HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Friday,  May 6,  2005

Daqarro la isla dhaco miyaa Dimuqraadiyaddu...?!!

    
     Shacbiga oo isagu is-xukuma, ayaa lagu soo ururiyaa micnaha "Dimuqraadiyad". Haddii si kale loo dhigo ; Waa dadweynaha oo si nidaamsan uga qayb-gala xukunka dalkiisa, ilaalinta iyo karti-u-yeelashada xakamaynta awoodaha hay'adaha sare ee siyaasadeed.  Siyaabo kalena waa loo dhigi karaa, laakin dulucdu waa ; "Is-xukun dadweyne" oo ku dhisan rabitaankooda iyo is-cabburin la'aan, waxayna ka soo hor-jeeddaa Diktatuuriyadda(Sandullaynta).
    
     Bulshooyinka ay Dimuqraadiyaddu ka jirto, waxaa badanaa lagu gartaa ; tartanka xorta ah ee ka dhexeeya kooxaha iska soo hor-jeeda ee mucaaradka isku ah, Afkaartooda aayaha dalka iyo masiirka ummadda ku saabsan oo kala duwan awgeed.  Kooxahaas waxay xaq u leeyihiin si waafaqsan Dastuurka dalka inay u furtaan Xisbiyo Siyaasadeed oo xeerarkooda iyo ujeeddooyinkoodu uusan ka hor-imaanayn Dastuurka dalka.  Xisbiyadaasu waxay ku dhisan yihiin Aragtiyo hadba lagu naaxinayo, laguna hodminayo ; daraasado, falanqeyn, ka-baaraan-degid iyo doodo, iyadoo marka ugu dambaysa go'aan-gaaridda loo raacayo ra'yiga iyo soo jeedinta ina badan(Majority)

