|
Allgedo!
News, Thursday, April 28, 2005 |
Gabar soomaalida u gaalowdey!
Ereyga
”gaal” macnihiisu waa ”geel”, waxaana jira qabiil Afrikaan ah oo ay
malaha soomaalida diriri jireen muddooyin hore, kuwaas oo laga yaabo in
ay geel badan lahaayeen, isla markaasna aan muslimiin ahayn.
Magaca qabiilkaas waxaa la yiraahdaa ”Gaalle”, oo la mid ah ”Geelle”,
waxaana markii danbe magacii lala wadaajiyey qof kasta oo aan muslim
ahayn.
Carabiga waxaa macnaha ”gaal” malaha u dhigma ”kaafir”, oo uu asalkiisii
ahaa qofkii beer abuura oo inta uu godad miro ku guro ku aasa, waxaa
uuna macnuhu noqonayaa ”xabaale” ama ”aase” ama ”duuge”, taas oo looga
jeedo in uu qofka kaafirka ahi xabaalayo jiritaanka Rabbi iyo in uu
qur’aanku run yahay, oo uusan ahayn hal-abuur ay dad curiyeen.
”Kufaar” macneheedu waa ”beeraley”, waxaana xoogaa inagu adag in aynu
”kaafir” ku fasirno ”abuure”, waayo waxaa laga yaabaa in ay isku
khaldamaan dadka beeraha abuura iyo Rabbi oo aynu aamminsan nahay in uu
wax kasta abuuray. Sidaas darteed baan magacaas si sax ah loo turjumin
ee waxaa lala beegsaday qabiilkaas ay colaaddu ina soo dhexmartay oo ay
malaha xaruntoodu ahaan jirtey caasimadda gobolka Mudug ee Gaalokacyo,
halkaas oo mindhaa qarniyo ka hor laga kiciyey qoladaas aynu
isxumaansannay.
Dadka soomaalida ahi in ay Afrikaan yihiin wax muran ahi kama ay taagna,
isla markaas in ay wasiirtoodii hore geeska Afrika ku beernaan jirteen
waa wax cad, hase ahaato ee cid caddayn kartaa ma ay jirto diin ahaan
intii aysan islaamin waxyaalihii ay rumaysnaayeen, waxayse u dhowdahay
in ay diimihii hore haysteen. Kolley kiristan iyo yuhuud midna ma ay
ahayn, maxaa yeelay dadkeenna kuma aynu sheegi karno in ay ahaan jireen
yuhuud ama nasaaro, oo waa magacyo foola xun oo aynu neceb nahay. Waxaa
laga yaabaa in ay rumaysnaan jireen diin kale oo ka khayr badnayd midda
yuhuudda iyo midda nasaarada, dabadeedna looga wareegey diinta islaamka
maaddaama ay tahay diinta ugu fiican dhammaan diimihii badnaa ee uu
Rabbi iska soo dabodiray.
Rabbi baa ku mahadsan in ay soomaalidu dhammaantood gumaysigii ka hor
muslimiin ahaan jireen, laakiin waxaa la sheegaa in aysan soomaalida ku
badnaan jirin dadka fuliya waajibaadka diinta sida salaadda iyo soonka.
Xajka soomaalidu waxaa ay barteen dhawaan oo lama hayo qof soomaali ah
oo uu awowgiisii saddexaad xaaji ahaa, waxaa kale oo jira gabay caan ah
oo uu nin geeljire ahi ku diidey in uu fuliyo waajibaadka islaamka,
gabaygaas oo aysan ka muuqan in uu ninkaasi ogaa in uu xaj jiro, waxaana
gabaygaas ka mid ahaa:
”Salaad iyo maxaa iiga dan ah, suxullo mayrmayrid
Sako iyo maxaa iiga dan ah, xoolo sayrsayrid
Soon iyo maxaa iiga dan ah, caano subax diidid
Soddon beri intaan qadi lahaa, naari ha i solato”!
Waxaa kale oo jirey nin geeljire ahaa oo aan weligiis arag qof tukanaya,
dabadeedna waxaa loo sheegay in ay jiraan janno iyo naar, oo weliba
jannada lagu galo salaadda oo ah rakcado ka kooban foorarsasho iyo in
labo jeer wajiga dhulka la dhigo, soonka oo ah in in hunguriga iyo
shahwada maalintii la iska daayo iyo sakada oo ah in hanti la dhiibo,
naartana uu galo qofkii aan waajibaadkaas la imaani. Markii uu intaas
maqlay buu ka dhaartay in uu wax cibaado ah sameeyo, waxaa uuna sabab ka
dhigtay in ay jannadu tahay meel uusan tolkiis joogin, maaddaama aan
tolka lagu arag nin sooma ama salaada. Sidaas awgeed waxaa uu caddeeyey
in tol la’aan ay tahay jannadu.
Waayadii hore qofkii tukada waxaa magaciisa la oran jirey ”wadaad”, aad
buuna u yaraa qof soomaali ah oo tukan jirey. Wadaaddada tukadaa waxaa
ay marmar diidi jireen dhaca xoolaha oo ahaa shaqada keli ah ee ay ragga
soomaalidu ku faani jireen welina ay qaar ku faanaan, waana meesha ay ka
abuurantay fakraddii ahayd in ay ragga tukadaa naago yihiin, oo mar nin
oday ah la weydiiyey dumarka iyo ragga midka tiro baa badan, waxaa uu ku
jawaabey: ”Dumarka ayaa badan, maaddaama ay wadaaddadu dumar yihiin!”.
Gabaygii Darbadaaley ee uu tiriyey wadaadkii la oran jirey Aw Muuse
Ismaaciil Samatar waxaa uu ahaa gabay ka duwan gabayadii hore ee
soomaalida, maxaa yeelay waxaa ku jira dhawr arrimood oo ka geddisan
habka ay soomaalidu fakaraan.
Marka kowaad waxaa u gaar ahaa in uu rumaysnaa in madaxda ay dadka
shacabka ahi canaan u soo jeedin karaan, oo ay hadalka ku kululayn
karaan. Si aan gabbasho lahayn ayuu madaxdii soomaalida oo xilligaas
jirtey u canaantay, waxaa uuna ku gubey hadallo adag oo muujinayey in
aysan xilkooda sidii habboonayd u gudan.
Arrinta labaad waa in uu qofka dhallinta yari dhinac kasta kaga fiican
yahay midka gaboobey, oo xagga hal-abuurka iyo hawlahaba uu qofka yari
kaga wanaagsan yahay, kagana habboon yahay qofka weyn. In badan oo
tixdiisa ka mid ah buu ku celceliyey in ay dhallinyaradu yihiin dadkii
wax kasta qaban lahaa, kalka ay soomaalida kale ku gabyaan in uu qofku
wax qaban karo markii uu gaboobo, taas oo ah fakrad curyaamisey
maskaxdii dadka, maxaa yeelay adduunka nolosha fahmey qofka weyn waxaa
laga dhigaa hawlgab oo waxba looma diro, wax badanna lama weydiiyo.
