HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Maqaal,  Tuesday,  June 7,  2005


QOFKII DAMIIRLEH            Date. 26.5.05


Waxaan salaamayaa Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, waxaan ilaahay ka baryaa in uu umadaan Soomaaliyeed kasaaro dhibaatadaan Rubuc qarniga dhaaftay Waxaan qof Soomaali ah oo garaadkiisu caadi yahay aan looga sheekeynayn dhibkii aan kala kullannay isdilkii qabyaaladda iyo sidookale intii maamul ee fashilantay waxaa kaloo murugole meesha ay kudanbaysay Dowladii aan Kenya kasugaynay,hadaba anigu waxaan jeclaystay in in aan fikradayda shaqsigaa kadhiibto arimaha somalia meeshay marayaan. Umadda Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa dhibaatadaa dhacday baaxadeedii wixii wiil aan kuwaynay wixii ilma ku agoontoobay wixii gabar Soomaaliyeed lugu kufsaday ama wiilkeedii iyo ninkeedii looga dilay inta gabaryar iyo wiilyar cuuryaamay oo mustaqbalkoodii labaabi,iyey inta aabe Soomaaliyeed ay hortiisa ilmihiisii iyo xaaskiisii baahi ugu nafbexeen inta hooyo Soomaaliyeed oo qaxaysa ayada iyo ilmeheedii ay oon  meel cidlaa ugu dhinteen inta ayagoo firxada duurka libaax kucunay weligiin masoo xasuusateen da,yartii wadanku lahaa oo maalinkasta celcelis dhimashadoodu ay gaatro inkabadan 20 wiil oo ah wixii wadanka difaacilahaa. Bal xasuusta wixii wiil iyo gabar dhalinyar oo Soomaaliyeed Badda ku dhintay ayagoo kasii qaxaya dhibaatada wadanka taalla sorry mawada tilmaamikaro dhibaadata naf ee wadanka kadhacday iyo mida maadiga ah midna,intaas waxaan kusiidarayaa dhibaatada kale oowadanka guud ahaan soo gaartay bal fiiri dhibaatada Baddeenii lugu hayo oo arintii hada ay marayso in suntii cadawgu badda kushubay markay banaanka usoo baxday shacabkii oo baahan ay suntii naf adayeen oo markii danbe haamihii suntu ay ku qarxeen oo intii goobtaas kudhimatay maahane waxyeeladu intaas kasiiwayn tahay oo shucaaca hubka wax gumaada oo dabayshu qaadayso kadibna qofkii dabayshaas neef sada/ in halation ahaan uqata uu degdeg ugu dhimanayo bal fiiri wixii guri dumay(Abwaan Bacadde:wixii daar burburay iyo wixii dabaqya aafoobay ) malayaabtaan dayaca kudhacay xuduudihii dalka jidadkii bilicdii magaalooyinkii Soomaaliya ugu qorxoonaa ?

Umadda Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa/usheegayaa in qabyaalada laysku haystaa aysan ahayn wax meel lugu gaarayo hadaad dhab u eegtana waxaad arkaysaa waxa dhanba in ay yihiin Riwaayad (masraxiyad ) waxaa daliil idiin ah arimahaan, bal eega inta hogaamiiye kooxeed ee Soomaaliyeed inta isbahaysi siyaasadeed ay samaysteen iyo isbahaysi kastaa meeshuu ku danbeeyo  waxaadkaloo bal dhab u eegtaan Somaliya waxaa loodhisay dhowr maamul waxaana fashilinayey nimanka riwaayada dhigayey 15 sano sabab dhabaana waxay eheed ayadoo ninkii danihiisa gaarkaa meesha kawaayaaba uu dhahayey halkudhigii caanka noqday (looma dhamma) ugu danbayntiiwaxaad ku quusataa Gen Morgen oo maanta dhex mushaaxaya Muqdisho hadaba hadaad taariikhda dib ugu laabato Gen Morgen wuxuu ahaa hogaamiye kooxeedka ugu mintidsan qaran dumiye yaasha adigoon meel dheer kadoonin miraha dagaalka qabyaaladeed waxaad ku quusataan in Gen Morgen uu Xamar nabad kujoogo markaas waxaad sooxasuusanee wixii wiil soomaaliyeed asagoo isku laaban goob dagaal looga dhaqaaqay ee waraabuhu cunay hadaba maah maa ayaa eheed (Dagaal sokeeye duudkaaga soo duw ayaa u danbaysa) micneheedu waa walaal bal itus sidee wax kuu gaareen. Blieve or not balse waxa Soomaaliya kasocdaa waa riwaayad wayna dhamaandoontaa ee hadaba ficil iyo qawl aad samayso inta mixnadaan lugujiro haka shalaynin markii riwaayadaani dhamaato adigoo walaalkaa dilay oo xoolihiisii dhacay oo gacmahaaga dhiig walaakaa kadaadanayo ayaa ilaah lugu hor gaynayaa Somaliduna sidii hor loogu sheegaba waa gacan kudhiigle afku dhiigle jeeb kudhiigle qalin kudhiigle iyo qalbi kudhiigle waayo aad ayuu uyaryahay qof kabadbaaday in uu uguyaraan qalbiga kataageero qolo kamida kuwii  islaynayey, ilaahay waxaan waydiisanayaa in uu denbigeenna dhaafo inkastoo aan wax badan oo xumaana suubinnay naxariista ilaahay way kawaasac santahay caradiisa, ilaahay waxaan kabaryeynaa in uu isheena ugu raaxeeyo in aan aragno Soomaaliya oo nabada oo cadaalad lugu maamulo.

 

Wabillahi Tawfiiq 
 

By Cabdullahi Cabdi Faarax (Sujuud)
Sujuud2004@hotmail.com
 

 

 

Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.


 

allgedo@allgedo.com
 






 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com