|
Allgedo! Maqaal, Monday, April 18, 2005 |
W/Q:
Suldaan Nayruus Xaaji Aadan.
Karachi, Pakistan.
Suldan25@hotmail.com
Suldan25@yahoo.com
Faafin: Allgedo Online, Monday, April 18, 2005
Saynis-ka iyo Tig-nolajiga cusub ayaa horumar weyn ku tilaabsaday
intii lagu gudajiray sannadihii ugu dambeeyey, wax-badana waa lasoo
saaray. Hor-u kaca Tig-noloojiyadda ayaa dunidoo dhan u badashay
tuulo yar.
Sare-u qaadida cilmiga farsamada iyo wax-soo
saarka ayaa saamayn weyn waxuu ku yeeshay nolosha Insaanka beryahan
dambe. Bini-Aadamka ayaa si-weyn wuxuu uga faa’idaystay dhammaan
was-soo saarka cusub.
Faa’idooyinka ugu muhiimsan oo ay
Tig-noloojiyadda leedahay ayaa ah: heerka wax-soo saarka oo ay
badiyaan – shaqada lagu qabto saacado, ayaa iyadoo lakaashanaayo
mashiinada waxaa lagu qabtaa daqiiqado. Waxaan nu kaloo ku qabnaa hindisidda
ama ikhtiraac-yada cusub waxtarro faro-badan.
Tusaale ahaan fogaan-aragga (TV) wuxuu noo soo
gudbiyaa maaweelo, aqoon, wuxuu kaloo nala socodsiiyaa waxa daafaha
dunida kadhacaya. TV-ga aanu daawano wuxuu ka samaysan-yahay qaybo
elektoroonik ah (electronic component); kaas oo ay garanayaan oo
kaliya injineerada (engineers) ama kuwa soo saara (its
manufacturers).
Walxaha kale ee lasoo-saaray sida: Gawaarida,
diyaaradaha, tareenada iyo maraakiibta, ayaa waxay naga caawiyaan
safarada (masaafooyinka fog-fog iyo kuwa dhow-dhowba) iyo qaadidda
alaabaha (cul-culus iyo kuwa fududba) gobol ka gobol. Waxaa kaloo
jira qalab guriyeedka elektarooniga ka samaysan (electronic
appliance) sida: tallaajadaha (refrigerators) iyo qoboojiyayaasha
hawada (air-conditioners), ayaa dadku waxay u isticmaalaan
qaboojinta iyo dhowridda cunnada dhakso u suyacda (for cooling and
preserving the perishable foods).
Fogaan-maqalka (Telephone) iyo Internet-ka ayaan
si-weyn waxaan ugu isticmaalnaa xiriirka danaha-yaga rasimiga ah;
iyagoo saamayn weyn ku leh nolashayada, nasiiyana waxtar badan.
In kastoo soo-saaridda Tig-noloojiyadda cusub
dunidu si wacan uga faa’ideen, haddana dhanka kale – Barwaaqo abaar
kama bulan yaree – waxay leedahay dhibaatooyin iyo wax-yeello badan.
Waxaa la’ogyahay Tallaajadaha iyo qaboojiya-yaasha hawada oo aanu u
isticmaalno guryaha ayaa waxay soo-daayaan neefta CFC (CFC’gas);
taas oo wax- yeello u gaysata lakabka hawada uuzuunka (layer ozone),
ee kahortaga shoocaaca qorraxda iyo falaadhaha illayska (ultraviolet
rays). Wasakhda hawada hallaysa (pollution) oo ay u siidaayaan
gawaarida iyo maraakiibta hab qiic ah, ayaa iyaguna wax yeelleeya
caafimaadka.
Adeegsiga Computer-ka ayaa aad u fiday/u baahay.
Dhallintuna waxay waqtigooda ku dhumiyaan computer-ka, oo ay ku
dheelaan ciyaaraha (playing games), waxay kaloo waqtigooda ku
baabi’iyaan wada sheekaysiga Internte-ka (chatting on the Internet),
daawashada TV-ga (watching television), waliba, adeegsiga cell
phone-da IWM. Tani, waqti-dayac oo kaliya maahan ee waxay kaloo wax
yeelaysaa aragga indhaha (eyesight).
Intii waxbarashada diiradda lasaari lahaa
beryahan dambe ardeydu waxay xiiseeyaan daawashada TV-ga iyo
adeegsiga Internet-ka. Dadka qaar waxay u isticmaalaan Internet-ka
si khaldan, iyagoo daawada sawirada qaaqaawan (pornography), si
akhlaaq daraana ula dhaqma dadka marka ay Internet-ka ku
sheekaysanayaan.
Adeegsiga badan ee Internet-ka ayaa qofka u-keena
wax-yeello badan oo dhanka cilmi-nafsiga iyo jir ahaan-taba ah.
Waxaa kaloo argga daciifiya falaadhaha ay soo-siidayso shaashada/dhalada
computer-ka.
Waxaa la’aaminsan-yahay in soo-saaridda
Tig-noloojiyadda cusub iyo adeegsigeedaba ay abuurtay kala sarreynta
bulshada wax helikarta iyo kuwa aan waxba heli Karin ee heerarka
hoose ah, ee aanan awoodin nolol raaxo leh.
Sidaas darteed waxaa habboon inaan loo
isticmaalin si khaldan hadiyooyin-ka Alle nasiiyey, si aysan
noloshayada u noqon nolol xun, ee loo adeegsado si wanaagsan walxaha
Eebbe nagu galladaystay ee ah cilmiga farsamada iyo wax-soo saarka.
FG: WAXAAN SITIMAANNADA SOO-SOCDA KA SHEEKAYN DOONAA “SIDA UU
INTERNET-KU NOLASHA WAX UGA BADALAY!”.