|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Friday, May 6, 2005 |
Daqarro la isla dhaco miyaa Dimuqraadiyaddu...?!!
Shacbiga oo isagu is-xukuma, ayaa lagu soo ururiyaa micnaha "Dimuqraadiyad".
Haddii si kale loo dhigo ; Waa dadweynaha oo si nidaamsan uga qayb-gala
xukunka dalkiisa, ilaalinta iyo karti-u-yeelashada xakamaynta
awoodaha hay'adaha sare ee siyaasadeed. Siyaabo kalena waa loo
dhigi karaa, laakin dulucdu waa ; "Is-xukun dadweyne" oo ku dhisan
rabitaankooda iyo is-cabburin la'aan, waxayna ka soo hor-jeeddaa
Diktatuuriyadda(Sandullaynta).
Bulshooyinka ay Dimuqraadiyaddu ka jirto, waxaa badanaa lagu
gartaa ; tartanka xorta ah ee ka dhexeeya kooxaha iska soo hor-jeeda
ee mucaaradka isku ah, Afkaartooda aayaha dalka iyo masiirka ummadda
ku saabsan oo kala duwan awgeed. Kooxahaas waxay xaq u leeyihiin si
waafaqsan Dastuurka dalka inay u furtaan Xisbiyo Siyaasadeed oo
xeerarkooda iyo ujeeddooyinkoodu uusan ka hor-imaanayn Dastuurka
dalka. Xisbiyadaasu waxay ku dhisan yihiin Aragtiyo hadba lagu
naaxinayo, laguna hodminayo ; daraasado, falanqeyn, ka-baaraan-degid
iyo doodo, iyadoo marka ugu dambaysa go'aan-gaaridda loo raacayo
ra'yiga iyo soo jeedinta ina badan(Majority)
Halkan waxaa ka muuqanaya xiriirka
Dimuqraadiyadda iyo Xisbiyada kala duwan, oo markaas la dhihi karo ;
Xisbiyo kala duwan la'aantood Dimuqraadiyad ma jirayso, waayo,
xukunkii baa gacan keli ah ku soo ururaya, fikrad hal meel ka soo
jeeddana ku soo koobmaya, taasoo Dimuqraadiyaddii ka dhigaysa
Diktatuuriyad iyo ku-amar-ku-taaglayn, walow ay jiraan culimo kale
oo qaba ; In iyadoo uu Xisbi kale ahi jiro, haddana, ay isaga
gudihiis ka dhex-jiri karto, oo uu ku shaqayn karo Dimuqraadiyadda
loo yaqaan " Dimuqraadiyadda Guddoonka Dhexe"(Dimocratic
Centralism).
Nidaamka Dimuqraadiga ahi wuxuu leeyahay oo
lagu yaqaan, astaamo saddex ah, oo kala ah:- (1) Sinnaan loo wada
siman yahay sharciga hortiisa.(2) Xuriyadda ra'yiga iyo
hadal-soo-jeedinta, iyadoo ruuxna aan loo diidayn,lagu wax-yeelayn,
laguna daqrayn cabiridda ra'yigiisa.(3) Inaysan saddexda awoodood ee
Qaranka, ee kala ah; Awoodda Sharci-dejinta(Barlamaanka), Awoodda
fulinta(Xukuumadda) iyo Awoodda Garsoorka(Maxkamadaha) aanay gacan
keli ahi ku soo urureyn.
Barlamaanku(Golaha Shacbigu), waa xubin muhim ah
oo badanaa ku yimaada, u taaggan, kuna shaqeeya si Dimuqraadi ah,
waana muraayadda ugu horraysa ee laga daalacdo, ku-dhaqankeeda,
tusaalaynteedana bixiya, waayo, isagaa dejiya shuruucda, loogana
fadhiyaa inuu ku-dhaqankeeda horseedo.
Haddii Dimuqraadiyad ku-dhaqmid-la'aanteed
Barlamaanku jidaysto ama dariiqii saxa ahaa ka leexiyo, ma jirayso
meel kale oo laga sugayo, illayn isagaa shacbigoo dhan masalayee.
