|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Tuesday, June 7, 2005 |
Asalaamu caleykum,
Waxaa marag ma doonta ah in dad badan oo soomaali ah ay ula kac dhagaha
uga furaysteen dulmiga, faasidnimada la qurxinayo, iyo abbuuritaanka
taariikhda beenta ah ee habeen iyo maalin u taagan yahiin inta dulmiga
iyo xaarraanta jecel ee dalka iyo dadka soomaaliyeed ku habsaday, hase
ahaatee maanta waxaa habboon in loo istaago in laga hortaggo sharta ay
qawlaysatadan isku bahaysatay.
Hadaba aniga oo ka duulaya hawshaa baaxada weyn ,fillayana in ay jirraan
dad badan oo soomaali ah oo iminka u darban in huuhaada iyo balo
abbuurka ka hor tagaan ,ayaan doonayaa bal inaan gorfayn yar ka bixiyo
BUUG cusub oo loo bixiyay magac aan ku habboonayn uuna qoray nin ka mid
ah kuwa u cudur daara bahalnimadda iyo arxan la'aanta beeshiisu ku
hashayso gayiga soomaaliyeed intii ay gacantoodu gaarto. BUUGGAN
oo qaybo ka mid ah lagu soo bandhigay shabakada dayniile oo ah HORSEEDKA
DIFAACA DULMIGA magaciisu yahay HADDIMADII GUMAYSIGA IYO HALGANKII
UMMADA kaa soo laga dhadhansan karo sida magaciisa ku xusan inuu yahay
kitaab ka waramaya dibbin daabyadii gumaysiga cad iyo kan madow iyo isku
daygii dadka soomaaliyeed in ay ugu noolaadaan si gobbanimo leh
dalkooda ,ayaa ah mid ka fog hawshaa suubban ee loogu wanqalay kitaabka
, illowse qof kasta oo jalleecay waxuu ka marqaati kacayaa inuu qayb ka
yahay abbuuritaanka taariikhda cusub ee ay ku hawlan yahiin
qawlaysatada si ay u maran habaabiyaan jiilka cusub ee aan la socon
halka ay ka qurun santahay xaajada soomaaliyeed. Qoraha buuggan
waxuu si xawli ah isagu dayay inuu tilmaan ka bixiyo asalka mushkiladda
soomaaliya ,waxuu kaloo isku dayay inuu ka leexiyo beeshiisa waxay ka
gaysatay dalkan ,waxuu sharfay intii la qolo ah ,isagoo ceeb iyo
munaafiqnaimo ku sheegay qabiilooyin soomaaliyeed oo danta dalka iyo
dadka ula muuqatay si ka duwan tii meesha taalay bal aan soo ban dhigo
cabdulqaadir orromo , taariikhdiisa cusub iyo sida uu qabiilooyinka
soomaliyeed u kala godob saday.
CABDULQAADIR IYO DAAROOD
Cabdul qaadir orromo waxa uu u kala qaaday beeshaas labbo qolo oo ah
MAREEXAAN IYO MAJEERTEEN , mid waxuu ku sheegay qaa´´imiin dal iyo diin
aan shuqul ku lahayn, munaafiqiin ah ,waxii dalkan ka dhacayna sabab u
ahaa , xitaa jabkii soomaliya dagaalkii xabashida waxuu eedda dusha ka
saaray saraakiisha majeerteen ee ciidankii qalabka siday ka tirsanaa,
waxuu ku tilmaamay beeshaa in damac waalli ah ay u qabaan in ay madax ka
noqdaan dalka, habeen iyo maalin walbana falkinayaan sidii ay ku hanan
lahaayeen jagada dalka ugu sarreysa ,hase ahaatee orromo kama hadal kay
reerkiisu 14 kii sanno ku hayeen dalka, waxuu xusay in cabdulaahi yuusuf
la shaqayn jiray xabashida ,laakiin ma soo qaadin oraahdii adeerkii
GALAAL ka yidhi DIRIR DHABA markii dagaalka lagu jiray ee ahayd HAWIYE
WAXUU KU DHIMANAYAA DAL UUSAN LAHAYN .sidoo kale ma soo qaadan hadalkii
BBC yuusuf garaad uu ka sii daayay adeerkii ee ahaa in CABDULAAHI YUUSUF
ka hufnaa jaajuusnimo iyo dhabar jabin.