Arrinta saddexaad ee uu gabayga Aw Muuse kaga duwan yahay gabayada kale
waa in ay dumarku yihiin qayb muhiiim ah oo talada iyo wacyigelinta
bulshada ula siman ragga, waxaa uuna darbad dhan oo gabaygiisa ka mid ah
u gaaryeelay haweenka. Asaga oo sidaas dumarka u maamuusay buu haddana
waxaa uu carrabka ku dhuftay in aysan ragga diinta dhigtaa niman ahayn,
waxaa uuna yiri:
”Haddaan diin la dhigan ama ninnimo, daabka la adkaysan
Dullaa lagu socdaa wacad allee, labada daaroode”
Daabka uu sheegayaa waa daabka waranka ama toorreyda, oo haddii uu ninku
diin dhigto uu kaga mashquuli jirey in uu walanbaysto. Sababta uu diinta
u hormariyey waa in uu qudhiisu ehelu diin ahaa oo uu xirfaddiisa ducada
ah ka sarraysiinayey xirfadaha kale oo xoogga iyo xeesha ku salaysan.
Asaga oo laftiisu wadaad ahaa buu qarin waayey aragtidii guud oo ay
shacabku ka qabeen wadaaddada, taas oo ahayd in aysan rag caadi ah
ahayn.
Waxaa meesha ka muuqata in ay soomaalida caadiga ahi weligood isku
barbar wadeen labo aragtiyood oo lid isku ah. Midda kowaad waa in ay
diintu fiican tahay oo wadaaddada laga ducaysto, isla markaas sida badan
dumarka iyo raggu markii ay isguursanayaan ay wadaad isula tagaan.
Aragtida labaad waa in ay diintu xun tahay oo uu qofkii bartaa yahay qof
daciif ah oo aan la jaanqaadi karin tartanka iyo tookha nolosha.
Yasitaanka diimaha la xaqiraa ma uu ahayn wax soomaalida keli ah u gaar
ahaa ama u gooni ah ee dadyowga oo dhan baa diimaha waxaa ay isugu
daraan dugsasho iyo dareensi. Arrintaas gadaal ayeynu malaha ka faallayn
doonnaa, hase ahaato ee waxaynu ku hormaraynaa in ay wadaaddada adduunka
ka jira ama ka jiri jirey gaalo ka mid ahaan jirtey ama ay gaalo ka mid
tahay, taas oo aynu haddii uu Rabbi idmo xaqiijin doonno.
Dadku sidoodaba aragti kasta oo ay rumaysan yihiin labo ayey u qaybsan
yihiin, waana dad dhifdhif ah oo aamminsan in ay dadku yihiin nooc xoolo
ama hanti ah oo ayaga loogu deeqay. Dadka iyo hantidoodaba ayaga ayaa
haga, waxayna u arkaan aragti kasta oo adduunka taal in uu hindisey ama
uu fahmey qof kooxdooda ah oo dadka hantiyey.
Dadka intooda kale oo badani waxay ku faraxsan yihiin in ay isu
galmoodaan oo ay tarmaan iyo in ay wax loo sheegay iskula dhexwareegaan.
Waxyaalaha ay kooxuhu kala rumaysan yihiin buu mid kastaa waxaa uu ku
jiraa khaanad ka mid oo uu kuwa kale u arko in ay lunsan yihiin, waana
calaamadda ugu weyn oo muujinaysa in uu yahay hanti la leeyahay ee uusan
asagu lahayn hanti.
Markii uu nebigu CSW naftiisii qaaliga ahayd waayey oo xoogaa la joogey
baa waxaa carriga carbeed ka soo baxay kooxo ama shakhsiyaad wadaaddo
ahaa oo gaalo ama kufaar ahaa. Dadka muslimiinta ahaa markaas boqollaal
kun bay ahaayeen, waxaa ayna wadaaddadaasi rumaysnaayeen in uu nabigu
CSW ahaa nin dad badan maskaxda ka qabsaday oo ka mid ah dadka aadamiga
hantiya. Aragtidaas ayaga oo qaba oo ka duulaya ayey isku hawleen sidii
ay muslihiinta ayaguna uga dhexsamaysan lahaayeen dad ay maskaxda ka
qabsadaan, oo ay geliyaan aragtiyo ka leexsan kuwii nebiga CSW, laakiin
aan beeninayn kuwii hore ee lagu dhexqarinayo.
In sidaas la yeelo waxaa uga horreeyey nin xilligii nebiga noolaa oo
sheegtay in uu nebi kale yahay, oo magaciisa la oran jirey Musaylama,
kaas oo dadka u soo bandhigay hadallo carabi ahaa oo quraanka sidiisa oo
kale marmar isku ereyo ku hoorsamayey, marmarna aan isku wax ku
hoorsamayn. Tusaale ahaan waxaa ay ahaayeen sidaan oo kale
”Kursi dheer ninkii, kor u qaada
koofiyadna madaxa, ku qaada
cagtiisana kab fool xun, ku qaada
kiishad weyn dhexdiisa, ku qaada
kaalsooyin lugaha, ku qaada
Midigtana karbuuno , ku qaada
Kaaki shaar ah laabta, ku qaada
Kilkishana kitaabka, ku qaada
dabadeedna inta uu kadalloobsado kaadsha”
Qofkii soomaali ah oo waxaas kor ku qorani in ay maanso yihiin la
weydiiyaa si sahlan ugama uu jawaabi karo, maxaa yeelay in maansada isku
erey sida ”qaada” oo kale lagu dhammeeyaa kuma ay jirto sharciga maansda
soomaalida, isla markaas miisaanka maansada oo sidaas ahi mid aad loo
yaqaan ma aha oo ka mid ma uu aha waxyaalihii la maqli jirey, waxaana
intaas oo dhan ka daran in sadarka ugu danbeeyaa uusan la socon kuwii ka
horreeyey xagga miisaanka iyo hoorsamidda. In sidaas loola yaabo
macneheedu ma aha in uu Rabbi soo dejiyey oo uu ka sarreeyo maansada
soomaalida ama uu mucjiso yahay ee waa hadal ka xikmad liita maansooyin
badan oo awal jirey. Maansada miisaannadeedu awalba waxaa ay ahaayeen
sargooyooyin dad khiyaali leh laga maqlay, oo laxanka iyo habdhaca
hadalku ma aha wax dhammaada ee maalin kasta mid hor leh baa iman kara,
isla markaas macaanka hadalku maanso iyo miisaan kuma uu xirna oo hadal
dadka soo jiita oo aan maanso ahayn baa aad u badan.
Musaylama hadalladaas uu sheegtay in uu Rabbi u soo dhiibey oo uu dadka
ku soo jiidanayey qaabdhismeedkooda waxaa uu ka qishay labo meelood.
Meesha koowaad waa waxyaalo ay dadka curraafeeyaa allifan jireen, oo aan
manso ahayn, hadal caadi ahna aan ahayn oo loogu talogalay in dadku
aysan qofka sheegaya u malayn in uu gabyaa yahay, ee ay moodaan qof
waxyaalo ka qarsoon og oo ayaga ka duwan. Tusaale ahaan af soomaaliga
haddii lagu yiraahdo ”Waxaa loo baahan yahay caqli midaysan, cudud
midaysan, cood midaysan, cilmi midaysan KW” maanso ma aha haddana hadal
caadi ah ma aha.
