HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

 

  WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo! Maqaal, Monday,  August 29,  2005

LA JIIFIYAANA  BANAAN  LA JOOJIYAANA BANNAAN,  WAA XAALKA  BARRE HIIRAALE!

 
Malaha haddii qof dadku uu yiraahdo horjooge noo noqo, wuxuu isu qataa inuu isago  mulkiyad u yeeshay waxa lagu ammaanaystay, oo meesha wuuba ka saaraa in dadku  eegayo sida uu wax u wado amaba u maamulayo.
 
Qofka  xilka loo dhiibto waxaa la gudboon inuu la yimaado  waajib gudasho ku dheehan  daacadnimo iyo xil kasnimo iyo waliba garsoor caadil ah oo uu  simo dadka uu talada u hayo, isaga oo aan soo kala dhaweysaneeyn.
 
Waxii ka dambeeyey Burburkii Qaranka,Waxaa soo baxay Talisyo Dagaal-oogayaaleed, kuwaas oo calamka ka surtay Gobollada iyo Degmooyinka Soomaaliya, waxaa ka mid ah Taliska Daanjab oo isagu hadda ka taliya Kismaayo isaga oo wata magaca Isbahaysiga Dooxada Jubba.
 
Taliskaas oo meeshaa ku sugnaa ilaa 1999 ka dib markii laga saaray taliskii Generaal Moorgan, dagaal-oogayaasha waxaa caado u ah in midba mar soo jabhadeeyo marka mid uu ku gacan sareeyo Goob dagaal oo lagu kala qabsado.
 
Taliska Daanjab, oo ku caan baxay kala saarka iyo u kala  gacan dabcina Maleysiyaadka uu u taliyo, isagoo caado ka dhigta inuu qaarna kor u qaado qaarna uu cadaadiyo, oo uu kala sii jeesto dhaqaalaha ka soo gala goobaha u ku amar ku taagleeyo.
 
Waxaa ka sii daran taas, inuu cadaalad xumo ku dhaqo shacabka ugu horan haalkaas,isaga oo kuwa xigtada u ah  u ogolaada in ay sameeyaan waxii ay doonaan kuwa ka durugsanna  ku saara cadaadis iyo u hanjabaad marka ay wax halleyaan, iyagoo arkaya  sida uu indhaha uga qarsanayo falka xun ee ay ku kacaan kuwa ku jifada ahi.
 
Waxaa xusid mudan oo aan rabnaa qormadaan in aan ku soo sarno ama dadka kula socodsiino, cadaaladda darada iyo  maamul xumida ka jirta Taliska Daanjab ee ku amar ku taagleeya Degmada Kismaayo.
 
Waxaan intaan la soconin xasuusinaynaa in Maraakiib badan lagu afduubtay Degmada Kismaayo tan iyo intii Taliska Daanjab uu ka talinayey Kismayo, waxana xusid mudan in ay inta badan afduubteen rag jifo u ah Hiiraale, oo ay ka mid yihiin Moxamud Cali Shire oo ay inma adeer yihiin haddana ah ninka Dekedda Maareeyaha ka ah iyo Waliba ninka kale ee isagana la yiraahdo  Moxamuud Timodheere iyo kuwo kaleba.
 
Maraakiibta ay afduubteen nimkaas hiiraale ku haybta ah waxay ahaayeen kuwo badeeco keenay oo faxas ku soo galay Soomaaliya, isla markasna waxay gacanta u galeen ragaas, iyada oo laga siiyey Lacag madax furasho ah Moxamuud Cali shire Maareeyaha dekedda Kismaayo isla markaasna loo dalacsiiyey inuu noqdo xilkas, maadaama uu  afduub ku sameyey Markabaas.
 
Sidoo kale waxaa wali ku xiran isna kismaayo markabka labaad oo uu haysto Moxamuud Timodheere oo jifada hiiraale ah,kaas oo yaal dekedda ilaa 3sano wax ka badan una yaal ku gorgorton afduub markad, isagoo dadkii saarnaan  qof qof u iibsaday Madax furasho.
 
Hadaba walaalayaal waxaan jecelnahay bal in aad arrintaas eegtaan, mida kale Maraakiibta hadda Kooyaame ay ku hayaan Maleysiyada ka tirsan Beesha Soomaaliyeed ee ka midka Isbahaysiga hoos taga Taliska Daanjab, isla markaasna ah Maraakiibtu kuwo Burcad ah oo badda Soomaliya ka guranayey Kallun iyo khayraad kalaba, oo waliba lagu tuhun san yahay in ay ka midka yihiin maraakiibta cadaysatay in ay badda ku soo shuban Sunta iyo khashinka nukleyrka haraagiisa, dhawaalahaan lagu arkayey haamo ku soo caaryaya xeebaha Soomaliya, sababayna meelaha Qaarkood in ay cuduro aan la garanayn ka dhashaan.
 
Isku soo wada duuboo taliska Daanjab ee Hiiraale wuxuu weerar ugu beegsan waayey kuwa  sida bareerka ah dekedda kismayo ugu sameeyey falalkaas burcad nimada ah, waa isaga gulufka iyo boolo xooftada ku wada kuwa kooyaame ku haya Maraakiibta Burcadda ah oo tuugada ah, mise taa tuug kalkaal oo isagaa shayr la ka  qaatay sida caadada u ah Dagaal-oogayaasha Soomaaliya.
 
Ugu dambeytii waxaan leenahay hiiraale ma suurtoobayso Tajiifiyaana banaan la taagaana bannaan, taasi waa wixii rag hortaa eeday dadkuna doqon ma aha, waxa aad midna dalacsiinaynsaa midna aad gulufka ku wadaa waa maleysiyada aad taliska ku sheeganaysid.
 
MOx'd SH.Mox'ud (Garyare) UK
dini_89@hotmail.com
 

Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.


 

allgedeo@allgedo.com
 

 

 

All Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved.
contact us at:
webmaster@allgedo.com