HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo!  Wareysi gaar ah oo la xariira sanad guurada koowaad 
ee kasoo wareegatay aas-aaskii shebakadda Allgedo Online.  
April, 23, 2005

April 23, 2004 
        ilaa 
April 23, 2005
APRIL 23, 2004 - APRIL 23, 2005
waa allgedo oo Gu' jirsatay!!





 

SAALIXI

ALLGEDO
ONLINE

April 23, 2004 ayaa waxay aheyd markii la aas-aasay shebakadda Allgedo Online.  Haddaba, maadaama April 23, 2005 ay ku beegan tahay aas-aaskii sanad guurada 1-aad ee shabakadda  ayaa waxaan wareysi amuurtaas kala yeelanay Tifaftiraha Allgedo Online Mr. Axmed Cumar Saalixi, wareysigana waxuu u dhacay sidaan:-

April 23, 2005


Allgedo:  Saalixi kusoo dhawow Shebakadda Allgedo Online oo maanta dooneysa in ay wareysi kula yeelato.

Saalixi:  Waan dhawahay

Allgedo:  Ugu horeyntii, wax ma nooga sheegi kartaa ujeedada keentay markii ugu horeysayba in la aas'aaso  Shebekadda Allgedo?

Saalixi:   Haa, ujeedada ugu weyn ee keentay in Allgedo la abuuro ayaa waxay aheyd in la helo shebakad Soomaali ah oo dhex-dhexaadnimo ugu adeegta bulshada Soomalaiyeed taasoo waliba ka run sheegeysa dhacdooyinka ay umadda usoo tebineyso ee aanan buun-buunineyn.

Allgedo:  Waxaad carabka ku dhufatay laba qodob oo muhiim ah oo kala ah:  In la helo shebakad Soomaaliyeed isla markaana loo baahan yahay in ay ka run sheegto dhacdooyinka ay umadda usoo tebineyso, maxaad ula jeedaa arrintaasi? 

Saalixi:   Horta marka ugu horeyso arrin kasta marka la bilaabayo dabcan waxaa jirta ujeedo ama baahi keenta in la bilaabo arrintaas.  Allgedo markii ay aragtay shebakado fara badan oo dhamaantood ah kuwa Soomaali ah oo aanan bulshada Soomaaliyeed ugu adeygeyn sidii la rabay, isla markaana iska daa in ay si quman ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeede aad dareemi kartay markii aad soo booqato qaar shebakadaas ka mid ah in ay jifo gaar ah leedahay ama si fool xun loogu buun-buuninayo dagaalada ka dhex socda dadka walaalaha ah ee Soomaaliya ama mararka qaarkoodba aad arkeyso ayada oo si qaawanaan ah oo aan qarsoodi laheyn loogu taageerayo qab-qable dagaal (warlord) ayaa waxaa noo soo baxday in ay umadda Soomaaliyeed u baahan tahay shebakad ka duwan kuwii markaas jiray, taasay aheyd ujeedadii ugu weyneyd ee loo abuuray shebakadda Allgedo.

Allgedo:  Waxaad carabka ku dhufatay in ay jiraan shebakado Soomaaliyeed oo aanan si quman ugu adeegin umadda Soomaaliyeed, taasina ay idinku dhalisay abuuritaanka shebakadda Allgedo, haddaba wax manooga sheegi kartaa waxa adinku aad kaga gedisan tihiin shebakadaha Soomaaliga ah ee aad dureyso?

Saalixi:   Horta qodobkaas ah in aan dhaliilnay qaab u adeegidda shebakadaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa u baahan in aan wax yar ka sheego inta aanan ka jawaabin su'aashaada.  Ulama jeedo hadalkeyga in ay wada taya xumaayeen dhamaan shebakadaha ay Soomaalida leedahay, laakiin waxaan ula jeedaa intooda badan waxay ahaayeen kuwo loo abuuray qaab qabiileed ee ma aheyn mid loo abuuray in ay si cadaalad ah ugu adeegaan umadda Soomaaliyeed.  Haddii haddaba aan dib ugu soo noqdo su'aashaada kale,  haa, waxaan kaga gedisan nahay dhowr qodob kuwaasoo kala ah:-

