Aynu u damqanno
dalka iyo dadka, allana ka baqno.

" Fadhi iima yaal....!!"
Habeen habeennada ka mid ah, baannu casho u wada fadhinnay aniga
iyo qaar caruurtayda ka mid ah, oo dugsiga sare dhammaynaya
dhowaan. Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, oo aan
dhegaha u raaricinayay, baa waxaa soo galay barnaamijka Fanka
iyo Suugaanta Soomaaliyeed, kaas oo habeenkaas looga hadlayay ;
"Maahmaahaha Soomaaliyeed".
Markii uu barnaamijkii dhammaaday, baan caruurtaydii 20-jirrada
ahaa ku iri;" Yaa ii sheegi kara maahmaah Soomaaliyeed..?. Mid
iyagii ka mid ah , baa su'aashaydii intuu weydiin kale ka
hor-keenay igu yiri;" Waa maxay maahmaah ..?!!", isagoo Afka
Carabiga igula hadlaya. Waxaan bilaabay inaan micnaha "maahmaah"
ku sheego Afka Carabiga ah, tusaalooyinna ka bixiyo;
Af-Soomaaligeennii ayaan meel iska dhignay oo iska- la baxnay.
!!
Madaxa ayay ruxruxeen caruurtii, oo aad bay ugu adkaatay in ay
ii sheegaan "Maahmaah Soomaaliyeed", hase yeeshee, waxay ii
sheegeen ; inay aad u yaqaannaan kuwa carbeed oo tira-badan,
waana gartoodoo, iyagoo aad u da'-yar bay dhul-carbeed soo
galeen, u soo qaxeen, deegaamaysteen, indhaha ku soo kala
qaadeen, waxbarashadii dugsiyada ka bilaabeen, welina ku
guda-jiraan.
Waxay durbadiiba, si darandoorri ah iigu sheegeen; Maahmaaho,
Hal-qabsiyo iyo Murti kaloo carbeed, iyagoo weliba ii sharraxaya;
xaaladaha iyo munaasabadaha loo adeegsado. Waxay ii raaciyeen
murtida qaarkeed; sida ay bilowgii horaba ku dhalatay.
Arrimahaas, dugsiyadaa loogu dhigay, qaarna deegaan-bulshadeedka
carbeed ee ku xeeran bay ka kasbadeen.
Murtida carbeed ee ay igu dul-aqriyeen caruurtu, qaarkeed,
reer-Yaman bay u gaar tahay, iyadoo ay qaarna, kuba sii dhisnayd
; lahjadda loo yaqaan ;"Sancaani" ee u goonnida ah reer Sanca.
Magaalada Sanca, si gaar ah bay taariikh-yahannadu u tixgeliyaan,
oo fiira gaar ah bay siiyaan culimada baarta raadadkii hore,
maxaa yeelay -sidaan buugaagta taariikhda ku aragnay- waxaa magaalada
Sanca asaaskeedii hore lahaa; wiilkii Nebi-Nuux ee la dhihi
jiray;" Saam binu-Nuux", magacyadii hore ee magaaladana waxaa ka
mid ahaa ;"Aazaal iyo Saam". Micnaha waxaa mar Sanca loo yiqiin
;"Magaaladii Saam", oo loogu nisbaynayo "Saam binu-Nuux", waana
magaaladii ugu horraysay ee aasaasanta ka-dib ;Duufaankii lagu
halligay Qowmkii Nuux(Calayhi-salaam).
Sidaas darteed, wixii Sanca loo nisbeeyo, waxaa loo tirinayaa "asalnimo
iyo fac-weyne", waana sababta ay Dalxiisayaasha iyo
Taariikh-yahannadu booqashooyinka joogtada ah ugu yimaadaan
Sanca, una daawadaan oo wax uga qoraan "raadadka Sancadii hore".
Markii uu yaabkii i hareeyay oo igu baahay, caruurtaydiina ii
sheegi kari waayeen "Maahmaah Soomaaliyeed", kuwa carbeedna ay
si xariifnimo ah, isaga daba-geeyeen, baan niyad-ahaan
yaqiinasaday ; inuusan fadhi ii oollin, oo ay hawli i sugayso.
Waxaana hoos isu-iri;" Fadhi iima yaal...!!", mar haddii
ubadkaygii xaaladdooda afka iyo murtidii Soomaaliyeed sidan
yahay, waana in aan taas wax ka qabtaa oo aanan iska fadhiyin.
"Fadhi
iima yaal", inta badan haweenkaa laga maqlaa, oo marka ay
arkaan;hawl badan oo u taalla, yiraahda ;" Fadhi iima yaal,
Faaduma-rasuule..!!", marka ay maqlaan mid la furayna, waxay
yiraahdaan;" Naag la furay fadhi uma yaal, kii furayna, falkiis
ku-noqoy".