Orromo ma xusin waalidii caydiid iyo beeshiisa hantida iyo xukunka
soomaliyeed ku doonaysay in lagu xalaalaysto, kama hadal qadadii afgooye
caydiid ugu qabtay tolkiis ee caanka ah ,oos ugu tilmaamayay halkay ka
yimaadeen iyo goobtay fadhiyaan, orramo waxuu isku dayay in dagaalkii
burburiyay xamar uu u yeelo waji siyaasadeed oo ah loolan u dhaxeeyay caydiid
iyo cali mahdi , hase ahaatee ma xusin in qorshe ka duwan kay soomaali
wadatay ay la soo baxeen beeshiisa oo ahaa in la boobo xukunka dalka
iyo hantida ummada , arrintan ah in majeerteen yahay duul kale waxay
bilaabatay xoogeeda kolkii ay fashilan tay kooxdii carta , waxayse soo
labbo kac laysay kolkii la caleemo saarray CADULAAHI YUUSUF ,waxayna
qayb ka tahay dadaal isa soo taraya oo ay ka qayb qaadanayaan BBC
laanta afsoomaliga ee yuusuf garaad , idaacada horn afrik iyo war baahin
u badan shabakadaha internetka., sidoo kale mushkiladda ugu weyn ee ay
liqi waayeen orromo iyo inta la halmaasha ee reerkiisa ah waxa ay ku
qotantaa siyaasada xinka iyo xaasidnimadda ku dhisan ee ka hana qaaaday
soomaaliya ee ah hadii aan hadafkayga waayay qof kale yuunan kasban ,
sidoo kale cadhada muuqata ee majeerteen kula dhacay waxay ka soo
fufaysaa in majeerteen ka kaaftoomay sandareertadda orromo reerkiisu
siiyo soomaalida ay hantidoodii boobeen ee aan og nahay danta iyo
maslaxadda laga leeyahay. sida la og yahay majeerteen beertiisii iyo
gurigiisii midna ma gadin ,taasna waxay dhimbil naar ah ku tahay beesha
orramo ka soo jeedo ,maxaad u nabad gashay oo puntland u dhisatay ,nolol
iyo horumar ugu tallaab satay ma aha wax cuqdad loogu qaado dad soomaali
ah oo waliba muhim u ah yagleelida qaran soomaaliyeed.
Sidoo kale orromo waxuu ka dhawaajiyay fikrad baahday oo tolkii maanta
ka siman yahiin oo ah in Cabdulaahi dhaxal wareejin doonno, kana aarri
doono waxashnimadii ay kula dhaqmeen dadka soomaaliyeed mudadii fawdada
iyo bililiqaysiga hantida aynan tabcan ku jireen, hase ahaatee lama hayo
meel MADAXWAYNAHU ugu ballan qaaday qawlaysatada cadaabkaas, waxaa wax
lala yaabo ah cuqdada iyo xumaanta gaamurtay ee dadkan ku jirta , kuma
jirto kitaabkan halhayskii xaarraan ku noolayaasha ee ahaa IRRIR SAMAALE
WAA LABBA, FAQASH BAA KU SAA´ID AHE SAARA, SAARA ee ay ku luuqayn jirtay
iyadoo jeeni qaaran MAGOOL. Hase ahaatee waxaa la buun buuninayaa
aqristow mala awaal aan jirin iyo cadow aan muuqan oo loo ekaysiinayo in
uu yahay cabdulahi yuusuf.