Waxyaalo sidaas oo kale ah baa weligood carabta ka dhexjirey oo dadka
karaamooyinka iyo kuhaanada ku shaqaysta oo bulshada ka caqli badani ay
cawaanta ku harawsan jireen maaddaama aysan ilbaxnimo kale jirin.
Musaylama dadkaas oo qura kuma uu dayan ee nebiga CSW qudhiisa ayuu kaga
dayday sida uu quraanka kariimka ahi u dhisan yahay, oo xeelaha sida
xalladda ah u dhisan sida suuradda ”Caaddiyaad” buu waxaa uu dhinac
dhigay casharro ka mid ahaa waxyaalihii uu ardadiisa ku shubay, waayo
waxaa uu u arkey qaab casri ah oo dadka wax loogu sheego, kaas oo lagaga
badbaadayo in qofka wata gabyaa loo maleeyo, isla markaas aan kuhaano
iyo curraafaysi ahayn ee la sheegan karo in uu Rabbi soo dhiibey.
Waxaa kale oo uu qur’aanka kaga dayday in aan mawduuc gaar ah inta laga
hadlo si dhammaystiran loo tifaftirin ee hadba arrin aan hadalkii socdey
u dhaweyn loo boodo, hadhowna isla mawdhuucii meel kale lagaga hadlo.
Sida caadiga ah oo ay dadku u hadlaan waa in xubinba mar hadalka la
dhammeeyo oo aan xubintii laga soo hadlay lagu noqon.
Abaabulka iyo dacwada Musaylama waxaa ay soo xoogaysateen markii uu
nebigu CSW allaystay, waxayna muslimiintu ku naynaasi jireen ”Musaylama
been babadane”, waana magac ay dadka qoorkood sheegeen in markii ugu
horraysey laga maqlay nebi Maxamed CSW.
Diintii uu Musaylama fidinayey oodda ayey jabsatay oo tobannaan kun oo
carab ah baa rumeeyey, waxaa uuna noqday nin culus oo tartan kula jirey
muslimiinta oo markaas dhulalka carabaha ku sii baahayey. Waxaa la
sheegaa in uu musaylama ahaa nin balaaqo badnaa, oo marka uu hadlayo
daacad iska dhigi jirey si in uu xaq ku taagan yahay loogu maleeyo,
dabeecaddaasina waa mid ay ka midaysan yihiin dadka abaabulka iyo
kicinta ku habbooni.
Xeerarkii ay diintiisu ka koobnayd lama qorin oo maanta aad looma ogaan
karo, maxaa yeelay Mulaylama markii uu xoogaystey baa waxaa ku duuley
tobannaan kun oo muslimiin ahaa oo u arkayey in aysan jirin diin kale oo
aan islaamka ahayni. Dadka asaga taageersanaa oo dagaalkaas lagu
xasuuqay waxaa lagaga dayriyaa labo iyo toban kun oo qof, laakiin sida
la qiyaasayo aad bay uga badnaayeen maaddaama uu ahaa nin ay carabtu aad
u rumeeyeen oo aad u dadaaley, hase ahaato ee uu dadaalkiisii meeshaas
ku basbeelay oo laga adkaaday, maxaa yeelay waxaa ku duuley oo cagta
mariyey niman sida sida ciidamada hubdhigista Soomaaliya askar ahaa oo
aan in ay jahaadaan ma aha ee aragti kale lahayn.
Meeshaas waxaa ku afjarantay aragtidii ahayd in uu nin carab ah oo danbe
yiraahdo ”Rabbi baa i soo diray”, maxaa yeelay Musaylama ayuu qof kastaa
ku quusqaatay oo suuqaasi waxaa uu noqday mid xirmay, hase ahaato ee in
aragti la keeno lagama quusan, oo waxaa la adeegsadey qaabab kale oo
dadka caadiga ah maskaxda lagaga dooriyo.
Miman wadaaddo ahaa oo markii ay muslimiintu xoogaysteen, oo inta dhulal
badan iyo xoolo badan la qabsaday la degey soo baxay ayaa waxay
bilaabeen hindisooyin aan sida aragtidii Musaylama toos Rabbi loogu
nisbaynayn, laakiin la abuurayo wax ka weecsan dhaxalkii uu nabegu CSW
ka tegey.
Muddada ay aragtiyahaani soo bilawdeen diinta aad looma faallayn oo
qoraallo islaami ahi ma ay jirin. Muslimiintu waxaa ay diinta isugu
sheegi jireey si kutirikuteen ah marka laga reebo quraanka oo ay qoreen
rag aad nebiga CSW u dhuuldalooley, kuwaas oo markii uu nebegu CSW
geeriyoodey kala shaandheeyey si looga saaro waxii ay dadku isku
khilaafi karayeen, loona kala habeeyo.
Nimanka wadaaddada ahi waxaa ay fureen doodo islaamka dhexdiisa ah si
loo helo firqooyin kala aragtiyo ah oo la kala hago, maxaa yeelay lama
keeni karayn aragti hor leh oo waatii uu Mulaylama ku halaagsamey in uu
nebi toos ah sheegtay.
Sida badan aragtiyaha diimaha iyo karaamooyinka la xariiraa waxaa ay ka
bilowdaan rumayn si qofka marka hore maskaxdiisa loo hantiyo, dabadeedna
wax kasta oo la rabo loogu sheego. Markii uu qofku wax aammino ka dib
wax kasta ayaa lagu shubi karaa, waxaa ayna wadaaddadu doodohooda ku
wajaheen xagga caqiidada, waayo dhaqanka iyo aadaabuhu mihiim ma aha
markii kooxo la abuurayo, ee waxaa culus aragtida aasaasiga ah.
Waxa ugu daran oo ay dooduhu khalkhal gelinayeen sidii uu Rabbi wax u
abuuray iyo sida uu wax u qaddaro. Xagga abuuritaanka waxaa jira magac
ka mid ah magacyadiisa oo ah Khaaliq oo ah in uu asagu wax kasta
abuuray.
Haddaba waxaa ay dooddu ahayd magacaas ma weligiis buu Rabbi lahaa mase
waxaa uu la baxay markii uu waxii ugu horreeyey abuuray. Haddii uu
magaca Khaaliq watey asaga oo aan waxba abuurin waxaa uu watey magac
been ah, taasina Rabbi uma ay habboona, haddiise uu markii uu makhluuqa
abuuriddiisa bilaabay la baxay magaciisu ma uu aha magac weligiis jirey
oo Rabbi magacyadiisa iyo sifaadkiisu waa kuwa dadka oo kale oo waa
waxyaalo cusub.
Haddii aragtidaas danbe la qaato magac kasta oo uu Rabbi leeyahay waa
wax mar danbe uu la baxay oo ma uu lahaanayo magacyo uu weligiis lahaan
jirey, taasina waxaa ay ka dhigaysaa in uusan laftiisu weligiis jirin,
mana habboona in la citiqaado in uu Rabbi laftiisu mar danbe yimid ama
uu jirey asaga oo aan magac lahayn.