Maanta, wuxuusan fadhi u oollin, Madaxweynaha, Barlamaanka iyo
Xukuumadda Soomaaliyeed. Wuxuusan fadhi u oollin,
Culamaa-u-diinka, Aqoon-yahanka, Soomaalida dibadaha qaxootiga
ku ah, kuwa dalka gudihiis ku dac-darraysan iyo ruux kasta oo
Soomaali ah oo wax-garanaya. Kulligeen fadhi nooma yaal, haddii
la eego, la fiiriyo, la dhugto ama la deymoodo xaaladda guud ee
dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee maanta, waxayna u muuqataa;"
Cidna uma maqna, ceelna uma qodna".
Waxaa i hor-yimid Ubadka Soomaaliyeed ee ku dhashay, ku ababay,
ku barbaaray, waxna ku bartay dugsiyada dalalka shisheeyaha ee
Yurub, Kanada, Maraykan, Afrika iyo meelo kaleba. Waxaan is-weydiiyay;"
Waa sidee xaaladdoodu kuwaasi ?!!. Afkii, Murtidii, Dhaqankii
iyo Suugaantii Soomaaliyeedse, xaggee bay kala marayaan ?!!.
Ma-xuma, balse, wey wanaagsan tahay ; in la barto luqadaha iyo
murtida shisheeyaha, dhaqankoodana laga qaato inta wanaagsan,
sida; Ingiriiska, faransiiska,Jarmalka, xataa Sawaaxiliga iyo
Xabashiga. Luqadda Carabiga, iyadu way ka sii mudan tahay
kuwaasi, waayo ,waxaa nagu xiraya; diin, dhaqan iyo
taariikh-islaami ah iyo weliba arrimo kale; Cibaadaysiga
qaarkiis ayaa luqadda Carabiga ku dhisan, sida; Salaadda, Xajka,
Quraanka..,iwm, hase yeeshee, dhammaan luqadaha kale, waxaa ka
sii horreeya, oo loo baahan yahay inay ubadka Soomaaliyeed
bartaan; Afkooda hooyo iyo murtidiisa, taariikhda iyo
joqoraafika Somaaliyeed..iwm.waayo, waxay salka ku hayaan,
dhalashadii,asalkii, deegaankii iyo dadkii Soomaaliyeed.
Kalmadda ugu horraysa oo ay ilmuhu bartaanna; waa afkooda hooyo
iyo ogaanshaha xigtadooda. Ruuxa Soomaaliga ahi, inuu dal
shisheeye ku dhinto ma jecla, hadduu ku dhintana, wuxuu rabi
lahaa; in maydkiisa la geeyo oo lagu duugo(aaso) "Soomaaliya".
Haddaba, dadka Soomaaliyeed ee ay ubadku u joogaan dalalka
qalaad, ha ogaadeen; inuusan fadhi u oollin. Intii aynu ku sii
jeednay Arrimaha Siyaasadda, jahawareerka guud ee taagan iyo
reer- hebel iska riixa, ayaa dhinacyo kale la innaga soo galay,
mana fududa ka-gudubka cawaaqib-xumidoodu. Waxaa dhici doonta;
dad asal-ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, laakin, kala wata;
dhalashada, luqadaha iyo dhaqannada; Maraykan,Kanada, Ingiriis,
Finland, Austaralia, Xabashi, Kenya, Carab iyo xataa dalal kaloo
aan hadda xisaabta noogu jirin. kuwaaas ayaa maalin ay ahaataba,
dalka isugu wada imaan doona. Waxaa suurowda in loo baahdo
turjumaan luqado badan wada yaqaanna, si uu isu af-garadsiiyo
dadkaas Soomaaliyeed. Kariwaanimada kala qaybsanaanta
siyaasadeed iyo tan danaysi ee maanta taagan, ayaa la dhihi
karaa; iyadaa umushay oo sababtay kala qaybsanaanta dambe ee Af,
Murti iyo Dhaqan ee soo wajahan, waxaana loo baahan yahay ; in
laga sii hor-tago inta ay wax-ka-qabasho leedahay.
Haddaba, markaan arkay masiirka afka iSoomaaliyeed iyo
murtidiisa, ayay ii caddaatay in uusan fadhi ii oollin, sida
uusan fadhi ugu oollin,kuwa ila midka ah. Waxaan bilaabay ,taag
iyo tabar meel ay i dhigaanba; in aan ubadkayga daba-qabto, oo
waxbarashada dugsiyada ee ay ku jiraan, ugu lifaaqo barashada
murtida iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaan u bilaabay ururin
maahmaaho iyo murti kale oo Soomaaliyeed, oo aan qormadan ku soo
gabagabaynayo, tusaale yar oo ka mid ah;- (1) Baryo badan iyo
Bugto badan waa laysku nacaa..(2) Bannaankiisa mare maradiisa
geed ma qabsado..(3) Bakhayl xoolihiisa Beenlow baa iska leh..(4)
Balaayo madax la qabto ayay leedahay, ee majo la qabto ma leh..(5)
Balaayo inta ay gurigaaga ka maqan tahay, guriga walaalkaa bay
ku maqan tahay.
WQ/ Muxyaddiin Maxamed Kaalmoy
-kalmoi@hotmail.com
Fariinta uu qoraalka sare wato
waxay u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay,
sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma lahan.
allgedo@allgedo.com
|
|