Marka loo gudbo qoraha iyo MAREEXAAN, waxaa ka muuqata in ay jiraan wax
uu xeerin nayo oo iska muuqda , taasoo ah xulafadda ay kula jiraan
reerkiisa qabiilka mareexaanka., iyo isagoo ku shaqaynaya fikraddii
munaafiqnimadda ku dhisnayd ee cabdi qaasim uu kula taliyay reerkiisa ee
ahayd in hadii xulafo laga rabbo ama in lagu dan gaaro mareexaan aan
MAXEMED SIYAAD ceebahiisa la sheegin loona duceeyo waxaase ugu yaab
badan markii uu ka meer meeray qorahu waxa reerkiisu badeen mareexaan ,lana
yaabay waxa mareexaan cayr u noqday kadib markii dagaalkii xamar looga
guulaystay lagana saarray m.s. barre. Runtii su´´aasha orromo wax ay ka
dhignayd qoraa jarmalkii naasiga ahaa oo la yaabban waxa caydhnimada
ugu wacan yahuudii hitler boobay billowgii xukunkiisa iyo waxa ku
kallifiya inay hantidoodii ku iibiyaan sicir aad u jaban cabdulqaadir
waxuu ka dharagsan yahay inta qof ee mareexaan ah ee damac ka galay
hantidoodii xamar iyaga oo aaminsan ehelnimo iyo xididnimo reerka orromo
ka oo jeedo ka dhaxeysa kuna waayay naftoodii, sidoo kale orromo waxuu
og yahay in kalmadda BARBAR XAARRAAN loo daliishan jiray qofka u soo
baxa badbaadinta hantidad mareexaanka halkaasna looga taqalusi jiray,
maadaama ay ahaayeen qoloda ugu badan ee daarood ahee ee xididnimo iyo
ehaliyad ba ka dhaxeysay hawiye.
Cabdul qaadir iyo tolkiis Sidii laga filayay oromo ma soo bandhigin fool
xumaddii ay ku kaceen mujrimiintii tolkiis ahayd ee ku faaftay dhamaan
gobaladda koonfureed ee soomaliya , faasiq nimadoodii iyo juur falkii ay
ka gaysteen iyo kay iminka ku hayaan inta alle baday in ay ku hoos
noolaadaan ee dulman, waxaa ugu yaab badan in orromo ku tilmaamo baladii
dhacday shar amxaaro abaabushay, iyadoo uga dan leh in soomaali kala
guurto, hase ahaatee ma xusin odhaahda ay ku caan baxeen qoladdiisa
hoose oo ah XAAN CUNNAA taa soo lagu fassiray sidii dadka soomaliyeed
looga furan lahaa waxay tacbadeen iyo waxa ay kaydsadeenba , cadulqaadir
sidoo kale waxuu ammaan dusha kala fuulay CABDI QAASIM SALAAD XASAN
isagoo ku tilmaamay nin wadani ah oo soomaali jecel ,kamase hadal
xoolahii lagu helay magaca dadka iyo dalka soomaliyeed ee farqaha loogu
shubay tolkiis ee sababay in ay sii ballaadhiyaan dulmigii gabaabsiga
ahaa isaga ka hor, waxaan ka wada dharagsan nahay maanta dulmiga
shaatiga maxkamadaha islaamiga huwan iyo maamul ku sheega xoogga ku
dhisan ee shabbeelada hoose in ay yahiin maskaxdii cabdi qaasim salaad
Marka la soo koobo caqliga iyo nuxurka qoraha kama duwana kii
mooryaantii rabbi nacay ee isku haybta ay yahiin, buugan waxuu ceeb ku yahay
caqliga iyo garaadka fiyow , in kastoo ay maalgalinta iyo soo saarida
buuggan heegan u yahiin ashqaas caan ah oo dan toodu tahay in buuggan la
gaarsiiyo mooriyaanta reer magaaloowday ee af soomaaliga qoridiisa iyo
aqrintiisa hada la baray ,hadana kama duwana war gayskii BEEL DEEQ ee
uu qori jiray SACIID cabdi salaan waagii mujrimkii caydiid ka dul
geeraarayay raqdii soomaaliya.
Cabdulqaadir M. Cilmi
sankacilmi@hotmail.com
Fariinta uu wato qoraalka sare waxay u
gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|
|