Haddaba waxaa doodda soo gashay in la rumeeyo in uu Rabbi weligiis
jirey, isla markaas uu weligiis khaaliq ahaa, isla markaas uusan wadan
magac been ah iyo sifo been ah. Intaas sidee buu isugu helay? Waxaa uu
isugu heli karaa in ay jireen waxyaalo sidiisa oo kale weligood jirey,
kuwaas oo sidiisa oo kale aan lahayn xilli ay bilowdeen, laakiin uu
asagu abuuray si loogu caddeeyo in uu weligiis khaaliq ahaa.
Waxaa aragtidaas buriyey in uusan jiri karin wax la abuuray oo haddana
weligiis jirey! Halkaas ayey dadkii labo firqo ku kala noqdeen, oo midi
waxaa ay rumaysay in ay biyuhu weligood jireen oo ay sida Rabbi yihiin
qaddiim. Firqo kalena waxaa ay rumeeyeen in uu Rabbi laftiisa ama
hadalkiisu uu makhluuq yahay, oo markii uu asagu is abuurayba uu halkaas
kula baxay magaca Khaaliq. Aragtidaan danbe waxaa ay Rabbi ku
tilmaamaysaa in uu isku yahay Khaaliq iyo makhluuq!
Xagga qaddarka waxaa ay wadaaddada kufaarta ahi faaqideen in ay diinka
ku jiraan waxyaalo qaddarka la xariira oo aan la fahmi karin. Tusaale
ahaan qof kastaa waxaa ay diinta islaamku qabtaa in loo qaddarey meesha
uu ku danbayn doono iyo wax kasta oo uu mudam doono, isla markaas waxaa
loo diray waajibaad, waxaana loo diidey waxyaalo uu jecel yahay. Haddaba
in qof la go’aamiyo in uusan mushaar helayn, haddana shaqo loo diraa ma
aha wax la fahmi karo, qofkii in uu fahmey ismoodaana waxba ma uu fahmin
ee naftiisa ayuu khiyaamay.
Adiga oo aan dhalan haddii uu Rabbi gaarey go’aan ah in aad naar
gelaysid wuxuu go’aanka u gaarey adiga oo aan wax denbi ah gelin? Ma
caddaalad baa in qof aan dhalan la go’aamiyo in uu naar ku waarayo oo
haddana loo diro ama loo diido waxyaalo? Si magaca Caaddil oo ka mid ah
sifaadka ama tilmaamaha Rabbi loo dhawro waa in qaddarka macne kale loo
yeelaa, waayo qaddar iyo camal midkood waa in naar ama janno lagu galaa,
qofkuna waxa uu rumaynayo waa in uu marka hore fahmaa, ee uusan naftiisa
sirin.
Adigu markii aad dhalatay haddii ka hor mustaqbalkaaga la go’aamiyey
maxaad macne ah oo leedahay? Haddii ka dib camal laguu diro sow uma ay
ekaanayso in lagugu cayaarao? Rabbi miyuu cayaaraa? Maya oo diintu waxaa
ay sheegtay in uu daacad u hadlo oo uusan kaftamin. Haddaba go’aankii uu
gaarey ka dib sidee buu shaqo naagu diray? Su’aalahaas iyo kuwo kale oo
qaddarka ku aaddan ayey wadaaddadu dadka ku dhexfureen, waxaana lagu
kala noqday firqooyin uu qaarkood aamminey in uusan qaddar jirin ee uu
camal jiro, halka ay qaar kalena aammineen in uu qaddarku sax yahay oo
ay in diinta lagu dhaqmaaba tahay iska huuhaa!
Firqo saddexaad baa waxaa ay soo istaageen in aan loo baahnayn in la
fakaro ee loo baahan yahay in la iska rumeeyo in uu qaddar wax kasta
hago, isla markaas uu qofkii aan camal falani naar gelayo. Su’aasha
meesha imaanaysaa waa haddii uu qof naar loo qaddarey camal fiican la
yimaado ma qaddarka ayaa shaqaynaya mase camalka? Kooxdaani waxaa ay
kaga jawaabeen in qofkii naar loo qaddarey uusan camalka asiibayn oo uu
jaad iyo dhillaysi u dhaqaaqayo.
Markii ay kooxdaani in la fakaro diideen oo ay ku adkaysteen in uu qof
hoggaansamo, ee uusan caqli adeegsan ayaa waxaa lagala horyimid labo
xujo. Midda kowaad waa in uu quraanku dadka ku ammaano in ay fakaraan,
oo ay meelo badan kaga taal in la fakaro. Midda labaad waa in uusan
qofka aan fakarini muslim noqon karin oo uu fakarku yahay waxii dadka
baray in ay wax rumeeyaan iyo in aay wax beeniyaan, sidaas awgeedna uu
fakarku ka horreeyo diinta.
Hoggaansanka iyo fakarka midkee baa fiican maaddaama ay labaduba diinta
ka mid yihiin? Caqliga dadku muxuu yahay? Su’aashaas ayey wadaaddadu si
xun isugu maandhaafeen. Waxaa jirta aragti diinta ku qoran, oo uu
caqligu si toos ah u diidayo, waana in ay wax kastaa diinta islaamka ku
qoran yihiin! Dad maangaab ah ayaa waxaa ay ku hadaaqaan in cilmiga
maaddiga ah ay dad gaalo ahi ka qisheen diinta islaamka!
Xilligee baa horta diinta loogu badiyey oo ay dadkii noolaa ugu aqoon
badnaayeen diinta? Waxaa hubaal ah in aynu ku jawaabi lahayn xilligii ay
diintu cusbayd. Haddaba xilligaas haddii diinta oo dhan la fahamsanaa
maxaa maaddiga ay gaaladu ka xadeen looga dheefsan waayey? Mase gaaladii
ingiriiska oo labo qarni ka hor noolaa baa diinta ka badiyey carabtii
noolayd qarnigii toddobaad?
Hadalkaasi waa su’aal imminka inoo taagan, laakiin wadaaddadii hore
waxaa caddaan ahayd in ay u qiildoonayeen in ay sameeyaan kooxo kala
aragti ah si ay u helaan mowjado iyo xiisado ay ayagu fureen oo aan
hoggaansan indhola’ ku qotomin ama ku qotoma.
Labo waddo ayaa ugu waaweynaa jidadkii ay u kala mareen in ay ayaga oo
diinta asalkeeda ka faa’iidaysanaya haddana ku darsadaan aragtiyo ay
shacabka ku hantiyaan, waxaa ayna kala ahaayeen in diinta lafteeda aad
loo faalleeyo oo hadallo badan oo aan asalkeedii ahayn shareecada lagu
farraqo ama xiisado caqiidada lagu xawligelinayo lagu murmo iyo in la
keeno aragtiyo hor leh oo uu qaarkood si toos ah Rabbi ula xariiro.
Nin kasta oo diinta ka jeexda kannaal uu asagu hormuud u ahaa waxaa uu
helaa magac, waxaana marmarka qaarkood ninkii magacaas ku guulaysta ku
qabsada nin kale oo aan aragti lahayn. Tusaale ahaan waxaa jirey wadaad
muslim ahaa oo la oran jirey Ibnu Tiimiya oo aad u kiciyey xiisado uu
asagu allifey oo waaweyn. Markii uu muddo mootanaa bay niman kale waxaa
ay aragtidiisii oo sideedii ah u xanbaariyeen nin aan wax aragti ah
lahayn oo la oran jirey Maxamed Cabdiwahaab, kaas oo aan sheegin hal
erey uusan ka qishin ninkaas hore oo hal-abuureha ahaa.