 1.  Aragtida guud ama fekerka loo abuuray shebakadaha qaarkood iyo kan aan anaga u abuurnay Allgedo ayaanba isku mid aheyn sida aan aamin sanahay anaga.
 2.  Haddaad u kuur gasho, allgedo waxay ka warantaa dhamaan arrimaha ama dhacdooyinka ugu waaweyn ee ku saabsan Soomaaliya guud ahaan ee kuma meereysato arrimo qoys iyo kuwo shaqsiyaad gaar ah toona.
 3.  Allgedo wararka ay bulshada Soomaaliyeed u soo gudbiso waxaan oran karnaa waa kuwo had iyo jeeraale loo eego dhinaca tayada ee aanan loo eegin dhinaca tirada, macnaha waxaa laga yaabaa in aad aragto allgedo oo aanan dhowr maalmood wax war ahba qorin, taasina waxay ku tuseysaa in uusan mabada'a yagaba ka mid aheyn in dadka lagu wareeriyo ama loo soo gudbiyo warar aan sal iyo raad toona laheyn ee aan wararka ugu soo gudbino hadba sida aan u helno warar lagu kalsoonaan karo oo aanan been aheyn.
 4. Sida ay akhriste-yaasha Allgedo la socdaanba, qodobada markaas taagan ee la xariira arrimaha Soomaaliyeed waxaan ugu soo gudbinaa qaab DOOD WADAAG AH (OPEN DEBATE DISCUSSIONS) IYO QAAB CODBIXIN AH  (VOTING), taasina waa calaamad ku tuseysa qaabka fur-furnaanta iyo biseylka dhinaca saxaafadda ah ee ay allgedo gaartay ayada oo waliba aad u da'yar oo aan maanta u dabaal dageyno sanad guuradii koowaad ee abuuritaanka shebekadaan.
 5.  Allgedo markii ay dareento in ay qeybso Soomaaliya ka mid ah dagaalo ka dhacaan waxay dhejisaa baaqyo fara badan oo nabadeed oo lagu dalbayo in lagu joojiyo dagaaladaas, isla markaana waxay iska ilaalisaa ka qeyb qaadashada wax kasta oo u muuqan kara in ay allgedo dhinac kaliya u janjeedho.

Qodobadaas iyo kuwo kale oo fara badan oo aanan halkaan kusoo koobi karin ayaan oran karnaa waan kaga gedisan nahay shebakadaha Soomaaliga ah intooda badan oo ayagu noqday aaladda ugu horeysa ee garabka iyo gaashaanka u ah dagaal ooge-yaasha. 

Allgedo:   Saalixi, haddii aan intaas uga gudubno ujeedadii loo aas-aasay Allgedo, ma jiraan arrimo horumar leh ee la taaban karo ee aad mudadaas sanadka ah ku talaabsateen, isla markaana ma jiraan wax aad is leedihiin waa idiin qabsoomi waayeen?

Saalixi:  Haa, waxa ugu horeeya ee aan oran karno waa la dareemi karaa oo aan qabanay ayaa waxaa ka mid ah anaga oo sidaan horayba kuugu soo sheegnay kusoo biirnay saxaafadda muddo hadda hal sano laga joogo ayaa waxaan tusnay umadda Soomaaliyeed in aan nahay dhex-dhexaad, sidaas awgeedna aan bulshada yada Soomaaliyeed ugu adeegno si aanan eexasho iyo qof jecleysi toona laheyn, taasaana ah guusha ugu weyn ee ay maanta Allgedo sheegan karto in ay gaartay.   Wariye-yaasha Allgedo waxay si joogta ah uga soo waramaan Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, kuwa dhexe, Banaadir, Jubooyinka, Bay, Bakook, Gobolka Gedo iyo Nairobi.  Isku soo duuboo waxaan oran karnaa, waxaa wax lagu faano ah in abuuritaankii Allgedo kaddib ay qaar badan oo shebakadaha Soomaaliyeed ka mid ah ku daydeen qaabka wanaagsan ee ay Allgedo maamulkeeda go'aansadeen in ay ku shaqeeyaan, taasaana keentay in isla sanadkaas aan shaqeyneynay ay sumcadda shabakada horay u dhintay ay kor usoo kacdo, wax kalena ma ahee waa ayaga oo qaatay mabaadi'da toosan ee aan ugu adeegno umada Soomaaliyeed.

Haddii aan ka jawaabo qodobka kale oo ah "ma jiraan wax idiin qabsoomi waayay mudadaas sanadka ah?", jawaabtu waa haa.  Waxyaabo badan oo aan is laheyn way idiin qabsoomi doonaan ayaan noo qabsoomin, kuwaasna waxaan rajeyneynaa in ay noo qabsoomaan mustaqbalka haddii uu rabi raali ka noqdo. 

