HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 




 OF

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

 

April 23, 2004 
        ilaa 
April 23, 2005
APRIL 23, 2004 - APRIL 23, 2005
waa allgedo oo Gu' jirsatay!!


 





ANAGA OO KA FAA'IIDEYSANEYNA MUNAASABADDA SANAD GUURADA 1-AAD EE SHEBAKADDA ALLGEDO OO KU BEEGAN APRIL 23, 2005 AYAA WAXAAN HALKAAN SALAAN DIIRAN UGU SOO GUDBINEYNAA GUUD AHAAN  UMADDA SOOMAALIYEED, GAAR AHAANA SHAQAALAHA ALLGEDO IYO AKHRISTE-YAALKEEDABA.
 

April 23, 2005


Warbixin kooban oo ku aaddan sanadguuradii 
1- aad oo ah markii la aasaasay Shabakada 
Allgedo-online
 


Warbixintaan waxaa noo soo diyaariyay Tifaftiraha Allgedo Online Mr. Axmed Cumar Saalixi

Faafin:  Allgedo Online, April 21, 2005









 




Shabakada Allgedo waxaa la sameeyay 23/4/004, waxaana hirgaliyay aqoonyahano Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay W/Ameerika kana soo jeeda Gobalka Gedo kadib markii ay arkeen baahida warbaahineed ee ka taagan guud ahaan dalka iyo dibadaba iyagoo isla markaana la tashi la sameeyay aqoonyahano, dhalinyaro iyo waxgarad kale oo ku kala sugan dalka Gudihiisa iyo dibadiisa, iyagoo tixgalinaya baahida dadku ay u qabaan saxaafad xor ah oo ka turjunta dareenka shacabka ku nool guud ahaan dalka gaar ahaan Gobalka Gedo. 

Mudadii ay jirtay Shabakada Allgedo ee sanadka ahayd waxay u soo bandhigtay akhristayaasheeda warar tayadoodu ay sarayso kuwaas oo raali galiyay dhamaan akhristayaasha. Wararka aan u soo gudbinaynay akhristayaasha waxay ahaayeen kuwo ku salaysan ka run sheegida xaqiiqda dalka ka jirta islamarkaasna dhexdhexaad ah. 

Mudada sanadka ah ee ay jirtay shabakada allgedo waxay ku talaabsatay hormar la taaban karo sida soo bandhigida afkaaraha kala duwan ee ku saabsan nabadeynta, siyaasada, dhaqaalaha, arimaha Bulshada, hormarinta iwm. 

Dhowrkii sano ee u dambeeyay ayaa dalka Soomaaliya waxaa ka jiray Website-yo tiro badan kuwaas oo inta badan ka hadlaya ama wax ka qora wararkiii ugu dambeeayay ee Soomaaliya, halka qaar ka mid ah website-yadaasi mararka qaar ay abuuraan waxyaabo keeni kara isku dhac bulshada dhexdeeda ah iyadoo la ogsoon yahay in qaar ka mid website-yadaasi ay buunbuuniyaan cidii ay taageersan yihiin iyagoo u eegayo Beel ahaan. 

Habada Shabakada Allgedo iyadoo ka duulaysa rabitaanka akhristayaasha iyo ku kala nool daafaha dunida waxaan u balan qaadaynaa inaan dib u habeyn iyo casriyaynba ku sameyn doon shabakada si loo dardargaliyo habsami u socodka barnaamijyada iyo wararka ka baxa allgedo. Maadaama qaar ka mid ah dadka ku nool Gobalka Gedo ayna awoodin inay akhritaan ama galaan website-yada waxaan la socodsiinaynaa inaan dhawaan samayn doono wargays la yiraahdo Allgedo oo noqon doona wargays maalinle ah oo bulshada Gobalka ay akhrisan doonaan kana soo bixi doona Gobalka Gedo.
 



allgedo@allgedo.com
 




 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com