Haddii buug uu Maxamed Cabdiwahaab qoray magaca hore laga tiro waxaa uu
qof kasta oo qoraallada Ibnu Tiimiya yaqaani u qaadan lahaa in uu asagu
qoray, waayo waa hadal uu nin aan xishoonayni sidii uu ahaa uga xaday
ninkii lahaa, oo uu weliba soo koobkoobay maaddaama uusan lahayn
codkarnomo u dhiganta midii curiyihii aragtidaas.
In kasta oo uu Inbnu Yiimiya diinta xuubsiibey oo uu togag uu asagu
leeyahay xulay haddana fakarkiisa waxaa ku badan hooggaansan oo gaal ma
uu ahayn, ee waxaa uu ahaa nin muslim ah oo diinta dibuhabayn ku
sameeyey. Dad badan oo lagu tilmaamo in ay diinta fasireen baa waxaa ay
ahaayeen dad diinta kordhiyey ee aan fasir qur ah ku ekaan. Aayad kasta
waxaa uu qofku kaga hadlayaa boqol bog oo ah sida uu asagu jecel yahay
ama si lid ku noqon karta firqooyin ay iska soo horjeedaan.
Maqaalku waxaa uu ku saabsan yahay gabar soomaali ah oo la sheegay in ay
kufriday, hase ahaato ee arrin aan mawduucaan khusayn oo kale ayeynu ugu
nasanaynaa inta aynaan dulucda qoraalka dhexgelin.
Waxaa la sheegay in guddoomiyaha baarlammaanka Soomaaliya mudane shariif
Xassan uu qaatay 700, 000 (toddoba boqol oo kun) oo doollarka maraykanka
ah si uu u diido aragtiyaha qaarkood. In uu qof shariif sheeganayaa
lacag qaataa ma aha arrin soomaalida ku cusub oo magaca ”shariif” ayaaba
ah wax in lacag lagu helo loo samaystay. Sidaas awgeed shariifka yaan la
xaman! Shariifnimadu wax aan in lacag lagu kasbado ahayn miyay tartaa?
Dadka suufiyada ah oo dariiqooyinka sheegta iyo kuwa asalraaca isku
sheegaa waxaa ay samaysteen diimo kale oo laga farciyey diimihii hore,
maxaa yeelay shiikhyadu uma ay bareeri karaan in ay nebiyaal sheegtaan
oo dhiirranaantaas ma ay laha, isla markaas waxaa diinta islaamka ku
taal in uu Rabbi joojiyey in uu qof danbe soo diro. Sidaas awgeed bay
ayaga oo diintii hore ku dhex jira waxaa ay heleen fursado aan
rasuulnimo ahayn oo dadka iyo Rabbi loogu kala turjumi karo.
Diimaha oo dhan baa markii ay muddo joogaan waxaa ay yeeshaan madaahib
iyo dariiqooyin aan heshiin karin oo mid kasta si gaar ah Rabbi loogu
dhawaado, looguna shaqaysto maddaama ay dadka diimuhu u baahan yihiin
dhaqaale ay wax ku kala wadaan ama ay ku noolaadaan.
Sababaha keena in diimaha la casriyeeyaa waa in aysan dadku jeclayn in
ay sida dhagxantii meel oollaadaan muddo aad u dheer oo ay rabaan in ay
hadba noloshooda qaab kii hore ka fiican u raadiyaan iyo in aysan dadka
fakarka hal-abuur oo fiican lehi khiyaaligooda cunaqabatayn ee ay
waxyaalihii jirey wax ka duwan abaabulaan.
”Haddii labo qof ama saddex xilli gaar ah noolaa ay inta nolosha ama
diinta si ay ayaga la tahay u cabbiraan ay markaas geeriyoodaan oo ay
dadka guri ku qufulan furihii qabri kala galaan waxaa uu xalku noqonayaa
in qufulkii la jebiyo si ay dadku bannaanka ugu soo baxaan oo aysan uga
harin halganka nolosha iyo fakarka gelinba heer maraya oo ay dadka intii
ka hartaa dulloobayaan”. Sidaas ayey u eg tahay aragtida ku saabsan in
mad-habo iyo dariiqooyin la sameeyo ama dadka aan aragtida dheer lahayn
loo hiilliyo si ay u xuubsiibtaan.
Haddii aynu tusaale yar soo qaadanno diimaha oo dhan markii ay
cusbaayeen waa la bawsan jirey. ”Bawsi” waxaa ay soomaalidu yiraahdaan
in aan waxii la baranayo qofka baranaya loogu qorin sabuuradda qur’aanka
lagu barto oo looxa loo yaqaan. Haddii waxyaalaha markaas la baranayaa
ay yihiin wax la xafidayo waa ”bawsi”, laakiin haddii ay yihiin waxyaalo
la fahmayo waa ”cilmidhegood”.
Raggii diimaha dadka u keenay qaarkood ayaga ayaanba wax qori karayn ama
aan wax akhrin aqoon oo waa lagu khasbanaa in lagaga barto bawsi iyo
cilmidhegood, isla markaas xilligii la noolaayeen waxaa ay dadku wax
isugu gudbin jireen hab kutirikuteen ah, oo looxda iyo waraaquhu aad uma
ay soo caanbaxin.
Bawsiga iyo cilmidhegoodka dhibaatadoodu waa in waxyaalihii la bartay ay
khasab tahay in uu qaar lumay ama uu qofkii bawsadey si aan ulakac ahayn
wax ugu daro, waayo soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa ”Qalbi dad waa
miskiin”. Waxaa kale oo la wada og yahay qof wax uu maqmaqlay keli ah
yaqaan oo aan buug badan akhrini in uu jaahil yahay.
Tusaale ahaan haddii jaamacad maansooyinka iyo xalladda kale lagu barto
la furo oo aysan dadku buug iyo qalmaan haysan, isla markaas uusan
macallimku sabuurad haysan ee uu ardada xaggooda inta uu u soo jeesto
cashar u mariyo waxaa khasab ah in uu khalad badani meeshaas ka
dhacayo.
Waxaa kale oo meesha ku jirta in markii wax la baranayo dadka la kala
sooco oo intii isku heer ahba fasal u gooni ah la geeyo ama sida ay
wadaaddada soomaalidu qur’aanka u dhigaan arday kasta casharkiisa
sabuurad u gaar ah loogu dhigo, laakiin haddii dadka oo dhan isku mar
cashar la siiyo waxaa laga yaabaa in mid damiin ah ama ay maskaxda wax
uga dhimman yihiin uu hadalku labashub ugu dhaco.
Kutubihii qaddiimka ahaa oo diimaha lagaga hadli jirey af kasta oo ay
yihiin waxaa aad ku arkaysaa ”Wa fii riwaayatin” ama ”Wa fii qiraa’atin”
oo ah ”Dad kalena waxaa ay sheegeen”, taasina waxaa ay muujinaysaa in
uusan hadalku hubanti ahayn ee ay dad kala duwani ku soo dacfalaadeen,
dhibaatadana waxaa keenay in markii hore habkii loo bartay uu balaqsi
iyo qalabqalab ahaa.