Allgedo:   Maxaa ka mid ah waxyaabaha aanan ilaa iyo hadda idiin qabsoomin, maxay tahayse sababaha ay idinkugu qabsoomi waayeen?

Saalixi:  Markii la aas-aasayay shabakadda Allgedo waxa ugu horeeyay ee qorshaha noogu jiray waxay aheyd in meel ama dhowr meelood oo Gobolka Gedo ka mid ah laga sameeyo Radio Allgedo, taasoonan ilaa iyo hadda hergelin.  Waxaa kale oo ay shebekadda ilaa iyo hadda ku egtahay oo kaliya tebinta wararka oo qoraal ah.  Qorshaha waxuu ahaa in ay shebakadda ugu soo gudbiso akhriste-yaasheeda si:  Qoraal, maqal iyo muuqaalba leh.  Waxaan u jeednaa, waxaa ilaa iyo hadda meesha ka maqan mataaneyntii shabakadda iyo Raadiyahii oo aanan ilaa iyo hadda suurtagalin, isla markaana waxaa meesha ka maqan adeegsiga aaladaha suurtagaliya muuqaalka (VIDEO) oo aanan ilaa iyo hadda isna suurtagalin.  Labadaas qodob ee muhiimka ah ayaa meesha ka maqan sababta ay u suurtagali waayeena waa arrimo la xariira dhinaca dhaqaalaha iyo farsamada, haddii uu rabi idmana waxaan isku dayi doonaa in ay mustaqbalka dhow noo wada suurtagalaan ama uu midkood noo suurtagalo.

Allgedo:  Ugu danbeyntii, saalixi munaasabadaan sanad guurada koowaad ee Allgedo awgeed, maxaad leedahay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaana wariye-yaasha iyo akhriste-yaasha Allgedo Online?

Saalixi: Guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba salaan baan u diraynaa, waxaana Ilaah nooga wada baryayaa in uu naga saaro dhibaatooyinka colaadeed ee aan mudada dheer kusoo jirnay.  Sidoo kalena, waxaan Ilaah ka baryayaa in uu Soomaaliya quluubtooda isu keeno dowladda maanta Soomaaliya u dhalatayna uu ka dhigo mid qeyr qabta oo umadda Soomaaliyeed isu keenta uguna adeegta si cadaalad ah oo ay bulshada Soomaaliyeed raali ka tahay. 


Dhanka kale, anoo ka faa'ideysanaya fursadaan qaaliga ah ee sanad guurada koowaad ee Allgedo ayaa waxaan halkaan salaan diiran ugu dirayaa wariye-yaasha Allgedo meel ay joogaanba iyo Xubnaha Ururka Mideynta Saxafiyiinta Gobalka Gedo, sidoo kalena waxaan salaan taas la mid ah u dirayaa dhamaan akhriste-yaasha Allgedo oo iyagu ah hal bowle iyo laf dhabarta Allgedo. Dhamaantiin, walaaleyaal naga raali ahaada haddii aan mudadaas sanadka ah idiin soo gudbinay waxyaabo aadan jecleysan, laakiin sida aan horayba idinkaga balan qaadi jirnay ogaada in aan mar walba diyaar u nahay tala bixintiina iyo toosintiina haddiiba aad dareentaan in aan ka leexanay wadada toosan ee FURFURNAANTA IYO DHEX-DHEXAADNIMADA ee mabaadi'dayada saxaafadeed udub dhexaadka u ah.  Allgedo ma ahan shebakad uu qof gaar ah leeyahay ee waa shabakad ay umadda Soomaaliyeed leedahay (community owned website) oo aan ugu adeegno ayaga rabitaankooda, sidaas awgeed, waxaa naga go'an in aanan qorin hadba wixii maskaxda yada kusoo dhaco ee aan qorno waxa ay umadda Soomaaliyeed rabto ama ay maslaxadda ugu jirto.

Allgedo:  Aad baad u mahadsan tahay Saalixi

Saalixi:  Adinkaa mudan


Kaasi waxuu ahaa Axmed Cumar Saalixi, Tifaftiraha Allgedo Online oo ay Allgedo wareysi ku saabsan sanad guurada Koowaad ee kasoo wareegatay abuuritaankii shebakadda ay la yeelatay. 





allgedo@allgedo.com




 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com