     Halkan waxaa ka muuqanaya xiriirka Dimuqraadiyadda iyo Xisbiyada kala duwan, oo markaas la dhihi karo ; Xisbiyo kala duwan la'aantood Dimuqraadiyad ma jirayso, waayo, xukunkii baa gacan keli ah ku soo ururaya, fikrad hal meel ka soo jeeddana ku soo koobmaya, taasoo Dimuqraadiyaddii ka dhigaysa Diktatuuriyad iyo ku-amar-ku-taaglayn, walow  ay jiraan culimo kale oo qaba ; In iyadoo uu  Xisbi kale ahi jiro, haddana, ay isaga gudihiis ka dhex-jiri karto, oo uu ku shaqayn karo Dimuqraadiyadda loo yaqaan " Dimuqraadiyadda Guddoonka Dhexe"(Dimocratic Centralism).
     Nidaamka  Dimuqraadiga ahi wuxuu leeyahay oo lagu yaqaan, astaamo saddex ah,  oo kala ah:- (1) Sinnaan loo wada siman yahay sharciga hortiisa.(2) Xuriyadda ra'yiga iyo hadal-soo-jeedinta, iyadoo ruuxna aan loo diidayn,lagu wax-yeelayn, laguna daqrayn cabiridda ra'yigiisa.(3) Inaysan saddexda awoodood ee Qaranka, ee kala ah; Awoodda Sharci-dejinta(Barlamaanka), Awoodda fulinta(Xukuumadda) iyo Awoodda Garsoorka(Maxkamadaha) aanay gacan keli ahi ku soo urureyn.
     Barlamaanku(Golaha Shacbigu), waa xubin muhim ah oo badanaa ku yimaada, u taaggan, kuna shaqeeya si Dimuqraadi ah, waana muraayadda ugu horraysa ee laga daalacdo, ku-dhaqankeeda, tusaalaynteedana bixiya, waayo, isagaa dejiya shuruucda, loogana fadhiyaa inuu ku-dhaqankeeda horseedo.
     Haddii Dimuqraadiyad ku-dhaqmid-la'aanteed Barlamaanku jidaysto ama dariiqii saxa ahaa ka leexiyo, ma jirayso meel kale oo laga sugayo, illayn isagaa shacbigoo dhan masalayee. Waayadan dunida su'aalo badan baa waxaa la iska waydiinayaa dimuqraadiyadda lafteeda, waayo, dawladihii sheeganayay ee waaweynaa baa waxay la yimaadeen dhaqanno siyaasadeed iyo falal la-yaab leh oo lagu macnayn karo, fikraddii qaldanayd ee ahayd; "Qaado Cilmigayga ee ficilkayga ha qaadan".
     Haddaba, barlamaanka Soomaaliyeed ee meel-ku-gaarka ahi, waqtigan kala-guurka ahina jira, waxaa fadhigiisii taariikhiga ahaa ee 17/3/2005 dunidu ku aragtay oo la yaabtay qaab hor-leh oo dimuqraadiyadeed, kaas oo daqarro la isla-dhacayo, iyadoo Mudanayaashu isu adeegsanayaan oo toos isula dhacayaan Bakoorado iyo Kuraastii fadhiga, halkaas oo dhiig la iska daadiyay. Inta la is-kalba-kalbeeyay, baa golihii dhexdiisa haddana la isku fur-furdeeyay(tuuryeeyay), iyadoo "waxba-yahay" laga soo qaaday hoggaankii iyo Shir-guddoonkii Golaha ee sharafta lahaa.
     Go'aan taariikhi ah buu Goluhu gaaray oo ahaa;" In Ciidammo dawladaha safka hore ka socda aanay ka mid noqon, kuwa nabad-ilaalinta u imanaya dalka". Waxayse ahayd; inuu garsooruhu noqdo "Santuuqa codka" ee uusan noqon "Bakoorad".
    Markii ay dadkii Soomaaliyeed iyo dadyowga kale ee dunidaba ogaadeen dhacdadan, dadyowgii dunida kale yaabkii ay awalba la yaabbanaayeen heshiis la'aanta Soomaalida uun bay halkoodii ka sii wateen "la-yaabkii".  Xagga Soomaalida, fekrado kala geddisan baa dhacdada laga kala dhiibtay. Fikradda hore waxay leedahay; "Xubnaha Barlamaanka barkood, waxay ahaayeen kuwii muddadii 14-ka sano ahayd , dagaalladu ka dhexeeyeen,, ciilka iyo carada weynna isu qabay"." Iyadoo aan dib loo heshiisiin, baa Gole Barlamaan iyo Gole Wasiirro la isugu geeyay, oo loo magacaabay, markaasna halkii uun bay ka sii wateen, gacan-ka-hadalkii hore dhaqanka ugu ahaa, ee wax kale ma aanay samayn".
     Waaya-arag kale oo Soomaaliyeed waxay qabaan;"In daqarro isla-dhacani noqon doono "i-qarso" oo arrimo ka sii fool-xumi dhici doonaan, haddaan runta la isu sheegin, oo aan si geesinnimo leh loo abbaarin xaqiiqada. Soomaalidu waxay tiraahdaa;"Hunnu-hunnu hadal maaha", deegaanno kalena waxaa laga yiraahdaa;"War la uunba-uunbeeyo waykac aa ka roon", Laashin shirbayna wuxuu yiri;" Buul salaaxow kuma baanto...". Taas haddii aanay dhicin, meesha waa lagu kala dareeri doonaa, ama kuwo danahoodii gaarka ahaa waayay baa nagu kala dareerin doona".
     Ha la ogaado; "Ruux ku dilay har kuuma jiido" ,"Nin naagtaada raba, gabadhaydaan kuu guurinayaa kaama maqlo","Nin ku siray wax kuu sheeg","Run iyo ilkaba waa la caddeeyaa".
     Waddaniyad, Wadajir iyo meel ka soo wada-jeed ha lagu wado arrimaha Waddanka. Ha la kaashado Waddaniyiinta, Wax-garadka iyo Waaya-aragga Siyaasadeed. Ha la qubo Qabyaaladda, is-quursiga, qola-qolaynta iyo is-qoor-qabadka shisheeye, qawlka qaadirkana ha la quweeyo...
             WQ:-Muxyaddiin M.Kaalmoy



Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma lahan. 




allgedo@allgedo.com

 
 
 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com