In qaabkaas wax loo barto ama wax la isugu gudbiyaa in ay khalad ama
dibudhac ahayd waxaa isla qirsan dadka oo dhan midab kasta iyo diin
walba oo ay leeyihiin. Maanta qofkii ay aqoontiisu ku dhisan tahay bawsi
iyo cilmidhegood looma arko in uu cilmi leeyahay, isla markaas dadka aan
wax u baran habka ama hannaanka ay iskoollada iyo jaamacaduhu u
heeraraysan yihiin oo ay u qaysan yihiin looma arko in uu aqoon
leeyahay.
Sababta arrintaas keentay waa in la xaqirsan yahay qaabkii aynu hore u
soo sheegnay oo ahaa in qof aan wax akhriyin oo wax qorini uu dad asaga
la mid ah u sheekeeyo, dabadeedna waxaas cilmi lagu tilmaamo. Qaabka
cusub oo xilligaan wax loo barto muddooyinkii hore oo ay dhaqamada iyo
diimaha waaweyni samaysmeen lama aqoon oo dadku horumar fiican ma ay
haysan, isla markaas aqoon macne leh oo la sheegaa ma ay jirin.
Kolley habka waxbarashada oo maanta jira innaga waxaa inoo soo gudbiyey
ummado aan inala diin iyo inala af ahayn, hase ahaato ee aynu ku khasban
nahay in aynu ku hiranno maaddaama ay inaga tillaabo horreeyeen xagga
fakarka iyo aqoonta.
Markii ugu horreysey oo ay soomaalidu aqoon maqleen waxaa ay u haysteen
in ay tahay gaalnimo maaddaama dadka aqoonta u keenay aysan carab ahayn,
waxaase markii danbe la garawsaday in ay jiraan waxyaalo loo baahan
yahay sida in caafimaad ama sida wax loo dhiso la barto, hase ahaato ee
weli laamo badan oo aqoonta ka mid ah bay soomaalidu u qabaan gaalnimo
iyo wax aan nuxur lahayn.
Qofka soomaaliga ah oo caadiga ah haddii la tuso liis dheer oo ay ku
qoran yihiin boqol iyo dheeraad kulliyadood oo maaddooyin kala duwan ah
waxaa uu in ay cilmi yihiin u qirayaa tobaneeye maaddo, inta kalena
waxaa uu ku dhaleecaynayaa in ay yihiin wax ay gaalo dadka ku
wareerinayaan, laakiin boqol sannadood ka hor qofka soomaaliga ahi xataa
hal maaddo ma uu qireen in ay aqoon tahay, oo jaamacadda oo dhan baa
agtiisa gaalnimo ka ahayd.
Waxaa hubaal ah in dadka boqollaalka kulliyadood oo kala jaadka ah u
qirsan in ay cilmi ku dhisan yihiin iyo dadka in yar keli ah u qirsan in
ay aqoon yihiin aysan nolosha isku soo gaarayn haddii aysan isku si u
citiraafin waxyaalaha loo baahan yahay in la barto si loo noolaado.
Si kastaba ha ahaato ee waxaa dadkeenna si dadban uga muuqata in uu
cilmiga casriyadaan socdaa sharaf leeyahay, oo uu qofkii qaababkii hore
wax u bartaa yahay qof laga fiican yahay. Tusaale ahaan labo wadaad oo
isku in diinta ka yaqaan haddii midkood uu jaamacad ka soo baxay waxaa
loo qabaa in uu ka aqoon fiican yahay midka kale oo kutubaha ku soo
indhomadoobaadey.
Sababtu waa in waddamada horumaray hannaanka ah wax u bartaan la isla
qirsan yahay in uu ka fiican yahay sidii wax loo baran jirey kun iyo
dhawr boqol oo sannadood ka hor. Labada wadaad oo aynu tusaalaha u soo
qaadannay iyo bulshaduba waxaa ay isku raacsan yihiin in qofkii habka
ingiriiska iyo faransiiska wax looga barto diinta u soo bartay uu ka
sharaf badan yahay midkii u barta sidii ay carabtii hore u baran jireen,
maxaa yeelay waxaa hortaal xaqiiqo ah in ay dadku ka soo baxeen jahli
iyo in si liidata wax loo baran jirey oo ay ummaduhu ku hiranayaan
ummado horumaray.
Qofkii nafta ku maaweeliya in ay dhaqamadii hore ka miisaan culus yihiin
aqoonta qarniyadaan ay dadku ka haqab beeleen waxaa uu haddana asaga oo
aan si ogayn u hamranayaa oo qirayaa in ay sharafta iyo aqoontu ku
jiraan in la raaco caalamka cusub, waxaana tusaale u ah sida ay
wadaaddada xarakooyinku bulshada isugu tusaan in ay yihiin rag sharaf
leh oo aan diinta keli ah aqoon ee wax kalena yaqaan.
Magaaladaan Gothenburg waxaa sanadkiiba mar ka dhaca kulan ay dadka
isugu yeeraan wadaaddo soomaaliyeed oo sida ay sheeganayaan ku dadaalaya
in ay soomaalida ku waaniyaan in ay diinta islaamka haysashadeeda ku sii
talaxtagaan, hase ahaato ee waxaa ay dadka baraan in ay reer galbeedka
iyo qolyo kale ka horumarsan yihiin ummadaha kale!
Waxaa la yaab leh in qof sheeganaya in uu gaalada lid ku yahay oo uu
ummadda uga digayo ay haddana run ahaantii muxaadaradiisu iskugu
biyoshubato in uu xayeesiiyo gumaysigii Yurub iyo dalka USA!
Waxaa ay ka dhiidhinayaan in loo maleeyo in ay yihiin wadaaddo jaahiliin
ah oo diinta keli ah yaqaan, maxaa yeelay dadka dareenkooda ayaa waxaa
si dadban uga buuxda in ay sharaftu ku jirto in aan diinta keli ah la
aqoon ee wax loo soo bartay sidii ay ummadaha kale qorsheeyeen.
Markaas si dadka hortooda aan loogu ceeboobin oo aan diinta keli ah
loogu sheegin waa in xal la helaa! Haddaba maxaa xal ah? Waxaa xal ah in
ay wadaaddadu xoogga saaraan in ay af qalaad ku hadlaan iyo in buugaagta
qaarkood laga soo qorto qoraayo reer galbeed ah magacyadood ama
taariikhdii giriigga iyo rumaaniyiinta oo ay Yurubtu ku faanaan si loogu
maleeyo in ay ayagu weligood mudnaanta kowaad lahaan jireen. Run
ahaantii maanta ayaga ayaa mudnaanta kowaad leh xagga aqoonta iyo
ilbaxnimada dadka, laakiin yurubiyaanku waxaa ay rabaan in ay
xadaaradihii hore xataa nuxurkooda ku soo uruuriyaan giriiggii hore iyo
awooddii rummaanka si ay dadka u marin-habaabiyaan.
