HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  News, Wednesday,  July 20,  2005

Urur Dhalinyaro oo lagu magacaabo Gedo Youth Mobilization Association (GYMA) oo maanta looga dhawaaqay degmada Baardheere 


By AXMED CUMAR SAALIXI, Allgedo Online
 

BAARDHEERE, Somalia - Waxaa maanta degmada Baardheere looga dhawaaqay Urur dhalinyaro ah oo la magac baxay Gedo Youth Mobilization Association (GYMA). Xafladii ku dhawaaqida Ururkan cusub ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, Odoyaasha, Haweenka iyo qaar ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka jira degmada Baardheere. 

Ururkani oo la sheegay qaban-qaabadiisu inay socotay mudo 7 bilood ah ayaa waxaa la sheegay ujeedada loo aas-aasay inay ka dambaysay baahida Urur dhaliyaro ee wakhti xaadirkan ka taagan Gobalka Gedo oo dhaliyaraduna ay ku leeyihiin door muhiim ah mraka loo eego dhinacyada kala duwan ee nabadgaliyada, Bulshada, Waxbarashada, iyo hormarinta Bulshada oo gobalkani uu ka liito. 

Qaar ka mid ah xubnaha cusub ee ururka dhaliyarada oo ka hadlay barnaamijkooda shaqo ayaa waxay sheegeen inay yihiin Ururo dhaliyaro ah oo matalaya guud ahaan Gobalka Gedo xaruntooduna ay tahay Baardheere, islamarkaana ay xafiisyo ka furteen degmooyinka Baladxaawo, Luuq iyo Buurdhuubo, dhawaana ay ku talajiraan inay xafiisyo ka furtaan degmooyinka kale Gobalka si barnaamijka Ujeedooyinka Ururkan uu higsanayo loogu baahiyo Gobalka oo dhan, waxayna sheegeen in dhexdooda iska dhexdoorteen xubno gudi fulin ah oo gaaraya 13 xubnood iyagoo qaar ka mid ahna ay ku kala sugan yihiin degmooyinka kale ee Gobalka oo ay ka wadaan howlo wacyigalin ah oo ku saabsan arimaha nabadeynta Gobalka. 

Gudoomiyaha Ururka Barre Sheekh Aadan ayaa sheegay in howsha ugu wayn ee Ururkooda hortaala inay tahay Olole wacyigalin ah oo ay ku samaynayaan dhaliyada Gobalka si loo xoojiyo dadaalada Nabada ee haatan ka socda Gobalka si dhalinyaradu ay uga qaybqaataan howlaha nabada loogu soo dabaalayo Gobalka iyo si howlaha Ururka Mustaqbalka uu u noqdo hormarinta Fikirka waxbarashada iyo wacyigalinta. 

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka hadashay kulanka ayaa waxay ku booriyeen dhalinyarada inay door firifircoon ka qaataan howlaha wax loogu qabanayo adeegyada kala duwan ee Bulshada iyagoo iskamarkaana Balanqaaday inay gacansiindoonaan waxyaabaha lagu hormarimayo Gobalka oo dhalinyaradu ay ku lug leeyihiin.




 



 

allgedo@allgedo.com



 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com