|
Allgedo!
Maqaal, Saturday, August 6, 2005 |
Waxan filayaa in Jawhar lagu beecinayo Dalka
Soomaaliyeed!!!!
By Abdi Warsame
abdiwarsame2000@yahoo.com
Waxaa naloo saaray sheeko halalaasi ah oo la leeyahay dawladdii baa is
khilaafsan oo isku mari la' meelihii ay caga dhigan lahayd iyo keenidda
ciidan shisheeye.
Sida aan la soconno labadii nin ee ugu sarraysay
dawlad ku sheeggan waxa ay ku sugan yihiin magaala madaxda gobolka
Shabeelaha Dhexe ee Jawhar. Tan iyo intii ay yimaadeen madaxweynaha iyo
wasiirka koowaadba magaalada Jawhar waxaa ku soo qulqulayey wufuud ka
kala socota adduunweynaha. Hay'ado caalami ah ayaa si isdaba joog ah u
yimaada magaalada. Shirar qarsoodi ah ayey la yeeshaan inta dawladda
wakiilka ka ah ee ku sugan magaaladaas ayagoo weliba og in degidda
Jawhar ay dawladdu isku khilaafsan tahay oo Muqdishu qaarkii kale ku
sugan yahay. Hay'adaha qaar baa shir jaraa'id ku sheega ujeeddada
safarkooda inkasta oo oraah Soomaaliyeed ahayd "Sir gaal lagama sal
gaaro"
Waaya dambe ayaad maqli doontaan xaqiiqdeeda balse
hordhacu waxaa weeye Soomaaliya waxay ku qalan tahay Jawhar, waxa ku soo
qulqulaya Jawharna waa dallaalley iyo kuwii la wareegi lahaa waddanka.
Labada nin ee ku sugan Jawhar Soomaali dhib ka saari maayaan ee waa
nooca dadka reer galbeedka ku sugan u yaqaanaan "SOLD OUT"
Mid Soomaali ah baa oggolaaday in lagu aaso NUKE
WASTE ee maxaad mooddaa Cabdullaahi iyo Geeddi oo aan Soomaaliba ahayn.
Maxamed Dheere waxay u sheegeen in ay doon wada saaran yihiin oo meel uu
uga haraaba aanay jirin. Dawladda Talyaaniga oo hadda Jawhar hor
boodaysa in la dago bal Soomaaliyey wax ka dhaha!
IGAD iyo AU ayaan miiska u saaran nahay. Waxaa cay
iyo aflagaaddo nagu ah in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed la yiraahdo
waxaa tababarro u fidinaya dawladda Ethiopia iyo weliba kuwa kale.
Tababarkaas waxaa u baahan Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaa u
baahan in la xuso hay'adaha caalamiga ah oo Jawhar ku soo qulqulaya in
aysan khilaafka sii kordhin ee ay dhexdhexaad ka noqdaan xal haddaysan
heli karinna ka gaabsadaan.
Dawladdani dhibka ugu yar ee ay u gaysatay ummadda
Soomaaliyeed waa tan ay ka suubisay gobollada Hiiraan, Bakool iyo meelo
kale oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Madaxweynahan iyo wasiirkiisu
intay boorsooyin waaweyn (water proof) ku soo baryootameen ayey dadka ku
kala laaluushayaan gobol walbana rabaan in ay dadkiisa iska hor keenaan
illeen caqli iyo cilmi kuma kasban karaane.
Warsame's English articles:-
2.
Who
controls Bakool Region and what caused Colonel Shatigudud, the
Agriculture Minister, to change his political position?
3.
Does a country without recognized
government really need e-Passport and e-Authentication
Fariinta uu wato qoraalka sare waxay gaar u
tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.
allgedo@allgedo.com
|