Nimanka soomaalida ah oo sheeganaya in ay dadka ku xirayaan rasuulkii
Maka iyo Madiina ku noolaan jirey SCW run ahaantii waxaa ay yasayaan
diinta islaamka iyo dhaqan iyo afka soomaalida, maxaa yeelay ma ay
awoodaan in ay soomaalida kula hadlaan af soomaali saafi ah, isla
markaas marka ay soo qaadanayaan qoraa faransiis ah ama askari jarmal ah
waxaa ay dareemayaan in ay dadka hor fadhiya ka heli doonaan citiraaf ah
in aysan wadaaddadu jaahiliin ahayn.
Waxaa ay si dadban daliil ugu raadinayaan in ay yihiin dad astaahila in
la dhegaysto oo aan ahayn xertii hore oo qur’aanka jeclaa, waxaa ayna
daliisha kala imaanayaan in ay sheegsheegaan dad reer galbeed ah
magacyadood. Markii ay sheegayaan nin waagii ay dadka Yurub sideenna
cawaanta ahaayeen la mid ahaa qabqableyaasha Marka iyo Xamar dadka ku
laaya waxaa ay u qabaan in ay yihiin dad fiican oo aan diinta keli ah ku
koobnayn.
Qaarkood casharro taariikh ama siyaasad ah bay inta ay buugaag
maktabadda yaal ka soo qorqoraan waxaa ay ayaga oo uu hadalkoodu carabi
u badan yahay ku dul akhriyaan soomaali uusan badankoodu la qabsan karin
waxaa ay sheegayaan, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in buuggii ama
majalladii ay ka soo akhriyeen loogu talogalay dad gaar ah oo maaddo ay
u bisil yihiin ka baranaya.
Waxaa heerka iyo luqadda ku habboon munaasibadda ay joogaan ka weecinaya
in ay iska beri yeelaan ceebta ah in ay diinta keli ah xoogaa ka soo
barteen. Markaas ayaad arkaysaa nin garweyn oo cimaamad huwan oo dumar
iyo carruur uga sheekaynaya in uu jiri jirey qoraa ruush ahaa oo
magaciisa la oran jirey Dostojevskij iyo mid ay isku xilli ahaayeen oo
la oran jirey Nikolaj oo isaguna isla dalalkaas ka soo jeedey!
Dhibaatadaasi wadaaddada soomaalida keli ah ma ay haysato ee kuwa
carabtu xataa waxaa ay diinta sharaf uga raadiyaan gaalada tacabka iyo
taagta leh oo ay qalbiga ka dareemayaan in ay ka sarreeyaan, laakiin
wadaaddada carabtu waxaa ay kuweenna ku dhamaan in ay bulshadooda kula
hadlaan afkooda oo khaalis ah, waayo waxaa ay og yihiin in ay luqadda
carabigu ka mid tahay afafkii ummadaha aan u dhalan lagu soo
addoonsaday, oo welina laga yaabo in khalkhaliso dadyow aan wacyi sare
lahayn oo ayaga ka sii hooseeya sida soomaalida iyo oromada.
Dhibatooyinka soomaalida haysta waxaa ugu weyn in aysan ogaan karin meel
looga yimid iyo meel loo wado. Taariikh ahaan waa ummad aysan cidina
caddayn karin dhawaan ka hor wax ay ahaayeen. Lama hayo wax fog oo
soomaalida ku saabsan, laakiin dhulku kolley weligiis waa uu jirey.
Dhammaantood waxaa ay ku abtirsadaan dhawr oday oo midkiiba laga tirsado
20 oday meelahaas. Haddii uu abtirsiinyahaasi sax yahay jiritaanka
soomaalidu kama uu badnaan karo kun sannadood, waayo labaatan oday muddo
yar bay muujinayaan.
Dhawrka oday mid keli ah oo meel uu ka soo jeedo la caddayn karaa kuma
uu jiro, laakiin maaddaama carabta la jeclaa ayuu qabiil kastaa carabta
ku rakibaa odayga uu abtiriskiisu ku dhammaado, waayo waxaa uu cabsi
weyn iyo cuqdad ka qabaa in uu qaraabaysto afrikaanka la deriska oo u
eg.
Dhawrkaan oday oo ugu badnaan kunka sannadood laga joogo ka hor yaa
dhulka joogey? Haddii ay carab ahaayeen maxay sida carabtii woqooyiga
Afrika ku habsadey u dhiig furnaan waayeen, waxaase u ekaysiiyey dadka
la deriska ah?
Wax taariikh ah oo aan ahayn abtirsiinyahaas kutirikuteenka ah lama
hayo, isla markaas wax faraha lagu hayo oo aan qabyaalad iyo diin ahayn
ma ay jiraan! Qabyaaladda iyo diintu wax ay isku mid ka yihiin in uusan
qofku dulqaadan karin markii wax laga sheego, oo ay fudud dahay in uu
waran iyo ul asaga oo xamaasaysan la rooro.
Haddii qof la weydiiyo “Waa maxay qabyaalad?” jawaab fiican oo la fahmi
karo oo ay dadka oo dhammi ku qanci karaan ma uu heli karo, laakiin
haddii la weydiiyo ”Waa maxay shamiito/sibir?” ama ”Waa maxay
shukaansi?” waxaa u muuqanaysa jawaab fiican, maxaa yeelay waa wax uu
fahamsan yahay, lagamana yaabo in ay dad badani murmaan ama ay isku
laayaan oo uu dhiig dad ku daato.
Wax kasta oo la fahmi karo waxaa yar in caaddifad lagu wado, maxaa
yeelay haddii la wada fahmi karo maskaxda ayey geli lahaayeen oo dadka
oo dhammi uma ay baahdeen in ay xamaasoodaan ama ay isnecbaadaan, waayo
lama hayo dad isku laayey khilaaf ku saabsan in ay qorraxdu caddahay iyo
in ay madow dahay.
Wax kasta oo qiiro, khushuuc iyo xamaasad kiciyaa ma aha wax la fahmey,
maxaa yeelay lama arag qof inta uu shacar xisaab ah fahmey xamaasooday
oo dad laayey. Mar kasta oo wax la fahmo waxaa yaraada dhiigga daata iyo
nacaybka dad magacood iyo jiritaankood laga ciilqabo ama wax uu qof
aamminey lagu necbaado haddii uusan asagu gacankahadal bilaabin.
Waxaa kale oo in la isxasuusiyo mudan dadyowga aqoonta heerka sare ka
gaara in aan si fudud loo gelin karin wax xamaasad keli ah kicinaya oo
aan la fahmayn, maxaa yeelay awal bay naftooda bareen in ay wax fahmaan
oo aan sida xoolihii maalin keli ah la iska xeraysan.
Waxyaalaha caddaynaya in ay dadka afrikaanka ahi masaakiin yihiin waxaa
ka mid ah markii diimaha kiristanka iyo islaamka loo keenay ma ay ogayn
oo wax ismaandhaaf ahi ayaga iyo dadkii u keenay ma ay dhexmarin, halka
dadyowga kale dagaal iyo xasuuq lagu geliyey diimaha.
Qofka soomaaliga ahi ma uu garanayo goor uu qaatay mabda’a qabyaaladda
oo uu u dhimanayo, isla markaas lagama yaabo in uu inta fakaro
isyiraahdo ”Horta adigu maxaad tahay? Dadyowga kale maxay yihiin?
