Aqrista yaal,
Shabakada warbaahinta Allgedo waxaa la aas aasay 23 april
2004 iyadoo maanta sanad jirsatay. Hadaba inta ay
jirtay allgedo waxay dadwaynaha Soomaaliyeed ka xaqab tirtay
dhinacyo badan oo muhiim ah sida iyadoo u soo gudbisay
wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya iyo guud ahaanba
caalamka. Allgedo waxay idin tix gelisay fikradihiina
anagoo qof kasta fikirkiisa ku soo bandhignay bogga ra'yiga
dadweynaha ee Allgedo.
Akhristeyaal, ma'ahan wax qabadka allgedo mid lagu soo koobi
karo hal warbixin oo qura balse dhanka kale waxaan oran
karnaa in wax qabadka allgedo uusan ku koobneen in ay dadka
war un u soo gudbiso basle waxay wareysiyo la yeelatay
masuuliyiin kala duwan ee Soomaaliyeed, kuwaas oo aan ka
wareysanay xaalada iyo marxalada ay ku jirto Soomaaliya iyo
sidii dhibka looga bixi lahaa .
Masuuliyiinta ay mudada ay jirtay allgedo ay wareesatay lama
soo koobi karo balse waxaan ka xusi karnaa: Wasiirka Hanti
dhawrka Qaranka Mudane Maxamuud Sayid Aadan, Mudane Maxamuud
Nuur Wardheere - Musharaxii Hore ee Duqa Minneapolis,
Guddoomiyaha Dooxada
Jubba - Col. Bare Aden Shire, Col Cabdi Cigaal,
Guddoomiyaha Golaha la
magac baxay (Golaha Nabadgelyada iyo Mmidnimada Qaranka-
Mudane Jaamac Aadan Dheere),
Xoghayaha Guud
ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed
C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban", Guddoomiyaha Ururka Midowga
Gobolka Gedo (United Gedo Peopl's Council) - Mudane Cali
Malaaq Axmed,
Guddoomiyaha Degmada
Luuq - Mudane Canjeex Buule Great, Guddoomiyaha Ururka
horumarinta haweenka IIDA ee xaruntiisu tahay Magaallada
Marka - Marwo Xaliimo Cabdi Caruush, Mudane Hilowle Aden
Maxamuud, Col. Faarax Cabdi Xashara,
Gudoomiye ku xigeenka SNF/SRRC
- Col Baale Ibraahin Cabdi iyo masuuliyiin kala duwan oo
kale oo aanan halkaan lagu soo koobi karin.
Inta ay
jirtay allgedo waxay soo bandhigtay fikradaha dadwaynaha
kuwaas oo ay tixgelin gaar ah siinaysay, maxaa yeelay waxaan
ognahay in meeshii uu insaanku awoodi karo in ay si xornimo
leh figradahooda u dhiiban karaanba in ay ka horumar fiican
tahay meel kasta oo aanay dadku awoodi karin in ay
figradahooda si xornimo leh u cabiraan.
Ugu
danbeyntii, akhristeyaal, anoo ka faa'iideysanaya
munaasabaan sanad guurada koobaad ee kasoo wareegatay
maalintii allgedo la aas-aasay oo maanta ku beegan ayaan
waxaan hadalkeyga kusoo gunaanadayaa "HAMBALYO, HAMBALYO
MEEL AAD JOOGTAANBA WALAALEYAAL."
Waxaan kale oo aan si guud ugu salaamayaa umadda
Soomaaliyeed, gaar ahaana waxaan halkaan ugu
salaamayaa dhamaan wariye-yaasha Allgedo iyo akhriste-yaasha
Allgedo Online oo dhan.