Waayadan dunida su'aalo badan baa waxaa la iska waydiinayaa
dimuqraadiyadda lafteeda, waayo, dawladihii sheeganayay ee waaweynaa
baa waxay la yimaadeen dhaqanno siyaasadeed iyo falal la-yaab leh oo
lagu macnayn karo, fikraddii qaldanayd ee ahayd; "Qaado Cilmigayga
ee ficilkayga ha qaadan".
Haddaba, barlamaanka Soomaaliyeed ee
meel-ku-gaarka ahi, waqtigan kala-guurka ahina jira, waxaa
fadhigiisii taariikhiga ahaa ee 17/3/2005 dunidu ku aragtay oo la
yaabtay qaab hor-leh oo dimuqraadiyadeed, kaas oo daqarro la
isla-dhacayo, iyadoo Mudanayaashu isu adeegsanayaan oo toos isula
dhacayaan Bakoorado iyo Kuraastii fadhiga, halkaas oo dhiig la iska
daadiyay. Inta la is-kalba-kalbeeyay, baa golihii dhexdiisa haddana
la isku fur-furdeeyay(tuuryeeyay), iyadoo "waxba-yahay" laga soo
qaaday hoggaankii iyo Shir-guddoonkii Golaha ee sharafta lahaa.
Go'aan taariikhi ah buu Goluhu gaaray oo ahaa;"
In Ciidammo dawladaha safka hore ka socda aanay ka mid noqon, kuwa
nabad-ilaalinta u imanaya dalka". Waxayse ahayd; inuu garsooruhu
noqdo "Santuuqa codka" ee uusan noqon "Bakoorad".
Markii ay dadkii Soomaaliyeed iyo dadyowga kale
ee dunidaba ogaadeen dhacdadan, dadyowgii dunida kale yaabkii ay
awalba la yaabbanaayeen heshiis la'aanta Soomaalida uun bay
halkoodii ka sii wateen "la-yaabkii". Xagga Soomaalida, fekrado
kala geddisan baa dhacdada laga kala dhiibtay. Fikradda hore waxay
leedahay; "Xubnaha Barlamaanka barkood, waxay ahaayeen kuwii
muddadii 14-ka sano ahayd , dagaalladu ka dhexeeyeen,, ciilka iyo
carada weynna isu qabay"." Iyadoo aan dib loo heshiisiin, baa Gole
Barlamaan iyo Gole Wasiirro la isugu geeyay, oo loo magacaabay,
markaasna halkii uun bay ka sii wateen, gacan-ka-hadalkii hore
dhaqanka ugu ahaa, ee wax kale ma aanay samayn".
Waaya-arag kale oo Soomaaliyeed waxay qabaan;"In
daqarro isla-dhacani noqon doono "i-qarso" oo arrimo ka sii fool-xumi
dhici doonaan, haddaan runta la isu sheegin, oo aan si geesinnimo
leh loo abbaarin xaqiiqada. Soomaalidu waxay tiraahdaa;"Hunnu-hunnu
hadal maaha", deegaanno kalena waxaa laga yiraahdaa;"War la
uunba-uunbeeyo waykac aa ka roon", Laashin shirbayna wuxuu yiri;"
Buul salaaxow kuma baanto...". Taas haddii aanay dhicin, meesha waa
lagu kala dareeri doonaa, ama kuwo danahoodii gaarka ahaa waayay baa
nagu kala dareerin doona".
Ha la ogaado; "Ruux ku dilay har kuuma jiido" ,"Nin
naagtaada raba, gabadhaydaan kuu guurinayaa kaama maqlo","Nin ku
siray wax kuu sheeg","Run iyo ilkaba waa la caddeeyaa".
Waddaniyad, Wadajir iyo meel ka soo wada-jeed ha
lagu wado arrimaha Waddanka. Ha la kaashado Waddaniyiinta, Wax-garadka
iyo Waaya-aragga Siyaasadeed. Ha la qubo Qabyaaladda, is-quursiga,
qola-qolaynta iyo is-qoor-qabadka shisheeye, qawlka qaadirkana ha la
quweeyo...
WQ:-Muxyaddiin M.Kaalmoy
Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u
gaar yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeedna
allgedo wax shaqo ah kuma lahan.
allgedo@allgedo.com
|
|