KHAYRAADKA BADDA SOOMAALIYA
WAA BAYLAH:
Waxaan wada ogsoonahay in ay jiraan qawaaniin
caalami ah oo adduunka looga dhaqmo, kuwaas oo
kala saaraya ama qoondaynaya biyaha badda,iyada
oo dalalku ay ka helayaan biyahas saami mid
walbaba u gaar ah oo ay ilaashato, saamigaas gar
ka ah ayaa ah ilaa 200 mile waxii ka baxshan waa
biyo caalami ah oo ka dhaxeeya marakiibta
adduunka oo dhan,iyada oo 20 ka mile ee ugu
sokeeya uu dalku gaar u leeyahay.
Haddaba waxii ka dambeeyey Burburkii Qarankii
Soomaaliyeed 1991dii, waxaa wax yeelo xoog lihi
soo gartay badda iyo khayraadkeedi, iyada oo ay
meesha ka baxeen hay'adihii u xilsaaraa
dhawrisreeda iyo waliba ciidankii badda
Soomaaliyeed ee X.D.Soomaliyeed oo iyagu har iyo
habeen heeganka u ahaan jiray ilaalinta Biyaha
Badda Soomaaliyeed.
Waxaa u soo futo xaytay Kooxo iimaan laawa yaal
ah oo qabqablayaal dagal ah, kuwaas oo iyagu la
gala heshisyo tuuga ah, shirkado iyo waliba
Dawlado shisheeye, iyagoo siiya warqado been
abuur ah oo ay ugu ogolaanayaan in ay ku dhacaan
ama kula baxaan khayradka badda Soomaaliyeed,
iyagoo ka qata Wax xoogaa lacag ah oo ay hub iyo
Saanadba ku soo iibsadaan, si ay shacabka
Soomaaliyeed ugu xasuuqaan.
Waxaa in taasi ka daran in ay heshiisyo been
been ah oo tuuga ah la galaan qaarkood shirkado
ama dawlado, si khashinka sunta haraaga ah ee
nukleerka loogu soo shubo badda
soomaaliya,taasna waxaa ka marqaati ah in
waayahan ay soo badanayeen haamaha ku soo
caaryaya xeebaha Badda Gobollada Soomaaliyeed,
iyada oo goobaha qaarkood ay ka dilaaceen cuduro
halis ah oo ka dhashay suntaas, sababayna
dhimasho iyo bukaan socodba iyo waliba baaba ku
yimi kalluumka badda Soomaaliyeed.
Waxaa lagu qiyaasaa in maalintii ay ka
jillaabtaan biyaha Soomaliya Maraakiibtaas
tuugada ah ee burcadda ahi Malaayin tan oo
noocyo kala duwan ah oo kalluunka badda
Soomaaliyeed ah.
Waxaa intaas sii dheer in ay xaalufiyaan oo ay
ku isticmaalaan shabaagado ka mam nuuc ah
adduunka in lagu jillaabto, iyada oo ay
kalluunka yaryar inta soo qabtaan haddana iska
daadiya ,waxaana lagu arkaa badda Soomaaliya
Malaayin kalluun ah oo la dilay oo iska
sabaynaya.
Hadaba shacabka Soomaaliyeed,waxaa la gudfboon
in ay hurdada ka kacaan oo haddii aysan Dawlad
guud jirin ee Dalka Maamusha , ay deegaanka
walba uu isagu hiladiisa dhawrtaa, oo uu ka
difaacaa dhuuni qaatayaasha u eg iyaga iyo kuwa
kalaba, kuwaas oo isku bahaystay in ay dhacaan
oo boobaan hantida dadka iyo dalka Soomaaliyeed
uu alle qaybta u siiyey.
Waxaa wax xun ah in la wax yeeleeyo maraakiibta
sida adeega oo iyagu ku soo socda ama ka
baxahaya biyaha Soomaaliya, iyo waliba kuwa
samafalka ah oo ummadda u wada mucaawi madka
caalamku u ugu dheeqo dadka tabaaleysan ee ku
kala Nool gobollada dalka Soomaaliyeed, iyo
waliba Maraakiibta Safarka ku ah biyaha
caalamiga ah.
Arrintaas oo kalena waxii ku kaca waa in la
canbaareeyaa oo aan la amaanin, balse qofkii ama
kooxdi qabataa Maraakiibta tuugada ah, ee ka
qaraabata xeebaha Soomaaliya,si ay u dhacaan
khayraadka Dalka, ama ay ugu shubaan waxyaalaha
Sunta ah ee laga soo fogeeyo deegaanada wadamada
warshadaha leh ee adduunka, waxay mudan yihiin
Ammaan iyo waliba bogaadin ee ma mudna in loogu
yeero burcad badeed.
Waxaa loogu yeeri karaa geesiyal ah ilaalo dal
jir ah , waana in ay iyaguna u dhaqmaan si
habsan oo leh xilkasnimo iyo ismaqal, isla
markaasna ay dadka waxgaradka la socodsiiyaan
waxa ay qabanayaan ama ay qabteenba, si loo
mariyo waxa ku haboon.
Ugu dambeyntii waxaa caddaan ah in Khayraadka
Badda Soomaaliyeed uu yahay mid baylah ah, isla
markasna ay dhibaato iyo xaalufinba u gaystaan
Maraakiib ay la heshiiyaan qabqableyaal iyo
kooxo burcad badeed ah, iyada oo laga helayo
warqado ay siiyaan maraakiibtaas, sida kuwa
maalmaahaan xaaladoodu ay ka taagan tahay
Magaaladda Kismayo.
Moxamed Shiikh Moxamuud(Garyare)UK London