Yaad neceb tahay? Maxaad u neceb tahay? Qofkii ugu horreeyey oo
nacaybkaan abuuray muxuu ahaa? Muxuu ku falayey in ay dadku islaayaan
ama aysan nabad ku wada noolaan?
In uu saxnaa maxaa u daliil ah? Ma in uu asagu sheegtay in uu fiican
yahay baa daliil u ah in uu fiicnaa mase cid kale ayaa si qeexan dadka u
qancisay? Ma wax asaga laga maqlay baa kugu khasbaya in aad asaga
jeclaatid dadka kalena necbaatid? Adiga maskaxdaada iyo wadnahaaga ma
qof baa kula wadaaga? iwm”.
Dadku in ay wax cusub arkaan waa ay jecel yihiin, oo xataa haddii aysan
raalli ka ahayn si dadban bay ugu farxayaan. Soomaalida oo ah dad ay
kala duwanaantu aad ugu yar tahay oo wax kasta isku si u arka, laakiin
xamaasadda qabiilka ku kala duwan ayaa xilli dhow waxaa u gaalowdey
gabar magaceeda lagu sheegay Ayaan Xirsi oo sheegtay in ay ku xanaaqdey
nebiga CSW oo ay u aragto in uu dumarka noloshooda ku khammaaray.
Soomaalida oo labaatankii sannadood oo la soo dhaafay iska laayey dad
aan ka yarayn malyan ayey gabadhaasi waxaa ay ku dhexfurtay buuq,
waxaana ka hadashay saxaafadda soomaalida oo ujeeddooyin kala duwan wax
uga qoray. Qaarkood dagaalladii qabyaalada oo soomaalida ka dhex socdey
bay ugu gabbadeen oo ayaga oo qabiilka ay ka soo jeeddo dartiis u necen
bay munaasibadda ka faa’iidaysteen. Xataa kuwo aad iyo aad u sinaysta oo
aan anigu aqaan baa waxaa ay iska dhigeen in ay nebiga CSW dartiis u
caayayaan Ayaan Xirsi. Kuwa ayada ku maagaya in ay nebiga addeeci weydey
maxaa ayaga u diidey in ay farjigooda xaaraanta ka dhawraan?!
Labo denbi oo kala ah dhaca xoolaha iyo dhiigga dadka oo la daadiyo
soomaalida kuma ay cusba oo waxaa dhintay malyan dad ah, waxaana Xamar
oo ah magaaladii dalka ugu weynaan jirtey yaalla boqol isbaaro, waxaase
jira denbi ku cusub soomaalida oo ah in uu qofku nebiga CSW ka
aamminbaxo, oo uusan u hoggaansamin.
Denbigaas ummadda soomaaliyeed ku cusub waxaa ka dhashay doodo lagaga
nastay qabyaaladdii oo lagu fadhikudiriray, waxaana la sheegay in ay
Ayaan godkeedii biyo ugu galeen oo la diley nin kaafir ahaa oo filim la
jilay, isla markaas lafteeda mindi lagu cayrsadey oo ay dhuumatay sidii
Usaama bib Laaddin.
Adduunka waxaa ku soo badanaya dad mindiyo lala dabajoogo, oo hadallo ay
yiraahdeen ama aragtiyo ay qabaan aan lagala doodin ee gacanka loogu
jawaabayo. Nin Iswiidhish ah baa ayaamahaan shidnaa, oo asaguna waxaa uu
ku hadlay in uu nebigu guursadey gabar jirta 9 sannadood, taas oo ka
caraysiisay dad soomaali u badan oo muslimiin ah. Qur’aanka kariinka ah
kuma ay qorna in ay 9 sagaal jirtey, sidaas awgeed waxaa laga yaabaa in
ay 19 jirtey, waase xadgudub in qof banii’aadam ah xaaskiisa iyo
gogoshiisa lagu dheeraado ama la faragashado, taasina waa isku mid in uu
qofku dhintay iyo in uu nool yahay.
Arrimaha noocaan ah oo hadba qof iska hadlay mindi lagula ordayo
dadkayaga wadaaddada diinta ahi raalli kama aannu ahin, maxaa yeelay waa
debin dadka muslimiinta ah loo dhigayo oo adduunka loo tusayo in ay
yihiin dad aan doodin ee qofkii aragti tooda ka duwan qaba mindi ku
cayrsado.
Ayaan Xirsi lafteedu khalad aad u weyn bay gashay maxaa yeelay diimuhu
ma aha waxyaalaha laga doodo, oo sidii la doono loo naqdin karo, maxaa
yeelay dadyowga sidayada oo kale diimaha haystaa uma ay bisla in ay qof
kasta aragtidiisa ku ixtiraamaan, ee waxaa ay rabaan in tooda loo raaco,
maxaa yeelay qofku waxaa uu u qabaa in ay diintiisa keli ah xaq tahay
asaga oo aan aragtiyaha kale xushmaynayn.
Dadkii dariiqooyinka iyo diimaha adduunka ka jira asaasay rag ayey u
badnaayeen maaddaama ay dhaqamada kala duwan badankoodu ragga ka
sarmarin jireen ama ay weli ka sarmariyaan dumarka, taas oo ay keentay
in haweenka laga xoog badan yahay oo ay waxyaalaha nooli xoogga ku kala
danbeeyaan.
Nin kasta oo firqo ama diin dhan asaasay waxaa uu leeyahay taageerayaal
aan jeclayn in ninkii ay rumaysnaayeen la dhalliilo, maxaa yeelay waxaa
ay taasi ula mid tahay in ayaga oo dhan lagu tilmaamay dad u heellan oo
u jilbaysan wax dhalanteed ah.
Maddaama gambalaaliga ka dhalanaya in dariiqo ama diin la dhaleeceeyaa
uu ka shar badan yahay in mabda’ kale ka dhalliilo waxaa habboon in uu
qof kastaa si digtooni ah uga hadlo waxyaalaha la rumaysan tahay oo
khayrka iyo sharka lagu rajeeyo ama lagaga baqo.
Ummaduhu waa ay isku dhaamaan xorriyadda ku saabsan in uu qof kastaa
sidii ay la tahay uga doodo aragtiyaha ay dadyowgu kala qabaan oo ay
qolo kastaa midda ay la tahay u qabaan xaq aan laga dabohadli karin,
waxaana laga yaabaa in aynu ka mid nahay kuwa ugu liita in ay
oggolaadaan in wax kasta ay doodi ka furmi karto si xal caqligal ah loo
gaaro.
Sidaas oo ay tahay soomaalidu waa ay ku farxeen in ay gabari u
gaalowdey, waayo waxaa ay xiisaynayaan in ay ka doodaan waxyaalo cusub
oo aan hore looga doodin sida in taariikh ahaan loo xalliyo in Caasha
Abuukar, Alle ha u naxariisto, ee markii uu nebigu CSW guursadey ay 9
jirtey iyo in ay 19 jirtey.
Shaafici Xassan Maxamed
gusmohsh@student.gu.se
Fariinta uu wato qoraalka sare
waxuu u gaar yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com